-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Still calaacal ayee wadaan against kuwee isla jireen: Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya habraac doorasho oo halis ah oo lasoo wado – Maxaa ku qoran? Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan berri, kadib markii ay warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro. Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan, oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya. Midowga Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen. Sida muuqata, musharaxiinta mucaaradka iyo madax goboleedyada oo markii hore isbaheysi ahaa ayaa hadda ku kala tagaya dano iyo damac siyaasadeed, waxayna noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran. Dhinaca kale, guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal kooban oo uu facebook soo dhigay ku yiri “Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.” Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in hindisahan uu yahay qabyo qoraal, oo aanu weli guddiga kasoo bixin, taasi oo macnaheedu yahay in guddiga ay beeniyeen kaliya inuusan ayaga kasoo bixin, balse aysan beenin jiritaanka qabyo qoraalka. Hindisaha Xulidda Ergooyinka Doorashada A) Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeeynaya DXDF waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka diiwan gashan DXDF iyo Bulshada rayidka ah (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga), waxaana la hubinaya DXDF. Sidoo kale ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada iyo bulshada rayidka (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga) ee la isla ogolyahay, waxaana dabagalaya oo korjoogteynaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. B) Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah. C) Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka kursiga wadaaga. D) Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jufooyinka wadaaga ergada. E) Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama. F) Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadar-ogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha. G) Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah. H) Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, Iiiska ergada ee kursi kasta waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga hortago faragalinta argagixisada (Iyagoo ka hubinaya hey’adaha danbi barista) iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada. Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya hay’adaha amniga, waxaana korjoogteynaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. -
Soomaalida can really design good
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Haa, it is. Daljirihii hore ee Kiinya u fadhiyey Soomaaliya ayaa dhistay. At least dal shisheeye (Nayroobi) kama dhisan. I applaud him for that. -
Another C/raxmaan C/shakuur's MOU fiasco
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sawirkaan yaa loola dan leeyahay taloow. -
Aqalkaan berisamaadkii i soo xasuusiyey, guryo badan Xamar ku yaalay saan u dhisnaa, siiba degmada Hodan iyo aaga garoonka diyaaradaha. I just wish more public, not private, lands were beautifully designed.
-
Soomaali Olympics team
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soomaalis got two silvers and a bronze. Not bad really, inkastoo calamo qaaf ah u ordaayeen. -
The lack of real blame and Resolution in Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to AbdillahiSamatar's topic in Politics
Samatar, what is your intention for this thread than to cause division? -
Another C/raxmaan C/shakuur's MOU fiasco
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I am sure tolka ayaa waalooyo, financial lobbying from those who benefit from importing jaadkii xumaa. -
Another C/raxmaan C/shakuur's MOU fiasco
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Horaa loo dhahay, "Mar i dage, Alla ha dago - labo mar i dage, anaa isu dagay." -
Hadduu sawirkaan hoose madaxweynaha ahaan lahaa ka warama? Dad aan ogahay quuqdooda ma dhamaateen.
-
Another C/raxmaan C/shakuur's MOU fiasco
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
HESHIISKA DHAQAALAHA BULUUGA ( BLUE ECONOMY) Dowladda Federaalka waxay heshiis la saxiixatay dalka Kenya, kasoo ku saabsan blue economy, hadaba waxay 'Blue Economy?' Blue economy waa fikir cusub oo hada ku soo ifafa baxaya caalamka, xuduntiisana ay tahay iska kaashiga badbaadinta qeeyraadka badda iyo cilimilada. Hadaba waa maxay sababta ay Kenya sida gaarka ah u daba socoto fikirkaan cusub? Kenya waxay qayb wayn ka tahay wadamada bah-wadaaga leysku yiraahdo ( Commonwealth) waxayna ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee fikirkaan qaban qaabisay inuu qabsoomo, kasoo la magac baxay Commonwealth Blue Charter, ayaduna hormuud ka ahayd. SEDEE BAY RABTAA INAY U ISTICMAASHO HESHIISKAAN? 1- Inay samayn ku yeelato go’aanadda laga sugaayo caalamka, gaar ahaan Maxkamadda Cadaalada aduunka ( ICJ). 2- Waxay kaloo rabtaa in heshiiskaan ayku badasho fikirradaha caalamka oo ay muuqato dal Soomaaliya la leh xiriir saxiibtinimo oo labada dal iska kaashanaayo dhanka dhaqaalaha badaha. 3- Waxay kaloo rabtaa Go’aanka Maxkamadda ka hor, inay u muuqato in Soomaaliya iyo Kenya wada hadal u socdaaan si dib loogu dhigo Go’aanka Maxkamadda. 4- Inta uusan dhicin shirka loo balansan yahay ee isbuucaan Golaha Amaanka ee Qaramada modoobay ee looga hadli doono Arimaha Bada inay fariin u dirto golahaas ayada iyo Soomaaliya in wada hadal u socdaan iyo is afgatad. Soomaaliya waxay mareeysaa xili xasaasi ah oo caalamka ay aad ula yaaban yihiin hab-dhaqankooda siyaasadeed, hadaba yaa masuuliyadaas u qaadi doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed barito? Xigasho: Qoraa Sheekhnuur Abuukar Qaasin, bartiisa Facebook. -
So, Kiikuuyo are thinking they can fool Soomaalida as well as the judges of the ICJ with their latest, rushed version of memorendum of understanding. This time, they are calling it a sharing 'blue economy' and it appears some, same misguaded maryooleey are falling for it. Will Maxamed Xuseen Rooble be the next Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame by signing this unnecessary, illegal so-called agreement? Ma beri ayuu dhihi doonaa waala ii qariyey and blame the foreign minister? This shameful, so-called,agreement just wantbto muddy the incoming rulenof ICJ and illegal already in decent Soomaalis eyes. It will not go anywhere.
-
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Odey wareersan. -
Soomaali Olympics team
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Five months later, xirooyinkii barakacyaasha wali waa furanyihiin and Kiikuuyo wasiirada arrimaha dibadda in Muqdisho today.
-
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xabdi Xaashi knew he would lose, so he didn't send his representatives, instead the usual odey dhaqameed spoilers - Xaaf and co. - ayuu qado u sameeyey maanta, pleading on his behalf. -
-
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sababta rasmiga ah ee Cabdi Xaashi u diidan yahay qorshaha R/Wasaare Rooble Doorashada guddoonka guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay Sabtida ka dhacdo xerada Afisyoone, si loo mideeyo labada garab ee guddiga ee la kala safan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Si kastaba, garabka siyaasiyiinta gobollada waqooyi iyo Cabdi Xaashi ayaa diidan doorashadan, oo ay u arkaan in hoggaanka guddiga loogu gacan gelinayo garabka Mahdi Guuleed. Qoraal shalay kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi ayey ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble. Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone? Sii aqriso -
Kuraasta xildhibaanada Waqooyiga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wali waala is-haayaa. It is now Rooble vs Xaashi. Rooble oo war kasoo saaray doorashada iyo go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxa uu uga warbixiyay golaha doorashada Aqalka Sare, isagoona siiyey go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda. Waxa kale oo uu sheegay in kulan ay iskugu imaan doonaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib marka lasoo afmeero doorashada Aqalka Sare, kaasi oo looga arinsan doono sidii horey loogu sii amba-qaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka. Go’aanka uu Rooble ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa qaadacay garabka Cabdi Xaashi oo u arka mid uu Ra’iisul wasaaraha ugu xaglinayo dhinaca Mahdi Guuleed, waxayna arrintaan mugdi hor leh galin kartaa doorashada kuraasta gobolada Waqooyi. -
President Laftagareen delivered for his friend.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Reer Koonfur Galbeed meme about Aqalka Sare: -
Maakhiri is trying to pull a Cali Khaliif Galeyr miyaa? In the end waala ogyahay meesha lagu maamusay aaskiisa qaran, laguna aasay the late barfasoor. Xamar lagama maarmo meeshaad rabtid joogee. Having said that, what the likes of daneystiyaasha Reer Waqooyi Bari ee Deni, Faroole, Gaas and co. have done to Reer Sool and Sanaag in the last two decades, I can understand their frustration. Qof kula sheeganaayo in uu kula dhashay, haddana rabo inuunan wax kula qeybsan, kaligiis iyo reerkiisa kaliya wax iska cunaan, adiga iyo reerkaagana la qadiyo.
-
Markii la lagu wareero federaalnimada la soo dhoob dhoobay tanoo kalaa dhacdo.
-
President Laftagareen delivered for his friend.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
And Qoorqoor seems might deliver, too: Qoorqoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska Aqalka Sare Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas. Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan. Xigasho -
Dagaalka kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah. Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay. Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia. Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Xigasho