Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Streamable Video STREAMABLE.COM Watch this video on Streamable.
  2. Waa ku salaamay, Shirwac. Magaca abtirsiga afaraad hooyo ayaa Shirwac Waceys ku jiray. Markaa magacaaga arkaba magacaas soo xasuustaa.
  3. Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay Taallada Halgamayaashii Soomaaliyeed ee SYL Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa ubax lagu maamuusayey gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna dhigay Taallada SYL. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Taallada SYL ay ka mid tahay xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ayaa halkaas xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka, iyaga oo naf iyo maal ba u soo huray Gobanimadeenna. Kaddib markuu Ubaxa dhiggay Taallada SYL, Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu usii gudbay Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socoto Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, isaga halkaas khudbad ugu jeedinaya shacabka Soomaaliyeed. Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa Xalay iyo Maanta waxaa si weyn looga dareemaya u dabaaldega maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo maanta ku beegan.
  4. Cuqdadaan iyo naceybkaan ila arka: Haweenay la xiray kadib markii ay isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro gubayay calanka Soomaaliya Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Degen Miiraash oo isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro magaalada Borama ku gubayay calanka Soomaaliya. Dhalinyarada ay Degen isku dheceen ayaa calanka Soomaaliya ku gubayay gudaha Borama. Waxa jira dhalinyaro ilaa shalay baraha bulshada ku faafinayay calanka Somaliland oo ay la hayen calankayagu waakan. Isla saakana koox dhalinyaro ah ayaa calanka buluuga ah ee Soomaaliya ku gubay gudaha Boorama. Degen ayaa marsii horaysay xabsiga loo taxaabay kadib markii ay calanka Soomaaliya ku sharaxatay gurigeeda, iyado mudo kadib lasoo daayay.