Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,654
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Neefkaan been hawaaska ah been badanaa. Teeda kale ciyaal muu na moodaa? Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa in shan taallo naloo dhisaa maadaama aan badbaadinay badda Soomaaliya Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay u qalmaan in loo taago Taallooyin lagu xasuusandoono kaalinta xukuumadii uu katirsanaa ay ka qaadatay badbaadinta badda Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay, haddii uusan jiri lahayn heshiiskii MOU ee uu saxiixay sannadkii 2009, in maanta aa la gaari lahayn guusha Soomaaliya ka gaartay dacwadda ee hortaalla ICJ. “Kenya, 2005 ayay baddeenna goosatay. 2009 waxaan ku niri ma goosan kartaan, haddii aanan oran lahayn sidaas, way iska qaadan lahayd Kenya baddeenna,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga wadajir. “Waxaan rabnaa taallada cidda loo dhisayo, kow, innaga in aan noqono. Labo rajiimkii naga dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheikh, oo isagana dacwadda geeyay maxkamadda. Saddex, Farmaajo kiisa wuu ugu dambeeyaa, inuu ku adkaystay illaa dacwadda dhamaatay in uusan ka bixin dhufayskii, isagana libintaas waa inuu qaataa,’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta dhegaysiga xukunka dacwadda badda oo ay maalinta berrito ah ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ. Wafdi dowwladda katirsan oo uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guulleed Khadar ayaa haatan ku suga magaalada Hugue ee dalka Holland oo ay ku taallo maxkamadda. Xigasho
  2. Labadii xaaraan ku heshiiso... Mahad Salaad oo si xun ugu jawaabay Axmed Fiqi Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macalin Fiqi uu galabta qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad. Fiqi ayaa sheegay in dadkii shalay hor taagaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamareeb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, “Wax ka jira maleh , laguma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dareemay deegaanka oo Al-Shabaab waa carareen,” ayuu yiri Fiqi. Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiiday mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, “Soo u ekaa maayaan niman shalay diidanaa nidaamkii iyo madaxweynihii jiray? Laakiin shalay waan ku raacsanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, “Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noola mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.” Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, “Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.”
  3. Maxaa lagu qanciyey ciidankii gadooddka ku qabsaday qeybo kamid ah Gaalkacyo? Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay xalinta tabashada ciidankii daraawiishta ee dhowaan gadoodka ka sameeyey koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Falagle ayaa sheegay in ciidamadaas ay ugu dambeyn dib ugu laabteen saldhigyadooda, kadib wada-hadal dheer oo lala galay saraakiisha hoggaamineysay, lana qanciyey. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baneeyeen Kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaalkacyo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamadaasi, wuxuuna ballan qaaday inay sidoo kale heli doonaan mushaaraadka ka maqan ee keenay inay gadoodka sameeyaan. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug inay is dajiyaan, wuxuuna ka digay in looga sii daro xaaladda maamulkaas oo culeys wajahaya. Arrintan ayaa qaboojineysa xaaladdii cakirneyd ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Gaalkacyo, tan iyo markii ay ciidamadu la wareegeen Kastamka Canshuuraha oo ay heysteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ka saaray Booliiskii heystay. Xilliga ay gadoodka sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aaday, markii uu iscasilay wasiirkii amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan,waxayna dadka qaar ay shaki weyn ka muujiyeen waxa isku soo aadiyey iscasilaada iyo gadoodka. Si kastaba, Galmudug ayaa lugaha la hashay xiisad horleh, kadib markii Ahlu Sunna ay dib usoo rogaal celisay, isla-markaana ay qabsatay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
  4. Markii horeba qalad loogu dhiibay jago wasiir kan, asagoo iska casilin jagadiisa xildhibaannimo, taas oo jabineyso qeerka qaranka. Lama mushaar isku qaadanaaye waliba. It also shows tolka are divided between Qoorqoor and Rooble camps now. Qoorqoor is cleansing wixii Rooble hoos ka taageersanaa, madaxweynahana ka soo horjeeday. Fiqi oo iska casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casilay kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo xiisadda kala dhaxeysa Ahlu-Sunna. Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in xiisadda Galmudg iyo Ahlu-Sunna lagu dhameeyo wada-hadal balse Qoor Qoor “uu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey” Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Fiqi Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda. Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel. Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.
  5. Then xawaalidihii like Barakaad, Dalsan, Qaran, et al, happen when these aforementioned people suddenly lose their tens of thousands dollars of lifesavings.
  6. Muuse Muqayil dadkii dhan ayuu isku diray: Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u diray xukuumadda Soomaalilaan Golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay tallaabaddii ay Somaliland kusoo masaafuriyey dadka ka soo jeeda koonfurta ee ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Qoraal kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan, ayna ka xun yihiin in si qasab ah loo soo barakaciyo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan waxaana ay tilmaameen in falkaas uu meel ka dhac ku yahay islaanimada iyo Soomaalinimada “Wuxuu kasoo horjeeda goluhu in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, dambi wadareedna loogu ciqaabo heyb iyo degaan ay kasoo jeedaan darteed, isla markaana ay u arkaan in falkaasi uu meel ku dhac ku yahay ,islaanimada, Soomaalinimada, Dimoqraadiyada, xaquuqul Insaanka iyo Sharciyada Caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday golaha midowga musharixiinta. Sidoo kale golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday Somaliland inay joojiso tallaabooyinka ka dhanka ah shacabka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda koonfurta. “Goluhu isaga oo ka damqanaya ku xadgudubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyay ayuu ugu baaqayaa madaxda Somaliland inay falkaasi ka fiirsadaan ,degdegna u joojiyaan ayaa lagu yiri’ Qoraalka Midowga Musharixiinta. Ugu dambeyn musharixiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ay isku xilqaamay u gar-gaarida dadkaasi dhibaateysan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay Somaliland Laascaanood kasoo saartay boqolaal dad ah oo ka soo jeeda dhinaca koonfurta, sababo la xiriira ammaanka magaaladaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.
  7. My late mother's old friend for decades since 1960s is what we Afmaay speakers call Reer Geegii Mariidi (meaning Reer Waayo Waayo). Her father and his relatives settled in Waajid, Bakool, oo wuxuu ka soo cararay dagaaladii Daraawiishta, long before Abaartii Dabadheer kuwa soo degay Koonfur Galbeed. This lady, who used to be a xildhibaan until 2017, Waqooyi Galbeed waxba kama taqaano oo Waajid ayee ku dhalatay and speaks pure Afmaay than Afmaxaa. She is Muuse Muqayil's jufadiisa sidaa maqlay. My late father's old ganacsade friend from 1940s was also another transplanted Reer Waqooyi whose family came to Xuddur, Bakool, area as well. Again dad ka soo qaxay dagaaladii Sayidka iyo Ingiriiska ahaayeen.
  8. He, like many of his ilk, did not as of now. Gabdhaha ka soo jeeda Sool oo xildhibaanada ah iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji ayaa ka hadlay bas.
  9. Or perhaps he is isolating from Covid or something. I don't think asaga iyo Axmed inay kala jabeen, after all dekadiisa inay Xabashada isticmaasho rabaa.
  10. Maxaa looga baahnaa reer Laascaanood, kadib tallaabadii Somaliland? Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa si adag uga hadashay dhacdadii Laascaanood, kadib markii ay Somaliland magaaladaasi kasoo masaafurisay dad ka soo jeeda koonfurta. Fowsiyo ayaa marka hore si kulul u cambaareysay tallaabada ay qaadday Somaliland ee lagu soo daabulay dadkaasi, waxaana sheegtay in arrintan ay tahay qalad weyn oo dhacay. Sidoo kale Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaadday in shacabka ku dhaqan magaalada Laacsaanood looga baahnaa in aysan ogolaan tallaabadaasi, isla-markaana ay aheyd in ay is hortaag ku sameeyaan gawaarida lagu soo qaaday dadkaasi shacabka ah. “Waxaan ku cambaareynayaa sida ugu adag waa qalad weyn oo dhacay aniga ila ma’aha in Ummadda Somaliland oo dhami inay waxaan raalli ku yihiin. Waxayse aheyd in shacbiga reer Laascaanood ay is hortaagaan baabuurtaasi oo aanay ogolaanin,” ayey tiri Fowsiyo Waxa kale oo ay intaasi ku sii dartay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay bar madow ku noqon doono taariikhda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigtay. “Waa dhacdo xanuun leh oo bar madow ku noqon doonto taariikhda Soomaaliyeed. Weli lama arag waxaan oo kale waxa ay ku dhacdo,” ayey hadalkeeda sii raacisay. Ugu dambeyn Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dadka lasoo masaafuriyey u ogolaadaan inay ku noqdaan Laascaanood, si ay ugu yaraan uga soo qaataan hantidooda, ugana soo rartaan wixii alaab ah ee ka yaalla magaaladaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dadkii ugu badnaa oo ka soo jeeda koonfurta ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood, kuwaas oo gaaray deegaanada Puntland. Xigasho
  11. Of course, it is. Waa mööryaanimo lagu dhuftay marqaanimo = this is the result, a new kind of bililiqo. Maalkooda iyo xoolahooda ay dhidid badan u soo mareen kasbadooda si sahlan lagu dhaco ayaa la rabaa.
  12. Odayaasha Laascaanood "Shaqo kuma lihin falka lagu masaafuriyay dad reer Koonfur Galbeed" Qaar kamid ah odayaasha degmada Laascaanood, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in aan lagala tashan masaafurinta dadka reer Koonfur Galbeed, isla markaana, anay ku qanacsanayn habka loo maamulay tarxiilka bulshadaa. Waxay sheegeen in amarka lagu tarxiilay bulshada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu kasoo fulay wafti wasiiro iyo saraakiil ciidan ah, oo xukuumada Somaliland usoo dirtay xal ka gaadhista amaandarada Laascaanood. "Waftigaa Hargaysa ka socda oo xukuumadu soo dirtay markii ay yimaadeen kadib waxa soo baxday in dadkii la raray, dad kaa la rarayo waa dad deegaanka Laascaanood in badan daganaa caruurihii ku dhashay ayaa xaasas ku yeeshay, hadii xataa loo arkay in la raro waxan leenahay sida loo raray si sax ah maaha" mid kamida odayaasha ayaa sida yidhi. Odayaasha ayaa soo jeediyay in madaama oo dadka la raafay ay hanti ku lahaayeen magaalada, hantidaasi oo anay qaadan, in hantidoodii loo ilaaliyo isla markaana, madaxda iyo wax garadka Laascaanood ka wada shaqeeyaan sidii dadkaa iyo hantidooda laysku gaadhsiin lahaa. Waxay sheegeen in ay ahayd arrin si deg deg ah loo qabtay. "Waxaanu u sheegaynaa bulshada in arrinkaa maamulku aanu nagala tashan, oo ay ahayd arrin la dadajiyay oo si deg deg ah loo qabtay.. dadkaa si qax ah ayaa loo raray qof qudha oo shay qaatay malahayn, dadkaa hantidoodi iyo alaabtoodii waxaanu ka codsanaynaa dadka gobolka Sool ku dhaqan ee masuuliyiinta ah in dadka hantidoodi gacanta loogu dhigo" sida waxa yidhi mid kamid ah odayaasha. Xukuumada Somaliland ayaa qaaday howlgal ay ku qab qabanayso isla markaana, gobolka Sool kaga tarxiilayso dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ilaa iyo hada inta la hubo waxa la tarxiilay ku dhawaad 700 oo qof.
  13. Feysal Dhurwaa is at least making sense this time.