Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Where are xildhibaanadii dumarka ahaa maba arkiyee? Mise meesha waa wada faaraxyaal?
  2. Sababta rasmiga ah ee Cabdi Xaashi u diidan yahay qorshaha R/Wasaare Rooble Doorashada guddoonka guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay Sabtida ka dhacdo xerada Afisyoone, si loo mideeyo labada garab ee guddiga ee la kala safan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Si kastaba, garabka siyaasiyiinta gobollada waqooyi iyo Cabdi Xaashi ayaa diidan doorashadan, oo ay u arkaan in hoggaanka guddiga loogu gacan gelinayo garabka Mahdi Guuleed. Qoraal shalay kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi ayey ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble. Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone? Sii aqriso
  3. Wali waala is-haayaa. It is now Rooble vs Xaashi. Rooble oo war kasoo saaray doorashada iyo go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxa uu uga warbixiyay golaha doorashada Aqalka Sare, isagoona siiyey go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda. Waxa kale oo uu sheegay in kulan ay iskugu imaan doonaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib marka lasoo afmeero doorashada Aqalka Sare, kaasi oo looga arinsan doono sidii horey loogu sii amba-qaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka. Go’aanka uu Rooble ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa qaadacay garabka Cabdi Xaashi oo u arka mid uu Ra’iisul wasaaraha ugu xaglinayo dhinaca Mahdi Guuleed, waxayna arrintaan mugdi hor leh galin kartaa doorashada kuraasta gobolada Waqooyi.
  4. Maakhiri is trying to pull a Cali Khaliif Galeyr miyaa? In the end waala ogyahay meesha lagu maamusay aaskiisa qaran, laguna aasay the late barfasoor. Xamar lagama maarmo meeshaad rabtid joogee. Having said that, what the likes of daneystiyaasha Reer Waqooyi Bari ee Deni, Faroole, Gaas and co. have done to Reer Sool and Sanaag in the last two decades, I can understand their frustration. Qof kula sheeganaayo in uu kula dhashay, haddana rabo inuunan wax kula qeybsan, kaligiis iyo reerkiisa kaliya wax iska cunaan, adiga iyo reerkaagana la qadiyo.
  5. Markii la lagu wareero federaalnimada la soo dhoob dhoobay tanoo kalaa dhacdo.
  6. And Qoorqoor seems might deliver, too: Qoorqoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska Aqalka Sare Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas. Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan. Xigasho
  7. Dagaalka kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah. Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay. Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia. Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Xigasho
  8. Senator-kii Labaad oo lagu doortay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada goordhoweyd magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed lagu doortay Kursigii labaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, taasi oo ay ku tartameen labo musharax oo dumar ah. Kursiga 2-aad ee maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, oo kamid ah musharaxiintii uu hore u shaaciyey madaxweyne Lafta-gareen. Waxay guusha Kursigaas raacday Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ayadu noqoneysa Senator-kii labaad ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ee ku metelaya Aqalka Sare ee dalka. Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay 79 cod, halka Farxiyo Nuur ay heshay 8 cod oo keliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa goor sii horeysay loo doortay Kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee maamulkaas, kaasi oo ay ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali oo ayadu horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana markale difaacatay kursigeeda. Waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xigasho
  9. Xulasho continues. Koonfur Galbeed oo dooratay Senatorkii ugu horeeyey – Yaa kusoo baxay? Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qabashada doorashada, waxaana kursigii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee maamulkaasi lagu doortay magaalada Baydhabo, taas oo ay ku tartameen labo musharrax oo dumar ah. Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer federaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Kursiga 1-aad ee doorashadiisa maanta la qabtay ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan oo ka mid ahaa musharixiintii uu horey u shaaciyey madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Guusha ayaa waxa ay raacday Samzam Ibraahim Cali oo 81 cod heshay, halka 4 cod ay heshay masharrax Shariifo Xaji Cismaan oo la tartameysay, waxaana sidoo kale halaabay illaa 7 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed. Samsam Ibrahim Cali ayaa horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo markale difaacatay kursigeeda. Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada afarta kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka. Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
  10. The real question is, will Deni deliver for Xasan Sheekh? Mise Damjadiid waa iska magac.
  11. Even his whole clan - which is Jawaari's clan and large - has lost a senate seat. Laftagareen's clan - which is Shaatigaduud's clan - instead gained one, a sister. These two clans deegaanada Buurhakaba iyo Baydhabo u dhaxeyso ayee degaan and are close by kinship; they were always in competeing against one another, inkastoo laga badanyahay Laftagareen qabiilkiisa. My clan's senate xildhibaan - a Xasan Sheekh's party's member - lost his seat too, but the clan retained the seat, keeping the five seats in baarlamaanka dhexe, the most in Koonfur Galbeed. This is why madax maamul goboleedkaan ugu soo horjeedeen doorasho qof iyo cod. Dad ay iska soo magacaabaan rabaan, probably bought seats.
  12. No need to pay a quarter million for a seat that was already pre-determined. Isn't this guy who also defended Tigrays?
  13. Qoraalkaan Banaadiriga ah ayaa Afmaay ah leedahay miyaa? I think it was Che who asked you before if aad Bari meel aan ka ahayn Soomaaliya ka aragtay ama tagtay.
  14. Magaca ayee doorasho ugu ciyaareen. This is one of the main reasons they were against doorasho qof iyo cod ah because dad ay gacantooda ku keensadaan ayee rabaan. Why would even mid hal magaalo ka taliyo soo xulanaa both candidates. What kind of BS xulasho is this. Afar Senator oo kusoo baxay doorashadii Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ka dhacay Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga hirgelinta doorashooyinka. Doorashada maanta oo aheyd mid xasaasi ah, islamarkaana billow u aheyd doorashada Aqalka Sare, ayaa kusoo baxay Afar Senator, halka ay ku tartamayeen 9-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda ay hore u baahisay Caasimada Online, kadib markii ay heshay xog ku aadan u gacan gelinta kuraastaas oo uu sameeyay Axmed Madoobe. Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb-gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo. Maxamed Axmed Sayid ayaa helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare. Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hase yeeshe waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac, waxaana u codeysay 71 mudane, wuxuuna sidaas Fartaag ku noqdo Senator-ka labaad ee kusoo baxa doorashada. Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 cod. Kursiga Afaraad ayaa sidoo kale waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hase yeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana sidaas ku hantay Iftiin Xasan Iimaan Baasto oo cod gacan taag ah ku noqdo Senator-kii Afaraad ee ku guuleysta kursigaas. Arrimaha yaabka leh ee ka dhacay doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa aheyd in badanaa ay musharaxiinta qaarkood tanaasuleen, halka qaarkood hore looga sii shaqeeyay in cod aqlabiyad ah kusoo baxaan. Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ay heshay oo sheegaysay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah. Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa. Labada Nin ee ay keensadeen Fartaag iyo Iftiin ayaa u tanaasulay, waxayna sidaas ku heleen cod aqlabiyad ah oo ay uga mid noqonayaan Senator-da cusub ee Aqalka Sare. Xigasho
  15. Fool nin ayuuba/ayeeba leedahay. Intee ka soo maqashay laakiin warkaan?
  16. Gaal is the original Cushitic word. You also didn't address why some Afmaxaa-speaking clans have Maay names in their clans, which again tells you it is older than Afmaxaa.
  17. Ramla Cali oo maanta ciyaareysa tartanka Feerka oo ay Soomaaliya ku mataleyso Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa maanta galinka dambe ciyaareysa tartanka Feerka Olimbikada ee ka socda wadanka Jabbaan, kaasoo ay Soomaaliya ku mataleyso qeybgalkeeda. Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa galabta la ciyaari doonta gabar u dhalatay dalka Roomaaniya oo lagu magacaabo Maria Claudia, taasoo ay wada feertami doonaan, waxaana feerkooda uu noqon doona kii 16-aad ee tartanka. Ramla Cali ayaa horay usoo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah oo tartan feer ku guuleysata, waxayna markale dalkeeda Soomaaliya u sameyneysa taariiq muhiim ah. Gabadhaan Soomaaliyeed ee Ramla Cali ayaa sanadkii 2017 ku guuleysatay tartan feer oo ay ka qeybgashay, waxaana guusheedii waqtigaas waxii ka dambeeyay ay go'aansatay in dalka Soomaaliya ay ku matasho tartanada Olimbikada gaar ahaan qeybta feerka. Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale il gaar ah ku eegaya tartanka adag ee maanta galeyso gabadhan Soomaaliyeed, iyagoona u rajeynaya iney ku guuleysato tartanka ay ku wajahi doonto gabadha u dhalatay dalka Roomaaniya.
  18. Xabashida waa naf jecelyihiin, fuleynimana waa lagu ogaa tan iyo Axmed Gureey, hence hilibka ceyriinka ah. They always depend on others to help them.
  19. So why the original word for camel - gaal - is maintained in Afmaay and not in Afmaxaa? All these clan and place names that have the prefix-or-suffix gaal, not geel. Also what do you call 'friend' in Afmaxaa? Saaxiib? Carabi u daa afkooda, so what else do you call it? Amiiko? Talyaaniga u daa ereygooda iyagana. In Afmaay, it still has the original Soomaali word for friend - widaay. Careys Ciise Kaarshe used this widaay word in many of his saars, not saaxiib. Your own amalgamate clan name with Reer Sool and Sanaag has a Maay word for nin ragga ah, so is the clan confederation name for Reer Xaayoow iyo Iljeex, which in Afmaay means dawn early morning. They didn't name their confederated name Waaberi, instead they chose the old Maay word. Many Soomaali clans have Maay words and names, which itself tells you that Afmaay is older than Afmaxaa, which in the last century or so was heavily influenced by Carabiga iyo Talyaaniga. Forget about the Waqooyi version of Afmaxaaga, with their beyd (ukun), daqiiq (bur), milix (cusbo), xamxam (musqul), digaag (dooro) and so on, most of them borrowed from original Carabi words.
  20. Che, you think the secessionists would like to see Soomaaliya prosper and her good name to have rightly restored? I won't be surprised haddee habeenkii ku duceystaan inay Soomaaliya curyaanimo sii ahaato, thinking that won't affect them.
  21. Afmaayga Afsoomaali ma'aha miyaa? Reer Afmaay speakers can naturally speak and underdtand Afmaxaa if they want to because Afmaay is foundation of Afmaxaa. It is only when it comes to qowdhan verdion of Afmaxaaga that Afmaay speakers don't understand, same with the rest Reer Koonfurta hoose degan struggle with qowdhan version.