Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Oh maan, secessionist only cares about tan iyaga ku dhacdo. Everything was alright miyaa when ceelasha Mudug iyo Nugaal ku yaalo la duugaaye in 1970s because of the alleged support for jabhadii xilligaas jirtay? Such a dishonest waa lagu ogyahay secessionist.
  2. How do you know who Shirwac's kin and clan are? So you admit now you are a secessionist? If so, waxba meelaha hala gamban.
  3. Have you seen this image below, Mr Blamer? All these ministers serving well for Siyaad Barre were your Reer Waqooyi uncles. Now, using and following your esteemed logic, do you blame all Reer Waqooyi too as well? Especially when this picture was taking in 1970s, Kacaanka were burying wells in Mudug and Nugaal in the name of fighting jabhad from there. Now, should all Reer Waqooyi apologize for this?
  4. Nothing is fishy. They captured Afgaanistaan as quickly as they are doing now in mid '90s, too. I guess Reer Afgaanistaan want them. I hope they matured up in the last 20 years and not pull these headline-grabbing stunts their undisciplined militia did back then. So far, they are not massacring their caotured opponents. They call themselves students, yet are very poorly educated, though.
  5. Kandahar and Herat, the second and third biggest cities, down now.
  6. Xaaf oo laga yaabo inuu u tanaasulo Qeybdiid iyo waxa uu dhaafsanayo Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee uusan weli ku dhawaaqin madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa ku tartamayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo muddo 4 sano ah ku fadhiyey kursiga laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo iyo madaxweynihii hore ee Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa dib u dhigay magacaabista liiska kursigaan oo la filayo in loo xiro Cabdi Qeybdiid, waxaana kursigaan ka taagan dood culus oo ka dhex jirto Beesha Sacad oo ah Beesha isla leh kursiga iyo madaxweyne Qoor Qoor. Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, waxaa socdo wada-hadal u dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna wararka hoose sheegayaan inay suuragal tahay in Xaaf lagu qanciyo inuu isaga haro tartanka kursiga. Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Xaaf usoo bandhigay in la siiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana la siiyo lacag si uu isaga haro tartanka kursiga islamarkaana loo siiyo Cabdi Qeydiid. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo , madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dalbaday in la siiyo lacag illaa 2 Malyan ah si uu isaga haro tartanka, balse waxaa arrintaas ku gacan seyray madaxweyne Qoor Qoor oo u sheegay inuusan hadda awoodin bixinta lacag intaas la eg balse uu isaga diyaar u yahay in lagu wareejiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Muqdisho la keeno. Haddii Xaaf uu aqbalo qorshaha uu wado Qoor Qoor, waxaa hoos u dhici doonto cabsida laga qabay dhibaato ka dhalato kursiga maadaama uu Xaaf ku hanjabay inay dhibaato weyn dhici doonto haddii kursigaan loo xiro shakhsiyaad gaar ah, waxaana sidoo kale jiro musharax u taagan xilkaan balse aad ayey u yar tahay fursadda uu kursigaan kaga qaadan karo Cabdi Qeybdiid. Sababta Xaaf looga cabsanayo in lagu soo daro dadka u tartamayo kursigan ayaa ah ilaa 3 qodob: 1- Inuu taageero weyn ku dhex leeyahay Baarlamaanka Galmudug 2- Beesha kursiga iska leh oo uu taageer xoog leh ka heysto. 3- Inuu yahay siyaasi diyaar u ah inuu lacag xoog leh ku bixiyo sidii uu kursigaas u heli lahaa. Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba. Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf. Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay. Xigasho
  7. Still calaacal ayee wadaan against kuwee isla jireen: Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya habraac doorasho oo halis ah oo lasoo wado – Maxaa ku qoran? Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan berri, kadib markii ay warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro. Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan, oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya. Midowga Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen. Sida muuqata, musharaxiinta mucaaradka iyo madax goboleedyada oo markii hore isbaheysi ahaa ayaa hadda ku kala tagaya dano iyo damac siyaasadeed, waxayna noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran. Dhinaca kale, guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal kooban oo uu facebook soo dhigay ku yiri “Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.” Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in hindisahan uu yahay qabyo qoraal, oo aanu weli guddiga kasoo bixin, taasi oo macnaheedu yahay in guddiga ay beeniyeen kaliya inuusan ayaga kasoo bixin, balse aysan beenin jiritaanka qabyo qoraalka. Hindisaha Xulidda Ergooyinka Doorashada A) Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeeynaya DXDF waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka diiwan gashan DXDF iyo Bulshada rayidka ah (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga), waxaana la hubinaya DXDF. Sidoo kale ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada iyo bulshada rayidka (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga) ee la isla ogolyahay, waxaana dabagalaya oo korjoogteynaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. B) Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah. C) Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka kursiga wadaaga. D) Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jufooyinka wadaaga ergada. E) Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama. F) Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadar-ogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha. G) Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah. H) Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, Iiiska ergada ee kursi kasta waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga hortago faragalinta argagixisada (Iyagoo ka hubinaya hey’adaha danbi barista) iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada. Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya hay’adaha amniga, waxaana korjoogteynaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
  8. Haa, it is. Daljirihii hore ee Kiinya u fadhiyey Soomaaliya ayaa dhistay. At least dal shisheeye (Nayroobi) kama dhisan. I applaud him for that.
  9. Aqalkaan berisamaadkii i soo xasuusiyey, guryo badan Xamar ku yaalay saan u dhisnaa, siiba degmada Hodan iyo aaga garoonka diyaaradaha. I just wish more public, not private, lands were beautifully designed.
  10. Soomaalis got two silvers and a bronze. Not bad really, inkastoo calamo qaaf ah u ordaayeen.
  11. Samatar, what is your intention for this thread than to cause division?
  12. I am sure tolka ayaa waalooyo, financial lobbying from those who benefit from importing jaadkii xumaa.
  13. Horaa loo dhahay, "Mar i dage, Alla ha dago - labo mar i dage, anaa isu dagay."
  14. What is their endgame in this and Afgasnistaan? Mareykanka wuu isku buuqay, suu Shiinaha ugu walwalaaye wax walba isku walaaqay.
  15. Hadduu sawirkaan hoose madaxweynaha ahaan lahaa ka warama? Dad aan ogahay quuqdooda ma dhamaateen.
  16. HESHIISKA DHAQAALAHA BULUUGA ( BLUE ECONOMY) Dowladda Federaalka waxay heshiis la saxiixatay dalka Kenya, kasoo ku saabsan blue economy, hadaba waxay 'Blue Economy?' Blue economy waa fikir cusub oo hada ku soo ifafa baxaya caalamka, xuduntiisana ay tahay iska kaashiga badbaadinta qeeyraadka badda iyo cilimilada. Hadaba waa maxay sababta ay Kenya sida gaarka ah u daba socoto fikirkaan cusub? Kenya waxay qayb wayn ka tahay wadamada bah-wadaaga leysku yiraahdo ( Commonwealth) waxayna ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee fikirkaan qaban qaabisay inuu qabsoomo, kasoo la magac baxay Commonwealth Blue Charter, ayaduna hormuud ka ahayd. SEDEE BAY RABTAA INAY U ISTICMAASHO HESHIISKAAN? 1- Inay samayn ku yeelato go’aanadda laga sugaayo caalamka, gaar ahaan Maxkamadda Cadaalada aduunka ( ICJ). 2- Waxay kaloo rabtaa in heshiiskaan ayku badasho fikirradaha caalamka oo ay muuqato dal Soomaaliya la leh xiriir saxiibtinimo oo labada dal iska kaashanaayo dhanka dhaqaalaha badaha. 3- Waxay kaloo rabtaa Go’aanka Maxkamadda ka hor, inay u muuqato in Soomaaliya iyo Kenya wada hadal u socdaaan si dib loogu dhigo Go’aanka Maxkamadda. 4- Inta uusan dhicin shirka loo balansan yahay ee isbuucaan Golaha Amaanka ee Qaramada modoobay ee looga hadli doono Arimaha Bada inay fariin u dirto golahaas ayada iyo Soomaaliya in wada hadal u socdaan iyo is afgatad. Soomaaliya waxay mareeysaa xili xasaasi ah oo caalamka ay aad ula yaaban yihiin hab-dhaqankooda siyaasadeed, hadaba yaa masuuliyadaas u qaadi doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed barito? Xigasho: Qoraa Sheekhnuur Abuukar Qaasin, bartiisa Facebook.
  17. So, Kiikuuyo are thinking they can fool Soomaalida as well as the judges of the ICJ with their latest, rushed version of memorendum of understanding. This time, they are calling it a sharing 'blue economy' and it appears some, same misguaded maryooleey are falling for it. Will Maxamed Xuseen Rooble be the next Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame by signing this unnecessary, illegal so-called agreement? Ma beri ayuu dhihi doonaa waala ii qariyey and blame the foreign minister? This shameful, so-called,agreement just wantbto muddy the incoming rulenof ICJ and illegal already in decent Soomaalis eyes. It will not go anywhere.
  18. Five months later, xirooyinkii barakacyaasha wali waa furanyihiin and Kiikuuyo wasiirada arrimaha dibadda in Muqdisho today.
  19. Xabdi Xaashi knew he would lose, so he didn't send his representatives, instead the usual odey dhaqameed spoilers - Xaaf and co. - ayuu qado u sameeyey maanta, pleading on his behalf.