Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo waan waan ka dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa Muqdisho u tagay sidii ay waan waan uga dhex bilaabi lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo khilaafkoodu meel adag uu gaaray. Labada madaxweyne ayaa la kulmay raysal wasaaraha iyo madaxweynaha, waxayna kala hadleen in aysan qaadin tallaabooyin kale oo sii hurin kara khilaafka ka dhexeeya. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu aqbaleen dhex dhexaadinta laga dhex wado, inkastoo mid walbaa uu la yimid sharuudo ku xiran wada hadalka laga dhex bilaabay. Raysal wasaare Rooble ayaa ku adkaystay in taliye Bashiir Goobe uu yahay taliyaha NISA, sidoo kalena madaxweyne Farmaajo wuxuu ku adkaysanayaa in tallaabooyinkii uu qaaday raysal wasaaruhu aanay waxba ka jirin. Kulamada ayaa la sheegay in maanto oo jimco ah in ay sii soconayaan islamarkaana labada madaxweyne ay rajo wanaagsan ka qabaan in ugu dambayn la heshiisiiyo labada masuul ee dalka ugu sareeyo, si aanu khilaafkooda uu saamayn ugu yeelan arrimaha doorashada. Xigasho
  2. He is not only a hotel owner, which lacagtii lagu dhistay la dhacay from 2012-2016, but a corrupt one. He used to be a member of dowladii Xasan Sheekh. He himself could not explain meesha uu ka keenay lacagtaas uu ku dhistay hoteelkaas, claiming he is 30 jir 30 milyan shaqeystay.
  3. Can't dowladda Soomaaliya do something about this? Ninkaan iyo mercenaries like Rashiid Cabdi he controls mee dowladda Soomaaliya iska celin la'dahay? I remember Sanaawi regime agents ugaarsan jiray any major supporter or member of ONLF in Kiikuuyoland from 2005 to 2015. It is like Kiikuuyada are amateurly doing that now as well.
  4. Farmaajo ayaa ku qafiiftay. This has nothing to do with him per se. It has to do the dangerous precedent it sets in the future. Nin loo keenay meesha in uu kor kala socdo xulashooyinka (selection) wuxuuba iska dhigay qof awoodii dalka dhan loo dhiibay. Now he is setting foreign policies, making foreign deals, jagooyin uu magaacin ayuu ka qaadayaa, kuwa howshiisana ahayn wuu magacaabayaa. Qof siihaye ah maba isku maleeyo. Ku qabso ku qadi meysidee meesha la yimid - a true infamous Reer Mudug mentality. And naming the biggest tuug from dowladii Xasan Sheekh as a illegally inistalled minister is the biggest joke this Rooble dude pulled. Meesha wuu isku ceebeeyey markuu saan isku qaawiyey. All this after all has nothing to do the unfortunate disappearance and alleged killing of that covert agent. Gacmo shisheeye ayaa meesha ka muuqdo who think they got a chance to make a move.
  5. Gobolka tolka ayaa la kala gooy gooye. Maroodijeex, Haylaan, Salaxleey, Karkaar, Cayn, iwm - tuulooyinkii ee degmo ka dhigeen, degmooyinkiina gobollo. Waalasho.net
  6. Rooble cirkuu roob ku ogyahay hadduu u maleeyo sidaas sahlan jagada ku helaayo.
  7. Much ado about nothing. Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraalXigasho uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay. Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland. “Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland. Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay.
  8. Beesha Reer **** oo shaacisay in gabar laga afduubtay loona dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis Khaalid Muxumed Gaabane oo kamid ah aqoonyahanka beesha Reer *** ayaa si adag uga hadlay afduubka aargudashada ah ee ka billowday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Khaalid ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in gabadh ay qaraabo yihiin loo afduubtay kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana loo gacan geliyay kooxda Al-Shabaab, ayna dileen, sida uu sheegay. “Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga yaaba inay ogyihiin un wiilasha la afduubtay oo media-ha laga soo daayey laakiin labo asbuuc ka hor waxaa ka horeysay gabadh qaraabada ah oo la yiraahdo Anfac Sheekh Xuseen in laga afduubay magaalada Beledweyne oo loo gacan geliyay Al-Shabaab, looguna sheegay inay tahay askariyad ka tirsan ciidamada Hirshabeelle,” ayuu yiri. “Waxaa eedaas iyo tuhunkaas qabnaa inay ka dambeeyan kuwa hadda afduubteen oo shar-wadayaasha ah markay ku filnaan weysay in gabadhaas si dulmi ah ugu geeyaan Al-Shabaab, waxaan rabnaa in bulsho weynta Soomaaliyeed la socodsiino sida reerka iyo qoyska Ikraan dhibanayaal u yihiin, anagana waxaa nahay dhibanayaal oo lagu haysto wax aysan galabsan.” Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan ka fal-celin doonin falalka afduubka ah ee ay qaadeen maleeshiyada qaraabada la’ah Ikraan Tahliil, islamarkaana ay diyaar u aheyn inay qeyb ka noqdaan colaad loo yeerinayo, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay cadaalad rabaan, sida qoyska Ikraan Tahliil u rabaan, maadama uu ku doodayo in gabadh la qaraabo ah la dilay, kadib markii ay maleeshiyada qaraabada dhow yihiin Ikraan u gacan geliyeen Al-Shabaab.
  9. Kiikuuyo agent is quick to issue a statement on behalf of his Kiikuuyo masters. He never spoke/speaks duqeynta ay Kiikuuyada ka geystaan Gedo. Never.
  10. Already dhalinyaro ayaa lagu dilay, laguna afduubtay degmada Beledweyne due to aano qabiil. Maryooleey. Dad aanan waxba galabsan ayee dulminaayaan because of Fahad Yaasiin ayee isku qabiil yihiin. Yaab. Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda dhalinyaradii loo afduubtay kiiska Ikraan Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda u helaan dhalinyaradii dhowaan lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Dadaallada lagu soo daayey dhalinyaradan oo saddex ahaa, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ku heyb ah Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee maamulka HirShabelle. Sidoo kale arrintan waxay ku timid wada-hadallo dhex-maray odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka. “Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah,”. Ugu dambeyn Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo wanaaga iyo darisnimada, lana adkeeyo nabad-geylada deegaanka. “Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan daris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada daggan Degmada Baladweyne, ayuu raaciyey. Si kastab arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan soo shaac-baxday xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan, taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo agaasimihii NISA. Xigasho
  11. Is this another Qalbidhagax saga? First Rabi ha u raxmado walaasheena, waa haddee dhab tahay geerideeda. Reerkeedana samir iyo iimaan ayaan leeyahay. Laakiin meesha waxaa ka arkaa same ways magacii Qalbidhagax loo isticmaalaaye in loo isticmaalaayo magaca gabadhaan to score political points. Rabiyaa og wixii ku dhacay. Laakiin a lot of covert agents have been killed in Xamar in the last 12 years, so I don't know why is this a special case.
  12. Tarbuunka qeybtii hore la fadhiisan jiray lama degano. Baabuurta ayaa lagu dhaqaa saa ku arkaaye markaa 2019 tagay Xamar, fagaarihii la fadhiisan jirayna xoogahoo darbigeeda wali dhisan. Qeybtii yareyd ka dambeysay ayaa la dhistay laakiin iyo meelo yar yar. Qeyb kalena reero danyarley ah degan. Qabuuraha Qaranka dhulkii ka soo horjeeday Tarbuunka reero barakacyaal ah degan iyo goobo yar yar ganacsi ah. Hoteelkii Taleex iyo Carwadii ayaa aad loo deganyahay oo la kala goos goostay. Sidoo kale waxaa la dhistay barxadii weyneyd u dhaxeysay Hoteel Taleex iyo warshadii Kookada. Horaana warshadii Kookada loo dhistay oo 2003 markaa Xamar tagaaye dad u dhisneyd.
  13. Soomaalidaan hadda joogto waa bahalo. Dhulal badan danta guud ahaa Xamar ku yaalay waala gatay ama lease lagu sameeyey. Ceelgaab ka koow ah. Isgoysyadii jardiinooyinka lahaa dhan waala wada gatay ama kireeyey. Waxaa iigu darnaa markee tuugadaan soo haweysteen Qabuuraha Qaranka ku yaalo Tarbuunka. Waa meesha C/rashiid Cali Sharmaarke ku aasanyahay. Sidoo kale aabahey ku aasan, waxaa kale ku aasan C/llaahi Ciise. One year ago on this month, some unscrupulous men who were some distant relatives of C/rashiid Cali Sharmaarke in cahoots with some local Hodan district officials tried to sell Qabuuraha Qaranka to shirkad caan ka ah Xamar. Can you believe this, xataa reer aakhiraadkii ka fakan la'? They bulldozed and destroyed many graves, including my own father's grave, which was partially destroyed. So was C/llaahi Ciise's grave, which was completely destroyed. After we heard this news, we sent a brother of us from London to Xamar. He saw guddoomiyaha baarlamaanka, who along with guddoomiyaha went to see madaxweynaha, who then called Cumar Filish. Cumar Finish claimed he had no idea. Anyway, it was stopped and we had to rebuilt my old man's grave. Cumar Finish promised he would rebuilt it, which we declined. Some of my own furious siblings wanted to exhume and move the body to Xuddur because what they had done was beyond the pale.
  14. Odey Cabdulle iyo Maki Xaaji Banaadir ayee ka xanaajiyeen xataa.
  15. Abtigiis should start a new media afka Amxaarka ku hadlo but speaks for Soomaali interests. It wouldn't cost much to run a professionally designed website and radio.
  16. Shilin yaa wax ku xisaabiyo. Waa doolar ee rabaan jeebabkooda ku shubtaan, that is why they keep delaying the selections expecting Beesha Caalamka to pre-pay. Sheekadaas waa laga diiday and they keep delating it. Sharafxumo waaye, tuugsi aanan dhamaaneynin.