Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Caynaanshe Youtube ayaa ka fiirsan jiray sanado ka hor. I am glad inuu isbadalka ka qeyb qaato.
  2. Koley lama sheegin sababta u dhintay. Laakiin dad maanta Soomaaliya ku geeriyoonaayo karoona u dhintaan.
  3. Maakhiri, if we go to the route of negative qabiil generalization, then we must also take the path of positive generalization. Reerka laga hadlaayo also waxaa ka dhacay the likes of C/llaahi Ciise, Xasan Aaden Samatar, C/llaahi Sulfa, Xaliimo Khaliif Magool iyo Nuur Eebbe, to say a few. Granted dad heesaa u badan, but still upstanding people oo sharaf leh ayee yihiin/ahaayeen.
  4. I don't think Soomaali faradheer, with their 100 halaad diyo mentality, would have accepted this.
  5. Dalmar Yariisoow, if you really care about Mudug's horumar, you should support Qoorqoor and not Rooblaawahaan lagu sirmay lacag aruuris ku jiro. He is the worst masuqmaasuq ra'iisul wasaare, even worse then Maxamed Cali Geedi and Cumar C/rashiid Cali. Jeebkiisa ayaa u daran, selling jagada wasiirnimada to tuugii weynaa ee 30/30 and hijacking the national state media.
  6. Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyay maamulka Talefashinka Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho oo uu marxuumka ka tirsanaan jiray howlwadeenada talefashinka Universal. Allah u naxariiste Marxuum Ajakis ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisa waxaa kusoo booday xanuun la sheegay inuu ka haleelay dhanka sambabada, kaasoo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday. Marxuumka waxa uu ka mid ahaa jilayaasha dhanka majaajilada kuwa ugu caansan guud ahaan Soomaaliya, waxuuna sidoo kale soo jilay Riwaayado farabadan, waxuuna turjimaad ku sameyn jiray filimada Hindiga ee afsoomaaliga loo badalo oo uu door muhiim ah ka qaadan jiray turjimaadooda. Madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyo siyasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii caanka ahaa allah u naxariiste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay Ajakis. Xigasho
  7. They are back after being funded and armed by Kiikuuyada. No way. Ahlusunna oo muddo kadib dhaq-dhaqaaq ciidan ka billowday gobollada dhexe Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, maalmo kadib markii madaxda kooxdaas ay dib ugu soo laabteen gobolka. Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud. Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabileen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maamulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuusamareeb. General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu-Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isagoona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galmudug. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu-Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka. Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu-Sunna ee gobolka ayaa Talaadadii waxay Saraakiisheeda Ciidamada meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulmeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Balihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Galmudug. Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka. Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu-Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga dareemay deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamareeb. Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galgaduud ugu weyn ee Ugaas Nuur. Ahlu-Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, waana taas midda keentay in ay Shabaabku ka caagaan dhulkii ay Ahlu-Sunna ka arrimineysay, muddadii laba iyo tobanka sano ahayd. Xigasho
  8. Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada? Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla, sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi. Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xubnaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya. Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.
  9. Asagii lahaa qof u tartamaayo xildhibaannimo lagama horistaagi karo deegaankiisa after guddoomiyihii hore Gedo loo diiday inuu deegaankaas tago bilooyin ka hor. Well, here it is intuu howl shaqadiisa ahayn ku jiray. Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo laga hor istaagay in lagusoo dhoweeyo Garoowe Ciidamo katirsan Puntland ayaa maanta is hor istaag ku sameeyya in wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan soo dhowayn loogu sameeyo magaalada Garowe, oo uu kasoo dagay. Wasiirka qorshaynta oo ah musharrax xildhibaan aqalka hoose ah ayaa loo diiday in ay garoonka ugu tagaan dad shacab ah oo loogu diyaariyay in ay ka qaataan soo dhowayntiisa. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland la geeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa wasiirka qorshaynta oo ku wajahan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaas oo ah deegaan doorashadiisa. Wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo, waxayna aad isku hayaan madaxweyne Deni oo uu dhawaan ku eedeeyay inuu faro galin ku hayo doorashada aqalka hoose. Jamaal waxaa uu loolan adag u gali doonaa sidii uu kursigiisa xildhibaanimo u difaacan lahaa, isagoo maanka ku haya in kursigiisa uu kamid yahay kuraasta tartanka adag loo gali doono. Xigasho
  10. Shir xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Fahad Yaasiin iyo taliyeyaal ciidan Guriga uu Madaxtooyada Soomaaliya ka degan yahay Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa hadda ka socda shir xasaasi ah oo taliyeyaasha ciidamada uu la leeyahay Fahad Yaasiin. Ilo-wareedyo ku dhaw shirkaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in guriga Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada ku dhex yaalla uu shir uga socdo Fahad iyo taliyeyaasha Booliska Jeneraal Xijaar, Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, ku simaha NISA uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo Yaasiin Farey iyo saraakiil kale. Lama oga qorshaha ka dambeeya shirkaan caawa u socoda Fahad Yaasiin iyo taliyayaasha ciidamada, balse waxaa muuqato in Fahad weli uu saameyn weyn ku dhex leeyahay taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana imaatinkiisa Muqdisho uu xaaladda iyo loolanka siyaasadeed ee dalka wax ka beddeli karo. Fahad Yaasiin ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku xayirnaa dalka Turkiga, ayada oo wararka ay sheegayaan inuu ku yimid diyaarad khaas ah. Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkay inay qeyb ka aheyd guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahayey Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble. Kulankaan oo hadda ka socda gudaha Villa Somalia waxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta ay dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Guddiyo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha golihii waqtigu ka dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal ayaa dhawaan isku howlay inay xaliyaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble, balse illaa hadda ma jirto wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalladii dhacay, inta la ogyahay. Xigasho
  11. Rabi ha u raxmado eedo qof aad u diinta ugu dhaqmo ahayd. You know, she was the closest friend to my late mother in xaafadeena of all eedooyin deganaa. Also Nayroobi daris ayaa ku ahayn after la soo qaxay. Abtigaa anaga uu nala joogi jiray his days off from working from the maraakiibka kaluumeysiga in the early and mid 1990s.
  12. Farmaajo oo la yimid laba shuruud iyo wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegaya inay weji cusub galeen caawa, ayada oo Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo uu heshiis ku qaadan karo. Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda. Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu caawa la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo kala ah: 1- In Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana wasaaradda amniga loo magacaabo shaqsi ka imanaya dhankiisa. 2- In Bashiir Goobe, oo uu Rooble u magacaabay taliyaha NISA, la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA, oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo isaga. Sida ka muuqata labadan shuruud ee uu soo bandhigay, Farmaajo ayaa aad u daneynaya inuu gacanta ku dhigo hay’adaha amniga, taasi oo haddii Rooble uu aqbalo u suurta-gelin karta inuu mar kale si qaldan u adeegsado ciidamada. Ma cadda in Rooble aqbali doono labadan shuruud, balse waxaa maanta jiray warar sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo inuu isaga tanaasule, kadib markii Farmaajo uu diiday inuu tanaasulo, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in R/W uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook. Sida ka muuqata labada shuruud ee uu wato Farmaajo, in xal laga gaaro wada-hadalladan ayaa weli fari ka qodneyn, mana muuqata in Rooble uu aqbali doono arrimahan, sida ay saadaaliyeen xubno ku dhow.
  13. Why odey Cabdi Xaashi loola tartameynin kursigiisa? Is this why u calaacali jiray?
  14. I think they also hold majority of shares of Banaadir Electric Company, (BECO) the de facto only shirkad that provides energy needs in the Koonfurta. They have a stranglehold of this market as the telecommunication market as well as financial, e-transfer market. They also hold a lot of erstwhile public lands in Banaadir area after cheaply acquiring in corrupt practices and resell it to the public for a great profit. I have nothing against BECO since it has invested a lot after their incorporation of several entities in mid 2010s. However, monopoly is a monopoly.
  15. Xaawo couldn't even beat the Con. candidate. NDP historically would be second or first in this riding. Such a useless, wasted campaign.
  16. You reminded me a long interview given by my late father. It was taken in 2000 by wargeyska Kasmo ka soo bixi jiray London, and I posted on here nine years ago. Part of the interview had the following quote: Kasmo: Dad badan ayaa yiraahda dhibaatada Soomaalida waxay soo billaabatay 1960-kii. Arrintaas maxaad ka leedahay ? Sh. Mukhtaar: Khilaaf markii Soomaalileyn la isku darmay ka hor ayuuba soo billowday, wuxuu khilafkaasi billawday 1948-dii Leegada gudaheeda ayaaba ka billowday, dadkii Talyaaniga la jiray (pro-Italian) oo badnaa oo Ilbuundo ka mid ahaa, Muuse Samatar ka mid ahaa, Daahir Seed oo reer Gaalkacyo ahaa ka mid ahaa, raggii asaga ahaa intay isdarraaween (yaseen), aqlabiyaddii Leegada inay qaadanaysana ogåådeen ayee damceen inay Leegada soo galaan, markaasaa la diiday nimankiiyaa la isku khilaafay oo qof kasta oo Leegada ku jiray wuxuu damcay inuu kan beeshiisa ah la qoro oo la soo dhaweey oo cod laga helo, masiibadaasaa dhacday oo la isku khilaafay. Khilaafka kowna Cali Jimcaale iyo Muuse Boqor ayaa ka soo bilawday, khilaafkii isaga ahaa Leegada asigoo ku dhex jira ayaa la isku darmay. Soomaalileynkii xagga wadajir bay kaga yimaadeen, iyagana markii hore sidaasay isku khilaafsanaayeen beelaha Boorama (**********), Seylac (*****), Ceerigaabo (*******), iyo Laascaanood (***********) isku meel bay ahaayeen, beesha kale ee ***** ee Hargeysa iyo meelaha kale degtana meel bay ahayd. Waa wada socdeen, isku siyaasadna ma ahayn, waa iskhilaafsanaayeen. Niman reer Burco ahaa iyo nimankii kale ee beelaha aan soo sheegay ayaa isku xirtay, Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa bannaanka lagu tuuray, (qabiilka gobollada Bari) iyo iyagaa heshiiyay, markaasaa la yiri 'annagana Ra'iisul Wasaare aan qaadanno, adinkana ra’iisul Baarlamaan qaata.' Waa lagu heshiiyay. Sidii ayaa doorashadii ku soo baxday. Maxamed Ibraahin markaasba mucaarad ayuu noqday. Gadaal markii Aadan Cabdulle meesha ka baxay ayuu soo galay, dowladda ma'ahaane, bannaankiisuu iska joogay. Khilaaf siddaas ah ayaa jiray oo ka soo billawday nimankii Talyaaniga la jiray ee ka soo noqday.