Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. My sister knows his father, Cali Xarbi Kulane. Jaamacadda Gaheyr ayee isla dhigan jireen, sidoo kale London xaafadahooda isku dhawaa. Siyaasadda Soomaaliya qof ku mashquulsan ahaa.
  2. Xirmooyinka shidaalka oo badankood maray dhinaca Soomaaliya Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xirmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay marayaan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub. Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya. Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya. Xirmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay. Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya. Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika. Haddaba arrimahan ayaan ka wareysanay Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo xilligii uu wasiirka ahaa ay Soomaaliya sahaminta shidaalka ka samaysay xeebaha Soomaaliya. Wasiirku waxa uu isna baaritaan gaar ah oo uu sameeyey ku ogaaday in xirmooyinka badankoodu soo mareen dhinaca Soomaaliya. Isagoo jooga magaalada Muqdisho ayuu u warramay Haaruun Macruuf. Idaacadda Codka Mareykanka
  3. "Sannadihii 1975 ilaa 1981 waxa uu Dr. Cabdiqawi Axmed Yuusuf ka mid ahaa waftiyadii Soomaaliya uga qayb galay kulamadi Qarammada Midoobay ee samaynta xeerarka badaha Adduunka." [Xigasho]
  4. Ninkaas abaalmarin ayuu istaahilaa for tireless, years long efforts and halgan from Minnesota. Last year ayaan arkay he has a Youtube channel now oo howshiisa meesha ayuu ka sii wadaa.
  5. Kan kii Ugaandheeska Nayroobi deganaa oo Soomaalida ku waashay ma'aha miyaa? There was another meltdown viral clip from last year.
  6. ICJ rejects Kenya case in Somalia maritime border row The UN's top court has ruled largely in favour of Somalia in its long-running dispute with Kenya over their maritime border. Kenya previously accused the International Court of Justice of bias and said it will not accept the ruling. The case concerned a 38,000 sq mile (100,000 sq km) triangle in the Indian Ocean that is thought to be rich in oil and gas. The dispute has been at the heart of a diplomatic row between the neighbours. For the past four decades, Kenya has said a line due east of the point where the two countries meet at the coast represents the maritime border. Somalia, however, argued in court that the sea frontier in the Indian Ocean should follow on in the same direction as the land border. The panel of 14 judges sitting in The Hague said that Kenya had not proved that Somalia had previously agreed to its claimed border. Instead, they drew a new line which has split the disputed area in two. But with Kenya refusing to recognise the ICJ's jurisdiction it is not now clear what will happen. The court has no means to enforce its rulings. Somalia had also argued that Kenya had violated its sovereignty by operating in its territorial waters and demanded reparations. The judges, however, rejected this argument. In 2009, the two countries had agreed in a memorandum of understanding, backed by the UN, to settle the boundary dispute through negotiation. But five years later, Somalia said the talks had failed and it went to the ICJ instead. The Reuters news agency reports that Somalia was angered by Kenya selling exploration licenses in the disputed zone to two multinationals in 2012. Speaking before the judgment was delivered, Somalia's Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Guled told the BBC that his country "believes in the rules-based system... that's why we came to the court". The court is supposed to be the final arbiter in disputes between nations. Kenya argued unsuccessfully that the ICJ should not be involved as the memorandum of understanding was binding. Then in March it refused to take part in hearings after having asked for a delay to brief a new legal team. It also objected to the presence on the ICJ panel of a Somali judge, saying he should recuse himself. Last week, Kenya's government described the case as a "flawed judicial process". It added that there was "inherent bias" and that the court was an unsuitable way to resolve the dispute. - BBC
  7. Jaaw, Kiikuuyo, jaaw, jaad ma heynee, jaaw. World Court sides mostly with Somalia in border dispute with Kenya The top U.N. top court on Tuesday ruled largely in favour of Somalia in its dispute with Kenya, setting a sea boundary in part of the Indian Ocean believed to be rich in oil and gas. A new boundary drawn by the International Court of Justice mostly followed a line proposed by Somalia, attributing to it several offshore oil blocks claimed by Kenya. The revised maritime border along the exclusive economic zones for the continental shelves of Somalia and Kenya "achieves and equitable solution", Judge Joan Donoghue said. Kenya, which did secure some territory beyond the Somalia proposal, had failed to prove there was an established sea boundary between the states, which would have given it a greater portion of the disputed territory, the court found. The ruling comes after Nairobi last week said it had revoked recognition of the court's jurisdiction. No one for Kenya was officially present either in court or via video link. Somalia filed the case in 2014 at the United Nations' highest court for disputes between states. The case at the ICJ, also known as the World Court, concerned a boundary dispute over more than 100,000 sq km (nearly 40,000 sq miles) of sea floor claimed by both countries. - Reuters
  8. Neefkaan been hawaaska ah been badanaa. Teeda kale ciyaal muu na moodaa? Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa in shan taallo naloo dhisaa maadaama aan badbaadinay badda Soomaaliya Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay u qalmaan in loo taago Taallooyin lagu xasuusandoono kaalinta xukuumadii uu katirsanaa ay ka qaadatay badbaadinta badda Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay, haddii uusan jiri lahayn heshiiskii MOU ee uu saxiixay sannadkii 2009, in maanta aa la gaari lahayn guusha Soomaaliya ka gaartay dacwadda ee hortaalla ICJ. “Kenya, 2005 ayay baddeenna goosatay. 2009 waxaan ku niri ma goosan kartaan, haddii aanan oran lahayn sidaas, way iska qaadan lahayd Kenya baddeenna,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga wadajir. “Waxaan rabnaa taallada cidda loo dhisayo, kow, innaga in aan noqono. Labo rajiimkii naga dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheikh, oo isagana dacwadda geeyay maxkamadda. Saddex, Farmaajo kiisa wuu ugu dambeeyaa, inuu ku adkaystay illaa dacwadda dhamaatay in uusan ka bixin dhufayskii, isagana libintaas waa inuu qaataa,’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta dhegaysiga xukunka dacwadda badda oo ay maalinta berrito ah ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ. Wafdi dowwladda katirsan oo uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guulleed Khadar ayaa haatan ku suga magaalada Hugue ee dalka Holland oo ay ku taallo maxkamadda. Xigasho
  9. Labadii xaaraan ku heshiiso... Mahad Salaad oo si xun ugu jawaabay Axmed Fiqi Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macalin Fiqi uu galabta qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad. Fiqi ayaa sheegay in dadkii shalay hor taagaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamareeb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, “Wax ka jira maleh , laguma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dareemay deegaanka oo Al-Shabaab waa carareen,” ayuu yiri Fiqi. Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiiday mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, “Soo u ekaa maayaan niman shalay diidanaa nidaamkii iyo madaxweynihii jiray? Laakiin shalay waan ku raacsanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, “Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noola mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.” Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, “Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.”
  10. Maxaa lagu qanciyey ciidankii gadooddka ku qabsaday qeybo kamid ah Gaalkacyo? Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay xalinta tabashada ciidankii daraawiishta ee dhowaan gadoodka ka sameeyey koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Falagle ayaa sheegay in ciidamadaas ay ugu dambeyn dib ugu laabteen saldhigyadooda, kadib wada-hadal dheer oo lala galay saraakiisha hoggaamineysay, lana qanciyey. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baneeyeen Kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaalkacyo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamadaasi, wuxuuna ballan qaaday inay sidoo kale heli doonaan mushaaraadka ka maqan ee keenay inay gadoodka sameeyaan. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug inay is dajiyaan, wuxuuna ka digay in looga sii daro xaaladda maamulkaas oo culeys wajahaya. Arrintan ayaa qaboojineysa xaaladdii cakirneyd ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Gaalkacyo, tan iyo markii ay ciidamadu la wareegeen Kastamka Canshuuraha oo ay heysteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ka saaray Booliiskii heystay. Xilliga ay gadoodka sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aaday, markii uu iscasilay wasiirkii amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan,waxayna dadka qaar ay shaki weyn ka muujiyeen waxa isku soo aadiyey iscasilaada iyo gadoodka. Si kastaba, Galmudug ayaa lugaha la hashay xiisad horleh, kadib markii Ahlu Sunna ay dib usoo rogaal celisay, isla-markaana ay qabsatay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
  11. Markii horeba qalad loogu dhiibay jago wasiir kan, asagoo iska casilin jagadiisa xildhibaannimo, taas oo jabineyso qeerka qaranka. Lama mushaar isku qaadanaaye waliba. It also shows tolka are divided between Qoorqoor and Rooble camps now. Qoorqoor is cleansing wixii Rooble hoos ka taageersanaa, madaxweynahana ka soo horjeeday. Fiqi oo iska casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casilay kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo xiisadda kala dhaxeysa Ahlu-Sunna. Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in xiisadda Galmudg iyo Ahlu-Sunna lagu dhameeyo wada-hadal balse Qoor Qoor “uu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey” Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Fiqi Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda. Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel. Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.
  12. Then xawaalidihii like Barakaad, Dalsan, Qaran, et al, happen when these aforementioned people suddenly lose their tens of thousands dollars of lifesavings.
  13. Muuse Muqayil dadkii dhan ayuu isku diray: Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u diray xukuumadda Soomaalilaan Golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay tallaabaddii ay Somaliland kusoo masaafuriyey dadka ka soo jeeda koonfurta ee ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Qoraal kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan, ayna ka xun yihiin in si qasab ah loo soo barakaciyo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan waxaana ay tilmaameen in falkaas uu meel ka dhac ku yahay islaanimada iyo Soomaalinimada “Wuxuu kasoo horjeeda goluhu in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, dambi wadareedna loogu ciqaabo heyb iyo degaan ay kasoo jeedaan darteed, isla markaana ay u arkaan in falkaasi uu meel ku dhac ku yahay ,islaanimada, Soomaalinimada, Dimoqraadiyada, xaquuqul Insaanka iyo Sharciyada Caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday golaha midowga musharixiinta. Sidoo kale golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday Somaliland inay joojiso tallaabooyinka ka dhanka ah shacabka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda koonfurta. “Goluhu isaga oo ka damqanaya ku xadgudubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyay ayuu ugu baaqayaa madaxda Somaliland inay falkaasi ka fiirsadaan ,degdegna u joojiyaan ayaa lagu yiri’ Qoraalka Midowga Musharixiinta. Ugu dambeyn musharixiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ay isku xilqaamay u gar-gaarida dadkaasi dhibaateysan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay Somaliland Laascaanood kasoo saartay boqolaal dad ah oo ka soo jeeda dhinaca koonfurta, sababo la xiriira ammaanka magaaladaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.
  14. My late mother's old friend for decades since 1960s is what we Afmaay speakers call Reer Geegii Mariidi (meaning Reer Waayo Waayo). Her father and his relatives settled in Waajid, Bakool, oo wuxuu ka soo cararay dagaaladii Daraawiishta, long before Abaartii Dabadheer kuwa soo degay Koonfur Galbeed. This lady, who used to be a xildhibaan until 2017, Waqooyi Galbeed waxba kama taqaano oo Waajid ayee ku dhalatay and speaks pure Afmaay than Afmaxaa. She is Muuse Muqayil's jufadiisa sidaa maqlay. My late father's old ganacsade friend from 1940s was also another transplanted Reer Waqooyi whose family came to Xuddur, Bakool, area as well. Again dad ka soo qaxay dagaaladii Sayidka iyo Ingiriiska ahaayeen.
  15. He, like many of his ilk, did not as of now. Gabdhaha ka soo jeeda Sool oo xildhibaanada ah iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji ayaa ka hadlay bas.