Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Laftagareen wuxuu ka xunyahay inaanan tolkiisa guddoomiye degmo gobolka Banaadir laga siinin. Aargoosasho ayuu wadaa. That is why wasiiro ugu diiday Reer Iljeex, sidoo kalena ugu diiday xildhibaanno in Koonfur Galbeed. Unlike Shariifka ka horeeyey, he also has British-trained ciidamo ka amar qaato asaga, Baraawe ayuuna geeyey. Laakiin qorshahaan Baraawe guddoomiyaha baarlamaanka KG Cali Saciid Fiqi ayaa la wado oo deegaan ahaan ka soo jeedo Baraawe.
  2. Toddobada xadgudub ee lagu eedeeyey Simon Mulongo ee keenay in dalka laga eryo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ka ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, oo kasoo jeeda dalka Uganda. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin), waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 maalmood gudahood ah. Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.” Haddaba Caasimada Online, oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa heshay xog ku saabsan sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo. Simon Mulongo ayaa lagu eedeeyey xadgudubyo bulsho iyo kuwa siyaasadeed oo dalka uu ka galay, kuwaasi oo soo jiitamayey muddo, sida aan xogta ku helnay, waxaana qodobada ay nala wadageen ilo-wareedyada wasaaradda amniga ay kala yihiin:- 1- Simon waxa uu ahaa shaqsi ku caan baxay inuu ka shaqeeyo waxyaabo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, kana baxsan xuduudda Maandhaytka Hawlgalka Midowga Afrika. Isaga oo xogo khaldan oo ka fog waaqaca mar walba dalkeenna ka gudbin jirey. 2- Waxaa uu baqemaali jirey (Black Mailing) siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, isaga ugu hanjebi jirey ceebayn, qaar ugu cago juglayn jirey inuu dilayo, kuwo kale na uu isku diri jirey isaga oo farriimo khaldan u kala qaadaya. 3- Waxa uu ahaa shaqsi aan Soomaaliya u aqoonsanayn in ay tahay Qaran Madax bannaan oo leh Dowlad la aqoonsan yahay. Waxa uuna si bareer ugu kici jirey falal ka marag kacaya arrimahaas, isaga oo shirarka iyo fagaareyaasha ba ka sheegi jirey in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad, balse ay tahay qabaa’illo mid walba mudan yahay in gaarkiisa loola tacaamulo. 4- Waxa uu isaga oo adeegsanaya shaarka Midowga Afrika jaajuusi jirey ciidammada iyo hay’adaha kale ee dowladda, isaga oo xogaha iyo sirta dowladda la wadaagi jirey shaqsiyaad, hay’ado iyo dowlado shisheeye. Waxa uuna ka samayn jirey macaash dhaqaale iyo ujeeddooyin u gaar ahaa isaga. 5- Waxa uu Hay’ad shisheeye oo ay ka mid tahay tan la la dhoho Sahan iyo shaqsiga la yiraahdo Matt Brydan kala shaqeeyey in dalkeenna ay ka gudbiyaan xogo iyo siro khatar geliyey amniga qaranka, madax bannaanida dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. 6- Waxa uu baad ka qaadi jirey ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed isagoo ugu hanjabi jirey inuu ku eedaynayo inay argagixisada gacansaar la leeyihiin. Waxaa kale oo uu si gaar ah u baadi jirey shirkadaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaraha iyo xayndaabka Xalane, waxaana arrintaas u fududayn jirey saraakiil kale oo ajnabi ah oo uu ka mid yahay ninka la dhoho Micah, una dhashay dalka Zimbabwe. 7- Waxa uu xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn kula kacay hablo Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee Hawlgalka Midowga Afrika. Taasoo caddaymahooda ay dowladdu gacanta ku hayso. Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online. Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo. Xigasho
  3. Yariisoow deg deg badane, you think uttering qabiil's name is caay? Such a ciyaal. Anyway, I will wait 'Guul Laftagareen' adigoo leh beri knowing fudeedkaaga after hal laf ceyriin ah laguu tuuro. Or you will blame Deni waxa Baraawe ka dhacay?
  4. Somalia expels AMISOM deputy Simon Mulongo, accuses him of ‘hindering Somali security strategy’ Somalia has declared deputy head of AMISOM Simon Mulongo persona non-grata and ordered him to leave the country within seven days. In a letter addressed to the African Union Commission, Somalia said Mulongo, a Ugandan national, was ‘engaging in activities incompatible with AMISOM mandate and Somali security strategy.’ It ordered him to leave the country within seven days. The nature of activities Mulongo is accused of remained unclear, but the letter came barely a day after Foreign Affairs Minister Mohamed Abdirizak hinted at ‘individuals hindering the Somali nation.’ “Somalia will realize the implementation of the STP (Somali Transition Plan), everyone will be held accountable for their action, no one will be allowed to hinder the Somali nation, we have simply come too far,” the minister said in a tweet. Shortly after the release of the letter addressed to the AU, Abdirizak remarked that “the FGS will hold accountable AMISOM personnel, particularly those at the leadership level, who are expected to be beyond reproach in their integrity as they discharge their duty under the UN/AU mandate.” Somalia's federal government recently rejected a proposal to fold the African Union Mission in Somalia into a joint AU-UN force that would take over at the end of AMISOM's mandate this year. The African Peace and Security Council approved the proposal. Somalia' accused the Council of disregarding an assessment from a joint technical team that drew out a concept of operations to take over the security responsibility following an AMISOM drawdown. Mulongo will join United Nations Special Envoy Nicholas Haysom and political analyst Matthew Bryden in the growing list of foreigners expelled by Somalia's federal government in recent years. Xigasho
  5. Yariisoow deg deg badane, xaarka ha isku walaaqin ee meel fadhiiso. Do not speak when adults are speaking.
  6. Reer Iljeex iyo dagaal maxaa kala heysto. Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Baraawe? Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay deggan tahay xaaladda magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in saaka lagu guuleystay kala qaadida labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay halkaasi, xaaladduna ay haatan tahay mid xasilan. Waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baxay xiisaddaas ayaa ku guuleystay in ciidamada iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay kala qaadaan, iyaga oo ka dajiyey dabaqyo ku yaalla magaalada oo ay dhufeyso uga jireen dhinacyada diriray. Sidoo kale waxaa weli socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Baraawe oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyo guud ee magaaladaaso. Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga dhismaha golaha deegaanka oo haatan la doonayo in loo dhiso magaalada Baraawe. Madaxweynaha Koonfur albeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha *** ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada. Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee wax ka dega magaalada Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweyne Laftagareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha ***, waxayna shaaciyeen in taas aysan aqbali doonin. Xigasho
  7. Khadiija Diiriye oo u dacwootay ugaaska ***** Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka soo aheyd tan iyo dowladii Carta lagu soo dhisay, ayaa sanadkaan wajaheysa loolan adag, kadib markii sanadkaan ay kursigaas isku soo sharaxday Baarliin Maxamuud Biin oo ah gabar aqoonyahanad ah, kuna heyb ah Khadiija Diiriye. Caasimada Online ayaa ogaatay in Khadiija Diiriye ay u dacwootay ugaaska beelaha ****, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyadoo ka dalbatay inuu hadlo gabadha isku soo diyaarisay inay kursiga kula tartanto iyo dadka ku garab taagan ololaheeda oo reer abtigeed u badan. Khadiijo iyo Baarliin waxaa abtiyaal u wada ah ****, waana taas sababta ka keentay in Khadiijo Diiriye ay u dacwooto Ugaaska, iyadoo ka dalbatay inuu kala hadlo Baarliin, sidoo kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Khadiija Diiriye ay Baarliin u balan qaaday lacag aan cadadkeeda la shaacin, hadii ay tartanka ka harto. Wasiir Khadiija Diiriye ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawirro ay la gashay ugaaska oo gurigeeda ku soo booqday iyo qoraal kooban oo ay ku tiri, “Koofida ugu weyn dugaashigeyga ayaa hoygeyga galabta igu soo booqday, darajo iima-laabna dad-na iima-dhina, ugaaska reer habartey macaan, rabiyow ii dhowr darajada duubkiisa.” Qalqal xoog leh ayaa soo wajahay Khadiijo Diiriye, kadib markii dhawaan ay musharaxnimadeeda shaacisay Baarliin Biin oo ah gabar taageero badan heysata oo sanadkaan dooneysa inay kursiga kula loolanto Khadiija Diiriye. Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo ah haweeney ganacsato ah ayaa dhawaan ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin, waxayna farriin u direen ergada wax dooraneysa iyo madaxda Hirshabeelle. Labadaan haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh dalka ayaa Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo doorashada kursiga HOP0097 oo yaalla magaalada Jowhar, kaasi oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye. “Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow. Xigasho
  8. Maxay tahay sababta xildhibaanno katirsan Puntland u doonayaan in Somaliland lagu daro liiska argigixisada? Xildhibaanno katirsan Puntland ayaa soo jeediyay qaraar ay ku dalbanayaan in Somaliland lagu daro liiska waxa loogu yeero argigixisada, iygaoo ku eedeeyay in ay Alshabaab wada shaqayn dhow la leeyihiin. Xildhibaan Axmed Xiriir Gaas oo katirsan xildhibaannada golaha barlamaanka horgeeyay soo jeedintaan, ayaa u sababeeyay in ay Somaliland u fududayso Shabaab in ay Ceerigaabo kasoo galaan dhinaca buuraha Calmadow iyo Galgala, halkaas oo Shabaab ku leeyihiin saldhigyo qarsoon. Xildhibaan xiriir wuxuu sidoo kale sheegay in ay masuul ka tahay Somaliland dilalka ka dhacay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay hayaan macluumaad rasmi ah oo caddeynaya in Somaliland ay colaadaha ka jira gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn u adeegsado dad xiriir laleh Alshabab. “Dagaalyahannada Alshabab ee ka dagaalama Calmadow iyo Galgala waxaan ognahay in laga keeno Burco, Beer iyo Geerigaabo. Adduunyada oo dhan waa laga ogyahay in ay Somaliland caawiso Alshabaab oo aysan doonayn in Soomaaliya amnigeeda uu hagaago,”ayuu yiri xildhibaan Xiriir. Ma ahan markii ugu horraysa oo Puntland ay ku eedeyso Somaliland in ay xiriir dhow laleedahay Alshabaab, balse Somaliland ayaa marar badan ku tilmaamay dayacaayad ay Puntland ku qarinayso fashilkeeda amni. Xigasho
  9. Kuraastii ugu horeeysay doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho Waxaa goordhaw si rasmi ah Xarunta Tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho loogu doortay kursigii ugu horeeyay ee doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ee Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kursiga uu goordhaw ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed oo tirsigiisu yahay HOP239, waxaa kula tartantay Mushtaaq Ibraahin Yuusuf, waxaana codeynayay 101 Ergo oo la soo xulay. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay natiijada codeyntii doorashada ayaa sheegay in Mahdi Guuleed uu helay codad gaaraya 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahin ay heshay 3 cod, islamarkana hal cod uu halaabay. Waxaa sidoo kale daqiiqado kadib la doortay kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP237, kaasoo ay ku wada tartameen Biixi Iimaan Cige oo ahaa Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Cabdiraxmaan Xasan Ismaciil, waxaana ku guuleystay kursiga oo markale Xildhibaanka afarta sano soo socota noqday Iimaan Biixi Cige oo helay 91 cod, halka Cabdiraxaan Xasan uu helay 9 cod. Gabagabadii Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray labada Xildhibaan ee maanta doorashadioda ka qabsoontay xarunta Tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. "Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan"ayuu yiri Raysal wasaare Rooble. Doorashada labada kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho ayaa bilow u ah 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi, islamarkaana lagu dooran doono gudaha magaalada Muqdisho.
  10. Fiqi and co. loo jawaabayaa: Qoorqoor oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta taageeray AHLU SUNNA Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo haatan ku sugan Guriceel ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in markale aysan aqbali doonin inay soo laabato dhibaatadii ka dhacday Guriceel. Qoorqoor ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay taageerayeen ‘cadow’ uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta taageeray Ahlu Sunna la bartay, isla-markaana ay qaadeen waddo aan habooneyn, sida uu hadalka u dhigay. “Annaga na dhaliila oo xitaa been naga sheega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qaarkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la idin bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladnimada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato & xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay weli heestaan. “Dadka hubeysan ee duurka galay haka faaiideystaan fursadda aan siinay” ayuu markale yiri Axmed Cabdi Kaariye. Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid weliba oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu soo gabagaboobay dagaalkii ka dhacay Guriceel, kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa halkaasi.
  11. Gabar dhakhtar oo ajnabi ah oo iska soo tuurtay dabaq ku yaalla magaalada Garoowe Dr. Naadiya Cumar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Itoobiya ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe Dr. Naadiya ayaa lagu warramay inuu gaaray dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay. Dhakhtaradan, oo ah gabar dhalinyar oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo jeeda dalka Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta. Dr. Naadiya ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah. Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Naadiya dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka. Xigasho
  12. Dagaalka intuunan dhicin muxuu iskaga bixi waaye. Sheekh Shaakir oo shaaca ka qaaday sababta ay uga baxeen degmada Guriceel Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac ayaa war xasaasi ah ka soo saaray dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Guriceel iyo sababta rasmiga ah ay uga baxeen gudaha magaaladaasi. Sheekh Shaakir ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay degmada Guriceel intii ay dagaalladu socdeen, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. Sababta ay dib uga baxeen magaalada Guriceel waxa uu ku sheegay inay ku timid, kadib codsi ka yimid ganacsatada, bulshada rayidka ah, Senataro iyo siyaasiyiin reer Galmudug ah, ayna aqbaleen, iyaga oo u turayo dadka iyo deegaankaba, sida uu hadalka u dhigay ”Waxaan rabaa in aan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan Shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay culimada, cuqaasha , ganacsatada , siyaasiyiinta , midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna shacbigeena,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhanka kale xusay inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay magaalada Guriceel, gaar ahaan burburka iyo barakaca ka dhashay dagaalladii dhacay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku ballaameen, iyaga iyo dhinacyada kale ee wada-hadallada garwadeenka ka ahaa inay dagaan ciidamadooda deegaanka Bohol oo uu markii kasoo billowday dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in laga codsaday inay wareejiyaan gaadiidka dagaal ee ay horay uga qabsadeen Galmudug, ayna wareejiyeen gaadiidkaasi oo labo ahaa. Ugu dambeyn Sheekha ayaa u mahadciyey shacabka iyo ganacsatada Guriceel ee sida weyn u taageeray muddadii ay ku sugnaayeen gudaha magaaladaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, kadib dagaallo maalmo qaatay oo ka dhacay Guriceel, kuwaas oo ugu dambeyn sababay in ciidanka Ahlu Sunna ay isag baxaan magaaladaasi. Xigasho
  13. The Gravedigger's Wife: Somali love story wins Africa's top film prize at Fespaco A Somali film exploring what people will do for love has won the grand prize at the prestigious Pan-African film festival in Burkina Faso. The Gravedigger's Wife, written and directed by Finish-Somali director Khadar Ahmed, beat off competition at Fespaco from 16 other movies. It focuses on Guled, whose job it is to wait outside hospital to bury the dead, and what he does to save his sick wife. The head of the prize jury called it a courageous film, Reuters reports. "It is a beautiful film that tells a story with humanity," Mauritanian film director Abderrahmane Sissako is quoted as saying. "I'm in awe. I'm speechless. Words can not express my gratitude and appreciation for this type of love from the continent," Ahmed wrote on Instagram. A rare feature-length film in Somali, The Gravedigger's Wife is also Somalia's first entry in the Best International Feature Film category at the Oscars. Set in Djibouti, it details the struggles faced by Guled, played by Omar Abdi, when he learns he has to raise funds to pay for his wife's treatment. Nasra, played by Yasmin Warsame, is dying of kidney failure. Ironically, as a gravedigger, Guled waits for the deaths of others in order to make the money which could mean his wife survives. Ahmed wanted to "tell this story with dignity, tenderness and compassion - all the qualities I've been raised with", the director told the Guardian newspaper. He was born in Somalia but moved to Finland as a teenager. His film was 10 years in the making. Ahmed wrote it a decade ago, but was determined to direct it himself and so had to learn how to be a director, the Guardian reports. As well as winning the prestigious award, known as the Golden Stallion of Yennenga, he also received $36,000 (£26,000) in prize money. The Silver Stallion went to Haitian director Gessica Geneus for her film Freda. And the Bronze Stallion went to the Tunisian director Leyla Bouzid for Tale of Love and Desire. The prizes were handed out at Fespaco's closing ceremony in the Burkinabe capital, Ouagadougou. It was the 27th edition of the week-long biennial event, the continent's biggest film festival that celebrates films largely produced in Africa by Africans. BBC
  14. British Somali TikTok star delights in Nimco Happy’s viral success he is a little-known Somali singer without much of social media presence; fans would be hard pressed to find any information about her online. But Nimco Happy’s catchy song Isii Nafta has conquered the internet this month. The song has been used in more than 98,000 videos on TikTok in the past month and gone similarly viral on Instagram and Twitter, with the likes of the model Bella Hadid and the rapper Cardi B sharing it on their feeds. In the vast majority of clips, people are singing along to the catchy chorus, which switches between Somali, English, Arabic and Swahili. At its heart, Isii Nafta is a love song. The chorus roughly translates as: Ogsoonoo inaan ku jeclahay (Somali for “Know that I love you”) And I love you more than my life Ana hibak yaa habiibi (Arabic for “I love you”) Nakupenda mimi sana (Swahili for “I love you”) Waa ujeedada caashaqayga (Somali for “You can see my love”) Akafi Ali, a British Somali TikTok star with more than 870,000 followers, saw that the song was being used on the app last month, then in just a few hundred videos, and instantly recognised it. A few years ago his mum would play it all the time. A video he went on to post of him dancing to the song at a Somali wedding got more than 1m views in a day. Other notable Somali creators also used the sound and soon it was spreading like wildfire. “She’s singing about love. She’s saying, ‘I love you’ in multiple languages to let that person know that she cares deeply about them. Sometimes communication can be very hard and it’s about overcoming that, because there’s multiple ways of saying ‘I love you’, and that person knowing that ‘I love you’ regardless,” he said. The 25-year-old started making content on social media while he was in school, often comedy sketches about growing up as a British Somali. He is overjoyed to see the song go viral. “It makes me so proud. It’s like a room is being created for us, a space is being made for us. I feel like this is what we’ve always been waiting for,” Ali said. Nimco has yet to release the song herself and profit from its virality. But that is expected to change soon, with BuzzFeed reporting that the singer will be posting her own link to Spotify and other streaming platforms. TikTok’s popularity exploded during the pandemic, as it became the world’s most downloaded app in 2020. Its influence is most acutely felt in the music industry, where it has transformed the way fans first hear songs and remixes. Songs that become viral on the app quickly lead to record number of streams on Spotify and elsewhere. It also affects the charts; the app was credited with helping the single Body by Tion Wayne and Russ Millions become the first drill song to claim the UK No 1 spot. Ali describes Nimco’s emergence as an important moment for the Somali community. Ali was born in Somalia and moved to the UK as a young child. He says he was bullied at school for initially only being able to speak Somali. It is wonderful to see so many people now singing happily in the Somali language, he says. “This is a cultural reset. This is definitely a breakout moment. I would love for her to come to Britain and perform at the Brits awards,” he said. “Oh my God, everybody would get their flags out!” - The Guardian
  15. In the last several weeks, a Soomaali song, Isii Nafta by Nimco Habi, truly went global via popularity on TikTok. Now it is shared on social media by Trevor Noah, Cardi B and Bella Haddid.
  16. Labadii xaqdaro ku heshiiso...: Fiqi: “Faataxada haloo maro Midowga Musharaxiinta” Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaki geliyay in Midowga Musharaxiinta mucaaridka ay taageersan yihiin dagaalka lagu qaaday ururka Ahlu-Sunna ee ka socda Guriceel. Fiqi ayaa sidoo kale su’aal geliyay cidda hortaagan in war-murtiyeed laga mideysan yahay laga soo saaro xiisada dagaal iyo howl-galka ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Ahlu-Sunna. “Midowga Musharixiinta ee wax kasta ka hadli jirey ma hawlgalka Odowaa iyo Qaroole ayay taageersan yihiin!. Yaa hortaagan in warmurtiyeed arrinta Guriceel laga soo saaro!?!?! Faataxada haloo maro midowga!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha ayaa maanta si shaqsi ah qoraal uga soo saaray dagaalka Guriceel, waana midda tooshka kusii shiday aamusnaanta Midowga Musharaxiinta ay ku wajahayaan xiisadaas. Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac is-haya ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. “Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuura kala fogaansho hor leh. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.” Xog ay Caasimada Online baahisay 8-dii bishaan ayaa waxay daboolka ka qaaday in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisadda ka taagan Galmudug, midaasi oo hor istaagtay in la soo saaro war-saxaafadeed lagu mideysan yahay. Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin. Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saari doonin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda dagaal ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug.
  17. Dalmar Yariisoow, Gooni tolka maaka celisid? Gooni, horta Faarax Gololeey muxuu ka yiri Reer Mudug? Mar adi iska celi, mar kale iyaga kala celi iyo...
  18. If it was this 'easy,' maxaa dowladda dhexe loogu diiday qof iyo cod? Sheeko meesha lagu haayaa.