Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Wariyaasha Soomaalida waa inay ogaadaan sirta qaarkood in la soo bandhigi karin.
  2. Faarax Galoleey inuu dhahay u maleynaa Reer Canjeex kursi ha u dhiiban, sida loogu fujiyaa adag. Waaba tanaa iyadoo cad. Nin xil sii haye ah ayaa saan u dhaqmaayo.
  3. Wretched secessionists aggressions and xadgudubkooda ma dhamaado miyaa?
  4. So-called 'Badbaado Qaran' ayaa u socon weysay, now Badbaado Galmudug waaye sheekada, waxaana wato qof xildhibaanimadiisa waaye. Gole Badbaado ‘oo looga dhawaaqayo’ Galmudug Golaha Badbaadada iyo Hoggaantoosinta Galmudug ayaa dhawaan lagu dhawaaqaya, sida uu shaaciyey Wasiirkii hore amniga ee maamulkaas, Axmed Macalin Fiqi. Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa bulshada reer Galmudug iyo siyaasiyiinteeda ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Golahaas oo lagu badbaadinayo maamulkaas oo uu raagadiyey hogaan xumo iyo colaado soo noq-noqday. Madaxweyne Qoorqoor oo asagu hoggaamiyo maamulka Galmudug ayaa lagu eedeynaya in uu si weyn uga gaabiyay hogaaminta maamulkaas iyo in deegaanada uu ka taliyo uga mashquulay rabitaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoor-Qoor ayaa inta badan waqti ku qaata magaalada Muqdisho oo xilligana uu ku sugan yahay, wuxuuna juhdi badan ku bixiyaa hoos u dhigista culesyada soo wajaha Villa Somalia oo la fahamsan yahay inay xilkaaas geysatay. Tan iyo markii uu hogaaminta Galmudug la wareegay waxaa ragaadiyay colaado soo noq-noqday iyo xiisado uu ku guul dareystay wax ka qabashadooda. Dhaq-dhaqaaqan cusub ee looga soo horjeedo hogaaminta Qoor-Qoor ma aha midkii u horeeyay ee lagu dhawaaqo, waxaana hore u jiray dadaalo maamul kale loogu sameynayo Galmudug, kaasi oo ka baxsan gacanta Qoor-Qoor. 9-kii bishan unbey aheyd markii magaalada Caabudwaaq lagu qabtay shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug, kaasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen. Shirkaas oo xilligaas ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii. Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa inuu dhageysan waayey tabashada beelaha maamulkaas, si weyna uu ugu gaabiyay adeegyadii aas-aasiga ahaa iyo dhismaha Galmudug loo wada dhan yahay. Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin dhowr ah oo maamulka Galmudug oo u wajahaya, kuwaasi oo ah dhanka amniga iyo maamulka ah oo uu horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor. Xigasho
  5. Qoorqoor oo shaaciyey xalka xiisada Villa Somalia, kadib kulankii Kate Foster Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha UK u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Kate Foster. Qoorqoor iyo Kate Foster ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay iyo arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Galmudug. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay labada dhinac isla garteen inay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada, una arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan. “Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida deg-degga ah ee loo qabo xilligan in ay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada ayna tahay xalka kaliya ee Soomaaliya,” ayuu yiri Qoorqoor. Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug oo todobaadkan soo gaaray caasimada ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Villa Soomaaliya. Waxaa kale oo uu ka qeyb-geli doonaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka. Xaaladda Soomaaliya ayaa haatan cakiran, waxayna kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble. Si kastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, waxaase beesha caalamku cadaadis saareysaa madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, si uu faraha ugala baxo doorashada.
  6. Wararka suuqa maanta. Sheeko sheeko ahaa: Qoorqoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoorqoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo. “Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka. Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay “Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.” Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo. 1- Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka Siigaale Ciidamado dhowr iyo toban gaari ah oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Isniinta oo u badan beesha Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xarun ka sameystay deegaanka Siigaale ee ku dhow madaxtooyada ayaa laga saaray aagagii ay ka yimaadeen, ayada oo la rumeysan yahay in Kheyre uu arrintaas ka shaqeeyay. Arrintaan ayaa su’aal gelineysa awoodda ciidanka Badbaado Qaran oo la aaminsan yahay inay yihiin waxa ugu badan oo cadaadiska ku hayey Farmaajo, balse qorshahan ayaa sabab u noqon kara in awoodda Farmaajo ay dib u soo laabato. 2- Kulanka Sharif iyo Rooble Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa isla habeenkii Talaadada kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo geeyay farriintii kulankii Qoorqoor kasoo baxday. Kulanka oo saacad iyo bar socday ayuu Shariif ku dadaalay in uu xog badan ka helo qorshaha xiga ee Rooble, isaga oo aan u furin arrinka wada-hadalka Farmaajo, balse sida aan ku ogaanay xogta markii uu ku laabtay Qoor Qoor ayuu sheegay in “Rooble yahay nin fogaaday oo ay tahay in Farmaajo la caawiyo.” Sidoo kale howsha Shariif loo diray ayaa waxaa kamid ahayd arrimaha ciidamada. Tallaabooyinkan ay billaabeen labada musharrax oo ku qancay in ay awoodda Rooble la xaddido ayaa xagal daacin kara dadaallaada Midowga Musharaxiinta ee ahaa in Farmaajo laga saaro Villa Somalia kahor doorashada, iyada oo dhanka kale laga yaabo in ay taageero badan ku waayaan maadaama ay u muuqato in Rooble uusan wadahadal geli doonin. Rooble ayaa waxaa ka go’an in Farmaajo laga saaro Villa Somalia, si ay doorasho u dhacdo, wuxuuna qaataa go’aan ah inaysan labadooda dalka wada xukumi karin, balse waxa uu wajahayaa dhabar-jebinta Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif, haddii aan loo midoobin sidii looga badbaadi lahaa. Xigasho
  7. This is a historical speech of the young sareeye guuto from yesterday. If we only had a few more disciplined leaders like him in the military.
  8. Taliska NISA oo kasoo jawaab celiyay warbixintii la xariirtay xaalada Mukhtaar Rooboow Taliska ku meel gaarka ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kasoo jawaab celiyay, warbixin la xariirtay xariga iyo xaalada Mukhtaar Rooboow oo dhameystiran oo Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ka dalbatay. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska taliyaha kumeel gaarka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa lagu sheegay in xaalada Caafimaad ee Mukhtaar Rooboow ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogta ah ula socota Caafimaadkiisa, uuna yahay arday dhigta Jaamacada heerkeeda labaad ee Master Degree. Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in nolosha Mukhtaar Rooboow iyo qoyskiisaba bil walba ay ku baxdo maareynteeda lacag dhan 7,000 kun oo dollar, sababta uu wali u xiran yahayna ay tahay maadama uu horay Shabaab u ahaa walina uusan buuxin sharuudaha isa soo dhiibaha loo dajiyay, in waajib yahay sugitaanka amaankiisa.
  9. Here is the full interview. It is weird when idaacadda Shabeelle and Xuseen Caydiid are peacemakers in the last of years. Shabeelle did really change into a high quality programming network.
  10. Xuseen Caydiid: Farmaajo dagaal wax loogama qaadayo Siyaasiga Xuseen Faarax Caydiid ayaa sheegay in Farmaajo uu doorasho ku yimid, doorashana uu ku baxi doono, balse dagaal aan waxaba looga qaadi doonin, sida hadalkiisa uu u dhigay. Xuseen ayaa sheegay in arrinta hadda taagan aan la dhihi karin khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, balse ay iska tahay caadooyinka shaqada socota markaas. Sidoo kale Xuseen Caydiid ayaa sheegay in khilaafkaan iyo cakirnaantaan doorashada ay tahay mid horay loo sii filaayey, kadib markii dowlad goboleedyadu ay si xun u maareeyeen doorashadii Aqalka Sare oo ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray Malxiis. “Mas’uuliyiintii hoggaanka doorashada loo dhiibay oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu horeeyo waxay daahinayaan doorashada, shaki badan ayey arrintaas gelisay adduunweynaha, shacabka Soomaaliyeed iyo musharaxiinta,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid. Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in mas’uulidda jiitanka doorashada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble, “Waxaan leenahay xabad lama qaadan karo Madaxweynaha, loomana qaadan karo, Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in Farmaajo yahay Madaxweynaha dalka oo qori iyo eedeyn aan looga saari doonin madaxtooyada, isla markaana aysan hadooneyn in la dhexgalo waxyaabaha ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. “Farmaajo qori isagoon qaadan Farmaajo wixii uu tabanaayo in warqadka wiifto ah uu ku soo saaro xaquu u leeyahay, Ra’iisul wasaarahaa laga rabaa inuu u tago oo dhaho Madaxweyne maxaad uiga rabtaa?” ayuu yiri. Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa shaaciyey in shalay uu u tegay Madaxweynaha, “Shalay waxaan u tegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuu igu yiri ila taliya maxaan sameeyaa, berri waxaan la balansanay ra’iisul wasaaraha waan u sheegeynaa, qaladka jira iyo xalkiisa,” ayuu yiri Xuseen. Xuseen Ceydiid ayaa Farmaajo aad ugu amaanay inuu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo nin aad u wanaagsan uu ku sifeeyey, isagoo sharaxay sababaha. “Ra’iisul wasaaraha dhamaanteen waa naga qabiirsan yahay waa nin Soomaaliya mudo dheer kasoo shaqeynayey, waxuu ogyahay shacabka dhibaatada heysata, nasiib weyn ayaan leenahay, Farmaajana waa noogu hiiliyey inuu soo doorto nin Habargidir ah oo Sacad ah, anigu aad ayaan u aqaan Rooble waa nin culumo ah,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid. Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Rooble markii uu xanaaqo uusan wax badan xeerin oo talaabadii uu doono uu qaadan karo, “Arrintaasna kuma jirto siyaasadda,” ayuu yiri waxuu sheegay in Rooble uu yahay nin aan xakameyn karin xanaaqiisa. Xuseen Ceydiid ayaa dowladda ka dalbaday in doorashada ay masuulka ka tahay ay dedejiso, “Waxaan ka digaa in aan nala kala qeybin, in wasiir ciidan soo abaabulo oo yiraahdo hala weeraro madaxtooyada suurta gal ma ahan.”
  11. What do you expect? Caydiid vs Cali Mahdi 2.0 ka sug. In this case, C/raxmaan C/shakuur, C/kariin Xuseen Guuleed and co. vs Shariif Axmed, Xasan Sheekh and co. There is always no Plan B other than bililiqo iyo isbaaro Xamar ka dhacdo.
  12. Waanwaan 2.0 Guudlaawe iyo Qoorqoor oo kusoo wajahan Muqdisho Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaraaan madaxweyayaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen. labada madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah. Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Lama oga sida ay u suurtageli karto in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble oo gaaray meel xasaasi ah isla markaasna ay adag tahay in labada Nin ay mar kale isla shaqeeyaan. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u sheegay inay garab taaga yihiin Ra’isulwasaare Rooble halka Koonfur Galbeed ay si cad ula safatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo. Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka aamusay khilaafka cusub ee ka dhex qaray Farmaajo iyo Rooble, waxayna aamusnaatooda calaamad u tahay inay dhex-dhexaad ka yihiin khilaafka. Xigasho
  13. Che, yariisoow degdeg badne warkiisa dhag jalaq ha u siin. Meeshee dabeesha u socoto u socdaa. Farmaajo is the same person uu amaanaaye bilooyin ka hor markuu ciidamo u diray Dhuusamareeb si Guriceel u soo celiyaan. Same 'Reer Muqdisho' uu sheegaayo waxba kama oga, because no one owner of sarahaas dhaadheer dhistay in the last ten years want in laga dumiyo, including tuuga weyn ee Mr. 30/30's Elite Hotel owner. No way.
  14. Gooni, Farmaajo yaa hoosta kala taliyo? Mar mar waxaa isdhahaa lataliye xeer dheer la'aan maa heyso maadaama deg degiisa go'aamada ah mar mar yaab leeyihiin.
  15. Laftagareen, who refused to attend his meeting on yesterday, ku xumee isleeyahay. I don't believe this news is real even. Haddee run ka tahay, odeyga adeerkiisa ah, Daahir Aweys, ha sii daayo.
  16. Easier said than done, widaay. Arresting Rooblaawe would be a disastrous move. These same isbaarodoon maleeshiyo will do far worse damage. Rooblaawahaan tuuga weynka ah asagaa gacantiisa ku keensaday, tusbaxiisa siray. Haka saarto. Inta xulashada dhaceyso meesha qofna yaanan laga tuurin.
  17. Always godka Siigaale oo isgoyska Dabka u dhow ku ordaan. Since kuwaan waalan think godka Siigaale was what broke Caydiid Sr. in 1992, so it can break any dowlad.
  18. Tuugii waa iscaddeeye. It is now clear he was and is a paid Tigrey mouthpiece.
  19. Why whenever he comes back from Jabuuti uu qas iyo qalalaase siyaasadeed u bilaabaa Rooblaawahaan? Laba shilin loo soo dhiibaa suu dhibkaan u bilaabo.
  20. He is now begging, via his nominated, illegal so-called ministers, the military not to interfere. Xilli wax la kala diro lama joogo runtii.
  21. He doesn't want to investigated. Yaaka yeelaayo sheekadaan. Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaaday tallaabo xeelad ah iskuna beddelay laba wasiir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku beddelay wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumadda federaalka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa loo arkaa mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo. Wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, ayada oo laga cabsi qabo in dalka uu galo dagaal mar kale ka dhasha damaca muddo kororsi ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhowr maalmood kahor soo saaray warqad u muuqatay mid gef ku ah ra’iisul wasaraaha kadib markii uu amray in la baaro dhul boob uu taliyaha ciidamada badda ku eedeeyey Rooble. Xasan Xuseen ayaa mar dambe ka laabtay qoraalkaas, isaga oo sheegay inuu ula jeeday in la baaro gefka uu taliyaha u gaystay Rooble, hase yeeshee sida muuqata waxyeelada ay gaysatay warqadiisa ayuu xilka ku waayey.
  22. Madaxweynaha seems kalsooni buuxdo inuu meesha ku joogo now, judging from his latest actions. It seems more like kalsooni ka baxsan tii sanadkii hore lagu arkay. Is he emboldened by the the thousands of Eritrea-trained troops that recently arrived in Muqdisho? Also the elite military force from Turkiga as well? It seems like Farmaajo wax ayuu isku ogyahay.