Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. It was inevitable Reer Khamiisweyne to pay their respects to the new Ottoman suldaan after their failed efforts of undermining Muslim world. Turkey, UAE sign financial cooperation deals as ties warm Turkey and the United Arab Emirates signed accords on energy and technology investments on Wednesday after talks between President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan in Ankara. Sheikh Mohammed’s meeting with Erdogan, the first such visit in years, comes as the two countries work to mend frayed ties after a period of bitter regional rivalry, and amid a currency crisis in Turkey. The memorandums of understanding were signed between the Abu Dhabi Development Holding (ADQ), Turkish Wealth Fund (TVF), and the Turkish Presidency Investment Office, as well as with some Turkish companies. The agreements highlight the pivot towards economic partnership after a battle for regional influence since the Arab uprisings erupted a decade ago. The disputes have extended to the eastern Mediterranean and Gulf, before Ankara launched a charm offensive in the region last year. Following the talks, Sheikh Mohammed said he had “fruitful” talks with Erdogan on strengthening ties between Turkey and the UAE. “I look forward to exploring new cooperation opportunities to benefit our two nations and advance our mutual development goals,” he said on Twitter. ADQ signed an accord on investing in Turkish technology firms and on establishing a technology-oriented fund, while Abu Dhabi Ports also signed an agreement on port and logistics cooperation. A deal between ADQ and Turkish company Kalyon on energy and infrastructure, another with CCN Group on health cooperation, and a third with Turkey’s Presidency Investment Office on renewable energy were also among the agreements, a Turkish official said. $10 Billion Fund The UAE announced it was establishing a $10bn fund to support mainly strategic investments in Turkey, including in the health and energy fields, its state news agency WAM said. “Problems with the UAE are now behind us. We are entering a period based fully on cooperation and mutual benefit,” said another official familiar with preparations for Wednesday’s visit, and added the UAE investment would ultimately be in the billions of dollars. The Turkish and Emirati central banks also signed a cooperation agreement on Wednesday. Earlier, two sources said they were holding talks about a potential swap agreement. Turkey’s central bank has previously sought swap deals with other countries as a source of hard currency to build reserves and support the lira, which has declined as much as 45 percent this year. It has swap agreements worth $6bn with China, $15bn with Qatar and $2bn with South Korea, for a total of $23bn. Turkey said in September it was in talks with the UAE over investments in energy such as power generation, while the UAE, whose sovereign wealth funds have made significant investments in Turkish online grocer Getir and e-commerce platform Trendyol, has said it seeks deeper trade and economic ties with Ankara. State broadcaster TRT Haber said Turkish Foreign Minister Mevlut Cavusogu will visit Abu Dhabi in mid-December. Ankara, at odds with several regional countries as well as its Western allies over various issues, has launched similar normalisation efforts with its rivals Egypt and Saudi Arabia, though those channels have yielded little public improvement. Xigasho
  2. Mustafa Cagjar oo Cabdiweli Gaas ku eedeeyey shirqool yaab leh oo ka dhan ah... Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar oo wareysi siiyey Telefishinka EZ ayaa eedeymo yaab leh u jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Cagjar ayaa ku eedeeyey Gaas uu dhinaca xuduudda Puntland iyo deegaanka Soomaalida kasoo geliyey ciidamo islamarkaana uu duulaan ku yahay amniga deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa jira isku dayo ay TPLF rabeen inay ku dhibaateeyaan deegaanada Soomaalida, waan ka hortagnay, waxaa kamid ah shirkii Washington ka dhacay ee lagu abuuray 9 urur, arrintaas waxaa dabada ka riixayey taageerayaashii hore ee Cabdi Iley, kuwa aan u dhallan deegaanka oo kasoo jeedo Puntland sida madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo shir ku qabtay Washington, islamarkaana ku aruuriyey lacago,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa. Ma cadda sida uu Gaas ku abaabuli karo ciidanka uu sheegay Cagjar, maadaama uusan iminka wax xil ah ka hayn Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale. Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay in TPLF ay dhibaato xoog leh uga tageen deegaanada Soomaalida, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas la abuuray marar badan. Wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabihii lagu go’aamiyey shirkaas ay qeyb ka aheyd in la kala jabiyo ciidamada maamulkiisa, islamarkaana ciidamo kale laga soo geliyo dhanka xuduudda, isagoo xusay inay la wadaageen hay’adaha sirdoonka laguna guuleystay in la fashiliyo. Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay gadaal ka riixeyso shirqooladaan si ay Itoobiya ugu ekeysiiso meel dagaal oo gabaad u noqota argagixisada. Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ay qeyb ka tahay qalqal gelinta lagu hayo Itoobiya, wuxuuna sheegay in Nairobi ay ka dhaceyn shirar lagu taageerayo TPLF. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay soo wajahday cabsi xoog leh oo ku saabsan in dagaal looga soo qaado dhanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab laga yaabo inay dagaal kusoo qaado gudaha Itoobiya. Xigasho
  3. Magaca Soomaalida ayaa la bahdilaayaa.
  4. Wax aanan loo joogin ku mashquulay suu dhaqaale masuqmaasuq ugu helo tuugada uu xilalkaan sii dhaceyso uu magacaabaayo oo laaluush bixiyey. Ninkaan iimaan daranaa. Howlihii loo dirayba aanan ka soo bixin. Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka Arrimaha Dibedda, magacaabayna mid cusub Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali. Rooble ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dibedda, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos). Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska. Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey. Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey. Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin. Xigasho
  5. Isbaariste warkiisa ha u bixin. Meantime, real Reer Baraawe waa kuwaan from yesterday's clip:
  6. Tiyaatarka Qaranka ayaa lagu soo bandhigay filinkaan toddobaadkii hore:
  7. Will this be carried out? Waala arki doonaa. Wasiirka caddaalada: Waa arin ugub ah oo aan horey u dhicin in dil lagu xukumo askar AMISOM ah oo dad Soomaaliyeed dil u geystay Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in markii ugu horraysay dowladda Soomaaliya ay ku guulaystay in askar katirsan howlgalka AMISOM oo dad shacab ah gudaha dalka lagu xukumo dil toogasho. Wasiirka caddaalada oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay xukunka lagu riday askarta AMISOM inuu ka turjumayo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen muwadiniinteeda dhibanayaasha ah. Wasiirka wuxuu sheegay in ay dowladda ka go’an tahay in askartaas oo labo kamid ah lagu riday xukun dil ah waajibaadkooda la marsiindoono isla markaana ay shaacin doonaan goobta lagu tooganayo. "Waa kiis ugub ah, madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble waxay ku dadaaleen in shacabkaas ay caddaalad helaan. Dilka goobta uu ka dhacayo waa lalasoo wadaagi doonaa shacabka" ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir. Wuxuu sheegay in qoysaska dadkooda laga laayay ay dowladdu u suurto galisay in ay goob joog ka ahaadaan xukunka, si ay kalsooni u dareemaan, wuxuuna wasiirku in dowladda kasii shaqeynayso magdhow in ay helaan. Maxkamadda AMISOM ayaa shalay xukun dil ah ku riday labo askari oo katirsan AMISOM, halka saddex kale lagu riday 30 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay in ay masuul ka ahaayeen dadkii lagu laayay Golweyn. Xigasho
  8. Mooryåån isbaariste baad ku nool ayaa inaa u sharaxdid rabtaa governance, peacefulness, reconciliation and cooperation. They think this little jago loo magacaabay comes because of the gun. Awalba jagadaan looma diidaneen, however they wanted more as the old warlord - Indhacadde's cousin, Dhuxuloow - who used to rule Baraawe in the 2000s. Sidaas camal ayee rabeen. Sheekadaan camal ayee degmada Marko ka rabeen sanado ka hor, waana u shaqeyn weysay.
  9. Barawaanigii magaaladaan qadiimiga dhisay wax dooranaayo, xaqoodana helay, guddoomiye ku xigeenka helay.
  10. Reer Koonfur Galbeed xaasidiin walaalahooda kale Soomaaliyeed wax u quureynin ma'aha. Wax wey siiyaan walaalkooda baahan, waligoodna ahaayeen oo Reer Geegii Mariidi waa soo dhaweeyaan. Xoog iyo bootada bilaashka lama ogola laakiin.
  11. Guddoomiyaha degmada aad isku dhajineysidna waa kan. Qorigii iyo isbaaradii wax waa tari weysay miyaa?
  12. Yariisoow deg deg badane, Afmaayga si fiican ugu baro wasiirkaaga.
  13. I for one do not want a strong, extremist Oromo leaders to gain power. No way. Just see what they did and are doing by expanding into Soomaali Galbeed in the last three decades. They believe they 'own' Diradhabo and many deegaans in Liibaan region of Soomaali Galbeed. It will also affect Soomaali-Boorana borders in NFD. They might arm more Booranta meesha degan.
  14. I don't know about you guys, but I want Abiy Axmed Cali to remain as a Xabashi leader. He is the most Soomaali-friendly Xabashi leader in history, if we are honest about it. Of course, we don't trust him and should not, but anyone who will replace him will be far worse for Soomaaliya and Soomaalis. It is him who practically bahlaha ka jafay maamul goboleedyada ismooday dalal, doing this without being asked much. Occupied Soomaali Galbeed has a Soomaaliya flag, has Soomaaliyeey toosoo as a national anthem. No Tigrey or Xabashi leader would tolerate this. Abiy Axmed is good for us Soomaalis who want a strong, united Soomaaliya, a weakened one is even better.
  15. Reer Arlaadi - Afmaay speakers - markaan oo kale waxee dhahaan, 'Aragaana,' though it is already happening. This seems like sheekadii degmada Marko. Isjiidkii, ku qabso ku qadi meysidee dheeraa ka dib maxaa ka dambeeyey?
  16. I noticed a distinct la iska fahmi karo on Western media: When Tigrayga are losing badly, certain Western media hyper-drives about 'famine' and 'sanctions' against Tigray region. But when they have a little upper hand, they are 'closer' to Adisababa and are on the verge of taking of Xabashiland. Maalin caddeey sheekadaan noo jilooyaan.
  17. Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si dag uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok-ga iyo burcada dhaca ka geysata degmooyinka magaalada Muqdisho, kadib kulan uu maanta la yeeshay taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir. Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay burcadda dhaca ka geysata magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta taleefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo balan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka. Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuqaalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok-ga oo carabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xumada ah kusoo bandhiga aalada Tiktok. Kulankii maanta ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxaa shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxuuna sheegay markii uu ka warbixinaayey in kulanka diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay in muqooyinkii dambe ay muujiyeen dadaal xoog leh, taas oo suurta gelisay in waxbadan ay iska bedelaan ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo balan qaaday inay sii adkeyn doonaan ammaanka, xiligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro. Xigasho
  18. Tiktok hanoo dambeeyee kuwii afkooda duubnaa bil walba wax qarxiyo warkooda nooga warama idinkoo raali ah.
  19. Reer ku qabso ku qadi meysidee waa lagu yaqaanaa. Iyagaaba xataa isku qabsado waxooda isku ogaleyn.