Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. ...xaqay ku dirirtaa. Maafiyo isbaheystay isbaheysigooda ma raago.
  2. Says a guy who claims to be a descendant of Reer Qureesh while having not a dhibic DNA of it. Marka hala yaabin, qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jirto.
  3. Secessionists always eager to give occupied Soomaali regions to Xabashida iyo Kiikuuyada. Like that would make them get their elusive, never-coming aqoonsi. Keep dreaming and keep attributing Soomaali lands to whoever you fancy in the era, be it Ingiriis, Faransiis iyo kuwaan kale.
  4. There is one, started in 2019, I think. It might take for a while.
  5. I don't like Heritage iyo kooxda maamusho. Who funds it horta? I believe it to be Sahan 2.0. Having said that, waa soo dhaweynaayaa meel ee Soomaaliweyn iskugu imaanayaan, la isku soo dhaweynaayo laakiin the hosting venue waa in la badalaa sanadkiiba. Jabuuti lee maxaa afar sano loola ordaayaa.
  6. When the official name of gobolka is Deegaanka Soomaalida (Soomaali Region) ee maxaa magaca Xabashada u daba raacineysaa?
  7. Their bitter target is not aimed at one man. No, it is for the fear of the whole Somali nation and state rising. Note those tagged in.
  8. This young man, the son of the late assassinated mayor Yariisoow, has a political future. Thanks for dowladda dhexe for giving him a chance.
  9. Meantime, neefkaan ayaa Soomaali nala sheeganaayo. They think Farmaajo = Somaaliya. Madax yaraa oo maan gaabnaa.
  10. This is the result of recent visit by Sareeyeguuto Odawaa to Ankara. Odawaa has been planning a big move this coming hear against kuwii afka duubnaa.
  11. And Amiir: Maxaa kasoo baxay booqashadii Maxamed bin Salmaan uu ku tegay Qadar? Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ammaanka gobolka kala hadlay Qatar, intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii ay boqortooyada soo afjartay xanibaad afar sano ah. Maxamed bin Salman ayaa Doha yimid habeenkii Arbacada taasi oo qeyb ka aheyd booqasho uu ku marayo Khaliijka, ku dhowaad sanad kadib markii xiriirka labada dal lasoo celiyey bishii Janaayo 2021. Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, ayna xiriir dhow la leedahay Iran — eedeymahaas oo ay Doha beenisay. Intii ay socdeen wada-hadallada amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, labada hoggaamiye ayaa is-weydaarsaday aragti ku saabsan “wax kasta oo lagu ilaalin karo xasilloonida iyo amniga gobolka,” waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka Qatar ee QNA. Sheikh Tamin “ayaa adkeeyey in booqashadan muhiimka ah ay xoojin doonto xiriirka qotada dheer ee taariikhiga, xilli gobolka uu marayo duruufo,” ayey tiri warbixinta Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale booqday garoonka kubadda cagta Lusail, oo marti-gelin doona cayaarta kama dambeysta ee ah koobka adduunka ee sanadka dambe. Maxamed bin Salman ayaa sidoo kale booqday dalalka Cumaan iyo Imaaraadka Carabta, kahor inta aanu Qatar uga sii gudbixn Baxreyn Khamiistii, halkaasi oo Jimcaha maanta ah uu uga sii gudbi doono Kuwait. Lixdan dal ee Khaliijka ayaa kulan madaxeed ku qaban doona Riyadh toddobaadka soo socda. Safarka Maxamed bin Salman ee gobolka ayaa waxaa mugdi geliyey xariga nin la tuhmayey inuu ku lug lahaa dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo lagu qabtay garoonka diyaradaha Paris Arbacadii. Ninkaas ayaa lasii daayey kadib markii mas’uuliyiinta Faransiiska ay sheegeen in lagu khalday qof kale. Dilka Khaashuqji oo October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa waxaa la sheegay inuu amray dhaxal-sugaha, hase yeeshee bin Salman wuu iska fogeeyey inkasta oo uu aqbalay mas’uuliyadda guud.
  12. Tuugii isku daye inuu baddii gato dhagihiisa iyo afkiisa isma maqlaan.
  13. Fagfagtii Tigrey saan maa u dambeysay? They thought this was 1991 again miyaa. Iyagoo afar milyan ah ayee rabaan dad shan jibaarkooda ah ciribtiraan.
  14. Eebbe ha u raxmado Sheekh Aweys, Sayidka, Sh. Xasan Barsame, Nasiib Buundo iyo halyeeydii kaleba. Dadkaas waa tageen, dadkooda iyo dalkoodana waa anfaceen ee xirta tuugada maanta na hor taagan ayaa u baahanahay xalkooda.
  15. Ninkaan markuu boqor la baxay ogaa fag fagtiisa fudeedka badan waxaan camal ka soo yeeri doono. Wixii laabta ugu qarsanaa ayaa ka soo fakatay: Boqor Buurmadoow oo dhalleecayn kala kulmay hadal uu kasii daayay warbaahinta Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Awmaxamuud Maxamed (Buurmadoow) oo katirsan madax dhaqameedka Somaliland, kaasoo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho. Boqor Buurmadoow ayaa meel madal ah uu ka hadlayay ka sheegay in Soomaaliya ay ka jirto labo dowladdood oo kala ah Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay in shaqsiyaad isaga ku qabiil ah ay xukumaan Kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale naxariis u rajeeyay hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Gudane, markii duqayn lagu dilay 2014. Masuuliyiin xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo maamulada dalka , ayaa hadalka Buurmadoow ku tilmaamay ku digasho iyo in uu damqinayo bulshada ay dhibaatooyinka kala duwan u geysatay Alshbaab. Dadka arrintaas ka hadlay waxaa kamid ah wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ku eedeeyay Boqor Buurmadoow in ereyadii uu ku hadlay ay yihiin kuwa aan xakamaysnayn oo u ekayd digasho aan geedna loogusoo gamban. “Boqor Buurmadoow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen”, ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Galmudug. Fiqi ayaa ugu baaqay boqor Buurmadoow inuu raaligalin degdeg ah ka bixiyo hadalka uu sheegay, isagoo tilmaamay in aanay isku qalmin sida weyn ee loosoo dhoweeyay iyo boogaha uu damqiyay. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa isna kamid ah dadka ka hadlay arrintaan, wuxuuna ugu baaqay in arrintaan uu raaligalin ka bixiyo boqorka ay xog-ogaalnimo darro u geysay. Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed [Buurmadoow], ayay si weyn odayaasha dhaqanka beelaha Koofureed u soo dhaweeyeen, waxaana caasimadda loogu sameeyay munaasabada kala duwan oo lagu soo dhoweynayay.
  16. They - kuwii Midowga Musharaxiinta la baxay - thought they could fund new feasible xildhibaanno' registration fees, qarashka odeyaasha and little jeebka ah in order to have their votes later. Ama kuwa iyaga iska soo bixiyey qarashka hadhoow la laaluushi karo, sida dhici jirtay. Taas ma dhicin oo maamul goboleedyadii xildhibaanadii cusbaa jeebka ee gishteen oo kee rabaan kaliya soo baxaayo. Worse xulasho ever.
  17. Puntland: Ku dhowaad 100 askari oo katirsan ciiddanka Daraawiishta Puntland oo ku biiray ciiddanka PSF Ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa ciiddamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta ku biiray ciiddanka PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyay taliyahoodii ugu sarreeyay. Qaar kamid ah askarkan oo saxaafadda kula hadlay xerada ciiddanka PSF ee magaalada Boosaaso, ayaa waxay sheegeen in ay ka kala yimaadeen Mudug iyo deegaannada kale ee Bari, iyagoo sheegay in qorshaha loo geeyay Boosaaso uu ahaa in ay weeraraan PSF. Askartu waxay sheegeen in aanay suurtagal ahayn in loo adeegsado arrimo siyaasadeed isla markaana la isku jebiyo ciiddanka amniga Puntland, waxayna kaloo sheegeen in ay ka cabanayaan maalmo xumo. Saraakiisha PSF ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland inay iska horkeynayaan ciiddamada Puntland, iyagoo ciiddamada kale ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in la qaldo sida ay sheegeen saraakiisha PSF. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta duqa magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) uu sheegay in ciidamo katirsan kuwa PSF ay kasoo goosteen taliskooda. Duqa ayaa dhinaca kale digniin adag u jeediyay taliyaha xilka laga qaaday. Wuxuu uga digay inuu xilka isku dhajiyo. Wuxuu sidoo kale sheegay ciidamada PSF in ay barakicinayaan shacabka magaalada Boosaaso, una sheegayaan inuu magaalada ka dhacayo dagaal. Xigasho
  18. Odeyaashii iyo xaajiyadii kale waa loo baneeyey kuraastooda (Mursal, Madoobe, Fowsiya Max'ed, xataa Saransoor) laakiin duqii Jawaari ahaa waa loo gafay. Who is next? Shariif Xasan's son ku fadhiya kursiga aabihiisa? Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay doorashada kursigii uu guddoomiye Jawari dacwada ka gudbiyay Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee golaha shacabka, kaasoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari. Hase yeeshee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa warkaasi iska diiday, iyagoo ku adkaystay in ay doorashadiisa qabanayaan maanta oo axad ah, wayna qabteen. Musharrax Maxamed Cali Xasan ayaa doorashada kursigan kaga guulaystay Mukhtar Cali Ibraahim, wuxuuna helay 78 cod, halka musharraxa la tartamayay uu helay 18 cod. Lama oga tallaabada uu qaadi doono guddiga doorashada, kuwaas oo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya ka qabtay dacwad uu ka qabay doorashada kursiga beeshiisa. Jawaari iyo musharraxiin kale ayaa Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah waxay ugu yeereen boobka qaran ee lagu hayo doorashada aqalka hoose, waxayna arrintaas isku fikir ka yihiin rag uu kamid yahay Cabdiraxmaan Tuur yare, taliyihii hore ee NISA.
  19. Jawaari oo ka hadlay diidmada lagu sameeyey inuu u tartamo kursiga HOP103 Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay isbaaro siyaasadeed oo loo dhigay, si looga wareejiyo kursigiisa xildhibaanimo. Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada ayaa sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan. “Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha Xigashomeesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in si bareer ah loo sameynayo gabood fal, kaasi oo baalmarsan hanaanka doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka. “Waxaa laga horyimid xaqii siyaasiga ahaa, meeshan wax nidaam dowladeed iyo xaq wax lagu qeybinayo uma jeedo. Waxaa ka baqayaa in faraha ka baxdo dowladnimadii yareyd ee soo kasbanay.” Waxa uu intaas kusii daray in uu ka tagayo magaalada Baydhabo, maadama laga hor istaagay in uu isku soo sharaxo kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo uu sheegay inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee beesha ay wadato. “Aniga illaa hadda waxa ahay musharax rasmi ah oo u sharaxan kursiga 103 sugayana in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo daah-furan ayaa diyaar u ahay, illaa taas laga gaarayana sidaasa usoo taaganahay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in wada-hadal uu u socdo beeshiisa oo iska leh kursiga go’aanka laga hor istaagay inuu isku sharaxo iyo madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Guddoomiyihii hore ee BFS looga hor istaagay musharaxnimada ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed kuna dhow Laftagareen. Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Laftagareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.
  20. Looma baahno waxaan camal to create unnecessary conflict. Xaq ayuu u leeyahay asaga iyo kuwa la mid ah inay isku sharaxaan xulashada.
  21. That Tigray covert agent disappeared the moment his people hilfaha loo laabay. Inta dad meeshaan ku jiray u sacabtumaaye isku dirkiisa Soomaalida. I feel vindicated always calling him 'Tigrey agent' on here.