Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Damujadiid ayuu caawinaayaa, Xasan Sheekh koow ka yahay. He is paying laaluushka, but these seats are not enough. Here, a big time Xasan Sheekh Maxamuud associate and hailing from Awdal is defending Rooblaawe:
  2. Dhagaxtuur wants everything and everyone need to be perfect. Otherwise, Soomaaliya is irredeemable.
  3. Muxuu dhahay, intarnashinal kamyuuniti aah?
  4. Dowladda Soomaaliya waa inay u jawaabtaa qoraalkaan. They are many fine Soomaali-Canadian writers they can use.
  5. Fahad Yaasiin Xaaji finally has written a qoraal ku saabsan sirdoonka Soomaaliya uu madax ka ahaa. Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran. Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay’adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah. Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda. Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo. Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada. Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo. Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti. Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka. Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka. Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo! Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool. Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa. Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd. Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan. Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka. Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba. Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah. Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda. Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya. Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah Shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan. Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda. Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed. Waa hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed. Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga. Xigasho
  6. What investigation than to regurgitate what tuugada Tigray tell them. Globe and Mail is a right-leaning Canadian paper marka waxaan camal waa laga filan karaa. They use to praise Meles Sanaawi's authoritarian leadership, too. Statesman ugu wici jireen.
  7. I just looked back at the sawirka uu la taaganyahay madaxweynaha. Dhererkiisa maba ii muuqan, ileen nin dheer waaye. Waxaa maqli jiray dadka gaaban notice taller people first. Marka Maakhiri awgaaboow maa tahay?
  8. Cumar Cabdirashiid oo weerar culus ku qaaday madax goboleedyada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee dib loo bilaabay, kadib heshiiskii Muqdisho. Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, wuxuuna sheegay in weli kuraasta baarlamaanka lagu hayo boob, sida uu hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaciyey in boobka socda uu ka awood badan yahay habraacyada doorashada ee lasoo saaray, taasina ay keentay in la xakameyn waayo. Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madax goboleedyada oo uu tilmaamay in awooda oo dhan loo gacan geliyey, isla-markaana ay iyagu maamulanayaan ergooyinka, halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen, ayna soo saarayaan xildhibaano daacad u ah. “Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cumar Cabdirashiid. Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto in xoog lagula soo baxo xildhibaanka la rabo, taasina ay tahay mid xilligan aan habooneyn. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dardar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee 2022. Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranada heereeyey doorashada oo dib u dhacday muddo hal sano ah.
  9. Axmed Madoobe ma ku abaal-dhacay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif? Doorashada Soomaaliya ayaa si toos ah loo guda galay, musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa ti toos ah u bilaabay ololahooda xukun doonka ah. Maamulada qaar waxay u diyaarsan yihiin inay 100% kaarkooda saartaan madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inta la ogyahay Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maran gacanta madaxweyne Farmaajo. Mucaaradka Xamar jooga waxay waqti dheer rajeenayeen in codadka labadaas maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay wax fiican ka heli karaan marka la gaaro xilliga doorashada, balse waxaa meel dhexe uga soo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo aaminay inay fursad madaxweyne ku jirto halkaan. Musharaxnimada Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa rajada codadka musharixiinta mucaaradka ka dhigtay sida Farmaajo oo laga xirtay codadkii Puntland. Waxaa soo haray Jubbaland, Farmaajo wuxuu 16-kursi geystay magaalada Garbahaarey, dadka uu isagu rabo ayaa heli doona kuraastaas, ma u codeyn doonaan waa dood kale. Kuraastii Kismaayo ku hartay ayey mucaaradka baadi rajo ka qabeen, laakiin dhawaan Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeybgalay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa la kulmay xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, wuxuuna toos ugu sheegay inuu dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni. Axmed Madoobe wuxuu sheegaa inuu Saciid Deni ku leeyahay abaal badan oo siyaasadeed. Axmed oo dib usoo doorashadiisii muran badan la geliyey, loona diiday aqoonsigii dowladda dhexe wuxuu si weyn ugu baahnaa ictiraaf siyaasi ah, maadaama uu ciidan ahaan ku tiirsan yahay dowladda Kenya. Waxay aheyd 2 Sano ka hor, Axmed wuxuu aqoonsigiisa dul dhigay xafladdii caleema saarkiisa. Saciid Deni wuxuu ahaa dhanka maamul goboleedyada, maamulka qura ee tagay caleema saarkaas, laakiin maamul goboleed miyaa aqoonsi siin kara maamul goboleed kale? Jawaabtu waa maya. Axmed Madoobe wuxuu markaas u baahnaa madax heer Qaran ah, Labadii madaxweyne ee hore ee Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenkii Aqalka sare iyo dhammaan xubnihii mucaaradka ayaa u duubtay in Axmed Madoobe loo sharciyeeyo doorashadiisa. Qaarkood halis duulimaad ayey la kulmeen, balse ugu dambeyn waa ku guuleysteen in Axmed uu u noolaado, sidii madaxweyne sharci ah, iyadoo dowladda federaalka ay markii dmbe ku qasbanaatay inay aqoonsato Axmed Madoobe. Madaxdii heer Federaal ee u dagaalantay aqoonsiga Axmed Madoobe, maanta waa laga soo xirtay albaabada Jubbaland, Axmed-na wuxuu leeyahay Saciid Deni oo kaliya ayaa abaal igu leh. Dood kama taagna inuu Deni siyaasad ahaan u garab istaagay Axmed Madoobe, laakiin kaligiis waxba uma tari karin. Lama yaqaano waxay maanta dareemayaan xubnihii shalay naftooda halista u geliyey inay Axmed Madoobe difaacaan, si uu xilliga doorashada u garab siiyo, balse maanta irdaha laga soo xirtay. Axmed Madoobe sida muuqata Saciid Deni oo qura ayuu u abaal gudayaa maanta, waana cashir siyaasi ah oo la diiwaan geli doono. Waxa qura ee arrintaan laga baran karo waa sida siyaasiyiinta Muqdisho kasoo jeeda ay ugu liitaan akhrinta iyo is waafajinta waxa taagan iyo timaatada. Dagaallada ay mabda’ la’aanta u galaan iyo inay rajooyinkoodii siyaasi ga ah dul dhigeen xubno aysan ballan xoogan kala dhaxey. Inkastoo aan la aqoon halka ay codka geyn doonaan xubnaha lasoo siin doono kuraasta, haddana waxay dad badan aamisan yihiin in tallaabada Axmed Madoobe ay dhallin doonto in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay cashir ahaan u heystaan inta aysan mar walba qaadin tallaabo laab la kac ah. Xigasho
  10. Maryooleey ninkaan aflagaadeynaayo maxee ismoodaan yihiin? Sacuudiga markee tagaan waxa loogu waco ma ogyihiin. Soomaalida oo falcelin laga naxo ka bixiyey imaatinka safiirka cusub ee Sacuudiga Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si xadgudub leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga usoo dirtay Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad. Dad badan oo ka falceliyey arrintaas ayaa si akhlaaqda ka baxsan u weeraray safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya, marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay safiirka. Dadka qaarkood ayaa soo dirista safiir madow ah ku qeexay ina ka dhigan tahay in Sacuudiga yasayo Soomaaliya, waa sida ay qoraalka u dhigeen’e. Hase yeeshee dadkaas ayaa ah kuwa aan xog badan ka haysan in Sacuudiga ay ku nool yihiin dad badan oo madow dhalad ah, oo xitaa qaarkood dalkaas uga horeeyey dadka Carabta ah. Waxaa yaab leh in dad Soomaali ah oo madow ay haddana cunsuriyeeyaan qof kale oo madow, oo weliba ah Muslim ku diin ah, taasi oo muujineysa heerka ay Soomaalida ka gaareen kibirka iyo isla weynida. Weerarka lagu qaaday safiirka Sacuudiga ayaa ceeb iyo magac dal ku ah umadda iyo dowladda Soomaaliyeed, waana in dowladda Soomaaliya ay cudur daar ka bixisaa arrintan.
  11. Kii dhibka waday nabad uu qaatay. Jeneral Xuud oo la keenay Muqdisho – Sidee loo soo dhoweeyey? Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday HirShabelle ayaa maanta la keenay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo ogolaaday inuu wad-hadal toos ah la galo dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya. Xuud oo diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Beledweyne ayaa waxaa la socday taliyaha ciidamada Lugta General Biixi oo hormuud ka ah dadaallada socda ee lagu qaboojinayo xiisadda ka aloolsan magaaladaasi, si loogu qabto doorashada Golaha Shacabka Somalia. Generalka oo muddo ku sugnaa duleedka magaalada Beledweyen ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada, waxaana garoonka ugu hortegy ciidamo iyo saraakiil loo diyaariyey inay qayb ka noqdaan soo dhoweyntiisa, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan. Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo horey uga hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, maadaama Villa Soomaaliya ay haatan dadaal xoogleh haatan galineyso xiisadda Beledweyne, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan. “Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu yiri Jeneral Xuud. Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda Hirshabeelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya. “Kacdoon ayaa nala yiraahdaa Hirshabeelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.
  12. Tuugada qabyaaladda la dhacday noloshooda wey aamini la yihiin in dad kale qabiil ah aragti isku baheysto, oo hal dowlad taageero ama hal urur. Taas waligood maskaxdooda yar kuma soo dhaceyso. Dad wareersan iga dheh.
  13. Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray go’aankii lagu baajiyey bannaanbaxa Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa ka jawaabay go’aankii dib loogu dhigay dibad-bax looga soo horjeeday isku daygii afgambi ee 27-ka December oo maanta ka dhici lahaa Muqdisho. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo ah Ugaaska beelaha ****, ayaa shalay sheegay in la joojiyey banaanbaxa kadib markii ay heshiis la gaareen Golaha Bulshada Banaadir oo qaban qaabinayey. “Maanta waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud. Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga mahadceliyey Golaha Bulshada Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii uu Golaha Bulshada Banaadir qaban lahaa maanta oo ah Khamiis 13/01/22. “Goluhu wuxuu cambaaraynaa hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Goluhu wuxuu adkeynayaa in mudaaharaadku yahay xaq dastuuri ah, shacabka Gobolka Banaadirna ay xilli kasta mudaaharaadi karaan.” Dhinaca kale, Golaha ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble in ay gudatay waajibkii kaga aaddanaa muddaaharaadka. “Goluhu wuxuu mar kale ku adkaynayaa Xukuumadda in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka, xilna iska saarto furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda mudaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka iyo in warbaahinta qaranka oo loo oggolaado Musharrixiinta.”
  14. Tuugaan xilkiisa jagada gatay qofka u dhiibtay ka sii daran. Waraaq la diro ayuu qalad ka fahmay.