Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. This is a historical speech of the young sareeye guuto from yesterday. If we only had a few more disciplined leaders like him in the military.
  2. Taliska NISA oo kasoo jawaab celiyay warbixintii la xariirtay xaalada Mukhtaar Rooboow Taliska ku meel gaarka ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kasoo jawaab celiyay, warbixin la xariirtay xariga iyo xaalada Mukhtaar Rooboow oo dhameystiran oo Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ka dalbatay. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska taliyaha kumeel gaarka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa lagu sheegay in xaalada Caafimaad ee Mukhtaar Rooboow ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogta ah ula socota Caafimaadkiisa, uuna yahay arday dhigta Jaamacada heerkeeda labaad ee Master Degree. Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in nolosha Mukhtaar Rooboow iyo qoyskiisaba bil walba ay ku baxdo maareynteeda lacag dhan 7,000 kun oo dollar, sababta uu wali u xiran yahayna ay tahay maadama uu horay Shabaab u ahaa walina uusan buuxin sharuudaha isa soo dhiibaha loo dajiyay, in waajib yahay sugitaanka amaankiisa.
  3. Here is the full interview. It is weird when idaacadda Shabeelle and Xuseen Caydiid are peacemakers in the last of years. Shabeelle did really change into a high quality programming network.
  4. Xuseen Caydiid: Farmaajo dagaal wax loogama qaadayo Siyaasiga Xuseen Faarax Caydiid ayaa sheegay in Farmaajo uu doorasho ku yimid, doorashana uu ku baxi doono, balse dagaal aan waxaba looga qaadi doonin, sida hadalkiisa uu u dhigay. Xuseen ayaa sheegay in arrinta hadda taagan aan la dhihi karin khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, balse ay iska tahay caadooyinka shaqada socota markaas. Sidoo kale Xuseen Caydiid ayaa sheegay in khilaafkaan iyo cakirnaantaan doorashada ay tahay mid horay loo sii filaayey, kadib markii dowlad goboleedyadu ay si xun u maareeyeen doorashadii Aqalka Sare oo ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray Malxiis. “Mas’uuliyiintii hoggaanka doorashada loo dhiibay oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu horeeyo waxay daahinayaan doorashada, shaki badan ayey arrintaas gelisay adduunweynaha, shacabka Soomaaliyeed iyo musharaxiinta,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid. Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in mas’uulidda jiitanka doorashada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble, “Waxaan leenahay xabad lama qaadan karo Madaxweynaha, loomana qaadan karo, Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in Farmaajo yahay Madaxweynaha dalka oo qori iyo eedeyn aan looga saari doonin madaxtooyada, isla markaana aysan hadooneyn in la dhexgalo waxyaabaha ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. “Farmaajo qori isagoon qaadan Farmaajo wixii uu tabanaayo in warqadka wiifto ah uu ku soo saaro xaquu u leeyahay, Ra’iisul wasaarahaa laga rabaa inuu u tago oo dhaho Madaxweyne maxaad uiga rabtaa?” ayuu yiri. Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa shaaciyey in shalay uu u tegay Madaxweynaha, “Shalay waxaan u tegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuu igu yiri ila taliya maxaan sameeyaa, berri waxaan la balansanay ra’iisul wasaaraha waan u sheegeynaa, qaladka jira iyo xalkiisa,” ayuu yiri Xuseen. Xuseen Ceydiid ayaa Farmaajo aad ugu amaanay inuu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo nin aad u wanaagsan uu ku sifeeyey, isagoo sharaxay sababaha. “Ra’iisul wasaaraha dhamaanteen waa naga qabiirsan yahay waa nin Soomaaliya mudo dheer kasoo shaqeynayey, waxuu ogyahay shacabka dhibaatada heysata, nasiib weyn ayaan leenahay, Farmaajana waa noogu hiiliyey inuu soo doorto nin Habargidir ah oo Sacad ah, anigu aad ayaan u aqaan Rooble waa nin culumo ah,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid. Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Rooble markii uu xanaaqo uusan wax badan xeerin oo talaabadii uu doono uu qaadan karo, “Arrintaasna kuma jirto siyaasadda,” ayuu yiri waxuu sheegay in Rooble uu yahay nin aan xakameyn karin xanaaqiisa. Xuseen Ceydiid ayaa dowladda ka dalbaday in doorashada ay masuulka ka tahay ay dedejiso, “Waxaan ka digaa in aan nala kala qeybin, in wasiir ciidan soo abaabulo oo yiraahdo hala weeraro madaxtooyada suurta gal ma ahan.”
  5. What do you expect? Caydiid vs Cali Mahdi 2.0 ka sug. In this case, C/raxmaan C/shakuur, C/kariin Xuseen Guuleed and co. vs Shariif Axmed, Xasan Sheekh and co. There is always no Plan B other than bililiqo iyo isbaaro Xamar ka dhacdo.
  6. Waanwaan 2.0 Guudlaawe iyo Qoorqoor oo kusoo wajahan Muqdisho Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaraaan madaxweyayaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen. labada madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah. Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Lama oga sida ay u suurtageli karto in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble oo gaaray meel xasaasi ah isla markaasna ay adag tahay in labada Nin ay mar kale isla shaqeeyaan. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u sheegay inay garab taaga yihiin Ra’isulwasaare Rooble halka Koonfur Galbeed ay si cad ula safatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo. Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka aamusay khilaafka cusub ee ka dhex qaray Farmaajo iyo Rooble, waxayna aamusnaatooda calaamad u tahay inay dhex-dhexaad ka yihiin khilaafka. Xigasho
  7. Che, yariisoow degdeg badne warkiisa dhag jalaq ha u siin. Meeshee dabeesha u socoto u socdaa. Farmaajo is the same person uu amaanaaye bilooyin ka hor markuu ciidamo u diray Dhuusamareeb si Guriceel u soo celiyaan. Same 'Reer Muqdisho' uu sheegaayo waxba kama oga, because no one owner of sarahaas dhaadheer dhistay in the last ten years want in laga dumiyo, including tuuga weyn ee Mr. 30/30's Elite Hotel owner. No way.
  8. Gooni, Farmaajo yaa hoosta kala taliyo? Mar mar waxaa isdhahaa lataliye xeer dheer la'aan maa heyso maadaama deg degiisa go'aamada ah mar mar yaab leeyihiin.
  9. Laftagareen, who refused to attend his meeting on yesterday, ku xumee isleeyahay. I don't believe this news is real even. Haddee run ka tahay, odeyga adeerkiisa ah, Daahir Aweys, ha sii daayo.
  10. Easier said than done, widaay. Arresting Rooblaawe would be a disastrous move. These same isbaarodoon maleeshiyo will do far worse damage. Rooblaawahaan tuuga weynka ah asagaa gacantiisa ku keensaday, tusbaxiisa siray. Haka saarto. Inta xulashada dhaceyso meesha qofna yaanan laga tuurin.
  11. Always godka Siigaale oo isgoyska Dabka u dhow ku ordaan. Since kuwaan waalan think godka Siigaale was what broke Caydiid Sr. in 1992, so it can break any dowlad.
  12. Tuugii waa iscaddeeye. It is now clear he was and is a paid Tigrey mouthpiece.
  13. Why whenever he comes back from Jabuuti uu qas iyo qalalaase siyaasadeed u bilaabaa Rooblaawahaan? Laba shilin loo soo dhiibaa suu dhibkaan u bilaabo.
  14. He is now begging, via his nominated, illegal so-called ministers, the military not to interfere. Xilli wax la kala diro lama joogo runtii.
  15. He doesn't want to investigated. Yaaka yeelaayo sheekadaan. Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaaday tallaabo xeelad ah iskuna beddelay laba wasiir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku beddelay wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumadda federaalka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa loo arkaa mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo. Wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, ayada oo laga cabsi qabo in dalka uu galo dagaal mar kale ka dhasha damaca muddo kororsi ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhowr maalmood kahor soo saaray warqad u muuqatay mid gef ku ah ra’iisul wasaraaha kadib markii uu amray in la baaro dhul boob uu taliyaha ciidamada badda ku eedeeyey Rooble. Xasan Xuseen ayaa mar dambe ka laabtay qoraalkaas, isaga oo sheegay inuu ula jeeday in la baaro gefka uu taliyaha u gaystay Rooble, hase yeeshee sida muuqata waxyeelada ay gaysatay warqadiisa ayuu xilka ku waayey.
  16. Madaxweynaha seems kalsooni buuxdo inuu meesha ku joogo now, judging from his latest actions. It seems more like kalsooni ka baxsan tii sanadkii hore lagu arkay. Is he emboldened by the the thousands of Eritrea-trained troops that recently arrived in Muqdisho? Also the elite military force from Turkiga as well? It seems like Farmaajo wax ayuu isku ogyahay.
  17. Hiiraanonline waxee la safatay ra'iisul wasaaraha, I see. Ra'iisal wasaare Rooble oo war kasoo saaray shaqo joojinta lagu sameeyay iyo ciidamo Xafiiskiisa la duldhigay Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay war qoraal ahaa oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqo joojin uu ku sameeyay raysal wasaare Rooble iyo waliba ciidan la duldhigay xafiiskiisa. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa talaabooyinka uu qaaday saacadahii lasoo dhaafay iney yihiin kuwa baal marsan Dastuurka dalka, islamarkaana uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego Xafiiskiisa wax walba oo masuuliyad daro ah oo yimaada uu dusha saaran doono madaxweyne Farmaajo. "Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo"ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay sii wadashada shaqadiisa uusan marnaba gudashada waajibaadkiisa shaqo cidna uga heybeysan doonin. "Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble. Si kastaba ha ahaatee 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo ugu dambeyn sababay in gudaha madaxtooyada laga dareemo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cabsi badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed.
  18. Madaxweynaha should blame none but himself. Asagaa keensaday ninkaan jeebkiisa u daran (after Qoorqoor consultation). Haka saarto marka. Nin u daacad ahaa sadex sano iyo bar - Kheyre - ayuu deg deg ku ceyriyey markuu arkay inuu hami musharaxnimo soo galay. He shouldn't have done that. Kheyre wax waa lagu eedeyn karaa but nothing close to this masuqmaasuq lagu arkay Rooblaawahaan oo tuugnimo iyo jeebkiisa buuxsado meesha u joogo. His jago should have ended six months ago.
  19. Mr. 30/30: Cabdullaahi Maxamed Nuur ma Farmaajo ayuu u galay? Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay inuu maanta Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.” Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.” Hase yeeshee munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Hadalkaas ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada. Waxay ugu yeeraan siyaasi aan mabda’ laheyn, oo wixii uu markii horeba u qeylinayey uu ahaa kursiga, kaasi oo hadda oo uu helay ay ka dhigtay inuu hilmaamo qofkii uu shalay ahaa. Ka sokow hadalka kasoo yeeray Cabdullaahi, waxaa maalmahan jiray warar sheegaya inuu xulufo la noqday madaxweynaha, oo ka furtay ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal xooggan oo la xiriiray magacaabista wasiirka kala kulmay Farmaajo. Hadalka maanta kasoo yeeray Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wararka suuqa ugu jira waxay tusaale u yihiin in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda uu saldhig u yahay kaliya kursiga.
  20. BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA Diseembar 26, 2021. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon; Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30), Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020; Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble; Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka; Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021. Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo. Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka; Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan; 1. In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020; 2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo. 3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay. - Filla Soomaaliya
  21. Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiskii 17 Siteembar Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay sannad guuradii 78-aad ee aas aaskii ciiddanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17 Siteembar ee aas aaska u ah hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska 17 Siteembar uu yahay heshiis aad looga fekeray, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaaliyo in wax laga beddelo. Wuxuu madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in la dardar galiyo doorashada xidlhibaannada aqalka hoose, wuxuuna raysal wasaaaraha iyo guddiyada doorashada ugu baaqay in ay qabtaan doorasho hufan oo lagu qanacsan yahay. Guddoomiyaha barlamaanka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo isna ka qeyb galay sannad guurada ciiddanka booliiska, ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada wuxuu sheegay, sida ay haatan ku socoto doorashada golaha shacabka, in aanay ahayn mid waqti dhow qaadan karta, marka loo eego tirada hartay. Mursal ayaa sheegay in heshiiska 17 Siteembar oo lagu jihaynayo doorashooyinka hadda socda uu ku egyahay dhammaadka 2021, isagoo sheegay haddii heshiiskaas uu dhaco inuu jiro qodob dastuuriya oo barlamaanka hadda jira u oggolaanaya inuu shaqada sii wato illaa baarlamaanka cusub uu yimaado oo la dhaariyo. Hadalada madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo hadda uu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyo khilaafka Rooble iyo guddiyada doorashada, sababtuna ay tahay in doorashada la cuuryaamiyo. Xigasho
  22. Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federal oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyey, sida ay sheegeen qaar katirsan guddigiisa. Maanta ayay ahayd markii xubno katirsan guddiga doorashada ay kasoo muuqdeen shir jaraa’id oo ay ku sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen guddoomiye Cirro, iyagoo ku eedeeyay inuu lumiyay madax bannaanidii iyo dhex dhexaadnimadii guddiyada doorashada. Guddoomiyaha oo caawa warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax kulan ah oo ay yeesheen guddiga doorashada oo xilka looga qaaday. Cirro wuxuu sheegay in ay doorashada haysato caqabad siyaasadeed oo loo baahan yahay in laga fardumaamiyo, wuxuuna xusay in mar walba weerar lagu yahay madax bannaanida guddiyada doorashad. “Doorashadu waxay ku socon kartaa inay madax bannaani helaan dadka ka shaqeynaya iyo hannaanka loo marayo. waa sida kaliya ee doorashadu ku socon karto laguna xallin karo wax kasta oo tabasho ah oo ka jira,” ayuu yiri guddoomiye Cirro. Khilaafka guddiga doorashada heer federal ayaa kusoo beegmaya xilli guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay isku diyaarinayaan in ay qabtaan doorashooyinka aqalka hoose, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkooda uu dib u dhac ku keeno doorashada.