Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,678
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. They think they have the 'powerful' constitution committee, though. Just see Cabdi Qeybdiid rush to be its chairman once more and Faroole as a member. Axdi aanan meel u socon another four years sii wadi doonaan.
  2. I am surprised the candidate that was said closest to Farmaajo got 24 votes from Aqalka Sare to odey Xaashi's 28 votes. Aqalka Sare is dominated by anti-Farmaajo mucaarad since hoggaamiyaasha maamul goboleedyada directly selected them, not even malxiisyo was needed during selections.
  3. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii uu ku guulaystay doorashada guddoonka aqalka sare. Cabdi Xaashi ayaa helay 28 cod, wuuxuna noqday musharraxii ugu codadka badnaa saddexda musharrax ee xilkaan iskusoo taagay, kuwaas oo kala ah, Cabdi Xaashi, Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamac. Musharraxii ku xigay ayaa helay 24 Cod waxaana uu noqday Saalax axmed Jaamac, halka Murashax Dubbe uu helay 2 Cod. Cabdi Xaashi ayaa mar kale barlamaanka aqalka sii hoggaamindoono afarta sano ee soo socda. Mucaaradka iyo muxaafidka ayaa la filayaa inay soo dhoweeyaan doorashadiisa. Kadib muddo sannad iyo dheeraad dib udhac doorasho lagu jiray, aqalka sare ayaa noqday hay’addii ugu horreysay ee yeelata guddoon rasmi ah oo haysta sharciyad buuxda.
  4. Already calaacal: Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka oo sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ay xirteen xarunta villa Hargeysa Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida ay ku khasbeen shaqaalaha Baarlamaanka inay ka guuraan Xarunta Villa Hargeysa, oo ah Xarunta Baarlamaanka.Xigasho Guddooomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay arrintan inay tahay in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada villa Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri, waxayna sheegeen in geedi socodka dimoqraadiyada Soomaaliya uu sii soconayo oo aysan jiridoonin dib udhigid iyo dib u dhac dambe. Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka uu sheegay in nafsadooda ay qatar ku jirto, isagoo sheegay in lagasoo horjeedo dhaarinta xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq. Doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku beegan maalinta berrito ah, iyadoo khudbadihii musharraxnimo ay jeediyeen musharraxiinta u taagan guddoonka golaha.
  5. Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka Aqalka Sare Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane. Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala. Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka. Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare. Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte. Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo. Xigasho
  6. Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa: 1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa. 2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland. 3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”. 4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah. 5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran. Wabillahi Tawfiiq.
  7. Xeer Kusime Madaxweyne Lr 91, April 23, 2022 : kuna saabsan Cafis Maxaabiis bisha Ramadaan. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markaan Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. Markaan Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland iyo Talo bixinta Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha ee Puntland. Markaan Tix geliyey:- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga. Waxaan Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 60 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland.
  8. Xeer Kusime Madaxweyne Lr 97, April 25, 2022 Magacaabid Agaasimayaal. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. Markuu Arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada Hay’addaha dowliga ah. Markuu Tixgeliyey:- Aqoonta, Kartida iyo Waayo-aragnimadooda. Wuxuu u Magacaabay:- 1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland. 2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 3- Waxaa Samsam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland. 4- Waxaa Cabdirisaaq Maxamuud Faarax loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee dowladda Puntland. 5- Waxaa Farxiya Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada ee dowladda Puntland. 6- Waxaa Cabdiwaduud Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wakaalada Tamarta Dowladda Puntland. 7- Waxaa Cabdulqaadir Siciid Guureeye loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka, Quudinta, iyo Xaaladaha deg-dega ah ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland. 8-Waxaa Cabdirabi Maxamed Axmed Bootaan loo magaacabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah dowladda Puntland. 9- Waxaa Liibaan Cismaan Siciid loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Puntland. 10- Waxaa Samiiro Cabdulqaadir Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland. 11- Waxaa Axmed Ibraahim Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Tababarada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 12- Waxaa Mukhtaar Cabdi Ibraahim (Fariiq) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 13- Waxaa Bashiir Maxamuud Yuusuf (Dhaashane) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 14- Waxaa Siciid Ismaaciil Weyrax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kobcinta Kartida iyo Xirfadaha ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 15- Waxaa Abuubakar Nuur Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 16- Waxaa Farxiya Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Xogta Biyaha ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland. 17- Waxaa Maxamed Nuur Nageeye loo magacaabay Agaasimaha Maaraynta Xogta Dhulka ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland. 18- Waxaa Xaliimo Maxamuud Cali Aadan (Jabhad) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka dowladda Puntland. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynuhu, wuuna saxiixay. DHAMMAAD
  9. Karaash's first major move: Axmed Karaash oo tallaabo culus qaaday maanta, ka dib… Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa soo saaray wareegtadiisii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Saciid Deni usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya. Axmed Karaash, ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug waxa uu u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, magacaabistaan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne ku-xigeenka tan iyo markii Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax madaxweyne. Faysal ayaa beddali doono guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka. Madaxweyn ku xigeenka ayaa horey u shaaciyey inuu la wareegay hoggaanka Puntland, si looga fogaado firaaq ku yimaada howlaha maamulka iyo horumarka Puntland.
  10. What honestly? Staying in cushy Xalane while being paid thousands of euros per month, hardly interacting with Soomaalida. I can bet he met no more Soomaali people than the number of fingers on my right hand. I don't give a hoot what NGO industrial complex say about our country. By the way, his Ukrainian people are united analogy speaks more about YOU and your ilk who want to secede and dismember the country.
  11. It is not Ceelwaaq, Che. Waa deegaan ka tirsan xad beenaadka ee dhalinyaro baagamuundo ah soo aruursadeen. Xulasho xataa ma'aha waxa meesha ka dhacay.
  12. He died today. Kenya's former president Kibaki dies at 90 Mwai Kibaki, who ushered in economic reforms and a new constitution but struggled to tackle widespread corruption as Kenya's third president from 2003-2013, has died aged 90. A British-educated economist, Kibaki's unflappable demeanour concealed political guile that finally won him the presidency after four decades as lawmaker, government minister and then vice president to his predecessor, Daniel arap Moi. Kibaki, whose death was announced President Uhuru Kenyatta, is credited with reviving Kenya's then ailing economy, but his tenure was marred by deadly violence that killed more than 1,200 Kenyans following his disputed re-election in December 2007. The opposition had been far ahead when journalists were hurriedly ejected from the election commission. Hours later, Kibaki's win by a narrow margin was announced. Smoke immediately began rising from fires lit by protesters. While announcing Kibaki's death, Kenyatta recalled his long public service, including being a member of parliament for five decades. "Kibaki was a quintessential patriot whose legacy of civic responsibility will continue to inspire generations of Kenyans long into our future," Kenyatta said in a televised address. Kenyatta did not state the cause of death but Kibaki has been ailing for some time, domestic media reported. Politicians took a break from campaigning for a general election scheduled for Aug. 9, to mourn Kibaki. "He stood firmly and laid the foundation for the economic fruits that Kenya is experiencing today," said Musalia Mudavadi, who is backing Deputy President William Ruto in the presidential contest. But Kibaki failed to tackle endemic graft, which remains a key demand of voters in the upcoming polls that pit Ruto against Raila Odinga, a former veteran opposition leader now embraced by the political establishment. Kibaki had also tried to bring peace to regional hotspots, said Moses Wetengula, who served in the cabinet. "As his foreign minister, I ran many missions to stabilise Somalia and other pockets of instability including Congo," Wetangula said. Kenyan peacekeepers are still serving in southern Somalia. Reuters
  13. Siyaasiin lagu duulo ayee siyaasadii Soomaaliya mareysaa. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku eedeeyay weerarkii Xalay lagu qaaday inuu ka dambeeyay Taliyaha Booliska Puntland ee gobalka Mudug Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri ay ku shirayeen wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, siyaasiyiiin iyo Nabdoono kale, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in weerarka uu ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa waxgaradka shirka lalaha wasiirka xiliga uu weerarka dhacay. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo ka hadlay weerarka xalay lagu qaaday ayaa ku eedeeyey Taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee Puntland inuu weerar kusoo qaaday goob ay kaga afurayeen magaalada Gaalkacayo, hayeeshee Taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa dhankiisa beeniyay eedeynta kaga timid wasiir Cabdisaciid Muuse ee ku aadan inuu ka dambeeyay weerarkii Xalay. "Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah. Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid Muuse. Weerarka xalay dhacay ayaa kusoo beegmay saacado uun kadib markii guddiga amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ay soo saareen digniin culus oo lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeysan ee lagu qabanayo gobolka Mudug.
  14. MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021. “Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.” “Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan. DHAMMAAD
  15. Abaaydeen knows how to stir right wing, anti-Muslim regimes. India condemns Omar’s ‘narrow minded’ politics, visit to Kashmir India has condemned a recent visit by Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) to Kashmir, an area that has been the subject of dispute and, at times, violent conflict between India and Pakistan for years. In a strongly worded statement, India’s Ministry of External Affairs Spokesperson Arindam Bagchi took aim at what he called Omar’s “narrow minded politics” and called her visit “condemnable.” He said at a press briefing Thursday, “We have noted that US Representative Ilhan Omar has visited a part of the Indian Union Territory of Jammu and Kashmir that is currently illegally occupied by Pakistan. If such a politician wishes to practice her narrow-minded politics at home, that may be her business. But violating our territorial integrity and sovereignty in its pursuit makes it ours. This visit is condemnable.” While on a visit to Pakistan-administered portion of Kashmir, Omar met with the president of Azad Jammu and Kashmir Sultan Mahmood Chaudhry. Omar also met Pakistan’s Minister of State for Foreign Affairs Hina Rabbani Khar who said in a statement that she “appreciated the strong voice that Congresswoman Ilhan has raised against Indian atrocities in Indian Illegally Occupied Jammu Kashmir and for the people of Palestine.” Khar added that “in today’s environment, it was important to stand up for universal values and human rights and let that not be clouded by geo-political interests.” According to Pakistani newspaper Tribune, Omar spoke about Indian Prime Minister Narendra Modi government’s anti-Muslim policies. “I don’t believe that it is being talked about to the extent it needs to be in Congress and within the administration,” Omar said. The outlet noted that she hoped her visit to Kashmir motivates more conversations. She added that she hoped to learn about the situation in Kashmir and the dispute between the two countries. Her office did not immediately respond to The Hill’s request for comment. The Minnesota Democrat’s visit to Kashmir came a day after she met with Pakistani leaders in Islamabad including President Arif Alvi and newly appointed Prime Minister Shehbaz Sharif. She also met with recently ousted Pakistani Prime Minister Imran Khan who alleged that Donald Lu, assistant secretary for the Bureau of South and Central Asian Affairs at the Department of State, was involved in the “foreign conspiracy” to topple his government. Omar has been a vocal critic of Modi and has previously questioned Biden Administration officials over what she said was their failure to criticize the his government on the issue of human rights and its actions against its Muslim minorities in India. India and Pakistan have been embroiled in a decades-long dispute over the region since the partition of 1947. Four wars have been fought between India and Pakistan, the latest in 1999.
  16. He took with him to Xamar guddoomiyihii baarlamaanka maamul goboleedka. In xilka laga qaado muu ka cabsaday?