-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Denmark fast-tracks new law to welcome Ukrainian refugees Denmark on Wednesday passed legislation allowing Ukrainians fleeing the war in Ukraine to start working, going to school and receiving social benefits soon after arrival in the Nordic welfare state. The law, which was fast-tracked in parliament, allows Ukrainian refugees to apply for temporary residency in Denmark for up to two years, effectively bypassing the slower process of applying for asylum. Integration Minister Mattias Tesfaye said in a statement he wanted the first residence permits to be granted at the weekend. “After that, it will be a few days before we can start getting Ukrainian refugees as colleagues, and our children will have new schoolmates,” Tesfaye said. Ukrainians coming to Denmark would be provided with rights similar to those offered to citizens within the European Union, as well as relief and accommodation. Lawmakers wanted the bill, effective as of Thursday, to ensure optimal conditions for Ukrainians “to be able to continue their lives quickly and efficiently and to actively be a part of Danish society.” More than 3 million people have fled Ukraine so far, data from the United Nations refugee agency (UNHCR) shows. The Danish government expects to receive upwards of 20,000, documents related to the bill showed. Since Russia’s invasion of Ukraine on Feb. 24, a total of 1,733 Ukrainians have sought asylum in Denmark, according to data from the Danish Immigration Service. The law has drawn criticism from leftist parties who said it discriminates against refugees who have fled other war-torn countries, such as Syria, but don’t obtain the same rights. Denmark’s ruling Social Democratic government has carried over the wealthy Scandinavian country’s decade-long tough stance on immigration, which it says is necessary to protect Denmark’s cherished welfare system and integrate the migrants already in the country. In Poland, which has received nearly 2 million people from Ukraine, authorities on Wednesday began issuing national identification numbers to the refugees so they can access social services and benefits, and more easily find jobs.
-
Cunsurnimadaan maalin caddeeyga ah ila arka: Denmark will not seize jewelry from Ukrainian refugees: Prime minister Denmark will not seize jewelry from Ukrainian refugees *unlike Syrians and Africans* who sought refuge in the country from 2016 onwards, its prime minister said Friday. “Ukraine is in our immediate region. It is part of Europe. It's in our backyard,” Danish Prime Minister Mette Frederiksen told public broadcaster PR. “Denmark has a special responsibility in relation to the Ukrainians, who are on the run from Russian missiles and cluster bombs, which now also hit civilian targets.” DR noted the country adopted a law in 2016, known as jewelry law, that gave authorities the right to seize valuables and large sums of money from refugees. “Clearly, there is a difference between refugees and how we receive them,” it said. The broadcasting service said the government is working on a special law that would allow Ukrainian refugees to benefit from social subsidies and have their children easily enrolled at schools. Russia's war on Ukraine, which began on Feb. 24, has drawn international outrage. The EU, US, UK, among others, implemented tough financial sanctions on Moscow that received condemnation at the UN General Assembly and UN Human Rights Council. Moscow has been further isolated, with its planes barred from flying in European, US, and Canadian airspaces. According to the UN refugee agency, more than 1.2 million people have fled Ukraine to neighboring countries. In the second round of peace talks Thursday between Moscow and Kyiv, the two sides agreed to create humanitarian corridors to evacuate civilians.
-
Why don't they start a branch in their deegaan instead other deegaano dhib iyo qaxar ugu horseedaayaan whereas their own families live in peace deegaanadee ka imaadeen. Heck, he is a secessionist, too and does not believe Soomaali unity. Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab Sheekh Aadan Sunne oo goordhoweyd la hadlay idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray xarkaada Al-Shabaab, kadib markii uu ka baxsaday deegaanada Somaliland. Waxa uu sheegay Sheekh Aadan in uu ku sugan yahay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, uuna u kala gudbi doono dhamaan wilaat-yaadka ay gacanta ku hayaan, si uu uga qeyb-qaato arrimaha faafinta dacwada. “Wadankii aan ku dashay ee aan ka ahaa Nin ku howlan dacwada Islaamka ayaa waxa ku timid carqalad xoogan oo kaga timid nidaamka ka jira goobtaas. Waxaa si cad loogu faafinaya (Somaliland) dhaqan badal iyo diimaha gaalada, oo hadda ka hadasho aad adiga u cadiban tahay oo cida wadana lagu ilaalinayo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in Garsoorka iyo dhamaan laamaha amniga ee Somaliland ay gacanta ugu jiraan madaxda sare, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland u dhiban yihiin. “Waxaa hadda ku suganahay qeybaha wilaat-yadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaa dhex mushaaxaya oo u kala gudbaya wilaat-yaadka 11-ka ah ee gacanta ku hayaan xarakatu Shabaab al-mujaahidiin.” Sheekh Aadan Sunne ayaa ku dooday in deegaanada Al-Shabaab ay ka jirto masuuliyad Diimeed oo xaq ah, islamarkaana uu kala qeyb qaadanayo waxkasta oo awoodiisa iyo aqoontiisa ah, kalana qeyb qaadanayo, sida uu sheegay. Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in uu deegaanada Al-Shabaab u tagay si uga qabto xil sare, wuxuuna ku cel-celiyay in halkaas u tagay faafinta dacwada iyo masuuliyad diimeed oo la xiriirta faafinta dacwada. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa ay ka baxeen Somaliland, islamarkaana aysan jirin cid wax u dhintay isaga iyo qoyskiisaba, kadib markii uu maamulka xiray dhowr jeer.
-
Hormuud ayaa maalgalisay dhisida masaajidkaan sida la yiri, war suuqeedka saas lahaa in 2019.
-
Haa, degmada Hodan waaye, isbitaalka Digfeer ilaa Shaneemo Ekwatoore inta u dhaxeyso ayaa laga dhisaayaa sarahaan. Maqaayado, dukaamo and cafes casri ah ku yaalo also. The map below is where I am talking about. I have been to where it says Karmeel Hotel and Restaurant. Below is the picture Karmeel.
-
Dhismaa ku socotay markaa tagaaye Xamar 2019. Garoonka agtiisa ku yaalaa. Laakiin masaajidkaan hoose isbitaalka Digfeer ku dhex yaalo ayaa arkay. Meel leer carfeyso leh oo degan ayuuba ku dhex yaalaa. Weird not many people were there oo dadka isbitaalka booqdo bannaanka ayee iskaga tukadaan.
-
Rep. Ilhaan Cumar is in the Foreign Relations committee. This secessionist beenta isku aqrinaayo ha iskaga baashaalo beentiisa about some paid politicians. We had seen many of them pass in here in the last two decades and leave as a defeated souls.
-
Muuse Muqayil wax soo dhaweeyo intuu waaye ayee receptionist doonteen soo dhaweeyaan:
-
Guuleed has fewer than a dozen selected votes. Kheyre ayaaba dhaamo.
-
-
Maxaa shaxaadkii yaraa beesha caalamka laga helaaye lagu qasaariyey. Did anyone ask baasaboorka Jabuuti ee ku socdo yet?
-
What a waste of marqaamid money that could have been used for abaar-affected people:
-
Right to Muuse Marqaan's face:
-
Here is Maareeye oo sharxaayo maadaama ururo siyaasadeed jirin oo meesha the cursed 4.5 lagu joogo:
-
If you read what Maareeye is saying above, there are already spoilers oo shirkaan ajendihiisa rabo badalo. Ololo siyaasadeed ayee rabaan ku badalaan oo shaqsiyo gooni ah lagu taageero.
-
Ha isbaheystaan haddee isaaminaayaan. Cali Mahdi iyo Caydiid iyo tolkooda ayaa isaamini waaye, let alone beelo kale.
-
I remember telling Galbeedi right on this site this very issue a few years ago. I guess it is becoming a reality. Maareeye oo shaaciyey arrin lama filaan ah iyo qorshaha ****, **** & **** Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo saaray qoraal xasaasi oo ku saaban shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha ****, **** & ****. Mareeye ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha ****, **** & **** ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah. Sidoo kale wuxuu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. “Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha ****, **** & **** mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay isbeddaleen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo madaxdii ku howlaneyd shirkaasi, isla-markaana ay doonayaan in xilalka sidoodii loo daayo. “Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn Maareeye oo kasoo horjeedo qorshaha lagu maja-xaabinayo shirka Baydhabo ayaa soo jeediyey in wada-tashi la isugu yimaado Muqdisho, ka hor shirka Baydhabo. “Xildhibaano labada dhinac ah oo aanu arintaas iska aragnay waxaanu ku heshiiney in shirka Baydhabo ka hor Xamar lagu shiro oo laga heshiiyo Agendaha Shirka iyo in aan la bedelin ujeedkiisii,” ayuu gabagbadii ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir hore Maareeye. Arrintan ayaa la aamisan yahay inay saameyn weyn ku ku yeelatay Villa Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay kala fur-furtay qaar ka mid ah madaxdii waday qorshahan, iyadoo adeegsaneyso Madaxweyne Lafta Gareen, maankana ku heyso dib u doorashada Farmaajo. Xigasho
-
Madax wareer siyaasadeed oo haysta Rooble Ismariwaaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey. Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey, oo aan halkaas doorashu lagu qabin karin. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan. Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo la geeyo Kismaayo, balse ma cadda xilliga ay ku dhowaaqi doonaan. Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka. Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado, oo ay dhaafo 15-ka Maarso.
-
-
Jeesoow has been re-selected again. His loyalty to Farmaajo has paid off. Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday magaalada Baledweyne [Ergagaan Barbaarta afka duuban ka cabsaneyso ayaa xushay. ] Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne. Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baledweyne oo tirsigiisu yahay HOP 030 waxaa kusoo baxay Daahir Amiin Jeesow, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Cali Cabdullaahi Xeefow, waxaana hab gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Jeesoow uu helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod. Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 010, waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cismaan Gureey oo helay 90 cod, kadib markuu tanaasulay musharax Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Jindi. Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baledweyne oo ahaa midkii ugu tartanka adkaa doorashada kuraasta Baledweyne taala ee la doortay waxaan kursiga kuwada tartamay sadax musharax oo kala ahaa Cabdimaalik Cabdalla, Cabdi Daahir Guure, iyo Cumar Cismaan Waasuge oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxaana tartanka adkaa kuso baxay Cabdimaalik Cabdalla oo helay 58 cod, halka Cabdi Daahir Guure uu helay 30 cod, iyadoo Cumar Cismaan oo ahaa Xildhibaankii hore uu helay 7 cod.
-
Free speech in Soomaali Galbeed
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Madaxweyne Mustafe cagjar "Shacabka Soomaaliyeed muran kuma jiro in uu ka raystay dowladdii TPLF" Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo u waramayay warbaahinta dowladda ee EBC ayaa waxa uu ka war bixiyay degaanka Soomaalida waxyaabihii u qabsoomay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu talada dalka iyo degaankaba qabtay xisbiga Barwaaqo. Madaxweynuhu wuxuu ugu horreyn sheegay in intii uu talada dalka qabtay xisbiga Barwaaqo, uu degaanku helay xuquuq badan oo markii hore ka maqnayd, sida matalaadda heer fadaraal ah oo Aaden Faarax oo Soomaali ahi uu guddoomiye u yahay xisbiga Barwaaqo, sidoo kalena xubno Soomaali ah ay ku dhex jiraan xisbigii oo iyagu maanta ku hadlayaan codka Soomaalida. Madaxweyne Mustafe cagjar waxa kale oo uu sheegay in intii uu xisbigani talada hayay ay Soomaalidu usuurtagashay inay iyagu iskood isku maamulaan, oo aysan jirin cid shisheeye ah oo soo faragalisa arrimaha degaanka Soomaalida, sidoo kalena dad aan horey u hawaysan jirin in maamulka degaanka soo dhex galaan ay maanta xukuumaddii kamid yihiin. Xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale Madaxwaynuhu sheegay inuu yahay waxa u weyn ee degaanka Soomaalida usoo kordhay intii uu xisbiga Barwaaqo talada dalka qabtay, isagoo xusay in degaanka Soomaalidu ahaa degaanka dadka lagu cuno, lagu baabi'iyo oo lagu xasuuqo, halka uu imika yahay degaan dadku diintiisa iyo dhaqankiisa u madax banaan yahay. Madaxweynuhu wuxuu xusay in isbaddalladaas muuqda ay shacabku ka markhaati kacayaan, marka laga reebo xoogag uu Madaxweynuhu ku sheegay inay dan ku qabeen siyaasaddii hore ee hadda ka hor dalka ka jiri jirtay ee TPLF hoggaaminaysay, oo uu sheegay inay u cuntami la'dahay isbaddalka haatan si guud dalka uga hanaqaaday. Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in muran uusan ku jirin in maanta shacabka Soomaaliyeed uu ka raystay dowladdii ay majaraha u haysay TPLF, intii uu isbaddalku jirayna shacabka Soomaaliyeed wanaag badan heleen, balse uu jiro wax badan oo ay wali tabayaan. Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli lafilayo in shirwaynihii 1aad ee xisbiga Barwaaqo uu ka furmo dhawaan magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku dhan yihiin dhammaan xubnaha xisbiga Barwaaqo, oo isugu jira kuwo heer fadaraal ah iyo kuwo heer degaan ah. Xigasho -
Why loogu horistaagayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shariifka iyo wiilkiisa kursigee ku fadhiyeen tan iyo 2000 ninkaan hoose oo ah wasiirka awqaafka diinta ee Koonfur Galbeed ayaa la siiyey oo la xushay maanta: Doorashada lix kursi oo Baydhabo ka dhacday maanta – Yaa kusoo baxay? Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#099, Hop#168, Hop#167, Hop#077, Hop#186 iyo Hop#261 ee Golaha Shacabka. Doorashada kuraastan ayaa waxaa ku soo baxay xubnaha kala ah:- 1-Axmed Madoobe Nuunow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#099. 2-Luul Ibraahim Cumar oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#168. 3-Cabdisalaan Cali Cabdi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#167. 4-Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop#077 . 5-Cabduqaadir Cumar Macalin oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#186. 6-Saalax Shariif Siid Cali oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#261. Guusha xubnahan ayaa horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kuraasta ay ku soo baxeen, iyaga oo aan gelin tartan adag. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka. Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. -
And they can't even go to Garbahaareey: Ciidan fashiliyey qorshe uu watay xafiiska Rooble oo qabsaday garoonka diyaaradaha (Garbahaareey) Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ciidan aad u hubeysan geeyey garoonka diyaaradaha magaaladaas, si halkaas ay uga hor istaagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray inay soo qiimeeyaan xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland. Sida aan xogta ku helnay waxuu qorshuhu ahaa in Talaadadii maanta ay Garbahaarey ka degaan xubnaha guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray soo qiimeynta magaaladaas, balse safarkaas ayaa baaqday kadib markii uu talaabadaan qaaday maamulku. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wax laga xumaado oo dowladnimada baal-marsan ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay guddigaas. Wasiiru dowlaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa maamulka Garbahaarey ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorasho lagu qabto degmadaas, isagoo cadeeyey in ciidan lagu hor istaagay guddiga ku howlan qiimeynta ay degeen garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey. “Ciidamadii dowladda ee sida qaldan loo adeegsaday ayaa saakay aroortii qabsaday garoonka Garbahaarey, gaadiidka dagaalka ayey dhex dhigteen garoonka, iyadoo la leeyahay waxaan magaalada ka hor istaageynaa guddigii Ra’iisul wasaaruhu diray, taasi waa ku ceeb dowladnimada Soomaaliya,” ayu yiri wasiir Maxamed Cabdi Kaliil. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa beeniyey in ciidan ay geeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada. Garbahaarey ayaa ah magaalada kaliya ee ka mid ah deegaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee illaa hadda aysan ka dhicin wax doorasho ah.
-
Dhaqdhaqaaqa ka socdo Beledweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Muxuu Goodax Barre ka yiri khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed? Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo haatan ka mid ah musharixiinta ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashada, balse waxa uu tilmaamay in taladiisu ay shaqeyn doonto cidda ay la jiraan reer Hiiraan wuxuuna xusay inay garab taagan yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen. “Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre. Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay damaca Dabageed ee ku aadan in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isaga oo uu tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin arrintaasi. “Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan,” ayuu sii raaciyey. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn.” Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka HirShabelle oo isku qabtay maamulka kuraasta ku harsan Beledweyne. Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiri xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka oo haatanla filayo in la soo gabagabeeyo 15ka Maarso.
-
Popular Contributors