Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Saan ayee ku rabaan lagu taageero dadkaan Islaamka neceb:
  2. More of midabtakoorkooda qaawan ee banaanka keeneen:
  3. Another useless guddi that will fail as many did in the previous weeks. Ninkaan baahan ma xishoodo miyaa. Sheeko uu ku haayaa meesha. Is he planning Reer Gedo xulashada ka reebo, especially when second venues Baraawe iyo Beledweyne already did hold culasho seats? Yaaka yeelaayo sheekadaan.
  4. Gabar ciyaal xaafadeena ahayd ayaa ku xayiran Kyiv. Gabadheeda oo tahriibeysay ayaa laga soo qabtay xadka Poland sanadkii hore oo xabsi ku jirto ugu tagtay. Iyadiina ku xayiran hadda. Last time bas ayee u sii saarneyd Poland. Waxee ka timid Sacuudiga ee 35 sano ku nooleyd.
  5. Our Con. premier in Ontario is sayying we will welcome all Ukrainian refugees. Awal qaxooti walba wuu ka soo horjeeday ama shib aka ahaa - kuwii Afgaanistaan u dambeeyey kama hadlin, let alone welcoming them.
  6. The way Ruushka invaded Yukreyn seems weird to me. Rushing quickly in advance to Kyiv, without securing around it and other major cities; helicopters flying very low when the land below is enemy land and in hostile territory. It seems like Ruushka is treating its Yukreyn forces as minuscule threat.
  7. Khadiijo Almaqsuumi iyo taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir oo xildhibaanno noqday Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaabatay Doorashada kuraasta Banaadiriga oo buuq badan uu hareeyay todobaadyadii lasoo dhaafay, kaddib markii musharixiinta iyo beelaha ay isku qabsadeen kuraasta lagu loolamayo. Kursigii ugu horreeyay Banaadiriga ee lagu doortay Muqdisho waa HOP#084, waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji, taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir. Fahma Axmed Nuur ayaa Banaadiriga ku metashay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, kursigaan waxa uu ka baxay diiwaanka, 5 kursi ee Banaadiriga labo kamid ah waa Dumar halka saddexda kale ay yihiin Rag si loo dhammeystiro qoondada Haweenka ee 30% kuraasta Baarlamaanka Federaalka. Khadiijo Maxamed Almaqsuumi, danjiraha Sooomaaliya ee Bakistaan, ayaa ku guuleysatay HOP#034, kurisgaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ku fadhiyay Xildhibaan Khaalid Macoow Cabdulqaadir. Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP#266, waxaa Baarlamaanka 10-aad ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed. Culeys ka taagnaa doorashada Kuraasta Banaadiriga ayaa la xaliyey kadib markii la qanciyey odayaashii tabashada qabay taasoo keentay in guddiga doorashada uu fasaxo kuraastaan.
  8. Kuraastii la boobay maanta dhacday: Muqdisho: Doorashada kuraasta aqalka hoose ee reer Banaadiriga oo lasoo gabagabeeyay Guddiga hirgalinta doorashada kuraasta reer Banaadiriga ayaa Muqdisho kusoo gabagabeeyay doorashada shan kursi oo ay barlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin bulshada Banaadiriga. Xildhibaannada aqalka hoose ee kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxay kala yihiin, sidatan; Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), kursiga 226. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde, kursiga 105. Maxamed Nuur Abuukar, kursiga 265. Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, kursiga 034 iyo Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji oo kusoo baxay Kursiga 084. Kuraasta reer Banaadiriga ayaa soo gabagabowday iyadoo ay kuraasta qaarkood ka taagan yihiin cabashooyin, xilli uu guddi raysal wasaaruhu u xilsaaray ay sheegeen in ay xal ka gaareen cabashada odayaasha. Kursiga uu muranka badan ka taagnaa, waa kursiga ay kusoo baxday Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, oo ah xaaska, madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta lasoo gabagabeeyay kuraasta labo deegaan doorasho oo kala ah. Muqdisho iyo Dhuusomareeb. Xigasho
  9. If Orangecon was still president, Yukreyn ciyoow wuu dhiibi lahaa:
  10. Wow, this reminds me Saadaam Xuseen's speeches in 2003. Xaalka ma sahlana.
  11. Wikipedia: Somalia Battalion (Russian: Батальон «Сомали») is one of the military units of the Donetsk People's Republic in Ukraine which participates in the ongoing war in Donbas against Ukrainian army. The battalion's full name is 1st Separate Tank Battalion Somalia (previously 1st Separate Tactical Battalion Group Somalia).[1] The battalion took the name "Somalia" because, according to its former commander Mikhail Tolstykh alias Givi, its members are as fearless as Somalis.[2] According to Givi, 70% of the battalions personnel previously fought in the 1st Slavyansk Brigade.[3] The unit is permanently stationed in Donetsk and Makiivka.[1]
  12. Wixii laga sheegay iyo buun buuninta intaa iska deysid aqriso qoraalada uu ku qori jiray Soomaalitalk labaatan sano ka hor. Aragtidiisa ayaa ka arkeysaa wuxuu aaminsanaa markaas. Aniga waagaas ayaa aqrin jiray. Sanado ka horna waxaaba ogaaday inuu qabo gabar aan ilma habreed nahay ilmaheeda eedadooda.
  13. Now I know why he is not as belligerent as he was before. Ileen waxba meesha kuma haayo and had given up. Xasan Sheekh oo laga fara-maroojiyay kuraasta beeshiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebi ahaanba la dhaafiyay kuraastii beeshiisa, ayada oo aan laga tix-gelin doorashadooda iyo go’aamada laga gaarayo. Afarta kursi ee beelaha uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ayaa wax la tashi ah laga siin dhamaan kuraasta beelaha **** ee Galmudug, halka Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda deegaankaas laga tix-geliyay kuraastooda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursiga u dambeeyay ee beelaha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh oo doorashadiisu qabsoomeyso 25-ka bishaan ayaa si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xusul oo uu wato Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin. Arrimahan ayaa banaanka u soo saaraya dagaalka tooska ah ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu la galay madaxweynihii hore, oo ay si weyn isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa xubno diiday inay la kulmaan Qoorqoor dabayaaqadii sanadkii dhamaaday, xili ay taagneyd xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysay Farmaajo iyo Rooble oo la dhinac ahaayeen mucaaridka. Sidoo kale waxay arrintaan sii xoojinaysa dooda ah in madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn xoogan ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka. Si kastaba, Qoorqoor ayaa kuraas dhowr ah si qaawan ugu boobay xulafada Farmaajo-Fahad, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhalatay xiisado xoogan, hase yeeshe ugu dambeyntii loo meel-mariyay.
  14. Guddiga xallinta khilaafadka doorashada oo fasaxay kursiga Fahad Yaasiin Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ayaa fasaxay 6 kursi oo uu ku jiro kursiga uu dhawaan ku guulaystay Fahad Daahir Axmed, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo. Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sheegay in ay warbixin ka heleen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Hirshabelle, kuwaas oo u sheegay in aanay jirin cabasho rasmi ah oo lagasoo gudbiyay doorashada kuraasta lagu doortay Hirshabeelle. Guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya Muuse Geelle Aadan, ayaa dhawaan kursigaan hakiyay. Guddiyada doorashada waxaa saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed iyo loolanka ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa, taasoo keentay in go'aanno is khilaafsan ay guddiyadu soo saaraan.
  15. With Muuse Muqayil's Jabuuti baasaboor waliba. Markaas ayuu beri sawiro been ah dalkugal ayaa baasaboor beenaadkii naloo saaray asagoo leh.
  16. Former SOL member Abtigiis (Cagjar) says there is more free speech in Soomaali Galbeed than Ingiriiska iyo Mareykanka. Ma saxsanyahay? Madaxweyne Mustafe Cagjar " Xorriyatul qawlka degaankeenna ka jirta, Ingiriis & Maraykan toona kama jirto Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka. Waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar xusay in xorriyadda hadalka ee ka jirta degaanka Soomaalida aysan ka jirin dunida inteeda kale, oo uu tusaale usoo qaatay Ingiriis iyo Maraykan, oo uu sheegay in wadamadaasi uu jiro ganaax ladul dhigo qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka. Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay ka dowlad ahaan in lala qabsado arrinta ganaaxa qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka, oo xariggii qofka loogu baddalo ganaax kale oo xanuujiya, haddii laga fiirsan waayana qofkii la xiro. Xorriyadda hadalka ayay in badan dowladdu ka hadashay, horey waxay dowladdu u sheegtay in dadku aysan horey ula qabsan xorriyadda hadalka, maadaama in badan shacabka lasoo cabudhin jiray, balse waxay dowladdu carrabka ku adkaysay in wax walba xad leeyahay, qofkii xadkaas ku xad gudbaana laga tallaabo qaadayo. Xorriyadda hadalka ayaa deegaanka Soomaalida ka hirgashay wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dabayaaqadii sannadkii 2018, xilligaas wixii ka dambeeyay dadku fikirkooda ayay si xor ah u cabbiraan, iyadoo dowladduna ay intii dambe billowday inay ka tallaabo qaado ciddii ku xad gudubta xorriyadda hadalka. Xigasho