-
Content Count
17,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Presidential (s)election on May 15, 2022
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Yaa saxsan? They are funded by shisheeye in Xalane. Soomaali Debates oo ka hor-timid go’aankii DF kuna adkeysatay doodda musharaxiinta Ururka Somalia Debates ayaa ku adkeysatay inay dhaceyso dooda musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xili ay joojisay doodaasi Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay waday qaban-qaabinta dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta. Qoraal kasoo baxay Somali Debates ayaa taas beddelkeeda caddeysay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, [lambarka NGOD/Moifar0065/22]. Waxay sheegen in ay yihiin urur aan dowli aheyn oo diiwaan-gashan, hadafkooduna yahay abaabulka wada-hadalka iyo doodaha bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan. Soomaali Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somali Debates. Sidoo kale waxay sheegen in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates. “Soomaali Debates waxay og tahay inay jiraan kooxo wata dano khaas ah oo aan doonayn in Doodaha Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya aysan dhicin, danahaas oo ah dano gaar ah, mid siyaasadeed iyo mid xirfadeed – waana inaan qofna loo oggolaan inuu ka leexiyo danaha iyo ajendaha fog ee Soomaaliya ee ku wajahan Waddada Dimuqraadiyadda iyo Doodaha caafimaadka leh.” Si kastaba, Arrintan ayaa imanaysa ayada oo shalay Wasaarada Warfaafinta ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan. -
Sensible and balanced view on Ukraine
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Arafaat's topic in Politics
I hope halyeey Luula becomes a madaxweyne again and cleans out the corrupt fascist clique in Baraasiil. -
Waraa dhoore jaadka ma bilowday ciyoowba Soonkii oo maalmo ka soo wareegan? Wax walba Koonfur waaye ku qafiif.
-
Presidential (s)election on May 15, 2022
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Tuugaan ayaa rabo inuu boobkiisa ku soo noqdo oo la soo xusho: Marwo Yusur Abraar Waxaa Lagu Xasuustaa Iney Diidey Boobka Xoolaha Umadda Halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku Caan Baxey Xatooyada Xoolaha Shacabka Soomaaliyeed. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Dhab ka Hadal ah oo ka Hadleysa Is Casiladii Marwo Yusur Gudoomiyahii Hore ee Bangiga Dhaxe iyo Xaqiiqooyinkii ku Wareegsanaa Arimahaas ) =========================================================== Shacbiga Soomaliyeed tan iyo intii ay dhalatey dawladii ugu horeysey markii Xornimada la qaatey Sanadkii 1960,kii ilaa maalinkan maanta ah dawlada iney iyaga leeyihiin waa Liqi weysan yahiin ama waa ay ka daadegi La,dahay waxeyna u arkaan dawladu iney u tahay Cadow sababtoo ah marka dhab loo hadlo shacbiga soomaaliyeed lama tusin Kalsooni dhab ah oo ay ku aaminaan xukuumadahooda. waxyaabaha la yaabka ah ee mudadaa dheer la arkayey waxaa ka mid ah iyadoo umadda soomaalida ay arkaan mar kastaba hogaamiyeyaasha majaraha u qabta xukunka dalka oo Cadaalad daro iyo Boob u geysta xoolahii umadda ka dhaxeeyey kuwaas oo Jeebabka Buuxsada. Aan u soo daadego dulucda qormadaane waqtigan iyo Madaxweyne xasan sheekh maxamud markaan eegno wax badan ayaa Ummadda Soomaliyeed laga gaday ama laga iibiyey in xasan sheekh aanu ahayn Nin xoolaha umadda dhaca. Waxaase xaqiiqa noqotey in taasu ay hartay. Bal aan ugu horeyn eegno “ Xagee ka timid Fadeexadii Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhacdey sanadkii 2013. Aan ku bilaabo nin ka mid ahaa ragii lugta weyn ku lahaa fadeexadaas boobka xoolaha umadda loo geysanayey ninkaas oo ah ganacsade ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Ganjab. Sidee isku barteen Marwo Yusur Abraar iyo ganacsade Muuse Ganjab. Muuse Ganjab ninka la yiraahdo oo bilahii la soo dhaafey warbaahinta gudaha iyo tan dibada ay si weyn magaciisa u hadal hayeen waa ganacsade Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaraabo yahiin waxaana uu ka soo jeedaa qoys caan ku ah dhinaca ciyaaraha.Mr ganjab iyo haweeneyda gudoomiyaha ka noqotey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iskana casishey mudo gaaban ka dib yusur abraar waxey isku barteen dalka Gaaboon isagoo halkaas ku lahaa ganacsi uu ka mid yahay shirkad xaga Telefoonada ah waxaana dhacdey in yusur abraar ay hada ka hor shaqo u tagtay dalka Gaaboon shaqooyinkaas oo la xiriiray dhinaca Bangiyada. Dhinaca kalena Muuse Ganjab iyo gudoomiyihii bangiga dhaxe ee is casiley Cabdisalaan Hadliye haatana ah wasiirka arimaha dibada dawlada soomaaliya waxey ahaayeen rag isku xiran waxuuna muuse ganjab uu Lug ku lahaa magacaabistiisii aheyd gudoomiyaha bangiga dhaxe ee soomaliya. Waxyaabihii ugu waaweyn ee uu xilka bangiga dhaxe ku waayey Mr Hadliye waxaa ka mid ahaa in isaga iyo labo ka mid ah shaqaalaha dowlada oo ka kala tirsan Wasaarada Gaashaandhiga iyo Wasaarada Maaliyada ayna is xigaan Madaxweyne Xasan sheekh in lacag 12 milyan oo Dolar ay bankiga kaga qaateen sifo sharci daro ah. Markii ay fadeexadaas dhacdey oo gudoomiye Cabdisalaan Hadliye xilka uu iska casiley waxaa uu ganacsade Muuse Ganjab mar kale uu ku guuleeystay in yusur abraar loo magacaabo gudoomiyaha bankiga dhexe taariikhdu markey aheyd Bishii September 13keedii sanadkii 2013kii si uu meeshiisii uga sii wato boobkii dhaqaalaha wadanka waqti Mushaar la’aan ay heysey shaqaalaha dowlada iyo ciidamada. Mr ganjab waxaa uu mar kale isku dayey inuu heshiis kula galo gudoomiye Yusur abraar in isaga looga danbeeyo soo xareynta Lacagta Soomaliya ay laheyd ee dibada ugu maqan 20kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa sidoo kale hehiiskaas ku jiray kamaal Guutaale oo mar soo noqdey agaasimaha xafiiska Madaxweyne Xasan sheekh waxuuna ninkaasi soo xir xiray heshiiska shirkad dhinaca sharciyada ka shaaqeysa laguna magacaabo Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka shirkadaas oo wada-shaqeyn ay ka dhaxeysey dowladda Soomaaliya. Markii ay arintan ka shireen waxaa lagu heshiiyey in marwo yusur lagu war geliyo in Lacagtaas meel la isla ogyahay lagu shubo taasoo ah Account uu leeyahay muuse ganjab oo dalka koonfur afrika ah si Madaxweyne xasan sheekh uu s i gaar ah ugu furdaamiyo arrimahiisa. _______________ - Qoraa C/llaahi Nuur Kolombo - 2015 -
Presidential (s)election on May 15, 2022
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
15th May, the day SYL was founded iga dheh. It is Maalinta Dhalinyarada. Whoever is selected will head straight to taalada SYL u maleynaa. I guess not, habeen ayee dhamaanee xulashada. -
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022 Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland MARKUU ARKAY: - Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada. WUXUU XEERIYEY: MAGACAABID 1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland 2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland 3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay. Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash) K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland -
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Karaash oo xilalka ka qaaday wasiiradii ku dhowaa Deni xilli ay kasii dartay xiisadda Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xiisaddii u dhaxeysay isaga iyo Saciid Deni ugu sii daray kadib markii caawa saqdii dhexe soo saaray wareegto uu ku magacaabay wasiir cusub. Axmed Karaash ayaa wasiirada uu magacaabay wuxuu ku beddelay kuwo aad ugu dhowaa Saciid Deni, isaga oo aan shaacin xil ka qaadistooda, waxaana ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, maaliyada iyo amniga. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa wuxuu u magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) Wasiirka wasaaradda amniga iyo DDR-ta Puntland waxaa waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), halka C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland. Magacaabistaan ayaa waxay dhaqan galeysaa isla caawa oo uu saxiixay ku-simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash. Puntland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyadoo khilaafka madaxweyne ku-xigeenka iyo Saciid Deni ay ka dhalatay go’aanka is sharaxaada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Deni isagoo aan xilka wareejin, waxayna taasi keentay khilaaf hay’addaha dowliga iyo maamulka ee Puntland dhexdooda. Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho usoo kaxeystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, si aan kalsooni looga keenin iyo in xarigiisa laga fur furo, taasoo uu ku guuleystay. -
-
-
Literal igu sawir sessions.
-
Rooblaawe corruption continues
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Aadan Madoobe oo amniga doorashada la wareegay, soona rogay amar culus Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka amniga doorashada dalka, kadib aan caadi aheyn oo uu maanta qaaday. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu la yeeshay shir diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka. “Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha shacabka. Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula wareegay amniga doorashada ayaa imanaya ayada oo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Doorashadii guddoonka Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii taliyaha booliska Jeneraal Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka. Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoobe, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo. -
Spoilers-Garbahaarey (S)election
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Sheekh Aaden Madoobe seems like inuu dhex dhexaad wali: Sheekh Aadan Madoobe oo go’aan ka gaaray arrinta xildhibaannada Gedo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto. Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan 'si waafaqsan nidaam dheelli tiran.’ Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah. Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya. Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda. Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo. Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha. -
Maareeye uu xilka ka qaaday Rooble oo ku gacan sayray, shaaciyeyna sabab yaab leh oo ay isku hayaan Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo Maareeye KMG ah loogu magacaabay hay’adda. Aadan Xasan Bare ayaa sheegay in warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble aysan laheyn habraac, islamarkaana la isku biday awood dheeri ah. “Maareeye Guud haddii la magacaabayo waxay u baahan tahay in loo maro nidaam, Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedin waxaana lagu magacaaba digreeto Madaxweyne. Sidoo kale midka xilka laga qaadayo wadadaas oo kale ayuu maraya oo Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedinta kadibna waa in uu aqbalo Madaxweynaha,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta loo soo magacaabay Maareeyaha KMG ah ay daba socotay qandaraas sharci darro ah oo ay diiday Hay’adda tayo-dhawrka Qaranka, shaqsi ahaana uu meel adag iska taagay. “Arrintaan waxay aheyd mid soo socotay muddo Afar bilood ah, sida ogtihiin waxaa jiray qandaraas si sharci darro ah ku bixisay Wasaarada Ganacsiga oo la siiyay Ganacsato, wuxuuna qandaraaskaas ahaa howl ay hay’adda u xil saaran tahay. Ganacsatadaas dhinaca kalena waxay xiriir la lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu culeys nagu saaro in aan aqbalno.” Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid dan shaqsi ah, islamarkaana uu sii wadan doono shaqadiisa, maadama uu waxba kama jiraan tahay ku sheegay warqada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. “Dadka dowladda xilalka ka haya waa inay dhowraan nidaamka dowliga oo aysan ku xad-gudbin hantida iyo mas’uuliyada loo dhiibay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la socon-siinaya in hay’adda culeyska saaran uu yahay mid dano shaqsi ah, kuwaasi oo ka xoog batay dantii guud, waana ka gudbeyna midaas oo u istaagi meyno.” Xigasho
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Axmed Karaash oo markale weerar ku qaaday Saciid Deni Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula tukaday magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntaland, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Karaash oo weerar toos ah ku qaaday Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Dastuurka Puntland, sidoo kalena lagu dhaqmo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sharciga uusan noqon mid ku jira jeeb, isla-markaana lala aado meeshii la doono, sida uu hadalka u dhigay. ”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno,” ayuu yiri Karaash. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Puntland inay muujiyaan degenaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololohiisa doorashada ee xilka madaxweynaha. Si kastaba, Deni ayaa dhowaan jawaab culus ka bixiyey tallaabooyin uu qaaday Karaash, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyey, taas oo uga sii dartay khilaafka u dhexeeya labada nin. Xigasho -
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
At 'boombalo:' -
Safiirka Somalia ee Italy oo diiday inu xilka wareejiyo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
Waxaan wax weyn ma'aha. This safaarad used to be a crumbling homeless shelter until a few years ago. Kan meesha joogo kalaguurkaan ayuu ka faa'ideyso isleeyahay, but will be gone in a few weeks. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kenya's energy and petrol minister's husband and an adviser to several presidential canadidates: -
President Sheikh Sharif runs for HOP141
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maakhir, every candidate has several dilaals inside the big teendho lagu xusho madaxweynaha. I was in Islii markii Farmaajo la xulanaaye in 2017. After every round dilaalyada start moving back and forth for negotiations and vote buying. Dhagta ayaa maanta dhan wax la iskugu sheegaa. So a musharax doesn't have to be a xildhibaan to be inside. Shariifka, like C/raxmaan C/shakuur, iskuma kalsoono. This is his foreign-backed plan B to oppose Farmaajo or Kheyre agenda, should either of them la xusho. -
President Sheikh Sharif runs for HOP141
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Iskuma kalsoona miyaa? Inuu baarlamaanka mucaarad weyn ka noqdo muu rabaa. Xasan Sheekh was allowed to be a member of Aqalka Sare as a former president yet he never attended. -
Also add aniga ayaa ka sii xiga as well because "Carab" ayaa isirkeena isla sheeganaa. Ciid wanaagsan, ya secessionist.
-
Spoilers-Garbahaarey (S)election
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xildhibaannada Garbahaareey ain't going no where: