Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Rep. Ilhaan Cumar is in the Foreign Relations committee. This secessionist beenta isku aqrinaayo ha iskaga baashaalo beentiisa about some paid politicians. We had seen many of them pass in here in the last two decades and leave as a defeated souls.
  2. Muuse Muqayil wax soo dhaweeyo intuu waaye ayee receptionist doonteen soo dhaweeyaan:
  3. Guuleed has fewer than a dozen selected votes. Kheyre ayaaba dhaamo.
  4. Maxaa shaxaadkii yaraa beesha caalamka laga helaaye lagu qasaariyey. Did anyone ask baasaboorka Jabuuti ee ku socdo yet?
  5. What a waste of marqaamid money that could have been used for abaar-affected people:
  6. Here is Maareeye oo sharxaayo maadaama ururo siyaasadeed jirin oo meesha the cursed 4.5 lagu joogo:
  7. If you read what Maareeye is saying above, there are already spoilers oo shirkaan ajendihiisa rabo badalo. Ololo siyaasadeed ayee rabaan ku badalaan oo shaqsiyo gooni ah lagu taageero.
  8. Ha isbaheystaan haddee isaaminaayaan. Cali Mahdi iyo Caydiid iyo tolkooda ayaa isaamini waaye, let alone beelo kale.
  9. I remember telling Galbeedi right on this site this very issue a few years ago. I guess it is becoming a reality. Maareeye oo shaaciyey arrin lama filaan ah iyo qorshaha ****, **** & **** Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo saaray qoraal xasaasi oo ku saaban shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha ****, **** & ****. Mareeye ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha ****, **** & **** ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah. Sidoo kale wuxuu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. “Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha ****, **** & **** mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay isbeddaleen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo madaxdii ku howlaneyd shirkaasi, isla-markaana ay doonayaan in xilalka sidoodii loo daayo. “Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn Maareeye oo kasoo horjeedo qorshaha lagu maja-xaabinayo shirka Baydhabo ayaa soo jeediyey in wada-tashi la isugu yimaado Muqdisho, ka hor shirka Baydhabo. “Xildhibaano labada dhinac ah oo aanu arintaas iska aragnay waxaanu ku heshiiney in shirka Baydhabo ka hor Xamar lagu shiro oo laga heshiiyo Agendaha Shirka iyo in aan la bedelin ujeedkiisii,” ayuu gabagbadii ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir hore Maareeye. Arrintan ayaa la aamisan yahay inay saameyn weyn ku ku yeelatay Villa Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay kala fur-furtay qaar ka mid ah madaxdii waday qorshahan, iyadoo adeegsaneyso Madaxweyne Lafta Gareen, maankana ku heyso dib u doorashada Farmaajo. Xigasho
  10. Madax wareer siyaasadeed oo haysta Rooble Ismariwaaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey. Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey, oo aan halkaas doorashu lagu qabin karin. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan. Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo la geeyo Kismaayo, balse ma cadda xilliga ay ku dhowaaqi doonaan. Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka. Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado, oo ay dhaafo 15-ka Maarso.
  11. But what option does this former satirist have now? Magaalooyinka Ukraine dhulka ayee la simi doonaan Ruushkaan aanan naxeynin.
  12. Jeesoow has been re-selected again. His loyalty to Farmaajo has paid off. Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday magaalada Baledweyne [Ergagaan Barbaarta afka duuban ka cabsaneyso ayaa xushay. ] Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne. Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baledweyne oo tirsigiisu yahay HOP 030 waxaa kusoo baxay Daahir Amiin Jeesow, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Cali Cabdullaahi Xeefow, waxaana hab gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Jeesoow uu helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod. Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 010, waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cismaan Gureey oo helay 90 cod, kadib markuu tanaasulay musharax Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Jindi. Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baledweyne oo ahaa midkii ugu tartanka adkaa doorashada kuraasta Baledweyne taala ee la doortay waxaan kursiga kuwada tartamay sadax musharax oo kala ahaa Cabdimaalik Cabdalla, Cabdi Daahir Guure, iyo Cumar Cismaan Waasuge oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxaana tartanka adkaa kuso baxay Cabdimaalik Cabdalla oo helay 58 cod, halka Cabdi Daahir Guure uu helay 30 cod, iyadoo Cumar Cismaan oo ahaa Xildhibaankii hore uu helay 7 cod.
  13. Madaxweyne Mustafe cagjar "Shacabka Soomaaliyeed muran kuma jiro in uu ka raystay dowladdii TPLF" Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo u waramayay warbaahinta dowladda ee EBC ayaa waxa uu ka war bixiyay degaanka Soomaalida waxyaabihii u qabsoomay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu talada dalka iyo degaankaba qabtay xisbiga Barwaaqo. Madaxweynuhu wuxuu ugu horreyn sheegay in intii uu talada dalka qabtay xisbiga Barwaaqo, uu degaanku helay xuquuq badan oo markii hore ka maqnayd, sida matalaadda heer fadaraal ah oo Aaden Faarax oo Soomaali ahi uu guddoomiye u yahay xisbiga Barwaaqo, sidoo kalena xubno Soomaali ah ay ku dhex jiraan xisbigii oo iyagu maanta ku hadlayaan codka Soomaalida. Madaxweyne Mustafe cagjar waxa kale oo uu sheegay in intii uu xisbigani talada hayay ay Soomaalidu usuurtagashay inay iyagu iskood isku maamulaan, oo aysan jirin cid shisheeye ah oo soo faragalisa arrimaha degaanka Soomaalida, sidoo kalena dad aan horey u hawaysan jirin in maamulka degaanka soo dhex galaan ay maanta xukuumaddii kamid yihiin. Xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale Madaxwaynuhu sheegay inuu yahay waxa u weyn ee degaanka Soomaalida usoo kordhay intii uu xisbiga Barwaaqo talada dalka qabtay, isagoo xusay in degaanka Soomaalidu ahaa degaanka dadka lagu cuno, lagu baabi'iyo oo lagu xasuuqo, halka uu imika yahay degaan dadku diintiisa iyo dhaqankiisa u madax banaan yahay. Madaxweynuhu wuxuu xusay in isbaddalladaas muuqda ay shacabku ka markhaati kacayaan, marka laga reebo xoogag uu Madaxweynuhu ku sheegay inay dan ku qabeen siyaasaddii hore ee hadda ka hor dalka ka jiri jirtay ee TPLF hoggaaminaysay, oo uu sheegay inay u cuntami la'dahay isbaddalka haatan si guud dalka uga hanaqaaday. Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in muran uusan ku jirin in maanta shacabka Soomaaliyeed uu ka raystay dowladdii ay majaraha u haysay TPLF, intii uu isbaddalku jirayna shacabka Soomaaliyeed wanaag badan heleen, balse uu jiro wax badan oo ay wali tabayaan. Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli lafilayo in shirwaynihii 1aad ee xisbiga Barwaaqo uu ka furmo dhawaan magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku dhan yihiin dhammaan xubnaha xisbiga Barwaaqo, oo isugu jira kuwo heer fadaraal ah iyo kuwo heer degaan ah. Xigasho
  14. Shariifka iyo wiilkiisa kursigee ku fadhiyeen tan iyo 2000 ninkaan hoose oo ah wasiirka awqaafka diinta ee Koonfur Galbeed ayaa la siiyey oo la xushay maanta: Doorashada lix kursi oo Baydhabo ka dhacday maanta – Yaa kusoo baxay? Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#099, Hop#168, Hop#167, Hop#077, Hop#186 iyo Hop#261 ee Golaha Shacabka. Doorashada kuraastan ayaa waxaa ku soo baxay xubnaha kala ah:- 1-Axmed Madoobe Nuunow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#099. 2-Luul Ibraahim Cumar oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#168. 3-Cabdisalaan Cali Cabdi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#167. 4-Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop#077 . 5-Cabduqaadir Cumar Macalin oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#186. 6-Saalax Shariif Siid Cali oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#261. Guusha xubnahan ayaa horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kuraasta ay ku soo baxeen, iyaga oo aan gelin tartan adag. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka. Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
  15. And they can't even go to Garbahaareey: Ciidan fashiliyey qorshe uu watay xafiiska Rooble oo qabsaday garoonka diyaaradaha (Garbahaareey) Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ciidan aad u hubeysan geeyey garoonka diyaaradaha magaaladaas, si halkaas ay uga hor istaagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray inay soo qiimeeyaan xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland. Sida aan xogta ku helnay waxuu qorshuhu ahaa in Talaadadii maanta ay Garbahaarey ka degaan xubnaha guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray soo qiimeynta magaaladaas, balse safarkaas ayaa baaqday kadib markii uu talaabadaan qaaday maamulku. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wax laga xumaado oo dowladnimada baal-marsan ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay guddigaas. Wasiiru dowlaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa maamulka Garbahaarey ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorasho lagu qabto degmadaas, isagoo cadeeyey in ciidan lagu hor istaagay guddiga ku howlan qiimeynta ay degeen garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey. “Ciidamadii dowladda ee sida qaldan loo adeegsaday ayaa saakay aroortii qabsaday garoonka Garbahaarey, gaadiidka dagaalka ayey dhex dhigteen garoonka, iyadoo la leeyahay waxaan magaalada ka hor istaageynaa guddigii Ra’iisul wasaaruhu diray, taasi waa ku ceeb dowladnimada Soomaaliya,” ayu yiri wasiir Maxamed Cabdi Kaliil. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa beeniyey in ciidan ay geeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada. Garbahaarey ayaa ah magaalada kaliya ee ka mid ah deegaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee illaa hadda aysan ka dhicin wax doorasho ah.
  16. Muxuu Goodax Barre ka yiri khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed? Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo haatan ka mid ah musharixiinta ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashada, balse waxa uu tilmaamay in taladiisu ay shaqeyn doonto cidda ay la jiraan reer Hiiraan wuxuuna xusay inay garab taagan yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen. “Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre. Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay damaca Dabageed ee ku aadan in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isaga oo uu tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin arrintaasi. “Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan,” ayuu sii raaciyey. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn.” Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka HirShabelle oo isku qabtay maamulka kuraasta ku harsan Beledweyne. Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiri xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka oo haatanla filayo in la soo gabagabeeyo 15ka Maarso.
  17. Guudlaawe wants Sanbalooshe, Goodax Barre and co. to be candidates. Dabageed wuxuu rabaa asaga loogu dambeeye kuraasta tolkiisa, kuwa aan soo sheegayna meesha ka tuuro. Khilaaf culus oo soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu soo kala dhex galay khilaaf culus oo salka ku haaya qaabka loo maamulayo doorashada 11 kursi oo taala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararaka la helaayo ayaa intaasi ku daraya in khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed uu ka dhashay is faham waa la xariira hab maamulka doorashada 11-ka kursi oo horay jadwalkooda loo shaaciyay, islamarkaana Maanta lagu waday in la diiwaan geliyo Musharaxiinta ku tartameysa kuraastaasi oo dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu doonayo in kuraasta harsan ee Baledweyne taala doorashadooda la furo, halka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu isna doonayo in kuraasta harsan qaarkood in loo xiro musharaxiin gaar ah. Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in khilaafka labada masuul soo kala dhex galay inuu sameyn ku yeeshay guddiga doorashada Hirshabeelle oo la sheegay iney la kala safteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay haatan sheegayaan in hoolka doorashada ay xirteen ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed. 11-ka kursi ee sababay khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ayaa ah kuraas ay ku fadhiyaan shaqsiyaad miisaan sare ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo waqtigaan ciidamo farabadan ku dhex haysta gudaha magaalada Baledweyne. Khilaafka labadaan masuul ayaa noqon kara mid saameyn adag ku yeelan kara dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 ee dalka, xili mudada loo qabtay dhameystirka doorashada ay ka harsan tahay sideed maalmood oo kaliya.
  18. Another renewed isqabqabsi. Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaal mudo kooban ka socday afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan Maanta ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca iyo cida uu u dhaxeeyay dagaalka. Xerada Lamagalaay waxaa ku yaala aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hirshabeelle, Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbadal doonka ah. Dagaalkan ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay uu cirka isku sii shareeray khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo isku fahmi waayay hanaanka loo maamulayo doorashada 11-kursi oo ka harsan kuraasta Baledweyne taala ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Xaalada magaalada ayaa haatan ah wali mid cakiran maadama ciidamadii wada dagaalamay ay wali kuwada sugan yihiin gudaha xerada lamagalaay ee magaalada Baledweyne, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan dagaalka goordhaw ka dhacay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne. Xigasho
  19. Not like that. They are very vindictive since Biden sidelined them for a whole year, since Jan. 2021. Aargudasho ayee wadaan, plus they want Orangecon to be back in the Aqalka Cad in 2024 and GQP to control the Congress later this year. They really like GQP, who they can easily buy. Anyway, U.S. has banned shidaalka Ruushka now and are desperate for oil production increases. They sent senior officials to Venezuela and the talks are ongoing.
  20. I don't follow KiikuuyoOnline, but if this is true, excellent news.
  21. I know barfasoor C/raxmaan Aaden Yare Ibbi. His family is a long time family friend of my late parents since 1960s. Si xun ayaa loo galay maskiinka. However, he has been a xildhibaan since shirkii Carte ee 2000.