Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Xubnaha guddiga FEIT ee gaaray Garbahaarey oo shaaciyey qorshe xasaasi ah Waxaa shalay magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo gaaray xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo kan xallinta khilaafaadka. Xubnahaas ayaa sheegay in ujeedada ay halkaasi u tageen ay tahay qiimaynta ah in ay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo qaban lahaa. Arrintan ayaa timid iyadoo ay soo baxayso kala qaybsanaan guddiga FIET dhexdiisa ah, xilli guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno la socda ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo doonaya in kuraasta Garbahaarrey taalla lagu qabto magaalada Ceelwaaq. “Annagu waxaan nahay guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee FEIT iyo xallinta khilaafaadka. 6 xubnood oo guddiga FEIT ah iyo 4 xallinta khilaafaadka ka socda ayaan ku gaarnay magaalada Garbahaarrey,” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee tagay magaaladaas. Cabdiweli oo maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo. “Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, mana jirin guddi inta uu farriistay go’aan ka qaatay arrintaas. Guddigana awood uma laha in deegaan sharci ah uu bedalo,” ayuu yiri Cabdiweli. Waxa uu sidoo kale sheegay in isla ay billaabeen qaban-qaabada doorashada ay rabaan inay ku qabtaan Garbahaarrey, sida ugu dhaqsaha badanna ay u soo saari doonaan jawdalka doorashada.
  2. Doorashada kursiga HOP154 ee Sareedo oo dib loogu laabanayo Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ay horey ugu soo baxday Sareeda Maxamed Cabdalla, balse uu diiday guddiga doorashooyinka ee heer federaal. Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dib loogu noqonayo doorashada kursigan, si loo waafajiyo habraaca doorashada dalka. “Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka DGKGS SEIT waxa uu shaacinaya Jadwalka Qabashada Doorashada Kursiga Hop-154 si loo waafajiyo Habraaca Doorashada guud ee Dalka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed Somalia. Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta iyo lacag shubista ay tahay 20-bishan April ee sanadka 2022-ka. Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in ugu dambeyn doorashada la qabanayo 21-ka bishan, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto ee ka haray dhammeystirka doorashooyinka dalka. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa horey ugu dhawaaqay in kursigaan oo ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareedao uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.
  3. Now the two competing Garbahaareey selections will come before this court again.
  4. Kuwii sii diidaaye Maxkamada Sare go'aankee soo saarto hadda si hor boodid ah u aqbali doonaan.
  5. Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay kiiska kursiga Fahad Yaasiin Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay qaadatay ku diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin ee HOP086, taasi oo meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee Fahad. Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal. Xafiiska ayaa dooddii shalay ee Maxkamaddu ay qabatay ku dooday in Maxkamadda Sare aanay awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad, taasi oo Maxkamadda ay ku raacday. Go’aanka waxa saxiixay saddexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne. Si kastaba, waxaa doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare. Go’aankan ayaa imanaya xilli aad loo filayey in Maxkamadda Sare ay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, ayada oo la rumeysnaa in guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf uu aad ugu dhow yahay Villa Somalia. Arrintan ayaa dhabarjab weyn ku ah Fahad Yaasiin, waxayna tani soo xirtay albaabkii ugu dambeeyey ee uu ku noqon lahaa xildhibaan, mana cadda waddada xigta ee uu qaadi doono.
  6. Madaxweyne Farmaajo oo Alshabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Abwaan Beddel Jaamac Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay salaadii maqrib kadib ay kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga sheegay inuu door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta iyo dowlad-dhiska. “Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyayaasha ahaa ee shalay ay Alshabaab ay la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa, halkaas ay ku shirayeen xildhibaannadda labada aqal ee barlamaanka. Farmaajo ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada Alshabaab, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammada u taagan sugidda amniga dalka.
  7. Maxkamadda sare ee dalka oo billowday dhegaysiga dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Maxkamadda ayaa dhegaysanaysa dacwadda u dhaxeysa qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka Soomaaliya. Qareenka udoodaya Fahad Yaasiin ayaa maxkamadda usoo gudbiyay codsi ku aadan in la diido go’aanka lagu hakiyay kursiga hop086, wuxuuna sheegay in aanay jirin awood ka sarreysa go'aanka maxkamadda sare ee dalka. Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa ku doodaya in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay barlamaankii hore ee Soomaaliya inuu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada islamarkaasna aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada doorashada la xiriira. Dhegaysiga dacwadda maxkamadda sare ee kursiga hop086 ayaa kusoo aadaya iyadoo ay billaabatay diiwaan galinta musharraxiinta guddoonka barlamaanka Soomaaliya.
  8. 'They' want to extinguish the truth, the facts. 'They' will not succeed.
  9. 'They' - and we all know who 'they' are - murdered this man because of his staunch support for Fahad Yaasiin. Bil Ramadaan ayee dileen waxmagaratadaan bahalada ah. Alloow kuu raxmo. Abwaan aad uga hadli jiray arrimaha siyaasada oo Muqdisho lagu dilay Koox ku hubaysan bistoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac Xirsi, oo kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee ku noolaa Muqdisho. Dilkiisa ayaa dhacay xilli uu Abwaanka ka soo baxayay Masaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Makhrib uu ku soo dukaday. Lama garanayo sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysa. Waxaana kooxda dilkiisa fulisay ay markiiba ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay. Marxuumku wuxuu caan ku ahaa ka hadlida arrimaha siyaasada ee taagan gaar ahaan wuxuu aad u dhaliili jiray siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu maalmo ka hor u ololeynayay in lasii daayo kursiga Fahad Yaasiin, isagoo ra'iisal wasaare Rooble ugu baaqay inuu kursigaas fasaxo.
  10. La iskuma raacsano. Deg degaan waxaa soo saartay kuwa mucaaradka u shaqeeyo oo rabo Fahad mootiyaan musharaxbimadiisa. Codna looma qaadin see awal ahaan jirtay.
  11. Nothing happened bilaash u calaacalaaye Mahad Geeljire. Anyway, qabashada arjiga musharaxiinta guddoon ku xigeenka baarlamaanka waxee ka dhigeen beri iyo Arbacada oo Fahad loola dan leeyahay. Fahad beri waa loo fasixi doonaa kursigiisa, dhaartiisa isla beri mee noqon doontaa taloow. Rooblaawe will say 'appeal' ayaa qaadaneynaa to make it qas iyo qash qashaad, even though it is the highest court's decision.
  12. Jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka oo la shaaciyay Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka. Sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa la isku raacay in 27- ka bishaan Abril ay noqoto doorashada guddoonka golaha shacabka, halka 26 ka bishana la dooranayo guddoonka golaha aqalka sare. Diiwaan galinta musharraxiinta ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalinta berri ah oo ku beegan 19 abril, waxaana sidoo kale lasoo saaray wax ka beddel lagu sameeyay qidmadaha lacaga qaadayo musharraxiinta guddoonka labada aqal. Musharraxiinta guddoomiyayaasha labada aqal ayaa laga qaadayaa lacag dhan $20,000, halka ku xigeennada laga qaadayo $15,000. Musharraxiinta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhankooda laga qaadayaa lacag dhan $40,000. Horey waxay u ahaan jirtay $30,000. 190 xildhibaan ayaa u codeysay wax ka beddelka lagu sameeyay qidmadaha musharraxiinta. Hal xildhibaan ayaa diiday, halka Lix xildhibaan ay ka aamuseen.
  13. Xildhibaan Xiddig: Xilka aan u tartamayo ee guddoomiyaha barlamaanku, waa xilka ugu sarreysa dalka Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad iskusoo sharraxay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isagoo u arka fursad uu kusoo bixi karo. Xildhibaan Xidddig ayaa sheegay in jagada guddoomiyaha barlamaanku ay tahay jagada ugu sarreysa daka. Wuxuuna sheegay sababta uu isugusoo sharraxay inay tahay inuu ummadda tuso inaanu jirin kursi reer kaliya loo asteeyay. “Waxaan rabnaa inaan dadka barno guddoomiyaha barlamaanku inuu yahay xubinta ugu sarreysa dalka ama xubinta labaad. Waxaa laga hadlayaa Prime minister. Soo ma ahan midkii todobada daqiiqo lagu ceyriyay,” ayuu yiri xildhibaan Xiddig. Xiddig waxa uu sheegay inuu kalsooni ballaaran ka haysto beesha uu kasoo jeedo. Wuxuu kaloo beeniyay in is sharraxaadiisa ay tahay mid siyaasadeed oo loo adeegsanayo in lagu dhabar jebiyo siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeeda, kuwaas oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya. “Waxaa loo baahan yahay horumar iyo in laga gudbo saddex dhardhaar oo lixdamaadkii la dhigay. Waayo waxaa jira beelo Soomaaliyeed oo xaq uleh inay u tartamaan jagooyinka ugu sarreeya ee dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhiban Xiddig. Xildhibaan Xiddig ayaa sannadkii 2016 u tartamay jagada guddoomiyaha barlamaanka, wuxuuna helay 97 cod, waxaana kaga guulaystay Maxamed Cismaan Jawaari. Wuxuu hadda aamisan yahay inuu haysto fursad ka fiican midii sannadkii 2016.
  14. He is a musharax guddoomiye baarlamaan now. He was one of the many Tigrey jaajuusooyin u ahaa oo dowladda Soomaaliya ku jiray. Musharaxii ugu horreeyey ee beesha **** ah oo isku soo taagay gudoomiyaha BF Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri “Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.” Waxa uu intaas ku daray “Mudaneyaal iyo marwooyin baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.” Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federaalka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasadeed. Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay doorashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan. Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha ****, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha **** ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha **** ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto. Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha ****, ****, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnimada Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiyaan haddii ay codkooda ku taageeraan.