Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Rooblaawe now wants to separate the three KG seats from Fahad's one. He wants to accept these three. Sheekadaas maa soconeyso. Plus he is completely disgarding Reer Gedo oo qabiil walba ku jiro kuraastooda. Maba oga Baahane kuraasta Gedo Laftagareen ku tashanaaye oo dhowr kursi tolkiisa ku jiraan.
  2. Nimaan shantaada kaa celin sharci kaama celiyo hore loo yiri. Dadkaan feer iyo faralaab inaa iskaga celisid ma'ahee si kale ma leh. Walaalnimo haddaa ula dhaqantid daciifnimo moodaan. Wuu tagay:
  3. Rooble ilma adeeradiisa muu soo diraaya in lala hadlo? Laftagareen warkiisa waa caddaa shalay. Afartaan kursi aanan la fasaxin, plus xubinkii ku jiray guddiga doorashooyinka heer federaal la soo celin wax soconaayo ma leh.
  4. Waaguu RRA ka tirsanaa ee soo xasuusiyeen Laftagareen. Asaga iyo Saransoor waagaas soo halgameen.
  5. Mowqifka Beesha caalamka ee ku aadan afarta kursi ee la xayiray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa soo faro-geliyey xiisadda ka taagan afarta kursi ee golaha shacabka ee guddiga doorashada uu sheegay in doorashadooda dib loogu noqonayo. James Swan ayaa shalay la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga, si ay warbixin uga siiyaan hannaanka doorashada Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, James Swan ayaa ku boorriyey guddiga inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan uu ka codsaday guddiga inay fasaxaan kuraastaas, islamarkaana loo ogolaado inay qaataan shahaadada xildhibaan, si loo fududeeyo dhamesytirka hanaanka doorashada. Afarta kursi ayaa kala ah: HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086 oo ah kursiga loo doortay Fahad Yaasiin, ahna midka ugu hadal haynta badan. Xayiraadda la saaray kuraastan ayaa dhalisay in maamulka Koonfur Galbeed oo saddex ka mid ah kuraasta lagu soo doortay uu qaadaco shahaado siinta xildhibaanada. Madaxweynaha maamulkaas Laftagareen ayaa shalay weerar ku qaaday ra’iisul wasaare Rooble, kuna eedeeyey inuu si gaar ah u beegsaday maamulkiisa. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in James Swan iyo guud ahaan beesha caalamka ay rumeysan yihiin in afarta kursi ee la xayiray aysan waxba ka duwaneyn kuraasta kale oo badankood lagu soo doortay nidaam khaldan, sidaas darteedna aysan jirin sabab si gaar ah loogu beegsado. Ayada oo sidoo kale ay arrintan ka hadleen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta sida Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa kordhaya cadaadiska la saarayo Rooble iyo guddiga doorashada, waxaana ay u badan tahay in kuraastan la fasaxo. Xigasho
  6. Rooblaawe Baahane Tusbaxyare and co. are desperate and are resorting desperate tricks like this, recording diplomats and then leaking it in order to disgrace them. Ceebeey tacaal.
  7. He is not alone. All Xalane-based shisheeye know this, however some are working overtime trying to stop it, using Rooblaawe and co.
  8. Kheyre ayaa ugu roon mucaaradka. I personally don't mind Kheyre. Shariifka wuxuu yahay waa soo aragnay, kan kalena hadduu helo dalka intii yareyd ka hartay wuu xaraashaa, not that he has any minuscule chance.
  9. Yes, Rooblaawe wuxuu hoosta ka galay the usual failed, isbaardoon, corrupt tolkiisa ku jiro like Indhacadde and C/raxmaan C/shakuur. They are completely silent of his ongoing hijacking attempt of the silections. Wey arki doonaan fashilka meesha uu ku dhamaado. Farmaajo asagaa keensaday tuugaan haka saarto. Kheyre, who was extremely loyal ku him for years, raaligalin ha siiyo.
  10. Siihaye Rooblaawe really has bad, amateur advisers oo aanan sharciga dalka iyo xeerarka caalamka midna kala aqoon. Haddii shisheeye la burinaayo madaxweynaha saxiixiisa la rabaa, wasiirka arrimaha dibadana soo gudbinaayo. Rooblaawe iyo fashilkiisa ma dhamaado, just like the ten million he claimed would be returned to Imaaraadka.
  11. Deni is said to recall his selected xildhibaanno back to Garoowe. Did he sense Rooblaawe iyo tuugnimada uu wada?
  12. Not dowladda, but Tusbaxyare Baahane. He was probably told to let go the seats he is taking hostage and to hold Garbahaareey selections. Wuu isceebeeyey. Plus wasiirka arrimaha dibadda oo shaqadiisa tahay arrimahaan probably refused to issue this letter.
  13. Secessionist, madaxweynaha ayaa ku qafiiftay. Nothing to do with him and everything to do the afarta xildhibaan shahaadooyinka aqoonsiga loo diiday, three which are from KG, plus the removal of KG representative from guddiga doorashooyinka heer federaal after he and others issued a statement.
  14. Waaw, just waaaw. Tuugada siyaasiinta Soomaalida sheegto and yet still difaaco this wanted criminal, damiirkee ka dhinteen.
  15. This guy, Baahane, must stopped. Howl aan loo dirsan ayuu kursigiisa kusii fadhiyo ayuu rabaa. It is not about Farmaajo or him, it is prolonging this so-called elections in order to stay in that little power of his and xoolihii yaraa sii dhaco. Statement posted on Facebook: DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO JOOJISAY WADASHAQEYNTA RW ROOBLE EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Baydhabo, 5ta Abriil, 2022: Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka. Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka. Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed. Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo. Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. DHAMMAAD
  16. It is no coincidence suu tuugii weynaa ee 30/30 meesha u yimid, in amaankii yaraa gacanta ka sii baxeyso. Nin isbaaro iyo xatooyo ku maqan ayee jago u dhiibteen.
  17. It is not the same area, this is close to badda Tansaaniya, plus badda Soomaaliya has a lot of known blocks from Mudug to NFD.
  18. Now the desperation is quoting the nobody, useless Twitter trolls.
  19. Dhulkaan dhul dowladeed ahaa ayaaba la isku heystaa. Tuugnimo ma dhamaato, yaab. Qofkii xasuusataa xasuusto Bashiir Raage Shiiraar qofkuu ahaa, qabqable iyo ganacsade isku ahaa. Kuwii aasaasay kooxdii Maxkamadaha kuwii ka soo horjeeday oo la "Ladagaalanka Argagaxisada" la baxay uuna ku jiray sanadkii 2005. Qoyska Bashiir Raage oo kiis xasaasi ku eedeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyey inuu boobayo dhul u dhow garoonka Aadan Cadde oo uu lahaa Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo bilo ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii marxuum Bashiir Raage Shiiraar ayaa maanta warbaahinta la hadashay ayadoo codsi ka dhan ah wasiirka amniga u dirsatay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Duqa Muqdisho. Dhulkaan oo ah garaash weyn oo ku dhex yaalla Xalane waxaa dhex yaalla gaadiid nooca xamuulka qaada ah, kunteenaro iyo baaldoosarro, waxaana gaadiidkaas lahaa ganacsade Bashiir Raage Shiiraar. Sahro Cabdi Jaamac ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu galay damaca dhulkaas kadib markii uu geeriyooday seygeedii Bashiir, isagoo garaashka ku hor jaray kunteenarro iyo dhagaxda waaweyn ee wadooyinka lagu jaro. Waxay sheegtay in agoonta Bashiir laga biili jiray garaashkaan uu ku qabsaday wasiirka amniga, iyadoo sheegtay in awooda dowladda iyo xilka uu haayo uu ugu awood sheegtay. “Cabdullahi Maxamed Nuur hadii uu dhulkaan leeyahay, wuxuu soo aadi lahaa intii uu noolaa Bashiir Raage, balse markii uu dhintay ayuu ciidan iyo dhagax nagu hor jaray, meeshaan waxaan ilmaha uga soo saaraneynay qutulyoomka, waxaan idinka codsanayaa inaad naga qabataan ninkaan nagu handadaya shaatiga dowladda,” ayey tiri Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.
  20. Waa runtaa but that baarlamaan had seasoned independent-minded xikshibaanno who funded themselves, unlike current new one. Waxa hadda la sameeyey Soomaaliya waligeeda kama dhicin and I don't rhink madaxda maamul goboleedyada will easily give up this newly acquired power of selecting xildhibaanada ee rabaan anytime soon. Jid xun ayaa bilowday.