-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Qoorqoor ayaa siray u keenay, I guess. Now Qoorqoor himself cannot stand Rooblaawaha. He should have named as a ra'iisul wasaare the most loyal to him to this day, Cali Yare Cali, guddoomiye ku xigeenka Banaadir. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
What kind of BS is this? Secessionists want to circlejerk themselves. RRA was formed in late 1995 after Caydiid's invasion of Koonfur Galbeed. That time, secessionist habrooyin were fighting among themselves or barely recovering from it. The financiers behind RRA were KG diaspora, mainly Reer Ingiriis and Australia. There was a documentary made by a UK-based Reer KG man in 1999 showing all the leadership RRA in the countryside organizing their final offensive to liberate Baydhabo. Some of the clips from this documentary can be seen on Youtube now. Top leaders were the late Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud, Ibraahin Xaabsade, Cabdalle Deeroow, the new speaker Sh. Aaden Madoobe and Qalinle among others. I watched this documentary in 1999. The VHS was sold to raise funds for RRA. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Blame Farmaajo, don't bother with kaas baahan tusbaxa yar. Farmaajo asagaa Rooblaawe gacanriisa ku keensaday. Kheyre daacad u ahaana sadex sano iyo bar saacado ku buriyey. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Laftagareen could have stood behind Saransoor, who had a little bit of gentleman's agreement to support. But Laftagareen wiilka yar ayuu kaga kalsoonaa because it was him, Xasan C/nuur, who stood beside him for weeks markuu Baydhabo qabsanaaye in late 2018. Saransoor was his lataliye for years after he conceded him to be Koonfur Galbeed leader. Hadduu Saransoor taageeri lahaa inay kursiga helaan laga yaabay, but Saransoor is independent-minded oo la iskuma haleyn karo hadduu helo kursiga. Saransoor's concession hadaljeedin was a revenge against Laftagareen iyo Farmaajo. I know Saransoor and his brothers very closely, especially his younger brothers who are very close to my family. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Sheekh Aadan Madoobe oo durba wajahaya go’aanka kiis xasaasi ah Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay. Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod. Durbadiiba waa la dhaariyay, howasha ugu horreysay ee hor taalla ayaa waxay ay tahay sida laga yeeli doono arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq. Doorashada ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe. Ugu dambeyn ayaa waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. Kaararka aqoonsiga ayaa waxaa bixiya xoghayaha baarlamanka Cabdikariim Buux, waxaase meesha ka marneyn ogolaanshaha guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku xiran yahay mucaaradka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad loo filayaa inuu sameeyo sida ay doonayaan oo ah in la fasaxo kuraasta Ceelwaaq, balse su’aasha waxay tahay sidaas ma sameyn doonaa mise wuxuu qaadan doonaa tallaabo uu dhexdhexaad isugu muujinayo. Arrinta kale ee jirta ayaa ah in xildhibaanada Ceelwaaq ay soo ansixiyeen guddiga doorashada heer federaal, oo sidoo kale ah kan soo ansixiyey Aadan Madoobe. Sidaas darteed, Aadan Madoobe uma fududa inuu sharci-darro ka dhigo go’aanka guddiga isaga soo meel-mariyey. Wax ay ahaataba waa go’aan la filayo inuu Aadan Madoobe qaato, waxayna noqon kartaa inuu xaaladda kusoo xumeeyo Farmaajo oo guuldarro kala kulmay doorashadii golaha shacabka oo looga adkaaday murashaxiisa Xasan Cabdinuur. Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
That happens sometimes, most recently guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare on yesterday. Because most corrupt xildhibaanno can be re-bought in the corrupt auction after first rounds concludes. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Aaden Madooba wuxuu saaxiib la yahay Sheekh Shariif. Some will interpret this as a mucaaradka win, but there is a caveat. The third and fourth candidates, C/llaahi Balaak iyo Aaden Saransoor respectively, are also Aaden Madoobe's fellow clan members from Bakool. Out of the four seats that clan had MPs, three were candidates for xulashada. The fourth seat is held by Sareeda. Marka asagee ugu shubeen codkooda directly, which was around 55 votes. Xasan C/nuur oo Laftagareen macruuf dhow la ah, Laftagareen ayaa watay. Saransoor - who holds my own sub-clan's xildhibaan seat - was very close to fellow erstwhile RRA member Laftagareen until musharaxnimada two weeks ago. Laftagareen tried to pressure him and told him not to become a candidate. Taas ayuu ka xanaaqay and now doomed kan uu watay. -
Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Igu sawir in a nutshell. -
Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Accusation time: -
Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The sixth estate had spoken: Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxda Soomaalida inay is xakameeyaan, doorashadana si nabdoon lagusoo gabagabeeyo Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada. “Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka. Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta loo madlan yahay in la qabto doorashada guddoonka barlamaanka, inkastoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay xildhibaannada gobolka Gedo inay ka qeyb galaan doorashada. Lama oga inay maanta qabsoomi karto doorashada guddooonka barlamaanka, inkastoo guddiga doorashada uu ku adkaysanayo in doorashada la qabanayo. -
Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Odeyga warkiisa laguma jiro see u egtahay.What a farce meesha lagu haayaa. Guddoomiye Dhabancad oo baaq u diray xildhibaanada Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka. Guddoomiye Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah usoo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto. Cabdisalaan Dhabancad, oo dhanacyada ay ka taagnaayeen dhowr xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka, ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xildhibaanada u fududeeyaan soo gelista hoolka doorashada. “Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad. Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aaday xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaanada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni. Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay. War kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha Doorashooyinka Dalka gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, khilaafaadka taagan iyo Dhinacyada caqabadda ku ah geedi-socodka. Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Doorashooyinka Soomaaliya. Waxa ay ka digeen qalalaase iyo dib udhac markale dhaawaca geedi-socodka Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay khilaafaadka siyaasadeed ee jira in xal loo helo si loo dhammeystiro doorashada Dalka. -
Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mahad Salaad Geeljire loo diidanyahay meesha maro asaga iyo xirtiisa: -
Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Meesha waa faaruq and it is duhur now in Xamar. Don't think it will happen today. -
Xildhibaanno galay Teendhada Afisiyooni oo ku baaqay in xildhibaannada kale ay yimaadaan Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka. Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, oo kamid ah mudanayaasha galay goobta doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada kale in ay yimaadaan, isagoona rajeeyay in maanta ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Shacabka. “Waxaan joogaa Teendhada Afisiyooni, Xildhibaannada waxaan leeyahay soo dhaqsada. Maanta wax dhaafaya ma jiraan. Musharraxiinta ayaa laga rabay in ay soo dhaqsadaan, walina ma aysan imaanin”, ayuu yiri. Mudane Jacfay, ayaa intaasi raaciyay in aysan jiri karin xildhibaan la celin karo. Dhinaca kale Xildhibaan Nuradiin, ayaa kamid ah xildhibaannadii galay Teendhada. Hubanti la’aan ayaa maanta ka jirta qabsoomida doorashada, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu faray ciiddanka Midowga Africa ee ATMIS in ay la wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, balse uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo. Tan iyo xalay waxaa soo baxayay warar su’aalo badan gelinaya in doorashada ay qabsoomi karto maanta, maadaama caqabad ay ka taaganyahay sida xildhibaannada ay ku geli karaan goobta doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu liiska xildhibaannada galaya goobta doorashada uu usoo gudbin doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kaddib xafiiska Ra'iisul Wasaaraha marka uu hubiyo ayuu liiska u sii gudbin doonaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo leh amarka ugu dambeeyay ee lagu gelayo madasha doorashada. Balse madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddiga Amniga doorashada oo uu guddoomiye ka yahay taliyaha ciidanka booliska ay masuul ka yihiin sugida amniga doorashooyinka dalka. Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in geeddi-socodka doorashada lagu soo gabo-bageeyo si nabdoon, iyagoona soo dhoweeyay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.
-
Spoilers-Garbahaarey (S)election
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Which one, kuwa Ceelka ama kuwa Garbada? -
Xulashada guddoonka Aqalka Sare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Guddoonka Aqalka Sare la xushay maanta: -
Xulashada guddoonka Aqalka Sare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
They think they have the 'powerful' constitution committee, though. Just see Cabdi Qeybdiid rush to be its chairman once more and Faroole as a member. Axdi aanan meel u socon another four years sii wadi doonaan. -
Xulashada guddoonka Aqalka Sare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Xulashada guddoonka Aqalka Sare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I am surprised the candidate that was said closest to Farmaajo got 24 votes from Aqalka Sare to odey Xaashi's 28 votes. Aqalka Sare is dominated by anti-Farmaajo mucaarad since hoggaamiyaasha maamul goboleedyada directly selected them, not even malxiisyo was needed during selections. -
Xulashada guddoonka Aqalka Sare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii uu ku guulaystay doorashada guddoonka aqalka sare. Cabdi Xaashi ayaa helay 28 cod, wuuxuna noqday musharraxii ugu codadka badnaa saddexda musharrax ee xilkaan iskusoo taagay, kuwaas oo kala ah, Cabdi Xaashi, Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamac. Musharraxii ku xigay ayaa helay 24 Cod waxaana uu noqday Saalax axmed Jaamac, halka Murashax Dubbe uu helay 2 Cod. Cabdi Xaashi ayaa mar kale barlamaanka aqalka sii hoggaamindoono afarta sano ee soo socda. Mucaaradka iyo muxaafidka ayaa la filayaa inay soo dhoweeyaan doorashadiisa. Kadib muddo sannad iyo dheeraad dib udhac doorasho lagu jiray, aqalka sare ayaa noqday hay’addii ugu horreysay ee yeelata guddoon rasmi ah oo haysta sharciyad buuxda. -
Spoilers-Garbahaarey (S)election
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Already calaacal: Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka oo sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ay xirteen xarunta villa Hargeysa Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida ay ku khasbeen shaqaalaha Baarlamaanka inay ka guuraan Xarunta Villa Hargeysa, oo ah Xarunta Baarlamaanka.Xigasho Guddooomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay arrintan inay tahay in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada villa Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri, waxayna sheegeen in geedi socodka dimoqraadiyada Soomaaliya uu sii soconayo oo aysan jiridoonin dib udhigid iyo dib u dhac dambe. Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka uu sheegay in nafsadooda ay qatar ku jirto, isagoo sheegay in lagasoo horjeedo dhaarinta xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq. Doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku beegan maalinta berrito ah, iyadoo khudbadihii musharraxnimo ay jeediyeen musharraxiinta u taagan guddoonka golaha. -
Xulashada guddoonka Aqalka Sare
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka Aqalka Sare Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane. Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala. Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka. Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare. Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte. Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo. Xigasho
-
Popular Contributors