Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Madaxweyne Farmaajo oo Alshabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Abwaan Beddel Jaamac Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay salaadii maqrib kadib ay kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga sheegay inuu door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta iyo dowlad-dhiska. “Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyayaasha ahaa ee shalay ay Alshabaab ay la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa, halkaas ay ku shirayeen xildhibaannadda labada aqal ee barlamaanka. Farmaajo ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada Alshabaab, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammada u taagan sugidda amniga dalka.
  2. Maxkamadda sare ee dalka oo billowday dhegaysiga dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Maxkamadda ayaa dhegaysanaysa dacwadda u dhaxeysa qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka Soomaaliya. Qareenka udoodaya Fahad Yaasiin ayaa maxkamadda usoo gudbiyay codsi ku aadan in la diido go’aanka lagu hakiyay kursiga hop086, wuxuuna sheegay in aanay jirin awood ka sarreysa go'aanka maxkamadda sare ee dalka. Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa ku doodaya in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay barlamaankii hore ee Soomaaliya inuu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada islamarkaasna aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada doorashada la xiriira. Dhegaysiga dacwadda maxkamadda sare ee kursiga hop086 ayaa kusoo aadaya iyadoo ay billaabatay diiwaan galinta musharraxiinta guddoonka barlamaanka Soomaaliya.
  3. 'They' want to extinguish the truth, the facts. 'They' will not succeed.
  4. 'They' - and we all know who 'they' are - murdered this man because of his staunch support for Fahad Yaasiin. Bil Ramadaan ayee dileen waxmagaratadaan bahalada ah. Alloow kuu raxmo. Abwaan aad uga hadli jiray arrimaha siyaasada oo Muqdisho lagu dilay Koox ku hubaysan bistoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac Xirsi, oo kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee ku noolaa Muqdisho. Dilkiisa ayaa dhacay xilli uu Abwaanka ka soo baxayay Masaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Makhrib uu ku soo dukaday. Lama garanayo sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysa. Waxaana kooxda dilkiisa fulisay ay markiiba ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay. Marxuumku wuxuu caan ku ahaa ka hadlida arrimaha siyaasada ee taagan gaar ahaan wuxuu aad u dhaliili jiray siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu maalmo ka hor u ololeynayay in lasii daayo kursiga Fahad Yaasiin, isagoo ra'iisal wasaare Rooble ugu baaqay inuu kursigaas fasaxo.
  5. La iskuma raacsano. Deg degaan waxaa soo saartay kuwa mucaaradka u shaqeeyo oo rabo Fahad mootiyaan musharaxbimadiisa. Codna looma qaadin see awal ahaan jirtay.
  6. Nothing happened bilaash u calaacalaaye Mahad Geeljire. Anyway, qabashada arjiga musharaxiinta guddoon ku xigeenka baarlamaanka waxee ka dhigeen beri iyo Arbacada oo Fahad loola dan leeyahay. Fahad beri waa loo fasixi doonaa kursigiisa, dhaartiisa isla beri mee noqon doontaa taloow. Rooblaawe will say 'appeal' ayaa qaadaneynaa to make it qas iyo qash qashaad, even though it is the highest court's decision.
  7. Jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka oo la shaaciyay Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka. Sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa la isku raacay in 27- ka bishaan Abril ay noqoto doorashada guddoonka golaha shacabka, halka 26 ka bishana la dooranayo guddoonka golaha aqalka sare. Diiwaan galinta musharraxiinta ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalinta berri ah oo ku beegan 19 abril, waxaana sidoo kale lasoo saaray wax ka beddel lagu sameeyay qidmadaha lacaga qaadayo musharraxiinta guddoonka labada aqal. Musharraxiinta guddoomiyayaasha labada aqal ayaa laga qaadayaa lacag dhan $20,000, halka ku xigeennada laga qaadayo $15,000. Musharraxiinta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhankooda laga qaadayaa lacag dhan $40,000. Horey waxay u ahaan jirtay $30,000. 190 xildhibaan ayaa u codeysay wax ka beddelka lagu sameeyay qidmadaha musharraxiinta. Hal xildhibaan ayaa diiday, halka Lix xildhibaan ay ka aamuseen.
  8. Xildhibaan Xiddig: Xilka aan u tartamayo ee guddoomiyaha barlamaanku, waa xilka ugu sarreysa dalka Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad iskusoo sharraxay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isagoo u arka fursad uu kusoo bixi karo. Xildhibaan Xidddig ayaa sheegay in jagada guddoomiyaha barlamaanku ay tahay jagada ugu sarreysa daka. Wuxuuna sheegay sababta uu isugusoo sharraxay inay tahay inuu ummadda tuso inaanu jirin kursi reer kaliya loo asteeyay. “Waxaan rabnaa inaan dadka barno guddoomiyaha barlamaanku inuu yahay xubinta ugu sarreysa dalka ama xubinta labaad. Waxaa laga hadlayaa Prime minister. Soo ma ahan midkii todobada daqiiqo lagu ceyriyay,” ayuu yiri xildhibaan Xiddig. Xiddig waxa uu sheegay inuu kalsooni ballaaran ka haysto beesha uu kasoo jeedo. Wuxuu kaloo beeniyay in is sharraxaadiisa ay tahay mid siyaasadeed oo loo adeegsanayo in lagu dhabar jebiyo siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeeda, kuwaas oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya. “Waxaa loo baahan yahay horumar iyo in laga gudbo saddex dhardhaar oo lixdamaadkii la dhigay. Waayo waxaa jira beelo Soomaaliyeed oo xaq uleh inay u tartamaan jagooyinka ugu sarreeya ee dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhiban Xiddig. Xildhibaan Xiddig ayaa sannadkii 2016 u tartamay jagada guddoomiyaha barlamaanka, wuxuuna helay 97 cod, waxaana kaga guulaystay Maxamed Cismaan Jawaari. Wuxuu hadda aamisan yahay inuu haysto fursad ka fiican midii sannadkii 2016.
  9. He is a musharax guddoomiye baarlamaan now. He was one of the many Tigrey jaajuusooyin u ahaa oo dowladda Soomaaliya ku jiray. Musharaxii ugu horreeyey ee beesha **** ah oo isku soo taagay gudoomiyaha BF Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri “Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.” Waxa uu intaas ku daray “Mudaneyaal iyo marwooyin baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.” Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federaalka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasadeed. Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay doorashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan. Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha ****, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha **** ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha **** ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto. Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha ****, ****, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnimada Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiyaan haddii ay codkooda ku taageeraan.
  10. Axmed Madoobe muxuu nafsadsiisa been ugu sheegayaa. Xulashadiisa Kismaayo haku qabsado maadaama he is already breaking 17th of Siteembar agreenment.
  11. Soomaalida interior design meel heersare ka gaareen maanta. Balaayo waxee ka taaganyahay markii bannaanka loo baxo oo wada qashin ah.
  12. Journalists Arrested While Covering Prison Scuffle in Somaliland Police in Somalia's breakaway Somaliland region arrested at least seven journalists Wednesday, including a VOA reporter, as they covered a prison scuffle in the region's capital, Hargeisa. VOA Somali stringer Sagal Mustafe Hassan was freed after a short detention, but the other journalists remained in custody at Hargeisa's central police station. Among the journalists arrested were BBC reporter Hassan Gallaydh, local MM TV journalist Mohamed Ilig and Ahmed Mohamud Yusuf of Saab TV. Authorities did not say why the journalists were arrested. Colleagues and family members told VOA that some of them were broadcasting live at the time of their arrest outside the prison, where about 150 criminal and terror convicts are held. "There are people who misinformed the public about the small incident that happened at the prison. We hold them accountable, and we will not allow such people to go unpunished," said the commander-in-chief of the Somaliland Custodial Corps, Brigadier General Ahmed Awale Yusuf, in a news conference following the incident. On March 18, gunmen later identified as members of the intelligence services attacked three journalists riding in a car in Hargeisa and kidnapped one of them, freelance online journalist Abdisalan Ahmed Awad. On Monday, The New York-based Committee to Protect Journalists (CPJ) called for the release of Abdisalan, who remains in custody. "Authorities in the breakaway region of Somaliland should unconditionally release freelance online journalist Abdisalan Ahmed Awad and hold the intelligence officers who harassed and assaulted him and two other journalists responsible," CPJ said. Somaliland is a breakaway republic from Somalia that has not won international recognition since it declared its cessation from Somalia in 1991, following the ousting of the Siyad Barre regime. In an interview with VOA Somali, during a visit in Washington in March, Somaliland President Muse Bihi Abdi said he has secured pledges of increased U.S. support for his self-declared state. Even as formal recognition remains off the table for the time being, he urged the international community to recognize his territory's quest for independence, saying negotiations with Somalia had failed. Unlike southern Somalia, Somaliland has been enjoying relative peace, has its own military and police money, and has received credit for holding democratic elections, but rights groups often accuse Somaliland authorities of being hostile toward journalists. Idaacadda Codka Mareykanka
  13. Agaasime kuxigeenkii NISA oo sheegay sababta rasmiga ee loo haysto kursiga Fahad Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay. Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda. Go’aankan ayaa ka dhigan in kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086 uu weli xayiran yahay, ayada oo la filayo in maanta Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Guddiga doorashada waxay sheegeen in habkii lagu doortay kursiga HOP086 ay khaladaad ka buuxeen, hase yeeshee kursigaas waxba kama duwan nidaamka musuq-maasuqa ah ee kuraasta baarlamanka lagu soo doortay 95%. Dadka qaar ayaa sidoo kale rumeysan in kursigaas loo xayiray kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsaneyn NISA oo la tuhunsan yahay inay dileen xubno ka tirsan hay’adda darteed. Hase yeeshee agaasime ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in sababta loo heysto kursigaasi ay tahay mid siyaasadeed, isaga oo soo bandhigay tusaale muujinaya inaanu shaqo ku laheyn kursiga Ikraan. “Fahad wuxuu la mid yahay, haddii lagu eedeynayo kiiskii Ikraan Tahliil iyo eedeymaha kale oo ay dad badan ku soo oogeen, wuxuu la mid yahay Yaasiin Farey oo ah ku simaha taliyaha NISA, wuxuu la mid yahay Kulane Jiis, dad badan oo waxaa jira ah eedeysanayaal ay kiisas ka yaallaan maxkamadda, oo aan ilaa iyo hadda la beri yeelin. Marka haddii ay arrintaas la xiriirto kuwan laftigooda ma aysan ahayn inay soo gudbaana” ayuu yiri Cabdisalaan. Wuxuu Cabdisalaan intaas ku daran in laba arrinba ay suurto gal tahay, oo ah; in laga gudbo khilaafka kursigan oo xal loo helo iyo in Fahad uu noqon waayo xildhibaan. Rajada Fahad oo markii hore ay saacideysay inay isku qaanad ahaayeen kuraas ka badan 70 oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa hadda hoos u dhacday kadib markii Lafta-gareen uu xalay heshiis la galay guddiga doorashada.
  14. What about maleeshiyada hubeysan qabsaday saldhigga dhexe ee Hargeysa?