Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. It is not Ceelwaaq, Che. Waa deegaan ka tirsan xad beenaadka ee dhalinyaro baagamuundo ah soo aruursadeen. Xulasho xataa ma'aha waxa meesha ka dhacay.
  2. He died today. Kenya's former president Kibaki dies at 90 Mwai Kibaki, who ushered in economic reforms and a new constitution but struggled to tackle widespread corruption as Kenya's third president from 2003-2013, has died aged 90. A British-educated economist, Kibaki's unflappable demeanour concealed political guile that finally won him the presidency after four decades as lawmaker, government minister and then vice president to his predecessor, Daniel arap Moi. Kibaki, whose death was announced President Uhuru Kenyatta, is credited with reviving Kenya's then ailing economy, but his tenure was marred by deadly violence that killed more than 1,200 Kenyans following his disputed re-election in December 2007. The opposition had been far ahead when journalists were hurriedly ejected from the election commission. Hours later, Kibaki's win by a narrow margin was announced. Smoke immediately began rising from fires lit by protesters. While announcing Kibaki's death, Kenyatta recalled his long public service, including being a member of parliament for five decades. "Kibaki was a quintessential patriot whose legacy of civic responsibility will continue to inspire generations of Kenyans long into our future," Kenyatta said in a televised address. Kenyatta did not state the cause of death but Kibaki has been ailing for some time, domestic media reported. Politicians took a break from campaigning for a general election scheduled for Aug. 9, to mourn Kibaki. "He stood firmly and laid the foundation for the economic fruits that Kenya is experiencing today," said Musalia Mudavadi, who is backing Deputy President William Ruto in the presidential contest. But Kibaki failed to tackle endemic graft, which remains a key demand of voters in the upcoming polls that pit Ruto against Raila Odinga, a former veteran opposition leader now embraced by the political establishment. Kibaki had also tried to bring peace to regional hotspots, said Moses Wetengula, who served in the cabinet. "As his foreign minister, I ran many missions to stabilise Somalia and other pockets of instability including Congo," Wetangula said. Kenyan peacekeepers are still serving in southern Somalia. Reuters
  3. Siyaasiin lagu duulo ayee siyaasadii Soomaaliya mareysaa. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku eedeeyay weerarkii Xalay lagu qaaday inuu ka dambeeyay Taliyaha Booliska Puntland ee gobalka Mudug Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay sadax kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntaland dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri ay ku shirayeen wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, siyaasiyiiin iyo Nabdoono kale, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in weerarka uu ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa waxgaradka shirka lalaha wasiirka xiliga uu weerarka dhacay. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo ka hadlay weerarka xalay lagu qaaday ayaa ku eedeeyey Taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee Puntland inuu weerar kusoo qaaday goob ay kaga afurayeen magaalada Gaalkacayo, hayeeshee Taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa dhankiisa beeniyay eedeynta kaga timid wasiir Cabdisaciid Muuse ee ku aadan inuu ka dambeeyay weerarkii Xalay. "Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah. Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid Muuse. Weerarka xalay dhacay ayaa kusoo beegmay saacado uun kadib markii guddiga amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ay soo saareen digniin culus oo lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeysan ee lagu qabanayo gobolka Mudug.
  4. MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KASOO SAARAY DOORASHOOYINKA ISBARBAR SOCA EE GARBAHAAREEY IYO CEELWAAQ Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021. “Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.” “Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan. DHAMMAAD
  5. Abaaydeen knows how to stir right wing, anti-Muslim regimes. India condemns Omar’s ‘narrow minded’ politics, visit to Kashmir India has condemned a recent visit by Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) to Kashmir, an area that has been the subject of dispute and, at times, violent conflict between India and Pakistan for years. In a strongly worded statement, India’s Ministry of External Affairs Spokesperson Arindam Bagchi took aim at what he called Omar’s “narrow minded politics” and called her visit “condemnable.” He said at a press briefing Thursday, “We have noted that US Representative Ilhan Omar has visited a part of the Indian Union Territory of Jammu and Kashmir that is currently illegally occupied by Pakistan. If such a politician wishes to practice her narrow-minded politics at home, that may be her business. But violating our territorial integrity and sovereignty in its pursuit makes it ours. This visit is condemnable.” While on a visit to Pakistan-administered portion of Kashmir, Omar met with the president of Azad Jammu and Kashmir Sultan Mahmood Chaudhry. Omar also met Pakistan’s Minister of State for Foreign Affairs Hina Rabbani Khar who said in a statement that she “appreciated the strong voice that Congresswoman Ilhan has raised against Indian atrocities in Indian Illegally Occupied Jammu Kashmir and for the people of Palestine.” Khar added that “in today’s environment, it was important to stand up for universal values and human rights and let that not be clouded by geo-political interests.” According to Pakistani newspaper Tribune, Omar spoke about Indian Prime Minister Narendra Modi government’s anti-Muslim policies. “I don’t believe that it is being talked about to the extent it needs to be in Congress and within the administration,” Omar said. The outlet noted that she hoped her visit to Kashmir motivates more conversations. She added that she hoped to learn about the situation in Kashmir and the dispute between the two countries. Her office did not immediately respond to The Hill’s request for comment. The Minnesota Democrat’s visit to Kashmir came a day after she met with Pakistani leaders in Islamabad including President Arif Alvi and newly appointed Prime Minister Shehbaz Sharif. She also met with recently ousted Pakistani Prime Minister Imran Khan who alleged that Donald Lu, assistant secretary for the Bureau of South and Central Asian Affairs at the Department of State, was involved in the “foreign conspiracy” to topple his government. Omar has been a vocal critic of Modi and has previously questioned Biden Administration officials over what she said was their failure to criticize the his government on the issue of human rights and its actions against its Muslim minorities in India. India and Pakistan have been embroiled in a decades-long dispute over the region since the partition of 1947. Four wars have been fought between India and Pakistan, the latest in 1999.
  6. He took with him to Xamar guddoomiyihii baarlamaanka maamul goboleedka. In xilka laga qaado muu ka cabsaday?
  7. Maxaa loo fasiran karaa tallaabada uu qaaday Karaash Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay saqdii dhexe soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay, maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland. Arrintaan ayuu Karaash u daliishaday qodobo Dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq Dastuuri ah,maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro. Maxaa loo fasiran karaa hadalka madaxweyne ku xigeenka? Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodobka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxweynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo. “Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u lahaa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, maaddaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashquulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duruufo aad u badan ayayna leedahay, madaxweynaha kama wadi karo halkaas,” ayuu yiri. Sidoo kale Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuusan xaalku ahayn sida ay dadka qaar u fasireen ee ah in inqilaab uu ka dhacay Puntland oo xilka uu la wareegay madaxweyne ku xigeenka Puntalnd. Wuxuu intaas ku daray in aan la ogeyn waxa haatan ku soo beegay hadalka madaxweyne ku xigeenka, maaddaama horeba ay u dhici jirtay in Deni uu ka maqnaado Puntland, sidaasna uu xilka u sii hayo madaxweyne ku xigeenka. Arrintan oo kale ayuu sheegay inay hore u dhacday xilligii uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxayay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waxaana xilligaas madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi. “Howsha dowladda isaga ayaa waday, ilaa xad wasiirrada qaarkood uu shaqada ka qaaday, oo qaar kale uu ku beddelay qaar kalena uu meel kale geeyay oo dalka shaqadiisu si toos ah ayay u socotay.” Ayuu yiri siyaasi Cali Xaaji Warsame. Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisa. Xigasho
  8. Already meeting golahiisa wasiirada maanta: Waxaan maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada oo aan uga hadalnay Amniga guud, xaalada Dekeda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.
  9. Deni ma ogolaan doonaa tan? Karaash posted on his Facebook page this wargelin: BAYAAMIN IYO WARGALIN. Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan. Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka. Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay. Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah: Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan. Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA) Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta. Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga. QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed” Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan; “Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin” Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland. Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland. Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Wabillaahi Towfiiq. =DHAMMAAD=
  10. The face-saving seat is selected again with the same results. Sareeda oo ku guuleysatay doorashadii ku celiska aheyd ee Hop154 Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka, kaas oo uu horey u celiyey guddiga FEIT oo shaaciyey in aan loo marin habraac sax ah. Kursigan ayaa waxaa isku soo taagay Sareeda Maxamed Cabdalla oo horey ugu soo baxday iyo musharrax Nasteexo Maxamed Yuusuf oo tanaasushay, ka hor tartanka. Xildhibaan Sareeda ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana ay heshay dhammaan codadka ergada, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Sababihii dib loogu celiyey kursigaasi waxaa ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka heer federaal uu ku dhawaaqay in kursigaan ay waxba kama jiraan tahay natiijada kasoo baxday, kadib markii uu guddiga sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020-kii. Doorashada maanta ka dhigan in Sareeda Maxamed Cabdalla ay ka gudubtay doodii horey u hareysay kursigeeda, maadaama dib loogu noqday, kadibna ay markale kusoo baxday. Koonfur Galbeed ayaa horey u dhammeystirat doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee maamulkaasi. Si kastaba, muranka ka dhashay kursigan ayaa khilaaf ka dhex-dhaliyey Koonfur Galbed, FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble, walow mar dambe arrintan xal waara laga gaaray.
  11. Unlike tuugada who would certainly not have accepted if it went against their way, Fahad accepts the decision.
  12. Xubnaha guddiga FEIT ee gaaray Garbahaarey oo shaaciyey qorshe xasaasi ah Waxaa shalay magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo gaaray xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo kan xallinta khilaafaadka. Xubnahaas ayaa sheegay in ujeedada ay halkaasi u tageen ay tahay qiimaynta ah in ay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo qaban lahaa. Arrintan ayaa timid iyadoo ay soo baxayso kala qaybsanaan guddiga FIET dhexdiisa ah, xilli guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno la socda ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo doonaya in kuraasta Garbahaarrey taalla lagu qabto magaalada Ceelwaaq. “Annagu waxaan nahay guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee FEIT iyo xallinta khilaafaadka. 6 xubnood oo guddiga FEIT ah iyo 4 xallinta khilaafaadka ka socda ayaan ku gaarnay magaalada Garbahaarrey,” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee tagay magaaladaas. Cabdiweli oo maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo. “Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, mana jirin guddi inta uu farriistay go’aan ka qaatay arrintaas. Guddigana awood uma laha in deegaan sharci ah uu bedalo,” ayuu yiri Cabdiweli. Waxa uu sidoo kale sheegay in isla ay billaabeen qaban-qaabada doorashada ay rabaan inay ku qabtaan Garbahaarrey, sida ugu dhaqsaha badanna ay u soo saari doonaan jawdalka doorashada.
  13. Doorashada kursiga HOP154 ee Sareedo oo dib loogu laabanayo Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ay horey ugu soo baxday Sareeda Maxamed Cabdalla, balse uu diiday guddiga doorashooyinka ee heer federaal. Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dib loogu noqonayo doorashada kursigan, si loo waafajiyo habraaca doorashada dalka. “Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka DGKGS SEIT waxa uu shaacinaya Jadwalka Qabashada Doorashada Kursiga Hop-154 si loo waafajiyo Habraaca Doorashada guud ee Dalka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed Somalia. Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta iyo lacag shubista ay tahay 20-bishan April ee sanadka 2022-ka. Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in ugu dambeyn doorashada la qabanayo 21-ka bishan, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto ee ka haray dhammeystirka doorashooyinka dalka. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa horey ugu dhawaaqay in kursigaan oo ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareedao uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.
  14. Now the two competing Garbahaareey selections will come before this court again.
  15. Kuwii sii diidaaye Maxkamada Sare go'aankee soo saarto hadda si hor boodid ah u aqbali doonaan.
  16. Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay kiiska kursiga Fahad Yaasiin Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay qaadatay ku diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin ee HOP086, taasi oo meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee Fahad. Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal. Xafiiska ayaa dooddii shalay ee Maxkamaddu ay qabatay ku dooday in Maxkamadda Sare aanay awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad, taasi oo Maxkamadda ay ku raacday. Go’aanka waxa saxiixay saddexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne. Si kastaba, waxaa doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare. Go’aankan ayaa imanaya xilli aad loo filayey in Maxkamadda Sare ay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, ayada oo la rumeysnaa in guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf uu aad ugu dhow yahay Villa Somalia. Arrintan ayaa dhabarjab weyn ku ah Fahad Yaasiin, waxayna tani soo xirtay albaabkii ugu dambeeyey ee uu ku noqon lahaa xildhibaan, mana cadda waddada xigta ee uu qaadi doono.