Abdirazak_PTL
Nomads-
Content Count
259 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abdirazak_PTL
-
Dagaalada Soo Noqnoqda ee Gobolka Mudug Iyo Nuxurka Qodobadii Heshiiskii Galkacayo 1993 Gobolka Mudug waa deegaan ay daashadeen dagaalo sokeeye, iska horimaadyo rasaas aan loo meel deyin la isku weydaarsado magaalada Gaalkacyo gudaheeda halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba loogu geysto dadka shacabka ah, dilal loo geysto dadka rayidka ah, iyadoo la beegsado shakhsiyaadka halbowlaha nabada u ah, maxay tahay sababtu? Haddaba, Maxaad kala socotaa heshiiskii deegaanka Gobolka Mudug ee 1993-dii dhex maray hogaamiyayaasha SSDF, SNDU iyo SNF, ? Muxuu dhigayey heshiiskaasi? Sidee u qornaa? Yaa heshiiskaas bud-dhigayaal u ahaa? Sidii lagu heshiiyey ma u fuleen qodobadii la wada saxiixay? Haddii aysan fulin arrimihii lagu wada heshiiyey dhinacee dheeligu ka yimid, mase ahaa heshiiskaasi mid dhameystiran oo salka si adag loogu dhigay? Heshiiskaasi waxaa uu ka koobnaa 15 qodob, Waxaa saxiixay 75 Ergooyin oo ka socday Ururadii SSDF, SNDU iyo SNA/USC, Waxaa sidoo kale waxaa saxiixay Hoggaamiyayaashii Saddexadaas Jabhadood. Below is the historic agreement in 1993 at Galkayo between the SSDF/SNDU/USC
-
Whats wrong with Sol Today? Cant post threads at all
-
GAROOWE: Baarlamaanka Puntland oo Asaxiyey kordhinta Mushaharka Ciidamada Qaranka Puntland. Posted to the Web Jan 06, 09:02 GAROOWE(PP):-Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa maanta asaxiyey kordhinta mushaharka ciidamada qaranka dowlada Puntland iyo sidii tiro koob saxa loogu samayn lahaa ciidamada puntland. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay kordhinta mushaharka ciidamada qaranka puntland ay tahay mid muhiima iyadoo ay si rasmiya u meel mariyeen wallow aysan jirin xubno ka aamusay, ciidamada maanta mushaharka loo dhordhiyey ayaa waxaa ka mida Ciidamka booliska, ciidanka daraawishda iyo ciidamada Asluuba iyadoo ay asaxinta ka hor su’aalo badanka waydiiyeen gudiga dakhliga golah baarlamaanka Puntland islamarkaasna waydiiyey sida ay u arkaan. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa doodooda ku daray in la cadeeyo Mushaarka rasmiga ah ee uu qaato Askari kasta oo katirsan Puntland marka laga reebo lacagaha lagu bixiyo Raashinka ciidamada & Waxyaabaha kale ee daruuriga u ah ciidanka kaladuwan ee Dawlada. Dooda Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu soo diray in taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ay soo gudbiyaan Tirakoobka rasmiga ah ee Dhamaan Ciidanka mushaariga ka ah dawlada Puntland,taas oo ay Xildhibaanadu ku doodayaan inaysan jirin tiro rasmi ah oo ay hayaan madaxda ciidanka Qalabka sida,waxaana ay codsadeen in la kordhiyo mushaarka ciidanka la cadeeyana inta uu qaato Askari kasta islamarkaasna ay Taliyeyaasha Ciidamada Qaranku soo gudbiyaan Xogta rasmiga ah ee Tirakoobka Ciidamada. Ugu dambayntii waxaa arintaasni ay faraxad galinaysaa ciidamada qaranka puntland ee horay u qaadan jirya mushahar aan *****li Karin nololmaalmeedkooda islamarkaasna aan *****li Karin baahida jirta iyadoo ay jiro xaalad adag. Siciid C/salaam Siciid Wakiilka Puntlandpost-Puntland E-mail loole15@hotmail.com
-
GAROOWE:Puntland Waa Dowlada Qaran ‘’Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Uga Warbixiyey Saxaafada Mudisho Guushii Tartanka Ciyaaraha G/somaliya(SAWIRO). Posted to the Web Jan 06, 13:56 GAROOWE(PP):-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md Maxamuud Axmed Tarsan oo ka qeyb galay tartankii finaalka ciyaaraha gobolada oo ay ku guuleysteen ciyaartooydii gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankasi uu soo xasuusiyay waagii bari-samaadka ciyaartii finaalka aheyd ee dhex martay Hargeysa iyo Jowhar oo ka dhacday Istadium Muqdisho. “Markii aan Garowe aadayay wa naca dhulka ah aan ugu baxay Garowe, iyadoo aan wadada ku sii arkay dad iyo deegaan nabdoon oo xoolaha iyo Ugaartu ay hal meel wada daaqayeen” ayuu yiri gudomiyaha gobolka Banaadir. Md. Tarsan oo sheegay inuu waligiis tagin Gaal-kacyo iyo Garowe, Md Tarsan ayaa uga mahad celiyay madaxda Puntland iyo shacabkooda oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad ku dayasho mudan oo isu hogaansan, isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweyne Faroole uu balan qaaday in sanad kasta uu marti gelin doono ciyaaraha Gobolada Dalka “Waxaan dhex mushaaxayay habeenkii ilaa seqda dhexe magaalada garoowe oo nalalka ka shidan iyo dhismooyinka cusub aad yaabeyso, waxayna isoo xasuusisay bari samaadkii muqdisho sida ay ahaan jirtay iyo sida ay hada tahay taasoo caloosha I gedisay” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho oo sheegay inuu ka maqsuuday booqashadii Garoowe. Siciid C/salaam Siciid Wakiilka Puntlandpost-Puntland E-mail loole15@hotmail.com
-
Wa iska sheekadi usc/snm, nacasana dadku. 20 years wax ay sameyeen haba yarate ma jirto marku beeshenu dalka haystay guri walbo wuu iftimiyay, aduunka dhan wuu na sharfeyay, qaran ba jiray. Manta usc/snm iyo siyasigooda folxumada badan waxay keentay in hamar malin walbo dab ka jiro iyo reerka burco laga ganacsado Bosaso sida neef ari ah oo loo gudbiyo yemen iyago tahrib doonayo...taas bay idin keeneen snm iyo usc haday xaqiiqdu la taabto. SHAME ON VOA AND HOL they have truly disgraced themselves and have forgotten scholary journalism but are basing their whole judgements on clan passions which is the sole reason why the country is in a mess.
-
I was complaining of this selection of HOL towards siilanyo also and refuted it scholarly in my responses. Those responses of mine can be viewed below http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/50507-2010-Hiiraan-Online-Persons-of-the-Year Pls skip all the other rhetoric from other posters who don't post with evidence or facts but with blind clanism which is one of the huge reasons why their politics is in isolation mode and ignored by the civilized world
-
websitka ay aadka u akhristaan Beesha Hawaii oo degaankeedu yahay Koonfurta Soomaaliya ee Hiiran online ayaa u caleemo saaray gacan ku dhiigle Siilaanyo inuu yahay Qofka sanadka 2010 ,isaga oo ahaa madaxii hore ee jabhadii SNM oo danbiyo dagaal oo ku salaysan Isir Nacayb ka gaystay gudaha Soomaaliyaha ,gaar ahaan Gobolada waqooyi ee Soomaaliya oo ayna degin Beesha uu ka soo jeedo. Websitkan ayaa horay u siiyey abaal marintan sanadihii ina soo dhaafay rag ka soo jeeda Beesha ****** sida Sheekh Shariif,Nuur Cade ,cabdulqaadir Yaxye iyo Dhiblaawe,hase ahaatee sanadkan waxay siiyeen qofka sanadka ganac ku dhiigle Siilaanyo iyaga oo uga abaal mariyey xauuqii uu ka gaystay sanadkan horaantiisa Gobolka Cayn ee Soomaaliya isaga oo kaashanaya Itoobiyaan Ololahan ay wadaan qaar ka mid ah warbaahinta qaarkod ayaa ah marin habaabin iyo cuqdad Beeleed waxay ahayd maalmo ka hor markii Idaacada gabalkeedu sii dhacayo kuna caan baxday iyo madaxeeda Yabaroow qabiilka ay waraysi la yeesheen xaq jirka qabiilku dilooday ee qorka websitka Hadhwanaag news iyaga oo ku sheegay websitkaas, websitka sanadka hase ahaatee uu yahay website u ololeeya kala goynta Soomaaliya ahaana mid waqti badan siiyey dhaqan xumadii ay bulshada gobolada waqooyi iyaga oo isku duuban ku aflagaadeenayeen Hooyada qaranka Soomaaliyeed Saado Cali warsam http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=5786 halka ka akhiriso 7 Bilood ka hor maqaalka aan ka qoray wiilka xididnimda loogu caleemo saaray inuu qoro websitka Soomali ugu fiican Sidoo kale bishii dhamaatay ee sanadkii hore waxa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay xaflad loogu magac daray Somali Achievement Awards 2010 oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah qurbo joogta SNMta iyaga oo u qaybiyey abaalmarintan dad ka soo jeeda labada Beelood ee ****** iyo *****, dadka ay ku abaal mariyeen cuqdadan waxa ka mid ahaa Hadraawi oo dhowaan diiday in dugsi ay wax ku bartaan caruurta gabooye loogu magac daro , sidoo kalena websitka ugu fiican waxay siiyeeniHiiraan Online oo ay ka kaga midaysan yihiin cuqdada Beeleed. Ugu danbayntii Hiiraan onlineoo u dooratay Siilaanyo Qofka Sanadka ee 2010 iyo VOA Yabaroow oo isaguna Hadhwanaag news u doortay websika sanadka waxay ku tusaysaa aqoon yarida iyo cuqdada qaar ka mid ah Hogaamiyaasha koonfureed ay u qabaan Beel ka mid ah Soomaalida taas oo ay ku guul daraysteen 20kii sano oo la soo dhaafay hase ahaatee maanta la bilaabay xulafaysi kale oo qalinka ah.Sidoo kale Siilaanyo iyo Hadhwanaag waxay ka soo horjeedeen Cayaarihii Gobolada Soomaaliya oo lagu qabtay Garoowe hadaba siday ku noqon karaan shalhsiga iyo websika ugu fiican Soomaali
-
I have one question to Puntland Parliament inti aad hayadaha iyo halkasi la tagi laha, horta idinku isku noqda oo hisaabtama. Bal meeye Parliamentka Puntland iyo xarunteeda cusub? In-kasto wasaradihi wa-weyna sida healthka Education Iyo kuwa kale wala dhamayay sida financeka lakin ma arag wasarada amniga inkasto wa wasarad muhimteeda lee dahay. Horta puntland parliament haka jawaban arimahani. Where is the government zonal project in the west-end of garowe? Sow laguma heeshin in wasaaradaha dhan halkas loo gudbi doono iyo baarlamanka sida "west-end" style in london. We need to really finalize this and stop wasting time and I urge puntland parliament to get tough on the construction companies.
-
Baarlamaanka Puntland Oo La Xisaabtamay Hay’addo Kamid ah Dawladda Iyo Kala Fadhigii 25-aad Oo Maanta Lasoo Xiray Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa shalay (Arbaco) oo ku beegnayd 5.1.2011,waxaa hor yimi oo ay la xisaabtameen Hay’addo ka tirsan DawladdaPuntland,kuwaasi oo kala ah: Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland. Hay’adda Pasaweyn. Hay’adda Jidadka u qaabilsan Puntland ee NESHA. Iyo Hay’addo kale. Xildhibaan Axmed Siciid Muuse oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay sababta ka danbeeysay in loo yeero Hay’adahaasi ay salka ku hayso in ay miisaaniyadooda soo gudbiyaan,maadaama buu yiri aysan qayb ka ahayn miisaaniyada Wasaarada Maaliyada Puntland ay usoo gudbisay golaha Baarlamaanka Puntland ee ay maanta ansixiyeen. Wuxuu intaasi ku daray in Wasaarada Maaliyada miisaaniyada ay usoo gudbisay gollaha Wakiilada ay ku koobnayd kharashaadka dawlada dhaxe isla markaana aysan ku lifaaqneyn miisaaniyadaasi tan dawladaha hoose iyo hay’addaha madaxa banaan. Mudane Axmed Barre ayaa hoosta ka xariiqay in qodobka 135-aad farqadiisa 3-aad uu qeexayo in la mideeyo miisaaniyadaha wadanka oo dhan,wuxuuna xusay in dawlada hoose iyo hay’addaha madax banaan ee qaada lacagaha dadka laga qaado ay ogolaadeen in ay soo gudbiyaan miisaaniyadooda. ….”Dawladaha hoose wakhtigaan hawshooda wey bilaabeen,waxaan rajeyneynaa in guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland u gudbiyaan miisaaniyadooda…”ayuu yiri. Kalafadhigii 25-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Soo Xirmay Iyo Ajandayaasha ay Ansixiyeen Kalafadhigaasi. Xildhibaan Axmed Barre ayaa sheegay in ay maanta soo gabagabeyeen kalfahiga 25-aad oo soconayey muddo ka badan laba bilood. Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhiga 25-aad uu si rasmi ah ugu furmay 31.10.2010,waxaana ay ansixiyeen ajandayaal u badan xeerar iyo shuruuc ka mid noqonaya shuruucda dalka lagu dhaqayo. Waxaa kamid ah ajandayaasha ay ansixiyeen: Xeerka Doorashooyinka Puntland. Xeerka la dagalaanka mukhaadaraadka. Xeerka la dagaalanka Burcadbadeeda. Xeerka la dagaalanka Tahriibta. Wasiiro iyo Wasiiro kuxigeeno uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Puntland oo ay xasaanada siiyeen. Bakhaarada raashinka WFP ay ka dhista garoonka diyaaradaha in laga raro. Degmooyinka Bali Dhidin iyo Gumbac oo kamid noqonaya degmooyinka Puntland. Ansixinta miisaaniyada dawlada dhexe ee Puntland ee sandka 2011. Waxaa sheegid muddan in ajandayaasha Baarlamaanka hor yaalay ay kamid ahayd shirkada Sarecen International oo aysan codka kalsoonida u qaadin uu Baraalamaanka Puntland uu soo xirmay kalfadhigii 25-aad maanta. Waxaa la filayaa in mudanayaasha Baaralamaanka Puntland oo sanadkii yeesha laba kalfadhi uu dib u furmo kalfadhigoodu 26.6.2011,waxaa inta u dhaxeysa laba kalfadhi ay yeeshaan Baarlamaanku inta ka horeysa si shaqayn doona guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland. Cismaan Turaabi Horseed Media Boosaaso,Puntland
-
Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyada Sanadka 2011-ka iyo Degmo Cusub About: 19 hours ago Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ku ansixiyeen Miisaaniyada sanadka 2011-ka oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda Puntland. Kulanka maanta oo uu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kasoo qaybgalay mudaneyaal tiradooda gaarayso 39-Xildhibaan. Xildhibaanada ayaa Miisaaniyada la horkeenay sabtidii lasoo dhaafay,waxaana horgeeyey Wasiirka Maaliyadda Mudane Faarax Cali Shire kaas oo gaaraysay 74-bilyan Shilin Soomaali ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulanka kadib Saxaafada u sheegay in 29-kamid ah Xildhibaanada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2011-ka. Dhanka kale Baarlamaanka Puntland waxaa ay ansixiyeen degmo cusub oo kamid noqonaysa degaanada hoos tega gobolka Bari,waxaana lagu magacaaba Gunbax iyadoo hore ay tirsanayd degmada Iskushuban. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
-
Qoraaga Soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax Oo Lagu Soo Dhoweeyey Garoowe (Sawiro) About: 12 hours ago | 12 comments Waxaa maanta xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC lagu qabtay bandhig suugaaneed isugu jiray soo dhawayn loo sameeyey Qoraaga Soomaaliyeed Proff:Maxamed Daahir Afrax iyo ka doodida halka maanta uu marayo mustawahii dhaqan ee Umada Soomaaliyeed ay lahayd. Munaasabada waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan Dawladda Puntland oo u badnaa Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirada arimaha gudaha,Maaliyada,Waxbarashada,Duulista hawada,Haweenka,maamul wanaaga,Abwaaniin,Aqoonyahano iyo xubno ka socday bulshada rayidka. Ujeeda kulanka oo intiisa badan looga doodayey dhaqanka dhimanaya ee Soomaaliyeed iyo dhaawaca gaaray hal abuurayaasha Soomaaliyeed oo waayey dhiiri galin sidaas darteedna madasha laga sheegay in laga walaacsan yahay in uu dhumo dhaqankii suubanaa ee umada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa munaasabada lagu soo bandhigay buugaag tiro badan oo ay qoreen hal abuurayaal Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay qoraaga Soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax, waxaana isku soo aruurisay buugaagtasi Wasaarada Waxbarashada dowlada Puntland waxaana sharaxay Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa. Agaasime kuxigeenka hay’ada PDRC Cali Faarax oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in toosinta dhaqanka umada Soomaaliyeed ay tahay mid mudnaan gaara leh isla markaana qayb ka qaadanayso PDRC sida kan maanta ay u fududeeyeen. Wasiirka waxbarashada dowlada Puntland Cabdi Juxa oo isna goobta ka hadlay ayaa u dheeraaday sida umada Soomaaliyeed ay uga sii jeedaan dhaqankooda wasaaradiisuna kaalin ka qaadanayso daba qabashada dhaqanka umada Soomaaliyeed. Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Caasho Geelle Diiriye ayaa sheegtay in loo baahan yahay in ladaba qabto dhaqanka,waxaana ay tilmaamtay in dhaqanka Soomaaliya uu hada sii daba go’aayo ayna jiraan erayo badan oo hada aan la garanayan kuwasoo ay qaybo badan oo kamida ah ay tusaalo usoo qaadatay wasiiradu iyadoo sheegtay dhalinta hada in dhaqanka la baro,caruurta hada jira lagu barbaariyo dhaqankii iyo sheekooyinka Soomaalida. Qoraaga Proff:Maxamed Daahir Afrax oo hadalka lagu soo dhoweeyey waxaa uu u mahadceliyey dhamaan dadkii kasoo qayb galay,waxaana uu sheegay in muhiim tahay in la badbaadiyo dhaqankii Soomaalida oo hada uu sheegay in ay dabo go’a uu u jira dhalaanka hada jira loo baahan yahay in lagu barbaariyo dhaqanka. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed Media Garoowe,Puntland
-
Garowe:G/Wakiilada Puntland oo ka dooday Mushaaraadka Ciidanka Qalabka sida & Tirakoob rasmi ah oo lagu sameeyo. 6. januar 2011 APL Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ay todobaadkii lasoo dhaafay ka doodayeen islamarkaasna ku maqnaayeen Akhrinta & Dib u eegista Miisaaniyada Sanadka Cusub oo ay Dhawaan soo gudbisay Wasaarada Maaliyada ee Dawlada Puntland ayaa waxaa ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay mid mid uga doodeen Mushaaraadka qaarkamid ah Hay’adaha Qaranka. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa si gaar ah uga dooday Mushaarka rasmiga ah ee la siinayo Ciidamada kaladuwan ee Qalabka sida gaar ahaana Booliska,Nabadsugida,Daraawiishta & Asluubta,kuwaas oo ay Xildhibaanadu ku doodeen inay yartahay mushaaraadka rasmiga ah ee ay Dakhli ahaan u qaataan. Qaarkamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Dawlada Puntland ayaa codsaday mowshin loogu yeerayo Gudiga Dakhliga ee golaha Wakiilada kuwaas oo su’aalo kadibna Codsiyada Golaha u gudbiyey Wasaarada Maaliyada ee Dawlada Puntland oo ay ku dhaliileen inay yaraysay Mushaaraadka ciidamada qalabka sida ee dawlada Puntland guud ahaantoodba. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa doodooda ku daray in la cadeeyo Mushaarka rasmiga ah ee uu qaato Askari kasta oo katirsan Puntland marka laga reebo lacagaha lagu bixiyo Raashinka ciidamada & Waxyaabaha kale ee daruuriga u ah ciidanka kaladuwan ee Dawlada. Dooda Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu soo diray in taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ay soo gudbiyaan Tirakoobka rasmiga ah ee Dhamaan Ciidanka mushaariga ka ah dawlada Puntland,taas oo ay Xildhibaanadu ku doodayaan inaysan jirin tiro rasmi ah oo ay hayaan madaxda ciidanka Qalabka sida,waxaana ay codsadeen in la kordhiyo mushaarka ciidanka la cadeeyana inta uu qaato Askari kasta islamarkaasna ay Taliyeyaasha Ciidamada Qaranku soo gudbiyaan Xogta rasmiga ah ee Tirakoobka Ciidamada. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Dhawaan uu Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) uu si rasmi ah u mideeyey Ciidamada Booliska & Asluubta ee Puntland islamarkaasna uu u magacaabay Hal Hogaan oo sare,ayaa Saraakiisha ciidamadaasi ay *****lka ka qaadeen Dib u habayn rasmi ah oo ay imika ku wadaan Ciidamada uu Madaxweynuhu mideeyey. Taliska Guud ee ciidamada Amaanka & Dhaqancelinta ee Puntland ayaa sheegey in mudooyinkii lasoo dhaafay ay Wadeen Tababaro kor loogu qaadayo Aqoonta Askarinimo & tan Tacliineed ee Ciidamada Amaanka & Dhaqancelinta,waxaana uu Talisku intaas kudaray in la kordhiyey Ciidamada kaladuwan ee Amaanka & Dhaqancelinta laguna daray Ciidamo Milatari ah oo ay Dawladu u aragtay inay Amaanka waxbadan ku kordhin karaan. Taliyaha Guud ee ciidamada Amaanka & Dhaqancelinta Puntland S/Guuto Cali-Nuur Cumar ayaa sheegey in ciidamadani ay u bilowdeen Tababaro kaladuwan oo dhanka Khibrada ah islamarkaasna lala jaanqaadsiinayo sida ay u shaqeeyaan Booliska Casriga ah ee Dunida ugana hortagaan Dhibaatooyinka dhanka Amaanka oo ay u horeeyaan dilalka Qorshaysan & Qaraxyada. S/Guuto Cali Nuur Wuxuu sidoo kale sheegey in ay gobolka Bari ka sifooyeen kooxo uu sheegey inay dhibaatooyinka halkaas ka samayn jireen kuwaas oo uu sheegey in deegaanda Xeebaha ay imika ku raadjoogaan,waxaana uu Taliyuhu sheegey in ay ku guulaysteen Qorshayaal badan oo dhanka Amaanka ah. Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska & Dhaqancelinta ee Puntland Wuxuu sheegey in ay imika ku mashquulsanyihiin Tirakoob ay ku samaynayaan Ciidamada kuwaas oo uu sheegey in xukuumadihii u danbeeyey ee talada Puntland qabtay aysan si rasmi ah u tirakoobin ciidamada taasina ay keenta isku dhecyaac. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
State Wide Urban Planning Projects Begin in Puntland. PICS
Abdirazak_PTL replied to Abdirazak_PTL's topic in Politics
-
Waddooyinka Caasimadda Puntland oo Dib U Habayn Lagu Bilaabey [sawiro] Dawladda hose ee magaalada Garoowe xarunta Dawladda Puntland ayaa maanta waxaa ka bilowdey hawlgalo aad u culus, kuwaas oo dib loogu habaynaayo bilicda magaalada isla markaana lagu hagaajinaayo qaarkamid ah waddooyinka magaalada. Guryo badan oo si aan sharciga waafaqsanayn ugu soo durkey waddooyinka ayaa maanta cagaf-cagaftu qaadey, kuwaas oo dhulka lala simey. Sida uu sheegay xogyaha dawladda hoose ee magaalada Garoowe Maxamed Cabdi ugu yaraan 14 guri ayaa la dumiyey, kuwaas oo markii horeba dhib ku hayey waddooyinka iyo bilicdaba, isla markaana si sharci darro ah loo dhistey. Gawaarida loo yaqaan cagafcagafta ayaa loo adeegsanaayey duminta guryaha marka dadkii lahaaguryaha ay kala baxaan albaabada, daaqadaha iyo saqafka kore, sidoo kale waxaa goobta lagu arkaayey ciidamada amaanka kuwaas oo u diyaar garoobey in ay sugaan amaanka haddii wax rabshado ah halkaas ka dhacaa Dadka laga dumiyey guryaha ayaa isugu jirey dad ganacsato ah iyo kuwo danyar ah, waxayna sheegeen in aysan ka soo horjeedin in waddooyinka la habeeyo isla markaana ay ku qanacsan yihiin in la dumiyo guryahoodi haddii ay danta guud wax u dhimeen, laakiin waxa ay codsadeen in dhaqaalihii ka galay wax loogu baddalo oo loo sameeyo cawl-celin ah. Duqa magaalada Garoowe Cabdicasiis Nuur ayaa sheegay inaysan jirin wax loo celinaayo dadka guryaha laga dumiyey, maadaama ay markoodi horeba ay ka dhisteen goobo waddooyinka kamid ah isla markaana ay si sharci darro ah ku dageen, waxaana uu fariin u direy kuwa ku haminaaya in ay goobaha danaha guud u isticmaalaan si gaar ah, isla markaana cagaf cagaftu wada gaari doonto dhamaan goobaha sharci darrada ah, “Runtii waxaa nagu culus dhaqaalaha ku baxaaya duminta iska dhaaf in aan bixino dhaqaale loo cesho kuwii sida sharci darada ah ku dhistay” ayuu yiri Cabdicasiis Nuur Xirsi duqa magaalada Garoowe. Waxaa si siman uga bilowdey magaalooyinka waaweyn ee Puntland nidaam lagu hagaajinaayo waddooyinka, kuwaas oo la sheegay in qaarkood laga dhigaayo waddooyin laami ah. Tan iyo markii ay burburtey Dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa aad u batay dadka boobaaya boosaskii danaha guud ee dadka ka dhexeeyey, sidoo kale waxaa guryo waaweyn laga dhisey dhulkii waddooyinka ahaa, barxadihii bilicda loogu talo galay. Maxamed Siciid Yusuf Garoowe, Puntland Somaliya Horseed Media
-
Qardho and Dhahar Reach A Historic Peace Deal In Carmo. PICS
Abdirazak_PTL replied to Abdirazak_PTL's topic in Politics
Dawladda Puntland oo Soo Dhoweysay Shirkii Lagu Soo Gaba gabeeyey degmada Carmo About: 1 hour ago Dawladda Puntland ayaa soo dhoweysay shirkii nabadeed ee kasoconaayay degmada Carmo ee gobolka Bari oo lagu dhex dhexaadinaayay labo beelood oo hore xiisad colaadeed dhexmartay. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ka hadlaayay gaba gabada munaasabada lagu heshisinaayay labada beelood oo ka dhacdey kulliyada booliska degmada Carmo ayaa sheegay in Puntland iyo waxgaradkeeda ay soo dhoweynayaan go’aamada kasoo baxeen. Wuxuu sheegay in Xukuumada Puntland ay kaalin weyn ka qaadatay sidii labada dhinac heshiis u wada gaari lahaayeen. ”…Dawladda Puntland iyo Waxgaradkeedu marna kama gaabin sidii heshiiskaan looga miiro dhalin lahaa,dhaqaale kalama sugin,cod kalama sugin calaf kale kalama sugin.sidaas ayaan isleeyahay ayaa lagu gaaray guusha aan maanta u dabaal degayno…”,ayuu sheegay. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland wuxuu intaas raaciyey in Dawladda Puntland ee hadda jirta ay ka shaqaynayso nabadda Soomaaliyeed. Shirka Nabadeed ee lagu dhex dhexaadinaayay beelaha Cismaan Maxamuud iyo Dubeys ayaa laga soo saaray go’aamo oo labada dhinac ku heshiyeen. Horseed Media -
Beelaha Cismaan Maxamuud & Dubeys oo Heshiis Wadagaarey About: 13 hours ago | 5 comments Share Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyey shir nabadeed oo waayadan kasoconaayay degmada Carmo ee ka tirsan gobolka Bari,waxaana shirka lagu dhex dhexaadinaayay Beesha Dubeys ee ********** iyo Beesha Cismaan Maxamuud Munaasabad lagu soo gaba gabaynaayay shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland oo ugu horeeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire,Wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir,Odeyaal iyo Waxgaradka dhex dhexaadinaayay labada beelood,haween iyo Odeyaasha ka kala socday dhinacyadii la dhex dhexaadinaayay. Gen.Cali Ismaacil oo kamid ah guddiga dhex dhexaadinta labada beelood oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in heshiis kala dhex dhigaan labada beelood oo hore xiisad colaadeed dhexmartay. Wuxuu ka codsaday labada dhinac in ay dhaqangeliyaan heshiiskaan isla markaana aanay wax dhib ah mar kale dhexmarin. Odeyaal u kala hadlay labada beelood ee la heshisinaayay ayaa ballanqaaday in ay fulin doonaan go’aamada kasoo baxay shir nabadeedka ee lagu dhex dhexaadinaayay. Go’aamada ugu muhiimsan ay soo saareen guddiga dhex dhexaadinta labada beelood ayaa kamid ahaa; Xukumada Dacwadaha Beesha Cismaan Maxamuud -Dhacdadii Dhahar -06/10/2010 Dhacdadaan oo ka dhacay degmada Dhahar laguna diley nimanka kala ah 1-Maxamed Shire Cartan iyo 2-Siciid Shire Cartan laguna dhaawacay Yuusuf Ibraahim Muuse, raggaan uu u dhashey beesha Cismaan Maxamuud Beesha Cismaan Maxamuud waxay u sheegteen dilka iyo dhaawaca nimankaas ragga kala ah; Jaamac Cabdi Geesood Maxamed Jaamac Cabdi Geesood Cabdi Cawil Cabdi Beesha Dubaysna waxay qiratay inuu falkaas geystay Jaamac Cabdi Geesood,waxayna sheegeen in aysan waxba ka ogeyn ragga kale,Cabdi Cawil Cabdi waxaa uu ku maqna Ceergaabo markay dhacdadu dhacaysay. Xukunka guddiga dhex dhexaadinta ee dhacdada Dhahar -Xukunka dilka marxuminta:- 1-Maxamed Shire Cartan 2-Siciid Shire Cartan Gudigu waxay xukumeen mag dhan 200 oo halaad ninkiiba wadartooduna ay tahay 400 oo halaad,waxaana loo kala bixinaaya sidaan; Jifida iyo ganaaxa 50 halaad ninkiiba waxaana lagu bixinaaya dhogor, magdheerta 150 halaad ninkiiba waxaa lagu bixinaaya lacag lamida 150 halaad X$200= $30,000 Dollar.2-Xukunka dhaawaca:-dhibane Yuusuf Ibraahim MuuseGuddigu waxay xukumeen in ninka dhaawaca ah la hor geeyo shareecada Islaamka si loo simo. Xukumada Dacwadaha Beesha Dubeys Dhacdada Kurkujuxo (Baadiyaha Qardho) -04/02/2009 Dhacdadaan waxaa ku dhintey Marxuum Maxamed Xassan Cabdi oo u dhashey beesha Dubeys ee ********** Beesha Dubeys waxay u sheeganayaan dilka Marxuumkaas ninka lagu magacaabo Jacfar Xoor C/laahi Cali (Cali Jagaf)Beesha Cismaan Maxamuud way qiratay in marxuumkaas uu ku baxay gacanta beeshooda. Xukunka Guddiga dhex dhexaadinta: Gudigu waxay ku xukumeen dilka Marxuum Maxamed Xassan Cabdi mag dhan 120 halaad (33 halaad waa dhogor.87 halaad waa lacag oo ah 87X$200=$17,400). Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo kulankaan ka hadlay ayaa heshiiskaan ku tilmaamay mid Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso,wuxuuna ku dhiirageliyey labada beelood in ay fuliyaan. Shirka nabadeed ee lagu dhex dhexaadinaayay labada beelood ayaa degmada Carmo ka furmey 14-ka bishii lasoo dhaafay ee December,waxaana dhex dhexaadinta labada beelood u istaagay Odeyaal dhaqameedka. Maxamuud Cabdi Ibraahim Horseed Media
-
Wa runtis,the business men of puntland are not investing at all in Puntland Waxaasi oo dhan waxa sameyay shicibka degaanka iyo kuwa ganacsato yar-yar ah not the famous ganacsato jogto dubai, zambia, kenya, oman iyo meelo kale lamid ah. Thats who the minister is speaking of. Anyways I am happy to see the business plan of Puntland and creation of factories in the smaller towns. Kind of like Xabo factory or Las Qoray Factory hala si wado shaqadu. Every town should have a factory. Its critical the business men take part because without them their can be no development.
-
I like Galkayo emphasis on having safe food in the city and Indoor markets for meat and milk is crucial as this forms the biggest diet of puntlanders in Galkayo. Meat and Milk diet is also strong in garowe/qardho and similar markets need to be open. I think Garowe has them already but im not sure about Bossaso. I think Bosaso has one for fishery as that forms the main diet in the coastal regions. Anyways wa in lagu daysta arintan iyo laga hirgaliya all puntland major cities. I want our citizens to shop and buy food that is sanitized indoors following strong regulations whilst other somalis can go eat that crap they buy in the middle of their city with flies and all sorts of bacteria on it. Waa Guul uu soo hooyatay umada reer galkacyood iyo puntland. I am pleased to see the galkayo airport rd is being paved also but like i said earlier in a bosaso thread that alot more roads need to be built siiba kuwa magaladada dhexdisa because this is the life-line of puntlanders who rely heavily on the movement of goods. Plus the sporting grounds are all under-going renovation. Bosaso one is already been declared to recieve a huge upgrade, the galkayo one is mentioned now and also Garowe is having multi venue sporting stadium where u can play football, basketball, track n field, gym and other goodies. I think the sporting stadiums only need one thing astro turf. Well at least 1 astro turf field would be enough in Garowe. We should really get together and hold fund-raiser in the west regarding this. It only goes $30k for 10,000 square feet which is 30 yards of a football field and thats in AMERICA where material and labour is expensive. I am certain Puntland could pick it up at a fraction of the price from dubai siiba materialka and the labor would create jobs. The whole job wouldn't cost no more then 100,000 for the material which the diaspora can easily pick up and on top of that even pay the labourers.
-
Lataliyaha Duqa Gaalkacyo Oo RBC Radio Uga Waramay Mashaariicda Degmada Kasocda Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Lataliyaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Madaxa Mashaariicda iyo Hay’adaha ee degmada Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir) ayaa waxaa RBC Radio (Raxanreeb.com) uga waramay mashaariicda dhinaca horumarinta degmada ee haatan socda. Lataliyaha Duqa ayaa sheegay in mashaariicda degmada ka socda haatan ay yihiin kuwa ka kooban laba qeybood, mid ka mid ah mashaariicdaasi waxaa fulinaya shan hay’adood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale oo la shaqeeya, waxaana hay’adaasi ka mid ah UNDP, UNICEF, ILO, UNHABITAT iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland, mashruucaasi oo leh tababaro Caalami ah, waxaana loogu magac darey mashruuca horumarinta degmooyinka, waxaana ka mid ah dhismaha wadada Garoonka diyaaradaha tagta, dayactirka garoonka kubada cagta Gaalkacyo iyo meelo kale oo bulshada muhiim u ah. Qeybta labaad ee mashaariicda ka socda degmada Gaalkacyo ayuu Lataliyaha Duqa Gaalkacyo ku sheegay in uu yahay mashruuc lagu dhisayey suuqyo lagu iibiyo caanaha iyo hilibka, haatana dadweynuhu ay ku shaqeystaan suuqyadii loo dhisay oo ay ka baxeen hilibka iyo caanaha banaanka lagu iibin jiray, wuxuuna intaa ku daray in qorshaha sanadkan ay ugu jirto in la dhiso suuq lagu iibiyo qudaarta. Madaxa Mashaariicda degmada Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir) waxaa uu sheegay in mashruucii lagu dhisi lahaa wadada tagta Garoonka Diyaaradaha iyo garoonka kubada cagta Gaalkacyo in ay bilaaban doonto maalmaha soo socda, maadaama qandaraaska shirkadihii u tartamay qaarkood ay ku guuleysteen, rajo weyna ay ka qabaan in sida ugu dhaqsaha badan ay ku bilowdaan mashaariicdaasi, maadaama lacagihii loogu talogalay ay diyaarsan tahay. “Sanadkii 2010 waxyaalo badan baa degmada Gaalkacyo laga dhisay, waxaa laga dhisay suuqyo caano, kuwo hilib gowrac iyo waxaabo kale oo muhiim ah, waxaana la dhihi karaa waa sanadkii ugu wanaagsanaa tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la qabtey nadiifintii oo qashinka magaalada laga nadiifiyey, waxaana la dhihi karaa wuxuu ahaa sanad kheyr” ayuu yiri Lataliyaha Duqa Gaalkacyo ahna Madaxa Mashaariicda iyo Hay’adaha Degmada Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir). Lataliyuhu mar uu ka hadlayey mashruuc laga dhisi lahaa gudaha xerada Dayax oo ay is hor taageen koox maleeshiyo ah, waxaa uu sheegay in halkaasi laga dhisi lahaa mashruuc bulshada u gaar ah oo ay ku shirayaan hase ahaatee ay jireen xoogaa muran ah oo ka dhashay markii la bilaabi lahaa, wuxuuna hadalkiisa ku daray in maamulka degmada Gaalkacyo uusan awood u waayin in uu wax badan ka qabto gudaha magaalada, hase ahaatee maamulka degmadu uu xeerinayo in wax walba laga maro dhinaca xalka oo aan la isticmaalin dhinaca xooga, iyadoo la doonayo in aaney wax dhib ah aysan dhicin lana xaliyo hawsha. Ugu dambeyn Lataliyaha Duqa Gaalkacyo waxaa uu ka waramay buug uu ku daabacan yahay qorshaha amniga Gaalkacyo oo ay degmada u soo gudbiyeen Hay’ada UNDP iyo NGO-ga Kaallo, wuxuuna Lataliyuhu sheegay in buugaasi ay ku daabacan yihiin qorshe amniga Gaalkacyo u wanaagsan, markiisii horena ay soo diyaariyeen dadweynaha Gaalkacyo, isagoo hadalkiisa ku daray in uu yahay buug aad u qiimo badan haddii loo fuliyo sida uu u qoran yahay, iyadoo Lataliyuhu tilmaamey qorshaha amniga in uusan ku koobneyn buugaasi oo kaliya balse ay jiraan xarumo loo diyaariyey shirarka nabadgelyada oo degmada lagu soo wareejiyay. RBC Radio.
-
Bosaso: Major Road wors start in city: PICS
Abdirazak_PTL replied to General Duke's topic in Politics
Yes its good news. 3KM OF Paved road aint cheap I know that, but Puntland should be sourcing asphalt from factories over-waste in the china. Its alot cheaper and quality is no different. But anyways this 3 km stretch between airport and presidential palace is welcome addition shame its only for politician sakes. What about xafadaha? We need to get serious about road projects one of the huge areas I criticicise puntland heavily in -
How can somaliland be democratic when it doesnt even allow people to express unity in the state? I don't see any democracy there at all. If they are so democratic the IDPS would be taking part in their politics. I know for a fact when Puntland fully transitions into democracy the IDPS will be apart of the political and security system. They are already accepted in the Business world which is something they don't even enjoy in Somaliland. Lets totally annihiliate this snm thug who is trying to defend his NON SHABAB links. Why would ethiopia raise concern about shabab elements in somaliland if it is not a concern? wiilashasi afkooda uu duuban in burco yay uu joggan? The fact of the matter is Puntland will not negiotate with noone regarding its security, 70 of your snm thugs were slained in galgala and the other remaining cowards ran back to somaliland and we are still in hot pursuit of them and will hunt them and prosecute them for their anti peace garbage. These people are just jealous that Puntland is developing and cannot stand it. We will not only develop our strong security institutions but we will equip them and also train them to be the best in the region.
-
Somaliland says Shabaab ties claim a smokescreen Mon Jan 3, 2011 2:20pm GMT HARGEISA (Reuters) - The breakaway enclave of Somaliland said on Monday the neighbouring Somali province of Puntland had linked it with the al Shabaab rebel group in order to divert attention away from its creation of a large army. Semi-autonomous Puntland, also in the north of Somalia, said in a statement over the weekend that it was concerned by Somaliland's growing ties to al Shabaab, an Islamist group linked to al Qaeda. The statement escalated a row between the two sides that has been simmering in recent weeks. Officials in Somaliland accuse Puntland of covertly building a large army with the help of foreign experts, despite a U.N. weapons embargo on Somalia. Somaliland last month detained a plane that landed with military equipment on its way to Puntland's commercial capital Bosaso. Officials say foreign security contractors are training an army of more than 1,000 in Puntland. "Puntland's concern about Somaliland and al Shabaab is baseless, false and intended to take the focus away from Somaliland's ... arming and training a large army," Mohamed Abdillahi Omer, Somaliland's minister for foreign affairs told Reuters. Somaliland authorities say they are worried armed elements in Puntland could destabilise Somaliland, which is proud of the relative stability it enjoys compared to southern areas of the failed Horn of Africa state. Insurgents control large tracts of Somalia and are fighting a weak Western-backed government. For its part, Puntland's government said in its weekend statement that its forces were obliged to "ensure internal security and stability" and expressed surprise that Somaliland saw such moves as a threat. It accused Somaliland of providing a safe haven and organising support for "the fleeing remnants of the al Shabaab terrorist group which was recently defeated in Galgala hills area (Al Medo mountain range)." Rejecting the Puntland accusations, Omer said Somaliland was a democratic state with universal democratic values abhorred by al Shabaab. In July, Somaliland's President Ahmed Mohamed Silanyo was sworn in after an election international observers said was free and fair, furthering its democratic credentials as it fights for international recognition. (Reporting by Hussein Ali Noor; Writing by Duncan Miriri; Editing by Jon Boyle)
-
Ciyaartooyda Gobolka Bari Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Boosaaso(Sawiro) January 3, 2011 | 6 comments Share Ciyaartooydii gobolka Bari uga qaybgashay Ciyaarihii gobollada Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Garoowe ayaa si weyn maanta loogu soo dhaweeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiin iyo dadweyne farabadan oo isugu jira ganacsato,haween,dhalinyaro iyo maamulka degmada Boosaaso ayaa uga hortagay Ciyaartooyda dhanka Koonfureed ee laga soo galo magaalada Boosaaso. Intaasi ka dib ayaa loo soo gelbiyey gudaha magaalada,waxaana si diiran u soo dhaweeyey dadweynaha kunool magaalada Boosaaso kuwaasi oo lulalay caleemo qoyan. Ciyaartooydaasi ayaa soo dhaweyn ka dib waxaa qado sharaf u sameeyey Mulkiilaha Hotel Jubba Cabdiladiif Yuusuf Barre oo si weyn uga qaybqaatay kaalinta ay maanta taagan yihiin Ciyaartoodu. Ganacsade Cabdiladiif Yuusuf Barre oo ugu horayn ka hadlay qodo sharafta ayaa sheegay in Ciyaartooyda gobolka Bari kusoo dhawenayaan marka hore qalbi furan iyo gacmo furan. Cabdiladiif Yuusuf Barre ayaa sidoo kale sheegay in dhalintaan ku Ciyaareysay magaca gobolka Bari ay usoo hoyeen sharaf weyn oo aan lasoo koobi karin. …”Haddii ay galeen kaalinta labaad,waa guul sharaf iyo magac weyn u keentay magaca gobolka Bari,aniga waxaan qabaa haddii ay kaalinta kowaad geli waayeen waxaa gabay doorkii ay ka qaadan la haayeen dadweynaha,ganacsatada iyo maamulka ku dhaqan gobolka Bari…”ayuu yiri. Intii ay socotay qodo sharafa ayaa sidoo kale waxaa hadlo mahadnaq,guubaabo iyo baraarujin isugu jirata soo jeediyey haween,ganacsato,isimo iyo maamulka degmada Boosaaso,kuwaasi oo sheegay in ay sameeyaan Ciyaarooydu dadaal dheeri ah si ay kaalinta kowaad uga galaan Ciyaaraha gobolada Soomaaliya mustaqbalka dhow. Si kastaba ha ahaatee Ciyaartooyda gobolka Bari ayaa kaalinta labaad ka galay Ciyaarihii gobolada Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Cismaan Turaabi Horseed Media Boosaaso,Puntland
-
Popular Contributors