Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Juje

  1. ^^ I can see you still have not switched to the attack button on Geedi and co......
  2. Very positive move indeed. I believe the intend to establsih such adminstration locally and regionally should be the core base of a national government, and unless such steps are taken in every corner of Somalia I dont think we will ever have an able and government of national consent.
  3. Originally posted by Garyaqaan*: Well mr Juje 1st off all. Ramadaan kariim to you and may alaah except our fasting, praying and ducaa for this month. Sxb my apologies and I thank you for your duca for Ramadaan - hence I wish you the same. And yes I love reer Puntland. See I can also be good.
  4. Originally posted by Garyaqaan*: hate or love it Puntland will always be a puntland!!!!! Indeed,it will always distinctively be know for being humble obedients to the Ethiopians - which makes you and your likes so proud Garyaqaan..
  5. Originally posted by rudy: lol.. looks yeey did it. some how he understand estimate this dude! its biting him back in reer end. wat a fool. Yeey is good at that he lives on 'reer-conflict', that is simply his best tool.
  6. Raiisal wasaare Geeddi oo amar ku bixyey in deg deg xuriyadiisii loogu ceeliyo gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun Muqdisho Kulan ay maanta ku yeesheen golaha wasiirada xukuumada Cali Maxamed Geeddi loogana hadlaayey xariga gardarada ah ee lagula kacay gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun ayaa lagu goaamiyey in xuriyadiisa deg deg loogu soo celiyo gudoomiaya iyagoona sheegay in waxa lagu xiray ay yihiin kuwa qalad ah oo aan waxba ka jirin xarigiisa dad gaar ahna ay xirteen Waxa kale ay golaha wasiirada ku amreen in xilalka laga qaado xeer ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkiisa waye ayey yiraahdeen in ay ku been abuurteen gudoomiyaha maxkamadaha Sare gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun Hadalka golaha wasiirada oo ku soo aaday xili uu jiro qilaaf gaamuuray oo u dhaxeye madaxweynah DFMG Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raiisal wasaare Cali Maxamed Geeddi . Waxaase hadda muuqata in xariga gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun ay ka danbeyaan ilaalada Madaxtooyada kuwaas oo masuulka ka soo qafaashay hooygiisa oo ku yaalo magaalada Baydhaba kadibna ku xiray xarunta danbiibaarista ee ku taalo KLM 4. Xariga masuulka gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun oo dadka intiisa badan soo xasuusisay xiligii dowladii Maxamed Siyaad Bare ee dadka leysaga xiri jiray iyagoon aan danbi soo galin Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar Cairodayniilecom@hotmail.com
  7. Maxaa loo soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya? Sabti, September 22, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gurigiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo waxay ka soo kaxeeyeen Guddoomiyaha Maxkamadaha sare Yuusuf Cali Haaruun, iyadoo kadibna loo taxaabay Xabsiga Dembi baarista ee Magaalada Muqdisho. Lama oga sababta rasmiga ah ee loo soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaase jira warar sheegaya in Guddoomiyaha loo heysto lacag uu lunsaday oo ay Hay’adda UNDP ugu talagashay in lagu bixiyo mushaarka Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka iyo weliba maamul xumo iyo ku-takri-fal awoodeed. Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu bixiyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka kadib markii uu Arrintaas la tashi kala sameeyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Maxkamadda sare sidoo kale loo heysto in isagoo xilkaas haya uu ogolaaday in loo doorto Jago Ugaasnimo oo Beeshiisa ah, waa sida aanu ka soo xiganay xubno ka tirsan Guddiga sare ee Garsoorka oo la socda kiiska lagu soo oogay Guddoomiyaha. Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay oo golayaasha Dowladda Federaalka ka tirsan, kaasi oo inta xoriyaddii laga qaaday xabsi loo taxaabay tan iyo wixii ka dambeeyay markii la soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  8. Puntland oo Rag Somali ah laguna qabtey Buuhoodle Ku Wareejisey Ethiopia Boosaaso, Jimco , September 21 2007 SMC Wararkii ugu danbeyey ee aan ka helnay magaalada Buuhoodle ayaa sheegey in rag somali ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 6-lixnin oo ku xirnaa saldhiga booliska magaalada buuhoodle lagu wareejiyey ciidamo Ethiopian ah oo maantay halkaasi soo gaarey kadibna ay k xaysteen. Ragaan somalida ah ee ay ciidamada Ethiopia ka kaxaysteen magaalada buuhoodle ayaa ahaa rag xalay lagu qabtey duleedka magaalada wateyna gaari yar oo ah nooca loo yaqaano baska inkastoo aan la aqoon halka ay ku jideen raagini markii laqabtey,hadana maamulka ka arimiya magaalada buuhoodle ee taabacsan puntland ayaa ku andacoodey inay ragaan xoojin u ahayeen ciidamada somaliland ee dagaalka kula jirey kuwa puntaland islamarkaasina ay katirsanayeen kooxada Al-shabaab ee ka dagaalanta koofurta Somalia. Dad xog ogaal ah oo kusugan magaalada Buuhoodle ayaa u sheegey idacada somaliweyn in wareejinta ragaan ay timid kadib markii jenaralkii watey ciimada Ethiopianka uu xirir lasameeyey madaxweyne ku xigeenka puntland Xasan Daahir (Afqurac) kadibna la isku afgartey in ragaan ay la wareegan ciidamada Ethiopia. Macada ila iyo hada halka ay geynayaan ragaan ay ka xaysteen ciidamada Ethiopia inkasto ciidamada Ethiopia ee kusugan dalka somalia ay dagaal kula jiraan xoogaga kasoo horjeeda Dowlada oo ay ugaarsadaan cidii ay helaana u geysta qafaal iyo dil. Somaliweyn Media Center (SMC) Boosaaso Somalia
  9. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Maxee magac dowladeed ku ciyaareen kuwaan dowlad isku sheega ah. Ayaga waxay raban haba isku sheegane waxase ka daran in xulafadoda siba dowlada Marenkanka ay Calamaka ka dhadhiso in ay Dowlaad wax la yirah Somalia ka jirto. Somalida waxay hore ugu maahmaahdey 'labadi xaraan ku heshisaa xalashey ku dagalaan'. Nimanki hada Sacuudigi kuso saxixay heshiska been-beenta aha oo aduunweynaha lagu yiiri Somali wey heshisey so ma aha kuwa durbadiba isku qabqabsadey lacagti laso qatey iyo weliba isku dhartey, xireyna madaxi maxkamada xaranta ay dhisteen - bal iska sug adiga 'war jiraba cakaru imaan'.
  10. Ra’isulwasaarre Geeddi oo amarka lagu afduubay gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka ku riixay Madaxweyne Yusuf Muqdisho Sabti 22 September 2007, Waagacusub.com Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi ayaa amarka sharci daradaa ee lagu afduubay gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka Soomaaliya Proff Yusuf Cali Haaruun ku tilmaamay mid uu bixiyay Madaxweyne Cabdilahi Yusuf . Proff Geeddi oo ay siyaasiyiin,aqoonyahano iyo masuuliyiin DFKMG ku jira ee u dhashay Beesha SNM ay wax ka waydiiyeen sababta Ciidamo wato gawaari tikniko ah oo taabacsan dowlada ay xilli habeena gurigiisa uga afduubteen Cali Yusuf Haaruun oo ah gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka ,wuxuu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dhacdadaas,wuxuuna ku qanciyay in markii uu dabagal ku sameeyay loo sheegay in lagu xiray amarka Madaxweyne Yusuf. “ Waxaa muuqato inaysan Soomaaliya ka jirin dowlad laakiin uu ka jiro maamul la mida Xukumadii Kacaanka ee Siyaad barre ,maamul dhinaca kaligii talisnimada iyo sharci darada kaga horeya maxaa yeelay,waa waxaan aduunka laga maqal Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka oo ah awooda sedexaad ee Qaranka in habeen madoow gurigiisa loogu dhaco oo Ciidan wata magac Qaran ay afduubtaan”ayuu yiri Masuul ka tirsan DFKMG oo magaciisa codsaday inaan la xusin sababa la xiriira amaankiisa. “ Waxaan islahayn gudoomiyahii wuxuu ku dhacay gacanta muqaawimada ama waxaa afduubtay maleeshiyo dooneyso madax furasho,dhegta ayaa noo taagneed oo waxaan islahayn toloow meeqa ayey sheegan doonaan balse markii ay noo soo yeertay ,waxa afduubay waa Ciidankii dowlada oo C.I.D ayuu ku xiran yahay ,waan yaabnay oo yaabnay”ayuu yiri Wasiir ka tirsan dowlada federalka KMG. Xafiiska Madaxweyne Yusuf Saraakiil ka tirsan ayaa hadalka Geeddi si adag u beeniyay,waxayna sheegeen in gudoomiyaha Maxkamada sare ay mudo is hayeen Xeer ilaaliyaha guud,loona xiray sababo la xiriira lunsasho hanti Wasaaradeed iyo dabagal Sirdoon. Saraakiisha Xafiiska Madaxweyne Yusuf oo ka gaabsaday inay ka hadlaan aragtidooda hoose,waxay xariga Yusuf Cali Haaruun ku sheegeen mid uusan Madaxweynaha shaqo ku lahayn ,maadama ay isku awood ka yihiin dowlada iyo dalka Somalia. “ Xariga Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka waxaa haboon in wax laga waydiiyo Xukumadda maxaa yeelay ,xarig iyo arrimaha dhacay waxaa shaqo ku leh Xukumada”ayuu yiri Sarkaalkaas ka tirsan Madaxtooyada,uguna waramayay Waagacusub Khadka telefoonka. Inkastoo xariga Yusuf Cali Haaruun aan si rasmiya loo ogaan wali cidda fulisay hadana tilaabadaan waxay noqoneysaa mid dhaawaci karto kalsoonida beesha Caalamka ee DFKMG,maxaa yeelay sida sharciga caalamigaa iyo kan dastuurka dowlada ee Soomaaliya uu dhigayo,waxaa la xisaabtanka iyo go-aanka gudoomiyaha Maxkamada sare iska leh golaha baarlamaanka iyo gudigga qaadiyaasha Maxkamada sare oo qura,taas oo meesha ka saareyso qiilka loo raadinaya ee ku sheegaya in amar xeer ilaaliye iyo mid Madaxweyne lagu xiri karo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka oo micnahiisu yahay kan cadaalada ku qaadi lahaa Madaxda sare ee dowlada federalka hadii dimbi Qaran lagu helo ama lagu tuhmo. Waaranka lagu afduubay Yusuf Cali Haaruun,waxaa la sheegay inuu gooyay Wasiirka Garsoorka Mudane Xasan Dhimbil,kaas oo hore Warbaahinta uga sheegay in la soo xirayo Gudoomiyaha Maxkamada sare. Yusuf Cali Haaruun oo ka mida siyaasiyiinta u dhashay Beesha SNM ,waxaa uu ka mid ahaan jiray Jabhadii SSDF,waxaynaa saaxiib fog ahaayeen Madaxweyne Yusuf oo ay mudo ka wada tirsanaayeen jabhada,iyadoo lagu tilmaamo nin sharci yaqaana oo aamusnaan iyo deganaan badan.hasse yeeshee gudoomiye Yusuf Cali Haaruun oo Waagacusub u waramay,wuxuu hoowlgalka ay Ciidamada dowlada ku soo qabteen ugu magacdaray afduub ka baxsan nidaam dowliya,wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha lagu heysto iyo hadii tacadiyo qarsoon loo geystay. " Waa la i soo afduubay,waxaan ahay la heyste,aan xoriyadiisii heysan,wax kasta oo la i gaarsiiyay,waxaan u qaadan karaa mid huwan laba ujeedo oo aan dib ka faahfaahin doono laakiin ,afduubka la igu heysto xaq maahin"ayuu yiri Yusuf Cali Haaruun oo dhacdadiisa ay dad badan u arkaan mid ay amreen shaqsiyaad rumaysan inaysan beesha uu ka dhashay ee SNM Muqdisho iyo Baydhabo ku lahayn awood gaashaandhig. Si kastaba ha ahaatee,Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka waxaa gurigiisa Baydhabo lagala baxay xilli habeena,waxaana Muqdisho la geeyay isagoo gacan iyo lug is dhaafa ka katiinadeysan oo il -go xoogani ay ka muuqato,faruuryahiisa korena ay dhiig qubayeen,waloow aan la ogayn in la jirdilay iyo inkale. Ururka Suxufiyiyiinta Somaliyed ee Kenya oo ku biiray ASOJ Hassan Omar Mohamed
  11. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka iyo Garsoore ka tirsan Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka ee dalka oo Xabsiga loo taxaabay Mogadishu, Jimco , September 21 2007 SMC Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avvocate Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah Hawlwadeennadda Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka Qaranka, ayaa waxaa maanta loo soo gudbiyey Xabsiga Ciiddanka Dembi-baarista Boliska ee magaalladda Muqdishu, kadib, markii laga soo qabtay iyagoo ku kala sugan Xafiisyadooda ku yaaalla magaalladda Muqdishu. Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Cali Maxamed Yuusuf “Cali-Yare”, oo haatan ku sugan magaalladda Baydhabo ayaa u sheegay idaacadda Somaliweyn inuu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka bixiyey amarka lagu soo xiray Labadaasi Mas’uul, kadib, markii uu Dowladda Dhexe kala tashay xaalladahaasi. Dr. Yuusuf-yare, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Labadaa Mas’uul loo gubdiyey Xabsi ku yaalla magaalladda Muqdishu, isla markaana lagu soo oogayo dhowr dembi oo ay ka mid yihiin:- Ku-xadgudub Awood Xafiiseed, Maamul-xumo, Lunsasho Hanti Qaran, mushaar iyo gunno ay shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka lahaayeen iyo iyadoo la la’ yahay mushaarkii 13-bilood oo ay Hay’adda UNDP ugu talagashay Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka ee DFKMGS, waa sida uu hadalka u yiri Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Dhinaca kale, Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac, oo ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia, ayaa cambaareeyey xarigga loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avvocate Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah Hawlwadeennadda Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka. Xildhibaanka, oo galabta u waramayey Idaacadda Somaliweyn, ayaa sheegay inay labadaasi Mas’uul markii la kaxeynayey rasaas lagu handaday, waana arrin lala yaabo inay Dowladdu sidaasi u dhaqanto. “Waxaan u malaynay inay Maleeshiyo qafaalatay labadaasi mas’uul, waa cajiib haddii ay Dowladda Federalka sidaasi u dhaqmayso, waxaan codsanynaa haddii aan nahay Xildhibaanadda ka soo jeeda Goballadda Waqooyi inay Dowladda sii dayso Labadaa Mas’uul oo markii la qabanayey rasaas lagu handaday” ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oo sheegay inay falkaasi u arkaan fal afduub ah. Dhinaca kale, Madaxda Sare ee Dowladda Federalka, wax war ah kama soo saarin xarigga Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avvocate Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah Hawlwadeennadda Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka Qaranka, iyadoo ay Maxkamadda Sare ee Qaranka tahay awoodda ugu sarreysa Saddexda Gole ee ay DFKMGS ka kooban tahay. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia
  12. Mad madowga siyaasadeed ee dhexeeyay madaxweyne yuusuf iyo ra'isu wasaare geedi oo sii laba lixaadsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isul wasaare Cali Max'ed Geedi oo mad madow siyaadeed u dhexeeyay mudooyinkan ayaa xog aan ka helnay illo ku dhow dhow madaxdaasi ay sheegeysaa in uu sii laba lixaadsaday khilaafkooda xoogaysiga khilaafkooda ayaa ka dhashay kadib markii ay labada mas'uul ay isku qabsadeen cida loo dhiibayo mas'uuliyada Jeeg lacag Zeko ah oo uu Boqrolka dalka Sucuudiga C/lla Bin C/casiis, ku wareejiyay madaxdaasi, iyadoo tuhun soo kala dhex galay dartiisna uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo jeediyay in jeegaasi lacageed lagu wareejiyo wasiirka Maaliyada Xasan Max'ed Nuur (Shaati Guduud) iyo Gudoomiyaha Bankiga Bashiir Cismaan, R/wasaare Geedi ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedinta madaxweynaha isagoo soo jeediyay Prof. Geeddina in jeegaasi lacageed lagu wareejiyo Mudane Yuusuf in lagu wareejiyo Saalim Caliyow Ibrow maadaama ayuu yiri Saalim uu ahaa nikii horey u maamulay lacagihii hore ay dowlada Sucuudiga siisay dowlada Federalka oo gaareysay 32-malyan oo Dollarka Mareykanka ah. Murankan labada mas'uul ayaa dhacay habeenimadii ay soo galysay Arbacada ayna soo dhoofi lahaayeen sububaxnimadii aracada, xogtu waxay intaasi ku dareysaa in markii uu muranku batay Mr. Geedi uu Mr. Yuusuf ku yiri "Madaxweynayaasha maamul lacageed shaqo kuma laha" taas keentay inuu sii xoogeystoo khilaafka labada mas’uul Xogta hoose ayaa sidoo kale waxay sheegeysaa, gaarahaana laga helayo Madaxtooyada Mudane Yuusuf in Madaxweynahu uu la tashi kula jiro sharci yaqaano kuwaasoo uu kala tashanayo qaabka ugu haboon ee xilka loogu xayuubin karo Ra'isu wasaare Cali Max'ed Geedi uuna madaxweynahu la eeganayo sida xogtu sheegayso wixii ka bilowda 12-ka bisha soo socota ee Oktoobar xogta ayaa intaa ku darysa in madaxweynahu uu Geedi marka uu xilka qaadayo ku sababayn doona xil ka qaadista Geedi qodobo markaasna uu madaxweynuhu si cad shaaca ugu qaadi doono xil ka qaadista Geedi. Waxay sidoo kale xogtu sheegeysaa in madaxweynuhu ra’iisal wasaaraha ka dalbado inuu baarlamaanka hortago isla markaana xukuumada u weydiiyo kalsooni. Khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareysa Dowlada Federalka KMG ayaa laga dareemay fadhiyadii ugu dambeeyay baarlamaanka taasoo la arkayay jawaabo kul kulul oo ay is weydaarsanayaan mudanayasha ku heybta ah Madaxweryne Yuusuf iyo Ra'isu wasaare Geedi. Xafiiska wararka ee , Gothenburg, Sweden dayniilecom@hotmail.com
  13. Originally posted by The Duke: Juje, one can not preach to the converted. Those who have lost can waste their time chasing phantom's, and holding meetings in comfortable hotels. I dare say go to Mogadishu and talk. Go to Mogadishu and talk.....loool. As if you are there..and for that matter those you support are inside a barricade or armed carriers which is what you call serenity and security. Cutting the BS Duke I know the reason to your awsome support to the Ethiopian invassion, and its an enthusiasm you share with the likes of Yeey and co. who have set a new history in Somalia by bringing in Ethiopian occupation. And this occupation like any other will be overcome, I just wonder where you will be by then..
  14. Originally posted by The Duke: ^^A weak man makes excuses for his failures. They blame the day, the method or heaven. Those who make history seldom have time for such weakness. And what do you make of the coward who strives on the power of other than his, I dare imagine. Again sxb keep on enjoying the ill-achieved accomplishments but just remember it will entirely depend on the duration - which is how long the Ethiopians will be in Somalia. And you know that is a fact. In the mean time keep on singing the hyms that praise Zenawi and on the other side claim to be nationalist. Stop panicking and enjoy the little period that is left for you.
  15. Originally posted by The Duke: ^^^Indeed, what you think or daydream about will have little impact on those darn Somali's from Puntland. We all knew that as well. Nah! That is where you are wrong. Tell me how long will the Ethiopian tank be in Somalia - that is how long the smile will be in your face...
  16. Originally posted by The Duke: ^^^lool. No one had any doubt what you thought of those darn Somali's from Puntland. Indeed!
  17. Amazing, Puntland never seizes to produce from time to time Genrals and high number of troops according to Duke. I just pray at sometime they will rise to defend their nation from the likes of Duke and his masters Axmaros - but then again it is well documented these 'Generals' and 5000 troops have never claimed victory anywhere in history and have only emerged now with the presence of Ethiopian tanks..
  18. Originally posted by Emperor: ^LOL you know what brother Duke, it get's me laughing out load whenever I hear the term "Baarlamaanka Xorta ah" lool! Am not suprised considering the fact that only a charecter who is mentally twisted will laugh at the logics and reality facing him - having said that sxb - the phrase 'barlaamanka Xorta ah' are the individuals who are not under the control of Zenawi through Gabre. I hope that simplyfies your confussion.. .
  19. Hunguri sxb I admire your PR drive, but change client. Your current one is a complete non-starter. Horn my old pal, what is it then? Was it the "minority" thing that turned you into what Blair was to Bush? Sxb get a grip of your self and hold your own steering.
  20. Accord between who and who? What a waste of time and effort indeed.
  21. TFG the most brutal force in Mogadishu By ABDULKADIR KHALIF Special Correspondent The sight of Ethiopian soldiers in combat gear, sheltering behind barricades in front of the former Pasta Factory in North Mogadishu, has become so common that many people would hardly believe their eyes if these men leave the city. Most of those guarding the compound, where hundreds of servicemen from Ethiopia are encamped, are sharpshooters armed with automatic guns fitted with telescopic sight while the senior officers stand by with walkie-talkies for communication. Ethiopian troops are stationed in about half a dozen sites in the Somali capital and one has to think twice before going close. The only adventurers who engage these heavily armed soldiers in confrontations are the insurgents, locally known as Muqawama, who tend to attack them mainly in nocturnal operations. Repeated skirmishes have not caused these heavily armed battalions to budge. Instead, they have caused civilians in the vicinity to leave their homes in order to escape the shells and bullets. In some areas of the city, the men in uniform from Addis Ababa have managed to cultivate a cordial relationship with local communities. One may wonder at the laughter some Ethiopian soldiers share with Somali girls selling tea at street corners. They even trade with the roughest street urchins while keeping pocket radios glued to their ears to relax to Somali music from local stations. “Whether in the United States, Saudi Arabia or Somalia, Ethiopians are known to be in touch with their homeland,” said Prof Raghe Shire, an expert in Ethiopian history. “Now that Ethiopians are welcoming their third Millennium, according to their 13-month calendar, these soldiers in Mogadishu must be nostalgically looking forward to the day they go back home.” Many of the city’s dwellers say the Ethiopians are better disciplined than the forces of the Transitional Federal Government (TFG). “On a number of occasions, Somalis have addressed their grievances to the Ethiopians against harassment, including mistreatment of civilians by the government’s own soldiers,” said Hawa Ali, a mother of five in Mogadishu. Apart from self-defence, the Ethiopians spend a lot of time responding to distress signals from the TFG forces. They generally provide a helping hand whenever the government army or police are overwhelmed by rebel groups, especially when a roadside landmine is detonated or a suicide bomber hits a target. Like their Ethiopian counterparts, the TFG forces tend to shoot first and ask questions later; but their approach to security is entirely different. They tend to retaliate against the people living in the area where the attack has taken place. Many people associate the TFG forces with deliberate brutality. Furious soldiers are said to venture into private premises, mainly business outlets and residential areas, taking anything valuable. Strangely enough, when it comes to the security apparatus engaging in searches for weapons or suspects or setting up roadblocks, the public prefers the Ethiopians to the Somalis. “So rough are the TFG forces that they have earned epithets like Maryacalas (beggars) or dhar-cagaar (green soldiers),” commented Idris Ali Farah, a taxi driver in the city. The army with the least controversial image is the Ugandan contingent in Mogadishu. Serving the African Mission in Somalia (Amisom), the Ugandans, numbering 1,600 soldiers, are the guardians of such vital installations as Aden Adde International Airport, the city’s main harbour and Villa Somalia, the State House in the capital. The Ugandans have transcended their peacekeeping mandate by taking on humanitarian duties. At the height of the exodus of civilians fleeing from the heavy confrontations in March and April this year, the Amisom peacekeepers joined other good samaritans delivering aid to those needy people hiding in the bush on the outskirts of the city. “The Ugandans made sure their tanks delivered water to those in need,” admitted Mohamed Yare, a civil society activist. “We certainly need more AU and UN peacekeepers to complement the efforts of the Ugandans.” The peacekeepers have for the past four months been offering free medical services. “My abdominal ulcer has been treated with effective diagnosis and medication, thanks to Amisom,” Mama Asha Nur, a well known city resident affectionately known as Mama Ashow, pointed out. Somalia’s security and humanitarian situation remains as fragile as the political landscape. The national reconciliation conference that culminated in Mogadishu on August 30 touched on some of the most contentious issues in Somali society. Religious extremism and women’s empowerment were among the agenda items dealt with by over 1,500 delegates. “Contrary to what the Jihadists in Somalia want the public to believe, the clan elders signed a document that invalidated holy war in the country,” said Jumale Abdi, a conference participant. “For instance, the text called a fellow Muslim killing another in the name of Islam Murtid (someone who ignores the commandment: Thou shallt not kill. “It renders the justification that Islamists give suicide bombing or planting landmines null and void,” added Abdi. “Women must be empowered to reach the upper echelons of power and decision-making,” remarked a lady participant in the conference. “The days of keeping women in the kitchen are fast disappearing as we push for our rights.” It is the first time that a widely attended conference inside Somalia tackled such previously untouchable subjects. The biggest challenge to TFG’s plans has recently been a group of politicians and clergymen who made their base in Asmara, Eritrea. To counter the reconciliation conference in Mogadishu, the group and its supporters, mainly drawn from the Somali Diaspora, initiated a congress from September 6 to 14 with the theme “Liberation and reconstruction of Somalia.” The meeting and the host country, however, were undermined by the United States when Jendayi Frazer, the US Assistant Secretary of State, said that Washington was considering putting Eritrea on its terrorist list. “We have tried our best to act with restraint with Eritrea,” Frazer said, according to media reports. “The fact that Sheikh Hassan Dahir Aweys, a top Somali Islamist, was in Eritrea for the anti-TFG congress further infuriated the US,” commented a political scientist in Mogadishu. “This is because Aweys is on the US and UN lists of individuals with links to al-Qaeda.” While the TFG is putting forward its plans to stabilise the country and to bring about political reconciliation by using the recommendations of the elders who endorsed the July/August conference’s outcome, the anti-TFG group in Asmara has formed a liberation movement. In the short run, however, the people in Somalia and in Mogadishu in particular welcome the kind of security and service provided by Ugandans and are looking forward to Burundians, Ghanians, Nigerians and others joining the mission. Replacing the controversial Ethiopian troops with mandated peacekeepers will be a bonus,” said Mohammed Yare. Source: The East African, Sept 17, 2007
  22. Originally posted by The Duke: Adeer Xasan Turki and myself belong to the same clan that has vacated Kismayu to the JVA militia. The same family of ina Gaboose and Koojar and Afgaduud. You know that, we aint a minority like our distant kisnmen. Ana laan-dheer ah mey mareysa mantey, cajiib. This is only relied on by a 'shaqsi' who is weak and cant live beyond the offing of others.
  23. Originally posted by Emperor: ^Thus this topic is not a bout ICU and neither the group in Asmara represnt the ICU, And you want to be considered seriously and question other facts. Saxiibo ha ii dembajiin please.
  24. A new dawn and era is about down on Somali politics, now this guys might not have the International opinion weight behind them, but certainly they have the hearts and minds of millions of Somalis. And it is the latter that counts in their job specification. Inshallah somewhere in the near future they will yield the support of the former when someone recognises that they are genuine, capable and true leaders. It is this task that they have to work on now - tell the World that they are a better alternative to the Xabashi stooges - the TFG Gudoomiye iyo G/ku-xigeenka Isbahaysiga Xoreynta iyo dib u soo Nooleynta Soomaaliya oo lagag dhawaaqay Shirka Asmara. Beerdhiga 12.09.2007 19:37 Golaha dhexe ee isbahaysiga Xoreynta iyo dib u soo Nooleynta Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqay gudoomiyaha isbahaysiga iyo ku-xigeenkiisa koowaad. Sheekh shariif sheekh axmed ayuu goluhu u doortay in uu noqdo gudoomiyaha isbahaysiga Xoreynta iyo dib u soo Nooleynta Soomaaliya. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee isbahaysiga ayaa isna waxa loo doortay shariif xasan sheekh aadam oo ahaa gudoomiyihii golaha baarlamaanka xorta ah. golaha dhexe oo maanta lagu kordhiyay 40 xubnood oo hor leh ayaa wali wada doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad iyo xoghayaha guud ee golaha isbahaysiga. Shabakada Beerdhiga waxa ay idiin balanqaadeysaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan idin kugu soo gudbiso xubnaha lagu wado in goordhaw lagu dhawaaqo iyo waliba warbixinta guud ee shirka maanta. Shabakadda Beerdhiga waxa ay akhristayaasheeda sharafta badan uga cudurdaaranaysaa dib dhica uga yimaada dhinaca wararka shirka asmara taas oo ay sabab u tahay xiriirka isgaarsiinta oo xun awgii. www.Beerdhiga.com
  25. Originally posted by Abwaan: I like ciidanka gaashaaman ee meesha la keenay, waxaase is weydiin leh dadka miyey rabaan inay ulahaas la dhacaan? Ma ka cabsatey?...