Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Juje

  1. Maxamed Dheere oo ka hadlay xariggiisa Maxamed Dheere ayaa ka warramay sidii loo xiray Max'ed Cumar Xabeeb oo ah guddoomiyihii hore ee Banadir ayaa BBC uga warramay sidii loo xiray, & sida loo sii daayey isagoo sheegay inuu dhisayo xisbi siyaasadeed oo tartama. Maxamed Dheere ayaa xariggiisa ku eedeeyey inay ka dambeeyeeen ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), iyo ra'iisul wasaare ku xigeenkiisa, Axmed Cabdisalam Aadam. Mr. Xabeeb ayaa sheegay in 22-kii maalmood ee uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, isagoo intaas raaciyey in isaga iyo nin laal xiray-ba, aan wax su'aal ah laga weydiin sababihii loo soo qabtay. Maxamed Dheere, ayaa beeniyey eedeymo sheegay inuu doonayey inuu soo celiyo hoggaamiye kooxeednimadiisii hore, isagoo sheegay inuu si nabadgalyo ah xilka uga dagay. Maxamed Dheere ayaa sheegay in isaga iyo saraakiisha Ethiopia ee uu u xirnaa, oo ahaa kuwa ay markii hore isla shaqeyn jireen, inay is-afgarteen, isla markaana aanuu wax cuqdad ah u qabin. Xisbi siyaasadeed Maxamed Dheere, oo ka warramayey mustaqbalkiisa siyaasadeed, ayaa sheegay inuu marka hore ku laaban doono magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheegay inuu kasoo dhisi doono xisbi siyaasadeed, oo sida uu sheegay si dimoqraadiyad ah uga qeyb qaadan doona hanaanka siyaasadeed ee dalka. Audio Source
  2. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Inaadeerow kuwii noolaa baanu khaati ka taaganahaye ,,, qubuurahana maad inaga yara daysid ,, Ilaahay ha u naxariistee ,,
  3. Juje

    Go Geedi Go...!

    Bannaanbax lagu taageerayo musharaxnimada madaxweyne ee Prof. Cali Max'ed Geedi oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, iyagoo sita boorar iyo qoraallo ay ku taageerayaan musharaxa Madaxweynenimo ee Prof. Cali Maxamed Geeddi. Bannaanbaxaasi oo ka soo bilowday hoyga musharaxa ee Degmada C/Casiis, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweynaha ku dhaqan degmooyinka G/Banaadir ayaa socod ku soo maray Isgoysyada magaalada Muqdisho, iyagoona tegay ilaa Isgoyska Sayidka, gaar ahaan beerta Daraawiishta. Mudadii ay dadweynahaasi sameynayeen bannaanbaxyadaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan inuu guuleysto musharaxa Madaxweyne Xildhibaan Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana ereyadooda ka mid ahaa "Guusha yaa leh, Prof. Geeddi" iyo ereyo kale. Ugu dambeyntii dadweynahaasi ayaa iyagu isagu soo ururay Stadium Conis, waxaana halkaasi khudbad uga jeediyay dadweynihii bannaanbaxayay Waxgaradka ka soo qeyb galay, taageerayaal iyo haween, iyagoona halkaasi ka sheegay in haddii kursiga madaxtinima loo doorto Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi uu ka shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii dalka looga fulin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
  4. Originally posted by nuune: Kan caloosha taagaya ee dhanka Baydhabo ayaan anigu taageeri lahaa, nin calooshiisa dhisayuu u muuqdaa, I mean wadankiisa!! Yacni waxaad ka wada kan wa dhergey wax dambe xadi mayo miya ? Garabka Jabuuti baahi a ka muqata.
  5. Prof. Cali Geedi oo isu soo sharaxay jagada m/weyne ee Somalia R/wasaarihii Hore ee Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somalia Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta waxa uu Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay in uu u taagan tartanka loogu jiro xilka Madaxweynaha Wadanka Somalia, ka dib markii maanta uu qada sharaf u sameeyey Xildhibaanada, iyo Dib lomaasiyiinta Caalamka, Siyaasiyiin iyo Somalida ku nool wadanka Kenya. Xafladan oo si weyn uga muuqatay in waqti la galiyey abaabulkeeda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday Dowladda Federalka, Beesha Caalamka, siyaasiyiin, iyo madax kale oo aad u fara badan, iyada oo ugu horeyntii halkaasi lagu soo bandhigay Taariikh nololeedka Prof Geedi, waxaana derbiyada goobta ay xaflada ka dhaceysay lagu hardhay sawiro kala duwan oo isgu jira Sawirka Prof geedi iyo Calanka Somalia waxaana muuqaalka si weyn u sii qurxiyey Haween iyo caruur si nidaamsan goobta loo keenay kuwaas oo marba ku luqeynayey heeso wadani ah oo si weyn ay ula dhaceen ka qeybgalayaashii Xaflada maanta. Inkastoo aanan goobta laga jeedin khudbado fara badan hase yeeshee waxaa la dhageystay Khudbadaha Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa, iyo Musharax Cali Geedi, waxaana ugu horeyn hadlay Prof Dalxa oo si weyn u soo dhaweeyey Musharaxnimada uu ku dhawaaqay Mudane Cali Maxamed Geedi , isaga oo ku tilmaamay halyeey wadani ah si weyna uu ugu kalsoon yahay hadii la doorto in uu wax badan ka qaban karo xaalada wadanka soomaalia ay ku sugan tahay, isaga oo mararka qaar soo qaadanayo sareeebo iyo xikmado sii dhiiri galineysay Musharaxa. Prof Dalxa waxa uu cadeeyey Cali Maxamed Geedi in uu si weyn u yaqaano nidaamka dowliga ah iyo shruucda dowladda federalka ee somalia,uuna aaminsan yahay maanta in aysan u muuqan nin kaga mudan xilkaasi in uu qabto , isaga oo ku celceliyey hambalyada Musharaxnimo , waxaana uu ugu dambeyntii uu tilmaamay somalia maanta in ay u baahan tahay halyeey badbaadin karo si loo samata bixiyo Umada Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku dhibaateysan.
  6. Originally posted by Abwaan: quote:Originally posted by Poker: I think the bold headed guy with the shorts will do wonders. He is my pick. lol...That looks like Morgan is that him? No that is not Morgan sxb - si fican uu firi ada fahmaye. Duke ayey qarabo yihiin.
  7. Originally posted by Poker: I think the bold headed guy with the shorts will do wonders. He is my pick. Midkas filinkisi wa qarxay...I think anyone from the Baydhabo group will stand a chance, that is if they dont go to Djibouti.
  8. Where do you see the negativity in here I have just mentioned his candidacy.
  9. Jen Morgan oo isku soo taagay musharaxnimada madaxweynaha Soomaaliya Jen Maxamaed Saciid Morgan ayaa ka dhawaajiyey in uu isku soo sharaxay madaxweynanimada Soomaaliya xili si xoowli ah u socdaan isu sharaxada madaxweyna nimada. Jen Morgan oo gudoomiyaha Baralamaanka u gudbiy warqadii dalabaakda ayaa ka dhigeysa kii 50 ee isku soo taago jagadii uu baneeyey madaxweyne Yuusuf oo isagu xilkaa baneeyey waxaana hada muuqataa in isku soo taago ay ku socoto xoowli
  10. UN inches towards Somalia force The UN Security Council has adopted a resolution agreeing in principle to a peacekeeping force in Somalia. It also renewed the mandate of the current African Union force but delayed a decision about a UN force until June. The US and AU have been pushing for a UN presence but finding troops to participate has been difficult because of the dangers in Somalia. Meanwhile, huge crowds in Mogadishu have been celebrating the withdrawal of Ethiopian troops from the capital. Ethiopian forces are pulling out of Somalia, two years after they intervened to try to oust Islamists from Mogadishu. But their mission to prop up the interim government is widely regarded as a failure as various Islamist groups have recently advanced and once more control much of the country. Thousands of people gathered on Friday at Mogadishu's football stadium, a former Ethiopian base, where Islamist and clan leaders called on Somalis to solve their own problems and not resort to more violence. 'No peace to keep' The UN Security Council resolution comes as talks continue in Djibouti between the government and moderate Islamists on power-sharing. They are trying to agree on the formation of an expanded parliament - from 275 seats to 550 - to include the opposition, and how to select a new president. Abdullahi Yusuf resigned as president last month after falling out with Prime Minister Nur Hassan Hussein over attempts to negotiate this peace deal. The opposition is split into various factions, and the more hardline groups do not support the peace process. Only about 3,600 Ugandan and Burundian peacekeepers, from an intended 8,000-strong AU force, are deployed in Mogadishu. Last month UN Secretary General Ban Ki-moon said few countries were willing to send troops to Somalia, as there was no peace to keep. Analysts had feared the withdrawal of the Ethiopians would lead to a power vacuum and fighting between rival Islamist factions. But at the moment all factions - whether they back the peace process with the government or not - seem to be working together. Somalia has not had an effective national government since 1991, since when various militias have been battling for control.
  11. Originally posted by Emperor: LST, I agree with you on that one, however Alshabaab should at least make a proper procedure to excute someone, otherwise what will the difference be between them and the former thugs that use to kill and murder innocent citizens of Kismayo. The young always to rush to carry a death sentence, what is the rush, not really necessary, take your time and think of the consequences. Who on earth has ever labelled Al-Shabab different than the thugs...the only difference is when they are commiting the crime xadiid ayey kugu so dalilinayaan...which makes them only more worse and dangerous.
  12. Originally posted by General Duke: ^^^Now learn and be a good boy as well. Just keep trying to be a good boy sxb ...so that I might convince reer abti in aad tahey will baari ah oo ficaan,,,there is nothing to learn from you except antagonism, hatred, and the urge to dominate at the expense of others. Now that it did not work for you - try being good boy and we will work out something for you.
  13. Originally posted by Somali Pirate: juje, the man is burining in his grave at the moment. Traitors and munafiqs always a get a taste before the main course The likes of you need to be exterminated....just wait by the door...Ahlu -Suuna aya kugu so socota.
  14. Originally posted by General Duke: Juje, I have always been a good lad to my relatives, on both sides, unlike some. Good boy again.
  15. Halkan ka dhegeyso Sheikh Baruud Hadalka Maxamed Xasan Xaad Hadalka Abwaan Abshir Bacadle
  16. Originally posted by General Duke: ^^^Yup including my Grandmother, aunts, uncles and their children my cousins. It’s in my own personal interest my family stay safe in that city. Good boy..
  17. Originally posted by General Duke: We wish the people well and insha Allah peace. Do you?
  18. Allah uu Naxaristo Cabdiraxmaan X. Axmed Waldiire ..amin!
  19. Qaar ka tirsan bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa maanta salaadii duhurka kadib banaanbax ballaaran isugu soo baxay Ex. Garoonka Stadio Muqdisho, waxaana dadkii isu soo baxay la hadlay qaar ka tirsan culumaa?diin ka magaalada Muqdisho, madax ka tirsan golaha maxaakiimta & odayaasha dhaqanka beelaha dega Muqdisho. Isu soo baxan culumadii ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Sh.Bashiir Axmed Salaad & Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa khudbadahooda ku soo qaaday marxaladihii ay soo mareen dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho labadii sano ee ay ciidamada Itoobiya Muqdisho ku sugnaayeen, ee dagaalada ay kula jireen xooggaga muqaawimada, waxaana ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ay aheyd guul ay si wada jir ah uga wada qeybaataan dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka, loona baahan yahay in fursada guushaasi aaney noqon mid la lumiya. Xalka keliya ee wadanku u baahan yahay maanta waa ku dhaqanka shareecada islaamka, mana jirto meel kale oo lagu badbaadi karo, culumaa?diinkuna marna raali kama noqon doonaan in Muqdisho xabbad kale ay ka dhacdo`` ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud, wuxuuna intaa raaciyey in dhibaatooyin dhinaca nolosha ay shacabka la soo gudboonaadeen muddadii ay dagaaladu socdeen. Waxaa Muqdisho hareeraheeda daadsan qoysas badan oo aanan maanta heli karin nolol maalmeed, dadkaasi waa in fursad la siiyaa oo laga shaqeeyaa sidii ay guryahooda ugu soo laaban lahaayeen`` ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud. Walaalaha mujaahidiinta ee dagaalkii muqaawimada ka qeybgalay waa in ay wada-hadlaan, oo aanan marnaba la marin habaabin jihaadka, si aaney halkaas uga soo bixin wax uu cadowgu ku farxo, waxaan ku kalsoonahay Idamka ALLE in Kitaabka & sunnadu na deeqo doonto, siduu ILLAAHEY u jideeyeyna aan isugu xukumi doono" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Banaanbaxan ayaa ahaa mid dadkii ka soo qeybgalay ay si weyn ula qiireysnaayeen ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho, waxaana ay dadku ka dalbanayeen kooxaha ka tirsan muqaawimada ee weli ka taamaya in dagaaladu ay sii socdaan in ay taasi qalad tahay, loona baahan yahay in shacabka la siiyo fursad nabadeed. Look at the joy of those smiling and happy young faces..the future. This sort of gathering was not posasible since Yeey brought in the Tigres into Xamar.
  20. Isku soo bax lagu soo dhaweynayo bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee gudaha Muqdisho oo maanta ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho gudiga culumada u istaagay Xalinta Qilaafka Muqaawada oo saf ku jira sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isna u mahad celinaya dadkii xoreeyay Magaalada Muqdisho Abwaan Bacadleeeeeeee ! oo erayo gabay ah ka jeedinaya halkii ay dadku isugu soo baxeen