Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Juje

  1. Banaan bax ka dhacay Tarabuunka Barqanimadii Maanta ayaa markii ugu horeysay muddo 2 Sano ah Fagaaraha Tarabuunka Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay Banaanbax ay soo abaabuleen Midowga Ardayda Gobolka Banaadir iyo ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed. Banaan baxayaasha ka soo qeybgalay Banaanbaxan ayaa watay Boorar dhowr ah oo ay ku qoran yihiin Halkudhigyo kala duduwan waxaana kamid ahaa halku dhigyadaas:Wado xiran Dooni meyno. Ka dhiidhi Dhibaatada Hooyada iyo Dhalaanka heysata iyo waliba ereyo kale. Waxaa Hadalo kala duduwan ka soo jeediyey Goobta uu Banaanbaxu ka dhacaayey Xubno ay kamid ahaayeen Gudoomiye ku xigeeynka Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Max,ed Max,ud oo halkaa ka soo jeediyey warbixin dheer oo ku saabsan dhibaatooyinka waxbarasha Gobolka Banaadir gaar ahaan saameynta Xun ee ay Xirnaashaha Wadooyinka ku yeelatay Bahda Waxbarasha Gobolka Banaadir wxuuna yiri isgoo ka hadlaya Arinkaas:”Waxaan ogaanay In 27,300 in ay wax ku baranayeen gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxay Sababtay in ay dhamaantood Ardadaas ay waxbarasho beelaan,waxaan Codsaneynaa in wadooyinka la furo Halbowlaha u ah Waxbarshada Dalk Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Banaadir,waxaan Codsaneynaa Wadooyinka Marka lafuro in Goobaha Waxbarashada dib loo furo iyagana, waxaan ka codsaneynaa ka dhiihdiya yaasha Dhibaatada Soomaaliyeed u Dhabar adetgayaashii Dhibaatada ee Waxbarashada u soo halgamay Mudada dheer oo Xaaladu adkeyd ee aan la aantood intaan oo Soomaali ah waxbarasho hesheen waxan ka codsaneynaa in ay Dib u furan Waxbarashadii” Waxaa sidoo kale halkaa ka hadalay Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed Xaliimo Sh.Xuseen iyadoo dalbatay in ay Furaan Wadooyinka xiran Cidwalba oo awood u leh iyadoo arinkaa kahadleysana waxa ay tiri:”Ula jeedkaan maanta halkaan u soo istaagnay waxay tahay anagoo ka dhiidhineyno iney Xiran yihiin Iskuuladii Waxbarashada, Jaamacadihii, Isbitaaladii oo ay dhaceyso maalin kasta iney isku go,aan Gabdhihii Soomaaliyeed iyagoo Xaamilooyin ah Caruurtii Soomaaliyeed iney Shuban u baaba,aan intaasna aadan haysan wax Isbitaalo ah oo Shaqeeya inta badan, waxaanan u soo istaagnay halka kan inaan aad iyo aad uga xunahay, waxaan weydiisaneynaa Walaalaha Adraafta kala gaarka ah ee Arinkaasi Awooda iney noo furan Wadooyinka xiran, Iskoolaadka xiran, Jaamacadaha iyo Isbitaalada naga xiran.” Banaan baxayaasha ayaa Socod dheer ku soo maray wadooyinkii Dagaalada ku xirmay kadib markii uu soo gabagaboobay Banaanbaxa, ugu danbeytiina waxaa jawi nabadeed ku soo gaba gaboobay Banaanbixa. Banaanbaxa maanta oo lagu dalbanayey in lafuro wadooyinka xiran ayaa ku soo beegmaya Xilli horey uu shaaca kaga qaaday Dhagaxtuur oo DKG ah ugu qaabilsan Gobolka Banaadir in lafurayo wadooyinka Xiran taaso haba yaraatee aanay waxba kasoo naasa cadaan , sidoo kale waxaa jiray isbuucyadii lasoo dhaafay dadaalo ay Wadeen Odoyaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Besha ****** oo ku adanaa Furitaanka Wadada Tarabuunka oo u Xiran DKMG waxayna sheegeen in DKMG ah ishortaagtay Furitaanka Wadooyinka Xiran.
  2. Originally posted by General Duke: I dont want to even start with that... Please don't, stick to ranting and making incoherent conclusions.
  3. Originally posted by General Duke: ^^^Your talking rubish saxib, this man commited no greater crime than the President, new Interior minister and all those who send children to die while they ran of to hotels in Asmara.
  4. Golaha Wasiirada oo xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Gen. Darwiish. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Gen. Maxamed Warsame Darwiish, kadib kulan uu golaha maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoomiyaha Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 20 wasiir iyadoona ay soo xaadireen Gudiga Ammaanka Qaranka ee uu magacaabay Madaxweyne Shariif. Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan oo lahaa soo jeedinta xilka qaadista Generaal Darwiish, ayaa ugu dambeyn waxay Golaha Wasiirada cod u qaadeen xil ka qaadista, iyadoona ugu dambeyn si aqlabiyad ah ay siugu raaceen Golaha xil ka qaadis Mr Darwiish. Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale isla goobta waxaa uu ku ansixiyay in xilkaas loo magacaabo Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan oo loo magacaabay Xilka Taliyaha Ciidamada Nabad Sugia Qaranka. Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo lagu tilmaami jiray Genanka gacanta midig u ahaa Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf, isagoona lagu eedeyn jiray inuu mas'uul ka ahaa xariga dad aan waxba galabsan oo qaarkood laga qaadi jiray lacago madax furasho ah, waxaana Xabsi ku yaal Madaxtooyada lagu heyn jiray maxaabiis lagu soo qaban jiray dagaalada oo qaarkood loo dhoofiyay Ethiopia. Xil ka qaadista lagu sameeyay Gen. Darwiish ayaa ah tallaabo ay Dowladda Midnimada qaran horay ugu qaaday, waxaana uu ka mid ahaa ragii mas'uuliyada ku lahaa dagaaladii iyo barakicii ka dhacay Magaalada Muqdisho, inkastoo ay jiraan Mas'uuliyiin kale oo wali ka mid ah Dowladdan Midnimada qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif. Dhinac kale kulankii maanta ee Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin mamnuucida dhulalka la sharciyeyay tan iyo wixii ka dambeeyay 1991-dii oo laga soo qaaday waxba kama jiraan, waxaana ay kaloo ka hadleen arrimaha burcad badeedka dhibaatooyinka ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com
  5. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: i bet u mean the illegal union ....... I beg your pardon....! It was never illegal..never. That is why you are having difficulty in getting it out of it to date, because of the legality it was established on.
  6. SOLers waxan idin warsadey wat is wrong with this kofiyad it hascreated a lot of fuss since yesterday afternoon amid all fadhi ku dirir specially PalTalk. The nay Sayers are pushing the notion that the honorable Sheikh is wearing a designed emblem of Christian Orthodox Cross in his kofiyad
  7. Janaqow oo Booqday Xabsiga Dhexe sheegayna inay Caadalada horkeenayaan Maxaabiista ku xiran U qaabilsanaha DKMG ah Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Maxamuud (Janaqoow) ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tagay Xabsigii Dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Farabadan oo danbiyo kala duwan lagu soo eedeeyay. Janaqow ayaa markii uu Booqday Xabsiga waxa looga warbixyay Xabsiga iyo xukuno kala duwan oo lagu fuliyay Maxaabiista, waxaana uu ka dhageystay warbixintaasi Saraakiisha ka mid ah Saraakiisha Xabsiga. Taliyaha Ciidamada Asluubta oo ka waramayay sida uu haatan u howl galo xabsiga ayaa waxa uu yiri”xabsiga inta uu shaqaynayey maxkamadaha waxay fuliyeen xukun dil ah oo lagu fuliyay illaa iyo sodon iyo kow qofood waxaa sidookale cadaalada lahorgeeyay laba iyo toban qofood waxaa xabsiga laga siidaayey oo cafis loofidiyay labakun ooqofood tirada guud waxaynoqonaysaa labakun boqol todobaatan iyo sideed waxaana cadaalada.lahor gaynin illaa iyo konton iyo sagaal qofood “. Intaa kadib ayaa hadalka waxaa qaatay Wasiirka Cadaalda iyo Garsoorka Janaqoow waxa uuna sheegay “wax badan waa laqabtay wax kalena waa harsan yihiin waa waxa na loo yeeray inaan ka shaqayno Garsoorka iyo Cadaalada waxaan ka shaqayn doonnaa sidii Dadka Cadaalada aan la horgaynin loo fududeynlahaa cidii danbi gashay danbigeeda loogu qaadi lahaa kuwa kalena xorriyada loogu soo celin lahaa”. Waa markii ugu horeysay oo uu Janaqow oo u qaabilsan DKMG ah Wasiirka Cadaalda iyo Garsoorka Booqasho ku tago Xabsiga Dhexe oo ay ku xiranyihiin Maxaabiis kala duwan oo qaarkood lagu soo eedeeyay Danbiyo kala duwan sugayana in la hor geeyo Cadaalada. Janaqow & Taliyaha Ciidanka Asluubta
  8. Is that why ETN has been off Air for the last two days?
  9. Maamulka Puntland oo Xabsiyada ka sii daayey Kooxo Burcad badeed Marakiibta Naato u soo gacan geliyeen Waxaa Xabsiyada Maamul Goboleedka Puntland laga sii daayey dhamaan Maxabiistii u soo gacan geliyey Marakiibta Badaha Soomaaliya kala dagaalama Burcad badeeda ee Naato. Warku wuxuu intaas ku darayaa in goor horeba la siidaayey koox sagaal ah oo dhawaan Maamulka Puntland u soo Gacan geliyeen, soona qab qabteen Markiibta Maraykanka Maamulka Puntland ayaa sii deynta Kooxaha Burcad badeeda u cuskaday kadib markii sida ay sheegeen lagu waayey wax cadeyn rasmi ah eydeymaha lagu soo qab qabtay, lana waayey wax muuqaal ah ama cadeyn ah iyagoo falka Burcad badeed ku guda jira. Madax ku dhow dhow Xukuumadda C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in Marakiibta Naato iska soo qab qabtaan dad Kallumaysato ah oo doonyo yar yar wata iyagoo ku tuhma inay yihiin Burcad badeed, hase ahatee Dad badan ayaa ka shaki qaba inuu jiro gacansaar dhow oo ay leeyihiin Madaxda Puntland iyo Masuuliyiinta Burac badeeda. Wararka ayaa intaas raacinaya in koox yar oo iskood isu abaabulay ay ku harsan yihiin Xabsiyada Puntland kuwasoo ah qaar aan qorshaha Masuuliyiinta Madaxda ka ah Burca badeeda qaabeysan howlahooda wax lug ah ku laheyn. Tani waxay muujinaysaa in ay dhabarka ka jabiso Howlaha Burac badeeda kula dagaalamayaan oo ay Badaha Soomaaliya ka hayaan Marakiibta Ciidamada Naato ee Ilaalada ka haya Markiibta Biyaha Badda Soomaaliya maraya. Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya dhamaan Burcad badeeda inay heleen Madaxbanaani tan iyo markii xilka Madaxweyne loo doortay C/raxmaan Faroole , warar hoose ayaa sheegaya in dhaqaalaha lagu doortay boqolkiiba Todobaatan ay bixiyeen Kooxaha Burca badeeda oo rag ay isku Beel hoose yihiin u badan yihiin howlgalada Marakiibta Ganacsiga looga afduubto Badaha Soomaaliya. Somaliweyn Media Center “SMC”
  10. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: I'm sure you wouldn't have the same thoughts if it is him that is going to those places .... Priceless
  11. Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Rwanda Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Rwanda Shiikh Shariif iyo Paul Kigame Talaado, March 17, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu la kulmay Dhiggiisa Dalka Rwanda Mr. Paul Kagame, wuxuuna kala hadlay arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii ay Dowladda Rwanda u caawin karto Dowladda Soomaaliya. Inkastoo Dowladda Rwanda aysan horay xiriir wada shaqeyneyd ula lahayn Dowladda KMG ah ee Soomaaliya haddana waxay Dowladda Rwanda sheegtay in ay taageereyso Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Wada hadallada labada madaxweyne dhexmaray ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro labada Xukuumadood ka socday. Wasiiradda Arrimaha Dibadda Rwanda Mrs. Rosemary Museminali ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu warsaday Dowladda Rwanda in in ay taageerto Dowladda Soomaaliya, waxayna xustay in meelaha ay ka taageereyso ay ka mid yihiin nabadeynta dalka Soomaaliya, mideynta dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya, soo qaabeynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka iyo dib u dhiska Dalka. Wasiirka Arrimnaha Dibadda Rwanda waxay intaas ku dartay in labada dowladood ay bilaabi doonaan xiriirro iyo iskaashi dhexmara Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee labada Dowladood, kuwaasi oo isla meel dhigi doona sida ay isula tallaabo qaadayaan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Rwanda. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna HOL u sheegay in madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay uu booqanayo meelo taariikhi oo ku yaala dalka Rwanda sida halkii uu ka dhacay Xasuuqii Rwanda ka dhacay 1993-1994-kii. Maxamed Cali Ameeriko waxaa uu sheegay in meelaha uu madaxweynaha booqanayo ay ka mid yihiin Akadeemiyada Mileteriga Gako, Xarunta Gisozi oo lagu xusuusto Xasuuqii Rwanda iyo Xarunta Nabadda Mandella oo ku taala Degmada Bugesera, sidoo kalena waxaa uu xusay in uu la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dowladda Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa laga filayaa asbuucan in ay xaqiijiso ammaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay ka dhigto mid ammaan ah oo ay ku negaan karaan dadkii horay u deganaa, kuwii ka barakacayna ay dib ugu soo noqon karaan. Dowladda Rwanda ayaa waxay sanadkii 2007 tababartay Ciidamo Soomaali ah oo tiradooda gaareysay 1,000 Askari, kuwaasi oo ujeedada loo tababaray ay ahayd in ay ka qeyb-qaataan soo celinta Nabaddii Soomaaliya. Waa madaxweynihii labaad oo Soomaaliya ay leedahay oo Dalka Rwanda booqda muddo isu dhow, waxaana horay u booqday Kigali Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Dowladda Rwanda ka codsaday in ay tababar u fidiso Ciidamo Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka hor intii uusan booqanin Dalka Rwanda wuxuu horay u soo booqday Dalalka Kenya, Burundi iyo Uganda, wuxuuna madaxda Dowladahaas kala hadlay sidii ay u taageeri lahaa Dowladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana loo soo celin lahaa xiriirkii Soomaaliya iyo Dowladahaas ka dhaxeeyay. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  12. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: I'm glad no one is sick and tired of Somaliland ,,, Dont worry people will be tired and sick of it as soon as they can figure where it is or even if it exists...
  13. Originally posted by NABAD x 3: haha, well lets see which one is the maangaab, the anarchist, bloodthirsty, peanut sized brainer, who has no regard for qaranimo, or otherwise. Of course I preffere to live in a place with some sort of law and order than your hell-hole backyard with blood graffited all over. Viva Puntland. Sxb rali ahow ana ka gardaran.
  14. Originally posted by General Duke: Again do you have any pics? Walle waxba salagleh...!
  15. Originally posted by NABAD x 3: Sir QA, still much better than the southerns hellhole, no comparison what so ever. You could have not chosen a better phrase to display your foolishness and mangabnimo ceeb...war hedhe isku xishow.
  16. Originally posted by inspector22: For how long are they gonna continue to embarass us? And you are?
  17. Originally posted by Emperor: Amin Amir is over doing it again just for the crowd.... Ahem..ahem..ahem...! Awalo Nuune horey ku shegey in aad hilmam dhowdahey sidi umulihi...
  18. Originally posted by Emperor: Only deal with the topic at hand because I asked you a genuine question, so lets not speculate on my feeling, intent or personal prejudice There is nothing genuine about your question sxb, weliga ma maqashey "ohinta ohin orgi ka weyn "
  19. Originally posted by Emperor: ^What is so constructive about this, perhaps you mean destructive... You are so out of this World sxb. Before I look into your incoherent and innuendo response let me point out that your irate is due to this one instead of the subject matter. It is obvious you still have not forgiven Amin Camir.. . Nevertheless sxb his drawings are not destructive in any form but rather the opposite in a sense. Am sure now the Hon. Sheikh will make a point of visiting the inhured in Medina before make his next PR rounds to please the sponsors. Amin Camir never instigates a false accuisation or biased assumption and nor is he linked or has affiliation with any of the power brokers in the region. It could be said he is the voice of many who fear to say out loud the apparent. So chill sxb .
  20. Originally posted by nuune: Anyone knows why I wont delve into that..