Juje

Nomads
  • Content Count

    2,791
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Juje

  1. Originally posted by Sayid*Somal: quote:Warya Qardho is the most peaceful place in P/land. ...and you are telling me?? You have a problem with that? Duh
  2. Xarakada Alshabaab oo xukun garbaash ku fuliyay dhalinyaro reer Jowhar ah Xarakada Alshabaab ayaa xukun garbaash ku fuliyay ilaa afar dhalinyaro oo ay howl galo ku soo qab qabteen, iyadoo Maxkamad la soo taagay dhalinyaradaas lagu xukumay min 33 garbaash. Qaadiga Maxkamada Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhalinyarada lagu xukumay xukunka garbaash lagu soo qabtay iyadoo falal xatooyo ka waday Xarunta UNICEF. "Dhalinyaradan Xukunka tacsiirka lagu xukumay waa dhamaan reer Jowhar, waxayna ciidamada xisbada soo qabteen iyagoo falal xatooyo ku hayay hanti guud, sidaas darteed hanti gaar ma aheyn waxay xadeyeen, meeshaas UNICEF la yiraah bey wax ka soo qaateen"ayuu yiri Sarkaalka Maxkamada qaadayay ee Xarakada Alshabaab. Inkastoo dhalinyaradan lagu fuliyay min 33 garbaash ayaa hadana waxaa horay u jirtay in wixii agab ee muhiimsanaa ay Ciidamada Shabaab horay ugu bililaqeysteen Xarunta UNICEF , kadib markii ay la wareegeen Magaalada Jowhar. Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid Xaafadaha ku yaal magaalada Jowhar ayaa ka qeyb galay goobta fagaaraha ee dhalinyaradaas lagula fuliyay garbaash, iyadoona markii u horeysay tahay xukun ceynkan oo kale ah oo Shabaabka Jowhar ka fuliyo. Ka sokow xukunkan garbaashka ayaa waxaa sii wehliyy xukuno kale oo ku dhisan salfudeednimo, kaasoo ay fuliyaan ciidamada Shabaab mararka ay marayaan wadooyinka magaalada, waxaana dhalinyarada qaar ay ka cararaan marka ay sii arkaan askari shabaab ah oo magaalada dhex socda, gacantana ku watay jeydal garabkana ku sita qori. SOURCE
  3. Originally posted by Sayid*Somal: Qardho haysku teginlee.........gab dho geel qasha jooga. Warya Qardho is the most peaceful place in P/land. JB just get to Garowe and we will deal with you once you get there. Duke is already flying down there to prepare your welcoming committee.
  4. Originally posted by djibsomali: And still under 1 millions. Like JB I ask is there 1 millions?
  5. Picking on the media is a sign of things to come.
  6. Originally posted by wacdaraha_aduunka: I though u broke the same news a year or two ago yaa JB, they havent still used the port? The Berebera Port saga reappears in media , just like Oil & Gas in Puntland, every other month over the last years - it is a strategy to pre-occupy the society.
  7. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, CHE samir iyo iimaan sxb adiga iyo ehelada dhammaantood.
  8. ^^ Ok, so Ahmed C/Salan is right and for the first time in spite of them toppling adeero you are adamant that Ould Abdalla , Nuur Cadde and C/salaan are doing the right thing. Sxb Regardless of what you assume or the little rumors that excite your imagination this government has multiple tasks and a big agenda to fulfill. So you can keep preaching from the towers of Twin City just keep watching how things begin to unfold pre and post Ramadan Insha Allah. Believe me Duke the surface will change whether you will like it or not I don't know but it will certainly be better for Somalia.
  9. Originally posted by General Duke: Sharif Ahmed already had his plate full. Now he has to worry about the eve ludicrous rous and corrupt Walid Abdalla who blames Sharif Hotel for making him lose his Nobel Peace price as the man who brought peace to Somalia. Thus now Walid Abdalla and his puppet Nur Cade and that other clown Ahmed Abdisalaan are holding meetings in Foreign capitals to work out away of getting rid of Sharif Hotel by engineering a new reconciliation conference for Somalia. You are one of the last person I expected would believe this rumors - but then again desperation has no limits , does it?
  10. Originally posted by Xaaji_xundjuf: koonfuriansku I would love to hear you say that. And is it supposed to be ka or as you say kha
  11. Originally posted by Daandurreey: Today news is out that Hillary will only meet him on 'the sidelines" while she conducts other important meetings in Kenya. And your point once again?
  12. Originally posted by Jacaylbaro: I didn't know I was a president ,,,,,, Good, you realized you are not then, that..
  13. Originally posted by Jacaylbaro: She will tell him exactly the same, "to stop Alshabab" ....... can he ? Can you?
  14. Originally posted by Jacaylbaro: He moves from the airport to to his house in a military tank ,,,,,,,, I know you find that amusing but Insha Allah that wont be the case much longer.
  15. Originally posted by Jacaylbaro: It it hopeless ................... 'is' ti aya ku goysey caro aad qabtiid awgeed.
  16. iimaankeyga Ayaa i Siinaya in Aan Xamilo Dhibta Igu Dhacdey Qoyskii balaarnaa ee Yusuf Maxamed Maxamuud waxaa ka haray laba wiil oo yar yar kuwaas oo da’doodu tahay 3 iyo sideed jir. Xaaskiisi iyo shan hablood oo uu dhalay waxa ay ku dhinteen masiibadii dabka ee ka dhacdey Rinkby Stockholm, Sweden. Waa imaankeyga midka awooda ii siinaya in aan xamilo karo dhibta. Allaah ayaa i siiyey reerkayga haddana isaga ayaa iga qaadey, ayuu yiri Yusuf. Yusuf Maxamed Maxamuud waxaa hal mar uu waayey xaaskiisi iyo shan caruur ah oo uu dhalay, waxaa u haray labadiisi wiil Mubashir iyo Mubaarak. Yusuf waxa uu aadey in uu koob kaffe ah la soo cabo saaxiibkiis. waxa uu ku yiri caruurta guriga gudihiisa ku cayaara wax yar kadib ayaan soo laaban, laakiin dib danbe uma arag xaaskiisi iyo shan hablood oo uu dhalay iyaga oo nool. - Ma fahmi karo in dhamaantood dabkii ay ku dhinteen ayuu yiri Yusuf. Markii Joornaalka Aftonbladet uu la kulmay Yusuf Maxamed Maxamuud waxa uu la joogey labadiisi wiil Mubashir 8 jir iyo Mubarak 3 jir.Markii dabku kacay banaanka ayey ku cayaarayeen sidaas ayeyna uga bad baadeen masiibadii ka dhacdey Rinkby Stockholm. - Ma aan ka qarin karo wiilkayga wayn waxa dhacay, waan u sheegay in uu waayey hooyadiis iyo dhamaan shantii hablood ee la dhalatay. Codka ayaa ka kala go’ay Yusuf cabaar ayuuna fadhiyey isaga oo aamusan, inta aanu hadalka sii wadan: - Ma aamnisani in wiilkayga yar uu fahmi karo waxa dhacay. Waa ilmo aad u yar. Sideed bilood oo Keliya Dhamaan intii kale qoyska shan hablood oo ay ugu yartahay gabadh sideed bilood jirta, iyo Xaaskiisi, waxa ay ku sugnaayeen guriga marka dabku dhacayo waxa ayna isku dayeen in ay banaanka uga baxaan guriga. Laakiin taasi may dhicin in ay ka badbaadaan dabka waxaana dhamaantood laga helay iyaga oo yaala jaranjarada guriga dabaqa ah ee ay deganaayeen. Saacaddu markey ahayd 10:00 fiidnimo Yusuf waxa uu ogaadey in dhamaantood ay dhinteen. - Waxaan ogaadey in aan waxba samayn karin. Diinteyda ayaa awood ii siineysa in aan xamili karo dhibta igu dhacdey. Allaah ayaa i siiyey qoyskeyga haddana isaga ayaa qaatay. Yusuf il isku qabad xitaa ma aanu seexan. jirka oo dhan ayaa i damqanaya ayuu yiri Yusuf. Ku wareegidii Isbitaalada Stockholm Habeenimadii waxa uu ku wareegay inta badan Isbitaalada Stockholm si uu cadaymo u helo, qoyskiisi ah. - Waxaan doonaayey in aan arko caruurteydi. Waan awoodi waayey in aan rumeysto dhimashadooda. Yusuf waxa uu ka hadley saacado ka hor qoyskiisa hal mar ay wada casheeyeen caruurtuna kubad ku cayaarayeen guriga dhexdiisa. Saacaddu markey ahayd 8:00 fiidnimo ayuu banaanka u baxay si uu ula kulmo saaxiibkiis si ay kaffe ugu wada cabaan centerka Rinkby. Yusuf caruurtii ayuu macasalaameeyay isaga oo u sheegay in ay ku cayaaraan guriga dhexdiisa. - Waxaan ku iri caruurta aabe mar dhaw ayuu soo laaban. Guriga gudihiisa ku cayaara, maadaama amnigu sidaas ku jiro. Way qosleen waxayna igu yiraahdeen waa hagaag Aabe. Teleefon ayaan Direy lagamse Jawaabin Wax yar kadib waxaa igu soo dhacay telefon, waa mid ka mid ah deriskayga, waxa ay ku qayliyeen in cimaaradii aan deganaa ay gubanayso. - Waxaan wacay telefoonka gacanta ee xaaskeygi, iyo weliba kii guriga , laakiin lagama jawaabin. Markaas ayaan fahmey in xaaladu aysan caadi ahayn oo ay wax dheceen. Yusuf waxa uu bilaabey in uu ku ordo dhankii guriga, isaga oo calooshu hureyso.Markii u ku soo dhawaadey guriga waxa uu arkey olol ka soo boodaya dariishada guriga iyo qiiq madow kaas oo cirka isku shareeray. Waxa ay ahayd sidii isaga oo arkaaya riyo naxdin leh.
  17. Ethiopian led forces Are you sure ugaas?
  18. Originally posted by General Duke: Xildhibaano kor u dhaafaya 60-mudane oo kala jooga Puntland iyo Nairobi aya diyaaris ku wada qorshe mooshin ah oo ay ku doonayaan in xildhibaanada looga dhaadhiciyo in barlamaanka loo raro maamulka Puntland maadama aanay amaan ahayn magaalada Muqdisho. Indeed that will be a good idea.
  19. Sweden: Hooyo Soomaaliyeed iyo Shanteedii Carruur oo ku dhintay dab ku qabsaday Gurigooda C/laahi Cilmi Maxamed (Asad) Sunday, July 26, 2009 Stockholm, Sweden (HOL) - Waxaa magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadda Rinkeby oo ah meesha ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan eek u nool magaaladan ka dhacay xalay dab sababay dhimashada hooyo iyo shantteda carruur. Hooyo Rodo iyo shanteeda gabdhood oo u dhexeeyey da’da 16 jir iyo gabar yar oo dhalatay dhamaadkii sanadkii hore, waxay ku xirmeen wiishkii ay rabeen in ay hoos ugu dagaan si ay uga carraraan dhab ka dhacay guriga ay deggaayeen, oo ah sar shan dabaq ah. Waxa uu dabku ka bilowday guriga reer kale oo Soomaaliyeed oo iyagu deggan dabaqa hoose ee dhulka la siman, waxaana dabka sababay cilad dhinaca korontada ah. Hooyada iyo carruurta dhimatay waxy degganaayeen dabaqa shanaad, kuwaas oo markii ay arkeen guriga hoostooda ku yaala ee gubanaaya is yiri hoos u degga oo wiishka raaca. Kadibna waxaa ku xirmay wiishkii ay soo raaceen, waxaana qabsaday qiiq iyo holac. Waxaa dabka ka badbaaday aabbihii reerka iyo laba wiil oo bannaanka ku maqnaa. Waxaa sida la sheegay ka soo daahay kooxdii dab-demiska oo markii ay yimaadeen howshoodii galay. Waxaa kaloo jira dad kale oo aan Soomaali aheyd ooiyaga ay waxyeelo ka soo gaartay balse aanan ku dhiman. Badkan iyo dhimashada dhacday waxaa wax ka qoray dhamaan wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Sweden. Waxaan socda kulanno ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadda ay wax ka dhaceen. Khasaarahan waa midkii ugu xannuunka badnaa ee soo gaaray Soomaalida ku nool waddankan gaar ahaan magaalada Stockholm. C/laahi Cilmi Maxamed (Asad), Hiiraan Online Stockholm, Sweden
  20. Ina Lillahi Wa Ina Illeyhi Rajicuun Somali Woman, 5 daughters die in apartment blaze Sunday, July 26, 2009 A Somali woman and five of her daughters were killed Saturday night in an apartment fire in Stockholm, Swedish authorities said. The 42-year-old and her family had attempted to escape the fire and smoke via the stairs and were found in the stairwell of the six-story building, police said. The woman's sixth daughter is in hospital in a critical condition. The youngest victim was around one-year-old. The family lived in an apartment above the fire. A resident of another apartment in the building was also taken to hospital. Police said the cause of the blaze, which started in a ground floor apartment, was not yet known. "There are no signs to suggest that a crime is behind the fire, but we have started an investigation into the cause of the fire," Stockholm police spokeswoman Karin Solberg said. Source: CNN, July 26, 2009
  21. Originally posted by Gheelle.T: quote:Originally posted by Sayid*Somal: dad waalan miyir ma leh You keep repeating this line in almost all the threads you are commenting on, wassup with that Yaa-Sayidi? Ninki jimca walan rabo khamis wa jucjuca jimcana wa jibada.
  22. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar: Kutiri-kuteen.com I hope it was.
  23. Gabadhii Canadian-ka Ahayd Oo Ku Umushay Muqdisho!!! Amanda Lindhout oo ah gabar wariye ah oo u dhalatay Canada ee lagu afduubtay wadada Afgooye bishii August ee sanadkii 2008 ayaa maalintii sabtiga ahayd ku umushay magaalada Muqdisho. Gabadhaas oo ay haystaan xoogaga mucaaradka ku ah dowladda ayaa u xayiran madax furasho gaaraysa 2.5 Milyan dollar oo ay codsadeen kooxda haysata. Horaantii sanadkan ayaa lasoo sheegay inay uur leedahay gabadhaan, mana la garan karo cida u yeeshay uurka iyo qaabka ay ku xalaalaysteen. Xoogaga Islaamiyiinta ah qaarkood ayaa aaminsan in gabdhaha ay ku qabsadaan dagaalada ka socda Somaliya ay u yihiin xalaal oo ay adoonsan karaan, maadaama ay ku qabsadeen Jihaad, halka culumada waaweyn ee Soomaliyeed ay diideen in dagaalada ka socda Somaliya lagu magacaabo Jihaad, ayna xaaraan tahay dadka la banaysanayo dhiigooda, maalkooda iyo sharaftooda. Ilo ku dhawdhaw xaalada gabadhaas ayaa sheegaya inay dhashay wiil, maalintii sabtiga ahayd loona bixiyay magaciisa Usaama. Dowladda Canada ayaa dhagaha ka furaysatay inay bixiso lacagta madax furashada ah ee loo haysto gabadhaas, waxana hada soo kordhay xaalada cusub oo ah wiil ay dhashay oo aan la ogayn inay qaadan doonto marka laga bixiyo lacagta iyo in laga reeban doono. Source Cajiib..! Illahow ceeb astuur..amin!