Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    260

Everything posted by Che -Guevara

  1. Soomaaliya: Amaanka Soomaaliya oo labadan Todobaad meel hoose tagey ayadoo ay dawlad dhexe & Maamulo Jiraan …Warbixin ku saabsan Amaanka Soomaaliya oo dhan…. 15. april 2008 Soomaaliya(AllPuntland)- Gobalada dalka Soomaaliya oo dhan ayaa todobaadyadan ay amaankoodu ahaa mid sii xumaanayay ayadoo ay jiraan Maamulo & dawladda Dhexe ,inkastoo aysan wax dadaal ah la harin maamulada ayaa hadana ay dhibaatada amaanku sii socotaa. Waqooyiga Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland). Waqooyiga Galbeed Soomaaliya waxaa mudo todobaad gudihiisa ka dhacay Qaraxyo waa weyn ,inkastoo ay qaraxyadaasi geysan wax dhimasho & Dhaawac dad ah hadana waxa ay geysteen bur bur ay lixaad leh & Khalkhalgalin amaan. Maamulka Somaliland ayaa Magaalooyinka Somaliland oo dhan soo dhoobay ciidamo fara badan oo ka tirsan ciidamadooda amaanka ,waxaana wali jira Amaan Xumo sii kordheysa ayadoo ay falalkaan kala mid yihiin gobalada kale ee dalka Soomaaliya. Dadweynaha ayaa aad uga xumaanaya falalkan amaanka ka soo horjeeda ee dhacaya ,waxa ayna Somaliland isku dayaysaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd cidii ka dambeysay falalkaasi oo dhan. Waqooyi Bari ee Soomaaliya (Puntland). Gobalada Puntland waxaa tan & Bilowgii sannadkan Deegaanada Puntland ka taagnaa falal aan horey loo arag oo ay ka mid yihiin Qaraxyada & Falalka afduubka ku dheehan. Waxaa ay Kooxo leh Dano gaar ah qarxiyeen Magaalooyinka Puntland meelo ka mid ah ,waxaa ku dhintey dad hada tiro ahaan gaaraya ku dhawaad 25 qof ,waxaana ku dhaawacmay 30 qof in ka badan. Dadkaasi lala beegsaday Qarax ay waxa ay udhasheen dalka Itoobiya ,waxa ayna Puntland qaaday Baaritaano dheeraad ah oo ku dooneyso in ay soo qabato Danbiiyaashii falkaasi ka dambeeyey. AFduubyada ayaa sidoo kale deegaanada Puntland waxa ay ka noqdeen wax caadi ah ,waxaana marar dhan 2 Jeer la afduubay dad Ajnabi ah oo Puntland yimid ,waxaana dhamaanba falalkaasi ay ahaayeen kuwa ay soo riixayaan ama Shidaal ka helaya dad leh Dano gaar ah & Dawladdo Shisheeye. Todobaadkan ayaa Magaalada Boosaaso Baabuur uu watey Taliyaha ciidanka Booliska ee Puntland qarax lala beegsaday ,laakiin ilaa hada Maamulka Puntland Wax war ah oo sugan kuna saabsan arintaasi kama aysan soo bixin. Marka arimahan la fiiriyo Amaanku wuxu marayaa meeshii ugu hooseysay ,ayadoo Puntland-na wado dadaalo ay ku dooneyso in ay wax kaga qabto amaanka sii xumaanaya ee Puntland mana jiraan wax dadaal ah oo ay la harayaan Maamulka Puntland. Gobalada dhexe ee Soomaaliya. Gobalada dhexe ayaa todobaadkan waxa ay u ahayd maalmo Madow ,markii ay dagaaladu caadi ka noqdeen gobaladaasi kuwasoo udhaxeeyey ciidamado ka tirsan Milateriga dawladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Soomaaliya ,oo marba weerar meel ku qaada waqtiga hada la joogo. Labada Dhinac midna si rasmi ah hada uma maamulayo xaalada ama deegaankaasi ,waxaana haawanaya deegaano badan oo ka mid ah gobalada dhexe sida degmooyinka Muhiimka u ah gobalada Hiiraan & Galguduud. Xaalada gobaladaasi dhexe ayaa ahayd mid xar wir ah ,waxaana wali ka taagan xiisado dagaal oo dhexmaraya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda. Gobalka Banaadir. Gobalka Banaadir oo ay hada degan tahay Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay todobaadkan dagaalo aan waji duub laheyn oo ay soo qaadayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya ,waxaana dagaaladaasi sidoo kale lugu qaadiyey ciidamada Midowga Africa & Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Ku dhawaad 45 qof ayaa todobaadkan oo kaliya ku dhimatey Magaalada Muqdisho ,waxaana dhimashadooda ay dawladda Soomaaliya dhakada ka saartay Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,oo ay sheegtay in dadka Shacabkaa ay dhexdooda ka soo qaadayaan dagaalada & Rabshadaha ayna iska soo horimariyaan dadka Shacabkaa. Saraakiisha Booliska Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ka howlgalaya ayaa Walaac shalay ka muujiyey dagaalada ku sii faalalaya gobalada kale ee dalka Soomaaliya ,waxa ayna sheegeen in xaalada Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Dagaaladii lugu qaadi jirey Xarumaha ciidamada Itoobiya ,Soomaaliya & Midowga Africa ayaa todobaadkii ugu danbeeyey laga dhigey kuwa toos ah ,ayadoo la beegsanayay ciidamada Ku jira Kolonyada kuna socda meelaha fog fog ee ay howlaha ka soo qabanayaan. Gobalada Koonfureed. Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya oo Xaduud la leh dalka Kenya ayaa xaaladooda amaanka laga dayrinayaa waxaana goobahaasi hada si toos ah ujooga Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayagoo ay xaalada deegaanadaasi cabsi fara badan ka muujinayaan dad ku dhaqan deegaankaasi. Kolonyo Baabuur Buur xoog leh ku yaalo ayaa tagey todobaadkan Magaalada Bu'aale ee xarunta Jubada Dhexe waxa ayna halkaasi kula hadleen Dadka deegaankaasi ,qaar ka mid ah waxa ayna usheegeen in ay Is dajiyaan ayna sii joogayaan halkaasi ,balse dadka hadalkaasi waxa ay ka qaadeen in ay ka baxaan deegaanadoodii. Waxa ayna Maqleen war sheegaya in ciidamo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay ku sii jeedaan gobalkaasi ,ayna dawladda Faderaalka ee Soomaaliya halkaasi udirtey Cutubyo ka mid ah Ciidamadeeda Qalabka Sida ,sida ay shaacinayaan Warar Hoose oo laga helayo degmada Bu'aale. Magaalada Kismaayo ayaa dadka ku dhaqan waxaaa soo wajahday Cabsi xoog leh ,ka dib markii qaar ka mid ciidamada Qabsaday Magaalada Bu'aale lasheegay in ay ku soo dhawaadeen Magaaladaasi ,ayna doonayaan in ay gacanta ku dhigaan Magaalada Dekeda leh ee Kismaayo. Magaalada hada waxaa gacanta ku haya Maleeshiyo Beeleedyo ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna qabanqaabinayaan weeraro ay iskaga difaacaan Koxoaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee doonaya in ay qabsadaan Magaalada Kismaayo. Gobalada Koonfur Galbeed. Gobalada Baay,Bakool ayaa Laftigoodu aysan ka jirin amaan lugu dhiiran karo ,waxaana Magaalada Baydhabo ka jirey isbadalo dhinaca amaanka ,waxaana ka jirey Dilal toos ah oo lala beegsanayay qaar ka mid ah Madaxda Ciidamada Nabad sugida ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Waxyaabahan oo dhan ayaa keenay in magaaladaasi Ciidamo xoog leh la dhigo wadooyin badan oo Magaalada Baydhabo ka mid ah,Inkastoo ay Baydhabo kaga fiican tahay Magaalooyin badan in ay joogaan Ciidamo fara badan oo ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo aan deg deg lugu weerareyn. Inkastoo gobalka Bakool ay meelo badan oo ka mid ah ka jiraan Abaare lixaad leh ayaa hadana waxaa jira Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya oo ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobalkaasi. Inta badan Soomaaliya oo dhan waxaa ka tagaanaa todobaadyadan dagaalo & Falal amni xumo oo Bahsan waxa ayna keentay in ay dad badan Maskaxdooda su’aalo fara badan iska weydiiyaan amaanka Somaaliya & xalka xaalka Soomaaliya ku dambeyn doono. Gabagabo. Waxaa Soomaaliya oo dhan hada maamusha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayadoo hada ay dawladda Soomaaliya ciidamo xoog leh ku daadisay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. Ciidamada dawladda ayaa intoodii badneyd ay hada ku jiraan Dugsiyo tababar oo dalka Dibadiisa ah & Gudaha dalka Soomaaliya ,waxa ayna warar hoose oo ay heshay Shabakadan AllPuntland sheegayaan in ay ciidamadan dhawaan dalka Soomaaliya imaanayaan ayna qaadayaan Baaritaano baaxad leh. F. C. Geylan AllPuntland
  2. If you settle for someone, then God help you!
  3. Originally posted by Nephthys: Did it touch a nerve, handsome ? Just surprised with the absurdity of the "study". No man thinks of himself as being ugly and every guy looks for very the next beautiful chick. Besides,a man is young as the woman he feels.
  4. This is silly!! Who pays for these "studies"?
  5. What I don't understand what's this article doing in the politics section?
  6. Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo isaga soo baxay Magaalada Jowhar Talaado, April 15, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas isaga baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahan ku sugnaa Degmadaas. Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo fariisin ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay markoodii hore ka tageen, iyadoo aan rasmi ahaanna la sheegin sababta keentay in ay ka baxaan Magaalada Jowhar. Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaaladaas, waxayna Dadku ka baqayeen intii ay Ciidamada dul deganaayeen in ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kadibna ay dushooda ku dagaalamaan. Haatan Dadka Magaalada Jowhar waxay hadal hayaan in ay Magaaladaas markii seddexaad ay gacan ku heynteeda la wareegaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo la sheegayo in ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay magaalada Jowhar isaga soo baxeen kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaawacyo iyo Meydad u soo waday Garoonka Diyaaradaha Jowhar si dalkooda loogu dhoofiyo ay ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay ku weerareen deegaanka Xarar Lugoole ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ay halkaas dhimasho iyo dhaawac kale ugu geysteen. Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ku jaho wareersan yihiin meel ay si toos ah ugu bartilmaameedsadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee dagaalka kala soo horjeeda, kuwaasi oo ka baxa degmo kasta oo ay Itoobiyaanka soo aadaan, kadibna dib ugu noqda marka ay Itoobiyaanka ka baxaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  7. Waa sidee Xaalada Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan Saacadihii aynu soo dhaafnay? Talaado, April 15, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa sacadihii aynu soo dhaafnay deganeyd kadib markii ay soo weerareen habeen hore Kooxo hubeysan oo gudaha Magaalada ku dilay shaqsiyaad Ajaanib iyo Soomaali isugu jiray. Ma jirin wax rasaas ah oo laga maqlay magaalada iyo dilal ka dhacay intaba saacadihii aynu soo dhaafay, waxaana wali cidlo ah Xarumihii Dowlada sida Sadhiga Baliiska, Xabisga dhexe, iyo Xaruntii Maamulka Gobalka kadib markii Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan intooda badan iska casileen xilalkii ay ka hayeen Gobalka. Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu u sii gudbay dhinaca Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Itoobiya, kadib markii Ciidamadii Itoobiya ee joogay Maalmihii aynu soo dhaafnay Deegaanka Kala-beyr ay u dhaqaaqeen dhinaca Xadka, lamana oga in Gudoomiyuhu dib ugu soo laaban doono Magaalada iyo in kale. Sariflayaasha Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Warqado digniin ah oo oo loogu sheegayo in aysan Sarafi karin boqolka Doollar in ka badan 1,600,000 oo Shilin Soomaali ah, waxaana Warqadaha lagu sheegay in Ciddii u hogaasami weysay digniinta laga qaadi doono tallaabada ku haboon. Degmada Buula-burte ayay wararku sheegayaan in ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo amba baxay Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana warku intaas ku darayaa in Ciidamada soo gaaray Degmada Buula-burte oo wata Gadiidka Dagaalka u soo tallaabi doonaan Dhinaca Magaalada Beledweyne si ay uga qeyb-qaataan sugidda Nabad-galyada oo saacadihii aynu soo dhaafnay ahayd mid aan la isku haleyn karin. Sikastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan ayaa Saacadihii aynu soo dhaafnay lagu tilmaami karaa mid degan, walow hadana dhab ahaan uusan jirin Maamul si toos ah gacanta ugu haya ammaanka Gobolka oo marba meel ay la wareegayaan Kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowlada Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
  8. Hiiraan (AllPuntland) - Gudoomiyaha Gobalka hiiraan Dawalada ugu soo magacowday iyo ciidamadiisa ayaa isaga soo baxay kadib markii uu culeys badan uga yimid kooxaha ka soo horjeeda. Yuusuf Axmed Hagar ayaa ka maqan Magaalada beled-weyn, waxaana uu habeen hore ka tagay magaalada, markii magaalada soo weerareen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda. Gobalka Hiiraan oo haatan maamul la'aan ah ayaa Odayaasha dhaqanka magaaladaas sheeganayaan in ay maamul u sameyaan, iyadoo ay jirto Dawlad Dhexe. Dagaalo habeen hore ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 ruux oo ay ku jiraan macalimiin ajaaniib ah, kadib kolkii kooxihii ka soo horjeeday dawlada gudaha usoo galeen magaalada Beled-weyn. Odayaasha Dhaqanku waxay bilaabeen kulamo is daba joog ah oo ay arrinta gobalka ka leeyihiin, taasoo ay doonayaan in ay maamul ugu sameyaan Gobalka, maadaama maamulkii Dawlada halkaas u magacaabta ay isaga soo baxeen. Odayaasha dhaqanka ayaanay xaq u laheyn in ay maamul magacaabaan, waxana lagala yeeshaa la tashi kaliya. Lama oga tallaabada Dawlada dhexe ka qaadaneyso isku dayada Odayaasha dhaqanku ku doonayaan in ay maamul ugu sameyaan gobalka, xilli ay jirto maamul dowlada dhexe soo magacowda, isla markaana Gobalka uga soo baxay weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadaan kooxaha ka soo horjeeda dawlada. cabdicasiis Maxamed AllPuntland
  9. Makaa qasay....LoooooooooooooL...I'm sure you dearly care about your secessionist 'brothers' like Suldaanka cares about Dadka Dhahar shuban ugu dhintay. I heard the news from Kismaayo where the Somalis there demonstrated against high inflation and lack of security. From Zaylac to Ras kaambano dadka qutul yoonkooda loogu tagay. It is clear to them today the enemy is not your next door Qabiil,but the corrupt men like Riyaale, Yeey etc. VIVA United Somalia
  10. ^Like you they disappear when they think things aren't going their way laakin waxa Hargeysa ka curanaya shouldn't be about scoring political points. Shacab Muslina oo Soomaaliyeed caragaa ka buuxa. Usoo ducay Ilahaay inuu Riyaale iyo Mujaahid kusheega dhinac u dhaafiyo. Iyagana waxaan leeyahay soo duceeye sidii Ilahey Yeey, Tigray iyo d-abadhilif oo dhan dhinac noo dhaafiyo.
  11. Originally posted by General Duke: Che, my adeer is on route to NY and Washington. Kooro...Tell that to Duke. P.S. Warlord infested entity called TFG dowlad ma aha. Duke....You of all people shouldn't talk about committing murders.
  12. I don't know when these gentlemen become my adeers but their boys are rooming freely from Cadaado to Kismaayo while ********** Yeey is holed up in Mogadisho.
  13. In celebratory mood eh? Adeerkaa vacationkiisa madhamaado miyaa
  14. ^That's good start. P.S. Why is the military getting involved in securing Hargeysa's security situation. Where are the police?
  15. Somalia: Money-printing scam resumes in Puntland BOSSASO, Somalia Apr 12 (Garowe Online) - A ship loaded with special papers used to mint currency has docked at the port of Bossaso in northern Somalia, Garowe Online can report. The ship's contents were unloaded last Thursday under heavy guard. Sources in Bossaso said the ship had been docked at the port for some time, but was allowed to unload only recently. Gen. Adde Muse, the Puntland leader, had previously banned the minting of counterfeit Somali Shillings after hyperinflation in the region led to street protests. Muse has now allowed the businessmen, who are contracted by the government of Puntland, to resume their illegal money-printing operation. Last month, the ban on money-printing led to armed clashes between angry businessmen and Puntland security forces. Traditional elders had intervened to stop further bloodshed. In Bossaso, locals complained about the exchange rate, which now stands at 3,000,000 Somali Shillings for 100 U.S. dollars. The local price for food and other necessities has also reached new heights, making life difficult for poorer families. Source: Garowe Online
  16. Jb...I think this is good time for the citizens to come to the streets and demand an end to this. The longer this bickering continues and the people remain passive, the more dangerous it gets. Xidigo...Ma maqlin miyaa odagii waa loo tashadey. Tigray iyo Al Shabaab aan kala gadisano yiraahdeen. Waxay u egtahay odayga inuu dhexda kabixi doono
  17. Puntland: Xaalad Qalafsan oo Puntland ka taagan Waqtigan la joogo lehna dhinacyo badan...Warbixin... 13. april 2008 Puntland(AllPuntland)- Dadka ku dhaqan deegaanada Ismaamulka Puntland ayaa waqtigan la joogo waxaa soo wajahay maalmo qalafsan ,taasoo uga timid meelo kala duwan. Arimahan dadku aadka ula yaaban yihiin ayaa kala Ah Sicir bararka sii socda & Amaanka oo faraha ka sii baxaya ,ayadoo dhamaanba maantadan la joogo la xiray Qaar ka mid ah Goobaha ganacsiga. Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa maanta 100 US,lugu badalanayay (Sadex Malyan & Labo Boqol & Konton Shiling Somalia) ah ayadoo taasna keentay in dad badan ay waayaan meelo ay wax ka gataan. Amaanka Magaalooyinka ayaa sidoo kale isaguna aad moodaa in uu mugdi ku jiro ,inkastoo magaalooyinka qaarkood ay Habeenkii Roondooyin ku maaraan ciidamada amaanka ee Puntland. Xukuumada Puntland ayaa mararka laga hadlayo amaanka waxa ay ku eedaysaa dad leh dano gaar ah ay wadaan falal ay uga soo horjeedaan Nidaamka & Kala danbeynta ka jirta deegaanada ,taasoo aad moodo marka dhinac loo fiiriyo in ay suurtagal tahay balse ma jiraan waxqabadyo dhab ah oo ay Xukuumada Puntland arintaasi ka sameysay. Magaalada Gaalkacyo oo ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn ee Puntland ,kana mid Magaalooyinka ku tiirsan tahay Dhismaha Puntland ayaa amaankeeda aad ay dadku uga cabanayaan. Xiliyada Habeenkii ah ayaa dadka Jidad loo galaa ,waxaa inta badan Laga furtaa waxyaabaha ay wataan oo dhan ,waxaana jira xataa hadii ay Kooxahaasi dadka wax ka waayaan ay dilayaan ,dadkaasna lama yaqaano meelaha ay ka soo baxaan mana jiraan dabagalo ay ku sameeyaan Hay’adaha Shaqada ku leh. Wariyaha AllPuntland ee falanqeeya Arimaha Amaanka ayaa calaamad su’aal saaraya dhibaatada ka taagan deegaanada Puntland ee leh dhinacyada badan ,kana soo horjeeda sii socoshada Horumar ay gaarto Umada ku dhaqan deegaanada Puntland. Wariyuhu wuxuu arimaha Sicir bararka ku tilmaamayaa in ay kala dhalatey Lacagaha fara badan ee lugu sameynayo deegaanada Puntland ,ayadoo taasna ay keentay in deegaanada ay si badan ku galaan lacagtaasi oo dadkana ay ku noqoto mid aan waxba uqaban laneyn. Daraasaad ay Sameysay Shabakada AllPuntland ayaa ay ku ogaatey Ganacsatada deegaanada Puntland ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka heista dadka ku Nool deegaanada Puntland ,ayna qeybta ugu weyn ku leeyihiin Lacagaha Been Abuurka ee ladaabacayo. Arimaha faraha badan ee isku kaashaday dadka ee Ku nool deegaanada Puntland ayaa ku soo beegmaya xili ay Sidoo kale dhaliilo ujeedinayaan Hay’adaha Xukuumiga ah ee Puntland ,kuwaasoo ay sheegayaan in aysan waxba ka qaban arimaha Amaanka & Sicir bararkan sii socda. Dadka Soomaaliyeed ee tagey deegaanada Puntland ayaa hada ku jira Maah-maah ay Soomaalidu horey tiri oo ah “ Ceelna Uma qodna Cidna uma maqna” taasoo ka dhigan sida maanta ka jirta Magaalooyinka Puntland. F. C. Geylan AllPuntland
  18. Ethios and their stooges wax fara ugu jira ma jidho.
  19. ^I would hope they would seek attention through the usual channels, not through bombings in Hargeysa. Enough Somali blood has been shed!! Duke afkiibaa juuqda gabe.
  20. JB.....Saaxib, what da hell is going on? :confused: web page