Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    260

Everything posted by Che -Guevara

  1. Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga oo maanta lagu gubay Magaalada Boosaaso Arbaco, April 23, 2008(HOL): Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka W/Bari ayaa maanta waxaa lagu gubay Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga, iyadoo gubitaanka warqadahaasna ay ka dambeeyeen wada hadallo dhexmaray Ganacsatadihii keensatay Warqadahaas iyo weliba Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso. Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada ayaa sidoo kale waxay isku af-garteen in la fur-furo oo howl-gab laga dhigo Makiinadda lacagtaas lagu daabici jiray, si aysan mar kale u dhicin in lacag Shilin Soomaali ah la daabaco. Waxaa kale oo ay labada dhinac isku af-garteen in Magaalada Boosaaso dabayaaqada todobaadkan, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota laga dhoofiyo Lix Nin oo Ajnabi ah oo lacagtaas daabici jiray. Go’aankan ay wada gaareen Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaas, kuwaasi oo beryahan uu faro ba’an ku hayo sicir barar ku yimid qiimaha Raashinka quutul-daruuriga ah iyo weliba sarifka lacagta Doollarka. Ugu dambeyntiina, goobtii lagu gubay Warqadahan laga sameyn jiray Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee been abuurka ah ayaa waxaa goob-joog ku ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo weliba Dadweyne aad u faro badan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  2. ^She actually is. Her parents who are here in Boston have disowned her. Supposedly she was to go to NYU, but opted for modelling,
  3. I think he is referring the story of Macondo from the novel One Years of Solitude by Gabo. What's the point of his piece though?
  4. Amnesty International strongly condemns the targeted killing of civilians in the raid. Eleven of the 21 dead were killed inside the mosque, including the Iman Sheik Saiid Yahya, Sheik Abdullah Mohamud and several Tabliq Islamic scholars. Eye-witnesses report that those killed inside the mosque were unarmed civilians taking no active part in hostilities. Seven of the 21 were reported to have died after their throats were cut – a form of extra-judicial execution practised by Ethiopian forces in Somalia. A spokesman for the Ethiopian government has denied the involvement of Ethiopian troops in these killings. web page
  5. horjeeda ayaa ka bilowday warshadii hore ee Baastada. Soomaalinews.com 23 Apr 08, 14:40 Dhageeso-Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo hurjeeda ayaa ka bilowday wadada warshadaha gaar ahaan warshadii hore ee Baastada.Dagaalka ayaa wali ka soconaya goobaha ku dhow warshada baastada, iyadoo dagaalka uu ka culus yahay dagaaladii hore. web page Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa inta badan xaafadaha ku dhow goobahaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
  6. War deg-deg ah Dagaal culus oo ka bilowday warshadda Baastada. (Muqdisho}23.4-8 " Wararka naga soo gaaraya degmada Hurwaa ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu bilaabmay dagaal u dhexeeyo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda. Dagaalka ayaa ka socda warshadda Baastada waxaana la maqlayaa rasaasta nuucyadeeda, waxaana madaafiic ay ku dhacayaan xaafadaha ku yaala degmada Hurwaa. Faah faahin buuxda lagama hayo dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay. Wixii ku soo kordhaya dagaalka waxaad kula socon dontaan warakeena dambe. Xafiiska Muqdisho WidhWidh Online
  7. ^Allpuntland and Duke are synonymous.
  8. Ciidamadan ayaa lakala geynayaan dalka Soomaaliya oo dhan When all else fails, call more of them
  9. Addis Ababa: Ciidamadii ugu badnaa ee ka socda Itoobiya oo ku fool leh Soomaaliya. 23. april 2008 Addis Ababa(AllPuntland)- Ciidamadii ugu faraha badnaa ee ka socda dawladda Faderaalka ee Itoobiya una dirto dalka Soomaaliya ayaa udhaqaaqay dalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa ka badan Sadex Jibaar ciidamada hada ka jooga Itoobiya Soomaaliya ,waxa ayna arintan ka dambeysay wada hadalo dheeri ah oo ay yeesheen todobaadkan Madaxda labadaasi wadan. Heshiiska Xukuumada Muqdisho & Addis Ababa ayaa dhaliyey in ciidamo gaaraya 45 Kun Askari ay tagaan dalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa lakala geynayaan dalka Soomaaliya oo dhan ,ayadoo gobal loogu talagalay ciidamo fara badan kuwasoo amaankiisa sugaya. Ujeedka ciidamadan faraha badan ayaa ah in ay hubka dhigaan dhamaanba dadka Soomaaliyeed oo dhan ayna dawladda Soomaaliya gacanteeda ku soo celiyaan dalka Soomaaliya oo dhan. Heshiiska labada dal ayaa la saxiixay maalmo kooban intii uusan dagaaladu ka bilaaban Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxaana loogu talagalay in ay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan. Horey Xukuumada Itoobiya Soomaaliya waxaa uga joogey ciidan aan ka badneyn 10 Kun oo Askari ,waxa ayna hada soo dirtay ciidamo Leh Cudud & Tababaro sarre. F. C. Geylan AllPuntland
  10. Xoogsade...You don't have to justify your stance whether those who gather to see this Da-dhilif are from one clan or not. That is beside the point. The issue here is these people came to support murderous SOB. They sat and laughed, listening to his speech while people were being literally slaughtered in mosques.
  11. ^Reducing to the Qabiil issue eh, that's your only argument otherwise these people laugh while their people in Xamer are being blown to bits.
  12. ^Atleast she is not promoting the slaughter of her own people!!!
  13. Lazy--We can question the tactics being employeed by Al-Shabaab and I personally don't care for global Jihad and their willingness to kill anyone who they deem UnIslamic.One must however keep in mind the Woyanes are not here to help. They are here to obliterate everything Somali, and they do that everyday in Somalia and SomaliGalbeed.The unfortunate actions by Al-Shabaab shouldn't excuse the atrocities committed by the Tigray on daily basis. P.S. And please those condemning the Al-Shabaab, if you disagree their methods, then join the fight! PPS...There are actual vidoes of this and many other atrocities. These things are rumors. A year or so ago, many saying Ethio troops in Somali soil were just a rumor, and now we have people saying atrocities by the Tigray are fabricated.
  14. Mogadishu, Monday ,21 April 2008,(Hornafrik Media). in ka badan 10 qof oo rayid ah kuwaas oo ay kujiraan culuma udiin ay ciidamada itoobiya ku gowraceen Masjidka Al Hidaaya ee ku yaala deegaanka waxaracade ayaa maantay la aasay xili tiro kale oo dad ah ay ciidamada itoobiya u wateen xarunta warshadii hore ee Baastada ee Magaalada Muqdisho. Dadka ay xasuuqeen ciidamada itoobiya ayaa waxa ka mid ah sheekh caan ah oo imaan ka ahaa Masjidka Al Hidaaya oo la yiraahdo SHeekh Saciid Yaxye. Ciidamada itoobiya ayaa sidoo kale saakay waxa ay xarunta warshada baastada u taxaabeen dad dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan culuma u diinka Tabliiqa. Meydadka dadkaan rayidka ah ayaa saakay lagu arkay goobihii ay shalay iska hor'imaadyada ka dhaceen waxana in ka badan 28 meydad dad rayid ah oo ciidamada itoobiya bireeyeen saakay lagu arkay agagaarka shaneemo cabdi waayeel iyo Masjidka Al Hidaaya. Dadka deegaanka SOS ayaa sheegay in dadka meydadkooda saakay laga helay deegaanadaasi ay u badan yihiin culuma udiin ku ciibaadaysanayay masjidka Tabliiqa Al Hidaya waxana dhamaantood meydadkaasi ka muuqanayay gowrac. Dhaawacyo ku go'doomay guryaha labadii maalin ee dagaaladu dhacayeen ayaa saakay iyaga oo aad u tabcaan ah laga soo saaray xaafado ka mid ah degmada huriwaa waxana dadkaasi ka mid ah carruur iyo haween Madaafiicda ciidamada itoobiya ridayeen ay ku dul dhaceen. Dhimashada labadii maalmood ee dagaaladu ka dhaceen degmada huriwaa iyo qeybo ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa waxa gaaraysaa dhimashada dad ka badan 100 qof,iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 250 ruux kuwaas oo isagu jiray dhinacyada dagaalku dhexmarayay iyo dadka rayidka ah,laakin khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray dadka rayidka. Dhinaca kale Meydadka labo qof oo rayid ah oo ay shalay galinkii dambe toogteen ciidamada itoobiya ayaa saakay lagu arkay deegaanka xamarjadiid degmada wardhiilay ee Magaalada Muqdisho. Meydadkaan ayaa laga helay agagaarka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho iyo xaafada Baar Hilaac ee deegaanka xamarjadiid. Toogashada dadkaan rayid ah ayaa la rumaysanyahay inay timid kadib markii shalay galinkii dambe ciidamada itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka ciyaaraha iyo deegaanka calikamiin ay kooxaha hubeysani weerar xoog leh ku qaadeen. Howlwadeena goobaha caafimaadka ayaa sheegay in dagaaladaan dhexmarayay ciidamada itoobiya iyo kooxaha kacdoonka ay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa mudooyinkaani iyadoo cusbitaalada Magaalada Muqdisho la dhigay dad ka badan 150 ruux oo isagu jira carruur,Haween iyo dad Da,ah. web page
  15. Laascaanood: 8 ayaa la dhaawacay 12 kalana xabsiga ayaa loo taxaabay ka dib Faashash isla dhaceen Laascaanood- April 22, 2008 Waxaa manta maxkamad la soo taagay 12 qof oo ka mid ah urur diimeed oo ku soo xoogeysanaya Gobolka Sool gaar ahaan magaala Madaxdiisa Laascaanood kaasoo lagu magacaabo Takfiir oo ah urur aaminsan in iyaga mooyee umada kale ay tahay dad aan Islaam ahayn. Xubnaha manta maxkamada la soo taagay ayaa waxa aay kala ahaayeen 6 rag ah iyo 6 dumar ah kuwaas oo loo haysto ka dib markii ay dhawaan weerar ba’an ku qadeen kooxo dhalinyara ah oo gabdha ah isla markaana ay ku werareen midiyo iyo faashash. Dood dheer ka dib ayaa ay wali ku xiran yihiin Saldhiga Laascaanood iyaga oo ay gacanta ku hayana ciidamada degaanka ee amaanka xukunkoodana dib loo dhigay ka dib markii ay aqoonsan waayeen sharciyada maxkamada dawcadooda qaadeysa iyaga oo uba arka dhamaan umada kale dad gala ah. Dadkan ayaa la soo qabtay ka dib markii ay dorada dagaal baaxad weyn ku qaadeen qaybo ka mid ah xaafada Daami halkaas oo ay dhaawc soo gaarsiiyeen ilaa 8 gabdhood oo ka mid ah dhalinyarada loo yaqaano YoYo-ga. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay is afdhaafeen oo ay murmeen gabdhaha YoYo-ga loo yaqaan ama degaan ahaan ku magic dheer Ha iga Baqan, iyo dumar xubno ka ah ururka xag jirka ah ee Al Takfiir . Muran dheer ka dib ayaa waxa loo itaal sheegtay haweenka Ururka Takfiirka ka dibna waxaa u soo gurmadaya ragooda iyaga oo sita faashash iyo tooreeyo si naxariis dara ahna ula dhacay gabdhihii yaryaraa . Falkaasi oo ahaa mid si weyn uga yaabiyay shacabaka Reer laascaanood ayaa waxaa markiiba soo gaadhay ciidamada amaanka ee degmada kuwaas oo sladhiga dhexe u taxaabay dhamaan xubnihii ka tirsanaa ururka Takfiir ee sida naxariis darada ah u laayaya dhalinta magaalada ee aan ku shuqulka lahayn ururada diimaha . Mid ka mid ah Raga Takfiirka ah oo ay Xargaga Online kula kulntay magaalada Laascanaood ayaa u xaqiijiyay in uu dagaalka iyaga lagu soo qaday isla markaana ay is difaacyeen hase ahaate mar aanu wax ka weydiinay qaabka iyo qalabka ay u adeegsadeen gabdhaha yaryar ee ay afka un ka wada hadleen haweenkooda ayuu kaga jawaabay in ayba habooneyd in dhamaantood madaxa laga gooyo waayo ayuu yiri uma aqoonsanin in ay islaam yihiin adiguna ku daree (weriyaha Xargaga ) . Ururka Takfiir waa urur ka mid ah firqooyinka diinta Islaamka isla markaana ah kan ugu xag jirsan waxaana ay aamin san yihiin xubnahooda cidii aan ka mid ahayn ururkooda in aysan islaam ahayn, Dhaqan ahaana ma cunaan hilib aysan iyagu nefkiisa bireyn. Seddexdii sane ee u dambeysay ayay si xoog leh ugu soo badanyeen magaalada Laascaanood. Kooxda dhalinyarada ah ee ay hada isku dheceen ayaa ah kooxo dhalin yara ah oo inta badana ka jira magaalooyinka waaweeyn ee dalka Somalia, waxaana ay da’doodu u dhexeysaa 12 ilaa 18 jir . Astaamaha lagu garto ayaa ah iyaga oo koox koox isu raaca, caada ahaana ma ahan kuwa ku lug leh dhinaca rabshadaha oo waxa ay inta badan ku mashquulsna yihiin dhageysiga heesa wallow ay hada dalka Somalia ay aad u dhageystaan heesaha afka Xabshiga . Wiilashu waxa ay ku lebistaan saraawiil ku dhegan gabdhuhuna waxa ay inta badan xidhaan dhar ku dhegan waxaase u dheer indha Shareer oo ay wajigoodu ku qarsadaan gabdhuhu, magaalada Laascaanood aad uguma aysan fidin laakin gabdhaha jooga ee ka mid ah ururkana wxaa halkan looga yaqaan Ha iga baqan , xogoodu waxaa ay ka soo hayaamaan gobolada Waqooyi waan arin ta badan mucjisa ah halka aya ka helaan dhaqaalha xooga badan ee ku baxa labiska qaaliga ah ee ay xidhaan maadama ay intooda badani kaligood (waliid la’aan) nool yihiin oo ay ka soo hayaameen walidkood. Xiligii maxaakiimtu ka talineysay magaalada Muqdisho waxaa soo gaadhay dhirbaaxo weyn taaso kaliftay in ay isaga hayamaan Muqdisho xiligaas . Horaantii sanadkana waxa ay ururka YOYO-gu fooda is dareen ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa ka dib cabasha ay soo gudbiyeen culimada Hargeysa oo dalabaday in magaalada laga fadhiisiyo dhalinyarada YOYO-ga . Xargaga Online Laascaanood,Somalia sscayn@gmail.com
  16. Ethiopian soldiers blamed for mosque massacre in Somalia 21 Apr 21, 2008 - 6:12:20 PM MOGADISHU, Somalia Apr 21 (Garowe Online) - Ethiopian soldiers deployed in southern Somalia are responsible for a brutal killing at a mosque in the capital Mogadishu yesterday, witnesses and confidential sources said. Residents in Mogadishu's Huriwa district buried dead victims from two days of intense fighting in the capital between Islamist-led insurgents and Ethiopian troops backing the country's weak secular government. A witness named Omar told Garowe Online that he was inside al Hidaya Mosque in Huriwa district when Ethiopian soldiers stormed inside on Sunday. "The first person they [Ethiopian soldiers] killed was Sheikh Said Yahya, the Imam [prayer leader]," Omar said, adding that the late Imam opened the mosque door after the soldiers knocked. "I stood above 11 dead bodies, some with their throat slit and others shot to death," said the witness describing the gruesome scene. Of the 11 dead victims, nine were regular congregants at the mosque and reportedly were part of the Tabliiq wing of Sunni Islam. A source who took part in Monday's effort to bury the dead victims privately told Garowe Online that some of the victims had their hands cut off and their backs broken. Another source who was arrested by Ethiopian soldiers yesterday at al Hidaya Mosque and released today said the soldiers ordered him and other detainees not to return to the mosque. "They accused us [detainees] of attacking them [Ethiopian soldiers] and said that we were trained at the [al Hidaya] mosque," said the source who did not want his name in print. It is not clear why Ethiopian troops attacked al Hidaya Mosque, which is frequented by Tabliiq congregants who are reportedly not involved in the insurgency. Upwards of 80 people were killed over the weekend in Mogadishu, according to the Elman Human Rights group. Mogadishu-area hospitals said more than 120 wounded people have been admitted since Friday, according to an inquiry by Garowe Online. Somali Prime Minister Nur "Adde" Hassan Hussein defended the military operation in Huriwa district, telling the international media that Somali and Ethiopian troops will "defend themselves as they come under constant attack." [ Full story] Somalia's Ethiopian-backed interim government is attempting to restore national order since its establishment in 2004. But the government has faced armed resistance since January 2007 led by remnants of an Islamist movement that once ruled Mogadishu. Source: Garowe Online
  17. Dad meyd ah oo la gawracay oo laga helay goobo lagu hirdamay iyo Nuur Cadde oo ka hadlay dagaalada Muqdisho Jamaal Cismaan _____________________ Muqdisho, 21 April, 2008 (WDN) - Dad ku dhaw 30 ruux oo rayid ah oo lagala soo baxay guryahooda qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir, ayaa la sheegay in qudha ay ka jareen ciidamada Itoobiyaanka oo guryahooda kala soo baxeen. Qaar ka mid ah dadka degmadaasi oo WardheerNews la xiriirtay ayaa sheegay in ay odaya dhaqameedyo ku guda jiraan soo ururinta meydka oo midba meel laga soo helaayo, waxaana dhamaan dadkaasi ay yihiin kuwo qoorta ka jaran. Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan laakiin ma jiraan wax dagaallo ah sidii labadii maalin ee la soo dhaafay oo kale ah. Waxaana dagaaladii labadii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacay Muqdisho ku dhintay dad ku dhow 100 ruux oo ay ku jiraan rayid ah oo xabadu haleeshay, kuwaasi oo aan haba yaraatee dagaallo shaqo ku laheyn . Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay Masjidka Hiddaaya ee degmada Heliwa ku wateen waddaado Tabliiq ah oo gaaraaya 30 ruux , kuwaasi oo inta ay wajiyada ka xireen ka xeystay. Ma cadda halka loola kacay wadaaddaasi. Dhinac kalena Ra'isul wasaaraha DFKMG Col.Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa si weyn u difaacay dagaalka ciidamada Itoobiya kula jiraan kooxaha ka soo horjeeda. Ra'isul wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwo is difaacaya isla markaana ka jawaabaya weerarada gardarada ah oo ay ku soo qaadayaan kooxaha ka soo horjeeda. "Runtii dagaalka labada maalin ka socanaya waxaan u arkaa in uu yahay mid ciidamada Itoobiya isaga difaacayaan weerarada gardarada ah oo ay ku soo qaadayaan kooxaha ka soo horjeeda" ayuu yiri ra'isul wasaare Nuur cadde. Ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa hadalkaani ka sheegay mar uu saxaafada Muqdisho kula hadlayay isaga oo sidoo kalena ugu baaqay kooxaha dowlada ka soo horjeeda in ay nabada dalka la ilaaliyaan. Sidoo kale ra'isul wasaare Nuur cadde ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadiisa isku dhafi doonto ciidamada dowlada ee haatan ka howlgala gudaha dalka isla markaana tababaro loo furi dono. Waxaa uu sheegay in arintaasi ku qaadan doonto mudo sedex bilood ah, isla markaana sugida amniga ku wareejin doonaan ciidamadaasi la isku dhafay soona qaatay tababarka. Si kastaba hadalkan ka soo baxay ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa ku soob eegmay xili mudo 2-maalmood ah dagaal qaraar muqdisho ku dhex marayay ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda, kaasi oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah. Jamaal Cismaan WardheerNews, Muqdisho