Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,590
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    260

Everything posted by Che -Guevara

  1. Should they be charged and faced the maximum penatly? Boy texts nude photo of 13-year-old girlfriend to friends FALMOUTH, Mass. -- A boy who took a nude photo of his 13-year-old girlfriend and texted it to his friends could face serious charges. School officials confirmed six boys at the Lawrence School between the ages of 12 and 14 are under investigation for a "sexting" scandal. "Clearly, we are taking it very seriously, and we want to educate kids and parents about the seriousness of this type issue," said Marc Dupuis, Superintendent of Falmouth Schools. Police reportedly issued child pornography charges against the six middle school students. Parents at the middle school Tuesday night said it is a call to action. "Children will be children, but they need to understand these things can be passed around an end up anywhere," a parent said. "As a mother of a high school teenager you try to not impose because you want to think they have good judgment but at the same time you want to peer over their shoulder to see what they are doing," said one concerned parent. School officials have sent out an e-mail to parents informing them of the situation and they plan on going classroom to classroom to talk with the students this week. (Copyright © 2009 Sunbeam Television Corp. All Rights Reserved.
  2. I saw this man and his kid begging at the train station yesterday-how humiliating it must be for this man. It was sobering sight.
  3. Hadalkii Madxweyne Ku Xigeenka Iyo Dawladda Djibouti Oo Joojisay Basaborkii Somaliland February 10th, 2009 Dawladda Djibouti Oo Joojisay Basaborka Somaliland Djibouti (Geeska) -Dawladda Djibouti ayaa toddobaadkan joojisay in baasaaborka dawladda Somaliland lagu galo dalkeeda, waxaanay saraakiisha socdaalku joojiyeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo sitay baasaaboorka. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in markii soo noqodkiisa uu marayay madaarka Djibouti uu isku dayay inuu galo gudaha magaalada Djibouti, balse loo sheegay in la joojiyay fiisaynta baasaaboorka Somaliland, “Waxaan ka dalbaday fiiso si aan u galo gudaha magaalada Djibouti, laakiin markii ay saraakiisha socdaalku arkeen baasaaboorkayga Somaliland ayay ii sheegeen in amar lagu siiyay inaan wax fiise ah lagu dhufan baasaaboorka Somaliland.” Ayuu yidhi Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay igu yidhaahdeen markii hore waanu fiisayn jirnay, laakiin dhawaan ayaa amar lagu bixiyay in la joojiyo fiisaynta baasaaboorka Somaliland.” Markii ay saraakiisha socdaalka ee Djibouti u diideen Mudane Waqaf inay u fiiseeyaan baasaaboorka Somaliland, waxa weheliyay masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland balse isagu ku socdaalayay baasaaboorkii hore ee Somaliya kaas oo ay isaga fiiseeyeen. “Itoobiya waa lana soo dhawayanayay laakiin Djibouti waxa lanoo diiday in lanoo fiiseeyo baasaaboorka Somaliland.” Ayuu yidhi Waqaf. Xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan cusub ee ka soo yeedhay masuulkan ee sheegaya in dawladda Djibouti joojisay in dalkeeda lagu galo baasaaboorka Somaliland, ayaanay noo suurto gelin. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxa la arkayay xidhiidhka Djibouti iyo Somaliland oo si xawli ah u soo korayay, waxaanay labada dawladood dhawaan ku heshiiyeen qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in Hargeysa iyo Djibouti si dhakhso ah looga furo laba xafiis oo wakiilo u ah labada wadan iyo weliba labada dhinac [somaliland iyo Djibouti] islamarkaana la fududeeyo isu socodka ganacsiga labada bulsho. Laakiin ilaa hadda labada dawladood xafiis iyo wakiil toona midkoodna ma magacaabin. Hase yeeshe go’aankan cusub ee uu Mudane Waqaf sheegay in Djibouti ku joojisay in dalkeeda lagu galo baasaaboorka Somaliland ayaa u muuqda mid kedis ah. Dhawaan ayaa dalka Djibouti waxa lagu dhisay dawladda cusub ee loo sameeyay dalka Somaliya, taas oo uu Madaxweyne ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
  4. Hargeisa, 10 Feb 2009 (Somaliland. Post)- “Why do our forces put their lives at risk in defending the eastern border if Somaliland is not seperated from Somalia” asked Mr. Bihi, KULMIYE’s vice chairman, Somaliland. Post reports Speaking to journalists, the first vice chairman of KULMIYE- Somaliland’s main opposition party-, Mr. Muse Bihi Abdi, has yesterday reassured the public confidence by stating that his party will ensure that Somaliland’s hard won independence will not be lost and that the borders with the neighbouring countries will be safely guarded. Mr. Bihi was referring to a speech delivered by Somaliland’s vice president, Mr. Ahmed Yasin, on Sunday in which he said that Somaliland and Somalia can not be separated and that there is no border between them. In the speech, Mr. Yasin also stated that his government could work well with the new UN-backed Somali government, headed by Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. Mr. Yasin’s speech, which made a front-page story in most of the Somaliland newspapers and some foreign media outlets, has come as a shock to the public and to the opposition parties, opening all sorts of speculations about the government’s future intentions on the question of Somaliland’s sovereignty. “Mr. Yasin’s statement constitutes a breach with the Somaliland constitution, that declares Somaliland as independent country”- Bihi told the press conference, calling the statement as “being reflective of the ruling party’s view only”. In what was widely seen as a strong reminder to the ruling party, Mr. Bihi, “said ‘ the people of Somaliland suffered heavily both in life and in material during the union with Somalia and they won their freedom through a long armed struggle, which neither the vice president nor most of the members of his government had not been part of it”. Some regional analysts say the timing of the Vice President’s speech may indicate a change in thinking of the current Hargeisa government. They say the statement comes at a time when the newly elected president of Somalia, Sheikh Ahmed, is striking political deals with some of the factions opposed to his government. International observers have always seen Somaliland as the biggest challenge for any future Somali president to deal with. Somalil’s new president, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, has previously led the Islamic Courts Union, which ruled parts of Somalia in 2006 before it was defeated by the Ethiopians. Two years after the invasion and the guerrilla war it provoked, Somalia has now in many ways come in full circle. Islamist militias control the country’s capital and other key cities and the transitional government is trying to establish a foothold. But this time, Sheikh Ahmed is back as the leader of Somalia’s U.N.-backed transitional government . Source: Somaliland.Org
  5. ^ Sheh..Waxaan kacabsanaa Ibti willn't be able to look you in the eye. Pujah...I was mix of shock and amusement
  6. There are pictures of Sheekh Shariif holding hands with Qaybdiid and the likes circulating on somali news websites, such wisdom to forgive warlords and bring them into the fold for the sake of peace, must be applied to the more deserving somalis who shed their blood in honour of their mother country and who earned the respect of many. Hopefully those that matter will understand that!
  7. Sheekh Shariif “Waa jirtaa in qaar ka mid ah madaxda dhinacyada diidan Dowlada aan la yeeshay kulamo toos ah iyo kuwa dadban” Madaxweynaha xukuumada federaalka Somalia Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ka hor inta uusan duhurnimadii maanta ka duulin isaga iyo wafdigii uu horkacayey garoonka Aadan cadde iyagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti. Madaxweyne Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id kaga warbixiyey kulamo uu intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida hogaanka gudaha ee midowga maxaakiimta Islaamka, culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka siyaasiiyiin ay iyo qeybo kale oo badan, kuwaasoo uu sheegay iney isla soo qaadeen sidii nabad looga abuuri lahaa Somalia iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo ku dhaqanka sharecada Islaamka. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dhamaan kulamadaasi ay ahaayeen kuwo yididiilo badan leh oo guul ku dhamaaday, isla markaana si weyn looga taageeray Dowladda Somalia wuxuuna dhinaca kale madaxweynuhu tacsi u diray bahda warbaahinta Somaliyed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Saciid Tahliil Axmed oo dhowaan kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay bahda warbaahinta iney dhabar adeygaan. “Dadkii aan la kulmay waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah madaxda muqaawamada ka soo horjeeda Dowladda, kuwo kalena si dadban ayaan u wada hadalnay haddii ay ahaan laheyd telefoon iyo u kala dab qaadid intaba meel aad u wanaagsan ayeyna hadda wadadalada inoo marayaan” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Somalia oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo aheyd warar soo baxay oo sheegaya inuu la kulmay qaar ka mid xoogaga Al Shabaab iyo xisbul Islaam. Cabdishakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@live.com dayniilecom@hotmail.com deyniilenews@yahoo.com
  8. Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo qiray in ay wada hadalo yeesheen Kooxaha ka soo horjeeda Dawladiisa. 10. february 2009 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif SHeekh Axmed ayaa si waadax ah uqiray in ay wada hadalo yeesheen isaga iyo Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa, wuxuuna sheegay in ay wada hadaladaasi ku soo dhamaadeen jawi wanaagsan. Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir Jaraa'id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa qiray in ay wada hadaladaasi ahaayeen kuwa ay soo abaabuleen rag kala matalayay dhinacyadan kala duwan, wuxuuna tibaaxay in ay jiraan Dhexdhaxaadiyaal ka kala socday Siyaasiin iyo Urrada Bulshadu ay u istaagaan Howshaasi. Madaxweynaha dawladda Faderaalka intii uusan gaarin Magaalada Jabuuti, kana duulin Caasumada Soomaaliya wuxuu tibaaxay in uu Jabuuti ku magacaabayo Raysalwasaaraha dawladiisa, isagoo sheegay in uu Raysalwasaarahaasi noqon doono nin wax ka qabta xaalada Soomaaliya,isla markaasna soo dhisa dawlad Midnimo qaran oo ka hirgasha gudaha dalka Soomaaliya. Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in uu nabad ku raadinayo wax walba, wuxuuna sheegay in aysan marnaba suuragal aheyn in dagaal wax lugu xaliyo, isagoo tibaaxay in loo baahan yahay in ay Shacabka Soomaliyeed taageeraan dawladiisa, si buu yiri loo gaaro Horumar weyn oo la taaban karo. Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdigii uu hogaaminayay ayaa udhoofay Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxa uuna caawa ama beri ku magacaabayaa Magaalada Jabuuti Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kaasoo ay tartan badan ugu jiraan dad badan oo ka soo jeeda beelaha kala duwan ee Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland
  9. Juje...I thought you say the man is not in the running anymore, or atleast he wasn't the front runner.
  10. ^ No curses Ayeeyo Completely irrelevent, but the other day I saw two desi chicks making out. I couldn't look away, not cuz they were two chicks kissing, but the fact were Desis..The look on my face must have been very disapproving cuz they stop once they caught my eye.
  11. What are you trying to say Ayeeyo? I had while dedicated to Ibti n Sheh
  12. Nuur Cade was reasonable stooge! Xasan Turki oo soo gaaray Vila Somaliya Warar hoose oo naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in madax weynaha DFKM Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu la yeeshay kulamo Saraakiil ka tirsan xoogagga Islaamiyiinta ee sida ba,an uga soo horjeeda dowladiisa sida Abuumansuur iyo Xasan turki Shirkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Saraakiisha uu madaxweynaha la leeyahay kulan ka ayaa waxaa ku jira madax ka tirsan ururka Al-shabaab iyo Xisbi Islaami iyadoo kulankan uu xasan turki la yeelanayo Madaxwayanaha uu ka danbeeyo faarax macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Kulankaan ayaa ilaa hadda la aqoon wax yaabihii ka soo baxay waxaan dadwey naha Muqdisho ay aad u hadal hayaan wixii ka soo bixi kara walow aan weli si rasmi ah loo shaacin kulamadaan soconaya. Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada Muqdisho iyo in si wadajir ah amaanka magaalada loo adkeeyo warar la isla dhexmarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulankii ka dhacay Villa Soomaaliya ay ka qayb galeen Madax ka tirsan Al-shabaab iyo Xisbi Islaami waxaan dadku aad u hadal hayaa in Sheikh Hassan Turki iyo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ay ka mid ahaayeen raggii la kulmay madaxweynaha DFKM Sheikh Shariif walow aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxda Al-shabaab iyo Xisbi Islaami oo ku saabsan wax ka jira kulan kan. Xasan turki ayaa waxa uu saakay ka soo galay dhinca Afgooye isagoo meel dhexana ay uuga hor imadeen Madaxada Maxaakiimta ee uu hogaamiye Sh Cabdi Qaadir waxaa isla markiiba ay soo abaren Xarunta Madaxtooyada Dhinaca kale Xaabsade aya awaxa uu aad u wadaa kulamo uu la yeelanayo Abuu mansuur oo uu ku qancinayo in uu la heshiiyo dowlada maadaama ay hada fursad haystaan waxaa laga yaabaa in saacdaaha soo socda ay ku dhawaaqaan in ay heshiyeen garabyada Dowlada KMG iyo Abuu mansuur halka Xasan Turki uu caawa fiidkii uu la tashiyo kula laabtay Hogaamiyaasha Raaskanbooni Xoghaynta Madaxwyanaha ayaa waxa uu noo balan qaaday in uu na soo siin doono halka ay wax marayaan daqiiqado walba Cumar Faaruuq Muqdisho
  13. ^But are they in Xamar..? What could be more important talking to Al-Shabaab about a peace process?..They are one group that could undo his goals for the country.
  14. Xasan Turki Iyo Mukhtaar Roobow Oo Muqdisho Yimi Iyo Ujeeedka Safarkooda ....? Muqdisho} 9-2-09"Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa si kala gooni gooni ah u soo gaadhay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona imaanshahooda uu ka soo baxayo warar is khilaafsan. Sheekh Xasan Turki oo hogaamiya Mucaskarka Raaskambooni isla markaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor soo gaadhay Degmada Afgooye, isagoona kadib usoo gudbay Magaalada Muqdisho. Wadaadkan oo ka mid ah xubnaha liiska ugu jira waxa uu Mareykanka ugu yeedho Argagixisada ayay warar qaar ahi sheegayaan inuu socdo qorshe lagu kulan siinayo isaga iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif. Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ay u socdaan wada xaajoodyo taasoo ku aadan sidii Alshabaab loogu qancin lahaa inay ku soo biiraan dadaalada nabada, ayna taageeraan Dowladda cusub. Inkastoo aan la heyn xog dhab ah, hadana wararka aadka loo hadal hayo ayaa ah kulamada la filayo inay yeeshaan qaar ka mid ah Hogaamiyeye diimeedyada, iyadoona Xubno aan la carabaabin ay wadaan dadaalo la isugu keenayo dhinacyada Islaamiyiinta ee mabaa'diida isku diidan. Widhwidh Online News Desk..Media Center
  15. Here's Jowhar.com..Still speculation though..If this is true..It is positive step Sheekh Xasan Turki iyo Abuu Mansuur oo soo gaaray Magaalada Muqdisho. Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa si kala gooni gooni ah u soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona imaanshahooda uu ka soo baxayo warar is khilaafsan. Sheekh Xasan Turki oo hogaamiya Mucaskarka Raaskambooni isla markaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor soo gaaray Degmada Afgooye, isagoona kadib usoo gudbay Magaalada Muqdisho. Wadaadkan oo ka mid ah xubnaha liiska ugu jira waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagixisada ayay warar qaar ahi sheegayaan inuu socdo qorshe lagu kulan siinayo isaga iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif. Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ay u socdaan wada xaajoodyo taasoo ku aadan sidii Alshabaab loogu qancin lahaa inay ku soo biiraan dadaalada nabada, ayna taageeraan Dowladda cusub. Inkastoo aan la heyn xog dhab ah, hadana wararka aadka loo hadal haayo ayaa ah kulamada la filayo inay yeeshaan qaar ka mid ah Hogaamiyeye diimeedyada, iyadoona Xubno aan la carabaabin ay wadaan dadaalo la isugu keenayo dhinacyada Islaamiyiinta ee mabaa'diida isku diidan. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  16. I find this to be highly unlikely, but is anyone else reporting it?
  17. Muqdisho: Warar ka soo baxaya in ay kulmeen Shariif Sheekh Axmed, Muqtaar Roobow & Xasan Turki oo soo badanaya. 9. februar 2009 Muqdisho(AllPuntland)- Tan iyo xalay saqdii dhexe waxaa soo baxayay warar xaqiijinaya in ay wada hadalo Madaxtooyada Muqdisho ku qaateen Hogaamiyaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) iyo Hogaamiyaha la aaminsan yahay in uu yahay ninka labaad ee ugu sareeya Kooxaha waqtigan ka soo horjeeda Maamulka Shariif Col. Sheekh Xasan Cabdullaahi Cali (Xasan Turki). Kulanka ragan ayaa lasheegay in uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, uuna dhacay saacado kala duwan ayna qaateen kulamadan saacado badan isla markaasna ay ka qeybgaleen rag ka soo kala jeeda Beelaha ay ragan ka soo jeedaan Asal ahaan. Kulankii ugu horeeyey ayaa lasheegay in uu dhexmaray Abu-Mansuur iyo Shariif Sheekh Axmed, uuna ku waheliyey uu wada hadalsiinayay Wasiirkii hore ee Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay ay jifo hoosaad isla yihiin Abu-Mansuur, waxaana aan la aqoon waxyaabaha laga wada hadalay iyo ugu dambeyntii waxa laysku raacay. Masuul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Muqdisho ayaa usheegay AllPuntland in uu kulankaan ahaa mid siweyn loo soo abaabulay, ayna Guriga isku xirteen oo kaliya sadex Siyaasi ee kulmayay, wuxuuna habayaraatee diiday in uu sheego waxyaabaha laga wada hadalay, isagoo ku soo koobay hadalka in uu Shirkaasi ahaa mid aan la aqoon waxa ka soo baxay. Kulanka labaad ayaa dhacay markii uu Muqdisho soo gaaray Sheekh Xasan Cabdullaahi Cali (Xasan Turki), isagoo ay galbinayaan gaadiid dagaal oo fara badan, ayna ku muuqdaan caalamado dadka tusayay in ay hada ka soo galeen dhul sare ayaa gaaray agaagarka iyo daafaha Xarunta Madaxtooyada oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM. Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Cabdullaahi, waxaa kulankooda ku waheliyey labo nin oo ka soo jeeda Beesha uu ka soo jeedo Xasan Turki oo ah Beesha *******, waxaana Madaxweyne Shariif lasheegay in uu siweyn usoo dhaweeyey Xasan Turki oo ay mudo dheer saaxiibo siyaasadeed ahaayeen. Kulankan wuxuu la mid ahaa kulankii hore udhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo Muqtaar Roobow Abu-Mansuur, waxaana aan si wanaagsan aan loo garaneyn waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo waxyaabaha isla meel dhigeen. Warar Madax banaan ayaa sheegay in uu Shariif Sheekh Axmed ka codsaday Sheekh Xasan Cabdullaahi (Xasan Turki) in uu lashaqeeyo maamulkiisa, isla markaasna uu ka qeybqaato nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya, maadaama uu ka mid yahay dadka faro ku tiris ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, qeyb weyna kaga jira Siyaasada dalka Soomaaliya. Xasan Turki ayaa lugu waramay in uu maalmahaan wada hadalo Muqdisho kula yeelanayo Siyaasiin ka soo jeeda beesha uu ka dhashay, isla markaasna uu kala hadlayo qodobadii uu kala soo kulmay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. Shariif Sheekh Axmed. Wararka ku saabsan Kulamadan dhamaantood waxaa uxaqiijiyey AllPuntland, Saraakiil ka tirsan Xaafiiska Madaxtooyada, waxa ayna guud ahaan diideen ilahan kala duwan in la xigtoi ama aan sheegno Magacyadooda, ayagoo sheegay in waqtigan Xaafiiska Madaxweyne Shariif hayo shaqooyin badan oo culus, isla markaasna aan laga hordhici karin qodobada ay gaarayaan dhinacyada Siyaasada. F. C. Geylan AllPuntland
  18. “Waxaan filayaa iminka maamulka Qabsaday Koonfur inaynu la jaanqaadi karno … dabcan Soomaaliyi kala maarmi mayso” M/weynekuxigeenka SL February 8th, 2009 Ahmed-yusuf-yaasiin Hargaysa (Somaliland.org) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta sheegay in xukuumadda talada haysa ee Somaliland ay la jaan-qaadi karayso maamulka cusub ee koonfurta Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isla markaana Soomaali aanay meelna kala tagayn. Ahmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayey jeediyay qado sharaf ay xukuumaddu u samaysay xubno qurbo jooga Somaliland ka mid ah oo ka soo qayb galay shirkii UDUB ee garabka Madaxwayne Riyaale ee dhawaan la soo gabagabeeyay, waxa uu caddeeyey in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay nidaam Federaali ah ama midnimo debecsan oo Somaliland iyo Soomaaliya ay mar kale isugu yimaaddaan. Isagoo ka hadlaya guulaha xukuumaddoodu gaadhey, gaar ahaan arrimaha dibadda, waxa uu yidhi, “Berigii hore halkay inaga taagnaayeen arrimaha Dibaddu maanta inaga taagna, waa very close [aad baynu isugu dhownahay]. Waxaan weliba rajeynayaa, haddaynu nahay Somaliland, waxaan filayaa iminka maamulka qabsaday Koonfur inaynu la jaanqaadi karno, waayo, waa dhallinyaro cusuboo da’dii 60kii talinaysey meesha way ka baxday. Waxa weeye da’dii 60kii talinaysey waa da’ ciilqabta oo wax badani, siyaasado badani soo dhexmareen”. “Waxaan filayaa Shariifku inuu arrinka Somaliland iyo Soomaaliya inaanu si fiican isula lafa-guri doono oo dabcan Soomaaliyi kala maarmi mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysa .. sidaa Yurub baa dee la noqon doonaa, laakiin qolo waliba horta inay dib isu soo dhisto oo dib u muuqato oo dabadeedna hadhow wixii magaranaysaa dee … ninna laga celin maayo Hargeysa, ninna Xamar laga celin maayo,” ayuu raaciyey Madaxweynekuxigeenku. Waxana uu intaa ku daray oo sheegay in dadka khalad laga fahamsiiyey xidhista xuduudka Somaliland la leedahay Soomaaliya. “Dadka khalad baa la fahamsiiyey oo waxa la yidhi xad baa la xidhayaa oo ciidan baa tegayo oo ninna soo gudbi maayo. Waa waxa dadka lagu fogeynaayo, dadku waa dadkii uun. Laakiin, Yurubba sidaa ay wax u kala leedahay baynu u kala yeelanaynaa,” ayuu yidhi mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweynekuxigeenka Somaliland. Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Hargaysa.
  19. ^ Xaaji..I was thinking the same thing. It gotta very unpopular to say such in thing unless the man wants to undermine his boss.