-
Content Count
7,318 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
170
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Suldaanka
-
Booqashadii Suldaan Cusmaan Suldaan Cali ee Ottawa Canada Waxa boqasho isbuucan ku yimi magaalo madaxda dalkan Canada ee Ottawa mid ka mid ah salaadiinta reer Somaliland Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa safiirkiisu salka ku hayaa u kuur gelida marxalada guud ee qurba jooga reer Somaliland iyo weliba ka xogsiinta xaalada dhaqan dhaqaale ee dalkoodii hooyo. Hadaba Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa maliintii axada ee tariikhduna aheyd may 1 2005 waxa uu kula hadlay jaaliyada reer Somaliland gole weyn oo ku yaala magaaladan Ottawa, kulanka waxa ka sooqeyb galay mujtamac ka kooban aqoonyahano indheer garad, culumaaudiin rag dumar waayeel iyo caruur. Waxa furitaankii kulanka aayado quraan Ah iyo wacdi diiniya oo aad loogu qushuucay halkaa ka soo jeediyay sheikh cabdirashiid Mohamed,intaa kadib waxaa hadalkii qaatay Cusman Sheikh Dalmar oo ahaa xidhiidhiyaha xaflada, Cismaan Sheik Dalmar waxa uu si aad u qurux badan uga waramay tariiqda saldanada iyo ujeedoyinka Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar uu halkan u yimi. Intaa kadib waxa Cusmaan sheikh Dalmar ku soo dhaweeyay codbaahiyaha Suldaan Cusmaan Suldaan Cali. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa waxa uu ugu dulmaray mujtamicii halkaa isugu yimi taarkhdii dheereed ee jamhuriyada Somaliland ay soo martay, hadey tahay halgan kii dheeraa ay la gashay gumeytihii ingriiska iyo kii u danbeeyay ee ay la gashay xukuumadii dhexe ee jamhuuriyadii la isku oran jiray Somalia, iyo ta xiligan taagan ay ku jirto ee habsami u socdka dimuquraadiyada iyo xal u helida arinta murgsan ee bariga Somaliland ee laascanood, iyo himilooyinka ay mustaqbalka higsaneyso jamhuuriyada Somaliland. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa waxa kale oo uu dadkii halkaa isugu yimi ku adkeeyay muhimada ay leedahay in aanay ka tegin dhaqankooda iyo diintooda Isalaamka, oo aaneyna marnaba iloobin wadankii iyo dadkii ay ka yimaadeen, balse u raaciyay taa micneheedu in aaney aheyn in ay ka dhacaan nolosha wadankan ay ku nool yihiin. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa xog warankiisii dabadeed waxa uu suaalo uga jawaabay shacabkii halkaa isgu yimi oo aad ugu qushuucay macluumaadkii ay halkaa kal hoydeen. DR. Maxamud Tani oo ku hadlaya magaca jahliyada Somaliland ee Ottawa ayaa isaguna qudbad soo dhawayn iyo mahadnaq isugu jirta oo aad dadka uga qoslisay ku soo dhaweeyay Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Dr tani waxa u sheegay in Salaadinta Somaliland yihiin saldhiga geedi socodka nabada iyo isu soo dhawaynta ummada. Dr. Tani waxa uu sheegay Suldaan Cusmaan Suldaan Cali ay taarikhda u gashay inuu noqdo suldaankii u horeeya ee isu soo mara Yurub ilaa America sii uu ugu kuur galo nolasha iyo waayaha jaaliyadaha somaliland ee debedaha ku nool kuna xidho dalakoodi hooyo. Dr. Tani waxa uu sheegay in sidaas oo kale looga bahan Salaadiinta kale ee reer Somaliland. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali ayaa ugu danbeyntii ku gacan qaaday dadkii halkaa isugu yimi deetana mahad balaaran uga soo jeediyay halkaa ka sooqeyb gelayaashii iyo isu soo duweyaashii kulankaa balaaran, kuna booriyay in ay xoojiyaan iska warheyntooda. Suldaan Cusmaan ayaa markii ay u dhamaatay booqashadisii caasimada Canada ee Ottawa ka dib u sii gudbay isaga iyo waftii baladhaan oo sii gelbiyay dhankaa iyo magaalada Toronto ee isla dalkan Canada. Warbixintan oo ay si wada jir ah usoo diyaariyeen Ibrahin Kahin Ahmed iyo C/qaadir Xuseen waxay iyagoo ku hadlaaya magaca Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar mahad aan lo soo koobi karin u soo jeedinayaan gudidii ka koobnaa odayaasha iyo Haweeka ee sida hagarlaanta ah isagu taxalujisay ka midha dhalinta xafladan. Ibrahim Kahin iyo C/qaadir Xuseen
-
^ LOL "calankaan baan ka baqayaa in ee gaaladu nugu soo weerarto maxaa yeelay wuxuu u qaab eg yahay kii sadaam"
-
WIND & LANDER I agree with you guys that there needs to be a clear vision as to how it would be managed in a beneficial and economically sustainable manner. The current elites in the SL admin are too corrupt for them to assume the responsiblity of this huge task. I mean, they are strugling to manage the current national budget which suffices to beanuts if you compare the revenue that would otherwise pour in from oil exports. We are talking about a possible revenue that runs in the hundreds of millions if not billions of dollars. The way I see this is that it is a must for us to have an Independent committee of trustworthy Somalilanders similar to the one that oversees Chad's oil. In Chad they have a well organised Oil Watchdog which administers and manages all the oil revenues according to a national development plan that was agreed by all the parties concerned. This includes the local inhabitants which according to the plan receive 25% of the total revenue invested in their region. Berbera which at this very moment is the main bread winner recieves nothing from the budget. It would be like adding insults to injury if they fail to get anything from the oil as well.
-
HARGEYSA--Waxa maanta labada Gole Fadhi wada jir ah ay ku yeesheen Hoolka Shirarka ee Golaha Guurtida. Fadhigaasna waxa Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL waxana kala soo qayb galay Weftigi ka socday Ururka Midowga Afirika oo ka Koobna Toddoba Xubnood Magacyadooduna ay kala ahaayeen H.E Patrick Mazimhaka (Deputy chair & head of delegation) Col Jaodody de Matha (snr Military officer, peace & security ) Mr Admore Mupoke Kambudzi (political anayyst) Mr Diedonne Kombyaya (Snr political officer) Mr partick tigrer (Head of division humanitarian affairs) Ambassador Fantahu Hale Michel (head of Protocal) Mr Golmame Tefera (Security officer) Ugu Horeyn Qoraal kooban aya halka looga akhriyay oo u shir-guddoonku magaca Baarlamaanku ku Akhriyay C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada , ahna kusimaha Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda. Ka dib illa dhowr & Tobban Mudane aya aragtiyahooga ka dhibatay mowqifkooda ku aadan Dareenka shacbiga Reer S/land. Guddoomiyaha (Suleymaan) ayaa isna sheegay in ay S/land ku hawlan tahay sidii wada-hadal nabadeed looga soo dabaali lahaa Arrimaha ka taagan Gobolka Sool, wuxuna ka codsaday Dalalka Afrika in ay taagero siiyan, oo laga daayo fara-gelin anu dareensanahay in ay ka imanayso Dalal nala Deris ah. Ugu dambayntii, madaxa weftiga aya hadalkii qaatay, wuxuna yidhi †farqi aya u dhaxeeya OAU & AU†AU, waxa u maba’di ah in a ku shaqayso waxa ay dadka Afrikaanku doonayaan, taasina waa tan keentay in aanu dhagaysano Madaxweynihina markii u yimid sanadkani horaantiisa Addis-abbaba.†Wuxu sheegay in Scodaalka waftiga Midowga Afrika u ka dambeeyo codsigii ka dhasahay wada-hadalkii ay labada dhinac hore u yeesheen. Gaba-gebaddii, wuxuu yidhi “ markii an Hargeysa nimid Berbera tagnay, Sheekh Iyo Burcaba, dadka hal fariin ayay noo dhiibayeen oo ah No Moqdisho No Somalia." "Anigu waxan ballan qaadayna in aanu fariintaasi gaadhsiin doono Dalalkii AU," ayuu yidhi. Waftiga Afrikadu berri ayey socdaal ugu baxayaan gobolka Awdalu ambabaxayaan gobolka Awdal iyaga oo ku sii hakan doona magaalada Gabiley. Awdalnews
-
Wind So you are implying that they are real gold diggers, right? Sxb, if they are going to dig that black thing out, why not. inay meesha horta wax ku jiraan aanu aragno, otherwise living on a fake dream is a big problem. If they can prove that by 2008, which is only 2.5 years from now, I am all array of teeth. But I am thinking they are full of hot air and nothing more.
-
Soma Petroleum Timeline > Mid-2004 - agreements signed, financing in place. > Late-2004 - start of first stage exploration activity. > 2005/2006 - progress in exploration activity > 2007 - establishment of commercial extraction infrastructure. > 2008 - first revenues from commercial operation. Is this another international scum?
-
Shacbiga Burco oo Banaanbax ay ku muujinayaan Dareenkooda ku Qaabilay Weftiga Midowga Afrika Burco, 2 May 2005--Caruur iyo cirooleba waanu aqoonsanahay dareenkiina waxaanan balan qaadayaa inaan (53) dawladood ee midowga Africa hor dhigo jawigiina Madaxa waftigaâ€. Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada Burco ayaa maanta banaan bax balaadhan oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku waajahan qadiyada madax banaanidooda waxay ku qaabileen wafti balaadhan oo ka socday midawga Africa oo maanta booqasho ku yimi magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. Banaanbaxan oo ahaa mid dedweynuhu u sii diyaar garoobeen tan iyo habeenkii xalay ahaa, waxay saaka dadweynuhu isla hor dhoobeen waftiga shucuurtooda ka dib markii ay maanta koob iyo toban kii duhurnimo soo gadheen waftiga horaantiisu goobtii ugu horeysay ee ay dadweynuhu ku sugayeen oo ahayd meel 25 km dhinaca waddada Berbara iyo Burco isku xidha, goobtaas oo ay waftigu ku sugayeen madaxda maamulka Gobolka gaadiid ay sudhyaan calamada xisbiyadu leeyihiin iyo boqolaal dadka muhiimka ah. Hadaba waftigan oo ay ku lamaanaayeen wasiirka warfaafinta, daakhliga, madaxtooyada, maaliyada iyo waliba afhayeenka madaxtooyada waxay xawaare toos ah ku dhafeen tan iyo goobta ay ku soo gadheen horaanta dadweynaha iyo ilaa ay ka galeen magaalada Burco, taas oo ay waddada hareereheeda ay safnaayeen komayaal dadweyneha ah, ardeyda dugsiyada, hay’daha kala duwan ee dawlada iyo xisbiyada qaranka kuwaas oo si cad ugu muujinayey waqtigii ay waftigu dhafayeen hal ku dhig yo iyo sawaxan qaylo dheer oo lagu dhawaaqayey areyo ay ka mid yihiin “NO SOMALIA†, “Soomaaliland waa muqadis midawga Africa ha rumeysto dhawaaqayaga, sawirada Africa iyo kuwa la mid ah kuwaasi oo gudbintooda loo adeegsanayey cod baahiyayaal iyo sawaxan aan kala go’ayn, iyadoo dhinacyada ka dhex iftiimayey banaan baxan lagu xusi doona ardayda dugsiyada, xisbiga Kulmiye,UCID iyo gabi ahaanba dadweynaha oo aan u midaan dayeynin muujinta shucuurtooda, isla markaan Madaxmada Maamulka Gobolka Togdheer ayaa iyaguna si xoogan dabada uga riixayey abaabulka jawiga. Daqiiqado ka dib markii ay waftigani soo gaadheen gudaha magaalada Burco iyadoo gaadiidka ay waftigu ay wateen oo si xawli sareeya u soconayey awgeed waxay isla markiiba guda galeen gudaha magaalada Burco oo ay dariiqyada magaalada, ku soo wareegeen isla markaan ay marba marka ka danbeysa ay sii kordhinayeen saxmada dadweynaha, oo gabi ahaanba ay maanta ay xidhnaayeen meherada ganacsigu, dugsiyada gobolkuna aanay ardeydu ka xaadirin. Hadaba markii ay socodka gudaha magaalada ku soo gabagabeeyeen xarunta maamulka Gobolka Togdheer, iyadoo xiligaasi ay xubnahani badidoodu u muuqdeen kuwa daalan oo la dawakhsan shucuurta ay dadweynuhu ku soo dhaweeyeen oo ay u turjunteen in ay tahay soo dhaweyn lakiin ay dib ka garawsadeen in ay tahay sawaxanku mid ujeeda kale huwan, Ka dib markii turjubaankoodii u sharaxay micnaha ereyada lagu dhawaaqayo. Waxaanay daqiiqado nasasho ah ka dib ay waftigu meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha markii ay u adkeysan waayeen culayska kaga yimi dareenkooda “Waxaanu halkan u nimi in aanu aragno waxaa dooneysaan dareenkiina iyo waxaad qabsateen, oo aanu idin dhageysano, waxaanu halkan ku aragnaa dareen isku mid ah caruur, ciroole, dhalinyaro, iyo dawladba waxaanuna balan qaadeynaa inaanu (53) dawladood ee midawga Africa aan hor dhigo waxaad na tusteenâ€. Ereyadani waxay muujinayeen dareenka ashqaraarka huwan ee uu ka bixiyey madax waftigani MR. Patrick, oo ninka labaad ururka Midowga Afrika jawigii banaan baxa.waxa kale oo intaas ku daray in magaalooyinkii aanu soomarnay waxay dhmaantood gudbinayeen fariin isku mida wxaanaan rajaynaynaa in dhawaaqiinu guulaysto ayuu kusoo koobay hadalkiisii ,gudomiyha gobolka togdheer ayaa isagu erayo kooban halkaas ka jeediyay ka xogwaran in magaaladani tahay halkii lagu qabtay shirkii u horeeyay, ee dib loogula soo noqonayay qadiyada soomaliland , sidaas darted dadkan aad arkaysaan ee qaylinaya ,goobkastana tubnaa ee idin soo dhaweeyay waxay idiin muujinayaan sida dareenkoodu uga goan tahay inay dib xamar ugu noqonayn ,haday boqolaal sano ku qaadanayso ictraafku ,una samrayaan ,ayuu yidhi gudoomiyuhu. Biyo dhaamiska iyo abaabulka Burco waa lagu yiqiin ee wax cad ayaad muujiseen†sidoo kalena wasiirka warfaafinta ayaa isaguna ereyadan ku muujiyey sida dadweynuhu ugu taageereen qaabka ay xukuumadu u dadihinaysey socdaalka waftiga, taas oo ay weedhaha laga xusi karo ee xubnaha wasiirada dawlada ka soo duul duulay ay u eekaayeen kuwa ka furtay sharaxaad iyo mashquulin culus oo ay waftiga labarbar socdeen, si ay ugu kabaan “Burco ayaa qaaday fasiraada ugu fiican ee ay ka bixin lahyn socodka waftigan,berberina way ku xigtay ,hargaysina waxay noqon lahaydba daadad ayaa dawakhiyay, Wasiirka daakhiliga ayaa isaguna ereyadani uga jeeday in uu ku dajiyo dareenka dadweynaha khudbada dhegeysanayey. Haddaba isku soo wada xooriyoo, nuxurka ka mooqday jawigan maanta ee reer Burco iyo waftiga midawga Africa waxa uu ku khatinmay in dhinac waliba la dhaqaaqay in uu bogtay muraadkii uu lahaa, taas oo ay gabagabada safarkani buddhig u ahaayeen fareemo kuus kuusan oo qoraal ah oo uu gudoomiyahah golbolka togdheer Cabdi Xuseen Dheer gacanta ka geliyey xubnaha waftiga, taas oo tafaasiisheeda lagu sheegay mid ay soo diyaariyeen ururada bulshada rayidka, kana turjumaysa dareenka dadweynaha iyo heerarkii ay soo martay qadiyada Somaliland,islamarkaana ay ka goan tahay gooni isu taagu. . Tan dhigeedana iyaguna xubnaha waftigan oo ay ka muuqato jawi cufan oo dareenkeedu muujinayo war war ay ka qabaan siday jawaab uga bixin karaan mas’uuliyada ay tuurta u riteen dadweynuhuna waxay sugayaan jawaabta ay ka bixinayaan balan qaadka ay waftigku ku dhawaaqeen. Qarannews
-
Beautiful pictures there. That is what I call Barwaaqo.
-
Wefdi ka socda Ururka midnimada Afrika oo maanta imanaya Hargeysa Sida uu wasiirka madaxtooyada ee Somaliland Nuux Axmed Cismaan saxaafadda ugu sheegey qoraal uu qeybiyey waxa maanta lagu wadaa in ay magaalada Hargeysa ka soo degaan wefdi ballaadhan oo ka socda ururka midnimada Afrika abbaare 4:00 galabnimo ee maanta. Wasiirka madaxtooyadu waxa kale oo uu qoraalkiisa si faahfaahsan ugu sheegey sida uu dhici doono socdaalka wefdigani inta ay ku gudo jiraan booqashadooda Somaliland, iyadoo lagu wado maantana xiligha ay ka soo degaan gegida dayuuradaha Igal international airport ee magaalada Hargeysa waxa ay booqan doonaan xarunta madaxtooyada oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale waxa lagu wadaa ka hort inta aanay caawaba casho sharaf la yeelan hoggaanada laba aqal barlamaan ee guurtida iyo wakiilada in ay ku soo dhex meeraan magaalada Hargeysa si ay macluumaad madax bannaan isha uga buuxsadaan. Inta ay waftigani ku sugan yihiin Somaliland ayaa lagu wadaa in ay u kuur galaan qaabka siyaasadda dalka iyagoo la filayo in ay kulamo heer degmo iyo caasimadeedba la yeeshaan axsaabta siyaasiga ah, iyada oo isla wafdigaasi ay maalinta Talaadadana ka qeyb gali doonaan kulan wada jir oo ay yeelanayaan axsaabta siyaasiga ah, xukuumadda iyo guddida xasuuqii ay Somaliland ka geysteen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre dabayaaqadii 80 aadkii. Maalinta arbacada oo uu soo afmeermi doono socdaalka weftigan ayaa la filayaa ka hor inta aanay ka duulin gegida dayuuradaha in ay shir jaraa'id oo ay kaga warbixinayaan arrimo la xidhiidha socdaalkooda ku qabtaan isla gegidaasi Igal international airport ee magaalada Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee u xeel dheerayaasha siyaasadda Somaliland ayaa imika ay ku adagtahay in ay fasitraad ka bixiyaan socdaalka wafdigani, iyada oo xilliganna ay Ururka midnimada Afrika dadaal badan ku muujinayaan sida ay ugu heellan yihiin ciidamo loo diro Somalia oo ay Somaliland-na ka go'day, balse aanay wali ku tallaabsan riyadeeda Aqoonsi helidda. Adam Shardi Axmed Markacadeey.com
-
Wafti ka socda Midowga Afrika oo uu horkacayo ku xigeeenka Alpha Omar Karona oo socdaal ku yimid Somaliland Ku xigeenka Alpha Omar Karona iyo wafti balaadhan oo ka kooban 7 xubnood uu hor kacaayo ayaa manta galinkii danbe, ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ee Egal Intranational Airport ee casimda Somaliland. Alpha Omar ku xigeenkiisa oo hogaaminaayay wafti culus oo ka socda midowga Afrika waxa qaabilay Wasiiro iyo madax sar sare oo ka tirsan xukumada Somaliland , waftigan oo ka soo kicitimay caasimda dalka Itoobiya isla markaana ah xarunta ururka midoga Afrika waftigani waxa aay dalka joogi doonaan mudo 5 cisho ah Waftigan oo ka socda midowga Afrika waa kolkii ugu horaysay ee ay yimaadaan dalka, waftigani ayaa waxa ay Hargaysa kala kulmeen soo dhawayn xoogan, kumaan kum oo dadwaynaha caasimda ku nool ayaa caleemo qoyon ku soo dhaweeyay iyaga oo islamarkaasna luxaayay calamada Dalka Somaliland iyo ka midowga Afrika. Gudoomiye ku xigeenka oo ka waramay socdaalkooda ay xiligani ku marayaan Somaliland ayaa waxa uu sheegay in uu socdaalkoodu uu la xidhiidho u kuurgalida xaqiiqada ka jirta Somaliland, iyo wixii u qabsoomay Somaliland 14 sanadood ee la soo dhaafay, sida uu sheegay masuulkani waxa aay la kulmi doonaan dawlada Somaliland, war saxaafadeed ay dawlada Somaliland ay ka soo saartay socdaalak waftigani, ayaa waxa aay ku sheegeen in waftigu uu la kulmi doono madaxwaynaha iyo golihiisa wasiirda, golayaasha Baarlamaanka iyo ka Guurtida, Xisbiyada mucaaridka, ururda bulshada. Sidoo kale waftigu waxa aay booqan doonaan gobolo ka mid ah Somaliland iyaga oo la kulmi doona maayarada iyo badhisaabyda gobolada aay booqan doonaan, waftiga ayaa ka mahad naqay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyay Waftigu hada wax aay ku suganyihiin oo la dajiyay Hotel Ambaasadoor ee Hargaysa, wararka waftigan oo aanu u kuurgali doono, socdaalkooda iyo waxa ka soo baxaba waxa aad kala socon doontaan qarannews Qarannews
-
Latest reports say the rains caused huge damages throughout Somaliland killing a number of people and destroying properties in Awdal, Saxil and Togdheer. In Burco, returnee surburb of Koodbuur was flattened by the rains injuring a number of people and making thousands homeless. In Lughaya in Awdal, more than 1000 livestock mostly shoats and cows were killed by the floods. Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare U Geystey Burco ROOBAB LAXAADLE OO KA DA'AYA SOMALILAND OO DHAN For donations http://www.somalilandnet.com/ has a donations page for the flood-affected communities.
-
As Radio Horyaal reported a high level fact finding mission from the African Union is due to pay a long awaited visit to Somaliland. The mission, the first in its kind from the African Union, will make assessments on a number of fronts including the political, economic and security. They will hold talks with the UDUB Administration as well as the opposition political parties and civil society groups.
-
S: Berigii Hore Waxaad Bixisay Hal-Ku—Dheg Caan Ah Oo ahaa ‘Wuxuuni ha dhinaadeen’, wixii berigaa dhinnaa imika miyey dhammaystirmeen? Wareysi – Mudane Aare Hargeysa, April 25, 2005 (Haatuf) – “ Haddii ay qolada KULMIYE sidii xisbiyada Djibouti doorashada nooga joogsadaan, haddii aanu UDUB nahay waxaanu ku darsanaynaa anifoos. Sababta aan u aamusayna waxa weeyi, waxaana qaatay biri-rif .†Sidaa waxa yidhi, Mudane Cumar Nuur Cismaan (Aare) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, sidaana waxa uu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu Wargeyska Haatuf shalay la yeeshay, isagoo jooga magaalada Hargeysa. Mudane Cumar Cismaan Nuur (Aare), waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Awdal, wuxuuna ka mid ahaan jiray ragii ugu cad-caddaa mucaaridkii ku kacsanaan jiray Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, isla markaana Mudane Aare waxa uu xilligiisii mucaariddada reebay hal-ku-dhegyo caan noqday oo ay ka mid ahaayeen “Wuxuuni ha dhinaadeenâ€, taas oo uu ula jeeday qabyadii Maamul ee xilligaas jirtay, laakiin Mudane Aare wuu ka xuub-siibtay atomosfeerkii mucaariddada ee uu muddada dheer ku jiray tan iyo intii uu Madaxweyne Rayaale kursiga ku fadhiistay, taas oo uu ku biiray xayndaabka muxaafiddada, afkiisana xidhay. Sidaa daraadeed, waxay dadka reer Somaliland isweydiin jireen maxaa aamusiiyay Aare? Hase yeeshee, wareysi uu su’aalahaas dadka xaganaya iyo arrimo kale kaga hadlayo ayuu tafaasiil kaga bixiyay Wareysiga uu siiyay Wargeyska Haatuf, wareysigaasina wuxuu u dhacay sidan: S: Waxaad ka mid ahayd 40-kii Mudane ee soo dhigay Mooshinkii meesha lagaga saaraya labadii xubnood ee lagu kordhinayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, maxaa xilligan sababay inaad soo dhigtaan mooshin caynkaas ah? J: Dhowr arrimood baa sababay, waxaana ka mid ah; marka hore doorashadii waa dhowdahay, labada xubnoodna waxay u baahan yihiin in tababar la siiyo oo wax la baro, waayo, xubnaha hore ee Komishanku waxay tageen siminaaro ay qaarna dibadaha u tageen qaarna halkan ku qaateen, waxayna noqonayaan ka daba-tuur oo meel ay shaqada kala qabsadaan ma garanayaan. Waxa kale oo ay u baahan yihiin in xulitaan lagu soo sameeyo. Markaa waxa waxa is-gaadhi waayay labadan xubnood iyo doorashada kaabiga inagu soo haysa. Waxa kale oo jira boqolaal qof ayaa labadan soo rashgaranaya oo soo doonanaya, milaygan aynu joognaana waa milaygii loo baahnaa in dhawaaq dhowr la sameeyo oo wixii buuq ah la ilaaliyo, markaa haddii ay labada xubnood kaambayn hor leh inagu keenayaan waa in layska laalo. Waayo, uma baahnin wax allaale wixii hadal keeni kara xilligan. S: Mudane, qolodiinan waxa laydunku xamanayaa in dhabarka laydinka soo taabtay oo uu Madaxweynuhu dabada idinka wado oo uu idin yidhi, ‘arrintan iga khaarajiya’, taas maxaa ka jira? J: Horta nin-na afkiisa ka xaal-siinmayno, dadkuna sida ay doonaan wax ha u yidhaahdeene, sida ay doonaana ha u sheegeene, golaha iyo madaxweynahana waxa ka dhaxaysa wax soo jeedin la yidhaahdo, soo-jeedintaana raggu waa eegaa oo ama waxay noqotaa wax uga qaateen ah, ama wax la qaadan waayo, markaa ta la leeyahay dhabarkaa nimanka laga soo taabtay, maaha mid meesha ku jirta, mana qabo anigu. S: Sida uu dhigayo xeerkii aad hore u ansixiseen xubnaha Guddiga Doorashooyinka laba ka mid ah waxa wada-jir u soo magacaabay labada xisbi ee Mucaaridka ah, laakiin dhowaan waxaad ansixiseen Xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka oo aanay labada xisbi heshiis ku ahayn, markaa miyaan la odhan karin waxaad jebiseen xeerkii aad hore u ansixiseen? J: Horta Marxuumkii meesha ka dhintay ee xubintiisa la buuxinayay Alla ha u naxariisteen Maxamed Sheekh C/laahi, waxa markii hore soo jeediyay Xisbi nin keliya ah, waa ururkii la odhan jiray UMMAD, xilligaana asxaabta mucaaridka ahi lix bay ahaayeen, wayna la qaateen. Sidaa ayaa Maxamed C/laahi Madaxweynuhu ku ogolaaday, goluhuna ku ogolaaday. Markaa waxaan leeyahay, waar asxaabtan imika joogtaa xagee bay iimaan-la’aantu kaga dhacday, haddii xisbi mucaarid ahi ninka soo jeediyay waxay ahayd kuwa kalena inay iimaansadaan, waayo qofkan cid kastaa ha soo jeedisee wuxuu u tirsan yahay Mucaaridka. Labadan xubnood-na mid UDUB baa soo magacaabi lahayd, midna KULMIYE, laakiin imika KULMIYE-na waa ku wax la’ yahay, UDUB-na waa ku wax la’ yahay, markaa haddii labadiiba laysla tuuray ma garanayo meesha ay qolodani ka iimaan la’dahay iyo wax xuquuq ah oo KULMIYE meesha kaga maqan oo aan UDUB ka maqnayn, waxaase maanta xumaan lahayd iyadoo la yidhaahdo UDUB way keentay ninkeedii, kii KULMIYE-na waa la tuuray. S: Qolada Mudanayaasha ah ee fadhiga dibadda uga dareeray waxay ku dacwiyayaan Ajandahan halkii ay ahayd in laga doodo waa la is-jiidhsiiyay, si qaldanna waa loo maamulay oo wuxuu ahaa Mooshin si gaar ah loo wato, taas maxaa ka odhan? J: Horta Mooshinkan marka horeba 41 Mudane ayaa soo jeediyay, halkaas waxaad ka garanaysaa inuu yahay Mooshin aqlabiyad haysta. Qoloda ka soo hor jeedaana waa tiro intaas ka yar, waxayna arkeen in haddii ay codeeyaana aanay waxba helayn, haddii ay ka aamusaana koleyba ay ansaxayso. Markaa Mooshinkani waxa uu ahaa mid aqlabiyad wata oo aanay jirin meel lagaga ordi karaa. Waa tii Gudoomiyuhu uu lahaa ‘waar 11 ayaaba loo baahnaaye, maxaad 41-kiinani iskugu soo daaliseen’. S: Marka Mooshinkan laga yimaado, adigu Aare waxaad xilliyadii hore ka mid ahaan jirtay xubnaha ugu cad-cad qolyihii Mucaaridka ee aan laga fadhiyi jirin, laakiin in dhowayd waad aamustay, maxaa ku aamusiiyay? J: Waar ninyahow laba shay ayaa I helay, midi waa bugto (Xanuun) oo fagaarayaashii aan iman jiray ee aan ka hadli jiray waan iman kari waayay oo bukaan-jiif ayaan noqday, taasi waa qodob. Ta labaadna ninkii Madaxweynaha ahaa ee aanu ishaynay waxa uu ahaa nin muddo dheer hawsha siyaasadda ku soo jiray. Ninkan hadda Madaxweynaha ahi waa nin cusub, waxaana loo baahan yahay in fursad la siiyo, meeshana kuma jirto in markiiba lagu bilaabo, waxaa loo baahan yahay in horta isaga la barto, sida uu wax u qabanayo in la eego ayaa loo baahan yahay oo xataa biri-rifna waa la isa siiyaaye, ee haddii aan biri-rif qaatay ma layaab ayaan leeyahay. Miyaad mar qudha iga maqasheen ina Rayaale waa nin fiican, waa nin wax qabtay, waa nin caynkaas ah, labadii dhinacba hadalku waa iga xidhan yahay. Markaa waxa weeye waxoogaa biri-rif ah ayuun baa qaataye, aamuskaygu ma aha wax aan cidna ugu roonaanayo, cidna ku diidayo. S: Berigii hore waxaad bixisay hal-ku-dheg caan ah oo ahaa ‘Wuxuuni ha dhinaadeen weeye’, wixii berigaa dhinnaa imika miyay dhammaystirmeen? J: Haddii aad run iga doonayso, wax dhammaaday ma jiraan, wax dhow-dhowina ma jiraan. Wax way iska soo dhow-dhowaan lahaayeen [intuu jaleecay Mudane Siciid Cilmi Rooble oo meel u dhow taagnaa] waxaa wax dhibaya oo ay wax ka buuxsami la’ yihiin Siciid iyo qoladiisa KULMIYE iyo reer UCID oo Madaxweynaha ka daba qaylinaya oo tallaabo alaale tallaabadii uu qaadi lahaa Madaxweynuhu ee uu wax ku buuxin lahaa Siciid baa ka daba yuuq leh, halkaa ayay wax ka buuxsami la’yihiin oo Siciidiyo afarta la xisbiga ah ayaa loogu daw gelayaa oo wax kala dhimay. S: Aare, dadka reer Somaliland aad bay isu weydiiyaan aamuskaaga, faalooyin kala duwanna waa laga bixiyaa, laakiin dadka qaar waxay yidhaahdaan ‘Aare wuxuu aamusay markii uu ina Rayaale oo ay isku reer yihiin meesha qabsaday oo qabyaalad baa aamusiisay’, dadka sidaas kaa aaminsan maxaad ugu jawaabaysaa? J: Way jirtaa oo ina Rayaale magaca guud waa isku nahay oo waa la yidhaahdaa gobol bay ka soo wada jeedaan, wax kalaase noo dheeroo macruufna waanu nahay, isku shaqana waanu ahayn oo isku maalin baanu shaqada wada qabanay. Markaa aniga iyo kuwa kale ee la shaqada ah midkaayana ma noqonayo ka ugu horeeya ee waranka tuura. Midna waan kuu sheegayaa caydh waa laga dhaqan karaa, aqoon-darrana wax baa laga baran karaa, laakiin waxaan dawada lahayni waa daacad-darrada. Markaa anigu wax shaki iyo saluug ah oo aan ninkaa [Madaxweynaha] Somaliland uga qabaa weli iima muuqan, balse waxaan leeyahay siyaasadda waa ku cusub yahay, wuuse baran karaa oo haddii uu kursiga ayaamo sii joogo indhahaa u furmaya, intaana waxaa leeyahay fursad hala siiyo. S: Way jiraan dad had iyo goor Madaxweynaha dhaliila maamulkiisa, ama siyaasadihiisa naqdiya, taasina waa dabeecad siyaasaddu leedahay oo qof kastoo masuul noqda waa la dhalliilayaa ama waxbaa laga sheegayaa, markase aad leedahay Madaxweynaha wixii uu qaban lahaa dad baa u diiddan, miyaad aragtay cid qori la hor taagan oo ku tidhi waxaa ma qaban kartid, sidaa ma yeeli kartid, meeshaas ma tegi kartid, maxaad uga jeedaa waa la hor taagan yahay? J: Waxyaabaha daadefeeynta ah ama qadafka ah ee ay xataa qolyihiina Saxaafaddu qoraan ayaa jirta, waxaad tihiin nimankii lahaa waxa shir wada yeeshay Madaxweynaha iyo Cabdillaahi Yuusuf, mana jirto meel ay kuwada shireen Madaxweynaha iyo Cabdillaahi Yuusuf. Waa la sheegi lahaa oo ma jiraan wax adduunka maanta qarsoon. S: Maanu qorin way kulmeen ee waxaanu qornay telefoon bay kuwada xidhiidheen? J: Telefoonkana haddii ay kuwada xidhiidheen waa la sheegi lahaa oo ma jiraan wax adduunka maanta qarsoon. Waxa kale oo aad mar walba leedihiin Ina Cumar Geelle iyo ina Rayaale way shireen oo waa caynkan iyo caynkan oo kii alaale iyo kii uu is lahaa aad weheshatid oo Somaliland danteeda wax hakaaga biiriyo, waa kanoo sida dacowga ayaad uga daba ciyaysaan. Runtii dadka reer Somaliland maaha dad xun oo waa dad wanaagsan, dadka xun-xumise waa Siciid iyo afar nin oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE ee uu Siciid ka mid yahay, xataa Illaahay baanan been u sheegaynoo madaxda KULMIYE ma wada xuma, ee Siciid iyo qaar la mid ah ayaa xun-xun. Ragga KULMIYE isku xisbi baanu ahaan jiray, in badanna waanu soo wada dhaqanay oo waa rag marka ay arrintu meel qadhaadh timaado oo ay dadka qaar u fekeraan si xun oo lagu kala tegayo waxa ku badan rag badan oo wax ka qabta, laakiin mid baa jirtoo, nin ugaadhsato ah oo meel keyn ah iska socda ayaa wuxuu arkay Hal kurus weyn oo meel joogta, dabadeedna wuxuu yidhi ‘Hashan kuruskan weyni wuu ka dhici doonaaye iska daba soco oo marka uu ka dhaco ka qaado’. Markaa qolada KULMIYE, kurus meel saaran bay arkayaan oo waxay leeyihiin kuruskaasi wuu dhacayaaye aynu markuu dhaco ka daba qaadano. Laakiin kuruskaasi meeshii Illaahay ku abuuray buu ku xidhxidhan yahayoo, xidido iyo raar adag buu leeyahay oo ma dhacayo ee wax kale oo mashaakil ah ma jiraan. Qolada KULMIYE waxa ay leeyihiin annagu sidan doorasho ku geli mayno, dee haddii ay sidan doorasho ku geli waayaan mooyi, sida ay doonayaan waa sidee. Ma waxay doonayaan sida ay ina Cumar Geelle asxaabtii kale uga joogsadeen markii ay dad waayeen inay uga joogsadaan. Laakiin annagu haddii aanu UDUB nahay, dee haddii ay nooga joogsadaan waa sidii aanu rabnayoo anifoos ayuun baanu ku darsanaynaa oo sidaas waabanu rabnaa.
-
Pictures from Markacadeey.com ( This news website has recently become one of my favourites with its continous coverage about Somaliland news). I've realised the energetic reer Marko Cadeey correspondent in Hargeisa covers news that the mainstream Somaliland websites mostly overlook, which is really great. Kudos to the network, it surely becoming one of my breakfast time websites.
-
Somaliland is way ahead of Puntland in terms of architecture like there was any doubt
-
^^ I second that... Fahad waa nin iska cantrabaqashleeya, and this is no exception. Hargeisa waxay tahay uun bay tahay, nothing more nothing less. I wonder Ina Afweyne halka uu lacagta ka keenay ee u ku dhistay guryahay? Sxb I don't think Maslax even had a house in Hargeisa, that is just B.S. with capital letters. The building in which Morgan lived was a government buildings, hence not his. But almost all privately owned properties that belonged to other clans have been returned to their rightful owners, this includes the minority clans and those from Kilka-5aad.
-
Heavy storms and floods unseen before in Hargeisa destroyed one bridge and caused damages to another while cutting main roads that linked the capital to other cities. Parts of the city remains without power, telephone and water as damages are still being assessed. The police is asking people to keep away near the river as fresh floods are expected in the next couple of days. Outside the city, about 500 nearby villagers were rescued by the police after their homes and farms were swept away by the floods. ---------- Masiibaddii Ugu weynayd Abidkeed ee ka Dhacda Somaliland Oo Galaafatay Caasimada Hargeysa Ma Jiraan Gurmad Caalami ah ,Mana Jiraan Qalab Badbaadinaya Dad-ka uu Daadku Sii sito ee la Daawanayey, Madaxweynaha Somaliland Dahir reyaale Kahin ,Golahiisa Wasiiradda,Golaha Baaralamanka, Golaha Guurtida,iyo Xisbiyada Mucaarid-ka iyo Haaydaha Qaramada Midoobay Ayaa Maanta oo Dhan Booqasho ku Mareyay Meelaha Ay ka Dhacday Masiibadu waxa ay Ku Tilmaameen Masiibadii qaran oo Dalka Ka Dhacaday ka dib Markii Daad Aan abid-keed Taariikhda Hargeysa Aan lagu Arag uu Galaaftay Naf iyo Maalba Habeenkii Xalay Kumanaan Qof waxa Lagu Baaqay Gurmad Dagdaga oo lagu Badbaadinayo Umada Somaliland, Biriij-ka pepsi-ga Ayaa Go'ay waxa uu la Tagay Hudheelada MinSing, Xaraf, Hargeysa Club Badh-kii iyo Hudheelka Hadhwanaag oo uu burburiyay qaybta Cuntada Lagu cuno ee Xaga Galbeed Xigta waxa uu Daadku Soo Galay Gudaha Hadhuul-kaasi qaybta Hurdada Waxa uu Dadku Gooyay Dhuumaha Biyaha Qaada ee Geedeeble Booliska Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Badbaadiyay ilaa 500 oo qoys oo uu Daadkii la Tagay Guryahoodii kuwaas oo xalay u hoyday Taliska Booliska Biriij-ka Hargeysa Ayaa laga Joojiyay Gadiid-kii waxa qodmay Kaabadihii Hayey waxanu Biriij-ku u Eegayaha Mid iska Dul yaala Tiirara-ka Haya Dadweynaha Ku Nool Hargeysa Maanta Ilaa Shalay May Shaqo Tagin waxa Ay dadku ku Urursan Yahiin Dooxa Iyo Biriij-ka Oo ay Daawanayaan Waa Masiibadii Ugu weynayd Tani ee Abid Soo Marta Tarriikhda Dalkani Magaalada Ayaa ka Go'doona Magaalooyinka Kale Sida Berbera oo Boorame Iyo Magaalooyinka Kale , Ma Jiraa Gurmad Sidaasi ahi Booliska Ayaan Haysan Qalab-ka Dadka Lagu Bad Baadiyo Haayada Handcap UNDP Xafiisaydoodii Ayuu Daadku La Tagay tobaneeyo Ajaanib Cadaana oo daganaa Xafiisaydaa ayuu Daadku qaaday Alaabtoodii Miss Jane ayaa ii Sheegaty Iyadoo wada Dhooba ah in Gaadhigeegii uu aasay Daadku Kaas oo aan Arkayey Isagoo geedo Garan waa ahi Dusha ka Saaran Yahiin iyo Dhoobo Waxa ay Sheegatay In ay Hudheel-da Kale ee Magaalada Ay imika Ugu Guurayaan Si Ku meel-gaadha warshada Laydh-ka Biraheegii ayaa Burburay Ma Jiraan Ilaa Hada Wax Caawima Ah oo laga Helay Qaramada Midoobay iyo Dawlada Maraykanka... Gawaadhi Sameecado Lagu Xidhay Ayaa Dadweynaha Lagag Codsanayey in ay Bixiyaan Mucaawino si loo Dhiso meelaha Ay Masiibadu Asiibtay......Idaacada Radio Hargeysa Ayaa Ugu Baaqaysa Dadweynaha Dagan Hareeraha Meelaha Gabiyada Ah in ay isaga Baxaan guryahooga Si aanay Daadadka Kale Ee la filayo ilaa bari in ay Soo Rog madaan Si aanu U asiibin, ................la Soco wixii warar ah by Abdiaziz A. Musa Hargeysa abdiaziz2@hotmail.com
-
just saw this picture on the kids side...ouch, I felt sad for this cute little angle. She needs to have fun and enjoy life.
-
Nice pictures there Sky. I see two fella Aussies catch up in Hargeisa. Kayse (opposite Dhoolawa) is the head of the Daryeel Constructions Co, a former Melbournian.
-
Viking Magnificent pictures there. Muslims had such wonderful architects back in those days. I love the designs of the gardens, really captures the inner-peace of Islam. Just look at those pictures, what a showcase! Thanks. BitTorrent I haven't use it, but I've heard BitTorrent is really fast.
-
Comments by IAN BELL of the Herald UK. An Islamic History of Europe, BBC Four, 9.00pm Selling Houses, Channel 4, 8.00pm As a Muslim, Rageh Omaar could not have found the recent Iraq war an easy proposition. I would guess, in fact, that non-Muslims making that very suggestion were probably high on his list of difficulties. He reported with distinction for the BBC, but he must have wondered, more than once, about his identity, raised in Britain and doing his job while certain vested interests were promoting a "clash of civilisations". As ripostes go, An Islamic History of Europe was very fine indeed. At a time when the absurd Adam Hart-Davies is bumbling along with What the Ancients Did For Us, a kind of puerile historical game-show, you can only wonder why Omaar did not deserve a BBC2 series of his own. As it was, a very big argument and some gorgeous images were tucked away on BBC Four. You could paraphrase the thesis, just about, with a Monty Python parody: what did Islam ever do for us? As Omaar made clear, that would depend on what you mean by "us". Muslims have been integral to Europe's history. Without them, the Renaissance might well have been a damp squib. Thanks to them, there is an astonishingly long list of things we, these days, take for granted. Surgery, pharmacology, philosophy, maths, jurisprudence, optics, astronomy, calligraphy, architecture, numbers, the recovery of the classics: if they had thrown in religious tolerance they would have put the Christians to shame. So they did . The heart of Omaar's tale was the near-bloodless Muslim conquest of Spain, land of the Vandals, and the centuries of co-habitation and co-operation between Islam, Christianity and Judaism that ensued. Clearly, Omaar was creating a parable for the 21st century, but he was also righting a historical wrong. In medieval Cordoba there was street-lighting, baths, libraries and free schools: "Amenities that London and Paris wouldn't see for 700 years." There was Averroes, pioneer of medicine and commentator on Aristotle, "a Renaissance man centuries before the Renaissance", whose ideas began to penetrate western thought thanks to Michael Scott, the thirteenth-century "wizard" of Melrose. As Omaar ought to have said, not a lot of people know that. What he did say amounted to an important argument. "Europe" was not born in a clear line of descent from ancient Greece and Rome with a little help from Arabs who preserved a few books. Islam was an innovative, dynamic culture that balanced the claims of reason and faith (more so then than now) and helped to create the world in which we live. Did this amount to "a model that can work for today"? Omaar, you sensed, wanted to believe it. He travelled from Spain, to Sicily, to France both to uncover a history deliber-ately erased and to reclaim a tale of "tolerance and dialogue". When you have not long quit the battle zone such an enterprise must refresh the spirit. Yet hoping doesn't make things happen, and Omaar knows better than anyone why some people prefer war to placid inquiry. In Paris, he found a historian ready to invoke what she called "the double truth principle", the ability to accept evidence contradicted by faith, and vice versa. Islam once understood the secret. The west, these days, has no interest in the possi-bility of such a thing. Perhaps if more war correspondents made more films like this, that would change. Still, why fuss over 2000 years of culture when there are properties to be flogged? If you believed Andrew Winter (an estate agent) your trustiest philosophical guide in a wicked modern world is your estate agent. Or as he said, in a game attempt to scare the willies from an audience entranced by interest rates: "With the property boom a dim and distant memory, the one person you need on your side right now is your estate agent." He then spent 30 minutes insulting a Hastings farmer, his disconsolate wife and their "horrible" little home. Trust me: if you ever feel you have to depend on an estate agent, it is time to make that living will you've been thinking about.
-
An Islamic History of Europe recieved much critical acclaim following its airings on BBC4 over the last few weeks. This is a must watch. AN ISLAMIC HISTORY OF EUROPE Part 1: Wednesday 20 April 7.30pm-8pm; 3.20am-3.50am Part 2: Wednesday 27 April 7.30pm-8pm; 1.55am-2.25am Part 3: Wednesday 4 May 7.30pm-8pm; 1.20am-1.50am In this 90-minute documentary, now showing in three 30-minute episodes, Rageh Omaar uncovers the hidden story of Europe's Islamic past and looks back to a golden age when European civilisation was enriched by Islamic learning. Rageh travels across medieval Muslim Europe to reveal the vibrant civilisation that Muslims brought to the West. This evocative film brings to life a time when emirs and caliphs dominated Spain and Sicily and Islamic scholarship swept into the major cities of Europe. His journey reveals the debt owed to Islam for its vital contribution to the European Renaissance.
-
I sometimes think the Somali news can be predicted ahead of its time to a very good margin.
-
Popular Contributors