Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Ina lilaahi wa ina ileyhi raajicun Ilaahay ha ka abaal mariyo shaqadii fiicnayd ee diinta islaamka u qabtay sheekh Diidaat.
  2. Hmm I'm not sure! I believe it means as the Egyption say "Ya weskh".... I don't know but my grandpa's sister uses a lot when she is pissed off. OG Does that also has similar meaning to "Anta Ga'ash"? I hear too often but have no idea what it means. I know it is some sort of a swearing word. C'mon now.....roll 'em for me. Like this ---> :rolleyes: Ok let me try --> that is the way it goes even in real life. The only guys who roll their eyes at me are my BOSS(es.) Bilkhayr :eek: ROKKO Thanks for the icon sxb
  3. A funny article from the BBC NEWS Husbands for sale in Cuba But it is not cheap. My friend paid $5,000 for her Mexican groom. That, I am told, is also the going rate for American, Canadian, and European husbands. A Costa Rican man can apparently be persuaded to tie the knot for around $2,000. Peruvian men, for some reason, are currently particularly good value. Just $800 will secure one. Anyone interested to start a local Somali version? LOL
  4. ^^ Sxb, different people have different tastes and likes. I found the design of the hotel quite unique, which I think is a big plus. Although I like the idea of using tiles, but the lines that divides them (which are visible from a distance) are giving the hotel a bad look. Even the lines are not uniform, some of them are disjoint. So that is is a big minus from me. http://www.horyaal.net/images/Xamda.swf As for comparing the hotels, lets wait for more pictures since the current photos were badly taken. Look at this picture taken while in its construction phase. Looks much better.
  5. ^^ LOL so you reckon it is made out of "toilet material", I say, do you want to lick clean it? :eek: Anyways, maxaad iigu xanaaqaysa, ma ninkii dhistay ayaan ahay?
  6. Originally posted by Sky: quote:Originally posted by Suldaaanka: MILK Sxb whatever happened to HAFZA? Ileen waad isku xaartay markaad HAFZA maqashay? I personally think its bullshit. Sxb did that new hotel made out of bathroom tiles really cost 950.000 Geez? If so, than the contractor really played the owner. My HAFZA comment, I think you are reading it outside the context of this post. Which hotel sxb?
  7. also send observers to monitor the forthcoming Somaliland parliamentary elections :eek: :eek: Egypt is Somaliland's number one enemy when it comes to diplomatic circles. Its the one power that has barred Somaliland from the UN(Butros-Ghali former UN Sec. Gen.), the Arab League (Camir Musa) and the African Union. If Egypt can change then anything is possible in this world.
  8. same here sxb I sense that you think I am being fulsome in my replies. Perhaps you were not as honest as I thought in your comment b4. hmmm :confused: dhagar qabe dhulka u dhaqdhaqaaqa
  9. ^^ A bottle of full of M.I.L.K. perhaps MILK Sxb whatever happened to HAFZA?
  10. I think this is it great job girl Now, if Only the Admin adds that into the list of smiles
  11. ^^ :# :@ :% :! : A Girlie reply would look like something like this.. Men are not like robots, they have feelings too. :rolleyes: A bit of masculinity... Sxb, man are not robots, they have feelings too. :mad: ... I am just experimenting. Og Carabiyo Iska waran inabti I know the expression "saqajam wahid" is used in Somali language, but do they have it in Arabic as well?
  12. I am talking about this below emoticon :rolleyes: :rolleyes: :rolleyes: :rolleyes: It is so feminine... :rolleyes:
  13. ^^ So people who are "part" of Somalia have right to be here and others do not, is that what you are trying to say Mr. ORGILAQE. :rolleyes: LOL@H.A. prolly, saxar ayu ahaa.
  14. ^^ pushy pushy H.A. Mate, very much appreciated your frank remarks
  15. ^^ This is an open forum so chill out sxb. I am sure the owners appreciate our stay.
  16. 4. Madaxweyne riyaale oo lafilaayo inuu Booqdo Burco iyo Odwayne Har(HRG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda booqasho uga bilaabanto Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Sidaa waxa Hargeysa News u cadeeyay ilo xogogaala oo ku dhow-dhow xarunta Madaxtooyada Somaliland. Sida ay ilo wareedyadani tibaaxeen Madaxweyne Rayaale waxa uu Magaalada Burco ka geli doonaa dhinaca Degmada Oodweyne oo uu ku horayn doono. Ilahani waxa ay sheegeen in ujeedada socdaalka Madaxweynaha iyo weftigiisu la xidhiidho ololaha doorashada Baarlamaanka Somaliland., waxase ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan Maalinta uu Madaxweynuhu u socdaalayo Magaalada Burco iyo weliba mudada uu ku maqnaanayo. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Cabdi Idiris Ducaale, oo Hargeysa News, wax ka weydiisay socdaalka Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday ka hadalka arrinkaas. Waxase laga warqabaa in Madaxweyne Rayaale maalmo ka hor uu booqasho ku tagay xarunta Gobolka Awdal ee Boorama, halkaas oo la tuhunsanyahay in ujeedada u weyn ee uu u tagay ay iyana la xidhiidhay hawsha ololaha doorashada Baarlamaanka. Degmada Oodweyne, ayaa ah Magaalo ay inta badan siyaasiyiinta Somaliland u maraan Magaalada Burco, iyada oo sida laga warqabo Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, safarkiisii u dambeeyay ee uu ku tago Magaalada Burco oo ku horeeyay degmada Oodweyne, halkaas oo loogu soo dhaweeyay si balaadhan iyada oo lagu qaabilay Fardo. Sidaas oo kale guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna mar uu bishii April ee sannadkan socdaal ku tagay Magaalada Burco waxa uu ku horeeyay Degmada Oodweyne oo uu Burco ka galay, halkaas oo isna si ballaadhan loogu soo dhaweeyay isla markaana lagu qaabilay Caano Geel oo Lis ah. Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo Email: editor@hargeysanews.net 5. Xaflado maanta Qariyey Magaalada Caasimada ah Oo loo Qabtay Shacbi ku soo Biiray Kulmiye. waxaa maanta ka dhacday Caasimada Somaliland xaflado si miisaan leh loogu soo dhaweenayey degaanadii, beelihii iyo degmooyinkii ka soo jabay xisbiga UDUB, kuwaas oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, waxaa ka mid ah reer Dacar Budhuq oo iminkadan ay ka socota Hotelka Araweelo ee magaalada Hargeysa xafladoodii. Halkaasna waxa jooga Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud iyo Xubno badan oo guddiga fulinta ah. Weli xafladaasi waa socotaa, waxaana ka muuqda qiiro badan iyo isciilkaambi ay muujinayaan xubnaha goobta ka hadlyey, xubnahaas oo doorkii hore u codeeyey UDUB oo u arka in ay xisbigii ay u codeeyeen aanu tixgelin karaamadii degaankaas iyo beelahaas. Xaflad kale oo ku soo biiris Xisbiga Kulmiye ah oo iyana hadda ka socota Xaafadda Maxamed Mooge ee Degmada Maxamuud Haybe, ayaa si balaadhan iyana loo soo agaasimay, waxaana khudbado dhaadheer iyo kaftanba ay is dhaafsanayeen dadka dekaankaas, xubno ka mid ah Xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin Guddoomiayaha Gobolka Hargeysa Cusmaan Hindi, Cabdilaahi Geel-jire iyo Guruuje, ayaa xafladaasna hormuud ka ahaa dhinaca Xisbiga Kulmiye. dadka soo biiray labada xafladood magacyadooda lama soo soobi karo waayo, waa ddegaano dhan. Waxaanuse idiin soo gudbin donaa Khudbadihii halkaas lays dhaafsaday marka xafalduhu dhamaandaan. waxaad kala socotaa wararkaa Somalilandfuture online. Somalilandfuture online Hargeysa
  17. 1. Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliland oo La kulantay Xoghaya Guud Ee Jamacadacarab 2. Garaad Cabdi Qani oo sideed sano ka bacdi soo gaadhay Hargeysa 3. Wafti Heer Qaran ah oo ay ka mid yahiin Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimah 4.Madaxweyne riyaale oo lafilaayo inuu Booqdo Burco iyo Odwayne 5. Xaflado maanta Qariyey Magaalada Caasimada ah Oo loo Qabtay Shacbi ku soo Biiray Kulmiye. 1. Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliland oo La kulantay Xoghaya Guud Ee Jamacadacarab Wasiirka arimaha dibada Somaliland Adna Adan ayaa waxa ay la kulantay xoghaya guud ee Jamacada Carabta Camruu Muusa mar ay booqosho ku joogtay caasimada wadanka Masar , wargaysa ka soo baxa wadanka Qatar oo la yidhaahdo Alwadan ayaa ku qoray safxadaha ugu horaysa ee bejkiisa waxa uu waragaysa oo ku daray in wasiirka arimaha dibada iyo xoghaya guud ee jamacada Carabtu, ka wada hadleen sidii jamhuuriyada Somaliland ay wadamada carabtu ay uga cawin lahayd sidiii logu heli lahaa sidii xoolaha Somaliland logu dhoofin laha wadamada Carabta , wargaysku muu sheegin xiliga ay la kulantay wasiirka arimaha Dibada Somaliland xoghaya guud ee jamacada Carabta , waana markii u horaysay oo wasiir ka socda Somaliland la kulmo xoghaya guud ee jamacada Carabta. 2 Garaad Cabdi Qani oo sideed sano ka bacdi soo gaadhay Hargeysa Hargeysa(hrg)-Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac, oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada caanka ah ee Beesha *********** , ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac, oo aan Magaalada Hargeysa cag soo dhigin muddo Siddeed Sannadood ah, ayaan ujeedada socdaalkiisa si rasmi ah loo ogayn. Hase yeeshee, xubno ka tirsanXildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo ka soo jeeda Beesha Garaadka ayaa Hargeysa News u sheegay in ujeedada Safarka Garaadku ay la xidhiidho arrimo Caafimaad, balse aanu u socon arrimo siyaasadeed iyo ujeeddo kale toona. Weriye Hargeysa News ka tirsan oo xalay booqday Hoteelka Paradise ee Magaalada Hargeysa, oouu Garaadku degganyahay ayaanay u suurto gelin inuu la kulmo Garaadka, iyada oo Maamulka Hoteelkuu sheegay, in Garaadku xannuunsanayo, xaaladdiisuse ay fiicantahay, balse aan loo oggolayn in loo galo. Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, waxa Magaalada Hargeysa ugu dambaysay sannadkii 1997, wakhtigaas oo uu Hargeysa ka socday Shirweynihii Saddexaad ee Beelaha Somaliland ee dib loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Wakhtigaas ayaa Garaadka iyo Marxuum Cigaal waxa ay isku khilaafeen xulista xildhibaanadii Beesha *********** uga qayb galayay Golihii Wakiilada Somaliland, arrintaas oo sababtay in Garaadku cadho kaga tago Hargeysa, isaga oo u ambabaxay Magaalada Laascaanood oo uu ku sugnaa. Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo Email: editor@hargeysanews.net Qarannews 3. Wafti Heer Qaran ah oo ay ka mid yahiin Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimah Waxa Gordhow lafilayaa in wefi ballaadhan oo heer Qarana inay uduulaan Jamhuuriyada DJibouti, weftigan oo ay horkacayaan wasaarada Maaliyada Ambassador Xuseen Ali Ducaale, iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo ka imanaysa Qaahira Dalka Masar ayaa la filayaa in ay dalka Djibouti kula kulmaan waftiga balaadhan ee ka socoda Maamulka Madaxweyne Bush iyadoo ilo madax banaan oo ku dhow dhow Waftigaasi ay noo xaqiijiyeen in weftigu ay kala hadli doonan waftiga culus ee ka socoda Congress-ka Maraykanka Qadiyadda Somaliland iyo iskaashiga Argagixisada Caalamiga. Waftigan Maraykanka ah ee balaadhan ayey sheegayaan ilaha aanu helnay in uu ahaa kii ugu horeyay abidkeed taariikhda Somaliland ee Maamulka Dalka Maraykanku U Soo diro Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka maaliyada Somaliland Mudane Hussein ali ducaale ayaa dhawaan sheegay in Somaliland heli doonto aqoonsi caalamiya bilaha soo socodda halkaana loogu laalaabi doono cadowga ka soo horjeeda qadiyadeena. Madaxweyne Daahir Reyaale Kaahin Mar ay Hadhwanaagnews la yeelatay waraysi bishii hore Dabayaaqadeedii ayuu tilmaamay madaxweyne Reyaale in la joogo xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland oo aduunkii soo Eegayo, Waftigan balaadhan ee ka socoda Congress-ka maraykanka waxa ay soo af-jaraysaa muddo badan oo cadowga Somaliland ku naaloonayeen in aanay Somaliland heli doonin aqoonsi oo ay ka mid ahaan doonan somaliya iyadoo rajaddii laga qabay somaliweyn ay maraykanka u cadeysay in aanay rajo lahayn Somaliland-na noqotay dal wax qabsaday. Dhinaca kale waxa aan meesha ka madhnayn mar hadii ay doorashadii ugu danbaysay ee ka hadhay dhamaystirka nidaamka dimuqraadiga ay qabsoomi doonto 15 Sep2005, oo ay xukuumadu usheegto shacabkeeda markaydoorashadu dhacdo ayaa soomaaliland aqoonsiga helidoontaa oo ay arintaa ay kala hadli doonaan. Hadhwanaagnews qarannews
  18. Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha dibadda oo socdaal ku tagay Jabuuti Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa shalay u dhoofay dhinaca dalka Jabuuti, isla markaana Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Marwo Edna Aadan oo horeba ugu laalayd safaro dibada ah ayaa iyana la sheegay inay u soo duushay dhinaca magaalada Jabuuti, halkaas oo ay labada Wasiir kula kulmayaan wefti ka socda Congress-ka Maraykanka . Sidaana waxaa Ogaal u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale, oo aanu xalay wax ka waydiinay socdaalka weftigaa. Afhayeenka Madaxtooyadu wuxuu xusay in labada Wasiir ay Jabuuti wada-hadal kula yeelanayaan wefti Congress-ka Maraykanka ka socda, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimo khuseeya dhinaca dhaqaalaha oo uu metelayo Wasiirka Maaliyaddu, iyo dhinaca siyaasada oo ay qaabilsan tahay Wasiirka Arimaha Dibaddu. Afhayeenku waxa kale oo uu xusay inay jireen xidhiidho hore oo wada-hadalkaasi daba socday, dawladda Maraykankuna ay beryahan dambe danaynayso arrimaha Somaliland. Hase yeeshee, Afhayeenku ma sheegin war intaa dhaafsiisan. Dhinaca kalena, warar aanu ka soo xiganay illo kale oo dawladda ka tirsan ayaa iyana tibaaxay in labada Wasiir ay kula kulmayaan Jabuuti wefti Congress-ka Maraykanka ka socda, kaas oo ay sheegeen inuu qasdigiisu yahay sidii Maraykanku uu u caawin lahaa wadamada Bariga Afrika. Wararkaasi waxay intaas ku dareen, in sidaa daraadeed ay labada Wasiir iyo weftigaasi ka wada hadli doonaan sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinaca horumarinta. Ma jiraan warar dheeraad ah oo intaa dhaafsiisan oo la xidhiidha socdaalka weftigaas.
  19. Hello Tolstoy! How are you doing brother. Very well said brother. But dhagii ilaahay waaniyo ayaa waansan. But in any case, the caravan shall roll on. MR. CAAMIR You can have your opinions as you wish but the fact of the matter is that Somaliland and Djibouti have reached a series of agreements in the pass few years which included among other things the normalisation of relations, the stablishment of trade offices and the recognition of Somaliland passport as a valid travel document. I dont know if you did listen to it on BBC but even the Djibouti foreign Minister confirmed the list of agreements. This is not however to say that Djibouti has "FULLY" recognised Somaliland but that is the direction the wind is blowing. The Somaliland Diplomatic Passport is travelled by Somaliland officials and is accepted as a valid travel document for entry to the USA, Canada, UK and a number of other European countries including Denmark, Sweden, France, Germany, Belgium and the Netherlands. It is also accepted in a number of African Union member countries. Somaliland has come a long sxb and there is no returns but look forward.
  20. ^^ Well said my SL passport Northerner, tell me you are not joking. :eek: :eek: Waryaa sideed ku heshay... :confused:
  21. ^^ sxb I understand what you meant... si kale ha u qaadanin. As for the question... I am not so sure about it. Personally, I would comment on another guy's other qualities skills and talents like his ragganimo, geesinimo, deeqsinimo etc... but I would leave those kind of comments as to whether a guy has a nice voice or bad voice, is tall or short, fat or thin, sexy or not... for the girls to judge.
  22. ^^^very sorry hadaa iga raali noqo, khaladweyn ayaa dhacay.
  23. ^^ Fidel are you a err a "she"? :confused: I tried to do it some years back, but I got sick of it. A lotta hardwork went into that, I gotta tell ya. Respects. Me will stick to his weekly indoor soccer. I think that is enough as far as fitness is concerned for me.
  24. WAKIILKA ETHIOPIA U FADHIYA SOMALILAND OO BALAADHIYEY HAWLIHII UU QABAN JIRAY Wakiilka Dawlada itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa kordhiyey adeegii Wakiilnimo ee uu qaban jiray,kaas oo markii hore ku eekaa, wakiilnimo dhinaca Ganacsiga oo kaliya, iyo hawlo kooban o dhinaca Diplomaasiyada ah. Sida ku cad Ogaysiis uu Xafiiska Wakiilka itoobiya u fadhiyaa ku soo dhejiyey Derbiga Xaruntiisa 18-kii July 2005, waxaa uu Xafiiskani hada fulinayaa hawlo ay ak mid yihiin: 1. Bixinta Fiisayaasha Ethiopia lagu tagayo ( Dal ku galka Ethiopia ). 2. Waxaa la Cusboonaysiinayaa Baasaaboorada Ethiopia, ka dib marka ogolaansho laga soo helo Laanta Socdaalka ee Addis-ababa. Hawlahan oo markii hore Dadku dhibaato kala Kulmi jiray, iyaga oo fiisayaashana ka qaadan jiray Xuduudaha ama Madaarada, Cusboonaysiinta Baasaabooradana u tagi jiray Caasimada Ethiopia ee Addis-ababa, ayey haatan hawshan kala xidhiidhi karaan si dhib yar, Wakiilka Ethiopia u fadhiya Somaliland. Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay dhawaan bilaabanto badeecadii ay Ganacsatada Ethiopia kala tagi lahayd Dekeda Berbera, arrimahan oo ay hore labada Dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland ugu heshiiyeen,Bishii June 2005, markii ay dalka yimaadeen Wefti balaadhan oo Ethiopian ahi. Somaliland Future Online Hargeisa