Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. ^^Man from *Hargeysa* (of course ) Welcome back. Looks like our long time friends are coming back to life. Waxa idin soo toosiyey ayaan garanwayay.
  2. Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Burco ku sugan ---
  3. Madaxweyne ku xigeenka JSL oo Maanta ka Hadlay Fagaaraha Khayriyada ee magaalada Boorama Hargeysa (Halganews) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo weli ku jira socdaalkiisi uu gobolada dalka Somaliland ugu baxay, isla markaana uu shalay soo gaadhay magaalada Boorama isagoo ka soo kicitimay degmada Saylac. Ayaa maanta fagaaraha khayrida ee magaalada Boorama kala hadlay dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi Madaxweyne ku xigeenka JSL oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo murashaxinta xisbiga UDUB ayaa hadal uu ka jeediyay fagaaraha oo ay maanta banaan baxa lahaayeen xisbiga UDUB, waxa uu kaga waramay mihiimada doorashada golaha wakiiladu ay u leedahay JSL, iyada oo uu yidhi caalamka oo dhami uu si gaar ah ula socdo doorashada golaha wakiilada dhamaystiraysana geedi socodkii dimuqradiyada Somaliland, iyadoo si nabadgelyo ah ay noogu soo qaybsoomayn ayuu yidhi labadii doorsho ee hore, waxana uu Madaxweyne ku xigeenku ka codsaday dadweynaha magaalada Boorame in ay Nabad gelyada ilaaliyaan si naabdgelyo ahna ay ku codeeyaan. Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasin waxa kale oo uu uga waramay dadweynahaasi safar dheer oo uu ku soo maray wadanka oo dhan oo uu ugu dambayntii xeebaha galbeed ee gobolka Awdal ku soo maray, iyada oo horena ilaa gobolka Sanaag oo bariga ugu xiga Somaliland soo maray. Waxana banaan baxaasi ee taageerayasha UDUB ee ka dhacay magaalada Boorame kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka JSL Marwada Madaxweynaha JSL Hudo Barkhad Aadan. Abdifatah Hassan, Hargeisa Somaliland.
  4. Before the Ethiopians introduced their tough anti contraband regime, the small town of HertaSheekha was a bustling center of trade. Somaliland small business owners benefited a lot from this. Now that Ethiopia wants to formalise trade with Somaliland by opening trade offices in Hargeisa and establishing customs on the main trade route border town of Togwajaale. What can Somaliland export into Ethiopia? We know that all the previously contraband goods are now being formally taxed by Ethiopia which makes them not as cheap as they were before when they reach Ethiopian markets. Which in turn reduces the profit margin of Somaliland traders. Ethiopia maxaynu u diri karna oo dhulkeena laga helaa?
  5. The only district which unfortunately will miss out this histric elections will be the district of Taleeh. All the other 3 districts Xuddun, Caynaba, and Half of Laascaanood district will be going to the polls.
  6. Qof hinaasa waa la arki jiray laakin maamul hinaasay waa inoo kaw. 70% of Sool region will be going to the polls on election day, Allah willing. And it will hopefully be peacefull.
  7. 0.9%-1.4% is a very high number. It is about time they get really serious and tell the nomads that this is not just a KAAFIR disease but it affects regardless of ones' religion. What I think would really help fight the spread of this disease, is for one the ulimah and elders and womens' orgranisation to mobilise and spread the word. Also, they should introduce mandatory HIV/AIDS tests before a marriage goes ahead. The problem is that Ethiopia and Djibouti and possibily Kenya neighboring countries have such a high number of infected people. And Somali people specialy Somali men travel to these countries and some small number of them return with the virus which (unknowingly "perhaps") they then spread it by marriage. So, in reality the spread of AIDS in the somali territories is due to mostly marriage, and it can be seriously wounded if they introduce mandatory HIV/AIDS tests.
  8. In the past two months the businesspeople exported 84,960 liters of milk worth 8455 USD, 3,294,285kg of khat worth 8,593,773 USD and 4,764 oxen worth 571,680 USD Just two months and 8.5 million dollars worth of Qaad were imported into Somaliland? That means 50 million dollars down the drain every year. What did Somaliland export to Ethiopia to recoup this huge lost of hard currency? Somaliland's ministry of commerce needs to do something about this. Because you can not call this trade, this is one way traffic. Hopefully their use of Berbera port will tilt this huge trade deficit.
  9. ^^Mr SOO MAAL welcome back. Wonder what brought you back to life? Care to share?
  10. If you are a G&M subscriber... do us all a favoure and post the rest of the 4 parts here. ----- theglobeandmail.com By FAHIMA OSMAN Determined to help, FAHIMA OSMAN travels to her poverty-stricken ancestral homeland and finds signs of hope Two years ago, Fahima Osman was featured in The Globe and Mail's New Canadians series as the first Canadian of Somali descent to graduate from medical school here. Back then, she hoped to divide her time between Canada and her family's ancestral home, Somalia's former northern province which has declared its independence. As these notes from her recent trip to Somaliland demonstrate, she is more dedicated to that plan than ever. On the plane, I am very excited. The purpose of my trip is to do some soul searching, find a research topic and get inspired. It has been five years since my last visit to Somaliland -- and it's what inspired me to become a physician, in the hope I could return one day and help. Now, I am thinking of taking two years off my medical training. I'd like to get my master's degree in education so I can help open a medical school in Somaliland and train future doctors. I don't think it is enough to just work there part-time; they need more doctors and an adequate health-care system. When I arrive in Hargeisa, the capital, I notice that much has changed. The airport in the desert now has a well-decorated terminal building with new national flag waving in the breeze. Peace has drawn so many refugees home that the population has increased dramatically. The country still struggles with poverty, of course, as well as international recognition as a sovereign state. But there is a main road with traffic lights, a new television station, small businesses and many Internet cafés. I'm delighted at all the improvements -- and hoping the same is true at the Hargeisa hospital. To my surprise and delight, they have already started a medical school, with an enrolment of about 80. The students sit in classes the entire day, reading endless books on anatomy and physiology, and have no contact with real patients. But they are so motivated. I am so excited -- I can't wait to talk to the professors about their curriculum. Then excitement begins to fade. First, I get a sense of how grim the situation is for young people. Older Somalis are easygoing, and don't worry about anything as long as they have three meals a day. (I once asked an elder why, and he answered: "It is peaceful now. What more can we want?") But young people born after the war are not so content. Unlike their parents, they know what they are missing, because of the Internet cafés and satellite TV, and they've lost hope. What's the point of going to school, one of my cousins asks me, if you're still unemployed and living in poverty when you finish? Then, when I finally get to visit the hospital, I find it's in appalling condition. Dr. Abdirashid, a general practitioner and one of the few remaining graduates from Addis Ababa medical school in Ethiopia, eagerly shows me around after learning that I'm a physician from Canada and planning to come back. Located in a field at the centre of the city, the hospital was built in the 1950s while Somaliland was a British colony. It consists of a collection of small brick homes that resemble barracks and sort of reminded me of a concentration camp I visited as a teenager in Holland. Each barrack houses different types of patients, with the largest being the emergency room. Most of the patients are poor and some walk for days to reach the hospital. Only 15 per cent of the patients can afford to go to one of the private clinics in the city, and even they must come here if they require emergency surgery or an overnight stay, so no one can avoid the place completely. Hargeisa's population is now approaching 300,000 -- excluding the outlying communities -- and yet the city has only 20 doctors. Usually just one is on duty at the hospital's busy emergency department, which is not an attractive place to work when a young physician can make triple the money by opening a private clinic for the rich
  11. Fahima Osman goes to Somaliland and reports back of what she saw there. --- Determined to help, FAHIMA OSMAN travels to her poverty-stricken ancestral homeland and finds signs of hope Two years ago, Fahima Osman was featured in The Globe and Mail's New Canadians series as the first Canadian of Somali descent to graduate from medical school here. Back then, she hoped to divide her time between Canada and her family's ancestral home, Somalia's former northern province which has declared its independence. As these notes from her recent trip to Somaliland demonstrate, she is more dedicated to that plan than ever.
  12. Murashax Khadar oo u gacan haadinaya Taageerayaashisa Xaafadda Idaacadda. [uCID's Hargeisa Candidate Mr. Khadar] Har(HRG)- Shabakada Wararka ee Hargeysa News, ayaa waraysi la yeelatay Murashax Khadar Aadan Xuseen (Ambassador), oo ka mid ah Murashixinta xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa uga sharaxan doorashada Barlamaanka. Murashax, Khadar waxa uu ka waramay halka uu marayo ololihiisa doorashada, aragtidiisa ku waajahan Baarlamaankii hore iyo arrimo kale. Waraysigaasi waxa uu u dhacay sidan: S. Khadar Ilaa hadda halkee ayuu marayaa ololahaaga doorashadu? J. Aad ayaad u mahadsantahay, marka labaad ololahayga doorashadu aad ayuu u fiicanyahay waxaanu ilaa hadda u socdaa sidii aan ugu tallo galay. Waxa aan furay Xafiisyo Lixdan kor u dhaafay oo aan ka furay Shanta Degmo ee Magaalada Hargeysa. Maadaama aan ahay Murashax Qaran, waxaan khasab noqotay in dadweynaha Gobolka Hargeysa aan gaadhsiiyo xafiisyadayda. Markaa ololahaygu si fiican ayuu u socdaa. [Khadar and his campaign organisers] S. Khadar marka aad leedahay Waxaan ahay Murashax Qaran Maxaad u jeedaa? J. Waxaan u jeedaa Murashaxu marka uu damco inuu is sharaxo wuxuu u marayaa murshaxnimadiisa hab Qabiil ama wuxuu u marayaa hab Qaran oo wuxuu noqonayaa mid dadka aamina oo kalsoonida uu dadka ku qabo isku sharaxo Qaranka. Markaas anigu iskumaan sharaxin qabiil ee waxaan isu sharaxay inaan shacbiga aamino oo ay igu qiimeeyaan wax qabadkayga. S.Khadar Waxaad tahay nin Ganacsade ah. Maxaa kugu kelifay inaad Siyaasadda ku biirto?. J.Horta danta gaarka ah iyo danta guud ma kala maarmaan. Waxyaabaha aanu qurbaha ku soo baranay ee aanu ka soo faa’iidnay waxa ka mid ah inaanu qofku qimayn waxa uu gaarka u leeyahay balse uu gacan ka gaysto danta guud. Markaa waxa igu kelifay maadaama arrimahaygii gaarka ahaa aan fuliyay oo ay imika saldhigeen waxa qasab noqotay inaan danta guud gacan ka gaysto aniga oo arkay inay jiraan baahiyo badani. Baarlamaanku waa Hay’adda ugu mihiimsan qaranka markaa waxa loo baahanyahay inay gallaan dad aqoon iyo waayo aragnimo leh oo aan baahnayn, kuwaas wax wadi kara ayaanan isu arkaa. S. Waxaan ku weydiiyay dadka qaar ayaa leh, Khadar arrinkiisu waa ka dheeryahay Xildhibaanimo oo waxa uu Baarlamaanka u galayaa inuu u noqdo Salaan uu ka gallo Siyaasadda sare ee dalka ilaa heer Madaxweyne bal doodaas maxaad ka odhan? J.Qosol…Niyoow waxa aniga maskaxdayda hadda ku jiraa maaha wax ka baxsan Baarlamaanka, Salaad Walbana wakhtigeeda ayaa la tukudaa, waxaanan leeyahay mid gudo jooga iyo mid dibad joogaba arrinka hadda ina horyaalaa waa sidii aynu u dhisan lahayn Baarlamaan Wanaagsan oo tayo aqooneed iyo khibradba leh. Marka ay taasi dhacdo ayaanu wadanku dhismi karaa, dawladdana waxa lagu qasbi doonaa inay adeegyada bulsho ee umadeenu baahida u qabto gacan ka gaysto. S. Golaha Wakiilada ee hadda Wakhtigoodii dhammaanayo sideed u aragtaa? J. Runtii anigu waxaan Golahaas hore u arkaa inay wax weyn qabteen dhinacaygana sharaf ayay ka mudanyihiin, waayo wadanka waxay la soo mareen marxalado adag. Qofka Bini-aadamka ahina waa in wixii uu qabtay looga abaal gudaa. Markaas waxaan arkaa inay wax weyn qabteen oo ay ina soo gaadhsiiyeen meel wax laga sii qaadi karo. Waxaan qabaa rag badan oo Golahaas hore ku jiray inaanu Golahan hadda la dooranayaana ka Maarmi Karin. Tusaale ahaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, waxaan qabaa inaanu Golaha dambe sinaba uga maarmi Karin, waana shakhsi sharaf agtayda ka mudan oo dalka wax badan gashaday. [Mr. Khadar with UCID's deputy chairman Mr. Cirro] S. Maxaad Khadaroow taageerayaashada ugu ballan qaadaysaa? J.Taageerayaashayda oo ku filiqsan gobolka Hargeysa oo dhan waxaan ugu ballan qaadayaa maadaama aan ahay Murashax qaran inaan marka u horaysa Gaadh ka hayo oo aan ilaaliyo Qaranimada Somaliland, waxaan ugu ballan qaadayaa inaan daacad u noqon doono wadanka oo aan ilaalin doono Cadaaladda. Waxaan u hawlgeli doonaa sidii aan hadba xukuumadda joogta ugu qasbi lahayn inay fuliso baahiyaha bulshada. S. Maxaa Farrin ah ee aad u diraysaa qurbajooga oo aad ka soo jeedo? J. Horta Waan salaamayaa…Salaanta Islaamka ayaanan ku salaamayaa. Hore ayaan wax u tusay dadka qurbaha ku nool oo aan u sheegay inaan qurbaha la isku iloobin oo wixii la soo kasbaday ee maskax iyo muruq ah wadanka lagula noqdo. Waxaan leeyahay waxa la inaga sugayaa inaynu wadankeena u gurmano oo dadkii way ina sugayaane wixii Maskax iyo muruq aynu hayno aynu dalkeena kula soo laabano. Waxaan leeyahay qurbo jooga isku xidhnaada oo sida aad wadanka ugu shaqaysaana ugu shaqeeye dedaalkana halkaas ka sii wada. Dhinaca kale sida uu saaka qoray Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa hargeysa Murashax Khadar Aadan Xuseen (Khadar Ambassador) oo ka mid ah Murashixiinta xisbiga UCID doorashada Golaha Wakiilada uga sharaxan gobolka Hargeysa, ayaa shalay Laba Xafiis ka furtay Xaafadda Idaacadda ee Magaalada Hargeysa iyo Tuulada Aw Barkhadle ee duleedka Bari, Magaalada Hargeysa. Xafiiska Xaafadda Idaacadda uu ka furtay Khadar Ambassador, oo markii uu xadhiga ka jaray ay ku sugnaayeen taageerayaal aad u tiro badani, ayaa waxa halkaas loogu qaabilay dareen ay ka muuqatatay qalbi furnaani, iyada oo lagu soo dhaweeyay Heeso iyo Ciyaaro dhaqameed iyo weliba Calamo iyo Boodhadh uu ka lushay Sawirada iyo Astaantiisa gaarka ah oo ah Diig. Murashax Khadar Ambassador, oo dadweynahaas Xaafadda Idaacadda hadal u jeediyay ayaa uga mahadnaqay soo dhawayntooda, “Dadweynaha Xaafadda Idaacadoow waxaan idiinka Mahadnaqayaa soo dhawayntiina aad ii muujiseen…Waad Mahadsantihiin ayaan idin leeyahay, Illaahayna ha idinka Jisaa’I siiyo†ayuu yidhi Murashax Khadar Aadan Xuseen. Murashaxu, waxa uu dadweynaha u sheegay inuu Magaalada Hargeysa gudaheeda ka furtay Xafiisyo tiradoodu gaadhayso Lixdan Xafiis, “Sababta aan Magaalada oo keliya uga furtay Xafiisyadaas tirada badan waxa weeye waxaan ahay Murashax qaran. Reerkayga dabada maan gelin ee waxaan door biday Qaranimo†ayuu yidhi Khadar Ambassador, waxaanu intaas ku daray, “Dadweynaha Xaafadani waxay iga mudanyihiin Qiimo iyo Qadarin gaar ah waxaanay ka mid tahay Xaafadaha Magaalada Hargeysa ee codkooda aan martida uga ahay. Hala igu qiimeeyo wax qabadka aan Magaalada ku soo kordhiyay.†Khadar Aadan Xuseen, waxa uu taageerayaasha tirada badan ee halkaas ku soo dhaweeyay uga waramay Ahmiyadda ay doorashada Baarlamaanku dalka u leedahay, waxaanu ugu baaqay inay nabadgelyo ku codeeyaan. Waxa uu Khadar taageerayaashiisa Xaafadda Idaacadda u sharaxay Astaantiisa gaarka ah oo ah Diig, “Astaantaydu waa Diig ee la socda, waxaanan Xaqa ugu Adimi doonaa sida Diigu xaqa ugu Adimo ee uu Salaada Subax inoo toosiyo†ayuu yidhi Khadar Aadan Xuseen. Taageerayaasha Khadar Aadan Xuseen ee Xaafadda Idaacadda oo aad u tiro badnaa waxa ay qaadayeen heeso iyaga oo ku dhawaaqayay halkudhego ay ka mid yihiin Waa Geesigii oon godob lahayn…Waa Geesigii Hargeysa ee Codkiina Siiya iyo Ereyo kale. Waxa kale oo uu Khadar shalay Xadhiga ka jaray Xafiis uu ka furtay Tuulada Aw Barkhadle ee duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa. khadar Ambassadro, waxa ay jidka loo sii maro Aw Barkhadle marka Hargeysa laga tago ku kulmeen Murashax Ambassador Cabdiraxmaan Cirro oo isna ka soo kicitamay Magaalada Berbera. Khadar iyo Cirro Aw Barkhadle ayaa ayaa waxa u soo baxay taageerayaal tiro badan oo sitay Calanka UCID iyo Boodhadh sawirka Murashaxu ku xardhanyahay. Taageerayaasha Khadar Ambassador ee Tuulada AwBarkhadle, markii Murashaxoodu u dhammeeyay khudbadiisii, waxa ay qabsadeen Ciyaar dhaqameed iyaga oo ku luuqaynayay heeso gaar ah oo ay midhahooda u tiriyeen Murashaxa Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo
  13. [uCID Berbera candidate Mr. Beegsi with UCID chairman Mr. Faisal] UCID IYO BERBERA: ILYARTAA XALAY IS QABATAY Berbera(Jam)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey degaanada Dacar-budhuq,Abdaal,Dara-godle iyo tuulada Laasa- dacawo oo dhammaantood ka tirsan gobolka Saaxil. Boqolaal taageerayaasha xisbiga UCID ah ayaa isugu soo baxay soo dhawayntay weftigaas iyaga oo lulaya caleemo qoyan, calanka xisbiga UCID, calaamadaha murashaxiinta xisbiga ee ka sharaxan deegaanada Dacar budhuq iyo Abdaal. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo dadkaa hadal u jeediyey ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa; “Walaalayaal dib u xoreynta dalkeena waxaa ku naf-waaayey malaayiin rag iyo dumar ah,waxa loo huray dad iyo duunyo badan, waxay ahayd in la helo madaxbannaanida dhisme qaran oo ku dhisan wada tashi, dimuqaraadiyad, daacadnimo iyo horumar, balse looma fadhi iyo lama filaan ayaa dhacday, dib u xoreyntii qiimaha weyn noogu fadhiday waxa laga door biday in 40 nin oo Gafanayaal ku noqday dhiiggeenii iyo dheecaankeenii ay ka faa’iidaysteen kaligood, isla markaana ay Bustaalayaal u Faaliya dhigtaan xafiisyada. Dadka intii kalena shaqo la’aan, cunto la’aan, biyo iyo waxbarasho la’aan badaan sidaasi miyey ina anfacdaaâ€. Faysal Cali Waraabe oo la hadlayey taageerayaashiisa tuulada Abdaal ayaa intaa raaciyey; “Walaalayaal, Axmed Yuusuf Yaasiin (madaxweyne ku-xigeenka) Guri weyn oo Ganjeel leh ayuu dhistay oo Masaajidna ka dhistay, Fooxa ayaa Dabka lagu ridaa inta maalin iyo habeen Marfashkiisa lagu cuno ayaa Abdaal u dhisi lahayd Dugsi dhexe iyo goob caafimaad, maalinta labaadna Dugsi sare ayey Dacar budhuq u dhisi lahayd, mudadaa uu xilka hayey Irbad Dun uma gelin Saaxil iyo Qarankaba. ILLAAHAY BAAN IDINKU DHAARIYEY, marka uu idiin yimaado ee uu yidhaahdo codka UDUB siiya waydiiya oo ku dhaha ‘maxaad noo qabatayâ€. Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe, waxa uu tageerayaasha murashaxiinta xisbiga UCID ee gobolka Saaxil u sheegay, In murashaxiinta UCID ee gobolka Saaxil yihiin kuwo xul ah, isaga oo Farta ku fiiqaya musharaxa da’da yar ee UCID, Mr. Beegsi ee uu yidhi; “Daacadnimo, karti, aqoon ayuu ku sifoobay waa in aad codkooda siisaan si ay dalka iyo dadkaba uga badbaadiyaan burbur iyo horumar la’aanâ€. Waxaa isna ka hadlay madasha musharax Beegsi oo yidhi; “Guddooomiye taageerayaashan horteena taagan, islamarkaana Dacar-budhuq aynu ku soo aragnay, waa kuwo iskood u go’aansaday inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID, kadib markii ay labadii doorasho ee hore u coddeeyeen xisbiga UDUB, balse ay shaki la’aan isku qanciyeen inay gacmo madhan iyo tacab khasaar ka joogaan codkoodii, ayey u badheedheen inay codkooda iyo taageeradoodaba siiyaan xisbiga UCIDâ€. Mr.Beegsi waxa uu ku soo geba-gebeeyey hadalkiisa in ay taageerayaasha musharixiinta xisbiga UCID ay yihiin kuwo iminka xor ah oo ka xoroobay xisbigii UDUB ee ay u xaraysnaayeen, isla markaana ay ka go’antahay inay codkooda siiyaan xisbiga UCID. Dhinaca kale isu soo baxan ay sameeyeen taageerayaasha xisbiga UCID ayaa dadka qaarkii ugu muuqday inay ahayd dhoolatuskii ugu ballaadhnaa, taas oo dhaxalsiisay in si aan hore loo arag ay uga raali noqdeen madaxdii sare ee xisbiga UCID. Waxa waftiga UCID ka mid ahaa ku-simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID ahna musharax uga sharaxan gobolka Saaxil, xisbiga Mr. Cabdiraxmaan Ciro. Waftiga UCID waxay meel fagaare ah kala hadli doonaan dadwaynaha reer Berbera. Source: Jamhuuriya
  14. ^^ But the way the President has over acted on his security is very uncommon and not required. Days before the President arrived in Odweine the whole district was secured with armed vehicles cutting off all roads that lead to Odweine. And before the President arrived 3 armed vehicles secured the streets carrying more then 25 full armed men. And behind the president more soldiers came... The people of Odweine bewildered by this over the top security operation, joked the president by giving him a symbolic "stick". "Mr. President you don't need all these armory when you come here, all you need is this simple stick" an odweine elder remarked -------- Reer Oodweyne Oo Riyaale Gudoonsiiyay Dhangad Galool ah "Madaxweyne Meeshu Laas.caanood maahee waxan oo ciidan ah Iska Reeb oo dhangadaa Qudha ku kaalaya Oodweyne ee meeshaad doontaba " Badhtamihii Todobaadkan ayaa waxa socaal ku tagay degmada Oodweyne ee Gobolka togdheer madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Mudane: Daahir Riyaale Kaahin , Hadaba waxa aan qormadan ku eegaynaa wax yaabihii uu kala kulmaya madaxweyne Riyaale iyo Hadyadihii ay reer Oodweyne Gudoonsiiyeen , Guud ahaanba waa barigii subaxdii la soo dhaweynaayay madaxweynaha waxa ay boqolaal gaadhi isugu tageen Tuulada Hara sheekh oo galbeed ka xigta madaalada Oodweyne , Waxana halkaasi isa sii tubay dad aad u tiro badan oo aya ka dhex muuqdaan musharixiin faro badan oo ka mid ah musharixiinta hada xisbiga UDUB uga sharaxan gobolka togdheer , Waxa kale oo meesha ka muuqday Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka somaliland Siciid Yare , oo isagu lahaa Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Riyaale Kaahinka Somaliland , Hadaba markii aya dadka iyo gaadiidka soo dhaweynta madaxweyne Riyaale aya iska soo buuxiyeen meel galbeed ka xigta Tuulada Hara sheekh ee Degmada Oodweyne , Dhul kuna uu yahay Dhul Barwaaqo , Ayaa waxa dadka lagu war galiyay In madaxweynuhu uu hada soo dhaw yahay , Ka dib dadku waxa ay galeen safaf dhaadheer waxa dadka ooo dhami aya wada eegee dhanka galbeed oo aya naga xigtay wadada la filaayo in uu ka soo galo madaxweyne Riyaale , Waxana ay isla markiiba indhaha dadka Soo dhaweeyayaashu aya qabatay laba Gaadhi oo aha Nooca gaashaaman ee Tikikada ah , oo i badan ka soo horeeyay madaxweyne Riyaale , Waxa kale oo hadana ka daba yimid mid kale oo isna uu saaran yahay Qoriga nooca loo yaqaano BT, Sadexda gaadhi ee tiknikada ah ee ugu soo horeeyay Weftiga Madaxweyne Riyaale waxa saarnaa askar lagu qiyaasaayo ilaa 25 askari oo ku labisa dirays Qurux badan kuna jeena qaaran Sil siladaha Qoryaha BKM ka Iyo RBD, wax yara ka dib waxa meeshii soo gaadhay weftigii madaxweyne Riyaale oo aya ugu horeeyaan sadex gaadhi oo kale oo iyagu na tikiko ah , Waxana mushraxad iyo sacab si diiran ugu soo dhaweeyay dadkii isugu yimid madasha lagu soo dhaweynaayay madaxweynaha oo aya ku soo darsameen dad aad u badan oo iyana ka soo baxay tuulada Hara sheekh lafteeda, Baabuurtii way istaagtay waxana ka so odagay Gaadhi Cad oo aha nooca loo yaqaano Calawiyada Madaxweyne Riyaale oo ku labisan Suudh midabkiisu yahay Kaaki , waxana ay soo dhex lugeeyeen dad aad u tiro badan , meel ilaa u jirta 5 ML tuulada Hara Sheekh Madaxweyne Riyaale Salaan ayuu dadka gacan u ruxaayay waxana Garabsocaday wasiirada : Maaliyada , Madaxtooyada , arimaha gudaha , Hawlaha guud , Macdanta iyo Biyaha , Iyo Gudoomiyaha UDUB ee togdheer , Waxana garab socday Ku dhawaad 100 askari oo si layaab ah u hubaysan , Waxana madaxweynaha la geeyay Geed weyn hoostii oo ku yaala Baliga Tuulada Hara sheekh , oo loo sii agaasimada waxana halkii lagu siiyay Cano iyo Biyo qaboow, Hadaba waxa aya aad ugu qaadan waayeen dadka ku dhaqn deegaamadaasi Ciidamada Faraha badan ee garab yaacaaya madaxweyne Riyaale, Qudbado dhaadheer ka Dib ayaa waxa mid ka mid ah Cuqaasha Reer Oodweyne lagu soo dhaweeyey Anburafaayarka , waxana uu nijnkaasi Odayga ahin , Madaxweynaha Siiyay Dhangad Galool ah , waxana uu ku yidhi " Madaxweyne Marka aad noo imanayso Dhangadaas soo qaado , lakiin Waxan oo ciidan ah iska kala yaree ilay waxa aad imanaysaa dhulkaasii iyo dadkaagii e " Ciidamada iyo gaadiidka ay wateen ee ilaalinaayay madaxweyuhu waxa ay ku dhawaanayaneen gaadiidka ay wataan weftigu , Hasa ahaatee Riiyaale uu gar waaqsaday in Oodweyne Tahays meel amaan ah ka dib markii uu galinkii danbe lug ku tagay dugsiga weyne ee Oodweyne Sidoo kale waxa amaanka loo adkeeyay magaalada oo dhan waxana la dhigaua afar kaantaroo oo anay hore u lahaan jirin Oodweyne Habeenimadkii ka horeysay intii aanu madaxweyne Riyaale imana ayaa wxaa aan tuuulooyinka CEEL XUME CEEL BILCILE ku soo dhaafay min labaga gaadhi oo tikniko aha oo la dhigaya , Hasa ahaatee waxa lay sheegay in aya u dhaafi doonaan ,magaala Oodweyne , Oodweyne News Somaliland
  15. I heard a typical pillow is invested by tens of millions of different kinds of microscopic organisms. Most of them are harmless however. :eek:
  16. ^^ Baashi But with determination, it can be done. But before that the Muslims need to look inwards and organise themselves to counter this mass misinformation. If we can't respond to these cheap lies, I don't know how we would be able to respond to a more complicated lie. A world wide organisation akin to the Jewish Anti-Defamation League, would have been a great start. We wouldn't need Fatwas. Instead correct information would have been enough to counter misinformation. I once sent her a SOL topic link (let us just say the topic contained not-so-friendly "opinions" without insults) and she replied with a "get lost" subject. I laughed so hard. How civilized. loooool You are not kidding? LOL To the rest... sorry this will be my very last Ayaandaran topic.
  17. I've just came across a so called Blog by Ayaan Hirsi Ali (I don't know if its her or someone else though). It is the first time I saw the complete four parts of the short film "Submission" that she coproduced with the dutch film maker Theo Van Goth. Total rubbish. here is the url http://ayaanhirsiali.web-log.nl/log/2292608
  18. A high level UK delegation is on its way to Hargeisa. ------- Wefti Ingiriis ah oo maanta dalka imanaya Waxaa maanta dalka imanaya wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Ingiriiska ,Weftigan waxa hogaaminaaya Safiirka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia Mr: Bob Dewar, waxaana ka mid ah xubnihiisa u qaybsanaha arrimaha Siyaasadda ee safaaradaasi Mr: Daniel Drake, u qeybsanaha arrimaha ciidamada David Chartes , iyo xoghayaha koowaad ee safaarada Ingiriiska ee ahna komishinarka sare ee Ingiriiska ee safaaradda Nairobi Mr: David Bell. Wali shaaca lagama qaadin ujeedada socdaalka weftiga, waxase la filaayaa inay u socdaan arrimaha doorashada, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen, waxayna isla maanta la kulmayaan seddexda xisbi qaran iyo komishanka Doorashooyinka, ugu dambeyntana waxay cagta sii marin doonaan Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin. Somalilandfuture online ------------- Mission Statement of the British Embassy in Ethiopia We believe that Britain’s single biggest interest in Ethiopia, and in the region, is that countries in the Horn of Africa be successful and stable, peaceful and prosperous. We will encourage, support and develop strong partnerships between Britain and Ethiopia, Djibouti and Somaliland , particularly those which contribute to positive change, stability, conflict prevention and to reducing poverty. We will in particular seek to strengthen pluralism, accountability and rights. britishembassy.gov.uk
  19. ^^ same here sxb... meesha waa inaan ka kaco myself.
  20. Taageerayasha UCID shalay umay kala hadhin isu soo bixii Beerta Xorriaydda Hargeysa(HR)- Kumanyaal qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ah ee UCID ayaa shalay maalintii labaad ee ololahooda doorashada Dhoolatus ballaadhan ku soo bandhigay fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalaada Hargaysa. Kumanyaalkaas Taageerayaasha ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Hargaysa, sitayna Calamo iyo Boodhadh ay ku sharaxanyihiin Murashixiita Doorashada Baarlamaanka Xisbiga UCID uga sharaxan gobolka Hargeysa waxa iyaga oo saaran boqolaal Baabuur ay kolanyo usoo galeen Beerta xoriyadda. Halkaas oo ay ku soo bandhigeen taageeradooda ku wajahan musharixiinta ay codkooda siinayaan. Taageerayaashaas xisbiga UCID, oo aad u tiro badnaa waxa ay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ku dhex qabsadeen Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, taas oo sababtay in guddoomiyaha UCID jeedin kari waayo khudbadiisii uu ugu tallo galay dad badni awgeed. Hase yeeshe waxa uu hadalkii uu Fagaaraha Beerta Xorriyadda ugu tallo galay ka jeediyay Xafiiska xisbiga UCID, waxaanu ugu horayn aad ugu mahadnaqay dadweynaha taageerayasha u ah xisbiga, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Taageerayasha UCID ee sharafta badan ee Muujiyay taageeradooda lagama maarmaanka ah aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa†ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxa uu Faysal Cali Waraabe, ka hadlay Marxaladda dalku marayo, isaga oo sheegay in xukunkii iyo kala dambayntii xukuumadu ay burburtay, “Wasiiradii ma wada socdaan, Wasiirkii Madaxweynihii kama baqayo oo Sharcigii ayuu gacanta ku qaatay, Maxkamadihii siday doonaan ayay u shaqaynayaan†ayuu yidhi Faysal, waxana uu intaas ku daray Eedayn kulul oo uu u jeediyay Ciidamada Nabadgelyada Madaarada dalka oo uu sheegay inaanay Kaantaroolin dadka Madaarada ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya. Mar uu ka hadlayay dhinaca dhaqaalaha dalka, waxa uu yidhi, “Waxa isweydiin leh Saddex Sanno ka hor iyo Maanta keebaa dadkeenu Taajirsanyahay? Waxa cad in dadkeenu Taajirsanaa saddex sanno ka hor oo ahayd intii aanu Rayaale qaban tallada dalka.â€, waxaanu intaas ku daray, “Waad aragtaan oo meelo ka mid ah dalkeena waxa ka socota lacagtii Siyaad Barre iyo lacag cusub oo uu soo samaystay Maamulka Puntland.†Faysal Cali Waraabe, waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay inaanu fulin dhawr ballan qaad oo uu hore ugu dhawaaqay, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu keeno Idaacad dalka wada gaadha, inuu Ciidamada dalka u sameeyo darajooyin iyo qodob kale. Mar uu ka hadlayay dhinaca Siyaasadda dibadda, waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Edna Aden Ismaaciil ay qabatay hawlo badan oo dhinaca dibadda ah, “Balse†ayuu yidhi, “Qof qudhi ma shaqayn karo oo dibadaha kuma lihin Wakiilo adag, sababta ay Edna sidaas[Wakiilo adag] u samayn weydayna waxa weeye waxaan la siin dhaqaale ay ku dhiso Wasaaradda Arrimaha dibadda. Edna aad ayay u dedaalaysaa oo hadda cagahaa bararay siday kolba diyaarad u raacaysay. Mar haddii aanay jirin siyaasad guud oo la wadaa Inanta dedaalkeedii wuxuu ku dhammaanayaa natiijo la’aan.†Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Barnaamijka siyaasadeed ee xisbigiisu yahay mid lagu horumarinayo guud ahaan dhinacyada kala duwan ee baahiyaha dalka ka jira, isaga oo xusay in Murashixinta xisbiga ee doorashadan ay ku jireen ganacsato, si ay u ilaaliyaan dhaqaalaha iyo Horumarka dalka.. Waxa uu xusay in Barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga ay ku jirto in si deg deg ah loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan xukuumadda Somaliland iyo Beesha gobolka Sool, si Somaliland xadkeeda ugu gaadho nabadgelyo, “Annagu haddii aanu doorashada Baarlamaanka ku guulaysano ma doonayno inaanu ridno dawladda hadda taagan, balse waxaanu doonaynaa inaanu adkayno. Waayo, waxaana noo muuqata in Madaxweyne Rayaale qudhiisu uu yahay la haysto waxaanan jecelnahay inaanu xorayno si uu u helo Baarlamaan wanaagsan oo aan gacanta hoos dhigan kuna soo duwa Wadada saxda ah oo ka toosiya Hurdada iyo shaqo la’aanta iyo si uu u samaysto dawlad tayo leh oo kooban†ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka waramay socdaal uu dhawaan ku tagay Xarunta Awdal ee Boorama, isaga oo sheegay in Reer Boorama u soo dhiibeen fariin waxaanu yidhi, “Reer Boorama waxay noo soo dhiibeen fariin waxaanay sheegeen inay doonayaan isbedel, Waddo, Horumar, Ictiraaf iyo Midnimo Somaliland, waxaanan u sheegnay inaanu ka gaadhsiin doono farriintaas dadka Reer Hargeysaâ€, ayuu yidhi Faysal. Mar uu ka hadlayay Muranka ka taagan Xuduudaha Waqooyiga Hargeysa waxa uu sheegay in fikirkiisu yahay in la raaco Maamkii Lixdankii, “Dhulkaas Maamam ayaa jira waxaana la raacayaa Maamkii Lixdankii. . Waxaan leeyahay dadka Maaha in la iska horkeeno oo Saxaafaddu maaha inay fidno abuurto gaar ahaan Wargeyska Haatuf. Haddii Reer walba samaysto Jariirad uu dadka ku caayo waa dhibaato. Daydaygu gaadhi ha fuulo ama qori ha qaate waa Day-day ayaan leeyahay.†Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay ku codeeyaan si nabadgelyo ah, waxaanu si gaar ah ugu baaqay xisbiyada KULMIYE iyo UDUB inay nabadgelyada ilaaliyaan, isaga oo xusay in dhawaan uu isku dhac iyo Shiid dhex maray qaar ka tirsan taageerayaasha KULMIYE iyo UDUB ee ku kala dhaqan Hargeysa iyo Boorama. Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo,
  21. Somaliland's deputy chairman of the Parliament Mr. A/Qadir Jirdeh visits his electorate. ------- Cabdiqaadir Jirde: Farxad ayuu la damaashaaday markuu arkay sida Reer Baligubadle u qaabileen Baligubadle(HRG)- Boqolaal oo qof oo ka mid ah dadweynaha ku nool Degmada Baligubadle ee Koonfurta gobolka Hargeysa, ayaa Sabtidii doraad isu soo bax ballaadhan ku qaabilay Murashax Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah Murashixiinta xisbiga UDUB uga sharaxan gobolka Hargeysa, doorashada golaha Wakiilada Somaliland, halkaas oo uu ku tagay socdaal la xidhiidha ololihiisa doorashada. Murashax Cabdiqadir Jirde, oo ay galbinayeen Kolonyo Baabuur ahi ayaa taageerayaashiisa Reer Baligubadle waxa ay kaga horyimaadeen meesha la yidhaahdo Idhanka oo qiyaas 5km Waqooyi ka xigta degmada Baligubadle, halkaas oo ay ka sii galbiyeen iyaga oo sitay Caleemo qoyan iyo Boodhadh uu ka lushay Sawirkiisa iyo Astaantiisu Murashax Cabdiqadir Jirde oo Markii uu gaadhay Magaalada Baligubadle maal fagaare ah kala hadlay taageerayaashiisa, ayaa uga mahadnaqay soo dhawayntiisa, isaga oo sheegay in soo dhawayntani ay tahay mid uu rajaynayay. Cabdiqaadir Jirde, waxa uu dadweynaha uga waramay Ahmiyadda ay doorashadu u leedahay Somaliland, isaga oo doorashada ku macneeyay inay horseed u noqon doonto Ictiraaf Somaliland ka hesho Beesha Caalamka, “Sidaas darted†ayuu yidhi, “Waxaan idiinku baaqayaa inaad si hagar la’aan ah ugu soo dareertaan doorashada Baarlamaanka, dhammaantiin codeeya oo u soo dareera doorashada†ayuu yidhi Murashax Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde. Cabdiqaadir Jirde, oo ka hadlayay Toban Murashax oo u dhashay deegaankaas oo ka kala sharaxan saddexda xisbi Qaran, waxa uu ugu baaqay inay dhammantood soo dhaweeyaan, balse waxa uu ka codsaday guud ahaan dadweynaha deegaankaas inay codkooda siiyaan Murashixinta deegaankaas ee ka sharaxan xisbiga UDUB, “Waayo†ayuu yidhi, “Mucaaradku mar buu wax keeni karaa, laakin Calalaheeda xilliga aynu gaadhno†ayuu raaciyay Murashax Cabdiqaadir Jirde. Cabdiqaadir Jirde, waxa uu sheegay inuu Golaha Wakiilada ku jiray Siddeed Sanno, waxaanu yidhi, “Anigu waxaan xilka hayay Siddeed Sannadood oo maaha xil ii cusub. Reerku marka uu guurayo Ubadka iyo Maqash Awrka Hayinka ah ayaa la saaraa, Reer Baligubadloow anigu Siddeed Sannadood ayaan gaadiid qaaday, Mudadaasna aad ayaan u qabasho bartay. Sidaas awgeed Murashaxa cusub ee Maanta la dooranayo anigu waan ka duwanahay oo waxaan noqday Gaadiid qaad†Jirde, waxa uu sheegay in mudadii uu ku jiray Golaha Wakiilada oo ahayd Siddeed Sannadood aanu u hiilin shakhsi iyo cid gaar ah toona, waxaanu yidhi “Anigu Alle ha u Naxariiste Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, umaan hiilin jirin Daahir Rayaalena uma hiiliyo waxaanse u hiiliyaa Qaranimada Somaliland oo aan gaadh ka hayo.â€. Waxa uu dadweynaha u sharaxay Astaantiisa gaarka ah oo ah Saacad, isaga oo u qaybiyay Waraaqo ay Saacadi ku sawirantahay. Waxa uu ugu dambayn ugu baaqay dadweynaha Deegaanka Baligubadle inay ku codeeyaan Nabadgelyo, doorashadana u soo dareeraan. Murashax Jirde, oo qadar Saacado ah ku sugnaa Baligubadle, ayaa waxa intii uu joogay degmada ka socday Botor iyo Ciyaar lagu soo dhawaynayay. Waxa kale oo uu Murashax Jirde, hadalo ka jeediyay Magaalooyinka Gumburaha, Gumar, Habaas weyn oo dhammaantood ka tirsan degmada Baligubadle, halkaas oo ay ugu soo baxeen dadweyne tiro badani, isaga oo mar walba ugu baaqayay inay soo dhaweeyaan Murashixiinta ka sharaxan xisbiyada Mucaaradka ah.
  22. ^^LOL If there is still the need, why not? Here is other projects that are going on elsewhere in Somaliland... -------- Wariye A-Aziiz oo booqasho ku tagay Magaalada Burco "Magaaladda Burco waxa Laga Dhisayaa laba Warshadood Oo aad U waaweyn oo ay ka Shaqeyn Karaan ilaa Toban Kun oo qof dedkeeduna waxaan ka arkey.....?" Burco-(HWN)-Magaaladda Burco oo aan Dhawaan Booqasho ku Tagay waxa aan kala Kulmay Soo Dhaweyn Balaadhan oo ay ii Sameeyeen qaar Badan oo ka mida Saaxiibaday iyo Kuwa aanu ku Saaxiibnay Hawadda ..Magaaladda Burco waxa aan ku Arkay horumar weyn oo ay Ku talaabsadeen Dadka Reer Burco Gaar ahaan Xagga warshadaha waxa Burco laga Dhisay Warshad Sameysa Saabuunta iyo Ta Hargaha Iyo Saamaha, oo ah Labada Warshadood Ee Ugu Waaweyn Dalka , Dadweynaha Reer Burco oo aan Wax ka waydiiyay Sida Ay u arkaan Warshadaha Waaweeyn ee Laga Dhisayo Magaaladooda? ayaa Ku Macneeyay In iskaashiga Dhalinyaradda Reer Burco uu ka Dhigi Karo Gobolka Ka Ugu qanisan Somaliland iyo Somaliyaba waxa Noo kacay ayey Yidhaahdeen Kumanaan Dhalinyaro ah oo waxbartay oo Gobolka U Dhashay Kuwaas oo ku fikiraya Horumarka Magaaladooda. Reer Burco waxa La Odhan Karaa waxa ay noqodeen Dad Shuraakoobay oo Maal-galiyay Magaaladoodii Camirayna Doonayana In Burco Noqoto Hoy ay u Soo SHaqo Tagaan Umadda Somaliyeed meel ay jooganba. [Chinese engineers installing factory equipment] Maamulaha Warshadda Saabuunta Mr Nuur ayaa ii Sheegay in Bisha 10 aad La Furi Doono Warshadda oo ay Shaqadeedii Bilaaban Doonto Mid ka Mida Xubnaha Saamiga ku leh Warshadda Saabuunta Mr Khaliila Abdillahi ayaa ii Sheegay in lacag Dhan $3 Million oo Dollars ay ku baxeen Warshadda Lacagtaasi oo laga Soo Kala Ururiyay Dadweynaha Reer Somaliland Ee ku Kala Nool Dibada Iyo gudaha. Dhinaca Kale waxa aan la Kulmay Maamulaha Warshadda Hargaha iyo Saamaha Mudane Abdirizaq Xaaji Hussein waxaanu ii Sheegay In warshaddu ay Shaqdeedii Bilowda waxanu ii Sheegay in I.5 Million Dollar ay Warshadu ku Kacday ..waxaanu ii Sheegay In Warshaddu Suuq weyn ka Haysato wadamada Reer Galbeedka Si kastaba Ha ahaatee Warshada Hargaha iyo Saamaha Waxa La Furay Share Cusub oo iiba oo Dhawaan xidhmaya Waa bishan Sept ilaa bisha tobnaad Bilowgeeda Dadweynaha Reer Burco waxa ay u Tafa Xayteen Horumarka Deegaankooga Reer Burco Waxa ay Tartan kula Jiraan Reer Mogdisho iyo Hargeysa oo ay hubaal Tahay in ay Mar uun Kaga Hormari Doonan Dhisamaha Wax Soo saarka iyo wixii la mida Abdiaziz Ahmed Musa Burco Gobolka Togdheer . Hadhwanaagnews Reporter
  23. Has Somaliland turned into a mini-Middle East? I don't understand what you meant by that. These armed security personale could be from the SPU (Special Protection Unit) which was introduced after the killings of foreign nationals in Somaliland.
  24. President visits Odweine ------- Madaxweyne Riyaale oo si Layaaba luugu soo dhaweyaay Degamada Odwayne Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha somaliland mudane Dahir Rayale Kahin ayna kamid yihiin raxan wasiiro ah iyo guutooyin UDUB ah ayaa saaka waabarigii kadhex toosay degmada ODWAYNE ee gobolka togdheer. madaxweynaha oo hamuum gaar ah u qabay in uu mar uun cagaha galiyo degmada ODWAYNE tan iyo intii uu xukunka qabtay ayaa saaka si aan hore loo arag oo aan taariikhda ODWAYNE uga dhicin dad intaas tiro leeg loogu soo dhaweeyey meel 30km xaga waqooyoi galbeed kaxigta degmada ODWAYNE. Dadweynaha ayaa taxnaa inta badan wadada isku xidha Odwayne ilaa hargaysa kadib markii ay shalay kawar heleen booqasshadiisa. madaxweynaha ayaa loosii galbiyay ilaa iyo dagmadii oodwayne oo ay dadku taxnaayeen. waxaana soo dhawayntiisa kaqayb qaatay raxan fardo ah' boqolaal baabuur ah iyo dadweyne aan hore loogu arag degmada odwayne baaxadooda oo kala kala yimid guud ahaanba gobolka togdheer. isla markiiba waxa madaxweynaha daboolka looga qaaday foostoyin caano ah iyadoo afka loosaaray hadhuub caano ah oo diiran. Madaxwynaha ayaa kamahad naqay soo dhawayntan, waxaanu kutilmaamay reer odwayne kuwo wadankan naftooda usoo huran haatana kala garanaya kuwo awkooda ku kacsanaya iyo hadh iyo habeenba heeganka u ah horumarka dakooda. waxaana lafiyaa in uu madaxwaynuhu sheegay in uu wixii khudbad ah dib udhiganayo hadase uu mahad naqa soo horaysiinayo. Wax aad aragtaa madaxweyne Rayaale oo dul taagan Foosto caano geel ah, isla markaasna dhamaaya, dhiilka ku xigana wax loo wadaa Ismaciil Adan wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo aad aragto in uu garab taaganyahay madaxweyne Rayaale. Madaxweyne Rayaale ayaa lagu qaabilay caano geel isaga iyo waftigiisii uu horkacaayayba wararka oo faah faahsan waan soo wadnaa ee kala soco qarannews24.
  25. VP visits Laascaanood area --- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdigii uu hogaaminayay ee Beryahanba booqashada ku joogay Gobolka Sanaag ayaa saaka kormee hawleed ku soo maray fadhiisimaha Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool, halkaas oo uu Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasin oo ku labisnaa dirayska ciidanka qaranka uu salaan kaga qaaday ciidamada qaranka ee Jiida hore. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu hadal uu halkaa ciidanka qaranka ee jiida hore ku sugan uga jeediyay ku sheegay in ay ilaaliyaan nabadgelyada Somaliland, isla markaana cid kasta oo isku dayda in ay khal khalgeliso doorashada golaha wakiilada talaabo adag ka qaadaan. Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay socdaal kiisa ku wehliyaan wasiirka wasaaradda warfaafinta Md. C/laahi Maxamed Ducaale, Wasiirul dawlaha arrimaha gudaha Aadan Maxamed Miire (Waqaf) iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaalada Md. yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo), ayaa halkaa waxa ku soo dhoweeyay dadweynihii ku dhaqnaa halkaa. Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu weli ku guda jiraa kormeerr hawleed oo uu baryahanba ku marayay gobolada bariga Somaliland. isla markaana la filayo in uu ugu dambaynta magaalada Hargeyska kaga yimaado dhinaca xeebta Saylac. Abdifatah Hassan