Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. latest " In order to prevent double voting, the National Electoral Commission has banned movement of people, with the exception of emergency services, observers, election officials and journalists. On Tuesday, Steve Kibble, the joint coordinator of the 76-member international observation team, said he was confident this year's parliamentary poll would be credible. “ The provisions against double voting are quite high-tech. They have a pretty good system of ensuring nobody will vote twice ,†Mr. Kibble said. Mr. Kibble works for the London-based Catholic Institute for International Relations. Many of the candidates are citizens of the U.S., Britain, Canada and some European countries." theglobeandmail.com Voice of America: Report - Audio Signpost in Somaliland's Quest for Sovereignty Codbixintii doorashada oo si fiican uga socota 153 goobood ee Gobolka Awdal Reer Laascaanood oo Ka Codeynaya Adhicadeeye & Yagoori -----
  2. ^^ Indeed specialy for the lucky man/woman that is taking part to vote in this historic day. This elections will be one of a kind in Africa, when it come to how free, fair and transparent it is going to be.
  3. Radio Shabeele reporting live from Hargeysa "Siday u socoto Doorashadu waxay u eegtahay inay ka fiicantay kuwo badan oo dalalka hore u maray ah" [Madaxweyne Rayaale oo codkiisi dhiibanaaya] [One of the many polling stations in Hargeisa- men line up one queue, women on another]
  4. The presidential elections will be called ealier then scheduled previously, if the opposition parties secure majority of the parliamentary seats. The constitution allows the right for the parliament to call for an earlier election if they can make a case for it or in otherwords majority votes for the motion. Anyways, dadku khibrad ku filan waa haystaan.
  5. ^^He is one of the best @ Laanta Somaliga... I am not so sure about the English section or maybe because it was early in the morning. Hmmm There are 82 seats up for grabs. And each party was expected to put forward 82 candidates which makes a total of 246... but because there were a number of candidates that resigned the total number that are currently running is less than 246. 240 is a good guess.
  6. Hassan Bariise reporting for Network Africa Click here to listen news47
  7. ^^I know what you mean... The 240 or so candidates, of course, have each casted (or will cast - depending) their ballots in their respected electorates or constituencies - with the exception of few seats reserved for far-eastern Sanaag and Eastern Sool regions. The President and the Opposition leaders are not running for the parliamentary seats so they each voted for their parties in the nearest polling station to where they reside.
  8. Latest News... It is a beautiful cloudy day with less dust, thanks to a shower rains that falled on some parts of Somaliland particulary on major cities especialy in Hargeisa area. The polling stations opened exactly as planned on 6 on the dot. The polls are going as expected in an orderly peaceful manner. The elderly and the disabled are being given priority in the long queues. The President casted his ballot early in the morning in the presence of international media. He gave a breif conference to the media urging the International community and in particular the Africans to respect the wishes and aspirations of this bright star in the horn of Africa. Both the opposition leaders Mr. Ahmed M. Mahomoud (Siilaanyo) and Mr. Faisal Ali Waraabe also casted their ballots in polling stations around the capital city. They both urged the citizens to cast their ballots in a peaceful orderly way and obey the orders of the policemen.
  9. ^^ Sxb dadku waa wada ciidsanyahay. Qoys Aabihi u xisbi u codeynaayo, oo hooyadii iyo inanteedi musharax dumara ay codkooda siinayan, oo curadkii isagu musharax dhalinyaro ah oo xisbi kale ka sharaxan u codeynaayo... this is Somali democracy. -------- 10kii Arimood ee la yaabka lahaa ee ololaha Doorashada Maanta waxa shacbi weynaha Somaliland u dareerayaan doorashadii ugu horeysay ee baarlamaan ee ka dhacda Jamhuuriyadda Somaliland marka laga reebo tii xorriyadda ee la qabtay 45 sano ka hor. Haddaba maqaalkeenan waxa aynu ku eegaynaa muuqaalka uu lahaa ololihii doorashada ee soo socday 30kii maalmood ee la soo dhaafay, inaga oo maaddaama aynu ku jirro tirintii codadka aan isku badinayn ee soo qaadanayna 10kii arimood ee ugu la yaabka badnaa! 1) Mawjado Nidaamsan: Intii uu socday ololaha doorashadu waxa la yaab lahaa bisyalka dadka reer Somaliland, waxa isu soo baxayey maalmaha dhoolla tuska kumanaan qof oo yar iyo weynba leh iyo gaadiidkoodii, dadkaa isu soo baxayey waxa lagu tilmaami karayey mawjado qul-qulaya. Waxase la yaab lahaa sida heerka sare ah ee ay u habaysnaayeen mawjadahaasi, ma jirin xisbi xasaradaynaya xisbi kale, qofna ma eegayn qof kale xitaa haddii uu ku joogsado, waxaadba moodaysay sidii dad soo galay 100 doorasho oo hore . 2) Guri Baarlamaan ah: Waxa aan ku arkay magaalada la yidhaahdo DHAYNTA oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Ber-Bera guri keli ah oo ay wada sudhan yihiin calamada saddexda xisbiba , sababta oo ah dadka guriga ku wada nool oo saddexda xisbiba ka wada tirsan , markii aan weydiiyey waxa la ii sheegay in odayga reerku Kulmiye yahay, Islaantuna Udub tahay, Inanka reerka ugu weynina Ucid yahay, reerka intiisa kalena kala raacsan tahay saddexdooda, markii dambena lagu heshiiyey in qofba calankiisa guriga baal ka taagto. Dabadeed gurigii wuxu noqday guri baarlamaan oo kale. 3) Xisbinimo Xididaysatay Waxa aannu isu taagnay jidka u dhexeeya Gebilay iyo Hargeysa nin oday ah oo lugaynaya kuna socda Arabsiyo, markii uu noo sheegay degaanka uu u socdo ayaan si kaftan ah ugu idhi soo fuul gaadhiga aad Kulmiyena codka siiside, intuu si xushmadi ku dheehan tahay isu taagay isaga oo kaftankaygii run mooday yidhi waar adeer nin weyn baan ahay oo been idiin sheegi kari maayee xisbi baan ballan u qaaday haddii aad iga tegaysaan iyo haddii aad I qaadaysaanba, anigu Ucid baan codkayga u ballan qaaday †adeer waan kula kaftamayey ayaan ku idhi ee miyaanad arkayn in aannu adiga isu kaa taagnay, laakiin waad ku mahad san tahay in aad codkaaga siinayso xisbiyada mucaaradka ah ayaan ku idhiâ€. Runtii taasi waxa ay muujinaysay sida xisbinimadu uga xididaysatay Somaliland. 4) Masrax Siyaasadeed Makhaayadaha waaweyn ee Hargeysa fiidkii waxaad moodaysay in koobkii kubadda cagta ee Adduunka lagu daawanayo, dabcan waa koobkii siyaasadda, waxa la kala taageerayay musharixiinta, waxaana loogu kala sacabinayey sida ay u kala hadal yaqaansan yihiin (presentation). Tusaale ahaan waxa habeen ka mid ah habeenadii kaambaynku ugu kululaa anaga oo fadhina kafateeriyaa Caddaani ee Hargeysa lagu soo dhaweeyey shaashadda T.V-ga musharaxa Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo kamid ah musharixiinta ugu xoogga badan xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa, musharaxu aad iyo aad ayuu u xaragoonayey, waxa la weydiiyey waxa ku kellifay in uu is sharaxo, waxaanu yidhi: “Anigu waxaan ka mid ahaa raggii khaliijka ku noolaa, dalkan halgan qadhaadh baannu ku xoraynay, sanado badan ayay carruutayadu soomanayd oo mushaharkayaguna ahaa shiidaalka siikaawaha ka dagaalamaya gudaha dalka, markii aannu is nidhi waydinkaa dalkii xoreeyey ee haddaba iska xoogsada ayaa war dhiillo lihi noo yimi oo la yidhi dalkii YEY diirato ah ayaa qabsatay , nasiib haddaad leedihiin waa haddii aad lafaha ka gaadhaan, sidaasaan dalka u imi, isuna sharaxay, kolkaas haddii dalkan Ilaahay jiritaan la damcayna wuu noo dhiibi, dee haddii Rabbi la dambcay in uu sidaa ku baaba’ona waannu waayi oo waa qaddar Eebbe†Intaa markii uu yidhi Musharaxa Nac-Nac ayaa sacab iyo sawaxan lala oogsaday, iyada oo dhalinyaradu leh waa runtii, waa runtii, waa runtii, runtii barnaamijyada noocan oo kale ahi wuu kuwii ugu horreeyey taariikhda siyaasadda Soomaalida. 5) Isbahaysiyo Cusub, Waddooyin Cusub, iyo Suugaan Cusub Ololihii doorashada waxa ku midoobay beelo iyo degaanno aan markii hore dadka iska xigin, laakiin doorashan ku mataanoobay oo dan siyaasadeed isu keentay, waxa kale oo ku kala fogaaday qaar isku bah ahaa ama dadka iska xigay ololaha ka hor, habdhaqanka noocan ahi isna waa mid ku cusub taariikhdeenna siyaasadda. Waxa kale oo musharixiintu tagtay meelo ay yarayd ololaha ka hor in cidi tagto tusaale ahaan waxa aan arkay siyaasiyiin ka soo ololeeyey Shal-caw, Ruguuda, Beeyo Dhaadheer, Caana Madoobe, Cali Jaamac, Doombiraley, Bullo Xaar, Lughaya, Awaare, Qararo IKM . Waxa kale oo dadku bartay heesaha cusub ee xisbiyada sida heesta Kulmiye ee ah: Maalmihii kululaa kuwii noo kecee, kaalintoodii galay ee ku nasiib lahaa, ha kadsoominee kulansiiya oo Kulmiye, Kulmiye, Kulmiye, Kulmiyeynu nahay. Iyo heesta udub ee tidhaahda Aaabihii ummaddeena iyo aasaasihii Somaliland inagu Udub baynu nahay . 6) Ciyaar Soomaali Casar kasta joogta Intii ololuhu socday waxa degaanno badan oo ka mid ah Somaliland ku soo kordhay jaan-dheertii iyo hanna haybsantii la illaaway taasoo guryaha musharixiinta hortooda looga goleeyo galab kasta, xataa magaalooyinka qaar laamiyada waaweyn la isla soo taago. 7) Laba Jir Xisbiyaysan Waxa aan ku arkay xaafadda TAWALI ee Burco 2 jir xisbiyaysan oo sita calanka Xisbiga KULMIYE kuna hadaaqaya Tulmiyeynu nahay, tulmiyeynu nahay . 8) Kulaalkii Burco Isku habeen ayay madaxweynaha iyo madax weyne ku xigeenkiisa midna seexday Oodweyne, ka kalena seexday Qoryaale, labaduba isku saacad ayay subaxnimadii dib uga noqdeen oo midna Hargeysa ku noqday, midna Hawd ku noqday iyaga oo aan soo gelin Burco oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof, dabadeedna waxa la is weydiiyey waxa ay sidaa u yeeleen dadbaa yidhi waa siyaasad xeel-dheer oo fog , dadna waxay yidhaahdeen waa aqoon darro qota dheer oo fog, dadna waxay yidhaahdeen waa faal gun dheer oo fog. 9) Jees Jibbaysan Mar aan Hawd u baxay waxa aan ku arkay kayn cidla ah dhexdeed jees keli ah oo yaalla oo doorashadu madax martay, waxay sudheen calanka Kulmiye buulkii yaraa dushiisii, waxay mid kale ka taageen xerada adhiga dhabarkeeda, calan yar oo kale waxay ka taageen gel-gelinta awrta, runtii waxa ay ahaayeen jees cidla yaalla oo haddana iskii u jibbaysan . 10) Eray Bixin Cusub Olalaha doorashada waxa ka dhashay eray bixin cusub oo aan hore loo isticmaali jirin maalmihii doorashadana noqday erayada ugu badan ee la isticmaalo, tusaale ahaan waxa ka mid ah erayadaa: Buur buu ka daba raray Ka dalooli Ka cunoo ka codee Iyoo qaar kaloo badan, oo aanad fahmaynba Ilaahay doorashadan ha inooga dhigo tii dalkeenna u horseedda horumar iyo tisqaad By Cismaan Abokor
  10. As of 2 am this morning (local SL time), the polling stations throughout major cities in Somaliland are already full of people eager to cast their votes. hambalyo ------------ Burco(ONN) Iyada oo Ay Saacado yari ka hadheen Xiligii Umda Reer Somaliland Si xor ah Codkooda u dhiiban lahaayeen ayaa waxa Durtaba Dadka Ku Dhaqan Magaalada Burco Safaf U galeen Cod Bixnta Doorashada , Saacadu waa 1:30 Habeenimo Waxana Durtaba goobaha Cod bixinta ku sugan Dad aad u tiro badan oo isugu Jira Rag Iyo Dumar , Hadaba Hawlwadeenada shabakada Oodweyne News ayaa wax ay u heelan yihiin in aya si is adaba jooga ah u soo tabiyaan wararka iyaga oo aan ilaa iyo hada seexan , Waxana hada magaalada Dhexdeeda ku sugan Tafatiraha Oodweyne News , Mr Foosi Saleebaan aw-bindhe oo isagu la socda dhaq dhaqaaqyada ka socada magaalada Dhexedaada waxana aanu hada kula xidhiidhnaya Telfoonkiisa gacanta , Wariye : Siciiid Maxamed Xaaji Cismaan ayaa ugu horayn way diiyay fOOSI Bal Sida ay waxa u Socdaan iyo Halka uu isagu ku sugan yahay Hada , ? JAWAAB : Siciid Hada waxa aan ku suganahay Badhtamaha Magaalada Burco waxana aan soo maray Dhoowr Meelood oo ka mid ah meelaha Bari laga cod dhiiban doono , Waxana jira dad badan oo dhurtaba galaya safafkii iyaga oo sii buuxiyayaba kuyuuga , Waxana magaalada gudaheeda laga dareemayaa Dhaq dhaqaaq xoogleh oo aad dareemayaso in safafka la sii galaayo Iyada oo Codbixintuna si rasssmi aha u bilaabmi doonata bari 6:00 subaxnimo , Siciid Dadka waxa aad moodaa in ay U bislaadeen Habkan asxaabta badan oo waxa aad moodaa dad waligoodba ku dhaqmi Jiraya nidaamkan dimuquraadiga ah ee loo tar tamaayo , Dadku Si nabada galyo ah ayuu safafka u taagan yahay mana dareemaysid waxa Is riix riix ah xitaa magaalada jawigeeduna aad ayuu u wanaagsan yahay Qof walbaana si nabada galyo aha ayuu hawshiisa u wataa , MAHADSANID FOOSI Kaasi waxa uu ahaa Foosi Saleebaan oo hada ku sugan Badhatamaha magaalada Burco oo si rasmi aha ula socda hawlaha dhaq dhaqaa magaalada iyo sida ay dadku ugu soo baxayaan Goobaha Codbixinta , Dhanka kale waxa magaalada caawa fiidkii helahay Roob aad u wanaagsan kaas oo magaalada Qaboojiayay waxana magaalada Bari subaxa dadku Codka dhiiban doonaa iyada oo magaalada dhexedeeda ay wadhan tahay Xareedu , Computerada Shabakada Oodweyne News ayaan caawa la Bakhtiin doonin iyada oo aya saamalayal u gali doonaan dhamaanba wariyayaasha shabakadu sidii aya u soo tabi lahaayeen Hadba halka laysla maraayo , Sidoo kale Sida uu ku soo waramaayao wariyahayaga magaalada Ceerigaabo waxa magaalada Ceerigaaabana si weyn loogu diyaar garoobaya siidii bari lixda looga dhiiban lahaa Codka Xorta ah ee lagu dooran doono 82 Mudane ee fadhiisan doona Kuraasta Barlamaanka Somaliland Gudahaanba Dalka Jamhuriyada Shankaroonland ayaa bari si Xor ah looga dhiiban doonaa Codka Xalaasha ah Iyada oo lagu rajo wayn yahay in ay Si nabad agalyo ah uga wada dhici doonto Dhamaanba dalka oo dhan Oodweyne News Burco Somaliland
  11. Xildhibaan Sifir oo kulan kula yeeshay jaaliyada somaliland ee magaalada Toronto Oo miyaanu la kulmi karayn? :eek: Qudhac Bro, Siyaasaddu kolba waa nooc, kolba waa colour. Sifir Somaliland iyo Mogadisho ayuu isku xidhayaa. Awalba dadka reer Mogadishu iyo rer Somaliland warxumotashiil ayaa ka dhex shaqeeyey. Although they would like a united Somalia - the majority waxa dadka reer Somaliland go'aansadeen kama xuma.
  12. ^^agreed, Maleyka's was much interesting It looked like he rushed the "report" - nothing interesting there. hmmm The short interview with ICG's Mat was probably the highlight.
  13. ^^LOL Sxb, dadka inta qurbaha joogta ayaa ugu xun But the people dalkii jooga, they know better and they are not corrupted by the internet. Talk seriously, there is a big change in the way Mogadishu sees Somaliland since Col. yey was elected. More and more Mogadishu media cover Somaliland news in an impartial way. The future is bright as far as Mogadishu is concerned. Looking forward to a day when Mogadishu and Hargeisa have full diplomatic ties as two brotherly and sisterly peoples.
  14. Radio Waagacusub Reer Mogadishu iyo siday u arkaan Doorashooyinka Somaliland. Surprisingly UCID seems to be very popular in Mogadishu. Ma siyaasad cusub oo Somaliweyn dib loogu soo noolaynaayaa mise Reer Mogadishu runtii ayey arkeen oo dadka reer Somaliland xaqoodi ayay u ogolaadeen?
  15. Mr. Thom Cookes is currently in Hargeisa with a team of Australian Election overseers. He will do a documentary about Somaliland which will be aired on SBS around mid Nov. Looking forward to the Wednesday's program.
  16. [Ahmed Siilaanyo and media] Hargeysa-(HWN)-Banaanbaxii ugu cuslaa ee ka dhaca Gobolka Hargeysa, waxa isugu soo baxay Dad Lagu Qiyaasay Half Million Qof oo ilaa lixdii Galabnimo Tubnaa Beerta Xorriyadda Hargeysa, Waana Dhoola tuskii ugu Danbeeyay Ee Xisbiga Kulmiye oo Muujiyay Aqlabiyadda Xoogan ee uu haysto. Waxa gelinkii danbe iyana dhoolatus balaadhan oo sameeyey taageerayaasha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE iyagoo isugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada halkaas oo ay isugu soo baxeen qaar ka mida musharixiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka hargeysa oo ay taageerayaashu ay siteen musharixiinta sawiradoodii iyo calanka kulmiye iyo ay lulayeen, dhoolatuskan oo aad loo soo agaasimay waxa beerta xoriyada kala soo qebgalay qaar kamida taageerayaasha iyo madaxda xisbiga waxaana kala soo qeyb galay gudoomiyaha xisbiga mucaarka maxamed maxamuud siilaanyo oo halkaa qudbad aad u qurxoon halkaa ka soo jeediyey waxaanu halkaa hanbalyo ugu diray ciidamada bileyska ee falkii argagixiso ku guuleystay iyo kan kii ka horeeyeyba. Waxaanu gudoomiyuhu qudbadii uu halkaa ka soo jeediyey waxay u dhacday sida tan:waxaan maanta joogna geba gebadii ololaha doorashada golaha wakiilada ee aynu mudada bisha ay ku soo dhex jirnay waxaanu mahadnaq balladhan u soo jeediyey dhamaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay joogaan ololaha ay soo galeen iyo taageerada ay xisbiga u muujiyeen waxaanu taageerayaasha iyo shacabweynaha kula dardaarmay inay doorashadu ay si nabada ay ku dhacdo oo aynu xil iska wada saarno dhamaanteen in dunidii ina wada eegayso taas oo ictiraafkeeni ku xidhan tahay qiimeenteeni dadnimo iyo dalnimo waa inay si hufan waxaanu intaa ku daray inay dhinaceeni aynu ka dedaalno oo sida ugu wanaagsan iyo wejiga ugu wanaagsan aynu uga soo baxno. Ayaa mahan ugu danbeeyey waxaynu wada ogsoonahay inaynu maqalnay warar laga naxo iyo qaar lagu farxo oo ina soo gaadhay oo dunida ku faafay in dad cadow u ah Somaliland xornimadeeda madax banaanideeda iyo dimuqraadiyadeeda inay ku dhaqaaqeen falaal lid ku ah nolosheena iyo mustaqbalkeena arintaa waanu dhalaacaynanaa waxaanu cadaynanaa hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE inay hormood ka noqono wax alla wixii is hortaagaya nabadgelyada jiritaanka iyo geedi socodka dimuqraadiyada waxaanu mahad naqbalaadhan u soo jeediyey gudoomiyahu ciidamadii ka hawl galay arintii eek u guulaystay isagoo oo uu sheegay gudoomiyuhu inay ka aqbali doonin cid marnaba wax yeesha aayaha iyo dhalinyarada oo wax yeesha. Waxaanu intaa ku daray in xukuumadeena talada haysaa ee xisbiga UDUB oo dhaliilo badan ku kacay ay maanta ka shifantay oo ah inuu doonayo intuu kari karo inaan doorashadaa markay umadii ka soo horjeedsatay iska hortaagaan oo ay adeegsadaan hantidii qaranka awoodihii kale ee qaranka sida TV-ga qaranku leeyahay iyo RADIO-ga jaraa’iid oo ay dadka dhex dhexaadka ahi ay cadeeyeen inaanay warbaahintu aanay dhex ahayn, maalintii dhaweynd shirkii jaraa’iid ee uu madaxweynuhu qabtay jaraa’iidka madaxa banaan uu ka saaray oo uu yidhi kama qeyb galaysaan inaanay dawlada maanta joogta maanta ma ogola inay doorashadu ay dhacdo
  17. HWN-(Hargeysa)-Waxa saaka isu soo bax ballaadhan sameeyey taageerayaasha xisbiga UCID waxaanay isugu soo baxeen fagaaraha beerta xoriyada, halkaas oo kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID oo ku labisan dharka hidiyo dhaqanka iyo calaamada xisbiga UCID ayaa halkaa ku soo bandhigay ciyaaraha dhaantada iyo iyagoo sita boodhadhka musharixiinta u tartamaaya doorashada golaha wakiilada. Isu soo baxan oo aad u heersareyey ahaa maalintii ugu danbeysay ee xisbiga UCID ku soo bandhigo ayaa waxa kala soo qeyb galay gudoomiyaha xisbiga Enginer faysal cali waraabe oo halkaa qudbad uu dhaliil ugu jeediyey halkaas ka soo jeediyey iyo mid uu ugu mahadnaqay ciidamada qaranka ee falkii argagixiso inay qabtaan ku guuleystay, waxaanu gudoomiyuhu hadalkii kamid ahaa sida tan: waxaan u mahad naqayaa ciidamadii nabadgelyada iyo ciidamadii qaranka ee ka guuleystay argagixisada laynoo soo diray inay dalkeena khalkhal galiyaan waxaa halkaa inooga muuqanaysa in cadowgeenu aad u shaqeynayo hase yeeshe ilaahay gacanta sare ina siinayo waxa uu gudoomiyuhu intaa raaciyey hadii ciidanka bileysku haysto daryeel inaataa ka badan oo uu dawlada dhaqaale ka haysto tababar fii! can oo uu ka haysto saanad wanaagsan inay intaa ka shaqo wanaagsanaan lahaayeen sida aan xogagaal u ahay way cadilan yihiin oo aanay kala sareyn xitaa aanay nidaam haysan, dadka ugu sareeyaana aan lagu gayn tacliin ee lagu geeyey qabiil oo aanay jirin cid uu ka haybadaystaa, waxaanu intaa raaciyey dadkaa la qabqabtay loo aanaynin dadka ehlu diinka dadkani waa argagixiso waana SWL oo gadh labaxday surwaalna inoo gaabsatay oo fasaqeysa dadka wanaagsan ee culimada. Waxa uu dhaliil xoogan u soo jeediyey xukuumada madaxweyne rayaale isagoo sheegay inaanay shacbiga u adeegayn, sababtii madaxweyne rayaale u sameeyey 47 wasiir ee aduunku layaabay ayaa hada cadaatay ninkan madaxweyne rayaale waa nin ildheer oo sidaynu moodaynay maaha ee uu inaga shisheeya waxa 47 wasiir u sameystay inay u soosaaraan 47 waxba matarayaal oo wakiila, si aanay isku bedelin wakiiladii hore ee waxba matarayaasha ahaa ee gacanta hoos dhiganaayey atuu ku yidhi ninkasta soo saar 47 waxbamataraal oo amarka kaaqaata oo markuu iswaalana aad ku tidhaahdid anaa wax kaa dhigay waxa taa daliil u ah marka hargeysa laga tago waxa ololihii wada wasiirada iyo haweenkii wasiirada waxay wataan lacagtii dalka. Waxaanu sheegay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka faysal cali warabe mar uu lahadlayey marwada madaxweynaha isagoo yidhi waa inay marwada madaxweynuhu ku eekaataa shaqadeeda oo faraha ha kala baxdo arimaha siyaasada …….. !hadii madaxweynuhu awoodii ku wareejiyeyna ha noo sheegto markaa waanu u sharciyeyndoona ama waan u diidi doona, waxa uu madaxweyne kuxigeenku ku dhawaaqay in labada gobo lee saaxil iyo awdal inay xaaran tahay inay cidkale ay ka soo baxdo labada gobol ………!rayaalaba waxa ka daray kan madaxweyne kuxigeen ku sheega, waxa kale uu uu dhaliilay xadhiga musharaxa xisbiga UCID ee gobolka awdal oo uu sheegay in xaqdaro uu ku xidhan yahay waxaana halkaa inooga muuqata in gobolka awdal sharci keena ka bax! san lagu maamulo oo qoyska madaxweynuhu sida uu doono uu ka yeelayo khatarna ay gaadhsiin karaan wadanka waxa cad inaanu rayaale doorashada aanu raali ka ahayn in meesha laysugu imanaay ay tahay kursigiisa oo wada kasta oo noo furana waan u maraynaa inaan dalka ka xoreyno casaabadan. Waxalayaaba in nin wasiiri xadka katalaabay uu tagay gaashamo oo uu dawladii Ethiopia u tahay dadka hawd iyo reseav area waxaan UDUB ahayn ha u ogolaanina inay u codeeyaan…. Waxaana maanta dala xukumaaya wasiiradan u soo uruursaday ayaa dalkii xukumaaya waxaana loo baahan yahay inaynu foodkeena aynu kaga xoreyno. Qudbada gudoomiyaha xisbiga mucaaridka faysal cali waraabe oo aad u dheerayd waxa uu ku soo gabagabeeyey dalka waxa ucida UCID! Dawlkada yaa ucida UCID-baa ucida walaal foodkiina na siiya hadii aan nahay UCID
  18. [Hargeisa's Ahmed Saciid Egeh and Mogadishu's Hassan Barrise in Hargeisa] ------- LAANTA AFKA SOMALIGA EE BBC-DA OO AHMIYAD GAAR AH SIISAY DOORASHADA GOLAHA Har(HRG)- Maamulka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa Doorashada Baarlamaanka Somaliland u muuqda inuu siiyay Ahmiyad gaar ah,isaga oo u soo diray Koox Weriyayaal ah. Doorashada Golaah Wakilada Somaliland oo la filayo inay qabsoonto Khamiista Saadambe ayaa waxa Caasimadda ku sugan Weriyayaasha kala ah Cabdisalaam Hereri, Xasan Bariise, Yuusuf xasan Mursal iyo Axmed Siciid Cige oo hore u sii joogay. Weriyayaashani waxa ay toos u gudbin doonaan Wararka iyo Macluumaadka la xidhiidha doorashada Golaha Wakilada Somaliland, iyada oo labadii doorasho ee Somaliland ee Goleyaasha Deeganka iyo Madaxtooyada ay Laanta Afka Soomaaliga ka iman jireen waxaan ka badnayn laba weriye oo weliba uu ku jiro Axmed Siciid Cige oo hore u sii joogay dalka. Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo
  19. There were 4 refugee camps stationed in the Somali Republic during the aftermath of the '77 war. Those camps were stationed in Waqooyi Galbeed, Hiiraan, Gedo, and Shabeelaha Hoose. The population of the refugees as contained in the camps goes: 1. Hiiraan--375,000 2. Waqooyi Galbeed--400,000 3. Gedo--450,000 and 4. Shabeelaha Hoose--70,000 I am not familiar with those other regions, but one thing I am familiar with is that the Afweyne regime had an active program which it wanted to replace the refugees in place of the locals. What that means is that the refugees will become the natives, and the natives will become refugees. That was tried but failed miserably.
  20. In 1977 the clannish fervency that you are having now were under check. Somali state went to war. Whether that war was right or not is different topic for another time. It was the Somali state that welcomed the refugees under the executive order of the strongman at the time. It beats me why you are trying so hard to portray history this way Suldaan. I have my own theories about that war itself, but I rather not go into them. Because they are irrelevent for this. As for the refugees, I say the host people welcomed as much if not more as the state did. But that isn't the point, it just mentioned to reinforce the point being made. Which is if you don't mind me paraphrasing your ealier post about the bidding. Now, why did their military melitias support the stronger (Afweyne) side over the locals during the 1980s? it all comes down to my friend, nin waliba siduu kugu liso ayaa loogu hanbeeya. Nimanka la dulmiyay ee waliba lagu eedaynayo inay diinta daacad u yihiin waqtigaa ka hiiliyey. Awoowe adduun galinba waa ceyn. Waa ayaan darro hadii nin Muslim ah oo misana jinsiyadiisu Somali tahay oo nabad iyo daris wanaag biday Hargeysa in aqalka lagala baxo oo cadaw gacanta loo galiyo. Awoowe isu hambalyeeya waa adduune. To believe a myth is as easy a thing as breathing the air. These men are being tried in Somaliland courts. If they are innocent of the serious charges that they are facing, then they will be set as free men.
  21. ^ To be honest I wasn't expecting that from you Baashi. That is too W.T'ish :eek: Inaad dagaalkii jidbaalena soo jiqilo weyneyd ayaan u haystee.
  22. I never expected from you Suldaan to stoop to such shallow level Well, it is happening right now my friend. They started to go to that level, but we are still holding our head above water. It is a matter of when. You know there is a limit, and we are Somalis. It all started from the capture of 33 alleged ONLF members in Hargeisa who crossed from Eritrea into Somaliland via Djibouti. The story goes, they were caught with armory and other equipments, and the government says they were trained in Eritrea for ONLF and so they have no right to be hiding in Somaliland or using Somalialnd as a transit point. When that news was aired on BBC, the head of the ONLF organisation gave an interview calling on all ONLF members to target any thing that has "Somaliland" origin. (This is where the degeneration started) So, since that time, 53 Somaliland own trucks each being the 40-TON carriers and their goods estimated to be between 30-50 thousands USD, were burned down to the ashes. And as of late just a month ago, 3 men of Somaliland origin were taken captive and later murdered. The 33 ONLF members that were taken custody in Hargeisa, a court ruled that 27 of them to be set free because the prosecutor didn't produce enough evidence for their conviction. The remaining 6 are still held in custody and they await for further court process. Anyways, that is how things are thus far. So, the owners of the trucks and goods that the ONLF burned want answers too. So, I am not suggesting anything here, I was merely trying to sketch the possible scenarios that might take place if things continue as they are. This is a political problem, but they want to change it into clan problem. And that is where the problem lies. And you know in clans, geela lagaa dhaco, geelisa ayaad soo dhacaysa, ninka lagaa dilo ninkiisa ayaad u dilaysaa... that is where it is heading. Allah forbid.
  23. Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa ee Ugu Badnaa oo Somaliland u Yimid Doorahsada Golaha Wakiilada Ugu yaraan 72 goob jooge oo ka kala yimi afarta qaaradood ee adduunka ayaa soo gaadhay doorashoyinka golaha wakiilada ee la qabanayo 29-ka September, 2005. Goob joogayaashani wadamada ay ka yimaadeen waxa ka mid ah Koonfur Afrika, USA, Britain, Zimbabwe, Sweden, Finland,, Canada, Australia iyo Machadka caalamiga ah ee IRI. Goob joogayaashan oo ah kuwii ugu badnaa ee Somaliland doorashadeeda yimaada waxa ay la socon doonaan sida ay doorashadu uga dhacayso Somaliland. Goob joogayaashani waxay ay shalay kulana ay kaga waraysanayana arrimahaa doorashada iyo ololaha loogu diyaari garoobayo doorashooyinka kula yeesheen Hargeysa warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland. Kulankan dhex maray goob joogayasha caalamiga ah iyo warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland waxa ugu horeyn hadalkan ku furey Mr. Steve Kibble oo ka mid ah goob joogayaasha ka yimi Britain, waxaanu yidhi "Waxaanu ku faraxsannahay inaanu halkan joogno oo aanu ka qayb galno hawlaha geedi socodka hanaanka dimuqraadiyada ee Somaliland. Waxa nagu jira kooxo caawinaya hawlahayaga iyo la kulanka dadkaba aanu doonaynaba. Waxaanu imika ka kooban nahay laba iyo todobaatan goob jooge oo ay ka mid yihiin kooxo ka kala socda Machadka Caalamiga ah ee IRI, Koonfur Afrika, Zimbabwe, Norway, Sweden, Holland, Finland, Canada iyo Australia, waxaananu ku mashquulsanahay isu diyaarinta hawlahayga, waxaananu rajaynaynaa inaanu 27-ka u kala baxno goobaha doorashada, gaar ahaana meelaha miyiga ah si anuu la socono doorashada, isla markaana aanu markhaati uga ahaano doorashada Somaliland siday u dhacayso, waxaananu rajaynayna inay u dhacdo si xor ah, xalaal ah, oo nabadgelyo ah. Waxaananu u mahadnqaynaa dadka reer Somaliland, dawladda Somaliland inaanu kala qaybgalno doorahsadoodan taariikhiga ah. Intaa ka dib ayey goob joogayashu weydiiyeen weriyayaashii ka qayb galay kulankan su'aalo la xidhiidha doorashada iyo arrimaheeda, su'aalahaasi oo ay saxaafadu u wakiilatay inuu uga jawaabo Yuusuf Cabdi Gaboobe waxay u dhaceen sidan. S. Weriyayaasha halkan isugu yimi dumar kama dhex muuqdaan, waa maxay sababtu? J. Run ahaantii dumarka xarumaha warbaahinta ee jiraa ma awoodi karaan waxyaabaha ay dumarku u baahan yihiin. Kumana shaqayn karaan duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha ragga ahi, oo ay ka mid tahay inay meelo faalal ah oo ay ku shaqeeyan, taasoo aanay awoodi karin xarumaha warbaahineed ee imika jiraa, iyo iyada oo aanu dhaqanka dadkayga laf ahaantiisa aanu shaqada weriyenimad dumarka ku dhiirigelinayn. Hase yeeshee qoraan oo ay tabaruc ugu soo gudbiyaan mawduucyada kala duwan ee aragtidooda, kuwaas oo isugu jira siyaasada iyo arrimaha bulashadaba. Haddase waanu tababaraynaa waana qodobo muhiim ah oo ay tahay in dumarku ka dhex muuqdaan saaxada warbaahinta. S. Waa maxay wax yaabaha ay xisbiyadu soo bandhigaan ee ay doonayaan in lagu doorto? J. Waxaanu leenahay xeer anshax mirneed oo ay saxeexeen saddexda xisbi ee dalka ka jiraaba. Waxa kaloo jira xeer kale oo anshaxa marineed oo warbaahintuna saxeexday, kaas oo khuseeya ololaha doorashada, waxaana filayaa inaanay ilaa hadda wax dhibaato ahi jirin, iyada oo cid waliba dhinaceeda ka dhawrayso xeerarkaa anshax marineed, laakiin waxa jiray cabashooyin isa soo tarayey oo ka imanayay axsaabta mucaaradka ah oo ay ku sheegayaan inaanay xukuuumadu sharciga ku dhaqmayn, laakiin dhamaantood waxay iska ahaayeen waxyaabo yar yar oo aanay ahayn in cod dheer lagu sheego. Has yeeshee anigu waxaan ka socdaa shabakada warbaahinta Haatuf Media Network oo so saarta saddex jariidadood, iyada oo mid ka mid ah jariidadahaasi sugayso in xukuumaddu maxkamad ku soo taagto war ay baahisay. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xisbiyadu ku ololeeyaan waxa ka mida shaqo la'aanta, dhaqaalaha iwm, iyadoo ay xisbiyada mucaaradku ku eedaynayaan xukuumada musuq maasuq, iyaga oo sheega inay arrimaha wax ka qaban doonaan haddii la doorto iyaga, halka xisbiga xukuumaduna kaga ololaynayo waxaanu leenahay waayo aragnimo ku filan oo aanu arrimahaa wax kaga qaban karno, laakiin mucaaridku malaha waayo aragnimo, isla markaana wax ka qabashada arimahani way ku adkaan doontaa, waana arrimahaa waxyaabaha ay xisbiyadu ku ololeeyaan. Laakiin xisbiyadu malaha barnaamijiyo siyaasadeed oo ay ku kala duwan yihiin marka laga reebo inuu midna awooda ku fadhiyo, midna doonayo inuu qabsado. Sido kale waxa ka mid ah waxyaabaha ay xisbiyadu ololahooda ku sheegaan, arrinta aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland, taasi oo ay saddexda xisbiba isaga aragti yihiin. S. Ma jiraan cabashooyin idinkaga yimaada wararka qortaan xaga Musharaxiinta oo ay qaarkood ka cawdaan xagga sawirada aad ka baahisaan? J. Xaqiiqdii ma raali gelin karo siyaasiyiinta, laakiin waxaanu isku daynaa inaanu siino fursado isku mid ah, taas oo ah wixii aanu ku heshiinay dhexdayada, mararka qaarkood waxa laga yaabaa inay ka hadlaan inta warka laga qoray le'eeg yahay, gaar ahaan sawirada, waxaana suurto gal inay yidhahdaan sawirkayagu ma qurux badna iwm. Laakiin anagu waa in aanu qadno sawiro macno u samaynaay akhristayaasha, balse ay mararka qaarkood yidhaahdaan waa sidaas sawiiiirkani, ilaa haddase ma jiraan wax dhibaato ah oo weyn oo aanu la kalanay. Waxaanad moodaa in mucaaradku ay kaga firfircoon yihiin xagga warbaahinta xisbiga talada haya, oo xisbiga talada hayaa kuma badna. Waxaase jirta hal dhibaato oo weyn oo shalay dhacday, taas oo ahayd shir jara'aid oo uu qabtay Madaxweynuhu, iyada oo markii ugu horeysay aanay ka qayb gelin shirkaas jaraa'id waraahinta madaxa banaani. Taas oo aanu iska aragnay oo aanu maanta shir jara'aid oo aanu qabanay aanu ku sheegnay inaanaan qorin wararka dawladda ilaa inta raali gelin lagana siinayo ama aan la noo sheegin sababta la noogu diiday shirkaasi jaraa'id. Taas oo aan ahayn wax wanaagsan, wakhtigan doorashada lagu jiro. laakiin markii ay dawladu qaaday talaabadan, isla markaana ay faah faahin ka bixin weyday, waxaananu doonaynaa in arintani ay xukuumadu ka hadasho, isla markaana ay na siiso damaanad ah inaanay tani dib u dhicin. Wadanka Somaliland waa wadan ay saxaafadu xor tahay, inkasta oo ay jiraan meel ka dhacyo ay xukuumadu mararka qaar kula kacdo saxaafada, laakiin waxaad moodaa inay xukuumadu mar marba ku dambaysa ay dul qaad u soo yeelanaysay waxyaabaha ay jaraa'idku ka qorayaan, iyada oo saxaafada lafteedu intaa koraysay oo ay yeelanaysay khibrad iyo aqoon dheeraad ah oo la xidhiidha midnadooda saxaafadeed. Laakiin aad ayaan ugu duwanahay warbaahinta dalalka aanu jaarka nahay sida Itoobiya, Eritrea Djibouti iyo Sudan oo aanu aad uga wanaagsanahay, laakiin maba doonayno in lana barbardhigo wadamada. Ololaha waxa aanu yeelanay khibrada badan, marka loo eego doorashooyinka hore. Iyada oo ay doorashadani ka duwan tahay kuwii hore oo ay ka qayb galayaan in ka badan 246 musharax S. Ma sii saadalin kartaa doorashada? J. Ma lihin awood aanu ku sii sadalin karno, isla markaana aanu ku gaadhi karno dhamaan goobaha cod bixinta oo dhan, hase yeeshee doorashadan waxa loogu dhawaaqi doonaa heer gobol, halkii ay doorashoyinkii hore ka ahaayeen inay natiijada doorashada ku meel gaadhka ah ku dhaawaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kali ah. Laakiin doorashadan waxa loogu dhawaaqi doona heer gobol, iyada oo Komishanka gobolka laga heli karo natiijada, waxaana meelaha noo jooga weriyayaal badan, waxaananu doorashadan ku kordhinaynaa hawl wadeeno kale oo aanu u dirno oo aanu tababaranay. Waxaananu rajaynaynaa inaanu doorashadan ka soo warano meelo aan weligood wararka laga soo qaadin ee fog fog. S. Ka warama mawduucan aad shirka jaraa'id ka qabateen sidee buu saamayn u yeelan doonaa? J. Ma filayno inay dawladddu naga aamusto, maadama aanu nahay xarumaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay. Waxaananau doonaynaa oo keliya inaanu arrintaa kaga jawaaabno. Dawlada waa war dhaliye weyn, sidaas dartreed kama maarano, sidoo kale dawladuna way noo baahan tahay oo nagama maaranto, Laakiin kolay waxa loo heli doonaa xal, balse taasi waa wixii dhacay. Mana filayo inaanu ku jirno xaalad iska horimaad anaga iyo xukuumada noo dhexeeya Xigasho Haatuf
  24. ^^true say sis Remind me again how many Somaliland-owned trucks have been burned in Kilinka Shanaad recently? Ogow, sxb, meelna waad ku badantihiin, meelna waa la'idinka badanyahay. If you didn't know, there are many thousands of them who own and operate businesses in Somaliland. We have no problems with them. But if things continue like that and they continue to burn down Somaliland owned trucks, then I am affraid things will degenerate into that level. Who in particular saxb? i think the somalilanders themselves disrupted their own progress after electing likes of riyale who perfected in the cigaals old fashioned politics of sarrounding himself with dummies like ismaciil bulubuluq who personally gave such an embarassing statement. Minister of Int. Mudane Ismacil Adan better known as Ismail Yare, although he seems to be very heavyhanded in some aspects of his job, I am in complete support on how he handled the current terror scare. He was sharp in his message and it did achieve its intended target and aim. What made riyale a favorite in the place of silanyo the well educated politician? What in "popular vote" you don't understand? Its a levelled playing field. You get more votes, you win. Why the majority voted for Rayaale and not Siilaanyo? That you will need to ask each and every voter who casted his vote for Rayaale.
  25. S. African AIDS Expert Urges Circumcision By CLARE NULLIS, Associated Press Writer, 24 Sept. 2005= CAPE TOWN, South Africa - A South African AIDS expert Saturday advocated male circumcision as the best available "vaccine" against the virus in his country, where an estimated 6 million people are infected and more than 600 people die every day. Francois Venter told a congress of health activists in the Treatment Action Campaign that a recent survey in the Soweto township indicated that circumcised men were 65 percent less likely to contract AIDS than those who had not been circumcised. "We dream of a vaccine which has this efficacy," said Venter, clinical director of the Reproductive Health and HIV Research at the University of Witwatersrand. "The results are phenomenal." The association between circumcision and a reduced risk of HIV was noted as early as 1987, when Dr. William Cameron of the University of Manitoba in Canada reported findings from a study in Kenya. Some researchers in early studies have said they believe cells in the foreskin may be particularly susceptible to infection. Venter urged the Treatment Action Campaign, an influential movement of 13,000 activists, to consider promoting circumcision as a vital prevention tool, given that existing methods were failing to slow the spread of the epidemic. South Africa has the highest number of people living with HIV/AIDS in the world. Nearly 30 percent of pregnant women are infected, according to a health department survey published in July, and in the hardest hit province of KwaZuluNatal this rises to 41 percent. The disease is now one of the main causes of death among young adults and infants. Some traditional communities in South Africa practice circumcision, but there are calls for tighter medical controls to limit health risks from blunt and contaminated instruments. "We don't want our men to go to the chop shop but have medical circumcision," said Zackie Achmat, an AIDS activist who said the congress — which meets every two years — would debate whether to encourage mass circumcision. Achmat, who is HIV positive, said much more needed to be done on prevention. He said that even though government distribution of condoms increased from one million in 1994 to 40 million in 2004, this still only amounted to 35 condoms per sexually active male per year. He said that 73 percent of young people without the virus believed that they were not at risk of catching, and 62 percent of young people with the virus also believed there was no risk. Achmat criticized the government's record on treatment. Of the 500,000 people who need AIDS therapy, only 76,000 are currently receiving it through the public health sector. The World Health Organization has singled out slow progress in South Africa as one of the main reasons it will likely miss its target of putting 3 million people worldwide on therapy by the end of this year. "We are dying. We are still dying," he said. Achmat has for years attacked the government for doing too little too late against the AIDS epidemic. In a sign of the mutual antagonism, health ministry officials refused invitations to attend the congress. "President Thabo Mbeki tragically still shows symptoms of AIDS denialism," said Achmat. Mbeki reputedly doubts the link between HIV and AIDS. Health Minister Manto Tshabalala-Msimang has repeatedly voiced doubts about the safety and efficacy of antiretrovirals, instead stressing the benefits of a diet heavy in garlic, lemon and olive oil. The Soweto study, was conducted by French researchers between 2002 and 2005 with more than 3,000 healthy, sexually active males between 18 and 24. About half the volunteers were circumcised by medical professionals, and the rest remained uncircumcised. All the men received counseling on AIDS prevention. But after 21 months, 51 members of the uncircumcised group had contracted HIV, the AIDS virus, while only 18 members of the circumcised group had gotten the disease. The World Health Organization and UNAIDS welcomed the results of the study, released at a conference in Brazil in July, but says that more trials should be conducted before circumcision can be recommended as a preventive method. A study conducted by the U.S. National Health Institute involving 5,000 individuals is now under way in Uganda.