Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Duke If anyone this hurts the tyrant criminals most. In fact, it is a welcoming development for all of those people that gave the benefit of the doubt of the tyrants criminal intentions. Any saneful person knows the fact that if one side of Mogadishu burns the other side will not be safe either. Hence, I don't think anyone with an ounce of brains will listen to this looser.
  2. Listen to this lowlife advocating for the total genocide of a certain section of Mogadishu's population. Ma waxan ayaa Dawladda? This is a genocidical tyrants get together. They are open about their hateful intentions. Maba xishoonayan kuwan. Warlord Salad Cali Jeele
  3. ^^Hunguri waashay ayaa warqaba. ---------- Wafti Wasiiro kale oo u baqoolay Gobolada Bari Wefti wasiiro ah oo Wasaarada Qorshaynta Qaranka ay Hormood u tahay ayaa u Baqooley gobolada Bari ee somaliland.. "Wasaarad ahaan Waxa Naga go'an inaanu sinaan iyo cadaalad u gaadhsiino Deeqaha ay hayadahu bixiyaan Gobolada Dalka oo idil...." Wefti ay wasaarada Qorsheynta qaranku hormood u tahay oo ka kooban wasiirada Howlaha Guud, Waxbarashada, iyo Warshadaha ayaa ka ambobaxey magaalo madaxda Hargeysa kuwaasi oo u baqooley Gobolada bari ee somaliland.Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Mud, Cali Ibraahim Maxamed ayaa Golisnews wareysi khaas ah oo ay la yeelatey ka hor intii aysan weftigu ka anbobixin somaliland ku sheegey in u jeedada socdaalka weftigani tahay sidii ay warbixin rasmiya uga soo diyaarin lahaayeen Xaalada Gobolada Bari ee somaliland, si mashaariicda dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland RDF looga fuliyo, Gobolladaas oo aan iyagu hore u helin mashaariicda horumarinta ee ay hay'aduhu fuliyaan. Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Ibraaim Maxamed [Cali Sanyare] waxa sheegay wefti ay hogaaminayso wasaarada qorsheyntu oo ka kooban wasaarado iyo hay'ado caalamiya ay kormeer ugu bixi doonaan gobolada Bari "Maalinta Beri ah [Maanta] waxa magaallada Hargeysa ka anba bixi doona wefti ay hormood u tahay Wasaarada qorsheynta oo ka kooban wasiirada wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta Md, Siciid Sulub Maxamed , Waxbarashada, Md, Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasan Gadhweyne] Warshadaha, Maxamed Saleebaan-weyne iyo hay'ado caalamiya" ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed Cali Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay u jeedada socdaalka weftigani tahay u kuur-gelida iyo xog ogaal u noqoshada xaalada gobollada Bari, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi " U jeedada socdaalka weftigani waxa weeyaan u kuurgelida iyo xogagaal u noqoshada xaalada rasmiga ee ka jirta Gobollada Bari, oo badiba Hay'adaha deeq bixiyaashu aanay saldhig ku la haan jirin. Markay wasaarada qorsheyntu u sameysay mashaariic mabin ah sanadkii aynu ka soo dhaafnay [2006]" Waxa uu wasiirka Qorsheyntu Cali-Sanyare tilmaamey inaanay haya'adaha deeqbixiyayaasha ahi si dheeli tiran uga hawlgelin gobolada Somaliland khaasatan kuwa Barri, hadaba si arrintaa wax looga qabto ayuu weftigani warbixin rasmiya ka diyaarin doonaa baahiyaha Waxbarasho, Caafimaad, Biyaha iyo guud haanba waxyaabaha asaasiga ee nolosha" ee ay goboladaasi u baahanyahiin Weftigan muddo sagaal maalmood ayey ku maqnaan doonaan gobollada Bari ee Somaliland si mashaariicda dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland RDF looga fuliyo, Gobolladaas Bari oo aan iyagu hore u helin mashaariicda horumarinta ee ay hay'aduhu fuliyaan markaani soo dhamaystirno socdaalkaasi aanu ugu kuur galayno axwaasha goboladaasi ayaanu warbaahinta isagu yeedhi doonaa si natiijada ay dadweynaha reer somaliland ula socdaan ayuu wasirku yiri... By. Weriye Moha Dahir Farah Jire. Hargeysa Somaliland
  4. his name is Idi, it must be short for Id!ot. This is what I understood from him "Lets respect my uncle, lets respect my uncle, lets respect my uncle."... :lol: Mr. *Idi* forgot that respect is something one has to earn. Well done to Bashir!
  5. As expected from UCID. -------- Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay Urur Siyaasadeedka Cusub Ee Qarran Mid Aan Dastuurku Fasaxayn Oo Baal Marsan Sharciga Hargeysa (Harowo.com) April 7 -07- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay urur siyaasadeed cusub oo shallay lagaga dhawaaqay Caasimadda Hargeysa laguna magacaabo Qarran mid aanu dastuurka dalku saamaxayn isla markaana ah mid baal marsan xeerka furashada xisbiyada dalka. Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Md. Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo maanta ka qayb gallaayey dood ay laanta afka soomaalida ee Idaacadda B.B.C-du ka qabatay arrinta muranka xisbi furashada ayaa wuxuu yihdi "horta waxaa quman in dib loo darso tacabkii dalkani gallay, haddii intaasi la xasuusan waayo waa ayaan darro in maanta la soo hadal qaado urur, waxaan qabaa Ururkii SAHAN ee Dr. Gaboose waa uu ku calaf qaaday doorashadii berigii hore dhacday, haddana ma qabno in xeer ama qodob dastuuri ah oo jidaynayaa uu jiro in urur cusub laga dul keeno xisbiyadii hore u jiray, midbaan u sheegaya walaalayayaga sheegtay inay xisbi ama urur furteen, waxaa idiin furan inaad ku biirtaan xisbiyada maanta jira ka idiin cuntama weliba UCID ayaanu idinku soo dhawaynaynaa" ayuu yidhi Xasan Suldaan Cabdilaahi. Xasan Suldaan wuxuu ku tilmaamay furashada ururkani cusub mid lagu jaha wareerinaayo shacabka somaliland iyo tacabkoodii "shacabku maanta waxay ku abtirsadaan waa seddex xisbi oo ay taageeradooda siiyaan, markaa kuwa kale marka laga kor keenaayo waa ayaan darro, annagu xisbi ahaan maxaa tacabka intaa le'eg na geliya maalin walba ee aanu gobol iyo degmo kasta u tagnaa haddii aanu haddana burburayno oo la leeyahay jidkii siraad ee aanu ka soo gudubnay dib usoo galla" ayuu yidhi Xasan Suldaan Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Ee Xisbiga UCID.
  6. A.J. Timacadeh Somaliland is always open for dialogue with rer Sanaag Bari with the view of integrating our brothers into the big Somaliland family. Lets hope this new drive from Somaliland bares fruits for both sides.
  7. A very bad news for those who wanted to level Mogadishu to the ground. The next step is for the EU to demand the illegal occupational force to withdraw from Somalia soil.
  8. Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Dhawaan Caasimadda Hargeysa Hargeysa (Harowo.com) April 7 -07- Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Col. Maxamed Saqadhe Dubad ayaa sharaxaad dheeraad ah maanta ka bixiyey qaraxyadii dhawr habeen oo is xiga ka dhacay caasimadda Somaliland Hargeysa oo kii ugu danbeeyey xallay lala beegsaday meel aan ka fogayn xarunta danbi baadhista qarranka ee C.I.D-da. Col. Saqadhe Dubad Taliyaha Ciidaanka Booliiska Somaliland wuxuu sheegay in qaraxyadaasi la fuliyey goor habeen ah oo ku beegan ayuu yidhi wakhti danbe wuxuuna sheegay in laba qarax ay dhaceen laba habeen oo isku xiga halka uu sheegay qaraxa danbe oo dhacay xallay inuu u dhexeeyey habeen, Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland wuxuu sheegay inaanay dhammaanba qaraxyadaasi wax khasaara ah gaysanin "qaraxyadaasi waxaa mid lala beegsaday guriga Wasiirka warfaafinta oo ku yaalla xaafadda jig jiga yar, midna waxaa lala beegsaday gurigii hore ee uu degenaan jiray madaxweynaha somaliland wakhtigii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa oo ku yaalla xaafadda shacabka, kani ugu danbeeyeyna waxaa lala soo beegsaday xarunta C.I.D-da oo ah gurigii tulbataariyadda ee Hargeysa, dhammaanba waxay ahaayeen weeraro fulaynimo ah oo aan wax khasaare ah soo gaadhsiin xitaa halkii ay ku dhaceen wax burbur ah oo ay soo gaadhsiiyeen ma jirto". Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland wuxuu sheegay in walxaha loo adeegsaday qaraxyadani ay ahaayeen qaar laga sameeyey waxyaabo macmal ah sida baaruud iyo gaasta sunta ah kaasi oo sababay ayuu yidhi qaraxyadani aadka u weyn wuxuu sheegay in ay booliisku wadaan baadhitaan aad u balaadhan isla markaana wuxuu sheegay in lagu daba joogo ciddii falalkaasi ka danbaysay. Dhinaca kalana Taliyaha Ciidaanka Booliiska Somaliland wuxuu sheegay in falkaasi ilaa hadda loo xidhay hal qof isla markanaa wuxuu sheegay in lagu daba jiro wuxuu ku tilmaamay ciddii lugta ku lahayd ama ka danbaysay. Caawa ayaa caasimadda Hargeysa waxaa laga dareemaya dhaq dhaqaaq dhinaca ammaanka ah oo aad u xoogan iyadoo ciidamo booliis ah lagu soo xoojiyey dhammaanba isgoysyada iyo goobaha kale ee xarumaha dawladda, waxaa sidoo kale goob kasta la dhigay ciidamada sirdoonka qarranka oo si dadban uga qayb qaadanaya baadhitaanka qaraxyadani.
  9. Some PICS from Sheekh Mountains Laalaays [Waterfall Sheekh] [Durdur Buurta Sheekh]
  10. This looks like the sand dunes of the Sahara Desert. I always thought Shabelle were the most green region in Somalia.
  11. maanta lugu soo geba gebeyey magaalada Baran ee xarunta gobolka Sanaag siminaarkaasi oo soconayey mudo.. Was that a typo dear Maakhiri? Anyways rer Sanaag Bari wada hadal iyo isqancin ayaa lagu dhamaynayaa arimaha ay tabanayaan. Dahir Riyaale xukuumaddiisu way ka leecatay wadaddi u jeexay Mohamed Xaaji Ibrahim Ciigaal (AUN).
  12. This new Party is a threat to UCID Party. Dr. Gaboose's old Party Sahan lost only by 0.35% to UCID to claim the third place in the last local elections. Already Kulmiye is citing the three political party limitation in the constitution, something I am sure UCID will try to echo in an attempt to stop this new Qaran Party from contesting in the upcoming elections. Speaking of the three political party limitation, I think that applies to the Presidential and the Parliamentary elections which are National in scope. Hence, the need to challenge the existing political parties is a corner stone to our democracy.
  13. Xoogsade My brother, if you go back in history a little you will realise that rer Somaliland are the last people to really make a big deal about Power and Ruling. History attests to that. In 1960 we came to the South and all we wanted was a strong united and fair government where everyone was equal before rule of law. But that wasn't to be. Its a long story, and I will leave it to that. But, if another Unity was to come, rer Somaliland will look at every word of any new unity pact with an electric microscope. We will look at the finer prints with scrutiny and suspicion until we have something we are happy with. But before that, Xoogsadow, are you prepared to face Somaliland as an equal partner in that roundtable? That is the first concession you'll have to make if we needed to proceed to look at forming a new union.
  14. Waraysi Wasiru-Dawlaha Cafimadka+Cusbitalka Ceeri oo Xidhan + Dayaca Ka muuqda Gobolka Sanaag waa gobolka ugu weyn gobollada dalka Somaliland, wuxuu ku yaallaa faran u dhexeysa laba maamul, Gobolka Sanaag ma laha wax waddo ah, laamigu wuxuu u jiraa magaalada in ka badan 300KM. Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo gebi ahaan waa xidhniin, ma jiro wax dhakhtar guud ah oo ka hawlgala, dhismayaashiisu waa dundunsan yihiin, shaqaalaha ka sheqeeyaa mushahar ku filan ama qaar ka midiba ma qaataan wax mushahar ah, sida uu noo xaqiijiyey Mr. Saliid oo ah madaxa shaybaadhka TB-da ee Cusbitaalka oo aan kula kulmay dhismaha shaybaadhka oo aad u dayacan, aanna lahayn wax biyo ah, iyada oo ay jajabeen dhammaan agabkii keeni lahaa biyuhu, maraan weydiiyey maxaad u samaysan weydeen qasabadaaha ayaa wuxuu Mr. Saliid iigu jawaabay "Anigu meesha quraac la'aan ayaan ku imaaddaa, muddo lix bilood ahna wax mushahar ah maan arag". Waxaan soo maray Qaybta cuntada lagu kariyo (Kichen), waxaan goobtaa kula kulmay laba dheri oo yar yar oo hadhuudh iyo bariis loogu karinayey qolyaba TB-da ee cusbitaalka. Waxaa dhacda haddii qof dhaawac soo gaadho ama haweenay fool adagi qabato in jidkaa 300KM ah la sii mariyo oo ay dhici karto inay ku sii dhintaan ama sida dhacda dhacda marka dadka qaar u waayaan kharash ay ku qaadaan ay keento inay xabaalaha uun iskala sugaan. Waxaan kula kulmay cusbitaalka Agaasimaha oo xilligaas ku sugnaa gudaha cusbitaalka aniga oo weydiiyey waxa sababay dayacan ka muuqda cusbitaalka, wuxuu iigu jawaabay in xaaladda cusbitaalka aad indhihiinna ku aragtaan, ayna cusbitaalka ka hawlgalaan 1 Kalkaaliye caafimaad, maraan weydiiyey tirada shaqaalaha cusbitaalka ayaa wuxuu ii sheegay inay gaadhayaan 64 shaqaale ah, waxana badankooda loo wada dhiibay boosas sarsare, Waxaa dhawaan gobolka Sanaag soo gaadhay Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Mudane Axmed Cali Shire oo u dhashay isagu gobolkan Sanaag, Mud. Axmed Cali Shire oo isaguna hawl shaqo ku jooga magaalada, waxaan wax ka weydiiyey waxa sababay xidhitaankan cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo? "Sababta ugu weyni waa iyada oo aan lagu karayn dhakhaatiirtii u dhalatay gobolkan inay gobolkooda ka hawl galaan" ayuu yidhi Mud. Axmed Cali Shire oo ah Wasiiru dawlaha Caafimaadka Somaliland oo hawl shaqo ku jooga Ceerigaabo. Waxan wax ka weydiiyey xagga dhaqaalaha ama mushaharka dhakhaatiirta wuxuuna iigu jawaabay "Gobolkani wuxu leeyahay illaa 10 dhakhtar, laakiin waa lagu kari waayey, waxay madaxtooyadu bixisaa $1000, iyada oo ay la socoto Gunno oo loogu talo galay dhakhtarka" Maraan wax ka waydiiyey Maadaama uu cusbitaalkii xidhan yahay iminka, aadna aragtaan xaaladdiisu waxa ay ku sugan tahay waxa aad damacsan tihiin inaad ka qabataan?. Wuxuu Wasiirku iigu jawaabay "Waxaan iminka isku hawlaynaa sidii aannu xaaladda Wax uga Qaban lahayn, waxaannuna samaynaynaa Guddiyo. Cusbitaalka Ceerigaabo wuxuu ka kooban yahay oo dhisan 5 Waadh oo laba ka mid ahi waa dumayaan oo cidi ma gasho, waxaa waadhka ragga jiifay markaas aan soo booqday 6 bukaan ah, waadhka dumarkana 3 waadhka umulahana iyo caruurtana 3. Author: Sanaagweb.com Email: (farjar777@hotmail.com)
  15. Wasiir Ku Xigeenka Dib U Dejinta SL Iyo Waayeelka Badhan Oo Kulan Fooda Is Daray Wasiir kuxigeenka dib u dejinta Somaliland Md C/xakiim Garaad Max’ud Calli Shire oo socdaal shaqo ku jooga Deg Badhan ee G/sanaag ayaa kulan balaadhan la yeeshay odayada degaankaas. Kulankan ayaa layskula soo qaaday xaaladaha taagan baahiyaha jira sidii wax looga qaban lahaa iyo arimaha siyaasada Degaamada Sanaag Bari, Ugu horayn wasiirka oo kulankaa furay ayaa wuxuu odayada uga xog waramay Somaliland iyo talaaboyinka ay u qaaday dhinaca horuu marka nabadgelyada dhismaha maamul iyo hanaanka Dimuqraadiyada ee rabitaanka shacbiga Somaliland isagoo wasiirku ku canaantay odayada in beesha ay metelaan ay ku fureen meel u dhaxaysa laba daaq-simood taasina ay ku khasaareen loona baahan yahay halka ay Dal ahaan iyo Dad ahaanba ka soo jeedaan ee ilaahay ku beeray inay tahay Somaliland oo ay tahay inay la xisaabtamaan Xukuumada, Golayaasha iyo Ha’yadahaba sidii ay uga daba tegi lahaayeen wixii ay xaq u lahaayeen ee kaga baaqday. Odayada Degmada Badhan ee kulankaa ka qayb galay ayaa waxay hadalo kooban ku muujiyeen baahiyaha ay qabaan ee ay ka midka yihiin Jidadka mandaqada isku xidha oo liita,Biyaha oo rigagii qaarkood ay fadhiyaan , Waxqabadka Ha’yadaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah oo aan isagu haba yaraatee jirin, Odayada ayaa waxay ka garaabeen in dib u dhaca beesha uu yahay mid ku yimi muwaafaqo la’aan iyo Dawlada Somaliland oo ka gaabisay in ay Dadkeeda wada hanato waxayna balan qaadeen inay soo dhowaynayaan wax qabad kasta iyo cidii wadaba isla markaana ay meesha ka sarayaan wixii hore u khaldamay ee Degaankooda hore looga fidiyey. Odayada qaarkood ayaa waxay badheedhohooda ku muujinayeen in weli ay indhohoodu qabanayaan oo ay arkayaan Dawlad Somaliyeed iyo nidaam Federal ah oo yimaada hase yeeshee kuwa kalle ayaa waxay ku qancinayeen in ay khariidad ahaan mandaqadu tahay Somaliland isla markaana ay waayeeleen . Isla maanta waxa wasiirku kormeer ku soo kalla bixiyey Dugsiyada ku yaal magaalda Badhan kuwaas oo ay ka mid yihiin Dugsiga hoose/dhexe ee Furqaan halkaas oo ay waxa ka bartaan kumanaan arday ah kuwaas oo wasiirka u sameeyay soo dhoweyn, Waxa kalle oo wasiirku booqday Dugsi kalle oo lagu magcaabo Al-nuur iyadoo uu la kulmay maamulka iyo barayaasha ka hawlgala dugsigaas. Wasiir kuxigeenka ayaa sii wadi doona kormeerkiisa uu ku joogo Bariga Sanaag isagoo isla galbtana soo kormeeri doona tuulooyin hoos yimaada Degmada Badhan Warqabadka Dhambaal News
  16. sidee wasiirka loogu soo dhoweeyey cergaabo Waxaa shalay abaaro 4:50 daqiiqo soo gaadhey wefli uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha: C/laahi Cirro, iyada oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen maamulka gobolka iyo ka degmaduba oo ay ka mid ahaayeen badhasaabka gobolka: Cali Cabdi hurre iyo maayarka Degmada Ceergaabo Ismaaciil X. Nuur Iyada oo badhasaabka gobolku kaga hortegey xuduudda gobolku la leeyahay togdheer. Markii weftigu soo gaadhey magaalada waxaa soo dhoweeyey dadweyne aad u tiro badan iyo arday caleemo qoyan ruxaya .Waxaa weftigu uga sii gudbeen gurigii martiqaadka loogu diyaariyey halkaas oo ay salaam ku siiyeen cutubyo ciidanka booliiska iyo ardayda (Scout) oo ah ardayda loo tababaro ciidanka amniga Wasiiirka oo u mahadnaqay dadweynihii soo dhoweeyey uuna sheegay in uu aad u daalay yahay taraagaa dheer ee ilaa 700mk ah wixii war ahna uu gadaal ka soo gudbindoono. Iyada oo ay jiraan in wefti kale oo balaadhini xaga xeebta ka soo wareegayaan. Waxa kale ka danbeeya ha’ado ajaanib ah oo weftigaasi horu-dhac u yihiin Hadaba dadka reer sanaag baa Su,aali iska weydiinaya weftiyadan. Iyada oo gobolka dhibaatooyin badani jiraan, gaar ahaan adeegyada dadweynaha sida: Caamfimaadka oo u muuqda mid aan jirinba Biyaha, wadooyinka oo ah kan gobolku ka curyaamey, adeega waxbarasho, dekedaha, xaalufinta dhulka oo hadda deegaamadii nabaadguur halis u yihiin iyo qaar kale oo aan la soo koobi Karin. Hadaba su’aasha tagan ee dadku isweydiiyaan waa: xukuumadu ma marka doorshooyinku soo dhowaadaan baa gobolka la xasuustaa? Xildhibaanadii aynu dooranay meeye? Xaalkoodu miyaa (kol hadaan ka wabaxsadey mindhee uma wadiiqeeyo * wadaadkii ugaadeen mindhee weeye ma idhaahdo ) xaalkoodu ma kaa seyidkaa Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: fartaada oo malab ah mar lama wada muudsado. Ee shacabkiina waa u baahan tihiin mar kastana cid uu baa ka faa’iidaysanaysa ee mar ha wada degina.
  17. WASIIRU-DAWLAHA CAAFIMAADKA OO BOOQDAY DEGAAMMO KA MID TAARIIKHI AH OO KA MID AH BUURALEYDA IYO XEEBTA GOBOLKA SANAAG. Ceerigaabo (Qarannews) Wasiiru-dawlaha caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Axmed Cali Shire oo muddo dhawr maalmood ahba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa maalintii arbacada ee 04/4/07 booqday meelo ka mid ah degaannada buuraleyda iyo xeebta gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin goobo taariikhi ah siiba magaalada qaddiimiga ee xeebta ku taalla ee Waqderya iyo Geel-weyte goobahaas oo ay ku yaalliin meelo ay ka muuqdaan raadad ama aasaarta ummadihii hore ee kusoo noolaan jirey dhulkaas. Wasiiru-dawluhu intii uu degaannadaas marayey wuxu si aad ah bulshada uga waraysanayey xaaladda caafimaadka iyo baahiyaadka kale ee meelahaas ka jira wuxuna dhiniciisa ku boorrinayey bulshada in ay intii awooddooda ah dedaal ka sameeyaan sidii ay isaga ilaalin lahaayeen waxyaabaha dhalin kara xanuunnada iyo sidoo kale in aanay ku dhiirran isticmaalka gebi ahaanba daawo aan dhakhtar qorin. Wasiiru-dawlaha caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Axmed Cali Shire
  18. Wasiirka Arrimaha gudaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Ceerigaabo maanta iyo warkale.... Ceerigaabo (Qarannews)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. C/laahi-cirro ayaa galabnimadii Khamiista ee 05/4/07 soo gaadhey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Wasiirka oo sida la sheegay ka mid ah wefti ballaadhan oo xukuumaddu u qoondaysay in ay yimaaddaan gobolka Sanaag ayaa waxa si weyn usoo dhoweeyey madaxda heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo iyo shacab aad u tiro badan iyo weliba kooxo ardayda dugsiyada iyo ciidammadaba ka tirsan. Wasiirka ayaan weli wax warbixin ah siinnin saxaafadda oo la xidhiidha socdaalkiisa, hase yeeshee sida wararku sheegayaan ayaa la filayaa in uu maalmo joogi doono gobolka Sanaag isaga iyo weftiga kale ee iyagu aan weli soo gaadhin Ceerigaabo ayaa waxa la filayaa kulannadiisa ugu horreeya in uu la yeelan doono madaxda maammulka guddiyada qaarkood iyo gurrtida beelaha Ceerigaabo. Dhinaca kalena wasiirka ayaa uga mahad celiyey reer Ceerigaabo sida weyn ee loosoo dhoweeyey isagoo yidhi "Reer Ceerigaabo waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhoweyseen wixii kalena waynu iska arki doonnaa".
  19. Originally posted by General Duke: No one should be allowed in to Puntland without documents. No one needs the fake clan insurgency in those parts. Hence Puntland 1/3 of Somalia will not tolerate anything that damages its hard won security. Bal maxaa Banaadir ku geeyey hadaad dadka kale u diidaysid inay Puntland yimaadaan?
  20. ^^ will Somalilanders accept to come to the negotiating table and ditch their search for independence? You've asked for Somaliland to make two concessions there. What are you prepared to bring yourself to the table? In my opinion, I would reckon Xoogsadow to forget about Somaliland and focus on Mogadishu first and then Southern Somalia. Otherwise it is like Putting the Cart Before the Horse. If my memory serves me right, you didn't get anywhere with it. About time you change strategy perhaps, Xoogsadow? Ma kula tahay.
  21. Arbaco, 04 April 2007(HOL): Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa looga mahadceliyay martigelin ay u sameysay dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo diyaaradda Jubba Airways ay u suutageli weysay in ay Magaalada Muqdisho ku dejiso. Muuse Culusow oo ka mid ahaa Rakaabkii diyaaraddaas saarnaa oo la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in ay Xukuumadda Somaliland wax weyn u qabatay Rakaab uu ka mid ahaa oo saarnaa Diyaaradda Jubba Airways, kuwaasi oo loo diiday sida uu yiri in ay ku degaan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Muuse waxaa uu sheegay in markii ay Diyaaradda Jubba Airways ay ku degtay Magaalada Gaalkacyo shalay subaxnimadii la kala saaray rakaabkii diyaaradda saarnaa, kadibna loo ogolaaday intii ku abtirsaneyday deegaanada Puntland in ay degaan, intii kale ee ku abtirsaneysay beelaha kale ee Soomaaliyeedna loo diiday in aysan diyaaradda ka soo degin. Kadib waxaa uu sheegay Muuse in diyaaraddii ay la aaday dhinaca Magaalada Hargeysa bacdamaa aysan ku degi karin Magaalada Muqdisho sabab la xiriirta dagaallada ka jira. Muddo markii ay diyaaraddii dul meereysaneysay hawada Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu dambeyntii suurtagashay in diyaaraddii loo ogolaado in ay ku degto garoonka diyaaradaha Hargeysa. “Haddii aysan Mas’uuliyiintii Somaliland noo ogolaan lahayn in ay diyaaradda ku degto Hargeysa nafteena halis ayay ku jirtay, waayo diyaaradda shidaalka ayaa ka dhamaan rabay”ayuu yiri Muuse Culusow oo intaas ku daray in ay si weyn ugu mahadcelinayaan Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu lahaa amarka in ay diyaaraddaas ku degto magaalada Hargeysa iyo weliba shacabka Somaliland oo si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Rakaabkan oo tiradoodu dhameyd 120 ruux ayaa dhamaantood laga soo tarxiilay Dalka Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna qorshuhu ahaa in lagu dejiyo magaalada Muqdisho, hayaeeshee taasi ma aysan suurtagelin sabab la xiriirta in aysan hagaagsaneyn xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  22. ^ Not those Xabashi-wanabe, I am talking about those "in charge" to come on board sxb.
  23. Originally posted by OLOL: the ****** community is the opposition, 90% are the opposition, they are united and gathered in one place. they have joined their militias togather and are ready for war. They said let the man (force) that can overpower (defeat) us, capture our city (Mogadishu. Didn't you heard the fightings and clashes of few days ago? the meaning (the whole purpose) is everyone is getting ready (so we do) we will see who will win in the (battle ) of Mogadishu. The events(killings and mass displacement) of 1992 will repeat (be their fate) I am not surprised at all. But at the end of the day, this is a war between the locals and the Xabashi. History will record him in its shameful pages.
  24. I think we need some Xabashis on SOL to represent the Tigre Federal Government side. Gen. Duke et al is a joke.