Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Madaxda Soomaalida oo Tacsi ka direy dhimashada Madaxweynihii hore Updated:- 1 day ago| 25 Commnets Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa tacsi tiiranyo leh ka direy geerida Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed oo saakey (Jimce) waaberkii ku dhintey Isbitaal ku yaala dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegey in uu sameeyey guddi ka shaqeeya aaska Madaxweynihii hore, waxaana guddigaas madax u ah Raysalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Ganacsiga. Mudane Cabdiwahaab Ugaas. Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmnaamey Cabdullaahi Yusuf (AUN) shakhsi waddani ah geesi ah jecelna dadkiisa iyo dalkiisa, waxaana uu rabbi uga beryey in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisi iyo qaraabadiisi. Dhanka kale waxaa ka hadley geeriga Madaxweynihii hore Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas, raysalwasaaraha ayaa sheegey in dhawaan ahayd markii uu ku booqdey Isbitaalka isla markaasna uu la socdey tan iyo markaas xaaladda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN). Puntland Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa tacsi ka direy dhankiisa dhimashada Cabdullaahi Yusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana Dr.Faroole sheegey in dhawaan lagu aasi doono deegaanada Puntland isla markaana la diyaarin doono taariikhdiisi, Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Puntland la gaabin doono muddo saddex maalmood ah, waxa uu ku tilmaamey in uu ahaa Cabdullaahi Yusuf raggii dhidibada u taagey Puntland isla markaana u yeeley saddexda nidaam ee dawlad leedahay. Somaliland Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamede Maxamuud Siilaanyo ayaa isaguna umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Cabdullaahi Yusuf Axmed, waxaana qoraal uu akhriyey afhayeenka madaxtooyada Somaliland lagu sheegey in Madaxweynaha Somaliland ka tacsiyeynayo dhimashada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana uu rabbi ga baryey in uu janadii ka waraabiyo. Aaska Madaxweynaha Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in lagu aaso Madaxweynihii hore ee Soomaaliya gudaha dalkas Soomaaliya meel kamid ah waxaan arintaas ka wada hadlaya guddi Dawladda Federaalku u saartey, maamulka Puntland iyo ehelada Madaxweynihii hore. Horseed Media
  2. Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed [Dhegeyso] Updated:- 1 day ago| 19 Commnets Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysey geerida AHN madxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyoodey wadanka Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo goor dhow magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umadda Soomaalyeed. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cabdilaahi Yuusuf uu ahaa halyey Soomaaliyeed islamarkaana uu ka tegey taariikh lama ilaawaan ah oo ku dhigan maanka qof kasta oo Soomaali ah. Dr. Faroole waxa kale oo uu sheegay in marxuumka lagu aasi doono Puntland loona sameyn doono aas qaran isaga oo amar ku bixiyey in calanka mudo sadex maalmood ah hoos loo dhigo. Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladdu ay dhowaan Saxaafadda usoo bandhigi doonto taariikh nololeedkii marxuumka geeriyoodey. Cabdilaahi Yuusuf Axmed AHN wuxuu xalay saqdii dhexe ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal magaalada Abu-Dhabi ee wadanka Imaaraadka carabta kaasoo uu in mudo ah ku jirey. Horseed Media Dhegeyso codka madaxweynaha Puntland http://horseedmedia.net/2012/03/23/madaxweynaha-puntland-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-ahn-cabdilaahi-yuusuf-axmed-dhegeyso/
  3. Fanaanada Saada Cali Warasame oo ka tacsiyaynaysa geerida Alle ha u naxariistee C/llahi Yusuf Axmed. Sun, 25 Mar 2012 02:44:17 -0400 am -04:00 -14400 Fanaanada Somaaliyeed Saado Cali Warsame oo ka mid ah fanaaniintii Waaberi ee jamhuuriyada Somaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ummadda Somaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid madaxweynihii hore ee Somaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyoodey dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Fanaanada Saada Cali Warsame ayaa marxuumka Alle u weydiisey in uu janadii geeyo ummadda Somaliyedna samir, imaan & bedel khayr qaba ka siiyo. Idaacada Daljir waxaa xarumaheeda kala duwan buux dhaafiyey tacsi ay dadka Somaliyeed ee wax ku oolka ahi gaarsiinayaan dhamaan ummadda Somaliyeed oo ay uga tacsiyeynayaan geeridii marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed. Diwaanka wararka Daljir Buuhoodle Audio http://www.radiodaljir.com/view.php?id=2582
  4. Gen. Morgan, Maslax Maxamed Siyaad, Maxamed Dheere, iyo siyaasiyiin kale oo ka tacsiyeey Geerida Alle ha u naxariiste C/laahi Yuusuf. Sun, 25 Mar 2012 02:43:26 -0400 am -04:00 -14400 Nairobi, Mar, 24 - Gen. Siciid Maxamed Xirsi Morgan, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cumar Xabeed ‘M. Dheere’ Xasan Daahir Maxamed ‘Afqurac’ iyo siyaasiyiin kale oo la soo xiriiray Radio Daljir Daljir ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaanba umadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii uu ka tagay marxuun C/aali Yuusuf Axmed. Siyaasiyiintaan oo kale jooga dalka iyo dibadda ayaa ayaa isku raacay in umadda Soomaliyeed ay weyday nin miisaan wayn ku lahaa dalka iyo dibadda. Maydka marxuunka ayaa lagu wadaa in barri laga dajiyo magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono, laguna qabanayo xaflad baroor diiq ah. Waxaana intaasi ka dib loo soo duulinayaa magaalada Galkacyo oo lagu aasi doono. Diiwaanka Wararka Radio Daljir
  5. Tacsi ku socota M.DFKMG ee hore 24 Mar 24, 2012 - 1:41:37 PM S alan Kadib, Anagoo ah reer Beeldaaje oo kala jooga dhamaan daafaha dunida waxan tacsi tiiraanyo leh usoo gudbinaynaa, dhamaan Ummada Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan anagoo ugu tacsiyaynayna geeridii naxdinta lahayd ee kutimid Madaxweynihii hore ee Somalia mudane Cabdullahi Yusuf ahmed Alla ha u raxmadee oo ku geeriyooday Abu dhabi- UAE. Waxan ilah uga baryaynaa naxariis iyo janatul fardowsa eheladii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan. Waxa diraya tacsidan 1-Beeldaaje Farah Beeldaaje Cabdullahi 2-Jamac Beldaje Cabdullahi 3-Habib Beldaje Cabdullahi 4-Mahad Beldaje abdullahi 5-Liban Beldaje abdullahi 6-Yasin Beldaje abdullahi 7-Mohamed Beldaje Cabdullahi 8-Mohamed Farah Cabdullahi 9-Mohamoud Beldaje Cabdullahi 10-Anod beldaje abdullahi 11-Jamilo Beldaje Cabdullahi 12-Deqo Beldaje Cabdullahi 13-Shamso Beldaje Cabdullahi iyo inkaloo badan.oon halkan lagu soo koobi karin. Jamac Hagi Cabdullahi Sharjah UAE
  6. Garoowe: Puntland oo Calanka Hoos loo dhigay 3 Maalmood oo Baroordiiq ah . 23 marts 2012 APL Garoowe: (APL ): Dolwadda Puntland ayaa Qabatay kulan Balaran oo Loogu Baroordiiqayo Geerida Allaha u Naxariistee Madaxweynihii Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo Ku Geeriyooday isbitaal ku yaal Magaaaladda Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta . Munaasabadda oo ka Dhacday Aqalka Madaxtooyadda Garoowe ayaa waxa kasoo qaybgalay Golayaasha Dowladda puntland ,Isimadda Dhaqanka ,Saraakiisha Ciidamadda iyo Waxgarad kale, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Goobta ka jeediyey Hadal kooban oo ku aadan Baroordiiqda iyo Tacsiyeynta Geerida ku Timi Madaxweynihii Hore ee soomaaliya. Madaxweynuhu waxaa uu u Tacsiyeyey Ummadda soomaaliyeed ,Puntland & Guud ahaan eheladii Marxuumka,waxaana uu ku dhawaaqay in Calanka Hoos loo Dhigo Mudo 3cisho ah ,iyadoo Madaxweynaha loo Samayndoono Aas qaran oo ka dhacaya Puntland wallow uusan Carabka ku dhufan Goobta Rasmiga ah ee lagaga aasidoono puntland Balse ay diyaargarow u galayaan sidii loo keeni lahaa Maydka Marxuumka . Madaxweyne Faroole waxaa uu Xusay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu ahaa Madaxweynihii ugu Horeyey puntland 1998 ,Amaanka ayuu ku guulaystay waxaana uu ka shaqeyey Arrimaha Horumarinta Deegaanaddan , Madaxweynuhu waxaa sidoo kale uu sheegay in uu Qaaday Xiligaa isbaarooyinkii Burburka la dhigtay wadooyinka isku xira Basaso ilaa Galkacyo, C/laahi Yuusuf waxaa uu ka shaaysiiyey Golayaasha Dowladdii ugu Horeysay puntland Maantana waxaan Harsanaynaa Raadkii iyo asaaskiisii Wanaagsanaa eek u dayashada Mudnaa, Dadka puntland waxa ay ku naloonayaan weeye Bilowgii in Maamulkani la Hirgeliyo . Dhanka kalana waxaa Tacsi taa lamida diray Salaadiinta puntland oo Munaasabadda kasoo qaybgalay.waxaana ay uga Tacsiyeyen ummadda soomaaliyeed Geeridda ku timi Madaxweynii Hore soomaaliya ,oo saa Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa salaanta Calanka Bixiyey Cutubyo ka tirsanaa Ciidamada amaanka ee puntland iyadoo Labada Calan ee Calankana Hoos loo dhigay. Aaska Madaxweynaha ayaa dhacaya sida la ay shaacisay dowladda Federalka oo gudi u magacowday Qabanqabadda aaska qaran oo munaasabad loogu dhigi doono Goroonka Muqdisho iyadoo lagu aasi doono Magaaladda Gaalkacyo Meel 40km u jirta sida ay sheegayaan warar hoose oo allpuntland soo gaaraya. ALLPUNTLAND
  7. Hargeysa:Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyeeyey Geeridii Naxdinta lahayd ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. 23. marts 2012 APL Hargeysa:(Allpuntland)-Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goordhawayd qoraal uu kasoo saaray Xafiiskiisa kasoo saaray Wuxuu tacsi tiiraanyo leh ugu diray dhamaan qaybaha kaladuwan ee Bulshada Soomaaliyeed geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane, Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo uu ku tilmaamay geeri naxdin leh. Mr.Siilaanyo Qoraalka uu xafiiskiisa kasoo saaray ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey Afhayeenkiisa Waxaana qoraalkaas lagu sheegey in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Ay mudo dheer saaxiibo ahaayeen ayna ka shaqeeyeen arimo badan iyadoona lagu sheegey Qoraalkaas in shacabka Reer Somaliland iyo dawladooduba ay geerida naxdinta leh la wadaagayaan qaybaha kale ee shucuubta Soomaaliyeed. Sidoo kalena Xubno kamid ah Maamulka Somaliland oo uu kamidyahay Wasiirka Howlaha Guud iyo gaadiidka Axmed Cabdi Xaabsade oo Wasiir mudo dheer u ahaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xiligii uu Madaxweynaha Puntland ahaa ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore Soomaaaliya. Xafiiska Wararka Allpuntland, Hargeysa.
  8. Siyaasi Awaare oo ka hadlay Aqoontii uu u lahaa AHN C/laahi Yuusuf + DHAGEYSO March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Cabdi Awaare Kana Mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeysay AHN C/laahi Yuusuf Axmed Aqoon dheerna u lahaa ayaan wax ka weydiinay Aqoontii uu u lahaa C/laahi Yuusuf isaga oo jooga Wadanka Jabuuti Cali Cabdi aware oo horey uga soo mid noqday Golihii wasiirada ee Xukuumadii Uu madaxweynaha ka ahaa AHN C/laahi yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in aqoonta uu u lahaa ay ahayd in uu ahaa nin Jecel Nabada Islamarkaasina ka shaqeyn jiray Horumarka iyo isku xirka Ismida iyo Cuqaasha Mr Awaare ayaa sheegay in intii ay siyaasada kuwada Jiree C/laahi yuusuf uu ku xusuusto inuu ahaa nin Dulqaad badan oo dhageysat Qof kasta oo uu la kulmo waxaa uu sheegay in hadi uu Marti geliyo 20 qof uu dhageysan jiray hadalkooda waxaana uu ahaa qof Xusuus badan oo Xifdiya Kalmadaha dadka uu la kulmayo Awaare oo DOwladii C/laahi Yuusuf ka soo noqday Wasiirka Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Islamarkaasna ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa Madaxweynaha intii uu ku jiray Siyaasada Audio http://allsbc.com/siyaasi-cali-cabdi-awaare-oo-ka-hadlay-aqoontii-uu-u-lahaa-ahn-claahi-yuusuf-axmed/
  9. Gen.Cadde Muuse: C/laahi Yusuf Nin halyeey qaran buu ahaa oo ka tegay Soomaali oo dhan March 25, 2012 // Warar Somaali Madaxweynihi hore Dowladda Puntland ayaa tacsi u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweynihi hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. Gen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa cod dheer ku sheegay in Marxuum C/laahi Yuusuf uu ahaa halyeey qaran oo ka tegay dadka Soomaaliyeed oo dhan. ‘’Allahu naxriisto C/laahi Yuusuf wuxuu ahaa nin taariikh dheer ku leh Soomaaliya,waana halyeey qaran oo ka tegay Soomaali oo dhan’’,ayuu yiri. Gen.Cadde Muuse ayaa soo dhoweeyay warka kasoo baxay Dowladda Federaalka in aas qaran loogu sameeyo gudaha dalka isla markaana meydka lasoo marsiiyo magaalada Muqdisho,iyadoo uu tilmaamay in uu istaahilo Madaxweynihi hore. Madaxweynihi hore ee Puntland ayaa wada shaqeyn dhow la lahaa Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed inkastoo mar ay isku dhaceen balse dhex dhexaadin kadib ay heshiyeen. Gen. Cade wuxuu kamid yahay wafdiga maalinimada berito ah gaari doona magaalada Gaalkacyo si uu uga qayb galo aaska Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum C/laahi Yusuf Axmed.
  10. A huge tribute page dedicated to the former president of somalia abdullahi yusuf with condolences sent from around the somali diaspora http://www.raxanreeb.com/2012/03/deg-deg-madaxweyne-cabdulaahi-yuusuf-oo-geeriyooday/
  11. Taariikh Nololeedkii AUN C/laahi Yuusuf Axmed oo Kooban (1934-2012) Comments (16) | Write Comment Muqdisho (RBC) Allah ha u naxariistee waxaa xalay [23-Marso 2012] isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka ku geeriyooday madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed o mudooyinba xannuunsanayey. Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa taariikh nololeedkii Marxuumka oo kooban laga soo bilaabo 1934-kii illaa 2012. - Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku dhashay Tuulada Birta ee u dhow magaalada Garoowe, 15-kii Disembar sanadkii 1934. - Cabdullaahi wuxuu ku biiraya ciidamadii Talyaaniga sanadkii 1950-kii xilligaasi oo uu wadanku ku jiray gumeysi wuxuuna halkaasi ku heley derejada xidigle ciidamada gumeysiga. - Markii la sameeyey dawladii ugu horeysay ee Soomaaliya wuxuu ka mid noqday ciidamadii militariga ee qaranka Soomaaliya. Wuxuuna ka mid noqday saraakiishii ka qeybqaadatay dagaaladii Soomaaliya iyo Ethiopia dhexmaray 1964-kii iyo 1977 dii halkaasoo dalacsiin uu ku muteystay. - C/laahi wuxuu ka mud noqday koox saraakiishii ciidamada oo ka hortimid xukunkii Maxamed Siyaad Barre, waxayna u baxsadeen Ethiopia, iyagoo Sanadkii 1978-kii aas aasay Jabhadii ugu horeysay ee mucaarad ah SSDF (Jabhadda Dimuqraadoga ee Badbaadinta Somaaliya). - C/laahi waxaa sanado ka dib xiray dawladii Ethiopia oo uu u xirnaa ku dhowaad 6 sano. Waxaana la soo siidaayey 1991-kii isagoo dib ugu laabtay deegaankiisa Puntland halkaasoo uu ka bilaabay olole siyaasadeed. - Horraantii 1990-meeyadii ayaa caafimaad loogu qaaday wadanka Ingiriiska, waxaana markii dambe qaliin lagu sameeyey looga bedelay beerkiisa kaasoo ay ku baxday lacag kor u dhaaeysay $100,000 doolar. C/laahi mar uu ka sheekeeyey wuxuu sheegay in beer 20-jir ah loo geliyey. Laakiin sanad kasta labo jeer ayuu tegi jiray dhakhtarkiisa gaarka ah. - Sanadkii 1998 wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Puntland ee lagu dhisay shirkii Garowe. - Sanadkii 2002 wuxuu dagaal la galay madaxweynihii ay baarlamaanka Puntland doorteen ee Jaamac Cali Jaamac isagoo markii dambana dadaal weyn u galay inuu la heshiiyo, wuxuuna xukunka ku wareejiyay Gen Cadde Muuse Xersi. - Sanadkii 2003 wuxuu ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyey shirkii Eldoret Kenya ee looga hadlayey talada siyaasada Soomaaliya. Waxaana 10-kii October 2004 Magaalada Nairobi loogu doortay madaxweynaha DFJKMG ah oo ahayd markii ugu horeysay oo nidaam federaal ah Soomaaliya loo sameeyo. - 18-kii September 2006 ayaa C/laahi Yuusuf uu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaa weerarkaasi ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro walaalkii C/salaam Yuusuf Axmed iyadoo ciidankiisu ay dileen lix ruux oo uu ku sheegay inay ahaayeen al Qaacida. Weerarkaasi waxaa lagu eedeeyey ururkii Maxkamadaha Islaamiga oo iyaguna iska beeniyey. - 29-kii Disembar 2008 markii khilaafaadyo waaweyn ay ka dhex abuurmeen C/laahi Yuusuf iyo dawladiisa raggii ugu sareeyey wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warqadii iscasilaada ka hor akhriyey baarlamaanka KMG oo joogay Baydhabo xilligaasi. - Tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu xukunka ka degey wuxuu ku noolaa magaalada Sanca ee wadanka Yemen halkaasoo magangelyo siyaasadeed uu ku siiyey ninka ay saaxiibka ahaayeen ee Cali Cabdalla Saalax. - C/laahi Yuusuf wuxuu dhowaan shaaciyey buug uu qoray oo lagu magacaabo “HALGAN IYO HAGARDAAMO” kaasoo uu kaga hadlay taariikh nololeedkiisa siyaasada iyo tii miyiga.
  12. Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Geerida Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Comments (9) | Write Comment Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay ka tacsiyeeyeen geerida ku timid alaha u naxariistee madaxweynihii hore ee wadanka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. Xildhibaan Maxamed maxamuud Guuleed Gacmo Dheere oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya isla markaana ka mid ah masuuliyiintii ay isku dhowaayeen xiligii uu madaxweynaha ahaa ayaa wuxuu sheegay in uu madaxweyne Yuusuf ahaa nin Karti badan isla markaana leh Taariiq anan la soo koobi Karin. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu tacsi udirayo dadka soomaaliyeed isla markaana uu kaga tacsiyaynayo geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Dhanka kale3 xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu ahaa nin karti badan isla markaana u horseeday in dowlada Soomaaliya ay soo sal dhigato xarunta madaxtooyada wadanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu ahaa nin jecel nabada iyo qaranimada isla markaana doonayay in uu arko Soomaaliya oo nabad ah isla markaana israacday. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku geeriyooday magaaladaDubaiee xarunta wadanka isku taga Imaaraadka Carab. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
  13. Muqdisho (RBC) Raysul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo aya waxaa uu manta tacsi tiiranyo leh u diray guud ahan Umada Somaliyeed gaar ahan qoyski uu kabaxay Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Mudane Cabdilahi Yusuf Axmed. Geeridu waa xaq ma dhinte waa Illaahay Waxaan Illaahay uga baryayaa janadii Fardowso in uu ka waraabiyo Umada Soomaaliyeed Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo iimaan Allaha kasiiyo Amin Amin Amin. Waxaa sido kale Tacsi taa la mid ah diraya inta badan Xubnihi Golaha Wasiirada ee Xukuumadii Tayo waxayna Illaahay uga baryayaan in uu janadii Fardowso ka warabiyo guud ahan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Alalah ka siiyo Amin Amin Amin. ————————————————————————– Xafiiska Warfaafinta ee R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo
  14. Madaxweynaha Yemen oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Posted by Pi on March 24th, 2012 Sana’a-Uemen(Pi) Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdu Rabuu Mansuur Haadi ayaa tacsi u diray dadka iyo dalka Soomaalida, geeridii ku timid madaxweynihii hore marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. War lagu daabacay wakaalada wararka Yemen ee Sabba ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdirabbi uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska madaxwaynihii hore. Cabdu Rabuu ayaa sheegay in uu C/laahi Yuusuf Axmed dadaal badan u galay siddii uu nabadeen lahaa dalka Soomaaliya. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku noolaa dalka Yemen, markii uu xilka ka dagay sanadkii 2008-dii, waxana uu ka daganaa guri ay siisay dowladda Yemen. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku dhintay da’da 77-jir, waxana uu madaxweyne soo noqday sanadkii 2004-tii ilaa 2008 Dhamaan dhinacyada Soomaalidia, ayaa tacsi ka diray geerida madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdulaahu Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku dhintay isbitaalka Sheekh Zeeyid ee Dubai.
  15. Madaxweyne Faroole iyo Qaar ka Mid ah Wasiiradiisa oo Saaka Gaaray Magaalada Gaalkacyo Comments (0) | Write Comment Garowe(RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo u badan wasiirada xukuumadiisa ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo si uu uga qeybgalo aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed. Wariyaasha Shabakada Raxanreeb ayaa soo sheegaya in madaxweyne Faroole saaka waaberigii uu gaaray Magaalada Gaalkacyo, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo laga dejiyo meydka marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan meydkiisa lagu hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa saaka abaare 7:50 ka soo degtay garoonka Muqdisho, waxaana saalada janaasada ku tukaday madaxda DKMG, danjirayaasha safaaradaha wadamada islaamka ee jooga Muqdisho iyo culimaa’udiin. Janaasada ka dib ayaa larajeynayaa in Guddiga xukuumadda KMG u saartay diyaarinta aaska marxuumka inay horey u sii raacaan diyaarada meydka sida oo ka degeysa garoonka Gaalkacyo. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
  16. This thread is going to be dedicated to the shocking and tragic death of Abdullahi Yusuf. I will be in Mourning for one Week and will talk nothing but about Abdullahi Yusuf, His history, legacy, victories and blood, sweat and tears!!!
  17. Madaxweyne Faroole iyo Qaar ka Mid ah Wasiiradiisa oo Saaka Gaaray Magaalada Gaalkacyo Comments (0) | Write Comment Garowe(RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo u badan wasiirada xukuumadiisa ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo si uu uga qeybgalo aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed. Wariyaasha Shabakada Raxanreeb ayaa soo sheegaya in madaxweyne Faroole saaka waaberigii uu gaaray Magaalada Gaalkacyo, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo laga dejiyo meydka marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan meydkiisa lagu hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa saaka abaare 7:50 ka soo degtay garoonka Muqdisho, waxaana saalada janaasada ku tukaday madaxda DKMG, danjirayaasha safaaradaha wadamada islaamka ee jooga Muqdisho iyo culimaa’udiin. Janaasada ka dib ayaa larajeynayaa in Guddiga xukuumadda KMG u saartay diyaarinta aaska marxuumka inay horey u sii raacaan diyaarada meydka sida oo ka degeysa garoonka Gaalkacyo. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
  18. Madaxweynaha Yemen oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Posted by Pi on March 24th, 2012 Sana’a-Uemen(Pi) Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdu Rabuu Mansuur Haadi ayaa tacsi u diray dadka iyo dalka Soomaalida, geeridii ku timid madaxweynihii hore marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. War lagu daabacay wakaalada wararka Yemen ee Sabba ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdirabbi uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska madaxwaynihii hore. Cabdu Rabuu ayaa sheegay in uu C/laahi Yuusuf Axmed dadaal badan u galay siddii uu nabadeen lahaa dalka Soomaaliya. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku noolaa dalka Yemen, markii uu xilka ka dagay sanadkii 2008-dii, waxana uu ka daganaa guri ay siisay dowladda Yemen. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku dhintay da’da 77-jir, waxana uu madaxweyne soo noqday sanadkii 2004-tii ilaa 2008 Dhamaan dhinacyada Soomaalidia, ayaa tacsi ka diray geerida madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdulaahu Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku dhintay isbitaalka Sheekh Zeeyid ee Dubai.
  19. Alla Abdullahi Geesi qaran buu ahaa, illahi ha uu naxaristo. Wallahi manta markan maqlay inu dhintay ilin baa iga timid, Manta ayaa loo yaaba beesha!!! It's a dark day for Puntland and for all it's citizens. Abdullahi will be remembered as the greatest leader of Puntland and its people In civil war Somalia. The man's accolade is equal to omar samatar!!! he has definitely gone into the hall of fame historical figures of beesha!!! He was not only a hero in puntland but in all of Somalia. Friends and Foes alike may have of liked or disliked the man but they all respected him. This is the sort of leader and citizen he was!!! Today is truly a sad day in all of Greater Somalia!!! It has touched me personally thats all I will say on the matter and I'll be meeting up with beesha at the cafe to discuss the way forward for the state and it;s people in this tragic moment when of it's own heros and sons has passed away a man with a mountain of legacy that is unmatched in Somalia
  20. Taariikhada Madaxweynihii Hore AHN C/laahi Yuusuf Axmed March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Warbaahinta SBC waxaa ay halkan idinkugu soo gudbin Doontaa Taariikh-da Madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday 04:05Daqiiqo Isbitaal ku yaala Magaalada Abu-adhbi kaasi oo lagu daweynayay Maalmihii ugu danbeeyay. Madaxweyne C/laahi Yuusuf eebe ha u naxariistee waxaa uu ku dhashay Magaalada Gaaalkacyo Sannadkii 1934-tii sida lagu daabacay Buugag Badan oo lagu qoray taariikhda Madaxweynaha. Eebe ha u naxariistee Madaxweynihii hore oo waxaa uu iska casilay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sannnadkii 2008-dii ka dib markii khilaafyo kala duwan ay soo kala dhexgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowlada KMG gaar ahaan raiisul wasaaryaashii Xukumadiisa. C/laahi Yuusuf Axmed Waxaa uu ahaa Siyaasi SOomaaliyeed oo intii uu siyaasada Soomaalida ku soo jiray ahaa Khabiir Dhanka Ciidamada ah waxaana uu tababaro kala duwann ku soo qaaday Dalalka Caalamka Sida: 1954-1956 waxaa Waxbarasho loogu Diray wadanka Talyanaiga 1957 waxaa loo mgacaabay Taliye ku xigeenka Booliska G/Banaadir 1960 Talyaaniga ayuu Waxbarsho Meleteri u tagay ka dibna waxaa uu noqday Taliyaha Booliiska Qebteeda fadhigeedu yahay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya 1964 Waxaa C/laahi Yuusuf loo dalacsiiyay Darajada Gashanle DHexe Waxaana uu u gudbay Maamulka Dhexe gaar ahaan Wasaarada gaadhaandhiga 1965-1966 Waxaa loo diray waxbarasho Militari Wadanka Ruushka 1968 Waxaa laga dhigay taliyaha Hogaanka Tababarka ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed 1969 Waxaa Markale lagu celiyay Gobolada Waqooyiga Soomaaaliya 1969 Xilli ku dhow Curashada Kacaanka waxaa loo Taxaabay Xabsi ka dib eedeyn ka timid Kacaankii Siyaad Barre waxaana uu xirnaa muddo 6 sanno ah 1975-1977 Markii Xabsiga laga siidayay waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka 1977 Dagaalkii Xoreynta Soomaaliy Galbeed waxa loo magacaabay inuu hogaamiyo Ciidamada Dagaalka waxana uu ka adkaaday Ciidamada Ethiopia waxaana Ciidankiisa ay Gaaareen Gobolka Nagaylle 1978-dii 1978- Waxaa dhacay Inqilaabkii Loo Yaqaanay ‘Inqilaabkii dhicisoobey’ waxana ka dib uu galay Ethiopia 1978-September waxaa uu C/laahi yuusuf uu aasaasay Mucaaradkii ugu horeeyay taariikhada dalka kaasi oo la oran jiray SSDF. 1985 C/laahi Yuusuf Axmed waxaa loo taxaabay Xabsi ku yaaala Ethoipia waxaana xiray maamulkii Mangiest Hayla Miriam waxaana uu xabsigaas ku jiray muddo 6 sanno oo kale ah. 1991 Markii uu dhacay Maamulkii Mingiste iyo kii soomaaliya waxaa uu C/laahi Yuusuf u soo dhaqaaqay Gobolada Waqooyi Bari Soomaaaliye ee Iminka Loo yaqaano Puntland waxaana uu aasaasay Maamul Goboleedka Puntland Sannadkii 1998-dii Waxaana uu Madaxweyne Puntland ka ahaa ilaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 2004-tii. 10.10.2004 waxa Kenya loogui soo doortay Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya taasi oo uu muddo ku taamayay inuu Qabto C/laahi Yuusuf. C/laahi Yuusuf Axmed intii uu xilka Hayay Soomaaliya waxaa uu wajahay Marxalado adag oo siyaasadeed waxaa uu ka badbaaday isku day dil oo qarax lagula beegsaday Baydhabo. 29.12.2008 Ayuu iska Casilay Xilka Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya ka dib markii uu Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka iyo Dowladaha gobolka. Wixii ka danbeeyay Iscasilaadiisa waxaa uu Eebe ha u naxariistee C/laahi Yuusuf ku noola wadanka Yemen oo uu ka helay Deganaasho rasmi ah oo uu siiyay Madaxweynihi Hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax. 23.12.2012 waxaa uu ku geeriyooday Wadanka Imaaraadka Carabta Halkaas oo uu u jogay Howlo CAafimaad sida ay sheegeen Eheladiisa Waxaana weli la qorsheyn halka lagu aasi dono Madaxweyne yuusuf. FG:Taariikhadan ayaa ah mid aan ka xiganay dad aqoon u leh iyo Buugag lagu qoray taariikha AHN C/laahi Yuusuf wixii ka qaldan waxaad naga sixi kartaa idinkoo noogu soo diraya emailka sbcsomalia@gmail.com tacsidana waxaan ku soo diri kartaa isla emailkaas. SBC International Monitoring Daalacatey :290
  21. C/laahi Yuusuf Axmed oo Ku Geeriyooday Imaaraadka March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Waxaa Saaka Xilligii salaada subax ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Wadanka Isku taga imaaraadka Carabta ka dib markii uu madaxweynaha uu maalmihii ugu danbeeyay uu ku xanuunsanay Wadankaas Qaar ka mid ah Eheladiisa ayaa Warbaahinta SBC u xaqiijiyay Geerida Madaxweynihii HOre C/laahi Yuusuf Axmed waxaana Weli aan la qorsheyn Goobta lagu aasayo Madaxweynaha Daalacatey :284
  22. DUBAI : M-wayne Cabdilaahi Yuusuf oo geeriyooday March 23, 2012 5:41 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Dubai:-M-waynihii Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta xalay goordambe ku geeriyooday Isbataal halkaasi ku yaal, kadib markii uu muddo xanunsanaa. M-waynaha geeriyooday, ayaa geeridiisa waxaa xaqiijiyay ehelediisa oo la joogay markii uu geeriyooday. Allaha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf ayaa muddooyinkii dambe ku noolaa dalka Yamen kadib markii uu iska casilay M-waynenimada dalka Soomaaliya kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Raysalwasaarihiisa. Hase ahaatee, arimo caafimaad ayaa Isbataal ku yaal magaalada Dubai loo geeyay halkaas oo lagu dawayanayay, ugu dambayntii ka hor Salaada subax ayuu geeriyooday. Puntlandpost.com
  23. Madaxweynaha Puntland oo soo afmeeray socdaalkii Karkaar kuna soo laabtay Garoowe Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Waxaa magaalada Garoowe maanta soo gaarey wefdi uu horkacyao madaxweyne Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole oo saacado kahor kasoo kicitimay degmada Rako oo ay beryihii u danbeeyey joogeen. Wefdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan xubo ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa soo afmeeray socdaal dhowr beri qaatay oo ay ku marayeen deegaano ka tirsan gobolka Karkaar. Waxayna degmada Rako kasoo tageen barqanimadii maanta iyagoo laamiga ka qabsaday meel dhinaca koonfurta ka xigta magaalada Qardho oo ay iyada Rako kahor mudo dhowr beri ah ku sugnaayeen. Madaxweynaha iyo wefdigiisu kahor intii aysan caasimadda gaarin waxay ku hakadeen degmada Dangorayo halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey iyo qaar kamid ah tuulooyinka u dhexeeya Garoowe iyo Qardho. Socdaalka uu Dr.Faroole ku tegey magaala madaxda gobolka Karkaar iyo deegaano kale oo gobolkaas ka tirsan oo ay kamid yihiin Xunbeys, Dhuudo, iyo Rako ayaa ahaa mid taariikhi ah. Wuxuuna madaxanaha Cabdiraxmaan noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland kaas oo socdaal shaqo oo mudo intaas le’eg qaatay ku taga deegaano ka baxsan dhulka laamiga ah iyo magaalooyinka waaweyn. Horseed Media