Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Where are you kingy and somalia development focused nutters!!! get in here and drop a comment
  2. No leader in somalia ever got this sort of national international burial. Abdullahi Yusuf is the biggest burial in Somali History. I doubt I will see anyone top this in Somalia anytime soon, infact looking back at the past the closest that comes to it is abdullahi ciise burial and he even didn't get this sort of international coverage and foreign delegations and heads of state sending condolences. Its obvious for anyone with a a little bit of intelligence that Abdullahi Yusuf was the most powerful leader in somalia and his burial is just evidence to it!!! A Somali Hero, A Soldier from cradle to the grave, a Man with a mountain of legacy or you might know him casually as YEY loved the nation and its people that he even died with debt when your leaders are living in mansions like abdiqasim salat $23 million dollar looting while he was president according to wikileak and geedi 1 million dollar pent house in nairobi. What sort of leader is this? don't expect they will be getting this sort of burial!!!
  3. Buuggi Tacsida Marxuum Yuusuf oo Safaarada New Delhi ay Furtay+Sawiro April 1, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Maalintii Jimcaha aheyd ee March 30, 2012, Safaaradda Somalida ee New Delhi, India ayaa soo gunaanadey boroordiiqdii loo sameeynayey Mudaxweynihii hore ee Somaliya, Mudane Marxuum Abdullahi Yusuf Ahmed. Baroordiiqdaas oo ay ka soo qayb galeen Safiiro badan oo fadhigoodu yahay New Delhi, saxiixayna buuggii tacsida iyagoo ka masuul ah Madaxweyneyaashooda, Dadkooda iyo Dalalkooda. Masuuliyiinta halkaa timid, iyo kuwii u soo direy qoraalka tacsida ah ee u badnaa masuuliyiin ka socota dawladda India iyo shacabkeedaba, waxay dhammaantood tacsi tiiraanyo leh u soo direen Ummadda Somaliyeed meel ay joogaanba iyo gaar ahaan qoyska reer Abdullahi Yusuf Ahmed. Waxayna ugu duceeyeen marxuumka in rabi Janaddii ka waraabiyo, danbigiisana dhaafo. Aamin. Ka safaarad ahaan, waxaanu leenahay mahadi ha idinka soo gaarto sidii qadarinta lahayd ee aad u soo ajiibteen baroordiiqda oo maanta ku ekeyd. Marxuum Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed allaha u naxariisto oo u nasteexeeyo, qabrigiisana nuur allaha saaro, janadiina hoy uga dhigo. Dhammaanteena samir iyo iimaan rabi naga siiyo. Ammiin. Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun. Mowlaanaa Ibabshir ibabshir@hotmail.com Daalacatey :949 Malaysian Deputy High Commissioner Algerian Ambassador Bangladesh Ambassador Bhutan Ambassador
  4. Madaxweynaha oo xariga ka jarey xarunta CID-da Puntland 3 Apr 3, 2012 - 2:16:21 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 3,April 2012 si rasmi ah xariga uga jarey dhismaha xarunta guud ee barista danbiyada Puntland magaalada Garowe oo gacan ka geysatey hayada UNDP. Kuxigeenka madaxweynaha Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiir kuxigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaacil ,taliye xigeenka booliska Puntland Col.Cabdulaahi Saalax Nadaaro ,taliyaha laanta baaritaanka danbiyada culus Puntland ,taliyaha ciidamada nabad sugida ,saraakiisha ciidamada booliska iyo taraafikada iyo weliba wakiilka UNDP Puntland Mr.Nick Presford ayaa goob joog ka ahaa furitaankii xarunta maanta. Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiintii wehelisey waxay kormeereen xafiisyada kala duwan ee xarunta danbi baarista Puntland oo ay qalabeysey UNDP sidoo kalena si rasmi ah ula wareegeen furayaasha saddex gawaari ah oo loogu talo galay xarunta inay ku shaqeyso. Koox ciidamada taraafikada ah oo tababar uga socdey xarunta saldhiga booliska Garowe ayuu madaxweynuhu sidoo kale soo kormeerey oo ka wareystey xaaladooda iyo heerka ay marayaan saraakiisha gacanta ku haysa xaruntaasi oo bixineysa tababarka. Dhinaca kale waxa tababar uga socdey isla xarunta saraakiil iyo ciidamo ka tirsan laanta baaritaanka danbiyada culus oo ka kala yimid dhamaan deeganada Puntland waxana madaxweynaha uga xog warameen qaabka ay wax u barteen iyo sida laga doonayo inay u hawgalaan kadib markii uu udhamaado koorasku. Saldhiga Garowe iyo taliska booliska ayuu sidoo kale booqdey kana dhageystey warbixinadii ugu danbeeyey wasiir xigeenka amniga iyo taliye xigeenka booliska Puntland ,waxana ahayd booqashadan mid dhiiri gelisey saraakiisha iyo ciidamada ku hawlan adkeynta xasiloonida iyo nabad-gelyada Puntland. Halkan ka daawo sawirada furitaanka xarunta & kormeerka madaxweynaha
  5. Excellent news Turkey, The development office will be a great addition to the state and more development offices need to open up to progress this nation
  6. Dawladda Turkiga oo ku Dhawaaqday in ay Xafiis ka Furanayso Puntland Garoowe [RBC Radio] Dawladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Puntland dhawaan ka furanayso Xafiis ka shaqeyn doona dhanka Horumarinta kaas oo ay ka faa’iadysan doonaan Shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Dawladda Turkiga ee u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Cemalettin Kani Torun oo maanta markii ugu horeysay yimid Puntland gaar ahaana magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay xili uu Saxaafadda kula hadlaayey aqalka Madaxtooyada Puntland in ay Xafiis ka furanayaan Puntland kaas oo ka shaqeyn doona hawlaha dhinaca horumarinta. Ambassador Cemalettin Kani Torun ayaa sheegay in Xafiiska ay ka furan doonaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyadoona ay ka hawlgeli doonaan dhamaanba hay’adaha Turkiga kuwaas oo caawin doona Iskuulada,Isbitaalada,mashruucyo biyo gelin ah ee kuyaala deegaanada Puntland oo idil. Waxa uu xusay in aysan hay’adaha caalamiga ah soo marsiin doonin kaalmada ay ugu talagaleen Puntland ama wakiil ka dhigan doonin taas badalkeedana ay hawsha horumarinta iyagu qaban doonaan. .….”””” Maanta waxaan Jeclaan lahaa in aan ku dhawaaqo in Dowladda Turkiga Xafiis horumarineed ka furan doonto magaalada Garoowe,Xafiiskaan waxaa ka shaqeyn doona dhamaan Hay’adaha oo caawin doona Isbitaalada,Iskuulada iyo Biyaha.Si toos ayaan halkan uga shaqeyn doonaan si toos ah ayaan caawimaad usoo gudbin doona,Hay’ad caalami ah masoo marsiin doono kaalmadeena…”””ayuu yiri. Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole iyo Ambassador Cemalettin Kani Torun ayaa kulan ay ku yeesheen Garoowe waxa ay kawada hadleen arrimaha dhanka horumarinta sida Siyaasada iyo mashaariic horumarineed oo Turkigu laga filayo in uu ka sameeyo deegaanada Puntland. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso 1 Response for “Dawladd
  7. Burtinle : Degmadda Buurtinle oo Laga dhagaxdhigayo Dhismaha 600 oo Guri . 02 April 2012 APL Buurtinle (APL ) : Degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa laga dhagax dhigayaa dhismaha 600 oo Guri ay dhisayso wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Horu marinta Reer Guuraaga oo kaashanaysa Hay,adda World vission(WV). Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ay Xubno ka yihiin Wasaaradda arrimaha Gudaha &Hay,adda World vission ayaa u kici timay degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal,waxaana halkaas ay ka dhagaxdhigayaan Goobta laga Bilabayo Guryahan oo laga dhisi doono Xarumaha Barakacayaashu kaga noolyihiin magaalada. Xoghayihii Hore ee Golaha Deegaanka Degmadda Burtinle iminkana ka tirsan Xildhibanada golaha deegaanka Xaafid C/risaa Axmed ayaa allpuntland u xaqiijiyey dhismahaan iyo sida looga hirgalinayo degmada buurtinle. Xildhibaanka ayaa sheegay in masuuliyiintu ay kormeerayaan kaamamka ay ku noolyihiin dadka soo barakacay iyo kuwa xooluhu dhafeen ee kasoo xarooday dhulka Miyiga ah. Iidi Abukar Mahdi waa gudoomiyaha Barakacayaasha Degmadda Buurtinle waxaa uu isna sheegay in dhulka maanta la dhagaxdhigayo ay Bixiyeen shakhsiyaad ka tirsan dadka degmada kuwasoo ku wareejiyey Maamulka oo iyan u dooray in ay ka hirgaliyaan dhismaha guryaha dadka Danyarta ah ee soomaaliyeed. Gudoomiye Iidi waxaa uu sidoo kale xusay in guryaha laga kala dhisayo 3da kaam ee kala ah. 1. Kaamka kalkaal 1 oo laga dhisayo 180 Guri 2. Kaamka Kalkaan 2 waxaa ay yeelandoontaa 220 Guri 3. Kaamka Ladan waxaa laga hirgalin dhismaha 199 Guri. Dadka barakacayaasha iyo Danyarta kale isugu jira ee ku nool 3da Kaamamka ee laga dhisayo Guryahan ee Degmadda Buurtinle ayaa Dhan 1512 Qoys iyadoo ay jirto Tiro kale oo Barakacayaal ahi. Saalim Allpuntland.com saalim.org@gmail.com
  8. Good job ports minister, good to see bosaso is taking some of garowe initiatives to equip its roads with CCTV which has definitely helped the city manage its security alot more efficiently and effectively
  9. Dekada Magalada Bosaaso oo horumar ballaaran laga sameeyay Madaxda Wasaarada Dekadaha iyo gadiidka bada Puntland ayaa shaaca ka qaaday Dekada magalada Bosaaso in lagu soo kordhiyay qalab casri ah oo dhanka amaanka iyo arimaha kale ee ka socda dekada ka qayb qaadanaya. Wasiirka Dedakaha iyo gadiidka bada Dowlada Puntland Eng.Siciid Maxamad Raage oo saxaafada ugu waramayay magalada Bosaaso ayaa sheegay howlaha baaxada leh ee ka socda dekada magalada Bosaaso inuu yahay mid lagu doonayo sidii kor loogu qaadi lahaa bilicsamadi dekada iyo waliba balaarinta,wuxuna intaasi ku daray qalabka casriga ah ee la keenay dekada inuu yahay mid wax badan ka tari doona howlaha ka socda xarunta dhaqalaha Puntland. Qalabka Casriga ah ee la keenay dekada magalada bosaaso ayaa waxa uu yahay mid si toos ah ula soconaya amaanka iyo dhaq dhaqaaqa gudaha dekada waxaana qalabkaasi la yiraahdaa CCTV , sida uu sheegay wasiirka dekadaha ee Puntland. Dhinaca kale Wasiirka Bada Puntland waxa uu sheegay mashruucaani ka qayb qaadanaya horumarka dekada bosaso inuu yahay mid kasoo baxay Dowlada Jaban basle Puntland ay soo gaarsiisay Hay'ada WFP. Ugu danbayntii Wasiirka bada Waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magalada Bosaaso in looga baahan yahay ka qayb qaadashada bilic kusoo celinta dekada ugu wayn Puntland ee Bosaaso . Cali Cabdicasiis Ducale Dunidaonline-Garoowe
  10. faarah22;812893 wrote: Good observation rudy. there is no jobs for these graduates and will not be in the near term unfortunately. it's not real education they are getting but arabic, islamic iyo wax lamid ah. so what do you expect? Garbage, puntland curiculum has been harmonized and recognised by kenya, sudan and ethiopia as good enough to enter their universities!!! Employment will exist with oil drilling underway!!!
  11. The only state in somalia with a functioning and effective road network and systems!!! While your regions is chaotic road systems and bumpy all the way, our road systems are rehabilitated everyday with an effective road laws and people licensed and traffic signs all over the state with traffic systems next!!! You gotta admit you falled behind somalis
  12. Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey Updated:- 3 mins ago| 0 Commnets Wefdi uu horkacayo safiirka Turkgia ee Soomaaliya ayaa goor dhow kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Dr. Kani Torun iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran usoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tisan dowladda iyo dadweyne aad u tira badan. Waxayna saacadaha soo socda kulan kula qaadan doonaan xarunta madaxtooyada mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Waa markii ugu horeysey ee uu safiirka Turkiga ee Sooomaaliya magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland soo gaaro. Booqashadiisa ayaana kusoo beegmeysa xilli dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda horumarinta dalkaas u qaabilsani ay Puntland yimaadeen. Safarka Dr. Kani Torun ayaa loo badinayaa inuu dhabaha u xaarayo booqasho la filayo in bilaha soo socda uu Puntland ku yimaado Ra’iisul wasaaraha Turkiga Rajep Tayyib Erdogan. Faah faahin ku saabsan kulanka safiirka Turkiga iyo madaxweynaha Puntland iyo sawiradaba Horseed Media way idiin soo gubin doontaa. Horseed Media
  13. Good to see the general in mogadishu sorting out this parliamentary disaster that started back in december. Cade Muse Among The Puntland Envoy
  14. Mooge Your galmudug Or your somaliland Both are outbeat by even puntland local governments let alone our big state institutions One of our ministries Even our city councils are like this
  15. Boosaaso: Xaflad Qalin-Jebin ah oo Ka Dhacday Dugsiga Sare ee Minaaratul-Baydaa [sawiro] Updated:- 17 hours ago| 2 Commnets Munaasabad qalin jebin ah ayaa shalay ka dhacday dugsiga sare ee Minaaratul-Baydaa oo kamid ah dugsiyada sare ee ka jira deegaanada Puntland. Xafladdan ayaa ahayd mid ay dhigteen dufcadii 6-aad ee arday ah ee dugsigaas ka baxda, waxayna ardayda qalin jebiyey ka koobnaayeen 36-wiil iyo 5-gabdhood. Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb galay waalidiin, Isimo, aqoonyahan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada ee gobolka. Ugu horeyn waxaa madashaas ka hadlay C/salaan Amiin Ciise oo ah maamulaha dugsiga Minaaratul-Baydaa, wuxuuna ka warbixiyey heerarkii waxbrasho ee uu dugsigu soo maray islamarkaana la dardaarmay ardayda qalin jebisey. C/salaan Amiin Ciise oo isaguna kamid ah macalimiinta dugsigaas wax ka dhiga ayaa sheegay inay farxad u tahay inay arkaan ardaydii ay mudada wax soo barayeen oo waxbarashada dugsiga sare dhamaystay. Caasho Yaasiin Cartan oo ahayd hooyo ku hadlaysey magaca waalidiinta ayaa ku dheeraatay qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyadoo mahad balaaran usoo jeedisey maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Minaaratul-Baydaa. Cabdiqaadir Siciid Cali (Shiino) oo ah gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Bariga Africa oo kamid ahaa marti sharaftii xafladaas lagu casumey ayaa hanbalyo u diray ardaydan kuna booriyey inaysan ka harin waxbarashada oo ay sii wadaan si ay dadka iyo dalka horumar ugu horseedaan. Xafladan ayaa ahayd mid u dhacday sidii loogu tala galay, waxayna kusoo beegmeysaa xilli mudooyinkii u danbeeyey magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ay ka dhacayeen xaflado noocan oo kale ah oo loo dhigayey ardayda ka baxaya fasalka 4-aad ee dugsiga sare. Horseed Media
  16. Could become a force to reckon with. Check out the applauses from 7:00 mark
  17. Driving licence mandatory for vehicle operators in Puntland Published On: Saturday, March, 31 2012 - 22:39:30 This post has been viewed 31 times Individuals trying to operate vehicles on a public roadway in Puntland need to have a driving licence as from tomorrow following the launching of the document in Garowe today. The decision was made in order to regulate the transport industry and curb road accidents in Puntland, according to public works and Transport minister, Dahir Hajji Khalif. Speaking at a ceremony to officiate the use of the document in Puntland, Khalif said driving licence will be mandatory for all people trying to drive cars as from tomorrow. He said the move is aimed to bring sanity back into the industry and further enhance road safety in Puntland. He added that all applicants will have to undergo trainings and sit for a test before getting this vital document, saying that only those who pass the driving test will have the opportunity sit behind a steering wheel. This is the first legal document to be introduced in Puntland since 1998 when it was declared autonomous.
  18. Farole wa niin waalan, he wants everything to happen when he says so even though the timetable for parliament was 8 months. It was supposed to open August this year. So when he gave these orders mubarak construction came up with an idea to have temporary roofing for them to sign on and they will finish the grounding for parliament. It answers farole demands of signing the constitution, while still allowing for him to say their is still work continuing on the parliament and it will be officially opened at a later time
  19. Somalia its temporary roofing but not for rainy seasons, I don't know who told you that but what my dad told me is its for when the signing of the constitution happens because the full parliament design and internal equipments can't be completed by then!!! Farole will wlc all delegates to this historic day and run through some pre-written spew and then say its historic day we are signing our constitution at parliament square and then he will say weli wax badan ayaa ka harsan dhismaha iyo dhamaystirkiisa and continue onto the agenda item ratifying the puntland constitution
  20. EU says puntland is a country at 3:30-3:32 mark http://puntlandi.com/?p=30085
  21. A huge new reform unseen in somalia since the last effective govt of somalia siyad barre. This huge new reform for roads begins in Puntland. I advice all the locals to go get their driver licenses, and I suggest all the diaspora and tourists to register their international driver licenses with the roads authority. I also suggest to drivers across the regions, don't bother driving with puntland unless you register also. The road system here has order