Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Puntland is charging forward telling everyone to get out of its way Mogadishu Reaction Somaliland Reaction
  2. Eyl : Soo dhaweynta Radio Garowe 7 Apr 7, 2012 - 7:34:56 AM GAROWE ONLINE Maamulka idaacada Radio Garowe ayaa dhowaanahan ku hawlanaa sidii degmada Eyl ee gobolka Nugaal looga hirgelin lahaa abid markii ugu horeysey idaacad FM ah magaalo xebeedkan. Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac ayaa ka warbixyey tijaabadii ugu horaysay ee Idaacadda Radio Garowe ay ka samaysay degmada Eyl,wuxuuna sheegay inay tahay mid lagu guulaysatay si faseexana looga wada dhagaysatay degmdaas iyo degaanada ku xeeran oo dhan. Bulshada ku dhaqan degmada Eyl ayuu sheegay inay aad u soo dhaweyeen idaaacadda,waxaa kele ay dadweynaha degmadaasi ay idaacdda ugu riyaaqeen maanta markay hawada gashay dhagasyiga idaacadaha caalamiga ah ee afka-Somaliga ku hadla sida BBC-da iyo VOA-da oo dhagaysigoodu u ku adkaa markay ka raadinayaan mawjadaha gaagaaban SW,tasooo hadda ay kaga baxeen FM-ta Radio Garowe. Halkan ka dhagayso waraysiga Axmed Cawil oo Eyl jooga uu la yeeshay Irbad http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Eyl_oo_laga_soo_dhaweyey_Radio_Garowe.shtml
  3. Eyl: Radio Garowe oo laga dhagaystey 7 Apr 7, 2012 - 2:35:01 AM GAROWE ONLINE Dadweynaha ku nool degmada taariikhiga ah ee Eyl ayaa soo dhaweeyey Idaacad FM oo Radio Garowe ay ka hirgelisay halkaasi iyadoo saaka 7,April ,2012 laga dhagaystay idaacadda,waana markii ugu horaysay idaacad FM ay gaadho magaalo xeebeedkan ka tirsan Gobolka Nugaal. Maamulka Degmada iyo kan golaha deegaanka oo la hadlay Radio Garoowe ayaa tilmaamay in talaabadan ay qaaday Radio Garoowe ay tahay mid farxad gelisay qofka kasta ku nool degmada Eyl,waxay u mahad naqeen Idaacadda Garowe oo garatay baahida bulahdaaas marka la eego dhanka war helka wacyigelinta iyo madadaaladda. Idaacadda Radio Garowe ayaa iyadoo adeegsanaysa qalab casriaya iyo isgaadhsiinta waxaa u suurtawday inay idaacadda garoowe gaadho degmada eyl,waxaana idaacdda u qorshaysan inay la gaarsiiyoo deegaano kele oo ka tirsan Puntland. Halkan ka dhagayso warysiyo uu Axmed Cawil Eyl ku sugan qaadey http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Eyl_Radio_Garowe_oo_la_dhagaystey.shtml
  4. Xarun cafimaad oo Jariiban laga Furay 7 Apr 7, 2012 - 7:23:22 AM GAROWE ONLINE Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa maanta 7,April,2012,waxaa laga furay xarun caafimaad oo qaabilsan qaaxada,waxaana xarunatan hirgelisay wasaaradda caafimaada dawladda Puntland oo kaashanaysa barnaamijka UNICEF wado ee Global Fun. Xaflad balaaran oo xadhiga lagaga jarayey xarunatan ayaa ka dhacaday degmada Jariiban, waxaana ka qayb-galay wasiirka caafimaadka Dr,Cali Cabdullahi Warsame,masuulyiin kele oo ka tirsan isla wasaaradda & bahada caafimaadka,maamulka Jariiban,cuqaasha,culimada,iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi oo halkaasi ka jeediyey hadal dheer ayaa ugu horayn degmada dadka ku nool ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen dhanka amaanka iyo waxwada qabsiga,isagoo xusay in xarunta maanta laga hirgeliyey ay tahay tii 8-aad ee Puntland laga furay. Wasiirka ayaa sidoo kele halkaasi ka magacaabay guddiyo ka shaqaynaya arimaha caafimaadka,sida isku duwe iyo masuliyiin xaruntan maamulidoona,waxuuna bulshada degmada jariiban ugu baaqay inay la shaqeeyaan. Xubnihii kele ee xafladan ka qayb-galay oo ay ka dhexmuuqdeen duqayda iyo waxgaradka degmadaasi ayaa soo dhaweeyey xaruntan cusub oo ay ku tilmaameen mid aad loogu baahnaa madaama ay taabanayso caafimaadka iyo xanuunka TB-da oo farakulul ku haya bulshada taasoo lagula tacaalayo. Halkan ka dhageyso dhaman codadkii munaasabada Jariiban ka dhacdey http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Xarun_cafimaad_oo_Jariiban_laga_Furay.shtml
  5. Xarun TB oo Eyl laga furey 8 Apr 8, 2012 - 9:01:04 AM GAROWE ONLINE Munaasibadda xariga lagaga jaray xarunta caafimaad ee daweyntoonta dadka qaba xanuunka xaaqada ama TBDa Waxa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka pl Dr. Cali C,laahi warsame iyo wafdiga uu horkacayay oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiil ka socota Hey'adda dhistay Xaruntan Caafimaad ee Muslim Aid,Maamulka Degmada Eyl iyo qeybaha Bulshada ee ku dhaqan ee deegaanka. Hadalada Xafladda laga jeediyay waxey ahaan kuwa dhamaantood ku qotomay baahida Caafimaad ee ka jirta Degmada eyl iyo deeganada Hoostaga iyo ahmiyadda ay deegaanka u leedahay xarunta TBda ee la furay. Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Feysal Khaliif Waceys oo munaasibadda ka hadlay waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa siiyay warbixin ku aadan xaaladda Caafimaad ee deegaanka iyo Xaruntan xariga laga jaray Baahida ay dadku u qabeen iyo baahida caafimaad ee kale ee ay dadku qabaan Madaxa TB wasaaradda Caafimaadka pl Dr,Cali Xasan oo qabiir ku ah TB oo isna munaasabadda ka hadlay waxa uu dadka deegaanka siiyay talooyin ku saabsan waxyeelada qofka uu u geysto cudurka TBgu hadii la qariyo iyo awooda ay xarunta u yeelandoonto daweynta dadka qaba xanuunka TBda Xuseen Axmad Saacuud waa sarkaal ka tirsan Hey'da Muslim Eyd ee Dhistay Xarunta TBDa Degmada Eyl Hadaladii uu munaasabadda ka jeediyay waxa uu kaga hadlay Doorka ay hey'adu ka qaadatay kor u qaadida caafimaadka iyo waxbarashada oo ay si gaara ugu howlantahay iyo Xarumaha TBda lagu daweeyo ee ay hey'adu ka hirgalisay Soomaalia Xubno ku hadlay afka Bulshada Deegaanka oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay dareenkooga ku aadan waxey latahay iney deegaanka ku soo kordhineyso Xarunta TBDA lagu daweeyo oo si bulaasha Dawooyin Cudurkan ciribtira u siin doonta dadka ku dhaqan Deyl Eyl iyo Deegaanada Hoostaga Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr, Cali C,laahi warsame oo ugu Dambeyn munaasabadda Soo xiray waxa uu sheegay in wasaaradda Caafimaadku aysan awood u laheyn iney xaliso Baahiyo Badan oo dhanka caafimaadka ah oo ka jira Deegaanada pl,hasa yeeshee inta karoomkooga ah ay ay qaadayaan talaabo wax ku oola ayna ku talajiraan hadii alla idmo in eyl ay ka furaan Xarumo kale oo Caafimaad maadaama ay deegaanka ka jiraan Xanuuno kale oo qudhoodu u baahan in loo helo Dayo iyo Howlwadeeno Dhinaca kale Radio Garowe oo maalintii 3aad uu Studio uu ka furty Degmada Eyl ayaa lagu soo hadal qaaday munaasabadda waxana dhamaan Xubnihii Goobta ka hadlay ay sheegeen in Dadku markii ay ka dhega la'aayeen waxa ka dhacaya Mandiqadda kale ee PL Balse u sahlanaaneyso iyagoo deegaankooga jooga in baahidooda u soon gudbiyaan Dowlada Dhexe lana socdaan wadciga iyo marxaladaha jira ee isbedela Halkaan ka dhagayso warbixin uu ka diyaariyay xuseen shine xaflada http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Xarun_TB_oo_Eyl_laga_furey.shtml
  6. Beer laga samaynayo meel u dhaxaysa Xarumaha Dawlada Hoose iyo gobolka Nugaal Beer qurxoon oo la beeray GAROOWE : Beer laga sameeyay meel u dhaxaysa Xarumaha Degmada iyo Gobolka Nugaal ee Garoowe April 8, 2012 3:10 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Garoowe:-Beer qurux badan oo u muuqata in si wanaagsan oo degdeg ah u baxayso ayaa laga beeray meel u dhaxeysa xarumaha Degmada iyo gobolka Nugaal ee Garoowe, taas oo la doonayo in ay bilic ku soo kordhiso magaalada. Duqa Degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur ayaa Puntlandpost u sheegay in ay in beertan mustaqbalka ay noqon doonto meel baakin iyo dhalinyarada ku kulmaan, balse iminka laga shaqaynayo xanaanadeeda iyo sidi ay u ahaan mid hana qaada. Beertan, ayaa waxaa waxaa hirgashay Degmada waxaana maalashay hay’ado ajnabi ah ee ka hawlga Puntland. Beertan, ayaa haddii ay baxdo waxa ay noqon doontaa mid caan ah oo magac loo baxsho, waxayna dib dadka qaarkiis u xasuusin doontaa baar Durdur iyo Maqaayadii New York ee ku taalay Barxadda Garoowe. Puntlandpost.com
  7. Farole will deal with this issue on the strongest of terms to send a message to rogue administration without puntland approval any discussions is null and void. by default How somaliland lobby will challenge the article that clearly addresses Somalia territorial unity in the constitution which has been agreed upon by domestic and international stakeholders will be interesting indeed!!! sheekoy ku nacay miyaa siilanyo another nice lie to his ppl
  8. Xaji Puntland wa dawlad wa qaran it doesnt need to prove it just like america doesnt need to prove it
  9. It will be called TVGA somaliyeed ee Puntland ama Puntland TV for short amd Radio Puntland. Like American Broadcasting Corporation.
  10. I am not sure if this a good idea!!! A democratic state is what Puntland is aiming to becoming which means a free media from government control. Isn't it counter-productive for our democratic ambitions to have a State TV and Radio with government influence? I think it's a terrible move. I like the way the state is now with free media and the govt should speak to those media. It may regulate the media to make sure it is fair, honest and balanced but a STATE TV and Radio is un-necessary!!! Media Regulation is a much better alternative and setting a standard which currently lacks in Puntland media
  11. Puntland Oo Shaacisey Inay Hirgelineyso TV iyo Idaacad Balaaran Oo Afkeeda Ku Hadla Updated:- 1 min ago| 1 Commnets Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay hirgelineyso warbaahin balaaran oo ku hadasha afka dowladda. Warbaahintaas oo ka koobnaan doonta Idaacad ku baahda hirarka Short Wave iyo FM-ka iyo TV ayaa fadhigeedu uu noqon doonaa magaalada madaxda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxmed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in howsha warbaahintaasi ay tahay mid socota waxa keliya ee hadda u dhimanina uu yahay in la dhiso goobtii ay ku shaqeyn lahayd. Dr. Faroole ayaa xusay in sababta ay xiligan dowladda Puntland u garatay inay samaysato warbaahin balaaran oo afkeeda ku hadashaa ay tahay si loo kordhiyo xiriirka dowladda iyo bulshada isagoo ku tilmaamay inta badan warbaahinta maxalliga ah mid aan wanaagga sheegin xumaantana buun buunisa. Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa horay uga jirtey Idaacad ku hadasha afka dowladda Puntland inkasta oo ay tahay mid aysan baahinteedu dhaafin qaar kamid ah degmooyinka gobolka Nugaal. Arintan ayaana ah mid laga dheehan karo sida ay xukuumadda hadda jirta ee Puntland oo horay loogu dhaliili jirey inaysan Saxaafadda tixgelin balaaran siin ay u garowsatay qiimaha ay warbaahintu u leedahya horumarka iyo xiriirka madaxda iyo bulshada. Horseed Media
  12. Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Puntland Xasan Daahir Afqurac oo Weeraray Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole Comments (3) | Write Comment Nairobi [RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland Xasan Daahir Afqurac oo ku sugan hadda dalka Kenya gaar ahaana magaalada Nairobi ayaa si weyn u dhaliilay Xukuumadda hadda jirta ee u Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole isla markaana ku sheegay mid aan waxqabad la imaan mudadii ay talada Shacabka haysay. Md. Xasan Daahir Afqurac ayaa sheegay in Puntland hadda looga dhawaaqay Maamul Goboleedyo taasina ay ku timid buu yiri ka dib markii ay ka gaabisay Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole wax u qabashada bulshada ku dhaqan deegaamadaas isla markaana waxa uu ku faanay in wakhtigii ay talada Xafiiska joogeen ee Xukuumadii Cadde Muuse goboladu ahaayeen 8-gobol balse tani ay muujinayso kala daadsanaan ku timid Dawladda hadda jirta. .…””’ Haa anagu dalka markii aan Joognay 8-gobol ay ahayd Puntland hadda waa taas goboladii Maamulo samaystay weliba kala daadsanaan badan ayaa soo Korortay, mahayno wax hadda siyaado ah oo ay soo kordhisay Xukuumadda hadda jirta….””ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu uu sheegay in mudadii ay talada dalka hayeen laga qabsaday oo kaliya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool isla markaana uu qorshuhu ahaa in ay dib u Xoreeyaan balse ay kusoo gashay Doorashadii Puntland taasina ay ka baqeen haddii xiligaas ay dagaal galaana loo fasirto dano gaar ah in ay ka lahaayeen. ….””’Intii aan Joognay waxaa la qabsaday magaalada Laascaanood laakiin aanu u diyaar garownay in aan soo xoreyno balse doorashadii ayaa nagu soo gashay,waxaan is niri haddii aad gashaan dagaal oo doorashadu 8-bilood ka harsan tahay armaa la moodaa in Ujeedo kale wataan taas ayaan u daynay…”””ayuu sidoo kale yiri. Mar uu ka hadlay Madaxweyne Kuxigeenu Xukuumaddii uu ka tirsanaa hawshii iyo horumarkii ay ka qabatay Puntland ayaa isaga oo difaacaya waxa uu tilmaamay in hawlo badan qabteen kuwan ay u harsanaayeen kana mid yihiin dhisiada Garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo Maxjarka Xoolaha lagu baaro inta laga rarin dekedda weyn ee Boosaaso. Nabad-gelyada. Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland Xasan Daahir Afqurac oo sidoo kale ka hadlay dhanka nabadgelydda hadda ka jirta Puntland ayaa xusay in aysan ahayn mid caga fiican ku taagan loona baahanyahay in wax laga qabto,wuxuuna si faan ku jiro uga dhawaajiyey xiligii uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahaa in marka uu u kala Safraro magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso u ka xaysan Jiray laba gaari oo mid Tikniko qori saaran yahay ahaa taasina ay cadayneyso nabadgelyadii wakhtigaas ka jirtay Puntland. Gabagabadii ayaa Xasan Daahir Afqurac waxa kaliya ee u ku amaanay Xukuumadda hadda jirta ee u hoggaamiyo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ay tahay bixinta Mushaaraadka xiligii ay joogeena ay laba bilood daahi jirtay lacagta balse la heli jiray Mushaaraadka oo ay dawladdu bixin jirtay. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso.
  13. Farole where are you!!! waxan oo kale looma dhul qadan karo siilanyo just did a huge disrespect to farole and ignored his demands
  14. wuu wuu iga dheh!!! king driving too Bosaso
  15. I think everyone by now should know that Puntland is developing and it's developing rapidly across various sectors. The question is do you support this development or do you see it as a threat? From my analysis so far I have seen that generally people fall into the below categories regarding puntland development; 1. This category genuinely support Puntland Development and it may be because they are from there or even not from there but still are happy that some somalis are making it which is better then no somali making it. 2. Ths category of people will say they support Puntland Development but deep down are very disturbed by it because it leaves their clans behind. 3. This category of people is a group who are dead-set against Puntland Development and have alot of hate for the region and don't want to see anything good come from it. So which group do you classify yourself in in regards to puntland development and be honest with yourself, there is no need to have two faces normal people only have one!!!
  16. king I love how garowe does town planning!!!! I love the chaotic manhattan nature of Bosaso and I love the wild wild west side of galkayo, I love the history and Soul of Sool and Sanaag. My Puntland God bless you!!!
  17. Dawlada Hoose oo waddooyin cusub furtay GAROOWE : Waddooyin cusub oo la bilaabay April 8, 2012 10:59 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Garoowe:-Dawladda Hoose ee Garoowe ayaa bilowday Waddooin cusub kuwaas oo qayb-wayn ka qaadanaya bilicda magaalada, waxayna waddooyinkan isugujiraan kuwo Jay la dhigayo iyo kuw Town Plan-ka ka mid ah. Duqa Degmada Hoose ee Garoowe ayaa Puntlandpost u sheegay in ay waddooyinkan isugujiraan kuwo hawlahii caadiga ahaa ka mid ah oo ay magaalada bilicdeeda lagu hagaajinayo iyo kuwo ka mid ah mashaariicda GPLG loo yaqaan. Waxaa kaloo horay laamiga dhanka galbeed ee magaalada si wayn ugu fidayso laga sameeyay naqshad iyada oo la burburshay boosaas badan, waxaana la mamnuucay in wadada laamiga ah loo soo jirsado wax ka yar 20m. Magaalada Garoowe ayaa waxay noqotay mid ku caan baxday waddooyin waawayn oo aad u qurxoon waxaana ammaanta kuwaas la siiyaa dadka ku dhaqan magaalada Garoowe oo u hogaansama in waddooyin la furo islamarkaasna kuwa jira ilaashada. Dawlada Hoose ayaa oo taageero ka heshay dadka ku dhaqan Caasumada ayaa iyadu markasta u taagan hirgalinta waddooyin cusubb iyo ilaalinta waddooyinkii hore. Puntlandpsot.com
  18. Daawo Muuqaalka Deegaan Dalxiiseedka Laag ee Duleedka Boosaaso[sawiro] Updated:- 23 mins ago| 1 Commnets Deegaanka Laag oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Booosaaso ee xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland, wuxuu kamid yahay goobaha loo dalxiis tago ee ugu bilicsan Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Maalmaha fasaxa ee todobaad walba iyo xiliyada Iidaha waxaa laag u dalxiis taga dadweyne u badan dhalinyarada wax ka barta dugsiyada sare iyo Jaamacadaha magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxaa jira qoysas maalmaha qaar gaar ahaan xiliga xagaaga deegaanka Laag u taga sidii ay ugusoo hawo gedisan lahaayeen kuwaas mar marka qaar kusoo qado karsada. Laag oo ah deegaan ay beeraha qudaartu kasoo go’do ku badan yihiin waxaa ku yaal ceel weyn oo dur dur ah kaas oo caan ku ah magaca ah (Aaadaanka). Ceelkan oo ku yaal goob buuraley ah oo aad u qurux badan ayaa ah mid ku dabaalashadiisa aan marna laga daalin, waxaana ku xeeran jewi aad u degen oo ay muuqaalka cagaaran ee dhirta iyo codka shimbiruhu bilayaan. Horseed Media waxay idiin soo gudbineysaa sawiro aad u qurux badan oo muujinaya muuqaalka deegaan dalxiiseedka Laag ee maalinta Jimacaha. Maxamed Salaad Xaaji Dirir Horseed Media Boosaaso
  19. C'mon guys waxan iska jojjiya hada wa dandansi waxan oo kale. Its not even funny anymore the first few copies waxay ahayd ku dayo lakin this amount of copying waxay noqotay ku xumay puntland, get a life and do something for yourself and not just watch puntland and copy
  20. German Pharmacy and Clinic opens first branch in Somaliland Comments (3) HARGEISA — A leading independent German pharmaceutical and healthcare Wholesaler, German Pharmacy and Clinic opened its first branch in Hargeisa on Thursday during a reception held in Hadhwanaag Hotel. The Frankfurt-based drugstore says it will exclusively import quality German medicines and medical equipment at an affordable prices for local pharmacies. They Hargeisa office will serve as a logistical center for planned chains in neighboring Somalia, Eritrea, Ethiopia and Djibouti. The company also has presence in Sudan, Eritrea and the United Arab Emirates. The local population is expected to welcome the news since currently much of the pharmaceuticals are imported from India and China. Many complain of poor quality and go further to say the drugs are not probably screened or tested. Generic drugs from Germany are locally trusted since Germany once used to supply free drugs to Hargeisa’s General Hospital. German Pharmacy and Clinic said it currently employs five local people and supplies over 60 clinics. This will be the second international drug company to establish an office in Hargeisa after the British multinational pharmaceutical, GlaxoSmithKline opened its doors in February. Somalilandpress
  21. Why doesnt he do that for sharif? sharif wa ki reerkisa racay london conference and he didnt even notice amin amiir. Come on guys Farole was the first to declare shidaalka puntland somali dhan ba wada leh weliga ma aragtay reer kale oo somaliyeed sidas uu hadlo? and farole is our biggest secessionist and he even talks like that. What about odayasha mogadishu abdirashid ha inaga wadan beeshiisa
  22. Amin amiir lost my respect a long time ago, lacag doon weeye kelebku...his always having a beef with puntland...Amin Amiir puntland lacag ku siin mayso weliga caytan