Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. There is only one leader in Puntland and That leader is in the presidential palace in garowe his name is Farole.
  2. Sanadguurada 52-aad ciidamada xooga Somalia 12 Apr 12, 2012 - 4:18:19 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 12,April 2012 ka qyabgalay munaasabada sandguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacdey xerada ciidamada 54-aad ee duleedka Garowe ku taal. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland sareeye gaas SIciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere ,xildhibaano ka tirsan aqalka barlamanka ,wasiirada xukuumadda ,saraakiisha ciidamada Puntland ,saxaafada iyo marti sharaf kale oo lagu casumey madashada ayaa kaso qaybgalay. Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland iyo Kumandooska ayaa salaam sharaf siiyey madaxweynaha iyo kuxigeenka Puntland waxana gaado ka ciyaar ku mareen fagaare loogu talo galay gudaha xerada 54-aad Garowe. Qunsulka safaraada Ethiopia Puntland Asmlasha Wal-meerat ,saraaiisha Ethiopia ee gacanta ku haysa tababarka ciidamada difaaca Puntland ayaa iyaguna ka soo qaybagalay munaasaba. Kadib intaasi ayuu madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu ciidamada ku la hadlay goobtaasi ,waxana ku dhiiro geliyey inay heegan u ahaadaan difaacida midnimada iyo qaranka. Waxa uu Dr.Farole tilmaamey in maanta tahay maalin kuweyn Somalia ,waxaan uu sidoo kale muujiyey faraxad qiiro leh oo xasuusisey barisamaadkii iyo barigii Somalidu lahayd halka calan. Xaflada munaasabada ayaa loo soo gudbey kadib waxana ay ka dhaceysey hoolka xerada 54-aad ,iyadoona ay siweyn uga tumeen kooxda Horseed ee ciidamada kuna soo bandhigey riwaayado,heeso ,gabayo iyo weli jilid aad heerkeedu u sareeyo. Ka soo qaybgalayaasha ayaa aad u la dhacey waxa lagu soo bandhigey madasha waxana ay ka tarjumeysey hawlgalada ciidamada ,akhlaaqda askariga ,huritaanka nafta iyo rajo wanaagsan oo laga qabo mustaqbalka Puntland iyo Somalia. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa halkaasi ka akhriyey khudbad aad u dheer oo uga waramayey dhinacyo badan sida asaaski ciidamada xooga dalka Soomaliyeed ,magacii iyo miisaankii ay ku lahaayeen mandaqada ,waxa u qabsoomey ciidamada Puntland sanadkii tagey,guulihii la soo hoyey ,caqabadiihii ,iyo barnaamijka u degsan sanadkan 2012. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyntii soo khatimey xaflada waxana uu la dardaarmey ciidamada iyo saraakiisha oo uu ka dlabadey inay lamid noqdaan kuwii magaca u soo hoyey Somalia islamarkaasina soo celiya midnimadii iyo kaalintii Somalia kaga jirtey dalalka dunida. Dadweynaha reer Puntland iyo guud ahaan Somalia ,madaxda Somalida iyo saraakiisha ayuu u direy hanbalyada munaasabada sanadguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaliyeed isagoona Alle ka baryey in sanadkan sanadkiisa ay ku garaan nabad ,barwaaqo iyo Somalia oo is raacsan. Teendhada VIP-da looga dhex sameyey Maanta 54-aad Madaxda oo Salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Difaaca Puntland Saraakil Ethiopian ah oo tababara Ciidamada Difaaca Puntland Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole & Gen.Siciid Dheere Sarkaalka Safaarada ethiopia u qaabilsan Militeriga
  3. Maalinta Beeraha Puntland Oo Boosaaso Laga Xusay [sawiro] Updated:- 29 mins ago| 0 Commnets Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu xusayey maalinta beeraha Puntalnd oo ku beegan 12-ka bisha April. Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyey ururka beeraleyda ee gobolka Bari ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka. Mas’uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan, xubno ka tirsan iskaashatada beeraleyda, saraakiil ka soctey hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA iyo marti sharaf kale oo badan ayaana kasoo qayb galay. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha ururka beeraleyda gobolka Bari Axmed Maxamed Muumin isagoo ka warbixiyey ujeeda kulanka uuna sheegay inay tahay sidii loo xusi lahaa 12-April oo ah maalin beeraleyda qiimo weyn ugu fadhida. Muumin ayaa sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim ah maadaama ay beeraleydu soo bandhigayaan waxqabadkooda iyo baahiyaha ay qabaan si ay taageero uga helaan dowladda iyo hay’ada dhinaca beeraha kala shaqeeya. Isu duwaha wasaarada beeraha ee gobolka Bari Maxamuud Cabdalle Waaberi oo isna kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxqabadka wasaaraddda haweenka ee sanadihii u danbeeyey. Wuxuuna sheegay in bilihii u danbeeye ay wasaaradu waxqabad balaaran oo al taaban karo samaysay ayna kamid yihiin dhisidda iskaashatooyinka beraleyda ee gobolada Bari, Nugaal, Karkaar iyo Mudug. April 12-keeda ayaa ah maalinta loo asteeyey xuska beeraha iyo beeraleyda si loo weyneeyo qiimaha ay beeruhu horumarka bulsho walba iyo noloshaba ugu fadhiyaan. Horseed Media
  4. King escorting non puntlander xaaji xunjuf through puntland boulevard and a one way ticket back to hellgeisa
  5. Those cowards will not stop this in Puntland Hala soo af-jaro raggan al-shabab la yirahdo sida al-itihaad loo galay!!! hala kaco yaa puntland
  6. nice hotel to relax at when I go to garowe
  7. I don't understand why they don't just equip it with air conditioning, the building will last longer considering the wear-tear of the heat
  8. Hoolka barlamanka Puntland oo la dhameynayo dhismihisa 9 Apr 9, 2012 - 7:46:59 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole ayaa maanta 09,April ,2012 kormeer ku tagey hoolka barlamanka Puntland oo ay socoto hawsha dhisitaankiisu islamarkaasina mareyso meel gabagabo ah. Hoolka oo si casriyeysan loo qaabeeyey ayaa Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa weheliyey wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtoyada oo soo indha-indheenayey halka la marsiinayo shaqada iyo ka warqabkeeda. Waxa lagu wadaa marka gacanta laga qaado hoolkan dhamaystirkisa in lagu marti geliyo shirweynaha lagu ansixin doono dastuurka Puntland 15,April 2012 oo imandoonaan Garowe ergo gaareysa 480 xubnood oo matalaya dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Dastuurka Puntland oo dadweynuhu u hanqaltaagayaan meel marintiisa ayaa noqdey hadal haynta koowaad ee masraxa siyaasadeed ee Puntland ,waxana ugu danbeyntii daaha lagu soo rogayaa dadaal dheer oo loo soo galay in Puntland dastuur u gaar ah dhaqan geliso. Waxana lagu tilmaamayaa hoolkan mid faa’idooyin badan u keeni doona Puntland sida martigelinta shirar caalami ah ooh or leh kadib Garowe 1 & 2 oo si weyn Puntland dowalad iyo shacaba lagu amaaney. Macalimiinta gacanta ku haysa dhismaha hoolkan ayaa Garowe Online u sheegey in dad kor u dhaafaya 600 uu qaadi karo ,iyagoona rajo wanaagsan ka muujiyey inay ku dhameeyaan inta harsan 48-saac ee nagu soo food leh. Halkan ka daawo sawirada madaxweynaha Puntland & hoolka barlamanka
  9. Deep down all somalis know Bosaso is on steroids
  10. I've never seen anyone talking about how well bosaso is developing. Lets admit it guys. Cmon just be honest its the best city in somalia
  11. I am loving the tree lining I must say, taking a leaf out of garowe book. Good on you Bosaso
  12. Boosaaso: Mid kamid Ah Jidadka Muhiimka Ah Oo Laami La Saarayo [sawiro] Updated:- 4 hours ago| 12 Commnets Waxaa dhisme lagu wadaa mid kamid ah waddooyinka isku xira Airportka iyo xarunta dowlada hoose ee degmada Boosaaso. Wadadan oo dhererkeedu yahay 1.25km ayaa ah midda hormarta Hotelada JUBBA, GUUL iyo Garoonka kubadda cagta ee Boosaaso. Cabdifataax Maxamed Sugulle oo ah xoghayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso, oo iyagu howshaas gacanta ku haya ayaa Horseed Media uga waramay meesha ay wax u marayaan. Wuxuuna sheegay in jidkan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan magaalada Boosaaso laga dhigayo Laami si kor loogu qaado bilicda magaalada loona fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Mr Sugulle waxa kaloo uu xusay in jidkan dhowaan xarigga laga jari doono balse keliya ay hadda u dhiman yihiin labo lakab oo isugu jira jay nooca yar yar ah iyo Daamur. Mar ay Horseed Media weydiisey sababta iyada oo weli jidkaas aan la dhamaystirin gaadiidka loogu ogolaaday inay maraan ayuu sheegay inay tahay arin farsamo taas oo qayb ka ah howsha dhismaha ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Jayga iyo Daamurku ay is qabsadaan. Xoghayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso ayaa ugu danbeyntii baaq u diray, shirkadaha ganacsiga ee wadada weyn ee Laamiga ah hareeraheeda degen iyo dadka guryaha Laamiga ku dhereran iska leh, isagoo ka codsaday inay bixiyaan kharashkii horay looga codsaday si dayactirkii jidkaas ku socdey mar kale dib loogu bilaabo. Guddiga horumarinta degmada Boosaaso oo ka kooban Isimo, waxgarad, aqoonyahan iyo culimaa’uddiin ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku howlanaa sidii Laami loo saari lahaa 4-kamid ah jidadka ugu waaweyn magaalada Boosaaso oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Puntland. Horseed Media Boosaaso Where are you somali tree fanatic
  13. relentless maseer ba dilayso. Either way it wont stop puntland developing marka ha is-daalin
  14. kingofkings;816632 wrote: excellent news I know more development yumm yumm
  15. Turkiga Oo Machad Weyn Oo Farsamada Gacanta Lagu Barto Ka Hirgelinaya Puntland Updated:- 5 hours ago| 2 Commnets Machad caalami ah oo lagu baranayo Xirfadaha kala duwan ee gacanta laga qabto ayaa bilaha soo socda la filayaa in laga hirgeliyo deegaanada Puntland. Machadkaas oo noqon doona kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo Puntland ayaa waxaa dhisaysa dowladda Turkiga. Sidoo kale qalabka uu ku shaqeyn doono machadkaasi iyo bareyaasha wax ka dhigaya waxaa iyagana ku deeqeysa dowladda Turkiga. Warkan ayaa ah mid in badan oo aqoonyahanka iyo bahda waxbarashada ee Puntland kamid ahi ay si aad ah usoo dhoweeyeen. Wuxuuna soo baxay kadib markii dhowaan uu magaalada Garoowe soo gaarey Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Dr. Kani Torun. Mashaariic horumarineed oo dhowr ah oo Turkigu uu balan qaaday inuu Puntland ka fulin doono ayuuna dhismaha Machadkaasi qayb ka yahay. Puntland oo xiligan ku jirta goobaha Soomaaliya ugu horumarsan dhinaca farsamada gacanta iyo xirfadaha ayaa baahi weyn u qabtay inay hesho Macaahid farsamo oo kan oo kale ah. Waxaana xusid mudan in todobaadyo kahor qaar kamid ah ardayda wax ka barta dugsiyada farsamada gacanta ee Puntland ay soo saareen gaari soo jiitey indha in badan oo kamid ah bulshada caalamka. Halkan Ka Daawo Gaarigii La Yaabka Lahaa ee Gaalkacayo Lagu Sameeyey http://horseedmedia.net/2012/02/05/gaari-layaab-leh-oo-gaalkacayo-lagu-sameeyey-daawo/ Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhowr beri kahor madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud uu ku booriyey ardayda inay xoogga saaraan barashada xirfadaha si ay ugu shaqeystaan dalkana horumar ugu horseedaan. Horseed Media
  16. Would you buy a house from them? And what you think about Puntland Construction Style
  17. Chimera;816600 wrote: LOL, be that as it may, it's still a step in the right direction. I wouldn't really argue, because lets be real when the hell do you hear parks are being built in any somali city? The closest that came to it was burco that had small boulevard which is done in other cities like galkayo also so its nothing special. But this is going to the local park in garowe with tree and grass and benches to have highly intellectual debates
  18. Don't worry somaliland will not meet with the tfg, ana ka balan qaday taas. Wa inay sow maran garowe oo fasax la siiya ama waxba kama jiran weeye wuxu siilanyo oraneyo
  19. you guys would be easily defeated by puntland capacity wise, training wise, number wise and hardware wise. It wouldn't even be a challenge. U see their commando unit looool compare that to puntlands and u will see the difference in quality. Forget about PIS, MARINA AND SPU. Just our ground troopers are 5 times your size
  20. The army of somaliland is like 50 people!!! war hoy yaan an26 iyo helicopter iyo boqol kun ciidan puntland sheekadu isu badelin. U guys would be defeated in 2 days by puntland