Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Who is going to win the battle between these two ageing titans Somaliland Corner Puntland Corner Stats So Far: Politics 1. Puntland federalism has become a reality on the ground and also with international support. Politically The State is Dominant 2. Somaliland has never really had a strong political front, its always been a matter of "searching and hopeing for the best" Winner Puntland Military battles 1. Puntland has slugged it out before with Somaliland in 2003. Remained Dominant till 2007 and has gradually retreated on the northern frontier. Puntland remains vigilante against shabab and continues to defeat it in it's homeland. 2. Somaliland has made fast gains since 2007 securing Las Anod due to divisions within that city. It's suffered heavy defeats in buhodle. Winner Somaliland Territorial land and Sea 1. Puntland is all north mudug-bari-nugaal-eastern sanaag-southern sool-southern toghdheer. 1300km of coastline 2. Somaliland is waqoyi galbeed-northern toghdheer-western sanaag-northern sool-awdal. 300km of coastline Winner Puntland Education 1. Primary/Secondary schools alot more quality in Puntland due to education reforms. Universities are still lacking 2. Low level quality in primary/secondary good universities such as amoud. An Ivy league type education in Somalia Pland and Sland tied Health 1. Puntland immunisation program for kids, free surgeries for all people remote and local campaigns, hospital capacity being enhanced and new hospitals being built. Definitely a strong sector 2. Somaliland hospitals edna aden facility is top notch with a few others in hargeisa like manhal however other then the health sector is badly performing. No initiatives happening there that is changing the lives of people. Winner Puntland Governance 1. Puntland definitely remains strong when it comes to lower level administrations like councils and assemblies, alot more capacity buildings happening to ministries and other critical arms of governance. Constitution and multi party just ratified. Democratisation program continues. 2. Somaliland is fully fleged democracy however corrupt it may be. Lower level administrations are seriously lacking, good governance is questionable. Winner somaliland mainly because of the democracy other areas are shady business.
  2. Wiil cusub somaliland warkooda way cad-dahay wayba goosteen and even somaliland isn't even this bad runti lakin puntland baan la yaaban ahay we claim we are apart of somalia but we act as if we are separate nation but we do not claim it. Yaab sow ma ahan? I have always been confused by this and I think we really need to set our priority!! I hate living in a state of confusion politics I stated this issue because it has been getting stronger and stronger by the year and it doesn't appear to being slowing down
  3. You cowards will not infilitrate and pollute the quality education in Puntland that has been achieved over the past 5 years. Puntland students are 100 years ahead of other somalis because of good education policies. Get your act together enemies of the state you will not achieve nothing get out and go pollute your own low standard education systems. ALLA CADOW BADAN BAY LEE DAHAY PUNTLAND
  4. Sir ka fakatey Daladda Waxbarashada PEN 25 Apr 25, 2012 - 3:06:55 AM GAROWE ONLINE Dalada Waxbarshada Ahliga ee Somalia PEN ayaa warqad sir ah oo laga helay waxay soo gaartey xafiiska Garowe Online waxana waqadaasi lagu kicinayaa ardeyda waxkabarta iskulaadka Puntland ,waalidiintooda iyo weliba macalimiinta iyo maamulayaasha xarumaha waxbarasho. Muhiimada qoraalkan ayaa la sheegey in uu salka ku hayo dagaal ay Dalladuhu ugu jiraan in meel mariyaan shahaadooyin u gaaraah tasoo ku lid ah Shahaadada guud ee Wasaaradda waxbarashada Puntland Dhanka kalena qoraal ayaa xanbaarsan abaabul kacdoona oo aya sameeyaan Ardeyda iyo Waalidiinta dugsiyada sare ee xidhiidhka la wadaaga Dallada Waxabarashada Puntland ee loo yaqaano PEN. Heshiiska DF Somalia ayaa qeexaya in Puntland u madax banaan tahay arrimeheeda gaarka sida amaanka ,waxbarashada ,caafimaadka iyo horumarinta adeegyadeeda.waxana Daladani ay ka jirtaa meelo farababadan Somalia ,iyadoona dhacdey in suuqa madow laga soo sameystey shahaadooyinkeeda. Dowladda Puntland ee Somalia ayaa waxa dhamaan hoostaga iskuulaadka waxbarasho ee Puntland ka jira,waana mida ay doonayso daladu inay ka madaxbanaanaato wasaarada,waxana la filayaa dhowaan in dowladdu ka soo saarto war daladan oo kicin iyo khal-khal gelisey ardeyda gaar ahaan kuwa sanadkii ugu danbeeyey ku jira heerkooda waxbarasho
  5. Faiza Cartan oo Booqatay Sool 25 Apr 25, 2012 - 2:12:49 AM GAROWE ONLINE Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee UK Faiza Cartan Boos oo ka mid ahayd qurba joogtii ka qayb-gashay ansixintii Dastuurka Puntland ayaa waxay ka warbixsay socdaalkeedi ay dalka ku timid iyo safaro ay ku tegatay deegaano ka mid ah gobolka Sool. Faaiso oo la hadashay Radio Garoowe ayaa sheegtay in tegtay deegaanada ay ka mid yihiin Karin Dabaylweyn,Qoriley,Dalyare,Gambadhe,Laascaanood,waxayna sheegtay inay tuulooyinka Qoriley,iyo Karin-Dabaylweyn ay aad ugu mahad celinayaanDawladda Puntland oo Schoolo halkaasi ka hirgelisay. Dhanka beeraha ayay ku amaantay deegaanka Dalyare oo ay xustay in haddii wax la taro ay horumar balaaran ay gaadhayaan,lakiin waxay xustay inay adeegyada caafimaadka iyo dugsiga sare u baahanyihiin in laga taageero. Qurba-Joogta ayay ku boorisay inay siyaasadda ay faraha kala baxaan oo ay u soo jeestaan inay dalkooda horumariyaan,waxayna sheegatay in dalku uusan u baahanayn dagaal iyo barakicin horleh,taas bedelkeedana ay u baahanyihiin in laga fakaro mustaqbalka caruurtooda. Halkan ka dhagayso Faa'iso oo uu waraystey Cabdiqani Irbad http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Guddomiyaha_Haweenka_Puntland_UK_oo_Sool_Booqtay.shtml
  6. Range is full blown stock exchanged listed company. It has a number of high international projects happening around the world. It has invested so far $100 million dollars. The amount of equipment in dharor alone puts all somaliland to shame. It's not the same and don't compare it to be the same. That street-walker in australia is there for a mere adventure and travel and the somaliland guy took him there so he can tell his ppl oil is coming but its not and the aussie guy is just thinking "cool i got holiday just to act like im an oil entrepeneur"
  7. There is no fiber optic nodes connected to anywhere in mainland somalia. Its like saying my t.v cable just lying there on the ground is useful. Its only useful when you connect to a powerpoint node. Somaliland began this ambitious project the fiber optic but it was stopped by angry locals and the project has now been shelved and cancelled to maintain the peace in the region. KUDOS to the somaliland people
  8. Fiber optic project is officially over, done and dusted. No more so give up jacaylbaro you will use the same technologies that exists in all of somalia
  9. Che look at the video, if that was my state I would be very upset
  10. Look at that guy an unknown street walker in Australia 1:15-1:42 looooooool there is no team, no suit, no profile, no equipment surveys, hahahahahahahaahah. DAANDAANSI AT ITS WORST....A CHEAP COPY-CAT. PLUS SOMALILAND DOESNT HAVE OIL AND EVEN IF IT DOES THE LAND AREA AMA BAXADA IS WAYYYYYYYY TO SMALL FOR IT TO HAVE BILLION BARREL POTENTIAL NO SERIOUS OIL COMPANY WILL GO NEAR THAT ITS JUST NOT WORTH INVESTING MILLIONS OR A RETURN OF COUPLE OF THOUSAND FUSTOYIN IHAHAHAHAHA
  11. Che -Guevara;822725 wrote: You are losing it ditoore. We need to take to the doctor. my mental sanity is ok but I am worried that regional interests has superceded the national interest. It's a bit worrying what the future may hold. Are we really a federal state or are we an indepedent nation. We claim to be federal yet we conduct like a god damn nation something is totally wrong here!!! Lets be honest are we using federalism as our preferred solution and if that doesn't work out due to opposition to secede from the rest of the country? is this the game-plan?
  12. Che -Guevara;822717 wrote: loool.....someone mad at Faroole. your not dealing with the issue your using indha-tiris and diversion tactics to get away from the core of issue
  13. Noone is spared even kids are not prone from this nazism
  14. Me, King are ultra puntland nazis but this condition is affecting every sector of our society. From children to adults from man to woman from citizen to idp even the diaspora is not spared. How do we deal with it is the big question? Maybe as somalis we are not yet ready to deal with this and the best solution may be to do some indha-tiris
  15. Is it time for me and the puntland nazis around the world to walk away from Nazism and heads towards the beacon of somalinimo
  16. This topic is about discussing this critical issue of how do we deal with Puntland nazis domestically and in the diaspora. I think you all have heard people say "dadka way fogaadeeen" ama "meel fog ayaa laga radinaya puntland haday sidan ku socoto" etc etc. But what do you think Puntland nazism and below are an example of compilations of Puntlanders Embracing their state locally and in the diaspora. What's the best solution to dealing with this and will it just continue to get stronger?
  17. Khatumo officials are restrained by the following constitution article Article 3 Territory, Borders and Its Inviolability and Sacredness Section 1 The territorial sovereignty of Puntland shall extend to: East Region of Bari, Nugal, Sool, South Togdher (Buhodle District), Mudug except the Districts of Hobyo and Haradhere and Sanag Region except the District of El-Afweyn and Northeast of Erigavo District. Section 2 The Puntland Regional State borders are those they had previously with the regions and districts of Somali Republic before the Somali Civil War. The unity of Puntland is sacred and inviolable; land territory, territorial sea and the air space. So please stop the games Khatumo. There is an official and ratified by popular suffage constution in puntland.
  18. Khaatumo waan la hadlaynaa cafisna waa u furaynaa inay weydiistaan Dawladda Puntland:Wasiirka Kaluumeysiga Eng-Maxamed Written by Administrator Tuesday, 24 April 2012 14:21 Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland Eng. Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegay dowladda Puntland inay albaabada wadahadalka ay u furtay cidkasta oo dhibaato tirsanaysa. Wasiirka oo la hadlayay saxafadda ayaa sheegay dowladda Puntland inay guud ahaanba maamusho gobolada Sool iyo Cayn oo dhowaan looga dhawaaqay maamulka Khaatumo, waxaa uu sheegay inay xiligaan magaalada Buuhoodle ku suganyihiin 1014-askari oo katirsan shaqaalaha dowladda Puntland oo ay ciidamadu qaybka yihiin. Waxaa uu sheegay dhaqaalaha ay shaqalaahaasi soo geliyaan gobolka inuu yahay dhaqaalaha ugu badan ee soo gala bulshada, gacana ka gaysta horumarka shacabka. Wasiirka oo la waydiiyay inay wadahadalo la yeelanayaan maamulka Khaatumo State ayuu ku jawaabay ” Waala soo dhoweynayaa wixii dambi gala oo dowladdu arintaaasi aad iyo aad ayay ugu gacan taagtay qaylo dheerdheer ahna waa ay kasoo saartay, ninkasta oo ujeeddo wato ama shisheeyuhu uu duufsday waa loo yeerayaa gogoshana way taalaa ilaa iyo laba kun iyo sagaalkii gogoshu waa ay furantahay cid kastana waa lasoo dhoweynayaa wixii dembi galana waa cafis dowladana horay way u cafiday, hadeerno wali cafiska waa uu u furanyahay” ayuu yiri wasiirka kalluumaysiga Puntland oo sheegay Ciidamada Puntland inay shacabka Buuhoodle iyo Sool ka taageertay dagaalkii ay la galeen ciidamada Somaliland Shacabkamedia:Beyra:Puntland Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono Email:Shacabkamedia@live.com
  19. Dhibka jojjiya somaliland laysma yel-yeelo. Puntland wa powerka kowad ee somaliyeed, hal waddo ayaa furan waxa la yirahda garowe principles.Jidkas hadadan jeclayn jid kale furan ma jiddo. Halki aad jogtay ayaad si joggaysa oo no-mans-land ah
  20. MAXAY PUNTLAND DAREENTAY? Puntland oo ah maamul wax walba hadda u dhameystiran yihiin sida golayaasha dowladda, dastuur cusub, calan u gooni ah dal iyo dad ay ku xisaabtamayaan, waxay si cad u sheegeen in shir aysan goob joog ka aheyn raali ka noqoneyn. Inkastoo aanan ku dhex jirin siyaasadda Puntland hadda ku shaqeyso , haddana haddaan caqliga Alle i siiyay ku qiyaaso macnuhu wuxuu iigu muuqday, in Puntland isu og-tahay maamul dareensan awoodda ay soomaaliya dhexdeeda ku leedahay, talada wadankana wax ku leedahay, in lagu tixgeliyaana lama huraan tahay. Waqtigii la maqlayba in Soomaalidu wada hadal bilaabayaan si deg-degga ahna la isugu jawaabay, PUNTLAND WAR BAA GALAY! Wax kale maahee waxa isu qaban waayay waxa waqtigan ku soo aadiyay iyo xowliga howshu ku socoto, iyadoo howlo kale oo cul-culus ay jireen laguna guda jiray in wax laga qabto sida dastuurka soomaalida iyo doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda marka waqtiga kala guurka laga gudbo. Durba madixii ugu sarreeyay Puntland ayaa hadlay, hadal aan cusbeyn, oo dhowr goor hore laga maqlay ayuu mar kale ku celiyay taasoo aan u qaatay in ay xuuusin ka aheyd maadaama soomaalidu iyagoo khatarta arkaya isku dayaan in ay iska indho tiraan. Markii hadalkaa la maqlay calyadaa dib loo liqay, xowligii howshu ku soctay hakad yar ayaa ku yimid. Maxaa loo kala ordayay oo lakala boobi lahaa? Maxaa hadhow ka iman karay cidina si hoose isuma weydiin. Laakiin waxaa muuqatay uun dhaqanka soomaalidu caadada ka dhigatay ee ah in wax lakala boobo si hadhow la isugu faano. Anoo reer hebel ah ayaa reerkaaga ka xoolo/wasiiro/kursi badan. Cid walbaa oo caqliga u saliim ah wuu dareemi karayay in haddii howshu sida ku sii socoto , cawaaqibka ay arrintaasi keeni karto. Haddaba taladii Puntland waxay keentay in madaxweyne Sh Shariif durba xubnihiisa wadahadalka ku soo daro labo xubnood oo Puntland ka soo jeeda.. Weliba waxaa igu maqaalo ah in Puntland tanasul arrintaa ka sameysay oo qorshaheedu ahaa in xubnaha ay labada qeybood ee kale magacaabeen ee min 5-ta xubnood ah, Puntland-na intoo kale soo magacowdo. Mar haddii hore loogu dhiiraday in sidaa la yeelo, waxa markii dambe badalay su’aal ayay noqotay, waxaanse u qaatay in ay jirto culeys meel kale kaga yimid in sidaa loo yeelay. Maleynteydii waxaa yaqiin u badalay markii wakiilka Arrimaha Soomaaliya qaramada midoobay u qaabilsan Augustino Mahiga uu safar deg-deg ah ugu ambabaxay Hargeysa. Lama oga howsha uu halkaa u tagay iyo waxyaabaha looga wada hadlay, laakiin saadaal waa laga sii bixin karaa. Mar haddii caalamkii sidaa ula socdo arrimaha soomaaliya, waxaan weli garan kari la’ahay waxa soomaalidu isu yeel-yeesho. Waxaanse u qaatay in jahli iyo qabyaaladi wax badan oo ay qabsan lahaayeen dhaafinayaan. Mar haddii sida wax loo doonayay wax u socon waayeen, iyo khibradda ay maalinba maalinta ka dambeysa Puntland ka yeelaneyso arrimahan oo kale ay sii siyaadeyso, taasoo markii dambe keentay in gaashaan sii sameysato. Waxaa ii soo baxay, dad badan oo kalena shaki ka muujiyeen in haddii la isku dayo in Puntland xaqeeda la duudsiiyo ay markaa suurto gal tahay in Puntland ku dhawaaqdo GOONI ISU-TAAG, oo xalka soomaaliya markaa meesha uu hadda joogo meel ka fog laga raadiyo. JAHWAREERKU XAGGEE KA JIRAA? Hadal siyaasadeedka qolo weliba si u oraneyso marka laga soo tago, waxaa hubaal ah in aad is weydiineyso Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG) ee wadahadalka galeysaa waa qolama? Yey ka kooban tahay? Xaggee sheegataa in ay ka taliso oo dastuurka ugu qoran? Nidaamka ay hadda ku dhisan tahay ee 4.5 muxuu yahay? Yuuse ka tarjumayaa? Haddana aad is-weydiiso haddii DFKMG ah ay soomaali oo dhan ka kooban tahay oo sidaa lagu dhisay cidda kale ee ay wada hadalka la galeyso meesha ay ka yimaadeen? Waa jahwareer mar haddii DFKMG ah ay sheeganeyso wax aysan isuba heysan…..Waa jahwareer kale haddii ay meel walba sidii duqsigii isaga dhaceyso……..Waa jahwareer kan ugu weyn annaga oo sidaa ula soconna waxaan ugi sii yeerno Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah….. XALKU WAA MAXAY? Xaqiiqdu waxay tahay waxaa lagu dawoobi karaa, in soomaaliya waa mid’e si siman loo wada hadlo oo qaabka saxda ah loo waajihi karo tahay in soomaalidu u wada hadasho inta qeybood ee ay kooban tahay, qeybahaa adigu magacaad doonto u bixi, sidaana wax walbaa loo qeybsado. waxaa sidoo kale cad in soomaalidu qaab qabiil isu leysay, u kala baaday, dooneysana in ay hadda wax u qeybsadaan oo aan qolana qolada kale u hoos-fariisan. Markaa haddaan dhaqanka hadda jira ee sad-bursiga ku saleysan iyo wax la orodka laga kaaftoomin, rajo lagama qabo in ay wax hagaagaan, meesha ay hadda wax marayaan meel ka hooseysa in ay tagaan mooyee….. waana tan aan ka baqayo in ay aakhirka timaaddo haddii soomaalidu xal la iman weyso waa in xal loo sameeyo taa oo macnaheeda oo gaaban noqonayo waa in maxmiyad la geliyo sidaana gumeysi cusub iyo waqtigan adduunku hore u maray la geliyo. Wabillaahi Towfiiq Farah Warsame Melbourne, Australia
  21. Farah Warsame WADAHALKA SOOMAALIDA: Qorshe-Xumo iyo Jahwareer Siyaasadeed bile1971@hotmail.com Abriil 25 2012 Waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad isu soo tarayay, wada hadalo la sheegay in loo qabanayo soomaalida, fikradda wahadalkaas waxay ka dhalatay shir bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay soomaalida loogu qabtay waddanka Ingiriiska. Qormadeyda maanta waxaan ku soo qaadan doonaa wada hadaladii la sheegay in soomaalida loo qabanayo iyo mugdigii soo kala dhex galay markii dambe. Waxaan wax ka oran doonaa waxa la isku hayo iyo halka jahwareerku ka jiro. Faarax Warsame Shirkii London ee bishii Febraayo 23-keedii, waxaa la isku soo qaaday in soomaalidu wada hadasho. Arrinta wada hadalka soomaalida waa arrin hal macno oo keliya leh laakiin qolo weliba sidii ay u aragtay ama siyaasaddoodu ku qotontay ayay u fasiratay. Somali-land waxay qabtay in loo wada hadlo Koonfur iyo Woqooyi. Puntland waxay qabtay in qeybaha kala duwan ee maamulada soomaaliya wada hadlaan ama ugu yaraan Puntland goob joog ka ahaato kana qeyb qaadato shir walba oo soomaalida loo qabanayo, halka DFKMG ah si u dhow sida Puntland wax u qorsheysay inkastoo markii hore warar kaa ka duwan aan sii maqalnay. Qeybaha kale ee Soomaalida intooda badan cidi ma wareysan, waxaase jiray oo la maq-maqlayay qaar qeybahaa kamid ah oo labadaa fikradood kala taageersan. Si loo fahmo waxa jira marka hore waa muhiim ah in la qeexo Yaa wada hadlaya! markaa ayaa la gaari karaa sidee loo wada hadlayaa maxaase laga wada hadlayaa? Si aan ugu gudubno labada qodob ee dambe bal marka hore aan isla fahanno ka furaha u ah, soomaaliduna aad ugu wareersan tahay ee Yaa wada hadlaya, waana qeybta uu maqaalkani ku saabsanaan doono haddii Alle idmo. QAABKA WADA HADAL EE LA QOONSADAY Waxaa si xowli ah oo guux faro badan dhalisay mar qura hawada la soo geliyay ama qeybo soomaalida ka mid ah soo jeediyeen in soomaalidu u wada hadasaho qaab labo labo erey u wada socda, marna ka soo jeeda gumeystihii dalka qabsaday sida British Somali-land iyo Italian Somali-land, marka kalena lagu tilmaamo jihooyinkii ay waagaa kala jireen sida Koonfur iyo Woqooyi. Qaabka hore wax badan ka oran maayo oo cid walbaa waa ogsoontahay in magacyadan gumeysiga laga soo min-guuriyay aan shir waxba looga tari karin, taas oo xitaa kuwii sameeyay (waa gumeystayaashii’ye) ku adag tahay in ay sidaa hadalka u dhigaan. Laakiin ay suurto-gal noqon karto haddii adiga xaggaaga faham yari kaa bidaan ay si qaab farsameysan oo labadaa shey ka tarjumeysa laguugu qeexo, si waxa ku hoosjiraa aadan hadhow u garan. Waana tan hadda socota ee quruxdu ka muuqato ee dadka qaarkii ku jah-wareersan yihiin sida hadalka loogu dhigay taas oo ah Soomaaliya iyo Somaliland ha loo wada hadlo. Kama xumi in soomaalida labadaa Jiho waqtigii gumeysiga kala dagganaa wada hadlaan, laakiin waxa la yaabka igu riday ayaa ah ereyga aan wanaagsaneyn haddana loo ekeysiinayo in wax wanaagsan uu yahay. Waxaad dhici kara qof markaad weydiiso su’aal ah “qaabkii gumeysigu in oo qeybiyay ma u wada hadalnaa?” in uu durba kuugu jawaabo MAYA macquul ma aha, haddaad isla su’aashaa si kale u weydiiso-na ood u yara qurxiso markaa xaalka si kale u arko oo jawaabta HAA aad si sahal ah uga hesho. Laga yaabe haddaad hadhow u yara macneyso in wax kaaga soo noqdaan, laakiin arrintan dad badani si ay u fahmaan ku adag tahay, ayaa igu dhalisay in aan qormadaan iska soo hor mariyo. Qaabka kale ee koonfur iyo woqooyi oo dadka qaarkii isticmaalaan haddaan isgana wax yar ka iraahdo, inkastoo kala duwanaasho badan oo labadooda u dhaxeysa aysan jirin, haddana waxaa la oran karaa wuu yara dhaamaa kaa hore ee magaca gumeystaha ee qayaxan wata. Qaabkan laftigiisa su’aalo iyo dood badan ayaa ka imaneysa, haddii la iska qanciyana waxaa laga yaabaa in xalka wada-hadalka meel markaa laga qabsado la helo. Marka ereyadaa tilmaamaha muujinaya sida Koonfur & Woqooyi la soo hadal qaado waxaa isla markiiba dareemeysaa haddaad hore wax u soo dhigatay in qeybo kale oo jihooyinka ka mid ah ay meesha ka maqan yihiin sida Galbeed iyo Bari . Haddaba haddii wadahadalada lagu koobo Koonfur iyo Woqooyi, Bari iyo Galbeed sidee laga yeelayaa? waa su’aal isla markaba imaneysa jawaabna u baahan, ma filayo 4-ta jiho ee la isla yaqaan in qaar laga boodi karo. Markaa dhinacyada Galbeed iyo Bari waa in ay ku soo biiraan wada-hadalka Woqooyi iyo Koonfur halkaan laga qabsado xariga wada hadalka. Intaa oo keliya maahee, xitaa marka lahelo jihooyinka ama qeybaha maqan, waxaa iyana dhici karta in jihooyin kale aadna loo isticmaalo ay meesha soo galaan sida Woqooyi-Bari, Koonfur-Galbeed,Koonfur-Bari iyo Woqooyi-Galbeed . Ogoow jihooyinkan dambe kuwo ka mid ah soomaalida qeybo ka mid ah ayaa hore loo oran jiray. Marka haddii xaalku sidaa yahay oo intaa oo jiho la isku keeno,sow macnuhu ma aha soomaaliya oo dhan! khadkaa dheer maan soo gaabino oo niraahno soomaalidu ha wada hadasho ; waa erey kooban oo macno buuxa sameynaya cid walbana qancin kara, addunkuna sidaa ugu sheegay hadday wax maqlayaan!!. MAXAA SOMALILAND KA CAREYSIIYAY? Iyadoo la isu diyaarinayo sidii wadahadalada looga qeyb geli lahaa, qolo welibana qeybtii uga qeyb geli laheyd soo diyaarsatay ayaa maamulka la magac baxay Somaliland arrintii dib uga noqotay. Maxaa is badalay? Haddii aad dhageysateen barnaamijkii falanqeynta jimcaha ee BBC-du qabatay isbuucii tagay, waxaa hadal ka soo yeeray siyaasiga Feysal Cali Waraabe ku sheegay in aysan dooneyn in qaab saddex dowladood oo kale ah loo wada hadlo. Maxay yihiin saddex-da dowladood ee Feysal Cali Waraabe ka dhawaajiyay? Qofkii kelmaddaa qabsadaa wuxuu isla markaba dareemayaa in jiho kale oo aan Koonfur iyo Woqooyi midna aheyn meesha ku jirto, oo waa tuma jihadaasi? hadaad sii akhriso waxaad garan kareysaa jihadaasi (dowladda saddexaad) meesha ay tahay. Waxay kelmaddani xiriir la yeelaneysaa jihooyinkii aan hore u soo tilmaamay ee soomaalidu ka kooban tahay mid ka mid ah. Waxaa markii hore la isku dayay in laga boodo laakiin xajmiga iyo awoodda siyaasadeed ee ay jihadani (Woqooyi-Bari) ay Soomaalida dhexdeeda ku leedahay ayaa xubnaha labada keliya ah ee ay soo magacowday waxay ka xoog bateen xubnihii kale ee shanta ahaa, waxaa dabadeed halkaa ku baaba’ay ujeedadii wadahaladan laga lahaa, waxayna sheekadii ku noqotay halkii ay ka soo bilaabatay ee ground ZERO. Barnaamijkaa BBC-du qabatay ee falanqeynta Jimcaha ujeedada laga lahaa iyo faa’iida ay ummadda halkaa (Woqooyi-Bari) daggan ka heshay ayaa noqday kaaf iyo kala dheeri. Reer Woqooyi-Bari (Puntland) waxay intaan hore u fahansaneyn barnaamijkaa ka fahmeen ujeedada laga lahaa waxa loola jeeday Koonfur iyo Woqooyi ha wada hadlaan, iyadoon jihooyinka kale ee maqan lagu soo darin. Su’aalaha kale ee la is weydiin karo ayaa iyana waxaa ka mid ah: Maxay yihiin waxa khaldamay 1960-kii ee maanta oo la joogo 2012 la saxayaa? Ma laba dowladood oo iskuu biiray baa jiray oo soomaaliya la isku oran jiray? Haddii ay jireen-se yaa madaxweynayaal ka ahaa? Calamadoodu noocee ayay ahaayeen? Maxayse labadaa dowladood ku kala duwanaayeen? Ma diin, ma af, mise dhaqan? Maxaase keenay in ay waqtigaa isaga ah isku biiraan? Ma iyagaa is doortay mise caalamkaa isku daray? Khariidada caalamkase xaggee kaga jireen? Haddii jawaabaha intaa oo su’aalood oo aasaas u ah isku biirista laba dowladood la waayo, waxa la isaga daalinayo waqtigan waa wax aan anigu fahmi waayay. Qofkiise jawaab u hayaa isagaa shaashadda iskeeni doona.