Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Somalia, carafaat, ngogne, jb, the xaji canduuf get in here and cure yourself with a dosage of bosaso pics
  2. Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyaynaysa Allaha u naxariistee Xaji Ibraahim Uunlaaye Dhammaan waxgaradka iyo aqoonyahanada jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba kadib geeridii ku timid ganacsadihii weynaa ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Xaaji ibraahim Cismaan Uunlaaye oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka kenia. Ibraahim Uunlaaye waxaa lagu xasuustaa sida hagar la’aanta leh ee uu uga qeyb qaadan jiray howlaha samafalka iyo horumarka dalka. Waxaa uu si gaar ah isaga xilsaari jiray dhisitaanka Masaajidyada iyo waliba isbitaalada. Allaha u naxariistee ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin si weyn looga yiqiin dhammaan waddamada geeska Afrika, kana mid ah halgamayaashii xisbigii leegada ee SYL. Dhamman jaaliyadda Leicester waxa ay leeyihiin Allaha samir iyo iimaanba ka siiyo dadkiisii, eheladiisii iyo waliba dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagana Allaha janatul ferdowsa ka waraabiyo. Aamiin. Tacsida waxaa diraya 1- Yaasiin Daahir 2- Suldaan Maxamuud Qiilmawaayo 3- Xildhibaan Cabdi Maxamuud Tarax 4- Xildhibaan Aadan Maxamed Cali 5- Shiikh Cabdalle Maxamuud 6- Jaamac Shiikh Cusmaan 7- Cabdullaahi Suudi 8- Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude 9- Maxamed Cabdixaliim 10- Cabdullahi Muuse Guuto 11- Axmed Cali Bete 12- Cali Gacaneey 13- Cabdixakiim Jaamac Jooje 14- Axmed Guufe 15- Cali Cashuur 16- Suldaan Cabdifataax Guure 17- Cabdidaahir Sodonle 18- Siciid Yuusuf 19- Mustafe Cali Madoobe 20- Maxamed Yuusuf 21- Cabdirisaaq Dhamac 22- Cabdulqaadir Biina 23- Cabdulcasiis Qoolif 24- Cabdirishid Qandala 25- Ayaanle Saxar 26- Xasan Oslo 27- Cabdiraxmaan Shiino 28- Maxamuud Isqasaal 29- Bashiir isqasaal 30- Axmed Jaamac 31- Maxamed Jaamac 32- Liibaan Xirsi 33- Farxaan cali Nuur 34- Cabdinuur Bootaan 35- Cabdicasiis Muuse Qaalid ( Xeylo Boodo) 36- Axmed Dhalacadde 37- Cabdullaahi Dhunkaal 38- Cabdisamad Qeyliye 39- Mustafe Qeyliye 40- Cabdirishiid Beeldaaje 41- Warsame Beeldaaje 42- Sharmaarke Buule 43- Maxamed Yaasiin 44- Maxamed Saalax 45- Cabdisalaam Teetano 46- Maxmed Jaamac 47- Cali Ciise 48- Cabdicasiis Maxamed Ciise 49- Cabdulqaadir Maxamed Ciise 50- Jamaal Siciid 51- Sahra Yuusuf 52- Leylo Jaamac Jooje 53- Shukri Siciid Daahir 54- Sucaad Ceygaag 55- Fowsiyo Cartan Cabdixakiim Jaamac jooje – Leicester UK
  3. Kumuu ahaa Xaaji ibraahim Cismaan Uunlaaye May 14, 2012 // Warar Somaali Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW. Taariikh waliba mar bay qorantaa, qof walibana wuxuu galo ama qabto ayuu taariikhda ku galaa. Qofbaa waxa uu taariikhda ku galaa geesinimo, mid baa ku gala magac dheeri uu ku muteystay arimo kale. Mar walbaa waxaa wanaagsan qof walbaa wuxuu ahaa in laga abaal mariyo. Taariikhdu iyadaa isqoreysa oo qof walbaa wuxuu galaa loo qorayaa oo baal u galaya.. Allaha u naxariistee Ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin uu Allaah ugu deeqay hanti ballaran oo runtii ka dhex muuqatay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaaladii caasimada aheyd ee Muqudisho. Luuq walboo aad kasoo baxdo waxaad ku arkeysay Guri uu lahaa ama masaajid uu ummadda ugu deeqay. Waxaa kaloo uu waliba caan ku ahaa dhisitaanka goobaha caafimaadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa dhisitaankii isbitaalkii Indhaha ee magaalada Afgooye. Waxaa kaloo ibraahim Uunlaaye lagu xasuusan doonaa barnaamijyadii horumarinta isboortiga iyo waliba sidi uu u taakuleyn jiray Kooxdii gobolka jubbadda hoose ee Kismaayo. Ibraahim Uunlaaye waxaa uu ahaa nin qaran oo waliba muwaadin Soomaaliyeed ah, aadna u taakuleeya dadka saboolka ah iyo waliba dadka liita. Waxaa kaloo lagu xasuustaa qeybtii libaax ee uu kasoo qaatay halgankii dhalinyarada ee SYL Ibraahim Uunlaaye waxaa kaloo uu ganacsi ballaaran ku lahaa waddamadii geeska Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa uu hanti ballaaran iyo ganacsi xoog leh ku lahaa magaalada Kismaayo. Allaha u naxariistee taariikhdiisu kuma soo koobi karno qoraal kaliya ee laakiin taariikhda iyadaa xusi doonta. Geeridu waa xaq, naf walibana maalinteeda ma dhaafeyso, laakiin Ibraahim Uunlaaye wuxuu ahaan doonaa mid aan xusuusta ummadda Soomaaliyeed si ciyaar ciyaar ah uga bixin waxaana lagu soo xasuusan doonaa sida ay hantidiisii u bishay bilicdii caasimada iyo waliba magaalada Kismaayo. Mart labaad iyo mar saddexaadba waxaan leenahay Allaha u naxariista oo janatul ferdowsa ka waraabiyo, dadkiisii, eheladiisii iyo waliba guud ahaan ummadda soomaaliyeedna waxaan leenahay Allaha samir iyo iimaanba idinka siiyo. Aaamiiiiin. Cabdixakiim Jaamac jooje Social Development Adviser – Leicester UK
  4. Madaxweynaha oo duuley India kadib kulamo Ethiopia 13 May 13, 2012 - 7:07:19 AM Puntland State of Somalia Garowe WAR SAXAAFADEED 13 May 2012 Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Rai’sul Wasaare-xigeenka Ethiopia, ka dibna u dhoofay India Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta [Axad] ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta dalka Ethiopia. Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) ayaa ka soo duulay magaalada Garowe ee xarunta Puntland maalintii Jimcaha (11 May 2012) iyagoo kusii jeeda New Delhi oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India. Madaxweyne Farole ayaa maalinimadii Sabtida ah kula kulmay Addis Ababa Rai’sul Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Hailemariam Desalegn, iyadoo ay mas’uuliyiintaasi ka wada hadleen arrimaha kusoo cusboonaaday guud ahaan Somalia dhanka amaanka iyo arrimaha siyaasadda. Madaxweyne Farole iyo Wafdigiias ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Indira Gandhi International Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socota Safaarada Somalida oo ay hormuud ka tahay Ambassador Ebyan M. Salax iyo sarakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India. Madaxweynaha Puntland ayaa la filanayaa inuu kala hadlo mas’uuliyiinta Dowladda India arrimaha Somalia guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, wadahadalaas ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa horumarinta hey’adaha Dowliga ah, iskaashiga la dagaalanka burcad-badeeda, iyo ka faa’idaysiga teknoloojiyada casriga ah oo uu ku horumaray dalka India. --- END --- Communications Office The Puntland Presidency Puntland State of Somalia E-mail: plpresidencyg@hotmail.com
  5. Take the step forward rudy, I know it's difficult, I know your traumatized, I know you got all sorts of demons in the closest but take a step forward like the german man and come to puntland. The german man know's this aint hargeisa red-light district!!! But when you take that brave step and come to Puntland, you will be delegated the role of shoe shining activities like one of your long-lost cousins screaming dee in bosaso market reer uu soo shaqa tagey weeye
  6. Saxaafada dalka Turkiga oo si weyn u hadal haysa arimaha Somalia (SAWIRO) May 12, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor Saxaafada wadanka Turkiga ayaa mudooyinkan waxay si weyn uga hadlayaan arimaha Soomaaliya, iyadoo qaybaha warbaahinta dalkaasi sida Telefishinada, Idaacadaha & Wargeysyadu ay ka hadlayaan xaalada Soomaaliya. Telifishinka TRT oo ah warbaahinta ugu balaaran wadankaasi ayaa dhawaan dood arimaha Soomaaliya ku aadan wuxuu u qabtey siyaasiyiin iyo saxafiyiin rug cadaa ah oo wadamada Carabta ka soo jeeda waxaana looga hadley xaaladaha Soomaaliya ee dhinacyada amaanka, siyaasada iyo bini’aadamtinimada. Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ah mulkiilaha Warbaahinta SBC oo dhawaan dalka Turkiga kaga qayb galey shirweyne balaaran oo loogu magac darey Turkey Africa Media Forum oo ay isagu yimaadeen mulkiilayaasha iyo madaxda qaybaha warbaahinta ugu waa weyn wadamada Afrika iyo waliba wadanka Turkiga ayaa dooda Tv-ga TRT wuxuu kala qayb galey rug cadaa dhanka saxaafada dood arimaha Soomaaliya ku aadan gaar ahaan xaaladaha ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya. Dooda uu qabtey Telefsihinka TRT ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaadey horumarka saxaafada Soomaaliya iyo waliba dhibaatooyinka saxaafada la soo gudboonay sida dilalka iyo xariga. SBC International Monitoring Daalacatey :1024
  7. The constitution will be amended currently it stands against the garowe principles I and II and is totally against the spirit of federalism. It's unconstitutional and will be challenged all the way to the high court of Somalia. Puntland will continue to strive for the somali people!!! No more centralism and abadoning the whole nation just for one city. Those days are gone!!!
  8. Total balony. Slap back to reality listen below Radio Muqdisho oo si been abuur ah u baahiyay Hadalkii Raysal wasaaruhu uga hadlayay Mowqifka Puntland ee Dastuurka Posted by Pi on May 13th, 2012 Idaacada Radio Muqdisho oo sheegta in ay ku hadasho afka Qaranka Soomaaliyeed lakiin xaqiiqdu ay tahay Idaaco u adeegta hal reer ayna ka hawl galaan shaqaale hal reer ah ayaa maanta baahisay warar aan sal iyo raad lahayn oo ay sheegeen inuu Raysal wasaare Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas yiri. Raysal wasaaraha oo ay idaacadaan wax ka waydiiyeen hadalada kasoo yeeray Puntland ee ku aadan qodobo dhowra oo kamid ah Dastuurka ayay shegeen inuu Raysal wasaaruhu ku jawaabay hadalka ay sidaan u dhigeen “Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Maamulka Puntland waa fikir iyaga u gaar ah, isla markaana waxa uu ku nuux nuuxsaday Ra’iisul Wasaaruhu inuusan hadalkaasi waxba u dhimi Karin Geedi socodka Road Map-ka” Hadalkaan ayaa ahaa mid been abuur ah oo uusan Raysal wasaaruhu oran oo lagagana been abuurtay, hoos ka eeg Linkiska radio muqdisho http://radiomuqdisho.net/rwasaare-cweli-oo-hadalkii-puntland-ku-tilmaamay-fikir-iyaga-u-gaar-ah/ Radio Muqdisho markuu maanta (Sabti 12/05/2012) soo bandhigay hadaladaan been abuurka ah waxaa markiiba siduu u qoraa u baahiyay qaar kamid ah saxafada oo aan ka fiirsan ama iska hubin xaqiiqda warkaan. Puntlandi.com ayaa hadaba xaqiiqda iyo hadalkii raysal wasaaraha dib u baaray waxaana idiin haynaa hadalkii oo dhagaysi ah. Raysal wasaare Gaas waraysiga ay Radio Muqdisho la yeesheen wuxuu yiri “”Puntland waxay ka mid tahay dadka fikirada kala duwan ka qaba Dastuurka, waxayna qeyb ka tahay dadka aragtiyadooda ka dhiibanaya”" . Hadalkaas ka dib Raysal wasaare Gaas wuxuu sii sharaxay Dastuurka oo uu sheegey in waxna laga badali karo waxna lagu dari karo. Hadalkii Raysal wasaaraha oo buuxa hoos ka dhagayso http://puntlandi.com/?p=33166
  9. Guys I just love being Puntland. Thanks farole for all of this to happen!!!
  10. This make my keyboard go sticky On-going projects in Bosaso Plus they're is already heaps of projects happening as usual that do not even hit the live-feeds Uchi in the suburbs of bosaso on paltalk with his fadhi ku dirir Mayor signs development deals while uchi does his fadhi ku dirrir Send carafaat to bootcamp oops forget his a non-puntlander go shine my shoes
  11. I am just like that kid in germany who went to bosaso. I am one step away to head back and make my video of the great state
  12. Tarzan oo AIDS ku-dhacay kana soo baxay Isbitaalkii uu maalmahan ku jiray ee Istanbul-Hospital (Alloow-Caafi Duqa Degmada Muqdisho) Written by Administrator Saturday, 12 May 2012 14:21 Duqa Degamadda Muqdisho Guul-wadeTarzan oo maalmahan la-dhigay Isbitaal ku-yaal Magaaladda Istanbul ee caasimadda labaad ee Dalka Turkiga,ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho,kadib markii lagu booriyay inta noloshiisa ka dhiman inuu qaato Kiniiniga (HIV-Aidska)loo isticmaalo ee (Truvada). Waa mas'uulkii ugu horeeyay Xukuumadda Soomaaliya ee laga helo cudurka khatarta ah ee (AIDS)inkastoo hadii uu isticmaalo daawadan laga rajo-qabo inuu waqti-noolaado,iyadoo cudurkan dad badan uu ku-dhacay sida Cayaaryahanka caanka ah ee (Magic-Johnson)uu weli 27-sanno nool-yahay,maadaama uu isticmaalo daawooyin qaali ah. Asxaabta Duqa Degmadda Muqdisho iyo ehelkiisa,qaasatan xaaskiisa ayaa ka naxay cudurkan laga helay Guulwade-Tarzan,waxayn Alle uga baryayaan inuu cimrigiisa dheereeyo kana daweeyo cudurkan khatarta ah ee galaaftay nolosha dad badan oo Caalamka ka-tirsan. Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed C/Laahi Cariik oo sirtan Shacabkamedia u soo gudbiyay,ayaa hadii Guulwadahan uu ka war-helo la saadaalinayaa inuu xilka ka qaado ama dil ugu hanjabo. Fiiro-gaar ah:Sirtan ku-saabsan Cudurka AIDS-ka ee laga helay Tarzan waxaa na soo gaarsiiyay Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Cariik Shacabkamedia:Beyra:Puntland Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono Email:Shacabkamedia@live.com Last Updated on Saturday, 12 May 2012 17:09
  13. Symptoms that include an intense hatred of anything with east in a name, Distaste for boowenimo, fish despised, progress reviled, clan passions are high all point to the infamous medical condition known as Puntland Fever Luckily a cure has been found and twice daily the following pics needs to be viewed. After waking up and going to sleep to ensure this wicked disease doesn't make a come back on you again.