Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Where are you kingy. Unleash king so he can see what our govt is doing for the somali people
  2. Its huge Good to see the Puntland government doing something for them.
  3. GAROOWE : Wasaaradda Hawlaha Guud oo dhawaan si buuxda u bilaabi doonta bixinta Leysimada June 11, 2012 10:40 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Khaliif Xaji Dahir ayaa waxa uu sheegey in dhawaan Wasaaradda iyo hay’ada kala shaqeysa Leysimada ay si rasmi ah u bilaabi doonaan bixinta Leysimada oo dhawaan la ogalaan doonin darawal aan leysan wadan in uu gaari kaxeyo. Wasiirku, waxa uu sheegay in ay Puntland oo dhan xafiiso laga furi doono kuwaas oo fududeyn doona bixinta Leysimada, waxaana uu ku baaqey in la qaato Leysimada. Lataliyaha M-wynaha Puntland ee dhanka Haweenka Xaawa Cabdi Barre oo noqotay Gabadhii ugu horeysey ee Leysin qaadata Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda PIITEC ay ku dhawaaqdeyn in la qaato Leysimada iyada oo labadii qof oo ugu horeeyay siisey Leysimada. Ma aha markii ugu horeysey ee Leysin la baxsho. Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdillaahi Yuusuf ayaa la qaatey Leysimo, hase ahaatee, ma ahayn mid kan la mid ah oo kan waxaa loo diyaarshey hab casri ah. Puntlandpost.com Hay’adda UNHCR ayaa hore u dayactirtay Saldhigyo ku yaalla degaano ka tirsan gobolka Bari iyo degaanada kale ee Puntland.
  4. Safiirka South Afrika Somalia oo Garowe booqasho ku yimid 11 Jun 11, 2012 - 9:13:59 AM GAROWE ONLINE Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 11 June,2012 ku qaabiley xarunta madaxtoyada Garowe safiirka South Afrika u qaabilsan dalalka Kenya iyo Somalia Ambassador Ndumiso Nshinga iyo saraakiil ku wehelineysey socdaalkiisan Puntland. Kulanka ayaa waxa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland sida wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,wasiiru dowlaha Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo Agaasinka guud ee madaxtoyada Puntland Dr,Jaamac Warsame. Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee Puntland ,asaaskeedi ,horumarkay gaadhey iyo waxyaabaha ay tabanayaan islamarkaasina dowladda South Afrika u gudbinayaan inay wax kala qabato. Waxa uu u sheegey safiirka South Afrika inay Puntland dowladd iyo shacab ay ka go’antahay inay Somalia qayb ka nodaan xasilinteeda iyo nabad dib ugu soo dabaalideeda waxana miiska wadahadalka saarnaa horumarka laga gaarey qorshaha Khariidada nabada Somalia ee KMGnimada looga baxay August 2012. Dhankiisa ayuu safiirka Kenya iyo Somalia u qaabilsan South Afrika Ndumiso Nshinga muujiyey farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland iyo inuu xog ogaal ka noqdey maamulkeeda waxana uu tilmaamey in dowladdisu dooneyso inay Somalia gacan taakulo u fidiso maadaama Somalia horey kaalin mug leh uga soo qaadatey caawimaada dalkiisa xiligii Midab takoorku jirey. Dowaldda Somalia ayay South Afrika u balanqaadey lacagyow lagu horumarinayo isagoona safiirka Puntland u sheegey in dowladiisu si gaar ah ula macaamileyso Puntland oo deeqaha la soo gaariisnayo. Waxa uu raaciyey inay ka caawindoonaan Puntland sameynta biyo xireeno ,dhinaca daaqsinka ,tababarida iyo qalabeynta kaluumeysatada xeebaha Puntland. Socdaalka Safiirka South Afrika ee Puntland ayaa la filayaa inuu maalmo qaatey islamarkaasina uu kuurgalo xaalada deegaanka iyo kulamo uu la yeelanayo masuuliyiinta kala duwan.
  5. Dayactirkii lagu wadey jidadka ugu waaweyn Boosaaso oo dib u bilaabmay [sawiro] Updated:- 22 hours ago| 16 Commnets Magaalada Boosaaso waxaa dib uga bilowday howshii jidadka lagu dayactirayey oo ay horay isula wadeen dowladda hoose ee degmada, gudiga horumarinta degmada iyo ganacsatada. Howshan oo muddo todobaadyo ah haka gashay kadib markii uu go’ay Daamurkii Laamiga lagu saarayey wadooyinka ayaa dib u bilaabantay. Waxaana maanta si rasmi ah loo bilaabay jidka dheer ee isku xira Airportka degmada Boosaaso iyo xarunta dowladda hoose kaasoo kamid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada. Jidkan ayaa waxaa horay dayactir balaaran ugu sameeyey dowladda hoose ee degmada iyadoo taageero dhaqaale ka heleysa 5-kamid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga ah. Magaalada Boosaaso oo ah magaalo marba marka danbeysa si aad ah usii fideysa waxaa dhinacyada ay aadka uga danbeyso kamid ah jidadka, maadaama ay wadooyinkeedu u badan yihiin kuwo raf ah cariiri badanina uu ka jiro. Haseyeeshee howshan jidadka magaalada kuwooda ugu muhiimsan Laamiga lagu saarayo ayaa ah mid ay bulshadu si weyn usoo dhoweysey islamarkaana qayb weyn ka qaadanaysa horumarinta bilicda degmada iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Horseed Media
  6. Timur to be quite honest I think they are quite bland and not of mubarak quality
  7. This is a shout out to Puntland's local construction companies who do not get as much advertisement as some of the other companies. Let me Introduce to you Global Contracting, who is a household name in Bosaso and have been around since 92. Enjoy You can visit them below to get a resume of they're completed projects. http://globalcontco.com/index.htm If your building a house I urge you all to use puntland's construction companies who provide quality workmanship, competitive prices and top notch customer services.
  8. I knew puntland had helicopters. I told you guys. They have at least 6 of them but what I didnt know is they are armed with missiles So excelent we got AN26's and Armed Helicopters. A capable airforce with it's capable marine institute at QAW. What we need to see now only is the seagoing vessels. I think it is quite important we also modernize our armed forces in particularly the darawish. But we will get there. Puntland keep doing what you do best take the game to the next level in Somalia
  9. Official: Somali pirate leader targeted in helicopter attack Text Size Print E-mail Reprints By Associated Press, MOGADISHU, Somalia — An official from the autonomous Somali region of Puntland says its forces launched an aerial attack targeting a pirate leader in Somalia. The official said Wednesday that forces in a helicopter fired on a house in the village of Bali Dhidid where the pirate was believed to be, possibly wounding him. The official asked not to be named because he was not authorized to speak to the press. The official said three vehicles were destroyed by the bombardment but the pirate boss identified as Issa Yuluh managed to escape. The attack comes a day after the Puntland’s troops launched a raid on the pirate infested town of the Bargal. Attacks by Somali pirates off the Somali coast have reduced sharply in the first quarter of this year following a concerted international effort to eradicate piracy. Copyright 2012 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.
  10. Puntland oo sheegatay duqayntii degmada Ballidhidin [Dhagayso] June 8, 2012 // Warar Somaali Dowladda Puntland ayaa sheegatay inay fulisay duqaymo xagga cirka loo adeegsaday oo laba diyaaradood ay Arbacdii lasoo dhaafayka fuliyeen degmada Ballidhidin ee gobolka Bari. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng. Saciid Maxamed Raagge oo ka qaybgalay barnaamij ardayda jaamacadaha Boosaaso ay su’aallo ku weydiinayeen oo ka baxay idaacadda Daljir ayaa sheegay duqaymaha xagga cirka ah ee ka dhacday degmada Ballidhidin inay u adeegsadeen laba diyaaradood oo helicopter ah,waxaa uuna beeniyay duqaynta inay waxyeelo kasoo gaartay shacabka degmada Ballidhidin. Waxaa uu tilmaamay duqaynta qorshaheedu inuu ahaa gurri ay ku jireen kooxo burcadbadeed ah, islamarkaana ay ku burburiyeen gaadiid aylahaayeen burcaddda, waxaana intaasi uu raaciyay in horay dowladdu ay uga baaraan dagtay duqaynta inaysan khasaaro kasoo gaarin shacabka deegaanka. Dhowaan ayay ahayd markii duqaymo ay ka dhaceen beriga degmada Ballidhidin, dadka deegaanka oo hadlay ayaa sheegay duqaymaha inay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah. Puntland-News24. Dhagayso Wasiirka oo sharaxaya duqaynta diyaaradeed oo ay fuliyeen http://puntlandnews24.com/puntland-oo-sheegatay-duqayntii-degmada-ballidhidin-dhagayso/
  11. War iga gabta waxan his shaming hargeisa so bad when I throw these pics at him because he knows he cant outbeat it
  12. Burahadeer your claiming as hargeisa? war dadku yaysan kugu qoslin Theyre is not one place in somaliland with fully sick downtown like this Theyre is even doubts in my mind that hargeisa is at galkayo level
  13. I just love how puntlanders are active domestically and internationally You name it puntland is there. Seychelles, India, Turkey, Europe, Addis, then high level delegations in Puntland. Its insane
  14. JB wants a word with you mr president
  15. I cant believe kingy is banned, He was a legend. Unleash the Puntlander King is back his unleashed
  16. Jacaylbaro;839568 wrote: Waa intii reerka uune Do you expect anything less from the DR
  17. Hafun The New Boom Town Of Puntland Hafun's Urban Plan Hafun's Urban Plan Under Construction Garowe's Urban Plans Garowe's Urban Plan Under Construction Bossaso Modernising. Street Lights Project Some Grand Plans For Bosaso Port My Holiday Home Kismaayo
  18. Damn look at those farm-lands it looks sim-city planned city. But please someone pave that airport run-way for god sakes
  19. Madaxwaynaha Dawlada Puntland oo ka waramay waxyaabaha uga qabsoomay Dalka India Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) oo maal mihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka India ayaa warbaahinta uga war bixiyay waxyaabaha uga qabsoomay safarkiisa iyo halka ay u marayaan kulamada madaxda India. Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo maanta waraysi siiyay BBC-qaybta afka soomaaliga ayaa ka war bixiyay sababta ka danbasyay aaditaanka India ,iyo waxyaabihii uga suura gallay kulamadii uu la qaatay madaxda dalkaasi ,wuxuna sheegay inuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda India isla markasna kala hadlay arimo muhiim ah oo ku aadan arimaha bulshada reer Puntland. Wuxuna sheegay Dowlada India inay kala hadleen sidii looga taari lahaa arimaha bulshadda sida dhisitaanka wadooyinka magalooyinka Puntland kor u qaadista xariirka labada dalka iyo dib u habaynta wax soo saarka khayraadka kala duwan ee Puntland,wuxuna sheegay inay ka ogaaladeen Dowlada India inay ka caawiyaan arimahaasi oo idi. Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland waxa uu sheegay xitaa inay kala hadleen sidii wax badan dowlada India ay Puntland uga caawin lahayd sidii kor loogu qaadi lahaa dhanka waxbarashada iyo caafimaadka oo lagu tilmaamo aduunka inay ugu horeeyaan. Arimaha dhanka Puntland ugu baahi badan ayaa waxaa ka mid ah uu madaxwayne Faroole ka codsaday in dhaqatiir caafimaad oo caalamiya la keeno isbitaalka Puntland si ay ,uga qayb qaataan howlaha caafimaad ee ka socda Deegaamada Puntland,wuxuna ku amaanay Faroole qaabka wanaagsan oo ay uga ogalaadeen arimaha codsiga ku wajahan. Booqashada uu madaxwayne Faroole iyo waftiisa ay ku joogaan Dalka India marka uu soo dhamaado waxay dib ugu soo noqon doonan magalada Adis oo ay markii hore ka dhoofeen ,halkaasi oo lagu wado inuu ka dhaco shir soomaaliyed. Dunidaonline.com
  20. "Roobkan beeraha Puntland waa looga faa'ideysanaya'' 20 May 20, 2012 - 4:12:15 AM GAROWE ONLINE Wasaarada Beeraha Puntland ayaa ka warantay qorshe ay uga faa’idaynayso xili roobaadkan waxana ay sheegeen masuuliyiinta wasaarada beerahu in wakhti dhaw biyaha xili roobaadka mara beeraha Puntland loo keeni doono qalab lagu kaydiyo wakhtiyada aan Roobku di’in. Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo la hadlay Radio Garowe ayaa arintaan faahfaahiyay ,waxana uu sheegay in aan horay looga faa’iidaysan jirin biyaha lana xakamayn jirin balse hada la dajiyay qorshe biyaha lagu dhawrayo oo beeraha Puntland dib loogu isticmaali doono. Wasiirka beeraha ayaa sheegay in ay wasaaradiisi amuurahaas wax badan ka qaban doonta ,sidoo kale shaaciyay Eng.Saalax in uu dhawaan booqan doono beeraha degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo uu sheegay in ay saameeyeen Roobabkii Guga. Halkaan Ka dhagayso wasiirka Beeraha oo u waramay Faadumo C/risaaq http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Roobkan_beeraha_Puntland_waa_looga_faa_ideysanaya.shtml
  21. Wasiirka Dekedaha Puntland oo Shir Caalami ah Kaga qeybgalay London+Sawiro May 20, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Wasiirka Wasaaradda Dekedaha , Gaadiidka Badda & ladagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha la Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Mudane Abdirizak M. Dirir(Ducaysane) Waxa ay Shir Caalami ah Kaga qeybgaleen Magaalada London ee Xarunta Dalka Ingiriiska. Shirkan ayaa Waxa soo qaban qaabisay Hay’adda Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan Baddaha ee loo yaqaan ( INTERNATIONAL MARITIME ORGINAZATION ) Magaceedana Loosoo Gaabiyo (IMO). Shirkan oo Socday Mudo 4-maalmood ah ayaa Waxaa Kasoo qeybgalay Dhamaan Saxiixayaashii Shirkii Djabouti Code of Conduct ,Kaas oo 29-Bishii Janaury 2009 Lagu asaasay Magaalada Djabouti loogana arinsaday sidii Burcadbadeeda Soomaalida la Dagaalankeeda la isaga kaashan lahaaa. Mudadii uu Shirku Soconayay ayaa Waxaa Looga Hadlay Mudadii uu Jiray wixii qabsoomay iyo weliba waxyaabaha aan qabsoomin, iyo Sidii hay’adihii hawlahaa loo xilsaaray u hirgeliyeen wixii lagu heshiiyey, iyo heshiiska oo muddo labo sano oo dambe dib loogu cusboonaysiiyey,iyo qodobo ay ka mid yihiin maraakibta hadda loo ogolaaday in ay qaataan Ciidamo ilaaliya Xiliya ay ku safrayaan Xeebaha Dalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha , Gaaadiidka badda & La dagaalanka burcad badeeda Eng:Siciid Maxamed Raage oo Shirkaasi Khudbad dheer ka jeediyey ayaa Madasha shirka ka Sheegay waxa ay Dowladda Puntland ka qabatay Burcadd badeeda Mudadadii uu xilkaas hayey, Taas oo aad loogu Amaanay Puntalnd horumarka ay ka sammaysay dhinaca la dagaalanka Burcad badeedda, loona ballan qaaday in wax baddan laga caawini doono . Shirkaan ayaa Waxa ka soo qaybgalay wasiiro ka Socday ilaa 4o dawladood, Wasiiradaas oo kala ahaa Wasiiradda gaadiidka badda & Amniga , waxaa kale oo ka soo qaybgalay dhammaan hay’adaha Jamciyadda qaruumaha ka dhexeysa Shirkadaha Gaadiidka Badda, Mulkiiyaasha gaadiidka Badda, Shirkahaa Caymiska, Shirkadaha leh TAANGARADA SHIDAALADA, taas oo runtii aad looga hadlay Amaanka Maraakiibta badda Maraya oo loo ogolaaday in Hub la saaro, Hawalha hadda cusub ee loo ogoladay Ciidamadda badda soomaaliya ilaaliya in laga weeraro Xeebaha ay degan yihiin taas oo laga burburnayo dhaammaan logistikata, iyo gaadiidkaba. Wasiirka ayaa si gaar ah u kulamay, Wasiiradda dalalka qaarkood kuwaas oo kala ah, Japan. South Korea, Uk, UAE, KSA, Maldives, china, Indonesia. Malaysia. Sidoo Kale Wasiirka iyo Agaasimihiisa ayaa Kulamo gaar ah Waxa ay la qaateen Labadii Maalmood ee ugu Dameeyey Taliyaasha Ciidamadda Badda Ilaalada Xeebaha Soomaaliya Kuwaas oo Kala ahaa: 1-Ciidamada loo yaqaan EUNAFOR ATLANTA 2- Ciidamada NATO 3-Ciidamada wadamada Gaarka ah ee Ka Kala Socda Wadamada ( Ruushka, china, Iran, India). Isku soo Wada Duubo Shirkan Caalamiga ah ee looga hadlay La Dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida ayaa Waxa uu Kusoo Dhamaaday Jawi Degan ,iyadoo Wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Amaan Gaar ah Loogu Jeediyey. Sawiro