Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. You gotta admit it, hate puntland all you want but it is developing
  2. Talk to my president farole but in puntland the citizens, idps, and residents are busy rebuilding
  3. I think a-lot of people on SOL think I am just a clan minded lunatic who supports Puntland because it is where my fathers hail from. This is not the case at all, I do not support cities or governments merely based on clan-lines or you'd hear me constantly talking about bayla or iskushuban and areas where development is stagnant. I only boast about Puntland because it is a viable adminsitration, it has peace and in general it is prospering compared to other parts of Somalia. My love for Puntland can be only shown in pictures, so you all understand why the doctor loves north-eastern somalia. A respectable government with institutions Nice cities The capital Garowe Galkayo Bosaso
  4. Puntland remains mighty strong HUUU RAAA baan ku iri abti.
  5. Hilarious People are denying Puntland oil when it has already been confirmed. Were talking about export today not confirming Puntland oil. ******!!!! Lol People wonder why the world is flocking to Somalia today and let me tell you it isn't because they like Somalis. People love to deny the fact that $100 million has already been spent on Puntland Oil Program, but in the haters mind it is just fake monopoly money. Waa iska Maseer. As for Puntland Population I think all somalis and even beesha calaamka are aware no puntland means no somalia. It is quite simple. No myth can fool the whole world guys. There is a reason why Bosaso today has so much assasinations happening because IT IS NOT SMALL TOWN noone know noone. Its not like cadaado or hargeisa where everyone knows everyone and peace can be maintained. There is not one wealthier city today in somalia then Bosaso not even mogadishu. That is the facts. People are just delusional and Puntland Mightiness will continue to prevail come hail, snow or shine baby
  6. Somalia, yes it's 250 factories in Puntland, Plus this new one now. That makes it 251 Factories in Puntland. Listen at 3:03 Mark. The minister of commerce is telling you
  7. I find it sad that Puntland the strongest state has resorted to using the media as its final weapon after being side-lined in the tfg and somaliland meeting in london. Farole is not saying a word, people are shocked!!! The last resort is to attack through media and we have now gone to that level.
  8. http://shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=6807:somaliland-oo-kaniisad-aqoonsi-ka-raadsatay-kana-duceystay-fanaanka-baaderiga-reer-sweden-ee-ulf-christiansson&catid=1:warka-gudaha&Itemid=3
  9. (Sawirro) Wasaarada Xanaanada xoolaha oo beenisay in xanuuno ay ka dhasheen Talaalka xoolaha ee ay wadaan si faahfaahsanna uga warbixisay saamaynta Talaalka xoolaha. Posted by Puntlandi on June 19th, 2012 Gaalkacyo(puntlandi.com):- Wasaarada Xanaanada xolaha ee puntland ayaa beenisay in xanuuno ay ka dhasheen Talaakii xoolaha ee ay dhawantan ka wadeen gobollada Puntland. Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ee gobolka Mudug islamarkaana ah madexa shaybaarka xanuunada xoolaha ee Puntland C/raxmaan Maxamed Jaamac oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa aad uga warbixiyay saamaynta Talaalka xoolaha ee ay wasaaradu ka wado dhamaan gobollada Puntland. Inkastoo uusan Isuduwuhu soo bandhigin baaritaan cad oo la xiriira arrintan hadana wuxuu sheegay in Talaalka xoolaha ee ay gobollada oo dhan wasaaradu ka wado uu yahay mid aan dhibaato ku keenayn caafimadka dadka isticmaalaya Hilibka ama dheefta caanuhu ay ku jiraan ee xoolaha la talaalay wuxuuna sheegay in dhaqaatiirta talaalkan bixinaysa ay xoolo dhaqatada ku wacyigalinayeen in saacado kooban oo ah inta talaalkaasi uu jirka xoolaha ku jiro aan la isticmaalin Caanaha ama hilibka neefka la talaalay. C/raxmaan wuxuu tilmaamay in aysan waxba ka jirin in Talaalkii ay xoolaha ku dureen uu keenay xanuun dadka saameeyay wuxuuna bulshad ugu baaqay in Caanaha ama hilibka ay ka shakiyaan ay keenaan shaybaarka si loo baaro islamarkaana ay xaqiiqada u ogaadaan. Hadalka Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ee gobolka Mudug islamarkaana ah madexa shaybaarka xanuunada xoolaha ee Puntland C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa yimid kadib markii shalay Xildhibaanad Siciid Geelle Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Puntland ay saxaafada ka sheegtay in xanuuno la garan waayay ay ka dhasheen Talaaladii Xoolaha ee Wasaaradu ay ka fulisay gobollada Puntland islamarkaana dadku ay ka qaadeen dheeftii xoolaha ee ay isticmaaleen sida Caanaha iyo Hilibka xoolaha. Puntland Office – Garowe garowe@puntlandi.com www.puntlandi.com Daawo Xarunra Sheybaarka Xoolaha oo ah xarunta uu isuduwuhu shir-saxaafadeedkan ku qabtay:-
  10. Garoowe (APL ) : Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalimaiga ah ee Puntland ayaa baryahan waday qorshe ay ku ogaanayso hawlaha ay qabtaan dhamaan Hay,addaha Ka Hawlgala Puntland iyadoo Maalinba Hay,ad la yeelanaysay xog waran , Maanta ayaa waxaa hor yimi wasaaradda qorshaynta Hay,adda ADRA . Xarunta Waasarad Qorshaynta Iyo Xiirirka Caalimiga ah ayaa waxaa ka dhacay kulankaan oo ahaa mid si wayn la isugu waydaarsaday su,aalo la xiriira waxqabadka hay,adda . Kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorshaynta puntland Maxamed Cali Ismaaciil ayaa ugu horeyn ka hadlay kulanka waxaana uu sheegay in ay arintan tahay mid sanadkiiba la qabto labo mar oo kala ah sanadku markuu marayo kala bar iyo dhamaadka sanadka,waxaana loogu tala galay in la ogaado Wax qabadkii ay soo qabteen Hayada 6Bilood &Qorshaha u Dagsan mudaas ee isla markaana looga baahan yahay inay keenan Cadaymo ay ku muujinayaan wax qabadkooda iyo halka ay wax ka qabteen. Maxamed Cali waxaa uu xusay in Arimahan ay muhiimad u leeyihiin Puntland taasna ay tahay mid waajib ku ah Wasaradda qorshaynta oo dalka u qaabilsan u dhaxaynta dowladda iyo Hay,adaha Caalamiga ah” sidaa darteed maalin kasta waxaa miiska noo saran hay,ad sida aanu maanta isu aragnay Hay,adda ADRA. Jaamac Muuse oo ka mid ah sarakiisha Hay,adda ADRA ayaa isna qaatay hadalka waxaana uu jeediyey warbixin ku adan waxqabadka iyo howlaha ay wadaan,waxaana uu sheegay mashariic badan ay ka wadaan deegaanadda puntland iyadoo hay,adaani ka shaqaynaysay puntland mudo dheer oo ku siman xilligii dhidibadda loo asay puntland ayna ilaa xiligaa qabteen barnaamijyo aad u fara badan. Jaamac Waxaa kaloo uu sheegay in Hay,addu inta badan ka shaqayso Hawlaha Waxbarashada sida waxbarashada Dahsoon iyo tan kale “ Hada waxaa aanu puntland ka wadna labo barnaamij oo kala ha · Kobcinta Tayadda Barayaasha. · Sare u qaadida waxbarashada gaar ahaan Iskoolada. Barnaamijkan oo ah mid wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee puntland ay ku xaqiijinayso waxa ay hay,adda Caalamiga ah ka qabtaan Deegaanadda puntland iyadoo maalmaha soo socdana ay wasaaradda hor imaandoonaa Hay,addo kale oo laga dhagaysandoona mashariicda ay wadaan. Xafiiska wararka Allpuntland Garoowe.
  11. GAROOWE : W.Qorsheynta oo 74 hay’adood iyo kuwa la shaqeeya Warbixino ka dhageysanaysa June 19, 2012 10:19 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa waxay todobadkan waddaa xog wareysi iyo la xisaabtan ay la yeelaneyso 74 hay’adood iyo kuwa la shaqeeya waxayna doonayaan in hay’ad kastaaba ay soo bandhigto waxyaalaha ay Puntland ka heyso. Maxamed Cali Ismaaciil Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Puntlandpost u waramey ayaa waxa uu sheegey in ay qiimeyn sanadkiiba 2 jeer ay ku sameeyaan haya’adaha waxa ay qabteen, waxa u qabsoomi waayay iyo carqaladaha jira. Ujeedada xog wareysiga ayuu ku sheegey in ay doonayaan in ay warbxin (Report) ka diyaarshaan si ay u gashaan Aid Coordination Unit, si loo ogaado meelaha laga shaqeeyo iyo meelaha laga shaqeeyo. Maxamed, waxa uu sheegey in warbixinada ay jeediyaan dabagal lagu sameyn doono oo la diro doono Koox (Team) soo ogaada waxyaalaha ay qabteen iyo meesha ay ka qabteen, dabadeedna si wadajir ah Wasaaradda, Haya’daha iyo Ururada la shaqeeya ay warbixin u soo saaraan. Maanta, ayaa waxaa warbixin laga dhageystey hay’adda ADRA, shaleyna waxayn xog wareysi la yeeshaan Worldvisin, waxaana xog warankan lala yeelan doonaan 74 hay’adood iyo Ururada la shaqeeya. Puntlandpost.com
  12. Why is Hargeisa so hell-bent on this meeting??? Why don't you guys just stay the way you have been for 20 years? Wallahi niyahow taasi ceeb kuma jirto. Badbaadinta dalka ayaa wax walbo ka wayn.I don't understand why they want to cause problems for and what they get out of it. Isn't ictiraaf is coming soon enough anymore? It's as if they are getting serious and sitting down with somalia and mimicking how south sudan sat down with khartoum and got khartoum to sign away they're blessing to free the south where-as hargeisa may be hatching a plan to get mogadishu to sign away and free the north
  13. It was funny how our minister of commerce said "Somalia is one country and noone can separate" are we getting worried about the TFG and Somaliland talks that is going to happen in London. I felt quite embarassed how he was screaming it's as if we are worried and cannot stop this meeting between mogadishu and hargeisa
  14. Welcome to Garowe Ilays and We hope you enjoy your stay in the Great State Of Puntland where peace reigns and every man can invest and have his investment protected by law. Welcome to North Eastern Somalia!!! I hope you build a factory in Bossaso and Galkayo and Qardho
  15. Wershedda Saabuunta ee Ilays oo Garoowe xarun ka furatay [Dhegeysi+Sawiro] Updated:- 3 hours ago| 0 Commnets Xaflad si heer sare loo soo agaasimay islamarkaana xarigga looga jarayey warshad cusub ayaa ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal. Waxaa kasoo qeyb galay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland, ku xigeenka rugta ganacsiga, wasiirka ganacsiga iyo marti sharaf kale. Warshadda ayaa lagu magacaabaa Ilays, waana warshad soo saarta Saabuunta, iyadoo uu xariga ka jaray gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland. Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Muuse Cali Cabdullaahi oo ah mas’uulka u qaabilsan warshaddan Puntland, isagoo ugu horeyn u mahad celiyey xukuumadda madaxweyne Faroole, sheegayna in ay aad ugu faraxsan yihiin in xarun cusub ay Garoowe ka futaan. Waxaa sidoo kale madashada ka hadlay ku xigeenka rugta ganacsiga Saciid Xuseen Ciid oo sheegay in loo baahan yahay in warshado badan laga hergaliyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, maadaama ay warshaduhu halbowle u yihiin koboca dhaqaalaha iyo xoojinta wax soo saarka dalka. Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Shire, wasiirka ayaa u mahad celiyey mulkiileyaasha wershedda Ilays, wuxuuna ganacsatada kale ku booriyey inay dalkooda maal gashtaan. Waa markii ugu horeysey ee wershedda Saabuunta ee Ilays oo xarumo badan ku leh dalka Soomaaliya laga furo magaala madaxda Puntalnd ee Garoowe. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed Media Garoowe Dhegeyso Codka Maamulaha Ilays Dhegeyso Codka Wasiirka Ganacsiga http://horseedmedia.net/2012/06/19/wershedda-saabuunta-ee-ilays-oo-garoowe-xarun-ka-furatay-dhegeysisawiro/
  16. Looking pretty good thats for sure. Can't wait to see the final product the Las Qoray Port.
  17. Laasqoray [RBC Radio] Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha.Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda Eng Siciid Maxamed Raage ayaa gaaray deegaan Xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag. Xubnaha la Socday Wasiirka ayaa waxaa kamid ah Wasiir kuxigeenka Dekaddaha.Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda Abshir Siciid Saalax, Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabeyl iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Dawladda Puntland. Eng Siciid Maxamed Raage iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag,waxaana ay booqasho ku tageen meesha la doonayo in laga dhiso dekadda taas oo la bilaabay hawsheeda isla markaana waxa uu kulamo la yeeshay khuburada Cadaanka ah ee hawsha wada. Sidoo kale waxa uu si weyn usoo dhaweeyey hawsha baaxada leh ee ka bilaabatay deegaaka Laasqoray gaar ahaana Mashruuca lagu dhisaayo dekadda,deegaanka Laasqoray isla markaana Qurba joogta iyo dadka reer Laaqoray ayuu ku amaanay horumarka ay wadaan. …”"” Aad ayaan ugu faraxsanhay in degmada Laaqoray aan soo gaaro oon deegaa ahaan kasoo Jeedo ,waxaan u imid in aan soo booqdo hawsha cusub ee laga bilaabay laguna qodaayo dekadda Laaqoray runtii waa hawl taariikhi ah oo xil iska saareen dadka deegaanka u dhashay anagu dhankeena wixii aan ku biirin karno ayaan ku daraynaa,waana soo dhaweyneynaa hawsha hadda socota….”"”ayuu yiri Eng Siciid M. Raage. Xubno ka Socda Puntland oo Gaaray degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag [sawirro] Eng Faysal Ahmed Xawar oo ka masuul ah Mashruuca lagu Qodaayo dekadda degmada Laasqoray ayaa isna shaaca ka qaaday in hawsha ay bilaabeen hadda ay ku dhamayn doonaan muddo laba sanno ah isla mar ahaantaana ay tahay in wax lagu farxo in dadka deegaanku ay Isku tashteen aysna habooneyn in Dawlad wax laga sugo. Dhismaha dekadda Laaqoray ayaa la bilaabay bilowgii Sanadkaan,waxaana kaalin mugleh ku leh Qurbajoogta kasoo jeeda deegaanka iyadoona sida la sheegay lagu dhameyn doono muddo laba sanno ah . RBC Radio Xafiiska Boosaaso
  18. Hay’adda Manhal oo mashruuc daweynta Indhaha ah degmada Waaciye ka bilowday [sawiro] Updated:- 40 mins ago| 0 Commnets Hay’adda Manhal ayaa hawlo caafimaad oo daweynta iyo fiiqidda indhaha ah ka bilowaday Isbitaalka degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Ololahan caafimaad oo ah mid dadka si bilaash ah loogu daweynayo waxaa ka faa’iideysan doona in ka badan 600 oo qof. Dr C/risaaq Axmad Ciise Maygaag oo ah madaxa xafiiska wasaaradda caafimaadka ee degmada Waaciye ayaa warbaahinta u sheegay in ololuhu uu bilowday gelinkii danbe ee shalay. Wuxuuna intaas ku daray in ilaa iyo hadda indhaha loo qalay 35 qof , kuwaasoo kala kala yimid degmada Waaciye iyo tuulooyinka hoos taga. DR Maygaag ayaa ugu danbeyntii sheegay in mashruucani uu muddo dhowr beri ah sii socon doono, islamarkaana dhakhaatiirta ka qayb gelayaa ay dhamaantood Soomaali yihiin. Waa markii ugu horaysay ee mashruuc caynkan oo kale ah laga fuliyo Degmada Waciye ee gobolka Karkaar. Horseed Media
  19. Where is king is for this historical day. I want king to be here when the first puntland oil is exported
  20. Madaxa Shirkada Qodeysa Shidaalka Puntland oo Jaliyada Puntland Australia kala qayb galay xaflad, Sheegeyna in shidaalka Dhowaan la dhoofin doono Posted by Pi on June 17th, 2012 Mr. Peter Landau oo ah madaxa shirkada Range Resources ee qaabilsan qodista shidaalka Puntalnd ayaa kusoo booqdey Xaflad ay lahaayeen Jaalliyada Puntland ee magaalada Perth Dalka Australia, wuxuuna uga warbixiyey halka uu marayo shidaalka Puntland, Jaaliyada Puntland ayaa si diiran usoo dhaweysey Peter Landau iyagoo u sheegey inay ku faraxsan yihiin inuu si fool ka fool ah uu war ka xaqiiqda ah uga siiyo halka ay marayaan shaqada ay Shirkadiisu ka wado Puntland , wuxuuna hadalka ku bilaabay.(Sawiradii Xaflada Qoraalka hoostiisa ka daawo) Ugu horeyn waan idiinka mahadcelinayaa soo dhaweynta diiran aan aan halkaan kala kulmey, Shirkada sheerarkeeda sare ayuu u kacay suuqa London, haddaan idiin sheego ma ahayn sababtu meelaha kale ee aan shaqada ka wadno balse Puntland sida loogu hanweyn yahay ayaa sababtay, waxaan idiin cadeynayaa in xilligan la joogo uu shidaal ka buuxo Ceelasha Shabeel 1 iyo Shabeel North kaasoo dhoofintiisu bilaabanayso bisha December ee sanadkaan 2012, hadday sidaasi dhabowdo marka la xaqiijiyo ee (flow test)qulqul tijaabinta lagu sameeyo bisha August ee soo socoto, Ceelasha Nugaal ayaan iyana bilaabaynaa dhowaan. Xagga horumarinta bulshada ku dhaqan degaanada hawshu ka socoto horumarintooda wuxuu qiray inay dhiseen iskuullo, baro caafimaad iyo weliba ceelal ay qodayaan kuwaas oo ay ku baxday lacag ku dhowdhow $500,000 oo doalle. Qorshaha u weyn se waxay ka qaateen gegeida diyaarada garowe oo ay ku bixiyeen $250,000 meesha kan Gegida diyaaradaha Bosaso ay ku bixiyeen $5,000,000 dollar. Jaaliyada Puntland ee Puntland Diaspora Forum (PPDF) of western Australia ayaa iyana xubno kamid ahi ka hadleen Xaflada iyagoo u mahad celiyay shirkada Range Resources, waxaa xubnihii goobta ka hadlay ka mid ahaa Waxaa furitaankii soo dhaweynta qaabilsanaa Maxamed Axmed Cabdisalaam(Sharaxbiin) isagoo ugu horeyn kusoo dhaweeyey Hassan Bayahow oo kamid ah Odoyaasha Puntland ee Autralia Abdihakim Hassan fore oo ka hadlay Puntland Geology Ahmed Abdi Hagi Mire arrimaha faaiidoyinka maalgeshiga iyo waajibka dhowrista bayáda Awil Liban wuxuu ka hadlay dastuurka cusub iyo maalgeshiga Mokhtar Aw Mohamoud Issa mahadcelin iyo suaalo qiimo gal ahna ka soo jeediyay Faahfaahinta xafladaan iyo qofkii daneynayaa inuu helo Video-gii kulanka la xiriir M A Abdisalam (Sharahbiin) +61412113320 email:- sharahbiin@hotmail.com Sawiradii oo dhan hoos ka daawo