Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Photo News: Dhaqashada Geela oo Umada Soomaaliyeed aad qaali ugu ah. Posted by Puntlandi on June 28th, 2012 Garowe(puntlandi.com) Umada Soomaaliyeed waxay caan ku tahay dhashada Xoolaha gaar ahaana Geela oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhimsan wadanka. ( Hoos ka daawo sawirro aad u qurxoon oo farabadan) Umada Soomaaliyeed waxay aad u taqaan dhaqashada xoolaha gaar ahaana Geela oo ay muhiimad gaar ah siiyaan islamarkaana ay ku qiimaystaan ama u isticmaalaan wax ku qaybtanka magaha iyo arrimaha la midka ah. Puntland waxay ka mid tahay meelaha lagu dhaqdo Geela ugu badan ee Soomaaliya, sidoo kalana Caalamka looga dhoofsado. Hadaba Warbaahinta Puntlandi.com waxay idiin soo gudbinaysaa Muuqaalo aad u qorxoon oo aanu idinkaga soo diyaarinay mid ka mid ah xeryaha Geela lagu dhaqo ee reer miyiga gobolka Nugaal oo aanu booqasho ku tagnay. Hoos ka daawo Sawirro aad u farabadan:-
  2. Wafti uu horkacayo Wasiir xigeenka Wasaarada Beeraha Puntland oo kormeer ku tagay Dhulka beeraha ee Puntland soona arkay Xaalada Beerladay ee gobolka Nugaal..(Sawiro). Posted by nbi on June 30th, 2012 Wafti balaaran oo uu horkacayo Wasiir xigeenka wasaarada Beeraha Iyo Waraabka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane, Maxamed Maxamed Sheekh Ibraahim ayaa safar dhowr cisho. qaatay ku tagay deegaano badan oo kamid ah dhulka beeralayda ah ee gobolka Nugaal iyadoona Waftiga Wasiir xigeenka Beeraha iyo Waraabka dawlada Puntland ay tageen meelo badan oo ay kamidyihiin Jibagale,Laacdheere,Shinbiraalay,Jidnugul,Cuun, Timir, Caanayaskax iyo Xamur oo dhamaantood katirsan gobolka Nugaal islamarkaasna ah deegaano siweyn looga hirgaliyey Dhul beereed xoogleh Mudooyinkii u danbeeyeyna Beeraha ku tartamayey. Waftiga Wasiir xigeenka beeraha iyo Waraabka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ujeedadoodu ay ahayd inay soo indha indheeyaan xaalada beerlayda, tan tacabka beeraha, Dhibaatooyinka haysata beeralayda, sida deegaankaas ay uga howlgalaan hay’adaha ama taageeryooyinka ay hay’aduhu siiyaan Iyo arimo kale oo ku saabsan u kuurgalida xaalka dalagyada Beeraha iyadoona Waftigan ay kamid ahaayeen Agaasimaha waaxda beeraha ee Wasaarada Beeraha, madaxa baarista tayada, gudoomiyaha iskaashatada beeralayda gobolka Nugaal iyo xubno kale oo aad u badan kuwaasoo u kuurgalayey xaalada beeralayda ka howlgasha deegaanada uu Wasiirku booqday. Wasiir xigeenka Wasaarada beeraha iyo Waraabka Maxamuud Maxamed Sheekh Ibraahim iyo xubnihii lasocday ayaa intii ay booqashada kujireen soo arkay dhul beereedyo aad u badan oo ka koobnaa qaybaha kaladuwan ee qudaarta gaar ahaana Laydhanaanta, saytuun, barbarooni, Basbaas, Basal, yaanyo, Babaay iyo qaybo kale oo aad u badan oo isugujirta qudaarta noocyadeeda kaladuwan iyadoona ay warbixin ka dhagaysteen beeralaydii ay booqdeen intii ay safarka ku jireen, iyadoona beeralaydii ay booqdeen ay aad ugu farxeen waftiga heerka sare ah ee wasaarada beeraha Puntland ka socda ee booqatay beerahooda islamarkaasna kormeerka shaqo ugu tagtay soona arkaysay xaalka ay kusuganyihiin iyo waxyaabaha baahiyahooda ah. Waftiga ayaa intii ay booqshada ku jireen Waxay dhagaysteen baahiyaha ay qabaan beeralaydii ay booqdeen kuwaasoo ay ugu waawaynaayeen Biyaha oo ku yaraada, dhibaatooyin ka haysta ceelasha, Kanaalada ama wadooyinka biyuhu soo maraan oo aad ugu yar, Boholo kusoo fidaya beerahooda iyo arimo kale kuwaasoo ay wasaaradu sheegtay in wixii karaan keeda ah ay ka qaybqaadan doonto, Dhanka kalena Xubnihii kasocda wasaarada Beeraha ee Puntland ayaa balan qaaday inay wasaaradu si toos ah isku garab taagi doonto Beeralayda gaar ahaana ay ka caawinayso siinta xirfad kororsi ku saabsan beeraha, jeexida kanaalo dheeri ah, Wacyigelin dhanka tacabka beeraha ah iyo waxyaabo badan oo ku saabsan hormarinta beeraha taasoo ay soo dhaweeyeen xubnihii beeralayda ahaa ee waftigu ay booqdeen. Wasiir xigeenka wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland Ayaa Warbaahinta u sheegey in booqashadoodu ay si wanaagsan usoo dhamatay waxaana uu sheegey in tani ay qayb ka tahay barnaamijyo xoogleh oo lagu dhiirigelinayo beeralayda Puntland iyo in lasii siyaadiyo tacabka beeraha ee Puntland, Beeraha Puntland ayaa sii kordhayey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay taasoo timid kadib markii ay beenowday Warar awal la sheegi jiray oo ahaa in Puntland aysan beeraha ku fiicnayn, Deegaanada Puntland ayaa imika u eg kuwo isku filnaan ka gaaray dhanka qudaarta oo awal Koonfurta looga keeni jiray imikase marka laga reebo Mooska, Canbaha iyo Liin-Banbeelmada qaybaha kale ee qudaarta ayaa ka baxa Puntland taasoo tartan xoogleh oo dhanka beeraha ah ka dhalisay Puntland.
  3. Yes moonlight progress is occuring. A dam project for hafun plus road connecting the town to greater Puntland. Eyl-jariban-baargaal will also recieve a new road connecting them with the rest of puntlanders. Galkayo to garowe highway has been repaired now the repair work begins on bosaso to garowe. Golis opened up in Qardho, Parliament is sitting in Garowe, This is all happening while our president is doing siyasi in dubai!!!
  4. Puntland to upgrade Bosaso-Garowe highway June 28, 2012 The Puntland government began repair work Wednesday (June 27th) on the highway between Bosaso and Garowe, UN-funded Radio Bar-Kulan reported. Puntland Highway Authority Director Hassan Osman Ali said that the first phase of repairs will focus on a section of highway between Bosaso and Mermerka, which was badly damaged by recent rains. Later work will improve the remaining stretches of highway. The highway authority previously repaired the Galkayo-Garowe highway, including the road between Jalam and Kalabayr. Ali said that the highway authority also has plans to build roads linking coastal towns to the main highway, Garowe Online reported. "The project, when completed, will finally make coastal towns in Puntland accessible to travellers," he said. The project will build roads to towns such as Bargaal, Hafun, Eyl and Jariban, which have been inaccessible due to virtually non-existent roads.
  5. Hay'ada wadooyinka Puntland oo wadooyin cusub ka bilabaysa deganada fog fog Madaxda ugu saraysa hay'ada wadooyinka Puntland ee PHA ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan mashruuc ballaaran oo wadooyin loogu dhisayo deegaano xeebeedka Baargaal ,Xaafuun ,Eyl iyo Jariiban.oo dhaca Mandaqada Puntland. Gudoomiyaha Hay'ada wadooyinka Puntland .Eng.Xasan Cismaan Cali oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday inay mudooyinkaani danbe bilaabi doonan mashruuc wadooyin loogu samaynayo deegaanada ka fog laamiga,arintaasi oo u ku tilmaamay inay qayb ka tahay dadaalada ay ugu jiraan sidii wadooyin wanaagsan u heli lahaayeen dhul xeebeedka Puntland. Wuxuna isagoo sii hadlayay hadal kiisa ku daray agaasimaha hay'ada wadooyinka ,mashruuci lagu dhisayo afarta wado ee degmooyinka xeebaha kulaala dhaqaalihii ay ku deeqday dowlada maraykanka iyadoona dhaqaalaha loogu soo hagaajiyay Hay'ada DIA oo dalka ka howl gasha,waxaana loogu tallo galay inay lagu kaabo sidii loo horumarin lahaa wadooyinka aada deegaanada laamiga ka fog. Eng.Cismaan sidoo kale waxa uu ka hadlay qorshaha hayadiisa ay ka damacsantahay dayactirka wadada laamiga ah ee magaalooyinka waaweyn isku xirta oo uu cadeeyey in intii tabartooda ah ay hagaajinyaan isagoona ku darey in haatan WFP ay hawlo ka wado qaar kamida wadooyinkaasi. Mashruucan wadooyinka loogu sameynayo deegaan xeebeedyada Puntland ayaa ah mid lagu dhiirigelinayo dadka deegaanka oo ku guuleystey inay iska saaraan kooxihii burcad badeeda ah oo horey deeganadooda u dhigtey fariisinada. Dunidaonline.com Garoowe-Puntland
  6. Biyo xireeno laga hirgelinayo degmada Xaafuun 30 Jun 30, 2012 - 1:42:19 AM GAROWE ONLINE Wafdi ka socda golaha dawladda Puntland ayaa ku sugan degmada Xaafuun ee gobolka Bari waxana halkaas laga bilaabay mashaaariic ay ugu wayntahay harooyin biyo qabatin oo biyaha haynaya lix bilood oo hawshoodu bilaabantay. Wasiir ku xigeenka deegaanka Puntland Burhaan Cilmi Xirsi oo wafdigaas hogaaminaya waraysina siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in mashruucan loogu tala-galay inay ka faa'idaystaan dadka reer guuraga ah,wuxuuna xusay in mashruuca biya xidheenka ahi uu hirgalayo bisha Octobar . Dhinaca kele Burhaan ayaa sheegay inay halkaas ay ka bilaabayaan lacago la siinayo dadka danyarta ah ee ku nool degmada Xafuun iyo deegaanada hoostaga,waxaana dadka la siinayo soo xulaya guddiga iyo odayaasha magaalada. Halkan ka dhageyso Burhaan oo u waramaya Cabdiqani Irbad http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Biyo_xireeno_laga_hirgelinayo_degmada_Xaafuun.shtml
  7. ''Kulan iyaga u gaar buu ahaa Somalina dan uguma jirto'' 29 Jun 29, 2012 - 5:38:42 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku tilmaamey kulankii Shariif iyo Siilaanyo mid u gaar ah labada madaxweyne islamarkaasina aan dan ugu jirin Somalia. Kadib shirkii Burcad badeedka ee Dubai ka dhacey ayaa Shariif iyo Siilaanyo waxay ku kulmeen qol kamida hotelkii shirka lagu qabanayey,waxana ay soo saareen qodobo la sheegey in labada dhinaci ku heshiiyeen. Dr.Cabdiraxman Maxamed oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da Somaliga ayaa kulanka ku tilmaamey mid labada dhinaci danahooda isku raadsanayaan. ‘’Shiikh Shariif sidaad ka warhaysaan waxa uu ku jiraa olole doorasho ,waxaan u maleynayaa Doorasho ayuu doonayaa Shiikh Shariif ,Siilaanyona ictiraaf buu doonayaa mana aqaan Siilaanyo waxa uu u tarayo Shariif’’ ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole. Madaxweynuhu waxa uu sheegey in Somaliland shirka qodobadii ka soo baxay ay qayb ka tahay Somalia maamulada ka jira sida Puntland iyo Galmudug,waxana laga dareemayaa hadalkaasi in meesha ay ka baxdey gooni goosadkii ay u hanqaltaagayeen gobolada Waqooyi ee dalka. Horey ayuu u sheegey madaxweynaha Puntland in wadahadal kasta oo aysan qayb ka ahayn dhexmarana DF iyo Somaliland uu noqonayo waxba kama jiraan islamarkaasina horey u qaadaceen shirkii London oo ergo labada dhinac ka socota ku kulmeen todobaadki hore. Halkan ka dhageyso wareysiga madaxweynaha Puntland ee BBC-da http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_ka_hadlay_kulankii_Shariif_Siilaanyo.shtml
  8. Qardho: Dhisme lagu daray xarunta shirkadda Golis oo maanta xarigga laga jaray [sawiro] Updated:- 24 hours ago| 2 Commnets Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo isugu jirtay daah-furka dhisme cusub oo lagu biiriyey xarunta Golis iyo soo dhawaynta macaamiisha ayaa lagu qabtay magaalada Qardho. Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan shirkadda Golis oo uu hogaaminayey Mudane C/casiis Guureeye Kaarshe oo ah gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis iyo maareeyaha guud ee shirkadda Cali Xaaji Warsame. Sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xaflada madax ka socotey dowladda Puntland, kuwaasoo uu hormuud u ahaa wasiiru dowlaha sharciyada Jeneral Yuusuf Axmed kheyr. Waxaa kale oo madasha ka soo qayb galay madax kale oo shirkadda Golis ka socotey sida: gudoomiye ku-xigeenka gudiga sare ee shirkadda Luqmaan Xaaji Maxamuud iyo maareeyihii hore ee shirkadda Golis Aadam sheekhdoon Cali iyo madax kale oo ay ka mid yihiin hogaammada shirkadda Golis Telecom Somalia. Ugu horayntii ayaa xaflada waxaa ka hadlay Axmed Cawaale oo ah maamulaha shirkadda Golis ee Qardho, wuxuuna sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha xarunta lagu daray soo maray, isagoo sheegay in dhismahani uu yahay mid ay shirkaddu in badan ku hawlanayd in ay dhisto si loogu adeego bulshada reer karkaar. Kalmada maamulaha Qardho ka dib, ayaa xaflada waxaa ka hadlay Cali Xaaji Warsame maareeyaha guud ee shirkadda Golis,maareeyaha ayaa sheegay in shirkadda Golis had iyo jeer ay u taagan tahay raali gelinta macaamiisha. Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha cusub ay shirkadu ka dhistay magaalada uu ka qayb qaadan doono kor-u-qaadida bilicda magaalada Qardho. Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mudane/Cabdi Casiis Guureye Kaarshe gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis. Guureeye ayaa sheegay in shirkaddu ay iska leeyihiin bulsho weynta Puntland. Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay madax ka tirsan shirkadda, dowladda, odayaal-dhaqameedka, iyo aqoonyahano ka soo qayb galay xaflada daahfurka guriga. Ugu danbeyntii waxaa la qaybiyey hadiyado ayaa nasiib u heleen qaar ka tirsan ka soo qayb galayaasha xaflada,waxaana sidoo kale dhamaan ka soo qayb galayaasha Telefoonadooda loogu shubey lacag dhan 5 Dollar oo ku hadal ah. Horseed Media
  9. Somalia, Garowe is looking fine as hell. It was only a side view. It would look awesome from up-front shots
  10. Mursal will win easily. Egypt has past the pan-arabism of Nasser and are more conservative islam. It's unfortunately bad timing for the opposition not only is he the face of the mubarak camp but the society in general has radically changed. It's definitely a walk in the park for mursal
  11. Ansixinta xeerka ururada siyaasada Puntland 24 Jun 24, 2012 - 2:35:10 AM GAROWE ONLINE Baarlamaanka Puntland ayaa maanta 24 June,2012 ansixiyey xeer lagu aqoonsanyo Ururada iyo tageerayaasha looga baahan yahay uruur kasta,taasoo laga dhigay in Ururku Gobol kasta uu ka helo Shan boqol oo qof oo tageerayaal ah.waxaana ansixiyey arintan 37-xildhibaan,halka tirada kelena ay u kala codeyeen in laga dhigo kun qof iyo saddex boqol. Xeerkan maanta ka ansixiyey Ururada iyo taageerayaasha ay gobol kasta ka helayaan,waxaa u dhabada u xaaraya inay Puntland cagta saarto wadadii dimuqraadiyada,madaama geedi loogu jiro nidaamka axsaabta badan oo dalka u horseedaya doorashooyin madax banaan. Ururadu samaysamaya,hawsha u taala waxay tahay inuu sideeda gobol ee Puntland uu ka helo 500,oo qof oo taageero ah.taasoo loogu aqoonsanyo Urur,hadduu taas ku guul daraysto uma gudbayo doorashada golaha deegaanka oo saddexda urur ee ugu sareeyaa aya noqon doonaan saddexda xisbi Puntland una carari doona doorashada baarlamaaniga ah iyo tan madaxtooyada. Halkan ka dhageyso gudoomiyaha Barlamanka oo ku dhawaaqaya natiijada http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ansixinta_xeerka_ururada_siyaasada_Puntland.shtml
  12. I think this will pose a good question to all people. What is your favourite city outside of your clan cities. Responses must identify each one listed below; I think my favourite city outside of my clan areas would definitely be Jowhar. I say this because I love how the town is just all farms and rivers, it reminds me of China rice farms for some odd reasons. I also like Erigavo and Beletweyn. I don't like mogadishu and that is because I seen how good it used to be and nothing today over there has come close to that. Hargeisa is an ok city but looks like like a residential not commercial city. Berbera, Burco, All Galguduud, galmudug look fugly. So outside my clan areas Jowhar and Erigavo is who I give the green-light too!!!
  13. Guryasamo has been around way before any real-estate company.
  14. Not bad if you ask me. So far we have four known construction companies who's portfolia we have seen. Mubarakonline www.mubarakonline.com/ Juba Construction Global http://globalcontco.com/index.htm I hope the others follow the same lead and produce they're portfolia to the public, especially the big ones who are multi million dollar companies like; 1. Jibcom 2. Hilaac 3. Al Baasid 4. Al Najax. 5. http://daldhisgroup.com/ I want to see the above list produce they're portfolios because I know they are as big as mubarak construction according to a study I read. I know they're are heaps of other construction companies out there like; 1. Siyad Construction Company 2. Ayaanle 3. IPECO Construction Company 4. Mumin Construction Company 5. Hodan Construction Company 6. Al-Bashid Construction Company 7. El-Gar Construction Compan 8. Badowle Construction Company 9. Geomatec Company 10. Hormuud Construction Company 11. Puntland Construction Company 12. Samaaley Construction Company 13. Gedeste Construction Company Those are the constructions I do know that operate in Puntland, I want to see some more portfolio presence from the above organisations and an internet presence.
  15. http://www.guryasamarealestate.com/ That's one of Puntland's real-estate agents if you want to buy a home in the great state!!!
  16. Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay Xeerka lagu dhaqi doono xisbiyada Puntland[Dhagayso] June 24, 2012 // Warar Somaali Mudaneyaasha Baarlamaanka Puntland oo Kalfadhiga 28-aad uga socdo xaruntooda magaalada Garoowe ayaa maanta markii u horeysay dood ka yeeshay Xeerka Xisbiyadda Siyaasadeed oo ay soo gudbiyeen Guddiga doorashada Puntland. Waxaa shir gudoominayay Kalfadhiga Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka iyadoo ay kasoo qaybgaleen inka badan 40-mudane,waxaana sidoo kale hor yimid Baarlamaanka Gudoomiyaha Guddiga doorashada Dr.Maxamed Xassan Barre (Shimbir-laaye) iyo xubnaha kale ee guddiga. Xeerka laga doodayay ayaa lasoo gaarsiiyey Mudaneyaasha maalintii khamiista ee lasoo dhaafay iyadoo la siiyey fursad ay kusoo akhristaan kadibna wax la iska waydiiyo. Xeerkaan ayaa wuxuu ahaa mid hore Xukuumadda Puntland loogu ceshay kadibna ay Dowladda hadda soo celisay iyadoo ay la socon codka loo yaqaano Vitowga (Veto) ay ku diiday,waxaana Guddiga doorashada wax laga waydiiyey sida ay ku dhacday taas iyadoo ay dhalisay muran iyo buuq badan. Dood iyo muran badan kadib waxaa Golaha Wakiilada yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi oo aan markii hore soo xaadirin saaka,waxaana markii dambe la isku afgartay in laga doodo qodobada kale ee uu xambaarsan yahay Xeerka taas oo ay mudaneyaasha si kale uga doodeen kadibna uu si rasmi ah u saxiixay Gudoomiyaha Baarlamaanka. Qodobada ugu xasaasiga badnaa ay ka doodeen mudaneyaasha oo ku jira xeerkaan isla markaana keenay buuqa badan ayaa ahaa in 5-kamid ah sideeda gobol ee Puntland laga furo Xisbiyadda Siyaasadeed,waxaana Xildhibaanada badankood muran ka keeneen qodobkaas iyagoo sheegay in loo baahan yahay dhamaan gobolada laga wada furo. In 5-gobol keliya laga furo Xisbiyo Siyaasadeed ayaa micnaheedu ka dhigan tahay in gobolada Karkaar,Haylaan iyo Cayn aan wax xisbi ah laga furan karin,taasna ay kasoo horjeesteen mudaneyaal badan oo soo jeediyey in gobolada wada siman yihiin. Dooda ku saabsan Xeerkaan ayaa maanta natiijo la’aan kusoo idlaaday,waxaana Gudoonka Baarlamaanka oo soo xiray Kalfadhiga sheegay in maalinta berri uu halkiisa kasii socon doono. Dhagayso Dooda Baarlamaanku ka yeesheen xeerka xisbiyada Puntland http://puntlandnews24.com/baarlamaanka-puntland-oo-dood-kulul-ka-yeeshay-xeerka-lagu-dhaqi-doono-xisbiyada-puntlanddhagayso/
  17. This thread is about the under-reported towns who are experiencing development in Puntland. I know that I have overlooked so many that I have come across but today I think it is only fair to show love. It is quite amazing but most cities and towns in Puntland are developing
  18. Xaji u didnt even watch it, because I just finished watching it now. My god if garowe is like that today, I can't wait till the media black out on galkayo is over!!!
  19. This is why I love Puntland. All our major cities are gorgeous
  20. Dhaqdhaqaaq ganacsi oo siweyn looga dareemayo dekedda magaalada Boosaaso June 23, 2012 // Warar Somaali Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan, waxaa dekedda xiligaan kusoo xirtay maraakiib iyo doonyo tirro badan oo ay ku raranyihiin bagaash,raashiin iyo shidaal. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee laga daraameyo xilligaan dekedda ayaa la rumaysanyahay inuu yahay kii ugu xoogga badnaa ee in muddo ah laga dareemo gudaha dekedda. Wasiir kuxigeenka dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Abshir Saciid Saalax ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiskiisa Boosaaso mashquulka xiligaan ugu wayn ee ka jira dekedda Boosaaso inuu ugu wacanyahay gaadiid badeed kusii jeeday dekedda magaalada Muqdisho oo kusoo xirtay marsadda Boosaaso, kadib markii ay xirantay badda Indiya. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay inay socoto qorshe lagu baneenayo dhismayaasha iyo goobaha kale ee ku dhow dekedda magaalada Boosaaso,iyadoona dekedda markii ugu horaysay laga hirgaliyay qalab lagu baaro aaladaha ay dadku wataan taasi oo qayb ka ah sugidda amaanka marsadda Boosaaso. PuntlandNews24 Xafiiska Wararka Boosaso.
  21. Dekeda Bossaso oo la horumarinayo 23 Jun 23, 2012 - 6:55:29 AM GAROWE ONLINE Dekedda magaalada Bossaso ayaa lagu soo kordhiyey adeegyo cusub oo ka qayb-qaadanaysa shaqada Dekedda,waxaana xilligan laga hirgeliyey Saddex Albaab oo loo kala asteeyey Xoolaha,Gadiidka &Dadka iyadoona fududaynaysa shaqada habsami u socodkeeda maadama markii hore intuba hal meel oo qura ka wada geli jireen. Agaasimaha Dekedda Bossaso Cabdi Najiib Samatar Maxamed oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in Dekedda horumarinteedu ay bilaabantay 2011,wuxuuna xusay in hawlahan wasaaradda Dekedahu ay la kaashanayso wasaarado ay ka mid tahay Xanaanada Xoolaha iyo haya'da IOM. Dhinaca kele agaasimaha ayaa sheegay in mashaariic kele Dekeda lagu wado,waxaana ka mid ah qalab casriya oo dab damisa. Dhanka balaadhinta dekedda ayuu agaasimu sheegay in wax weyn laga qabtay welina ay socoto,waxaana ka mid in badda laga soo saaray dhamaan Atamyadii ku jiray iyo waxyaabihii ku qubtay,waxaa keloo la dheereyey moolka Dekedda,waxyaabah difaaca Dekeda darbigiida ayaa iyana la adkeey wxaana lagu xiray Goome ama tayuub. Xilligii Dekeda la sameeyey ayaa ugu danbaysay adeegyada lagu kordhiyey,iyadoo 2011 ilaa xilligan 19 mashruuc oo lagu horumarinayo ayaa laga fuliyey Dekedda Bossaso oo ah Isha Dhaqaalaha ugu badani ka soo galo Puntland. Halkan ka dhageyso maamulaha Dekeda Bosasso oo u waramaya Irbad http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dekeda_Bossaso_oo_la_horumarinayo.shtml
  22. Daladda ganacsatada kaluunka Puntland oo xafiis Boosaaso ka furtay [sawiro] Updated:- 4 hours ago| 0 Commnets Dalladda ganacsatada kaluumaysiga ee Puntland ayaa markii ugu horeysey xafiis ka furtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dalladan oo ay dhowaan dhistay rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntaland waxay xafiiskooda ka furteen gudaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha ee gobolka Bari. Munaasabadii xafiiskan xarigga looga jarayey waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ay kamid ahaayeen wasiir ku-xigeenka amniga Cabdi Xareed, Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Yuusuf Muumin, Gudoomiye ku-xigeenka Rugta Maxamed Caydiid Jaamac iyo xoghayaha guud ee Rugta Axmed Ciise Maxamuud (Fayte). Waxaana ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha dallada kaluumaysiga Cali Mire Xuseen isagoo sheegay in xafiiskani uu yahay mid u furan dhamaan ganacstada kaluunka. Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka xafiiskan uu si aad ah usoo dhoweynayo. Wuxuuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in ganacsatadu ay midoobaan, rugta ganacsigana ay ka go’an tahay inay ku dadaasho sidii ay ganacsiga u horumarin lahayd. Xafiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland, waxayna daladda ganacsatada kaluunku qayb ka tahay dalado dhowr ah oo ay rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland dhistay. Horseed Media
  23. http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2012/06/PL-Resp-TFG-SL-Talks.pdf
  24. Nairobi: Gudoomiyaha rugta ganacsiga PL oo la kulmay danjiraha Iran ee Soomaaliya Updated:- 6 hours ago| 2 Commnets magalada Nairobi ee dalka kenya Waxaa matany Kula kulamay Safiirka Dalka iran ee Soomaliya Mr Malek Hussein Givzad, Gudoomayaha Rugta Ganacsiga & warshadaha Puntland Mudane maxamuud Xayir Ibrahim. Gudoomiyaha yaa kala hadaly Danjirah cusub ee daka Iran u fadhiya Magalada mogadushu sidii xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Iran la isugu furi lahaa, madama ay jirana fursado Ganacsi oo labada dhec ka wada faaiidaysan karaan. Danjiyre Malek Hussein ayaa balan qaday dhankiisa in fursadaan ay ka faaiidaysandoon kuna dhiiri gelin doonaan ganacstada reer iran sidii ay xiriir ganacsi ula yeelan lahayeen Puntland. Dhanka kale Waxaa danjiruhu ka dhawaajiyey in dhowaan ganacsto reer Iran ah ay sahmin doonaan Ganacsiga iyo fursadaha Maalgashiga ee Puntland. Ugu danbeeyntii Gudoomiyaha rugta gancsiga Puntlandd ayaa soo dhoweyey Dadaalada uu wado Danjiraha cusub ee dalka iran sidoo kale dhankisa balan qaday in fursadaan ay ganacstada reer Puntland ka faaidaysan doonaa. Horseed Media