Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Farah you will be brought brought on trial to answer for your hate of puntland at parliament
  2. Farah its just the seating, when its all decked out it will be best the parliament in the nation. I don't know they might be waiting for the hisbis to start so then they can determine how many seating is required. Who knows but the seating will go and Puntland will march on
  3. (Sawirro) Warshad Biyaha sifaysa oo maanta Gaalkacyo laga furay. Posted by Puntlandi on July 2nd, 2012 Gaalkacyo(puntlandi.com):- Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa maanta waxaa laga furay Warshad biyaha sifaysa oo soo saari doonta biyaha sifaysan ee caagadaha yar yar ku jira. Warshadan cusub oo ku soo biirtay warshada Sifaynta biyaha dalka ee horay loo hirgaliyay ayaa waxaa furtay ganacsato iyo xubno ka mid ah qurbajooga Puntland oo ku nool Austaralia waxaana shirkadani loogu magacdaray ama loo bixiyay DHUUX. Xafladii xariga looga jarayay Warshadan cusubee biyaha waxaa goobjoog ka aha Maamulka gobolka Mudug sida guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare, Amiir Maxamud Yuusuf Ciise oo ka mid ah Isimada Puntland, Waxgaradka xubno ka mid ah, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada, waxayna xubnahani ka jeediyeen khudbado kookooban oo ay ku cabirayaan baahida loo qabay warshadan iyo qaybta ay ka qaadan karto horumarka gobolka Mudug. Qaar ka mida hawl wadeenada Warshada Dhuux ayaa sheegay inay ku tala jiraan inay bulshada Soomaaliyeed ka kaafiyaan biyaha caagadaha yaryar ku jira ee sifaysan ayna ugu tala galeen hormarinta dhinaca ganacsiga. Gudoomiyaha Mudug Max’ed yuusuf jaamac (Tigey) oo xariga ka jaray Warshada cusub ee biyaha sifaysan ee Dhuux ayaa hadal kooban oo uu ku aaday xariga jarka warshada waxaa uu ganacsatada iyo qurba joogta ugu baaqay inay maal gashi ku sameeyaan wuxuuna amaanay qurba joogta Gaalkacyo ku soo kordhiyay biyo sifaysan isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaraan dadaalkaasi oo uu ku sheegay mid ay dan weyn ugu jirto bulshada qaybaheeda kala duwan oo hada biyaha sifaysan ee caagadaha looga keeno meel ka fog Gaalkacyo. Amiir max’ud yuusuf ciise oo ka mida Isimada Puntland kana qayb galay munaasabada xariga looga jaray warshada biyaha ee Dhuux ayaa qurba joogta si weyn ugu booriyay inay ku daydaan ragga hada maal gashiga ku bilaabay gudaha waxaana uu tilmaamay Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntlandba inay yihiin meel amaan oo ganacsi iyo maal gashi lagu samayn karo. Waxaa iyaguna hadalo kooban jeediyay qaar ka mid ah Ganacsatada gobolka oo tilmaamay in loo baahan yahay in wadanka la maalgashto si looga wada qayb qaato horumarka wadanka. Inkastoo ay horay gobolka Mudug uga jireen Warshado Sifeeya biyaha sida Warshada Sifaynta Biyaha ee SIXA, SAXARLA iyo LIIBAAN hadana waxay tani noqonaysaa Warshadii ugu horaysay ee Gaalkacyo ka soo saarta Caagadaha yaryar ee ay ku jiraan biyaha Sifaysan maadaama shirkada kale ay qaabab kale biyaha u iibiyaan, wuxuuna arrinkani ka mid yahay dadaalada dhiiran ee Ganacsatada iyo Qurbajoogta Puntland ay ku maalgashanayaan wadanka. Daawo Sawirrada:-
  4. What happened to this community initiative? This is really required. Because Galkayo needs a specialist hospital like Manhal but it also needs another hospital to take the load of GMC Hospital. I am still awaiting the opening of this project.
  5. What is occuring is multiple projects in Hafun. Road-Dam-Irrigation systems. I know that is hard for you backward savages to understand that a town can recieve multiple progress injections because you don't have it
  6. XAAFUUN : Mashaariic laga hirgalinayo Xaafuun June 30, 2012 12:00 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Xaafuun:-Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxey sheegeen in ay Mashaariic wax ku ool ah oo ay ka faa’iideysanaan dadka deegaanka ay halkaasi ka fulinayaan. Wasiirkuxigenka Beeraha Puntland Burhaan Cilmi ayaa waxa uu sheegey in ay in ay biyo xireeno ka sameynayaan si buslhada deegaanku ay uga faai’deysato. Waxaa kaloo uu sheegey in mashaariic kale oo dhaqaale lagu siinayo dadka aan awoodin ay ka shaqeen badda xili kasta ay ka hirgalinayaan. Burhaan, waxa uu tilmaamey in Puntland ay dooneyso in la sameeyo mashaariic macno leh oo wax tara Ummadda Puntland. Xaafuun, ayaa ah bariga fog ee Puntland, waxeyna caan ku tahay dhibaatadii Tsunami ee ku dhufatey deegaankaasi. Puntlandpost.com
  7. So Far we have 3 candidates running for Somalia Presidential Elections. 1. Ali Abdi Aware 2. Muse Ali Jamac 3. Hussein Khalif Haji Jamac. All of whom are strong candidates. But this guy Ina Khalif has local government support. From The Biggest Islan in Nugaal, The Governor and other prominent locals. My bet is on him for now, because he is a serious candidate coming out of Puntland!!!
  8. (Sawirro) Musharax Xuseen Khaliif Xaaji Jamac oo booqasho ku maraya deegaanada Puntland. Posted by Puntlandi on June 30th, 2012 Garowe(puntlandi.com) Musharax Xuseen Khaliif Xaaji oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa xilka madextinimo ee dalka Soomaaliya ayaa booqasho ku maraya deegaanada Puntlnad. Musharaxa oo booqashadiisan Puntland ay uga soo bilaabatay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ay horkacayaan Madexda gobolka Mudug iyo kuwa degmada Gaalkacyo, kulama kadibna ay u soo galibiyeen gobolka Nugaal iyo Caasimadiisa Garowe. Duleedka magaalada Garowe ee caasimada Puntland meel basaafo badan jirta waxaa wafdiga Musharax Xuseen Khaliif Xaaji uga hortagay dadweyne aad u farabadan oo iyaguna ay horkcayaan Madexda gobolka Nugaal, kuwa magaalada Garowe, Saraakiisha Ciidamada iyo xubno ka mid ah Madexda sare ee dawlada Puntland halkaas oo uu Musharaxu ku gacan qaaday dhamaan Madexdii dawlada iyo qayb badan oo ka mid ah dadweynaha soo dhaweynayay. Intii uu Musharaxu ku soo jiray safarkiisa dhinca Dhulka ah ee uu ka soo bilaabay magaalada Gaalkacyo wuxuu soo maray degmooyin iyo Tuulooyin farabadan oo u dhaxeeya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe kuwaas oo uu kula hadlay dadweyne farabadan iyo Madexdoodii oo ku soo dhaweeyay. Musharax Xuseen Khaliif Xaaji Jamac iyo wafdigiisu markii ay soo gaareen gudaha magaalada Garowe ee Caasimada Puntland wuxuu kulan Casho sharaf ah la qaatay Qaybaha kala duwan ee bulshada Bulshada Puntland, Madexda dawlada iyo qaar ka mid ah Isimada iyo Nabadoonada Puntland. Kulankan Casho sharafta ah oo ay ka hadleen xubno farabadan ayaa musharaxu wuxuu ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan islamarkaana uu ku cabiray waxqabadka uu doonayo in uu muujiyo hadii loo doorto xilka Madexweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana ka miq ahaa qodobada uu sida weyn uga hadlay musharaxu Joogtaynta Xiriirka iyo iskaashiga bulshada soomaaliyeed ee mudada kala maqnayd, Xoojinta Nabadgelyadda Guud ahaan Dalka soomaaliya, Dibu dajin iyo dibu heshiisiin waarta wadanka oo idil, Horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan dalka , Soo noolaynta xiriirkii ay soomaaliya Caalamka kale la lahayd, Joojinta iyo ka hortaga Burcadbadeeda iyo Argagixisada, Dhismaha Maamul Tayo leh oo ku salaysan Nidaamka Federalka ee soomaaliya, Kobcinta iyo dardargelinta dhaqaalaha dalka, Dhimista fakhriga iyo yaraynta shaqo la,aanta ka jirta gudaha wadanka Soomaaliya iyo Dardargelinta Mashariicda Horumarineed ee laga hirgaliyo guud ahaan gobollada wadanka soomaaliyeed wuxuuna musharaxu ka dhawaajiyay in uu wax badan ka badeli karo xaalada wadanka Soomaaliya uu hada ku jiro islamarkaana uu u horseedi karo Nidaam kala dambayn iyo horumarba leh. Kulankan waxaa sidoo kale ka hadlay xubno farabadan oo ka mid ah masuuliyiintii kulankan ka soo qayb gashay. Cabdi Xirsi Cali oo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa qaatay hadalka waxaana uu uu sheegay in loo bahanyahay in la helo Hogaamiye wanaagsan oo ka saari kara dalka marxaladda alafsan ee uu mudada dheer kusoo jiray si taa loo helana waxaa ay ku xiratahay sidii ummadu u xulan lahayd baarlamaan tayo leh dabadeedna doorat Madaxweyne hogaamin wacan. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa saladiintii soo ajiibtay kulanka ayaa isna xusay in ay si weyn usoo dhaweynayaan Musharax Xuseen Khaliif Xaaji ka isimo ahaan. Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiiladda puntland Xuseen Yaasiin ayaa ku booriyey shacabka soomaaliyeen in lasoo dhaweyo musharax oo ah nin dhalinyaro ah kuna fakarayo mansab siyaadeed oo soomaaliya lagu hogaaminayo,waxaana uu gudoomiyuhu shaaca ka qaaday in ay puntland soo dhaweynayso aragtida saliimka ah ee musharax Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac. Dhanka kale waxaa iyaguna Kulankan ka xubno kale oo ka koobnaa Siyaasiyiin, Ururada bulshada rayidka ah, Odayasha dhaqanka iyo Aqoonyahano fabadan dhamaantood rajo wanaagsan ka muujiyay isbadelka Soomaaliya hadii qof aqoon leh loo doorto, musharaxanna ku guubaabiyay hamigiisa siyaasadeed islamarkaana u cadeeyay in ay ku taageersan yihiin in uu noqdo Madexweynaha Soomaaliya doorashada kadib. Musharax Xuseen Khaliif Xaaji oo habeenimadii xalay ahayd isaga iyo wafdigiisu ay seexdeen degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa la filayaa in uu socdaal ku maro dhamaan gobollada Puntland sidoo kalana uu kulamo la qaato Madexda ugu saraysa dawlada Puntaland iyo shacabka qaybihiisa kala duwan si uu ugu cabiro hamigiisa siyaasadeed una tuso waxqabadka uu dalka Soomaaliya la maagan yahay hadii uu xilka Madexweynaha ku guulaysto. www.puntlandi.com Daawo Sawirrada:-
  9. This one is for Puntland And this one is for her enemies
  10. Boosaaso: Daawo muuqaalka Biyo-kulule ee maalinta Jimcaha [sawiro] Updated:- 8 days ago| 13 Commnets Deegaanka Biyo kulule oo magaalada Boosaaso dhinaca bariga qiyaastii dhowr iyo toban KM kaga beegan wuxuu qayb ka yahay goobaha loo dalxiiska tago ee ku yaal Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Biyo kulule oo asaaskiisa laga joogo muddo 2 qarni ku dhow xiligaas oo ahayd 1835-tii waxay caan ku tahay sida magaceedaba laga dheehan karo il ay biyo kululi kasoo burqadaan. Biyahaas oo ay in badan oo dadka kamid ahi aaminsan yihiin inay caafimaadka u wanaagsan yihiin ayaa waxaa maalin walba u damaashaad taga boqolaal qof oo qurbe joog, dhalinyaro iyo dad waayeel ah u badan. Horseed Media oo ah warbaahin jecel in bahda ku xiran ay mar walba usoo gudbiso quruxda iyo horumarka guud ee dalka, waxay maanta oo jimce ah halkan ugu soo bandhigaysaa muuqaalo muujinaya bilicda deegaan dalxiiseedka qadiimiga ah ee Biyo kulule. Mohamed Salat Horseed Media Bosaso
  11. Sawirka maanta: Ma dhab baa waqooyi bari Soomaaliya waa saxare? Updated:- 24 hours ago| 13 Commnets Gobolada waqooyi bari ee dalka Soomaaliya oo ah dhul juqraafi ahaan Saxare u eke ah, waxay hadana caan ku yihiin dhul daaqsimeed xiliyada barwaaqada aad u qurxoon iyo dooxooyin ay suurtagal tahay in inbadan oo dadka kamid ahi aysan rumeysan in sida sawirkan hoose ka muuqata ay u eg yihiin. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: suurtagal ma tahay in marka laga yimaado xiliga barwaaqada uu dhulku sidan oo kale sii ahaado? hadiise ay suurtagal tahay sidee looga dhigi karaa? Goobta sawirkan laga qaaday iyo faaladiisuba waa dhanka akhristayaasha.
  12. Good to see the irrigation project has reached isku-shuban
  13. Daawo muuqaalka beeraha degmada Isku-shuban ee gobolka Bari [sawiro] Updated:- 14 hours ago| 11 Commnets Muuqaaladani waa kuwo muujinaya bilicda degmada Isku-shuban oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimsan gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Isku-shuban waxay caan ku tahay tog dur dur ah oo abaar iyo doogba aan gurin iyo beero waaweyn oo ay ka baxaan dhamaan noocayada kala duwan ee khudaarta. Mohamed Salat Horseed Media