Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. GAROOWE : Kooxda Horseed oo ku tumatey Kooxda Dawladda Hoose July 10, 2012 4:22 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Iyada oo uu socdo horyaalka Kubadda Koleyga ee Puntland ayaa maanta waxaa wadaca cayaarey labada Kooxood ee Horseed iyo Dawladda Hoose waxaana Kooxda Horseed ugu awood sheegetey 61 dhibcood Kooxda Dawlada Hoose oo keentey 41 dhibcood. Ciyaartan oo ahayd mid ka dagan kana farsamo sareysey Ciyaartii shaley dhexmertey Kooxaha Rugsan iyo Nation, ayaa waxay ahayd mid xammaadsadeysan iyada oo garoonka ay soo camireen taageerayaal kala taageerayay Kooxahan. Tartankan ayaa ah mid is arag ah oo muddo socon doona, waxaana Kooxda gasha Kaalinta kowaad ee dhanka dhibca tiriska ay ku guuleysan doonto Koobka Horyaalka ee Puntland. Halka ka daalacyo Ciyaartii sheley dhexmertey Kooxaha Rugsan iyo Nation Waa markii ugu horeysey ee tartan Kubadda Koleyga lagu qabto Puntland, waxaana la filayaa in Koobkan uu hormuud u noqdo kor u qaadida Kubadda Koleyga ee Puntland sida uu sheegey Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga ee Puntland Mr. Burci. Puntlandpost.com
  2. Gaalkacyo : Shirkadda Maanshiil oo ka mida Xarumaha Ganacsi ee Gaarka looleyahay ayaa shaaca ka qaaday in ay Mashariic Horumarineed ka bilabayaan Puntland (Sawirro ). 10 Juli 2012 Gaalkacyo (APL ) : Shirkada dhismaha iyo qandaraasyada ee Maanshiil oo xarumo ku leh deegaanada Puntland soo bandhigtay waxqbadkeeda iyo qorshayaasha ay ku damacsan tahay inay kaga qayb qaadato horumarinta iyo bilicda Magaalada Gaalkacyo. Madaxda shirkadaan maxaliga ah ayaa goob fagaare ah kulan ay ku qabteen kusoo bandhigay barnaamijyadda iyo adeegyadda ay u hayso guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwa gaalkacyo madaama xarunteeda weyn ay tahay magaaladda Gaalkacyo ,waxaana bandhigay Document isugu jira sawiro iyo muuqaalo ka tarjumaya qorshayaal hormarineed oo ay ku tala jirto shirkadu mustaqbalka dhaw iyo kan fog,waxaana munasabadda kazoo qaybgalay maamulka Gobolka,ka degmadda,Ganacsatada iyo daweynaha magaaladda Gaalkacyo. Eng,Maxamuud C/salaam Axmed (Wanaagsane ) oo ah maamulaha shirkadda ayaa jeediyey hadalka waxaana uu sheegay in shirkadu bulshada adeegyo badan u hayso iyadoo ku howlan sidii ay uga caawin lahayd barnaamijyadda ay ka midyihiin dhismayaasha oo loo dhibrinayo ummadda Gaalkacyo iyo guud ahaan shacabka Puntland,waxaa uu ku celceliyey maamuluhu in ay in ay u tagantahay shirkadaan ka qaybgalka Horumarinta Magaaladda iyo fulinta dhismayaal bilaya magaaladda . Eng,Maxamuud waxaa uu sheegay in ay diyaarinayso shirkadu sidii ay uga qaybgali lahayd mashariicda lagu dayactirayo dhismayaasha Muhiimka ah ee Gobolka Mudug sida Isbitalada,Iskuuladda ,Wadooyinka iyo buundooyinka Burburay iyo Saldhigyadda oo dhamaantood ah xarumo loogu adeego bulshada soomaaliyeed. Duqa Magaaladda Gaalkacyo Siciid Cabdi faarax ayaa amaan iyo bogaan u soo jeediyay shaqaalaha iyo Maamulka Maanshiil isagoo ku booriyay inay ficil u badalaan waxqabadka dhinaca muuqaalka ah ee ay ku soo bandhigeen munaasabada waxaana uu balan qaaday inay ka maamul ahaan la shaqayn doonaan Maanshiil ayna garab istaagi doonaa madaama ay ka midyihiin ganacsatada fara ku tiriska ah ee u helan tabagelinta barnaamijyada lagu kobcinayo kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka Puntland iyadoo ay shacabka ku celinayaan dhaqaalaha ay shirkadu ka hesho howlaha ganacsi ee ay ka wado dalka. Duqu waxaa uu ganacsatada ugu baqay in ay u istagaan sidii la isaga kashan lahaa dowlad iyo shacab horumarinta deegaanka loona tabagelin lahaa mashariic iskaa wax u qabso ah ee ka hirgasha gudaha magaalada gaalkacyo si ay ugu daydaan dadweynaha kale ee Puntland.. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ( Tigey ) oo soo afmeeray kulanka ayaa in ay ahmiyada gaara u leedahay arintan Gobolka loona bahanyahay in la xoojiyo sidii ay ganacsatadu uga qaybgali lahayd horumarka magaaladda iyo Gobolkaba. Gudooiye Tigay ayaa ganacsatada ugu yeeray in ay dalka maalgelin ku smaystaan si dad badan shaqo uga helaan iyana ay uga faaiidaystaan waxyaalaha ay ka ganacsanayaan “ Waa muhiim in la dhiirigeliyo ganacsatada gudaha si looga dhabeeyo siyaasadda dowladda ee ah ganacsi xor ah,markaa waxaan ku baqaynaa in dibad jooguna ku kalsoonadaan maalgashiga ay ku samaynayaan dalkooda si loo wada manafacaadsado khayraadka uu ka midka yahay dhulka,Cimiladda iyo Nabadgelyadda allah ku manaystay dhulkaan “ Gudoomiye Tigey. Si kastaba ha ahatee waxaa deegaanadda Puntland kusoo badanaya shirkadaha Gaarka looleyahay eek u howlan dhismaha,Isgaarsiinta iyo wax soo dejinta iyadoo siyaasadda Puntland ee Ganacsiga ay ku cadahay in ganacsigu yahay mid Xor ah Xafiiska Wararka Allpuntland Gaalkacyo.
  3. The parliament is doing ok. I think a bit more interior designing and it's well under-way. The way it stands now is professional parliament!!! I see alot of the enemies of the state are ducking this topic because lets be honest its not so bad after-all
  4. Watch more videos from this paki woman, partying in our galkayo
  5. My god the journalists need to use high definition cameras and not bad quality cameras that produce poor picture quality. The parliament looks ok on TV
  6. Madaxweynaha Puntland oo Golaha Wakiilada hortagey 9 Jul 9, 2012 - 2:52:07 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 9 July,2012 golaha wakiilada Puntland hor geeyey xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo shalay golaha wasiiradu ansixiyeen kadib uu soo gudbiyey gurddiga doorashooyinka. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre iyo wasiirada xukuumadda ayaa qayb ka ahaa kulanka dhexmarey Golayaasha Dowladda Puntland. Hoolka barlamanka Garowe ayaa waxa uga socda mudanayaasha aqalka wakiilada Puntland kalfadhigoodi 28-aad oo ay ka doodayaan qodobo ay ka midtahay Siyaasada ,Amaanka ,dhaqaalah iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa warbixin dheer ka bixiyey muddadi ay kala mooganaayeen Barlamanka wixii u qabsoomey xukuumadda iyo halka ay mareyso siyaasada Somalia oo lagu wado in la dhameeyo xiliga KMG-ah 20-ka August 2012. Safarkiisi dibedda uu ku maqnaa ku dhowaad laba bilood ayuu ka waramey meelaha uu soo marey sida Ethiopia ,India ,Kenya ,Turkiga ,Imaaraadka ,Jabouti iyo guud ahaan kulamadii uu galay waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Horumarinta Puntland iyo in la iska kaashado dowladda iyo ganacsatadu sidii loo hirgelin lahaa mashaariicda iyo baraamijta horumarineed si loo gaaro himiladda la tiigsanayo. Dhinaca Somalia ayuu in badan ka hadlay oo uu sheegey in loo baahanyahay dowlad iyo shacab inay ka qay qaatan sidii loo soo xuli lahaa dadkii ku haboonaa inay Puntlan du matalaaan Somalia ego iyo xildhibaano iskugu jira. Waxa uu sheegey in Somalia Aduunku ku fiirsan doonin in ay ku sii jirto burbur islamarkaasina loo baahanyahay Somaalidu inay u istaagto hanashada dalkeeda sidii nabad iyo xasilooni looga dhalin lahaa. Garowe Online waxay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa khudbadii Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ka jeediyey golaha wakiilada Puntland maanta oo dhinacyo badan abaareysa islamarkaasina dhamaadkeedi la isku weydaarsadey aragtiyo iyo afkaar kala gedisan oo loo arkey inay tahay lagama maarmaan xasuusinteedu Halkan ka dhageyso khudbada madaxweynahu uu u jeediyey barlamanka http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_Golaha_Wakiilada_hortagey.shtml
  7. Ansixinta xeerka doorashada golayaasha deegaanka PL 8 Jul 8, 2012 - 7:02:57 AM GAROWE ONLINE Golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa maanta 8 July,2012 ansixiyey xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanada dowladda Puntland oo ay u soo gudbiyeen guddiga doorashooyinka Puntland. Waxa shir gudoominayey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo garab fahdiyey ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire iyadoona ay ka soo qaygaleen xubnaha guddiga doorashooyinka ka sokow wasiirada Puntland fadhigan aan caadiga ahayn. Golaha ayaa laga hor akhriyey dhamaan qodobadda 61-da ee uu ka koobanyahay xeerkani kadibna waxa laguda galay soo jeedino ku saabsan qodobadiisa ka hor intaan gacan taag loo qaadin codka lagu ansixinayey. Golaha Barlamanka ayaa xeerkani u gudbayaa si ay uga doodaan dhankoosa islamarkaasina ku daraan taladooda si uu u noqdo mid hirgala. Xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanada Puntland ayaa waxa ku cad waxyaabo farabadan sida Tirada golaha deegaanka ,shuruudaha laga rabo codbixiyaha ,goobaha cod bixinta ,habka doorashada, qaabka soo bandhigida musharaxiinta ,bilowga iyo dhamaadka ololaha doorashooyinka iyo wakiilada axsaabta ama ururada. Shalay mar uu saxiixayey madaxweynaha Puntland xeerka sameynta ururada siyaasada Puntland ayuu sheegey inay waa cusubi u baryey Puntland oo u talaabsatey habka nidaamka axsaabtan ka dib markii ay ku soo dhaqmeysey 14-kii sano ee la soo dhaafey habka wax ku qaybsiga qabiilka.
  8. Sheeko Dhexmartay Duqa Degmada Gaalkacyo & Qaar Kamid Ah Ardeyda Dugsiga Xalane Gaalkacyo (Sawiro). Posted by Gl1 on July 8th, 2012 Gaalkacyo (Pi):- Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa wuxuu maanta booqasho ku tagay Dugsiga hoose dhexe ee Xalane xilli dugsigaasi la furayay, wuxuuna halkaasi kula kulmay ardey yar yar oo dugsigaasi loo diiwaan geliyay si ay wax uga bartaan. Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa ardeyda badankood la kulmay isla markaana la yeeshay kulan iyo is xog wareysi ku aadan mustaqbalkooda, wuxuuna su’aalo dhawr ah ka waydiiyay waxa ay hiigsanayaan oo ay ku haminayaan. Qaar ka mid ah ardeyda oo uu Duqa Degmada Gaalkacyo la sheekeystay ayaa u sheegay in ay jecel yihiin in ay noqdaan Dhakhtar, Duqa Degmada iyo xilka Madaxweynaha arintaasi oo uu aad ugu qoslay isla markaana uu ku farxay Duqa Degmada Gaalkacyo. Ugu dambeyn Duqa degmada Gaalkacyo ayaa ardeydii uu la sheekeysanayay wuxuu kula dardaarmay in ay waxbartaan haddii ay waxbartaanna ay gaari doonaan xilalka iyo mas’uuliyada ay qalbiga ku hayaan isagoona ka wacyi geliyay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo waxbarashada ka reebi kara. Xafiiska Wararka Puntlandi ee Magaalada Gaalkacyo.
  9. Dawladda Hoose Ee Degmada Gaalkacyo Oo Ku Dhawaaqday Shirkadaha Lasiiyay Qandaraasyo Lagu Dhisayo Wadooyin & Suuq (Sawirro). Posted by Gl1 on July 8th, 2012 Gaalkacyo (Pi):- Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta shaacisay cidda ku guuleysatay qandaraasyo lagu dhisayo wadooyin iyo suuqyo gudaha magaalada Gaalkacyo. Qandaraasyadani ayaa noqonaya kuwa lagu dhisayo laba wado oo mid ka mid ah uu yahay laamiga weyn ee magaalada Gaalkacyo iyo suuq weyn oo laga dhisi doono magaalada Gaalkacyo waxaana u tartamay qandaraaska dhismaha wadooyinka iyo suuqa illaa iyo 18 shirkadood oo ah kuwa dhismaha, waxaana ku soo baxay saddex shirkadood oo ku guuleystay saddexda qandaraas ee ay mashaariicdooda heshay dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo. Kaaliyaha Xog-hayaha dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo Mudane C/jamaal Cabdulle Faarax ayaa ku dhawaaqay in tartankii shirkaddaha dhismaha ee 18 ka ahaa ay ka soo hareen saddexda shirkadood ee Global, Nasteex iyo Elgar kuwaasi oo helay sida uu sheegay Kaaliyuhu dhismaha wadooyinka iyo suuqa. Shirkadda Global ayuu sheegay Kaaliyuhu in ay ku guuleysatay dhismaha wadada laamiga ah oo laga dhisayo inta uu ka burbursan yahay ee magaalada gudaheeda ah, waxayna shirkaddu soo gudbisay oo lagu qaatay $77,000. Shirkadda Nasteex ayuu sidoo kale Kaaliyuhu shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay dhismaha suuqa xerada Dayax iyadoo shirkadda lagu qaatay qorshaha ay soo gudbisay oo ahaa $54,853 in ay ku dhisayso suuqa. Shirkadda Elgar ayaa iyaduna ku guuleysatay dhismaha wado jey ah oo dhexmarta xaafada Israac gaar ahaan xeradii hore ee Daraawiish, waxaana ku kacaya dhaqaale gaaraya $31,799 oo ah qorshaha shirkaddu soo gudbisay. Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo Shirkaddaha qandaraaska helay ayaa kala sixiixday heshiis kaamil ah oo labada dhinac shaqada dhexmaraysa ka dhigaya mid aad u adag waxaana shuruudaha ay kala sixiixdeen ka mid ahaa. In wajiga koowaad shirkaddu is kharash gareyso 40%, haddii ay shirkaddu ku fashilanto qandaraaskana waxaa loo qiimaynayaa waxay shirkaddu qabatay, waxaana looga faa’ideynayaa qandaraaslaha xigay sida uu sharcigu qabo. Mashruucani ayaa ah mid ka yimid Ururka Midawga Yurub, waxaana la soo mariyay Hay’adda ILO, waxaana heshiiska qandaraaska lagu siinayay shirkaddaha sixiixay Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax. Xafiiska Wararka Puntlandi ee Magaalada Gaalkacyo.
  10. DRC oo Gaalkacyo mashaariic hormarineed ka fulisay (Sawirro) Gaalkacyo (RBC Radio) Hay,ada Danish Refugee Council (DRC) xafiiskeeda Gaalkacyo ayaa maanta dawlada hoose iyo bulshada xaafadaha magaalada ku wareejisay Todobo mashruuc oo isugu jira suuqyo ganacsi oo yaryar, Biyo booli iyo goobo waxbarasho kuwaasoo baahi ay u qabeen bulshada magaalada. Mashaariicdan ayaa maanta waxaa xariga ka jaray Duqa Gaalkacyo Col Siciid cabdi faarax iyadoo goob joog ay ahayd Faadum max’ed cigaal xiriiriyaha DRC Gaalkacyo iyo qaar ka mida hawl wadeenada xafiiska DRC Gaalkacyo. Duqa magaalada Gaalkacyo Siciid cabdi faarax ayaa bulshada loo dhisay xarumahan ganacsi, waxbarasho iyo biyo booli wuxuu ugu baaqay inay oga faa, iidaystaan sidii loogu tala galay isla markaana aysan iska dayicin, Mashaariicdan ayaa laga kala dhisay xaafadaha magaalada waxaana loogu kala qayqabiyay laamolaamo israac 2,3 ayaa laga furay labo suuq halka israac 5 iyo Hormar 1 waxaa laga hir galiyay labo school garsoor 2,3 waxaa iyaguna laga furay labo suuq iyadoo xaafada Hormar 3 laga hir galiyay biyo booli. Faadumo max’ed cigaal xiriiriyaha DRC Gaalkacyo ayaa iyaduna xarumaha mashaariicda laga furayay waxay ka sheegtay inay barnaamijyadan markii hore dalbadeen bulshada sidaas daraadeedna ay u fidiyeen bulshooyinka u baahan qaybahan kala duwan ee mashaariicdaa. Dadkii daganaa deegaanada laga hir galiyay mashaariicdan todobadaa ee ay fulisay Hay,ada DRC ayaa si weyn u soo dhaweeyay waxayna sheegeen inay ka faa,iidaysan doonaan iyadoo maamulka magaaladana ka codsadeen in laga war hayo xarumahan. Hor joogayaasha laamaha mashaariicdan laga sameeyay ayaa soo dhaweeyay hawlahan waxayna aad ugu mahad celiyeen dadaalka dheerigaa ee ay galisay Hay,ada DRC. Mashaariicdan ayaa gabi ahaanba ka siman xaafadaha ku yaala magaalada Gaalkacyo iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay DRC mashaariic hormarineed oo ay bulshada u baahan yihiin ay fuliso Gaalkacyo iyo guud ahaanba Puntland. Waxaa Qoraalkaan iyo Sawiradaba Raxanreeb soo Gaarsiiyey C/risaaq Cali ccsilvar5@gmail.com
  11. http://unhcr.org/v-4faa6d9f6" frameborder="0" allowfullscreen>
  12. Madaxweyne Faroole oo qalinka ku duugey xeerka axsaabta siyaasadda ee Puntland [Dhegeysi+Sawiro] Updated:- 5 hours ago| 9 Commnets Madaxweynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa qalinka ku duugay xeerka axsaabta siyaasadeed ee Puntland kaas oo ay dhowaan soo ansixiyeen goleyaasha wasiirada iyo baarlamaanka ee Puntland. Kulankan uu madaxweynuhu xeerkan ku saxiixay oo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo gudoonka gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, wuxuuna sheegay in gudigu intii uu jirey uu hawlo badan qabtay. Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in waxyaabaha la taaban karo ee ay qabteen ay kamid yihiin: daah furka Dastuurka, afti u qaadistii Dastuurka iyo diyaarinta xeerka axstaabta. Madaxweynaha oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey gudiga doorashada isagoo xusay inay dadaal iyo karti dheeri ah muujiyeen, islamarkaana ay howl adag qabteen. Wuxuuna intaas kadib si rasmi ah qalinka ugu duugay xeerka axsaabta siyaasadda oo ay dhowaan golaha baarlamaanku dood dheer kadib cod aqlabiyad leh kusoo ansixiyeen. Dhegeyso Codka Madaxweynaha Talaabadan ayaa noqonaysa mid soo dhoweyneysa balan qaadkii ay xukuumadda hadda jirtaa horay u samaysay ee ahaa in doorashooyinka soo socda lagu geli doono hanaanka Dimuqraadiga ah ee axsaabta badan. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed Media Garoowe Dhegeyso Codka Gudoomiyaha Doorashada Dhegeyso Codka Madaxweynaha http://horseedmedia.net/2012/07/07/madaxweyne-faroole-oo-qalinka-ku-duugey-xeerka-axsaabta-siyaasadda-ee-puntland-dhegeysisawiro/
  13. Somalia niyahow berbera haday wax taalo way ka muuqan lahayd. Naga daa sheekadas daciifka ee propaganda
  14. Business is doing just fine, better then ever from what people at the ground are saying!!!
  15. Puntlander walking away and contemplating development
  16. Photo News: isbadalada Qardho ee sanadkan [sawiro +Warbixin] July 3, 2012 // Faallooyin Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa ay ka mid tahay magaalooyinka waawayn ee Puntland ,sanadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada siweyn looga dareemay horumaro la taaban karo oo la xiriirta dhincayada amaanka,ganacsiga,goobaha waxbarshada,dhismayaasha iyo mashruuca dhiraynta iyo ilaalinta deegaanka oo la oran karo waa deegaanka ugu wanaagsan ee ku haboon dalxiiska iyo deegaanka dalkeena Soomaaliya. Xiliyadan oo kalle magaalada Qardho waxaa siweyn usoo buux dhaafiya boqolaal kun oo qof oo ka yimaada magaalada ganacsiga ee Boosaaso iyo dalka dibadiisa. Cimilada magaalada ayaa siweyn usoo jiitay inta badan dadwayanha kunool deegaanada Puntland iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, iyadoona shacabkuna ay siweyn ugu diirsadeen roobaabkii guga ee ka curtay gobolada kale gedisan ee dalka. Puntlandnews24 Qardho
  17. Garoowe: Xaflad loo qabtay arday ka qalin jebiyey Jaamacadda Culuumta iyo Tiknoolojiyada ee Yemen [sawiro] Updated:- 29 mins ago| 0 Commnets Waxaa kuliyadda tababarka maxalimiinta ee Garoowe lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalan jabinayeen arday qaabka Onlinke wax uga bartay Jaamacadda culuumta iyo Tiknoolajiyada ee dalka Yemen. Waxaana kasoo qayb galay madax kakala socotay dowladda, howl wadeenada Xafiisyada Jamacadda ee Soomaaliya iyo Puntland, barayaasha Jamacadaha Gudaha, mas’uuliyiin ka socota dalka Yemen , Ganacsato Isimo iyo marti sharaf kale oo badan. Cismaan Abshir Nuur oo ah madax xafiiska Puntland ee Jamacadda Culuumta iyo Tiknolojiyadda ayaa daah furay xafladda isagoo xusay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo qaabkii loo hirgalinayey jamacaddan in si online ah ay ardayda Soomaaliyeed wax uga bartaan. Cisamaan ayaa intaas raaciyey in ay soo kordhiyeen Kulliyado cusub oo aad loogu baahnaa islamarkaana ay jaamacadani tahay mid shahaadadeeda laga aqoonsaday aduunka oo dhan. Dr.Ridwaan Maxamed Xirsi oo isna ah wakiilka Soomaaliya iyo geeska Africa ee Jaamacadan ayaa intaas kadib qaatay hadalka. Waxaana uu ka hadlay jaamacada iyo meelaha ay soomaaliya xarumaha ku leedahay isagoo xusay in dalka laga hirgeliyey jamacaddan 2002, ayna xarumo ku leedahay magaalooyinka Mudisho ,Hargaysa iyo Boosaaso . Cisaam Qaalib Racad oo isagu ah mas’uulka Yemen u qaabilsan arimaha ardayda jaamacadaha wax ka barta ayaa sheegay in jaamcada la furay sandkii 1994 ayna xiligan ka jirto dalal ay tiradoodu 17 tahay. Mr. Qaalib ayaa sidoo kale sheegay in Jaamacada Culuumta iyo Tiknoolojiyadu ay noqotay jaamacadii ugu horeysey ee nooceeda ah uu ku guuleysata abaalmarinta tacliinta furan ee dalalka Carabta. Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland C/raxmaan Diiriye Carab oo soo gaba gabay xaflada ardaydan gudoon siiya shahaadooyinka ayaa xusay in jamacda ay ku soo dhawyanyaan deegaanda Puntland hadii ay doonayso in ay dagto ayan siin doonaan dhulkii ay xarunta ka dhisan lahayd. Waa markii ugu horeysey ee arday ku sugan deegaanada Puntland ay qaab online ah wax uga bartaan Jaamacadda culuumta iyo Tiknoolojiyada ee dalka Yemen. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed Media Garoowe
  18. GAROOWE : Wasaaradda Waxbarashada PL oo baabuur lagu wareejiyay July 5, 2012 5:27 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxey laba baabuur oo midkood uu yahay Bas loogu talagaley in lagu qaado qalabka lagu tijaabiyo Laybartooriga ee loo yaqaan Mobil Science iyo gaari Laanguruusar ah, waxayna kala wareegeen hay’adda AET. Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Diiriye Carab iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdiwahaab ayaa gaadiidkan kala wareegey Mr. Cabdixakiin oo ah masuulka ugu sareeya ee AET Puntland, waxayna masuuliyiintan u mahadnaqeen hay’adda baabuurta ku wareejisey waxayna sheegeen in ay aad uga faa’iideysan doonaan. Mr. Cabdixakin, ayaa waxa uu sheegey in ay ugu talagaleen in Wasaaraddu ay ka faa’iideysato si bulshada loogu shaqeeyo. Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo hay’adda AET ayaa si wadajir ah uga wadashaqeeya arimaha Waxbarashada Puntland. Puntlandpost.com