Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Wasaarada Beraha iyo Waraabka Puntland oo ku howl jirta in ay dhawaan Qeybiso Geedka Timirta (Sawirro) Comments (11) | Write Comment Garoowe (RBC Radio) Dhirtan ayaa waxa lagu bar baarinayaa Dhowr Goobood oo kala duwan oo ku yaal Degmoouin kamid ah Puntland axaan ay ku jiraan Gobaha Bar Baarinta Dhirta mudo Dhan 9 Bilood waxaan ka mid ah gobaha ay kujiraan Dhirtan Sida Karin,Dharoor,Iskushuban, waxaan ay wasaaradu ku mashquulsan tahay sidii dhawaan dhirtan lo garsiin lahaa dadka Beeraleyda ee ku nool Deegamada Puntland waxaan lo qorsheeyay Qarkamid aha gobolada Puntland Sida Bari,Nugaal iyo Kar Kaar waxaan Qeybinta ama Keenida Dhirtan Garaysa 6075 oo Geedka Timirt ah iska Kaashaday Wasaarada Beeraha iyo Waraabka iyo Hay’ada CEFA FAO. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Maxamed Shiikh ibraahim oo uga Warbixiyaya Shabakada RBC mar ay Xafiiskiisa an ku booqanay ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan la rajeenayo in dhirtan la gaarsiiyo Goobaha ugu wanagsan ee la is dhihi karo waa ay ka baxayaan Geedahan Timirta ah waxaa kale oo uu Wasiirka ka warbixiyay Gorta La bixin doono waxaan uu tilmaamay in la bixin Doono Bisha October ee Fooda nagu Haysa. Timirta ayaa waxaa ay yihiin kuwa ka duwan kuwii hore ee logu beeran jiray dalka Waxaan laga keenay Wadanka Dibadiisa Gar ahaan Dubia waxaan ay kaga duwan tahay Timirta ka baxda Soomaliya waxaana ay ku dhalaysaa ama ay ku bislaanaysaa mudo garaysa 3-sano halka kuwa dalka ka baxa ay ku bislaadan ama ay ku dhaso mudo garaysa 5-6 Sano. Deegamada Puntland Gar ahaan Gobolada Bari waxaan timirta inteeda badan laga keenaa sida halak loo yaqaan Laag Karin iyo meelaha ku dhaw dhaw waxaadna arkeysaa xiliyada aad safarka u aado dhulalkaasi in laamiga laguugu keenayo Timirta iyadoo Bisil. Mahad Abdi Ali nakal143@gmail.com Xafiiska RBC Garoowe
  2. Powerful Speeches yet again by Islan Cise and Farole
  3. Dhagayso: “Nimaan talinjirin haduu taliyo, nimaan tagi jirin baa taga” Islaan Ciise Islaan Maxamed. Posted by PI on August 19th, 2012 Garowe(Puntlandi.com):- Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa Madexdii dhaqanka ee maanta bulshada weynta reer Puntland ee soomaaliyeed kula tukatay salaadii Ciidul-fitriga Garoonka Mire aware ee magaalada Garowe ayaa khudbad aad u kulul u jeediyay dadweynihii garoonka isugu yimid iyo guud ahana kuwa Puntland ee warbaahinta tooska ah kala socotay. Islaanku wuxuu khudbadan jeediyay iyadoo ay madasha fadhiyaan Madexda sare ee dawlada Puntland oo uu horkacayo Madexweyne farool wuxuuna aad uga hadlay xaalada wadanka iyo maamulka deegaanka ee hada jira. Halkan ka dhagayso khudbadii Islaan Ciise Islaan Maxamed http://puntlandi.com/?p=41311
  4. President Speech http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Sidee_looga_Ciidey_Garowe_maanta_Sawirro_Cod.shtml
  5. Daawo Sawirada Sida looga ciiday Magaalada Boosaaso August 19, 2012 - Written by Webmaster - Edited by Webmaster Boqolaal Dadweyna Ayaa Maanta isugu Soo Baxay magaalada Bosaso Kuwaas oo Weynaynayey Maalinta Koowaad Ee Ciidula Fidriga Dadkan Ayaa Waxaa Kamuuqatay Farxad aad uweyn Maadama Ay Si Nabad Ah Ku Dhamaeysteen Bishii Barakaysneyd Ee Ramadaan. Dad Aad Uafara Badan Ayaa Isugu Yimi Garoonka Kubada Cagta Eee Magaalada Bosaso Si ay Ugu Tukadaan Salaad Ciida Sidoo Kale Waxaa Halkaasi Goob Joog ahaa Masuuliyiita degmada Bosaso iyo Maamulka Gobolka Bari isimo Culimo,awdiin iyo Boqolaal Ad aad Ufaraxasan. Salaada Kadib Ayaa Waxaa Madasha Hadalo Kooban Kajeediyay Madaxda Dawlada Cullimo iyo Isimo. Sheekh Yuusuf Reeryo oo Kamida Culimada ugu Caansan Deegaanada Puntlan ayaa Shucuubta Islaamaka Gaar ahaan kuwa Somaliyeed ug Hambalyeyay Munaasabada Ciida isagoo Sheegay Shiikhu In Ciidan Ay Kamid Tahay Ciidaha Islaamaka Wuxuuna Dadkii Madasha Kasoo Qayb Galay Ku Booriyay in ay Waxtaraan Dadka Aan Haysan Waxay Kuciidaan Sida Ganacsata iyo Dawlada oo ugu Yeeray in ay Dadkaas Waxtaraan. Sidoo Kale Waxaa Isna Goobta Kahadlay Duqa Degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo Isna Munaasabada Ciida Shacbka Reer Bosaso ugu Ham Balyeyay Isagoona Dadka Muslimiinta ah Ku amaanay Sidii ay usoo Guteen Mid Kamida Arkaanta ISlaamka Kaas oo aha Ramadaanka. Xasan Cabdalle Duqa Bosaso Wuxuu Ganacsatada Ugu Yeeray In Ay Maanta Ka Farxiyaan Dadka Barakacayaasha ah Maxaabiista iyo Dadka aan Waxba Haysan . Yuusuf Muumin Bide Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Bari Ayaa Isna Munaasabada Ciida ugu Hambalyeyay Shacba Reer Puntland Isaga oo Sheegay In uu Shacabka Gobolka Bari uga Sido Salaan uu Soo Diray Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud. Ugu Danbeytii Waxaa Munaasabada Soo Xiray Suldaan Bashiir muuse Kawnte oo Kamida Salaadiinta Puntland Wuxuu isna Shacbka Reer Putland ugu Hambalyeyay Munaasabada Ciida Wuxuuna Sidookale Suldanku Shacabka Ku Booriyay Ka Shaqaynta Amaanka. Magaalada Bosaso Ayaa Maanta Siwanaagsan Looga Ciiday Iyadoo Wadooyinka Waaweyn ee Magaaladana Ay isugu Soo Baxeen Boqolaal Dad Weyna ah . DAWO SAWIRO
  6. Sidee looga Ciidey Garowe maanta (Sawirro & Cod) 19 Aug 19, 2012 - 3:09:03 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 19 August,2012 kumanaan dadweyne kula tukadey Salaada Ciida garoonka kubadda cagta magaalada Garowe ee Mire Awaare. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,wasiirada xukuumadda ,mudanyaasha aqalka wakiilada ,odayaasha dhaqanka ,qurbajoog ,aqoonyahano ,culimo iyo kumanaan kale oo dadweyne ah isuguna jirey dhalinyaro ,haween yar yar iyo duqeyba iska leh ayaa si wadajir ah ugu tukadey Mire Awaare. Ka hor Salaada Ciida ayaa khubado kooban madasha laga soo jeediyey oo Culimadu door ku lahayd bilowgii islamarkaasinay ka shekeeyeen fadliga ay lahayd Bishii Ramadan aynu soo dhaagney iyagoona Alle uga baryeyey in Soonka uu ka aqbalo dhamaan umadda Islaamka ah. Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa dhankiisa u duceeyey umadda in ilaahay nabada iyo xasiloonida u xoojiyo waxana uu ku booriyey dadka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka nabadgelyadiisa loo xaqiijin lahaa. Islaanku Somalia waxa uu sheegey in maanta ay mareyso xaalad adag oo u baahan in la iska kaashado sidii wadajir looga gudbi lahaa is loo gaaro dowaldnimada aynu tiigsaneyno. Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha diinta Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa isna kalamado kooban ka yiri meesha waxana uu xooga saarey amaanka iyo dhamaan dhinacyadu iska gacan qabtaan xoojintiisa. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole ayaa lagu soo dhaweyey oo u hanbaleyey dadweynaha munaasabada Ciida awgeed ,waxana uu soo qaatey arrimo dhowr ah oo kamid ahayd Amaanka ,Dhaqaalaaha iyo weliba halka ay mareyso hawsha geedi socodka nabada Somalia. Amaanka ayuu ku celiyey madaxweynuhu in saameyn ku yeeshey barakacii koonfur Al-shabaab looga saarey fariisimo badan isagoona meesha aan ka saarin in dilalka qorshaysani yihiin qorshe argagixiso oo u siyaasadeysan qaab qabiil. Madaxweynuhu waxa uu qirey mar kale in dhaqaalaha Puntland hoos u dhac ku yimid iyadoona ay dhacdey in shilinkii Somaliga la waayo islamarkaasina Doolarku uu ku bato suuqyada. Waxa uu sheegey in lacago la soo sameynayo oo ka dhaqan galaya dalka marki ay dhalato dowladda Soomaaliyeed ee haatan hawsheedu socoto isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in dhibaatada dhaqaale ay ku tagi doonto imaatinka lacagahaasi. Ganacsatada ayuu raaciyey inasan bixin cashuuraha iyo dadka guud ahaan si loogu shaqeeyo waaxyaha kala duwan ee dowladda waxana uu tibaaxey Dr.Farole in canshuurta lacagta ay dadku ku bixiyaan dib ugu soo laabaneyso oo faa’ido u noqoneyso sida amaankooda oo laga shaqeeyo. Xulista mudanayaasha Barlamanka Somalia iyo faragelin iyo cabsi gelin lagu hayo xubanah guddiga farsamo ee xulista xubnaha ayuu soo qaatey isagoona cadeeyey inay jiraan dad ka soo horjeeda nidaamka Federaalka oo jagooyin sar sare dalka tartan ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen. Wadooyinka waawey ee magaalada Garowe ayaa dadweyne faro badan iyo gaadiid lagu arkayey iyadoona la is weydaarsanayey ‘’Ciid Wanaagsan’’ ‘’Ciid Mubaarak’’,waxana sidoo kale jirey caruur iyana si qurxoon loogu labisey kuna watey gacmaha qalabka kala duwan ee ciida ku ciyaaraan. Bahda Garowe Online Umadda Somaliyeed ayay ugu tahniyadeyneysaa Ciida Barakeysan waxana alle uga rajeyneynaa sanadkan sanadkiisa inaan ku gaarno Nabad ,Guul iyo Somalia oo mid ah. Halkan ka dhageyso khudbadda Madaxweynaha Puntland ee Ciida Halkan ka daawo sawiradda sida looga ciidey Garowe Maanta
  7. Support the region please. Watch and learn, lagama doodo horumarka ee wax ba laga barta!!!
  8. Saadaal cida Madaxweynaha ku guuleysanayso oo Shacabkamedia baaritaan-dheer oo cilmiyeeysan ku samaysay? Written by Administrator Saturday, 18 August 2012 03:39 Tooshka Shacabkamedia ayaa baaritaan-dheer iyo dabagal-cilmeyeysan ku sameeyay saadaal hordhac ah oo aan ka samaynay codadka la filayo inay kala helaan 3-da Musharax ee ugu cad-cad Musharaxiinta. **********NO CLAN NAMES PLEASE*************
  9. Taariikh Muhiim ah , Jaanis-yada Muhiimka ah ee Puntland u furan Mustaqbalka Hurdiya iyo Xaafuun (Daawo Filmka). August 17, 2012 4:37 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Ma og tahay puntland-eey, in dowladii Talyaanigu waqtigii ay Xooga ku qabsaday Deegaanada W/bari ee hadda loo yaqaan Puntland in ay qiimeeyeen in deegaanada Bariga fog ee Hurdiya iyo Xaafuun oo badeedu ay tahay joog hoose oo laga samayn karo cusbo badan. Waxaa warbixinta lagu sheegay in deegaanada Hurdiya iyo Xaafuun laga daabuli karo Aduun cusbo ah oo gaaraya illaa 3000 oo tan sanadkii laga qaadi karo. Haddaba maxay sameeyeen dowladii Talyaanigu Markii ay qiimeeyeen Talyaanigu in deegaanada Xaafuun & Hurdiya laga daabuli karo Cusbo intaas le’eg waxay sameeyeen qaabkii mashruucaas loo hirgelin lahaa, waxayna ka sameeyeen deegaanadaas kana dhiseen qalabkii fududayn lahaa samaynta iyo soo saarida cusbadaas, waxaana qalabkaas lagu rakibay Xaafuun iyo Hurdiya labada, waxaana Filimka Youtube-ka ka arki doontaa qalabkaas casriga iyo sida Cusbada laga soo saari jiray deegaanadaas loo samayn jiray. Talyaaniga markii ogaaday fursadaas waxay ka sameeyeen oo kale Warshada sii sifeysa Cusbadaas laga taagay Magaalo lagu magacaabo Dante oo ku taala deegaan u dhow magaalada Milano, warshadaas lagu dhisaayey 4 sano, si ay u baakadayso una xirxirto Cusbadii laga qaadayey Xeebaha Hurdiya & Xaafuun. Cusbadaas oo laga dhoofinayey deegaanada Xaafuun & Hurdiya illaa 6 sano ku dhowaad, barnaamijkaas masii socon , waxaana markii danbe deegaanadaas la wareegay dowlada Ingiriiska ,islamarkaasna qalabkii ka rartay deeganada Xaafuun & Hurdiya. Talyaaniga ayaa ku qiimeeyey haddii ay sii socon lahayd barnaamijkaasi in Cusbada laga soo saaro Xaafuun & Hurdiya ay noqon karo mida ugu badan ee laga soo saaro dunida caalamka ,isla markaasna ah mida ugu wanaagsan. Nimcada deegaanadaas illaahay ku manaystay weli dadka reer Puntland kuma baraarugsana , shidaal kaliya maahee waxaa jira Kaluun, Beero, Durduro , macdan, illaahay hana waafajiyo inaan garano nimacada dhulkeena ceegaagta. Faafinta Puntlandpost.com
  10. Magaalada Boosaaso oo Laga Dareemayo Diyaar garowga Ciidul-Fidriga iyo Barakacayaasha oo Baaq Diray [sawirro] Comments (2) | Write Comment Boosaaso[RBC Radio] Iyadoo maalinta berrito ah haddii EEBE idmo la filaayo in guud ahaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaana kuwa Soomaaliyeed ay si farxad u wada Ciidi doonaan ayaa Suuqyada magaalada Boosaaso waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq balaaran oo dhanka Shabakadda Raxanreeb.com Xafiiskeeda magaalada Boosaaso ayaa maanta u kuurgalay dhaqdhaqaaqa ka socda Suuqyada waa weyn ee magaalada iyadoona dadweynuhu ay ka hadleen dareenkooda maalinta Ciidul-fidriga. Dadka qaar oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegaya in Ciidaan ay si weyn ugu diyaar garoobeen isla markaana ay ku farxsan yihiin in ay farxada la wadaagaan guud Muslimiinta meel kasta oo ay kunoolyihiin. Sidoo kale waxa ay cabasho ka muujiyeen qiimaha lagu Iibiyo dharka iyo kabaha iyagoona tilmaamay in kor loo qaaday qiimahoodu isla markaana waxa ay ka codsadeen ganacsatada in ay ugu naxariistaan fadliga Ciidul-fidriga awadeed. Dhanka kale ganacsatada ayaa iyana u sababeeyey qiima kororka dharka iyo kabaha ku yimid ay tahay doonyihiin la filaayey in ay agabka lagu Ciido keenaan oo ka baqay kooxaha Burcadbadeeda balse ay u qiima dhimeen macaamiishooda. Xiriiriyaha Guud ee Barakacayaasha magaalada Boosaaso Cali Barre Ismaaciil ayaa ka codsaday Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay ka farxiyaan Walaalahooda dhibaateysan ee aan haysan wax ay ku Ciidaan isla markaana waxa uu hambalyada farxada Ciida u diray guud ahaan dadka Barakacayaasha ah ee caalamka ku dhaqan gaar ahaana kuwa Soomaaliyeed.
  11. Magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka socota qaban qaabo xoogan oo loogu diyaar garoowayo ciida barakaysan ee Fidriga oo ay ka harsantahay maalmo kooban. Suuqyada dharka lagu iibiyo, baqaarada dharka, iyo goobaha kalle ee lagu farsameeyo macmacaanka sida xalwadda, doolshada iyo buksudka ayaa siweyn looga dareemayaa mashquul, waxaana meelaha qarakood aad ku arkaysaa dad waawayn iyo carruur isugu jira oo ka dukaamaysanaya goobaha oo dhan. Inkasta oo diyaar garoowgu jiro ayaa hadana dadwaynaha markaad waraysato waxa ay ka cabanayaal qiimaha doolarka lagu sarrifo oo gaaray heer aad u hoosaysa halka maciishada kallena ay kor u kaceen. Waxaana eedda ugu balaaran ay dusha ka saarayaan dhinaca dowladda Puntland. “Sida aad la socotaan maciishado iyo dharka waxaa uu marayaa heer aan awalkiisu gaarin, dadkuna waxaa ay noloshooda ku tiirsantahay lacago ay dadka dibadda jooga usoo diraan, laakiin nasiib daro $150 qoyskii bisha heli jiray maanta waxa ay u dhigantaa iyagoo hela $50 ama halmalyan waxba kuuma tarayso” sidaasi waxaa ku calaacashay Ruqiyo Maxamed Warsame oo ah haweeynay suuqa ka dukaamanaysay alaabaha ciidda. “Hargaysa oo Somaliland ah dowladooda waxa ay ku guulaysatay doolarka inuusan dhaafin qiimo ay dowladda joongoysay laakiin nasiib xumo xukuumada Puntland waan la yaabanahay waxa ay dhibaatdan dhaqaale wax uga qaban la’dahay shilin Soomaligana ay iyadu ay bangiyada ugu guranayso” ayay ku warantay haweenay diiday magaceeda oo suuqa Bosaso aanu kula kulanay. waxaa ay intaasi raacisay dowladdu inaysan lahayn damiir ay dadkeeda dhibaataysan ugu damqato. Dadwaynaha magaalada Boosaso waxaa ay sanadkan ciidayaan iyadoo qasaarihii ugu xumaa dhaqalaaha Soomaliya soomara ay ku habsatay suuqii ugu waynaa bariga Afrika ee Bosas oo ay ku xirnaayeen gobolada dhexe,Somaliland,Ismaamulka Somalida Itoobiya,Kenya iyo koonfurta dalka Soomaliya, waxaa gubtay hanti lagu qiimeeyay inay ka badantahay 15-milyan oo doolar dhamaadkii sanadkii tagay ee 2011-kii markii dab xoogan uu ka kacay suuqa dad badana ay waayeen waxa ay nolosha qoyskooda ku maareeyaan,hanti burburkii dabka ka dhashay awgiis. Dowladda Puntland ayaa iyadu u muuqata mid daawanaysa heerarka isrogroga ah ee ku dhacaya ascaarta iyo sarifka, dhibka ugu wayna lagu aanaynayo sh.so. oo suuqa ka baxay.
  12. Please guys what does this news mean for Galmudug when the former president still believes his president. The mayor of galkayo has welcomed the new president. The mayor of galkacyo and galmudug president ayaa siman!!!
  13. oh my god, cat law is in full effect right now. Somalia's leading state candidates are coming out of the wood works and declaring they're meal ticket to villa somalia. Oh my god there is going to be huge shake up in this election