Dr_Osman
Nomads-
Content Count
3,889 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Dr_Osman
-
Daawo sawirada dhismaha cusub ee Madaxtooyada Puntland(Dhismayaasha Dowlada ee Cusub) Posted by Pi on September 6th, 2012 Garowe(Puntlandi.com) Waxaa hada gacanta lagu hayaa in dhowaan lasoo dhameystiro dhismayaal loogu tala galay iney Dowlada Puntland dagto mustaqbalka dhow, dhismayaasha ayaa ka kooban Madaxtooyada oo iyada ka koobnaan doonta Xafiisyada Madaxweynaha iyo shaqaalihiisa gaarka ah, Xafiisyada Madaxweyne ku xigeenka iyo shaqaalihiisa gaarka ah, Xafiisyada Wasiiru Dowlayaasha, Xafiisyada Saraakiisha ugu sareeya Ciidanka iyo Xafiisyo kale oo dhowra, waxaa kaloo weheliya Qol wayn oo shirarka deg dega ah loogu tala galay iyo Hoolka Shirarka oo isna kooban. Dhulaka banaan oo aad sawirada ku arkaysaan waxaa laga dhigayaa beero iyo jandiirooyin lagu nasto. Dhimahaas ka kooban Xafiisyada oo isagu dabaqa ah waxaa iyana weheliya Dhismayaasha Degaanka ee Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenada iyo qaar kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada oo iyana helaya deegaan, waxaa kaloo dhismayaasha ka mid ah qaybta Ciidanka gaarka ah ee ilaaliya Madaxda Sare, oo xafiisyo iyo deegaan ka kooban, Barxado waaweyn oo beero laga dhigayo ayaa iyana weheliya, beerahaasoo qurxoonaanaya,baarkiyanka baabuurta oo isna habaysan, dhamaan dhismayaasha waxaa lagusoo wareejiyey Gidaar dheer oo aan cidna sinaba usoo jabin karin waxwalboo loo isticmaalo. Dhismaha Dowlada Puntland(Madaxtooyo casri ah oo waxwalba u dhan yihiin) waxaa gacanta laga qaadayaa oo dhismuhu soo dhamaystirmayaa dhowaan, waxaana dhismayaashaan oo ku yaal duleedka Magaalada Garowe loogu yeeri doonaa Deegaanka Dowlada, Sawirada hoos ka daawo
-
Xog rasmi ah: Reer Somaliland oo noqdey dadka ugu badan ee Puntland u yimaada qaadashada Baasaboorka Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya (Warbixin) Posted by Pi on September 4th, 2012 Garowe (Puntlandi) Laanta socdaalka iyo jinsiyaddaha dowladda Federaalka ah Soomaaliya ee Garowe ayaa dadka ugu badan ee Baasaboorada Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya ka qaata waxay yihiin dadka reer Somaliland, xiligan oo la isku diyaarinayo soo gudashada waajibaadkaka xajka xafiiska Garowe ee baasaboorada baxsha waxa uu ku jiraa xiligiisii ugu shaqada badnaa. Xarumaha laga bixiyo Baasaboorada ee Puntland waa Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo dadka ugu badan ee Baasaboorada Federaalka ka qaata waa dadka Somaliland sida ay ogaatey Shabakada Puntlandi oo baaris ku samaysay, Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaa baasaboorada ka qaata dadka masuuliyiinta ah iyo ganacsatada kuwaas oo diyaarad uga daga Boosaaso iyo Gaalkacyo halka kuwa Garowe ka qaatana ay yihiin dhalinyarada, waayeelka iyo haweenka aysan u suurta galin inay diyaar raacaan waxayna ku yimaadaan baabuur ay kasoo raacaan Boorama, Hargaysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale. Masuuliyiinta Wasaaraddaha Somaliland qaar kood sida agaasime waaxeedyada, madaxda mashaariicda ee Wasaaraddaha, Madaxda hay’adaha dowliga ah ee madaxa banaan ee Somaliland iyo Ganacsatada Somaliland waxay u yimaadaan Puntland qaadashada Baasaboorka cusub ee Soomaaliya si ay ugu safraan masuuliyiintu shirarka iyo tabobarada ay caalamka iyo wadamada dariska uga qaybgalayaan halka ganacsataduna ay ku aado Baasaboorka cusub wadamada Africa iyo carabaha ilaa Bariga fog si ay ugu suurta gasho inay ganacsigooda si xor ah ugu dhoofaan meeshii ay badeeco kasoo iibsanayaan. Mid ka mid ah masuuliyiinta Wasaaraddaha Somaliland oo wariyaha Puntlandi kula kulmey Garowe isagoo baasaboor soodoontey kana gaabsaday magiciisa waxa uu sheegay in baasaboorka cusub uu qaadanayo danta uu ka leeyahayna ay tahay inuu wadamada dariska u aado tabobar sida Kenya iyo Kampala oo labaduba aan ogolayn in baasaboorkii hore ee Soomaaliya lagu tago. masuulkan oo ah agaasime waaxeed waxa uu Puntlandi u sheegay in masuuliyiin badan ay Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso u yimaadaan qaadashada baasaboorka cusub oo aysan ahayn wax isaga uu bilaabayo balse uu hadda u joogo Garowe inuu baasaboorka qaato maadaama aan xafiis baasaboorada ah laga helayn Hargaysa iyo magaalooyinka Somaliland. Maamulka Somaliland waxa uu iskiis u samaystey Baasaboor kaas oo ah mid fadhiid ah oo aan meelna lagu aadi karin oo ay xukuumadu ku beerlaxawsato shacabkeeda in baasaboorka la aqoonsan yahay balse waxay runtu tahay in masuuliyiinta Somaliland ay intooda badani wataan baasaboorka cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hargaysa waxaa looga yaqaan Baasaboorka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya “Baasaboorka Cabdillaahi Yuusuf” oo ay ula jeedaan waxaa samaysatey dowladdii AUN C/laahi Yuusuf Axmed Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Somaliland waxay kaga dhoofaan Hargaysa iyo Barbara oo aykaga soo dagaan baasaboorkooda fadhiidka ah iyadoo marka ay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamka ah ka dagayaana ay soo dhawaystaan Baasaboorka Federaalka Soomaaliya uuna yahay Baasaboorkan midka ay Fiisaha dal ku galka ku dalbadaan waxayna marka ay garoomada ka dagaan lasoo baxaan baasaboorka Federaalka Soomaaliya iyagoo kan Somaliland ay leedahayna ay galiyaan meesha ugu danbaysa shandadaha ay masuuliyiintu wataan. Cabdi Yusuf Geeljir Puntlandi Garowe
-
It is happening all over the state. A great example is Bosaso lush green
-
Wadooyinka magaalada Garoowe oo la dhireeyay [Waraysi+Maqal] Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay magalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed waxa ka socday olale lagu dhiraynayo wadooyinka magalada,waxaana ka mid ah goobaha ay sida aadka ah lo dhireeyay hareera laamiga wayn ee dhex mara magalada. Howsha lagu dhiraynayo magalada Garoowe waxaa iska kaashaday Wasaarada Deegaanka Puntland iyo waliba Shirkada isbuunyadda ee Tabaarag oo gacanta ku haysa abuurista dhirta iyo qurxinta hareeraha laamiga. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magalada Garoowe ayaa si aad ah usoo dhaweeyay howshaasi ,waxayna ku tilmaameen hor ballaaran oo kusoo kordhay bulshada dhexdeeda,kaliya kuma eka dhiraynta magalada Garowe waxay sidoo kale ka socotaa magaalooyinka Puntland. Dhinaca kale Magalada Garoowe waxay lee dahay xarun wayn oo lagu kaydiyo dhirta ,taasoo qayb wayn ka qaadatay sidii dib loogu soo celin lahaa qurxinta magalooyinka Puntland.waxaana wali qorsha loo hellin sidii loo joojin lahaa isticmaalka dhuxusha oo saamayn xoogan ku leh deegaanka iyo waliba dhirta. Cabdicasiis Ismaaciil Garaad waxa uu ka mid ah saraakiisha sida wayn wasaarada deegaanka ula shaqeeya dhiraynta iyo qurxinta ,wuxuna warbaahinta Dunidaonline xafiiskeeda magalada Garoowe uga waramay qaabka ay dhirta loogu abuurayo magalada Garoowe iyo deegaano ka baxdan Gobalka Nugaal. Dhegayso Waraysi aanu la yeelanay Cabdicasiis Ismaaciil Garaad http://dunidaonline.com/index.php?id=7488
-
Madaxwayne Siilaanyo oo Fadeexad kala kulmay Madashii Tacsida Zenawi ee Adis Abeba Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilanyo oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay aaskii qaran ee loo samaynayay Ra'iisal wasaarihii hore ee Ethiopia Malez Sanawi, isla markaana uu xili aroortii hore ah ee mantana uu ka qayb galay goobta la yidhaahdo MASKAL Square ee magaalada Adis abeba oo lagu qabtay aaska ka hor munaasabad ay khudbado ka soo jeedinayeen madaxda caalamka oo dhan ayaa waxaa uu madaxweynuhu markii khudbaduhu dhamaadeen uu goobtaasi kala kulmay fadeexad caalami ah. Waxa hadalo fara badan ka jeediyay goobtaasi, madax farabadan oo caalamka ka tirsan, waxaana markii khudbadihii dhamaadeen loo sheegay madaxdii kulankaas ka qayb gashay inay fasaxan yihiin oo ay tagi karaan deegaanada ay ka degen yihiin Adis abeba, iyadoo marba dowlad iyo madaxdeedu ay baxayaan iyagoo ku sii jeeda deeganadooda. Markii loo yeedhay madaxda Soomaaliya ayaa waxaa hal mar si wada jir ah u soo baxay Madaxweyne Shariif, Ra'iisal wasaare Gaas, Madaxweynaha Puntland Faroole iyo madax kale oo wasiiro ka mid ahaayeen, waxayna u dhaqaaqeen hotelka Sharaton oo ay adis abeba ka deganaayeen. Nasiib daro Madaxweynaha maamulka Somaliland oo ay ahayd inuu dadkiisa Soomaalida ah dhinaca qabsado oo aanu ka hadhin, waa uu ka hadhay waxaana uu in mudo ah sugayay in loo yeedho isaga iyo madaxdiisa iyadoo la isticmalayo Dowlada Somaliland hase ahaatee ma aysan dhicin bacdamaa caalamku uusan wax aqoonsi ah u hayn Somaliland. Waxa intaas sii dheerayd fadeexadii maanta ka haleeshay Siilanyo Adis abeba oo ahayd in wax yar ka dib loo sheegay isaga iyo dad kale oo aan iyagu bixin laakiin sugayay inay baxaan waxaana lagu yidhi "Intiina hadhay sidaad doontaan ayaad u bixi kartaan" taas oo macneheedu yahay bacdama madaxdii caaalamka ee waaweynayd ay baxeen idinku waad bixi kartaan idinkoon haysan wax Title ah. Si kastaba ha ahaatee siyasiyiin caalami ah oo ka qayb galay madasha iyo kuwo kale oo Soomaali ah oo banaanka ka joogay ayaa arintan ku tilmaamay fadeexad iyo Jab uu la kulmay maamulka uu hogaamiyo Siilaanyo oo mudo ka badan 15-sano raadinayay aqoonsi dowladeed iyo gooni isu taag , isla markaana shacabka Somaliland ku beer laxawsanayay in la heli doono aqoonsiga. Sidoo kale waxaa madaxweyne Siilanyo iyo xukuumadiisa iyo shacabkiisuba ay Adis abeba kala kulmeen ilhaano weyn oo soo wajahday xilli ay sannado badan ku taamayeen inay helaan aqoonsi, sidoo kalena dowlada Ethopia ee deriska ay yihiin ay ku tuhmayeen inay wax u ogoashahay hase ahatee ay ******** in Ethopia iyo caalamka midna aanu u hayn wax aqoonsi ah. DunidaOnline.com Adds Abeba, Ethiopia
-
" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Dhismaha Idaacada Dowladda oo meel fiican maraya 2 Sep 2, 2012 - 1:58:44 AM GAROWE ONLINE Dhismaha Idaacada iyo Telefishinka Puntland ayaa si habsami ah shaqadu uga socotaa ,waxana masuuliyiintu warfaafintu sheegeen in dhowaan la dhamaystiri doono islamarkaasina markii ugu horeysey Puntland laga hirgelindoono warbaahin u gaar ah dowladda. Wasaarada Caafimaadka Puntland xarunteeda Garowe ayaa dhinaceeda Bari laga wadaa dhismahan oo haatan la taagayo Anteenadii Idaacadda. Idaacadan ku hadli doont afka Dowladda Puntland ayaa mowjadaha gaagaaban la dhagyesanayaa Short Wave halka FM ahaan Somalia looga wada maqli doono. Ilaa 60Mtr ayaa kor loo qaadayaa Anteenada Idaacadda waxana saraakiisha dhismaha gacanta ku haysa u xaqiijiyeen Garowe Online inay tahay mid tayadeedu sareyso oo ka duwan guud ahaan dalka Anteenooyinka laga isticmaalayo. Hirgelinta warbaahinta Puntland ayaa dowladda waxa ka taagereysa dowladda Tayaaniga oo qalabka ku deeqdey,waxana dhamaan laga dhur sugayaa xiliga ay hawada gelidoonaan. Duleedka Waqooyi ee magaalada Garowe ayaa laga wadaa dhismayaal badan sida wasaarada Cadaalada iyo xarunta madaxtoyada Cusub iyadoona la dhagax dhigi doono xarumo kale waxana ay noqon doonta Xaafada Dowladda (City of Government).
-
War ha is indha tirin dadow. MPKA hala soo daayo, I am following this issue very closely through other outlets and am quite disgusted with the conduct of the mogadishu society in relation to this. Let the MP go.
-
Wallahi odaygu took it overboard!!!
-
Puntland Is Back In The Race For The Presidency/PM Spot!!! Go Ina Gaas The Power Of The State is Behind you
-
Juuriloow ka Joog Jagadaas Nooma Qalantee [Maqaal] August 24, 2012 // Announcement, Opinion, Warar Somaali Waxaa beryahan isoo gaartay akhbaar si weyn u saameysay niyadeyda qof ahaaneed, waxay igu noqotay lama filaan markii Prof. Abdiraaq Juurile aan maqlay inuu damac iyo hunguri kahayo qabashada afhayeenka Baarlamaanka dowlada cusub ee dhalan doonta todobaadyada nagu soo fool leh. Inkastoo Prof. Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) yahay muwaadin dhab ah wax badan ka qabtay arrimaha Somalia iyo Puntland waxaan kaga hanweynaan lahaa inuu isku tijaabiiyo xilka madaxtinimada Soomaliweyn oo aan laga xigin, halka uu ka damcay Gudoomiye Baarlamaan oo reer Puntland abidkood aysan calman. Aragtidayda waxaan ku doorsan lahaa in xilkaas Prof. Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) ku soo baxo, iyadoo aysan reer Puntland wax xil ah haba yaraatee ka qaban 4-ta sano ee soo socota oo ay banaanka ka joogaan, Soomalina ugu faataxeeyaan bal sidii ay wax u maamulan karaan sheedana laga eegto, eed la,aan. Nin kamid noqday xildhibaanada cusub oo aan Muqdisho kala hadlay ayaan weydiiyey sababta Prof. Juurile isugu caleema saaray afhayeenimada Baarlamanka, mudanahaas ayaa iisheegay inuusan sababta garan karin xilli Dr. C/wali Gaas quud dareynayo madaxtinimada Somalia, laakiin wuxuu iisheegay in Prof. Juurile fikirkan kala soo hayaamay Puntland halkaas oo uu ka arrimiyo saaxiibiisa weyn Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Qof ahaan baaritaan dheer oo aan sameeyey waxaan ku ogaaday in Madaxweynaha Puntland qorshaha iyo fikirka is-sharaxaada Prof. Juurile wax ka ogyahay, hadaanuba ahayn kan ka dambeeya. Waxaa baaritaankaas aan ku ogaaday in Madaxweynaha Puntland uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba la garab joogsanayo Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) Anigu ma garan karo hiraalka iyo fikirka uu maanka ku hayo Madaxweynaha Puntland, marka uu afhayeen baarlamaan la doon-doonayo Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) hase yeeshee waxaan u qaatay ama ayba u badan tahay in Faroole uusan marnaba raali ka ahayn qof aan isaga ahayn oo ka soo jeeda Puntland in uu madaxweyne dalka ka noqdo. Afartii sano ee uu C/raxmaan Faroole daadihinayey mamulka Puntland waxaan ka baranay ayaa waxaa kamida inuu yahay siyaasi aad u faan jecel, wax kastana isaga isku hibeeya, waxaa kaloo taas ka daran ma ahan nin jecel inuu arko qof kasoo jeeda Puntland oo siyaasada kula loolami kara. Ugu dambayntii waxaan Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) talo ahaan ugu soo jeedin lahaa dhowr arrimood inuu ila qaato isagoo maanka ku haya mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo sumcadiisa qofnimo. 1- Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) adigoo xushmeynaya, qiima sarena u yeelaya waa inaad sida ugu dhakhsaha badan uga tanaasushaa kursigan afhayeenka baarlamaanka maxaa yeelay nooma cuntamo, xaqna uma lihin. 2- Gudida 5ta xubnood ee uu Dr. Gaas u xilsaaray inay kula hadlaan, kaana dhaadhiciyaan inaad taageero iyo wadashaqayn u muujiso musharax Dr. Gaas ama musharxiinta kale ee reer Puntland sida Al-Xaaji Maxamed Yaasin inaad taladooda qadariso. 3- Waxaan kugula talin lahaa mudane inaad ka fiirsato go,aanka aad qaadatay adigoo tixgelinaya siyaasiyiinta kale ee mudada dheer isu soo diyaarinayey inay hantaan talada dalka. 4- Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) waxaan kuu sheegi lahaa inaad hadii aad ku guuleysato kursigan ama weydo inaad siyaasiyiinta reer Puntland ee sharaxan aad ka hiilisay, ulana mid tahay kuwa ay rival- ka yihiin, sidaa daraadeed isku day inaad si miyir-qab leh uga fekerto kama dambaysta Go,aankaaga. ALLAA MAHAD LEH Abdirashid Kh. Cilmi
-
DEG DEG: C/risaaq Juriile oo Goordhow Ka Tanaasulay “Musharaxnimadiisa Afhayeenka Baarlamaanka”d Comments (0) | Write Comment Prof Juriile oo tanaasulay Muqdisho (RBC) Musharax Prof C/risaaq Cismaan Juriile oo ka mid ah lix musharax oo horey u sheegtay inay u tartamayaan xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa. C/risaaq Juriile oo hadal ka jeediyey kulankii baarlamaanka oo weli ka socda xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu goostay inuu ka haro tartanka maadaama sida uu sheegay ay jiraan rag kale oo ku haboon kursiga. “Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo in aan ka baxayo tartanka musharaxnimada afhayeenka baarlamaanka, waana tanaasulay anigoo og inay jiraan rag kale oo xilkaasi ku haboon iyaga ayaana ku taageerayaa” ayuu yiri Xildhibaan Juriile oo si weyn loogu sacabtumay. Hadda waxaa iska soo horay shan mudane oo u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka kuwaasoo kala ah; 1- Prof Maxamed Cismaan Jawaarey, 2- C/rashiid Xiddig, 3- Cabdi Xaashi C/laahi, 4- Cali Khaliif Galeyr 5- C/laahi Goodax Barre Dhanka kale waxaa weli sii socda khudbadihii ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada jagooyinka afhayeenka, afhayeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana khudbadaha dhageysanaya xildhibaanada cusub, guddiga doorashada, korjoogto ka socota beesha caalamka iyo suxufiyiin. La soco Raxanreeb warar dheeraad ah. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
-
welcom to garowe puntland
-
GAROOWE : Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo xariga ka jarey Hoteel qurux-badan (Sawiro) August 24, 2012 11:58 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa xariga ka jarey Hoteel qurux badan oo lagu magacaabo Aaran, kaas oo magaalada bilic iyo horumar ku soo kordhiyay. Cabdi Xirsi Cali Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo si rasmi ah u furey Hoteelka Aaran ayaa waxa uu sheegey in aad iyo aad ugu faraxsan yahay Hoteelkan islamarkaasna uu u hambalyeynayo Mulkiilaha Hoteelka, waxa uu sheegey in loo baahan yahay sida uu u qurux-badan yahay Hoteelka in lagu joogteeyo oo aan waxba iska badalin sida uu yahay iminka. Waxa uu sheegey in ay lagama maarmaan tahay in Hoteelka ammaankiisa uu ahaado mid sugan oo islamarkaasna nadaafada iyo quruxda ka muuqata ay ahaato mid joogto noqota. Daahir Maxamuud Xassan (Khayrdoon) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa waxa uu sheegey in ay aad u soo dhawenanayaan Hoteelka Aaran ayna ku faraxan yihiin, waxa uu sheegey in Hoteelkan uusan ka faa’iideysaneyn oo kaliya Mulkiilaha balse ay dad badan ay ka faa’iideysan doonaan oo uu Hoteelku Shaqaale qaadanayo kuwaas oo dadkooda wax ka tari doona, waxa uu sheegey in ganacsigu uu yahay wax laga wada faa’iideysto oo cidda kaliya ee leh aysan ka faa’iideysan. Agaasimuhu, waxa uu sheegey in ay lagama maarmaan tahay in nadaafadiisa iyo quruxda ka muuqato laga dhigo mid la ilaasho oo mar kasta sida laga horumariyo si uu mar kasta uu ahaado mid ay dadku uu xiisaan sida iminkaba ka muuqata. Mulkiilaha Hoteel Aaran Mr. Maxamed Cabdikariim ayaa waxa uu sheegey in Hoteelkan uu yahay mid casri ah oo dhaqaale badan ku baxey islamarkaasna uu doonayo in uu qanciyo Macaamiishiisa dhan kasta oo uu dhammaan baahiyaha Macmiilka oo dhan ka fakarey si uu ugu qanciyo adeega Hoteelka. Waxa uu sheegey in Hoteelku uu ka kooban yahay 12 qol oo Jiif ah, 2 qol oo adeeg ah, Kafateeriyo, Farmasi, waxa uu sheegey in qol kastaba uu leeyahay Tv, Internet iyo Taleefoon, waxa uu sheegey in dhammaan adeegyada uu u baahan yahay Macmiilku uu helayo isaga oo jooga Sariirtiisa oo uu Taleefon kaliya soo dirayo. Waxa uu sheegey in Hoteelka ammaankiisa uu yahay mid si weyn loo adkeeyay oo la shaqaaleeyay dad ka shaqeeya sugida amniga oo uu rajeynayo Insha’allaah in aysan wax dhib ah ka dhicin. Si kastaba, Hoteelka Aaran ayaa waxa uu ku yaal dhanka Koonfureed ee magaalada, waxaana uu saaran yahay Wadada Guureeye, waxaana uu dhanka Koonfureed kaga dhagan yahay Hoteelka Roorshe. Puntlandpost.com
-
Ciidamo ka soo goostey Khaatumo oo Garowe yimid 22 Aug 22, 2012 - 2:08:38 AM GAROWE ONLINE Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta 22 August,2012 waxa soo gaarey ciidamo ka soo goostey Maleeshiyo beleedka Khaatumo la baxdey waxana tiradoodu gaareysey ilaa 30 askari oo watey gadiidka dagaalka. Kantaroolka Koonfureed ayaa saxaafada waxa kula hadlay Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo sheegey in ciidamadan ku soo biireen kuwa Puntland oo markii horeba ka tirsanaayeen. Cabdi Qowdhan waxa uu cadeeyey in ciidamadan been loo sheegey oo la marin habaayiyey balse markii danbe ay garowsadeen in guryahoodi ku soo laabtan iyo ciidamadii ay horey uga tirsanaayeen. Ciidamada Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Taliyaha Ciidamada Danbi baaritsa Puntland (CID) Cabdifataax Cameey ayaa kulan wareedkan goob joog ka ahaa. Taliyaha ciidanka maanta Garowe soo gaarey Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Afgaab ayaa hadalo kooban isna siiyey Saxaafada oo dhinaciisa muujiyey in ay ku hungoobeen maamulo looga dhawaaqey gobolka Sool islamarkaasina ogaadey in aysan dan u wadin shacabka gobolkaasi. 2010 inuu ka tirsanaa ciidamada Puntland ayuu Afgaab tibaaxey balse uu dan moodey markii hore kooxdii SSC ee looga dhawaaqey halkaasi iyo Khaatumo oo ka danbeysey markii danbena uu ogaadey in siyaasiyiin dibad joog ahi qorshayaal kale wataana uu dib ugu soo laabtey ciidamadii Puntland uu ka tirsanaa. Sidoo kale madasha lagu soo bandhigey ciidamadan iyo gawaaridii ay wateen ayaa waxa tix gabay ah ka jeediyey Abwaan Cabdulaahi Maxamed Jibriil oo ku ku baraarujiyey ciidamada guud ahaan adkeynta midnimada reer Puntland. Halkan ka dhageyso codka Wasiirka ,Taliye Afgaab iyo Abwaan Jibriil http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ciidamo_ka_soo_goostey_Khaatumo_oo_Garowe_soo_gaarey.shtml
-
Bosaso Puntland Somalia
-
I wish more somalis were doing this.
-
Blackflash;858195 wrote: Good work! Hopefully we'll utilize greenhouses in the future as the extremely high evapo-transpiration rates and lack of canopy in northern Somalia will limit photosynthesis productivity in plants. I like to use Israel as a benchmark for agriculture has their landscape is similar to ours. They have devised new forms of drip irrigation and soil management to become a large scale food exporter. Imagine what we could do with the amount of arable land at our disposal. I agree 100%. It's time to move forward in Somalia!!! Lets hope this sets an example for other somalis that if Puntland can built one of somalia's largest city from basically a village and also make the most driest land in somalia green where starvation is unknown, then what is stopping other somalis from doing the same? Waa sucaal wayn ku aadan beelaha somaliyeed. Plus u have to remember the amount of investments we have in mogadishu is basically right at the top of the somali clans. Once that is returned you can imagine that at least 80% of puntlanders will just sell the property and invest back into Puntland.